Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maydigo Omar Yarow, a 60-year-old widow and mother of six, wakes up before dawn and heads to a livestock slaughter site on the outskirts of Baidoa to scavenge for discarded bones and hide. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Denmark ayaa maanta heshiis cusub ku saxiixay magaalada Muqdisho, kaasi oo Soomaaliya looga cafinayo deyn. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan oo dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee dowaldda Denmark ay ku laheyd Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo wasiirka maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen. Go’aankaas ayaa sidoo kale wuxuu waajibinayaa in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dowladda Denmark uga mahad-celiyay tallaabadan, isaggoo ku sifseryay saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee dalka “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya,” ayuu wasiir Biixi ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib. Waxaa xusid mudan in safiirka uu maanta wasiirka maaliyadda la saxiixday deyn cafinta ay dhawaan ku eedeysay Soomaaliya inuu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya. Inkasta oo dowladda Denmark ay raali-gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya ee safiirkeeda uu ka sheegay magaalada Hargeysa, ayey weli dowladda federaalka ka laaban yeeristii safiirka ee Arbacada, si su’aalo looga weydiiyo hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa. The post Somalia iyo Denmark oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo looga cafinayo… appeared first on Caasimada Online.
  3. In 2019, Hamza was the Chairman of the Jubaland Electoral Committee. He defended the electoral independence of Jubaland State. Mogadishu (PP Editorial) — Today, the Prime Minister of Somalia, Hamza Abdi Barre, lashed out at the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam. Hamza claimed that the Jubaland administration lacks the legitimacy to conduct presidential elections in Kismayo. The electoral dispute between the Federal Government of Somalia and Jubaland echoes a similar rift in 2019, when Mogadishu imposed an aviation embargo on Kismayo after Jubaland held presidential elections. In 2019, Hamza was the Chairman of the Jubaland Electoral Committee. He defended the electoral independence of Jubaland State. The Jubaland President rewarded Hamza for his loyalty and lobbied President Hassan Sheikh to appoint the former Jubaland Electoral Commission Chairman as the Prime Minister of Somalia in 2022. Ahmed M. Islam, the Jubaland President, has called for a nationwide consensus-based approach to national electoral matters. The Prime Minister’s statement on the Jubaland election reflects the short memory of a politician determined to make his words the rule of law. The Federal Government of Somalia attempted to render the 2013 Jubaland elections impossible by supporting a six-region administration declared in Baydhabo in 2012 and by arming Barre Hirale, a former warlord, to attack the new Jubaland forces operating in Kismayo after the liberation of the coastal district from Al-Shabaab. In 2019, President Hassan Sheikh Mohamud flew to Kismayo to attend the inauguration of the Jubaland President, yet in 2024, his Prime Minister labels the same electoral process as illegal. The Federal Government of Somalia is undermining peace in Jubaland in much the same way as the previous federal administration did. The Jubaland President rejects the 2026 electoral model proposed by the Federal Government of Somalia, which asked the Jubaland administration to extend its mandate by one year instead of holding presidential elections in2024. With Puntland and Somaliland outside the National Consultative Council, the Jubaland President has called for a nationwide consensus-based approach to electoral matters. For this reason, the position of the Prime Minister of Somalia is untenable. © Puntland Post, 2024 The post The Position of the Somali Prime Minister is Untenable appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) — Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xillka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, islamarkaana ay xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii aas-aasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd. Taliyaha cusub ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in laga doonayo dardar-gelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo kooxaha argigixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya. Mudan Xamza ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii xukuumaddan ay jirtay oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kamid yihiin; Qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay. Ku biirista bulshada bariga Afrika. Xubinnimada golaha ammaanka Qaramada Midoobay. The post Sawirro: Taliye Odowaa oo xilka la wareegay iyo arrin culus oo hortaalla appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadi sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd, wuxuunna sheegay in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo khawaarijta iyo kooxaha nabadda diiddan isagoo tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya. Mudan Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) — Hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa haatan ka shaqeynaya isku-day lagu rido xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha laftigiisa. Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka xoogga ayaa arrintaan ka sheegay, xilli ay meeshii ugu xumeyd gaartay xiisadda maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe. Ra’iisul wasaaraha oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland ayaa wuxuu si weyn u duray Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu isku caano shubo markale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hoggaamiyaha maamul goboleedka Jubbaland uu ka shaqeynayo qorshe lagu ridayo xukuumadda Dan-qaran, sida uu hadalka u dhigay Xamza. “Hoggaanka Jubbaland wuxuu rabaa inuu isku caano shubo iyo in la isku dayo in la rido Xukuumadda Dan-Qaran” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweyne Axmed Madoobe ma uu haysto sharciyad uu ku maamulo Jubbaland waxaana uga digayaa inuu adeegsado awood Ciidan”. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa farriin u diray shacabka Jubbaland, oo oo ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda, sidoo kale wuxuu faray ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda, ee ay diiradda saaraan howlgallada iyo xoreynta deegaannada Jubbaland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay ka socdaan abaabulkii ugu dambeeyay ee doorashada maamulkaasi, taas oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda federaalka, maadaama Axmed Madoobe uu doonayo inuu qabsado doorasho gaar ah. The post Axmed Madoobe oo ka shaqeynaya in la rido xukuumadda Xamza – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay munaasabad uu Xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Ciidamada Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubaland. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in uu isaga baxay dhammaan heshiisyadii dalka loogu jihaynayay doorashada qof iyo Codka ah oo uu markii hore saxiixay islamarkaana doorasho sharci-darro ah ka wado Kismaayo. “Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah” ayuu yuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada Jubbaland in aysan ku milmin khilaafka siyaasadeed ee taagan, Waxa uu uga digay Madaxweyne Axmed Madoobe in ciidamada maamul goboleedka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, isagoo sheegay in falalkaasi ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo. “Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka Jubaland burburaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Halkaan ka daawo Hadalka Ra’iisul Wasaaraha PUNTLAND POST The post R’iisul Wasaare Xamse: Waa sharci-darro hannaanka doorasho ee Axmed Madoobe ka wado Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPJQpQywnGUN8mR7TDaabVMPh_IiRM9AStLxw0fODOJ6r3pUcva6kaZskntY_umHzR9n67lbSLMYkNjsJRC62JZ.mp4 Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay sameeyeen ciidamada NISA lagu soo xiray Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. NISA ayaa sheegtay in ninkan uu halis ahaa, isla-markaana uu kooxda u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada. Hay’adda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Cabdinaasir uu cillad-bixiyay illaa 9 gaari oo qaraxyo loo adeegsaday, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan. Si gaar ah ninkan ayaa waxaa loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii hotel SYL oo loo adeegsaday gaari noociisu yahay Harrier oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo hadda xukunsane ah, sida ay shaacisay hay’adda Nabad-sugidda Qaranka. “Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA Soo qabashadan ninkan waxaa ka horreeyay laba xubnood oo kale oo maalin ka hor lagu qabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa isbitaallada, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan (Axmed yare). NISA ayaa sidoo kale todobaadkii hore gacanta kusoo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya. The post Ninkii Shabaab u sameyn jiray gawaarida qaraxyda oo usoo gacan galay NISA appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre has declared that Jubbaland President Ahmed Madobe is ineligible to run for re-election, citing Article 70 of the Jubbaland Constitution, which limits the President to two terms. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — At least four people were killed and two others injured in a landmine explosion targeting a civilian vehicle on the road between Afgoye and Wanlaweyn districts in Somalia's Lower Shabelle region on Sunday afternoon. Source: Hiiraan Online
  12. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si kooban uga hadlay khilaafka Jubland iyo dowladda dhexe ayaa sheegay in hoggaanka maamulkaasi uu faraha kula jiro fulinta qorsheyaal aan dan u ahayn ummadda Soomaaliyeed iyo qaranka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in hoggaamiyaha jubblaand uu qeyb ka ahaa shirarkii lagu jaangooyay in dalka laga qabto doorasho midaysan oo qof iyo cod ah,balse markii fulintii heshiiskaas la gaaray uu isaga baxay golaha wada-tashiga qaranka, islamarkaana uu diiday wax kasta oo laysku dayay in madasha loogu soo celiyo. Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu dembayn sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo inuu isku caana-shubo, islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshe la doonayo in Xukuumadda Federaalka lagu rido. wuxuu intaa ku daray inaan Madaxweynaha Jubbalaand haysan wax sharciyad ah oo uu doorasho ku qabto, ama deegaanka ku sii maamulo, maadaama intii jeer uu dastuurku u oggolaa uu soo dhammaystay, wuxuuna sheegay inaan waxa hadda Kismaayo ka socda la aqbali karin. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jublaand uu gaaray uu meeshii ugu xumayd, islamarkaana Jubbalaand ay billowday hannaan doorasho muddo gaaban lagu soo gaban gabaynayo. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul gobolka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay qulqulka qaxootiga Itoobiyaanka ee soo galaya gudaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Puntand Cabdi Saciid Faarax (Juxa) oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay in ku dhawaad illaa 30,000 oo qaxooti Itoobiyaan ay 10-kii bilood ee ugu dambeysay ay soo galeen deegaannada maamulka Puntland. Juxa ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeys ay ku hayso arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in qulqulka qaxootiga uu noqday mid xirgaha goostay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland aysan u awood u heynin xakameynta dadka Itoobiyaanka ee kasoo tallaabaya xadka, ayna sii kordhayaan tiro ahaan. “Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kordhay,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Saciid Faarax (Juxa). Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sii hadlayay ayaa intaasi kusii daray in wada-hadallo ay la yeesheen dowladda Itoobiya, isla markaana diiradda lagu saaray xakameynta qaxootiga iyo dib u celinta kuwa hadda ku sugan deegaannada maamulka Puntland. Waxaa kale oo uu ku booriyay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga in ay taageero degdeg ah u fidiyaan Puntland, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan deegaannada Puntland. Qaxootiga ka imaanaya Itoobiya kuma eka Puntland oo kaliya, waxay gaareen gobollo kale, sida Galmudug oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Oromada ku sugan deegaanadaas oo lagu eedeeyay inu biro aruurin ka sameeyeen gobollada dhexe. The post Ku dhawaad 30,000 oo Itoobiyaan ah oo soo galay Soomaaliya – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
  14. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Shabaab oo ka shaqeynayay sameynta iyo hubinta gaadiidka loo adeegsado qaraxyada. Ninkani oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji), ayaa ahaa makaanik xirfadle ah oo xubin muhiim ah ka ahaa shabakadda qaraxyada iyo naftood-haligayaasha Shabaab. Cabdinaasir Xaaji waxa uu u qaabilsanaa Shabaab cilad bixinta iyo hubinta gaadiidka kahor inta aan loo adeegsan falalka ismiidaaminta ah, isagoo si gaar ah ugu lug lahaa diyaarinta ilaa sagaal gaari oo loo isticmaalay weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Gaari Harrier ah oo dhowaan lagu qarxiyay hoteelka SYL ayaa ka mid ahaa gaadiidkii uu farsameeyay Cabdinaasir Xaaji, kaas oo deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri Ma Leedahay), oo hadda xukunsan sida ay sheegtay NISA. NISA ayaa caddeysay inay ka go’an tahay ciribtirka dhammaan xubnaha Shabaab iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa fulinta falalka argagixisada, iyadoo xoogga la saarayo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo xasilinta dalka. Source: goobjoog.com
  15. Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kadib markii saaka halkaasi lagu dilay guurti Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa odayaasha magaalada. Dadweyne ka caraysan dilka marxuumka ayaa muddaharaad ka bilaabay xaafado ka tirsan Ceerigaab, waxaase si xoog ah ku kala ceyriyay ciidamada ka amar-qaata Somaliland, sida ay soo sheegayaan goob-joogayaal kala duwan Ciidamada ayaa rasaas aan loo meel dayin u adeegsaday kala ceyrinta dadweynihii ka caraysnaa dilkii marxuum Saalax Maxamuud Cali Gurey, waxaana la sheegaya in ay jiraan shacab ku dhaawacmay rasaastaasi. Marxuum Saalax Cali Gurey oo kamid ahaa guurtida sida weyn loogu yaqaan hawlaha nabadaynta iyo dib u heshiisinta bulshada ayaa saaka lagu toogtay bartamaha Ceerigaabo, siday xaqiijiyeen qoyskiisa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen, islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka. PUNTLAND POST The post Magaalada Ceerigaabo oo gashay xaalad kacsanaan ah kadib dilkii caaqil Saalax Cali Gurey appeared first on Puntland Post.
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQM7dxCG78mu_cuC_3MpW3mO2naaPXAU9ugS3mxtbZXO7hxAzFk_YyFj8hHyUKpyznhxKteB-b28BFYO2b1cxfoj-1.mp4 Qaran News
  17. Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu saaka halkaas ku geeriyooday alle ha u naxariistee Yuusuf Xasan Ibraahim(Yuusuf Dheeg) oo soo noqday wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya. Danjire Yuusuf oo ahaa khabiir ciidan iyo diblomaasi sare ayaa wasiirka arrimaha Soomaaliya noqday xilligii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Faahfaahin dhammaystiran lagama hayo geerida Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim, balse warar lagu kalsoonaan karo oo ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa xaqiijinaya dhimashadiisa. Source: goobjoog.com
  18. Afgooye (Caasimada Online) – Macluulmaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal dhex maray maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo shalay iyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray kooxda dhexdeeda. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Jambaluul oo qiyaastii illaa 35 km u jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka dhacay dagaal toos ah oo dhex-maray maleeshiyaad ay kala wateen laba sarkaal oo ka wada tirsan kooxdaAl-Shabaab. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa xaqiijiyay jirtaanka dagaalka dhex-maray maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay iska laayeen xubno badan inta uu socday dagaalkooda. “Deegaanka Jambaluul ee u dhow degmada Afgooye waxaa kamid ah dhacdooyinka ka dhacay in iyaga ay isku laayeen deegaankaasi, shalay galabtii iyo maanta waxaa ka dhacay dagaal dhexdooda ah” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xubnaha dagaalamay ay isku qabteen arrimo la xiriira maamulka deegaanka, kadib markii xilkii laga qaaday mas’uuliyiinkii horay u joogay, mid kale oo lasoo magacaabayna ay isku dhaceen, sidaasna uu ku qarxay dagaalka. “Waxay isku qabteen in mid kamid ah oo meesha mas’uul ka ahaa laga qaaday jagadii kadibna mid kale oo lasoo magacaaay uu meesha yimid uu diiday inuu xilka ku wareejiyo” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Arrintan waxay caddeyneysaa inay yihiin dad sii dabar go’aya diinta iyo waxyaabaha ay dadka qaldaayeenna ay sii dhamaatay”. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalka ka dhacay Jambaluul ee u dhexeeyay maleeshiyaadkooda, welina xaaladda ayaa kacsan. Marar badan ayaa Shabaab dhexdooda sidaan oo kale ay ugu dagaalameen deegaannada ay ka arrimyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaare ay dhexdooda isu gaystaan maleeshiyaadka Khawaarijta oo sidoo kale halis ku haya shacabka. The post Al-Shabaab oo dhexdooda isku laayay duleedka MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  19. Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta la wareegaya xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka oo dhowaan dib loogu magacaabay, ku dhowaad sano ka dib markii isla jagadaas laga qaaday. Munaasabadda ka socata xarunta wasaaradda gaashaandhigga oo ay ka qeyb-galayaan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayuu xilka kula wareegayaa Janaraalkan ay madaxda qaranku qireen in hoggaamintiisa loo darsaday. Janaraal Odawaa oo ciidanka xoogga dalka hoggaaminayay intii u dhexaysay sanadihii 2019-2022 ayaa haatan laga sugayaa inuu dib u qaabeeya miliriga, islamarkaana uu dagaalka Alshabaab dardargelin iyo guluf cusub ku wajaho. Source: goobjoog.com
  20. Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud Fadhiga saaka ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo ballansan yahay in su’aalo lagu weydiiyo mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda. Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in fadhiga saaka loo ballansan yahay in ay golaha hor-yimaadaan mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Puntland si wax looga weydiiyo dhaqaalaha dalka. “Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda, waxaana Golaha hor imanaya maanta; Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Baarlamaanka. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaalaha oo ay ku jiraan xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada in ay weydiiyaan mas’uuliyiinta Maaliyadda oo uu ugu horreeyo wasiir Maxamed Faarax Maxamuud. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo saaka su’aalo weydiin ugu yeeray mas’uuliyiin wasaaradda Maaliyadda appeared first on Puntland Post.
  21. Somaliland’s Minister of Information, Ali Marehan, on Sunday sharply rebuked Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi, accusing him of envious resentment towards Somaliland’s progress in holding free and fair elections. This came in response to the Somali official’s recent admonition to European diplomats in Hargeisa, claiming that their recent comments during a visit to Hargeisa constituted a violation of Somalia’s sovereignty. “He is condemning the very nations that have extended recognition to his administration, which exercises no control over any territory. These countries, however, are fully entitled to visit Somaliland and commend its advancements and progress without requiring his consent,” said Ali Marehan. Qaran News
  22. Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay mid kamid ah guurtida magaaalada. Marxuum Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa guurtida sida weyn loogu yaqaan hawlaha nabadaynta iyo dib u heshiisinta bulshada ayaa lagu toogtay bartamaha Ceerigaabo siday xaqiijiyeen qoyskiisa. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka. PUNTLAND POST The post Guurti Saalax Maxamuud Cali Gurey oo saaka lagu dilay magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  23. Many in Somali society are concerned that online bravado can cross the line into hate speech, worsening clan-based rivalries Source: Hiiraan Online
  24. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Hilowle Gaab ee gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday koontarool ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah. Saraakiil u hadashay ciidamada deegaanka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ayna kasoo furteen iyo hub saanad. Sidoo kale Macawiisleyda ayaa muddo kooban la wareegtay fadhigii Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen goobta la weeraray. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee ka dhacay Hilowle Gaab. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Gobolkan oo intiisa badan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa waxaa weli kasii soconayo guluf ka dhan ah deegaannada kooban ee ay weli ka joogaan gobolkaasi. The post Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  25. Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqeyn bartamaha Beyruut ku dishay Afhayeenkii guud ee Xisbullah appeared first on Puntland Post.