-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in la gaaray xilligii dadka gobolka Banaadir ay aayahppda ka tashan lahaayeen, isagoo farriin culusna u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Islow ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu usoo jeesto sidii gobolka Banaadir u yeelan lahaa gole deegaan iyo maamul la mida maamullada kale ee dalka ka jira. “Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda dastuuriga ah uga tanaasuleen dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Islow oo sidoo kale tilmaamay in reer Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda federaalka dhaqaalaha ka hesho. Hoos ka aqriso qoraalka Islow TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA IYO DADWEYNAHA GOBOLKA BANAADIR Waxaa la gaaray xilligii ay dadka Gobolka Banaadir aayahooda ka tashan lahaayeen oo ay heli lahaayeen Madax iyo Maamul iyaga metala oo ay soo doorteen. Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud waxaan ugu baaqayaa inuu u soo jeesto sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Gole Degaan iyo Maamul la mida maamullada kale. Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda Dastuuriga ah uga tanaasuleen Dowladnimada Soomaaliya. Waa xaruntii Dowladda, waana canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda Federaalka dhaqaalaha ka hesho. Sidoo kale waxaan Xildhibannaada, Odayaasha, Mas’uuliyiinta iyo Qeybaha Bulshada ugu yeerayaa inay bilaabaan wadatashiyo ku saabsan sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Maamul Goboleed ay leeyihiin. Mahadsanidiin The post ISLOW oo farriin culus u direy madaxweyne Xasan, baraarujiyeyna reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
462422561_840034394990271_6366897738508788865_n Qaran News
-
462398193_1070075088054073_2080295408246132446_n Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.9 magnitude ayaa fiidnimadii xalay laga dareemay deegaanka Awash Fentale ee dalka Itoobiya. Machadka arrimaha hawada ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa xaqiijiyay arrintan oo warsaxaafadeed uu soo saaray u qeybiyay warbaahinta gudaha. Barta internet-ka ee rasmiga ah ee Mareykanka ee arrimaha dhulgariirka ayaa ku dhawaaqday in dhulgariir dhexdhexaad ah uu sidoo kale ka dhacay deegaanka Methara. Abbaaro 2:10 pm, dad badan oo deggan magaalooyinka Addis Ababa iyo Adama ayaa baraha bulshada ku wadaagayay waxa ay dareemeen marka dhulgariirku dhacay. Sida laga soo xigtay barta internet-ka ee Mareykanka, dhulgariirka ayaa dhacay abbaaro 2pm xilliga gudaha. Barta ayaa sheegtay in dhulgariirka oo ka dhacay meel 30 kilo mitir u jirta magaalada Mehtahara laga dareemay meel ka fog 380 kilo mitir. Wuxuu sheegay in xawaaraha uu ahaa 0.48 seken. Dhulgariirka ayaa gaar ahaan laga dareemay xaafado badan oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dadka deegaanka ee Hayat, CMC, Bole Arabsa, Ka Abado iyo qeybo kale ayaa iyagana sheegay inay dareemeen dhulgariirka. Sawirrada dhulgariirka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxayna muujinayaan dad badan oo guryahooda isaga baxaya iyagoo naxsan isla markaana waddooyinka isugu yimid. Barta Crisis24 ayaa ku warrantay in dhulgariirka laga dareemay bartamaha Itoobiya. Baraha internet-ka ee korjoogteeya arrimaha dhulgariirka ayaa sheegay in dhulgariirka uu ka dhacay meel 23 kiilo mitir u jirta deegaanka Awash, waxayna intaa raaciyeen inuu ahaa mid dhexdhexaad ah. Dhanka kale barta kale ee arrimaha hdulgariirka ee Jaamacadda Berkeley ee Mareykanka ayaa ku warrantay in dhulgariir 4.5 laga soo sheegay 30-kii September qeybo Yurub ka tirsan. Dr. Elias Levi, madaxa machadka arrimaha dhulgariirka ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dhulgariirka uusan khatar ku ahayn dadka deegaanka. Khabiirka ayaa intaa raaciyay in dhulgariirka ka dhacay deegaanka Awash laga dareemay qeybo ka mid ah Addis Ababa. Wuxuu intaa raaciyay in dhowaan uu dhulgariir ka dhacay gobolka Cafar ee dalkaasi Itoobiya. Wax khasaaro ah amaba waxyeello gaartay guryaha lama sheegin taasoo ka dhalatay dhulgariirkii xalay. Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo xiray kaabayaasha gaadiidka ee halka uu dhulgariirku ka dhacay si baaritaan loogu sameeyo. Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in xannibaad ku meel gaar ah lagu sameyn doono isu socodka gaadiidka, balse si degdeg ah loo fasixi doono haddii aysan jirin wax waxyeello ah. Ma aha markii ugu horreysay ee dhowaan uu dhulgariir ka dhaco qeybo ka mid ah Itoobiya. Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 uu xilli fiidnimo ah ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea. Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo xilligaasi la soo sheegay. Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga. Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka. Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea. Isha: BBC The post Xogta dhul-gariir culus oo ka dhacay Addis Ababa iyo qeybo kale oo Itoobiya ah appeared first on Caasimada Online.
-
Goob kulmisay Suldaanka guud ee bariga Hargeysa suldaan Yusuf Muxumed Xiiray iyo xubnihii doraad buuq abuuray, kuwaasi oo maanta suldaan Yuusuf ku hanbalyeeyay xilka uu reerka u hayo ee suldaanka guud iyo hawlaha isbedel doonka. Mar hadii suldaankii guud suldaan Yusuf Muxumed Xiiray uu dhisaayo Cirro beeshii bariga Hargeisa waxa ay gacanta ugu jirtaa isbedelka arinkaasna waa in aan tix galinaa sidaasi waxa goobtaasi ka sheegayb xildhibaan Jamaal Adan Diiriye Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligaan u furan tahay saddex kala daran midkood. Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu marxalada siyaasadeed uu kaga bixi karo inuu talada dhulka dhigay, uuna cid walbana uu la tashado, ama uu lasoo heshiiyo Saciid Deni intuu Garoowe ka dago. “Odayga (Xasan Sheekh) haddii ay ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad; Madaxweyne Xasan Sheekh saddex kala daran inuu kala doorto unbaa u furan; 1. Inuu Garowe ka dago oo uu Saciid Dani kusoo qanciyo ajandihiisa siyaadadeed. 2. Inuu Abu Dhabi ka dago oo uu sifiican isku dhiibo, uguna dhaarto inuu labada kale ka baarisan yahay. 3. Inuu galabta shir jaraa’id ku qabto Villada oo ku dhawaaqo inuu talada dhulka dhigay, cid walbana uu la tashanayo. Saddexdaas haday Odayga ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay. The post Fahad: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u furan inuu kala doorto saddex kala daran appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa si weyn u taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo horleh. Geeddi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna aad u boggaadiyay dadaalka uu gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugaayeen inay codadkooda dhiintaan, si ay u doortaa hoggaankooda, taas oo ah fursad muhiim ah. “Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano.,shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cali Maxamed Geedi. Waxaa kale oo uu farriin u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u turaan dadkooda, ayna raacaan rabitaankooda. “Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay shalay ay noo sheegeen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”. ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorashada shacabka loo celiyo too abuureyso kalsooni buuxda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah garab wayn lagu siiyo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la’isku mari waayay arrinta doorashada, waxayna taasi keentay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu isaga baxao madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo. The post Cali Maxamed Geedi oo si weyn u taageeray qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxay safar dibadeed, isaga oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, sida lagu shegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta” Aadan Madoobe ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee Imaaraadka, wuxuuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha soo kordhay. Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu joogo waddanka Isu tega Imaaraadka waxa uu madaxda dalkaasi, kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal. Safarka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay haatan taagan tahy xiisad siyaasadeed oo xoogleh, kadib markii uu sii kordhay khilaafka ka jira gudaha dalka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee saameynta ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageeraa dowladda federaalka. The post Aadan Madoobe oo looga yeeray Imaaraadka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi. Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi. Socdaalka Guddoomiye Aadan madoobe ayaa ku soo beegmaya maalmo kooban ka dib markii Guddoomiyaha aqalka sare uu dalkaas booqasho ku tagey. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah. Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan. Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah golaha wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS. Golaha wasiirad ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaray awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, shirkan loogu yeeray golaha wasiirada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe. The post Xog: Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Sannad ayaa maanta laga joogaa markii uu billaamay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay kaga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’iil. Saacado ka hor inta aanan la gaadhin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Israa’iil gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan. Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israa’iil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac. Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Israa’iil, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Isra’il. Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi. Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Isra’il ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza. Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Dhanka Israa’iil, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Israa’iil ayaa lagu wadaa in lagu qabto Isra’il. Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza. Source
-
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo halis ugu jira in xilka laga xayuubiyo kadib khilaaf ka dhex-qarxay isaga iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo saaray codsi iyo raaligalin. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa codsigaan u gudbiyay madaxweynihii Ruto Axadii shalay, isagoo sheegay in aanu garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, hadana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego shacabkiisa Kenya. “Waxaan rabaa in aan ku idhaahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto, haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” ayuu yidhi Mr Gachagua. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkaan ka sheegay kaniisad ku taalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi. Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in aanu wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaldantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyanka ah ee doonaya in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku dhiibanayaan. “Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo haddii ay jiraan wax aan sameynay ama idhi oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, fadlan i cafiya,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Kenya. Baarlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Gachagua, guddoonka ayaa qabtay mooshinkaas, wuxuuna sugayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda, hadii codsiga adaga aanu xaaladda wax ka bedelin. Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa salaasadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo. Sidoo kale waxay Gachagua ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Gachagua ayaa cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay. Source
-
Mogadishu (HOL) — Three leading Somali opposition figures have urged President Hassan Sheikh Mohamud to abandon plans for a presidential term extension, warning that such a move would destabilize the country and violate the constitution. In a joint statement on Saturday, former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame accused the president of delaying elections and attempting to extend regional mandates to consolidate power. Source: Hiiraan Online
-
Duqaymo xooggan oo xidhiidh ah ayaa Subaxnimadii hore ee maanta laga maqlay dhinaca koonfureed ee magaalada Beirut. Dad goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in bambooyinkaasi ku soo dhacay caasimadda Lubnaan laga arkayay meel jirta dhawr kilometer. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda cirku ay fuliyeen duqaymo xidhiidh ah oo ay ku beegsanayaan meelaha ay hubka ku kaydsadaan kooxda Xizbullah ee ku yaalla magaalada Beirut. Source
-
Boqorka Sacuudiga ayaa Axaddii la dhigey isbitaal ka dib markii xanuun dhinaca sanbabada ahi uu ku soo booday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda oo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada. Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladda Boqorka ayaa sheegaya in hadda bedqabkiisu uu wanaagsanyahay, ka dib muddo saacado ah oo lala tacaalayay. Boqor Salmaan bin Cabdicasiis oo 88-jir ah ayaa la daalaa-dhacaya xanuunno joogto ah oo bukaan socad ka dhigey, bishii May ee sanadkan ayaana laga daweeyay caabuq dhinaca wadnaha ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad uga horyimid mudda kororsiga uu riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay si adag uga hadleen burburka shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku dayayo muddo-kororsi sharci-darro ah islamarkaana waxay ku goodiyeen in ay tallaabo kasta oo sharci ah u adeegsan doonaan si ay u hor istaagaan damacaasi. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore” ayay ku sheegeen bayaan ay soo saareen Shariif, Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayuu sii raaciyay bayaanka. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayay sidoo kale ku bogaadiyeen mowqifka uu ka qaatay Shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka uga socday Muqdisho ee uu ku diiday in mudda kororsi loo sameeyo dowlad goboleedyada iyo in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah oo Puntland ka maqan tahay. Halkan ka akhriso Bayaankooda PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid mudda kororsiga uu raadinayo Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Shiinaha ee Pakistan ayaa sheegtay in ugu yaraan laba ka mid ah muwaadiniinteeda la dilay halka mid saddexaadna la dhaawacay ka dib markii kolonyo ay la socdeen lagu weeraray meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Karachi. Safaaradda ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay meel ku dhow garoonka caalamiga ah ee Jinnah, waxaana lala beegsaday shaqaale u dhashay Shiinaha oo u shaqeynayay shirkadda Koronto oo maxalli ah. Shabakadda Geo News ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, waxayna safaaradda Shiinuhu dowladda Pakistan ka dalbatay inay dhacdadan baaritaan ku samayso. Weerarrada ay geysanayaan kooxaha hubaysan ee dowladda ka soo horjeeda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalka Pakistan, waxayna ciidamada nabad-gelyadu ballanqaadeen inay falalkaas gacan bir ah uga hortagi doonaan. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — A new report from Islamic Relief Somalia shows that food insecurity is worsening conflicts in Somalia's Bay region. Droughts, floods, and ongoing violence are deepening poverty and driving displacement, creating a vicious cycle of hunger and instability. The report spotlights how competition for scarce food resources fuels tensions within communities, leading to conflict and further displacement. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran, ayaga oo ka digay in lagu dhawaaqo muddo kororsi horleh oo dalka ka abuuri karo jahwareer siyaasadeeed. Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin. Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya “Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lasii raaciyay “Dowladnimada waxaa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga, xilalka siyaasadeedna waxaa sal u ah sharciyad. Waxaan si adag u diiddannahay muddokordhinta uu Madaxweynuhu ku qasbayo madaxda dowlad-goboleedyada ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga beddelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15ka May 2026”. Sidoo kale waxa ay Shariif Sheekh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggaadiyeen talaabada uu qaadat madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuna diiday qorshaha muddo kororsi. Waxaa kale oo ay ugu baaqeen Laftagareen, QoorQoor iyo Cali Guudlaawe in ay ka fiirsadaan tallaabada ay qaadayaan, si aysan qayb uga noqon muddo kororsiga. Arrintan kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah isla markaana kaga war sugayo go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay shir kulahaa magaalada Muqdisho, kaas oo uu ajendihiisa ugu wayn uu ahaa doorashooyinka dalka. The post Shariif, Khayre iyo CC Shakuur oo la saftay Axmed Madoobe, kana digay qorshaha XASAN appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Turkey's seismic research vessel, Oruc Reis, is on its way to begin a landmark oil exploration mission off the coast of Somalia, marking a watershed moment in Somalia's potential economic transformation. The mission comes after agreements signed earlier this year between Somalia and Turkey, which granted Turkish Petroleum exploration rights in three offshore blocks. Each block spans around 5,000 square kilometres (1,930 square miles), making this one of the region's largest energy exploration projects. Source: Hiiraan Online