Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tiro dhowr jeer ah ku laabtay waddanka Eritrea. Waa mid kamid ah saddexda dal ee ugu badan ee u safray muddo xileedkiisa cusub, labada kale waa Kenya iyo Imaaraadka. Dalkaan yar ee nidaamka kaligii teliska ah uu ka jiro ee Eritrea la yiraahdo ayaa kamid ahaa dalalka uu siyaasad ahaan horey si adag ugu naqdiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin maanta waxay ula muuqata goob mudnaan badan. Markii aad xukunka raadineysid iyo markii aad maamuleysid isku hadal, isku fikir iyo isku go’aan ma noqon kartid. Sidaas awgeed Xasan Sheekh maanta xukunka haysta aad looguma xisaabin karo dooddiisi kursi doonka. Markii aan usoo laabano maanta iyo Eritrea, waxaa jira saddex qodob oo ay Eritrea maanta muhiim ugu tahay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; 1. Dhismaha ciidanka Dal ku ogol inuu ku siiyo garab ciidan adiga oo argagixiso ku haysato oo soo kabashana ku jira ma diidi kartid. Eritrea waxay hadda ku jirtaa ama lagu tiriyaa inay tahay mid kamid dalalka bixiya tababarka ugu sareeya ee xaga ciidanka, marka laga hadlayo dalalka ku yaalla qaarada Afrika. Horey dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa illaa 5 kun oo askari oo nuucyo kala duwan iskugu jiray u siisay tababar. Xasan Sheekh isna hadda ciidan ayey muddo xileedkiisa cusub u diyaarinayaan. Garabkaas ciidan ee aan danta gaarka ku hoos jirin waa lagu xilan karaa Eritrea. 2. Colaadda iyaga iyo Itoobiya Maadaama ay is hayaan labada waddan ee Eritrea iyo Ethiopia waxay dowladda Soomaaliya ku qasban tahay inay xiriir fiican la yeelato Asmara, si go’doon siyaasadeed loo dareensiiyo Addis Ababa. Marka laga hadlaayo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh waa ku qasban yahay inuu la saaxiibo ama soo dhaweysto dal walba oo diidan Itoobiya. 3. Shaxda isbaheysiga saddex geesoodka ah Hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki oo kamid ah madaxda ugu muddo xileedka dheer caalamka maanta, ayaa muddooyinkan ku mashquulsana inuu dhiso isbaheysi saddex geesood ah oo ka kooban Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, kuwaas oo isku aragti iyo isku dan ka noqonaya xaaladda gobolka, gaar ahaan diidmada damaca isballaarinta ee Itoobiya. Itoobiya iyo Masar waxay isku hayaan kiiska biyo xireenka, Eritrea iyo Ethiopia waxay isku hayaa dhul iyo damac bad. Soomaaliya iyo Itoobiya-na waxay weligood isku hayeen dad iyo dhul, maantana waxay xiisadooda ku qotonta damac badeed. Madaxda saddexdaan dal ayaa doonaya inay ka midoobaan guud ahaan arrimaha gobolka, gaar ahaan in la joojiyo Itoobiya. Marka saddexdaan arrimood la isku geeyo madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda inuu ku saxan yahay in uu kor usoo qaado cilaaqaadka Eritrea oo ay bilowday dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo. Mucaaradka Soomaaliya qaar waxay aaminsan yihiin inuu Afwerki uu aragti kaligii talisnimo ah ku talaalayo Xasan Sheekh, laakiin Soomaaliya-da maamullada iyo qabiilada u kala degan qofna xoog kuma qabsan karo maanta. The post Maxaad ka ogtahay saddexda arrin ee Eritrea ay muhiim ugu tahay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  2. Dadweynaha reer Gabiilay ayaa si aan hore loo arag ugu soo dhaweeyay waftiga walaaleeye ee uu hogaaminaayo musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Dadweynaha reer Gabiilay ayaan u kala hadhin soo dhawaynta wafigani balaadhan ee uu hor kacaayo mushara Cirro. Musharaxa Cirro ayaa dadweynaha reer Gabiilay uga mahad celiyay sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen waftiga walaaleeye Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka horyimid talaabadii guddoomiyaha Aqalka sare uu Shalay uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare. Bayaan uu soo saaray maanta ayuu Mr Saalax wax lala yaabo ku tilmamaay go’aanka gudoomiyaha aqalka sare. Waxaa uu farta ku fiiqay in tallaabada gudoomiyaha ay tahay mid baal-marsan shacriga iyo dastuurka dalka. “Waxaan halkan ka caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi inaanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri bayaankiisa ku yiri Saalax Axmed Jaamac. Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in uusan jirin sanatar awood u leh in u aqalka ka saaro senatar kale. “Waxaa ayaan-darro ah in gudoomiyaha aqalka sare uu soo saaro go’aan shaqsi ah oo baalmarsan go’aanka golaha aqalka sare soo-jeedintii gurracneyd, ma jiro sanatar awood u leh in uu aqalka ka saaro sanatar kale” ayuu yiri mr Salax. Hadalka Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu shalay gudoomiyaha golaha shacabka shaaciyay in uu xilka ka qaaday. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi. Qaar ka mid ah sanatarada ayaa si wayn uga horyimid go’aanka gudoomiyaha aqalka sare. Arrinta doodda ugu wayn ay ka dhalatay ayaa waxaa ka mid ahaa markii uu gudoomiye Cabdi Xaanshi uu aqalka ugu wargaliyay in uu doonayo in isla kalfadhigaa shalay xilka loogu dhaariyo sanatarkii badali lahaa Mr Saalax. Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo aqalka ka hor hadlayay ayaa sheegay in qofka xilka loo doorainayo ay tahay in uu doorasho ku yimaado islamarkana digeeto aysan cidna senatar ku noqon kari. “Waxaan ka hadlayaa haddii uu qofka xilka waayo siduu kursiga ku soo qaadan karaa waxaa uu ku soo qaadan karaa doorashii uu ku soo qaatay qofkii xilka waayay in kan badalayana uu ku soo qaato, hal qof o digreeto lagu dhaarin karo kuma jiro golayaasha marka gudoomiye adigaa noogu wayn sharcigana haya, hadii midka hore qaloocdana midka dambana waa qaloocanayaa marka waxay dhalaysaa in anaga oo dhan anaga oo maqan digreeto nagula badalo,” ayuu yiri Senatar Dhagdheer. Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa yiri” “Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo… waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah, Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil” Maqnaanshaha senatarada ee kalfadhiyada Abukate zakariye oo ah khabiir dhanka dastuurka ayaa sheegaya in hay’ad walba oo dowladda ka tirsan ay leedahay xeer hoosaadyo ay tahay in lagu dhaqmo. Waxaa uu sheegay in hay’adaha dowladda oo ay ka mid yihiin aqalada sharci dajinta ay leeyihiin xeerar u dagsan oo lagu shaqeeyo islamaarkana lagu nidaamyo habka ay shaqada u soconayso. “Hay’ad kasta oo jirta wuxuu leeyahay xeer hoosaadyo oo lagu nidaaminaayo shaqada la qabanayo, waxa qofku qabanayo, fasaxyada, waqtiga shaqada waxaasi oo dhan lagu nidaamiyo,” ayuu yiri abukate Zakariye. Waxaa uu dhanka kale sheegay in aqalada sharci dajinta ay leeyihiin waqti cayiman oo qofka haddii uusan kalfadhiyada ka soo qeyb galin uu xilkiisa ku waayni karo. “Waxaa la dhihi karaa in la yiraahdo kalfadhi kasta ama bilooyinka ay kalfadhiyada socdaan waa in ugu yaraan in uu hal kulan yimaado, haddii uu labo kalfadhi uu imaan waayo hal kulan, xilka ayuu waayi karaa, kalfadhi kastana waxaa uu socon karaa ilaa 20 kulan,” ayuu intaa ku daray. Abukate zakariye ayaa dhanka kale xusay in haddii uu xildhibaanak ama senatarka uu ka maqnaanayo kafadhiyada ay tahay in uu haysto fasax ama cudur daar. “Waa laga yaabaa in qiil ay sameystaan oo ay kensadaan oo warqado dhakhtar ay soo dirsadaan inay cudur-daar sameystaan oo ay yiraahdaan fasax saddex bilood ah ha nala siiyo, wxaas oo dhan ayaa dhici kara marka taasi baaritaan ayay u baahan tahay,” ayuu yiri Abukate Zakariye. Isha: BBC The post Muranka kursiga SAALAX oo cirka isku shareeray iyo waxa uu ka qabo sharciga appeared first on Caasimada Online.
  4. President Hassan Sheikh Mohamud inaugurating an LPG (Liquefied Petroleum Gas) storage facility in Mogadishu, May 2024. Mogadishu (PP News Desk) — There is a discernible increase in the number of suppliers of liquefied petroleum gas (LPG) used for cooking in Mogadishu. This trend presents opportunities for breaking entry barriers in a business once viewed as capital-intensive and dominated by major players. The competitive landscape in this sector is marked by high customer service standards. A consumer can phone a supplier and receive an LPG cylinder in less than 30 minutes, creating job opportunities for delivery workers. Before the introduction of delivery services, LPG consumers had to go to supply centres to purchase and carry LPG cylinders home. “The price of LPG cylinders has dropped due to competition between suppliers. Consumers stand to benefit from it,” a consumer in the Taleex neighbourhood of Hodan district told Puntland Post. A female recipient receiving an LPG cylinder along with a stove. The stiff competition in the LPG market in Mogadishu might prompt, as has happened before in other sectors, established companies to draw up acquisition strategies to buy smaller companies. If an acquisition or merger affects these companies, a price increase is likely to follow. Stiff competition: Major players in the LPG supplier market in Mogadishu. The use of LPG has had a positive impact on the reduction of deforestation caused by the cutting of trees for charcoal consumption. Between 2019 and 2021, the Federal Ministry of Environment and Climate Change subsidised the provision of 4,400 cylinders with stoves for families in the Federal Member States of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post LPG supplier market competition “benefits” consumers in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
  5. Xukuumadda Puntland ayaa ku wargelisay dhammaan Wakiillada Kalluumaysi in ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland. Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka Kalluumaysiga Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu faray in dhamaan Wakiillada Kalluumaysi ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland. “Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu faray in dhamaan Wakiillada Kalluumaysi ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland” ayaa lagu yiri go’aanka Wasaaradda. Sidoo kale go’aankaan ayaa lagu cadeeyay in qofkii ama shirkadii aan haysan shahaadada wakiilnimada aanu noqon karin Wakiil islamarkaana shati aan loo jari doonin wixii ka danbeeya 25-ka October 2024. Halkaan ka akhriso go’aanka Wasaaradda PUNTLAND POST The post Puntland oo ku amartay dhammaan Wakiilada Kalluumeysi in ay is diiwaan-geliyaan appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsza Cabdi Barre oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax dhiga ka sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed. Ra’isul Wasaaraha ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, islamarkaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska. Ugu dambeyntiina wuxuu ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka. Tartankii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiiri-gelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh. The post Sawirro: Xamza oo maanta dhagax dhigay qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo… appeared first on Caasimada Online.
  7. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa xalay isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaasi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay ay gurigiisa saq-dhexe ku weerareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kadibna ay dileen. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan. Shacabka ku dhaqan waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay halkaasi, waxayna dhigeen dibadbax cabasho ah. Qaar kamid ah dadkii ka hadlay dibad-baxa ayaa dilka wadareedkan ku eedeeyay ciidamada Gaashaan ee hay’adda NISA, waxayna fariin u direen dowladda dhexe. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in aan la aasi doonin marxuumiinta illaa gacanta lagu soo dhigayo dadkii dilay. “Maydadkan illaa dadkii dilay gacanta looga soo dhigaayo mala duugaayo, talaajada ayay ku jirayaan” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka oo goobta ka hadlay. Xaaladda Afgooye ayaa weli cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. The post Sarkaal ka tirsanaa NISA iyo ilaaladiisa oo hab yaab leh loogu dilay magaalada… appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed. Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka. Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha. Source: goobjoog.com
  9. Sanadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday mashaariic kala duwan oo isugu jira dhismaha waddooyin cusub iyo dayactirka Kuwii hore, waxaana ugu dambeeyay dhowr jid oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhowaan xarigga ka jaray. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in dowladdu ay isku tashatay oo canshuuraha dadka Soomaaliyeed laga qaado howshaas lagu qabto, sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in deeq tabarucaad ah oo hal dollar ka billaabaysa dadka Soomaaliyeed laga rabo si waddooyinka loogu hagaajiyo. Haddaba hab-raac caynkee ah ayaa loo maraa dhismaha iyo dayactirka waddooyinka? Dhismaha waddooyinka waxaa jaan-gooya guddi isku dhaf ah oo isugu jira ganacsato, culumo iyo masuuliyiinta hoggaanka u ah bulshada rayidka ah, kuwaas oo qeymayn iyo sahmin ku sameeya wadada la dhisayo iyo baahida loo qabo ama muhiimadeeda. Dhanka dhaqaalaha ku baxaya waxaa u xilsaaran 3 waaxood oo kala ah ganacsatada gobolka Banaadir oo bixiya boqolkiiba 50, dadka guryaha ku leh heeraraha waddada la dhisayo oo laga qaado boqolkiiba 15, iyo maamulka gobolka Banaadir oo bixiya boqolkiiba 35. Dhinaca fulinta waxaa awood buuxda u leh maamulka gobolka oo shirkaddii uu doonaya qandaraas kula gala, mana jiro tartan hufan oo shirkadaha waddooyinkaas dhisayaahi ay galaan, taas oo la rumaysanyahay inay qeyb ka tahay taya xumada jidadka la hirgelinayo. Si kastaba ha ahaatee qaabkaas ayaa loo dhisaa waddooyinka magaalada Muqdisho, markii laga reebo jidadka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Balcad oo ay maalgalisay dowladda Qatar, islamarkaana ay fulinayeen Injineerro Turki ahi. Lacagta Canshuuraha ah ee loo adeegsado ayaa ah boqolkiiba 35-ta uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir, taas oo loo badelay in qaab tabarucaad ah ah bulshada looga aruuriyo, halkii laga bixin lahaa qasnadda dowladda hoose ee gobolka, taas oo muujinaysa isku dheeli-tirnaan la’aan dhaqaalaha reer Muqdisho magaca Canshuuraha uga baxa iyo adeegyada loo qabto. Source: goobjoog.com
  10. Mariam Mohamed is co-founder of Hoyo, which is one of 12 local startups that received 2024 microgrants from the nonprofit Market Entry Fund. She's seen on October 1, 2024 at Hoyo's Bloomington facility. Credit: Dymanh Chhoun | Sahan Journal Source: Hiiraan Online
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal iyo dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa looga hortegay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen, waxaana si gaar ah u sameeyay Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab, waxaana taliska uu sheegay in guullo waa wayn ay ka gaareen. Maxamed Xasan Abuukar Dhala Dheere oo taliyaha ururka 251-aad Guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubnahii weerarka kusoo qaaday. Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Khawaarijta oo ay isku dayeen inay weerarto saldhiga ciidanka Xoogga Dalka ee degaankaasi Raas qaboow, waxaana halkaasi looga dilay 25 dhaqarqabe” ayuu yiri taliye Maxamed Xasan Abuukar Dhala Dheere. Sidoo kale wuxuu intaasi in ciidanka xoogga dalka ay wali sii baacsan hayaan firxadka xubnahii weerarka kusoo qaaday saldhiga deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegtee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana weli kasii soconayo howlgallo xoreyn ah. The post Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo lagu dilay hal goob, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo farogelisay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex-qarxay Jubbaland iyo dowladda dhexe, waxaana arrintaas saaka Kismaayo u tegay ku simaha ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. James Swan oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu haatan kulamo xasaasi ah kula leeyahay Axmed Madoobe. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Jubbaland iyo Swan ay haatan kulan gaar ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada, kaas oo looga hadlayo khilaafka taagan iyo xaaladda guud ee dalka. Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda siyaasadeed iyo waxyaabihii sababay inuu Axmed Madoobe isaga baxo shirkii golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho, kaddib markii la isku mari waayay qodobo dhowr ah oo ku aadanaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida loo wajahayo. Ujeedka ugu wayn ee socdaalka wakiilka QM ayaa ah sidii xal waara loogu helaa arrimaha doorashooyinka, la’iskuna soo dhaweyn lahaa Jubbaland iyo dowladda federaalka. Khilaafkan cusub ee durbo soo baxay ayaa la dareemay saameyntiisa, maadaama illaa iyo hadda aan wax go’aan laga soo saarin shirkii Muqdisho, inkastoo ra’iisul wasaare Xamza uu horay u shaaciyay in shirka uu sii socdo, soona saari doonaan go’aanno wax ku ool ah. Si kastaba, James Swan oo mar labaad loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay doorashooyinkii 2022-kii iyo marxaladii kala guurka aheyd ee caqabadda badneyd, taas oo ugu dambeyn laga soo gudbay dibna loo doortay Xasan Sheekh, waxaase ay u muuqataa in mar kale ay soo noqotay isla caqabaddii doorashada. The post QM oo soo farogelisay khilaafka Axmed Madoobe iyo DF iyo Swan oo maanta… appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (HOL) — Somalia's Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama has denounced the attempt at his removal from the Upper House of Parliament as unconstitutional, challenging a decision by Senate Speaker Abdi Hashi Abdillahi, who argued that Jama had automatically vacated his seat after missing four consecutive sessions. Source: Hiiraan Online
  14. Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa laga qaaday xubinnimadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kursigaasi loo magacaabey xubintii kusoo xigtay ee kula tartantay oo ah Ibraahim Iidle Suleymaan. Xoghayaha Aqalka sare ayaa sheegay in sababta uu Saalax Jaamac ku lumiyay Kursigan ay tahay kadib markii uu kasoo xaadiri waayay fadhiyada Golaha, sidaasna uu ku waayay xilkii. Ninka loo magacaabey kursigan ayaa horey usoo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya. Dhan kale Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, isagoo ku sheegay sharci darro. Source
  15. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Sabtidi Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen. Heyadaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka. 19 qof ayaa lagu dilay habeenki Sabtida, galka gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto. Milatariga Isra’il ayaa Sabtidi shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal. Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Source
  16. Kim Yo Jong, oo ah gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtida uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya. Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed. Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda. Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay. Source
  17. Millatariga Lubnan ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan. Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday. Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay “mid halis ah” waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado. Faransiiska ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u jooga Paris, Talyaaniga iyo Spain ayaa weeraradaasi ku tilmaamay “mid aan qiil dayi karin”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israa’iil weydisan doono in aysan garaacin ciidamada UNIFIL. Ruushka ayaa sheegay in ay aad uga caroodeen,waxana ay ka dalbadeen Israa’iil in ay ka fogaato falalka cadawtinimo ee ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta. UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland. Source
  18. NAIROBI, Kenya (HOL) — Petroleum dealer Hashi Energy has failed to overturn a Sh7 billion ($54 million) tax claim by the Kenya Revenue Authority (KRA), deepening the company's financial troubles as it faces liquidation. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in uu waayay kursigiisii golaha, isaga oo sababta ku sheegay inuu soo xaadiri waayay kulamada Aqalka Sare muddo laba sano iyo bar ah. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Saalax oo soo jawaabay ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana baal-marsan dastuurka dalka. “Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi in aanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Saalax. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Senatoradii diiday go’aanka guddoomiyaha ee shalay doodda ka keenay in golaha laga saaro Saalax Axmed Jaamac. Cabdi Xaashi kuma ekaan in golaha uu ka saaro ra’iisul wasaare ku xigeenka, balse waxaa kale oo uu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booskaas, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale. Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha iyo inuu soo magacaabo xubin cusub. The post R/W ku xigeenka dalka oo si adag uga horyimid tallaabadii Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) — Somali Minister of Defense Abdulkadir Mohamed Nur has vowed that Somalia will not be intimidated by recent threats from Ethiopia, emphasizing that the country is prepared to respond to any aggressive actions against its army or people. Source: Hiiraan Online
  21. Baidoa (HOL) — Gunmen armed with pistols shot and killed Yaqub Hassan Haji, a well-known traditional elder and peacemaker, in Baidoa, the capital of Somalia's Bay region, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  22. UNITED NATIONS, United States: Forty nations that contribute to the UN peacekeeping force in Lebanon said Saturday that they “strongly condemn recent attacks” on the peacekeepers. Source: Hiiraan Online
  23. 10000000_1231013917944762_3376413171498851497_n Tweet Qaran News