Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 462397236_536394052661409_8234544258943336469_n Qaran News
  2. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara kulan xasaasi ah kula qaatay dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki. Kulankaan ayaa waxay labada hoggaamiye uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay, iyagoo isla qaatay arrimo dhowr ah. Labada hoggaamiye ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay labada madaxweyne tilmeemeen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Eritrea ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Eritrea ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira. Si kastaba, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa haatan ka shaqeynaya sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa heshiis sharci darro ah la saxiixatay Somaliland, kaasi oo u gogol xaaraya in Itoobiya ay hesho dhul badeed, waxaana is-afgaradkan meel adag iska taagtay dowladda federaalka ah oo ayadu caalamka tustay gardarrada Itoobiya iyo cawaaqibta ka dhalan karta. The post Xasan Sheekh iyo Afwerki oo isla qaatay laba arrin oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  3. STOCKHOLM, Sweden (HOL) — A Swedish appeals court upheld the life sentence of Mohamedamin Abdirisek Ibrahim, a 22-year-old man, for the murder of his pregnant girlfriend, Saga Forsgren Elneborg, in Örebro, Sweden, in April 2023. Ibrahim had challenged the initial ruling, but the appeal court reaffirmed that the evidence overwhelmingly demonstrated his guilt. The Örebro District Court convicted Ibrahim of murder in June 2024 Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdifitaax Casiisi ayaa gaaray magaala madaxda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dhiggiisa Asias Afwerki iyo madax kale oo dowladdiisa ka tirsani. Sidoo kale waxaa dalkaas shalay ka degay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo. Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah uga furmaya magaalada Asmara, kaasoo looga hadlayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Source: goobjoog.com
  5. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Abu Dhabi. Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan labada dowladood. Inta uu kulanka socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dhigiisa uga mahad-celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u fudiyay iyo qaabilaada kulanka ka dhacay xarunta baarlamaanka Imaaraadka Carabta. Kulamada ayaa sii socon doono, ayada oo Sheekh Aadan Madoobe uu la shiri doono madax kale oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, inta uu ku sugan yahay magaalada Abu Dhabi. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta. Imaaraadka ayaa kamid a dowladaha xiriirka xoogan la leh Soomaaliya, waxaana safaro kala duwan dalkaas ku tega madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. The post Maxaa kasoo kordhay safarka Aadan Madoobe ee Imaaraadka Carabta? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  6. 462522497_1073175517799207_8080640687217960169_n Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab maanta ka gaysteen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay saddex ganacsato ah oo ku sugnaa degmadaasi. Ganacsatada saddexda ah ee la dilay ayaa ku sugnaa goobahooda ganacsi, waxaana weeraray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay, kadibna baxsaday. Wararka ayaa sheegayan in ganacsatadan loo beegsaday kaamirooyin ay ku xireen dukaamadooda, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ragga la dila ay indhowanahaan hanjabaad kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, balse ugu dambeyn la khaarijiyay. Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydadka marxuumiinta kasoo qaaday halka lagu dilay, waxaana la geeyay xarunta C.I.D. Dilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna xaafadda Suuqa Xoolaha dhowaan loogu gaystay ganacsade Cabdinaasir Daahir Diirshe oo goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xaruntiisa ganacsi. Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh. Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Saddex ganacsato ah oo lagu dilay Muqdisho + Sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
  8. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo. Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa la xaqiijinayaa in ay gebi ahaanba qabsadeen kantaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar iyo xuquuq mudda bilo ah kaga maqan dowladda islamarkaana dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda. Dhinaca kale dowladda Puntland weli kama jawaabin cabashooyinka mushaar la’aanta ee ka imaanaysa ciidamada iyo shaqaalaha kuwaasi oo la sheegay in aysan mudda bilo ah qaadan wax mushaar ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) — Kenya Airways (KQ) will suspend all passenger flights to Mogadishu, Somalia, starting October 14, 2024, due to operational challenges. The announcement was made by KQ's Group Managing Director and CEO, Allan Kilavuka, in a letter addressed to the Principal Secretary of Kenya's Ministry of Roads and Transport, Mohamed Daghar, dated October 9, 2024. Source: Hiiraan Online
  10. Sacuudi Carabiya ayaa Arbacadii si dirqi ah ugu guul darreystay in ay ku guuleysato xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo dhabar jab ku ah dadaallada Riyadh ee kor loogu qaadayo sumcadda dalka ee dibadda iyo afar sano ka dib markii loo diiday dalab 2020 ah oo ay ugu biirtay 47 xubnood. Sacuudi Carabiya ayaa balaayiin ku bixinaysa sidii ay muuqaalkeeda caalamka uga beddeli lahayd waddan caan ku ah xannibaado diimeed iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka si ay u noqoto goob dalxiis iyo madadaalo hoos yimaada qorshaha uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan bilaabay, kaas oo loo yaqaan Vision 2030. Xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka ee fadhigoodu yahay Geneva waxaa soo doorta 193-ka xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, codbixin qarsoodi ah oo kooxaha juquraafi ah si loo xaqiijiyo xitaa matalaada. Kooxda Asia-Pacific, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, ayaa ahaa tartanka kaliya ee loo tartamay Arbacadii iyadoo lix musharax ay ku tartamayeen shan kursi. Jaziirada Marshall ayaa soo gashay kaalinta shanaad, waxaana ay heshay 124 cod, halka Sacuudiga uu ku waayay kursigaasi 117 cod. Source
  11. Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza. Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib. Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah. Source
  12. Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa geeriyooday, kadib markii uu xanuunsaday, iyadoo diyaaradu hawada ku jirto. Kabtaan Ilcehin Pehlivan oo 59 jir ahaa ayaa markii uu xanuunku ku soo booday waxaa diyaaradda la wareegay duuliyihii labaad iyo caawiyaha sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda oo barta X soo dhigay qoraalka lagu xaqiijiyey geerida. “Markii uu shaqeyn waayay gargaarkii degdeg ee duuliyaha la siiyay ayey shaqaalaha diyaaradda go’aansadeen in ay deg deg u dagaan, wuxuuna geeriyooday duuliyaha inta aysan degin diyaaradda” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Diyaaradda oo ah Airbus A350 waxay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la qorsheynayaa in rakaabka la geeyo Turkiga. Diyaaradu markii ay soo gashay dhulka Nunavut ee hawada Canada ayuu duuliyaha xanuunsaday, sida lau sheegay warbixinta. Sababta keentay geerida duuliyaha ayaan weli sheegin, duulimaadkaas Seattle ayaa ku sii jeeday dalka Turkiga. Duuliyayaasha waxay maraan baaris caafimaad 12-kii biloodba mar, iyadoo kuwa da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ay maraan baaris caafimaad lixdii bilood hal mar. Waxay noqotay geeri deg deg ah oo halis gelisay walwalna ku abuurtay rakaabkii diyaaradda, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta geerida duuliyaha Source
  13. Mogadishu (HOL) — Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi is set to arrive in Asmara, Eritrea, on Thursday to participate in a trilateral summit with Eritrean President Isaias Afwerki and Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The high-level talks aim to enhance security cooperation and address shared challenges in the Horn of Africa and the Red Sea region. Source: Hiiraan Online
  14. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Dowladda Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa kaga mahad celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u sameeyay iyo qaabilaada kulanka maanta ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta. Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmar, halkaas oo uu shalay gaadhay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha gobolka. Warbaahinta ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Source
  16. Buuhoodle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ciidamada Soamliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray duleedka magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay isku dayeen inay gudaha u galaan deegaanka Qorilugud oo hoostaga Buuhoodle, balse waxaa ka hortegay ciidamada SSC oo halkaas difaac adag uga jiray. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. SSC oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay inay ka hortegtay weerar uga yimid dhanka Somaliland, isla markaana ay haysat xogtiisa, sidaasina ay ku fashilisay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland, kuna daadan dagaalkaas iyo eedeynta ay u jeedisay SSC-Khaatumo. Maalmihii lasoo dhaadafay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka waday aagga magaalada Buuhoodle oo ah halka uu xalay ka dhacay dagaalka. Si kastaba, dagaalka u dhexeeya SSC iyo Somaliland ayaa in muddo ah hakad ku jiray, balse labada dhinac ayaa hadallo kul-kulul isku marinaya dhanka warbaahinta. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhex qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  17. In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kacca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada. Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonaya in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer. Shirkadda TikTok ayaa dacwaddaan ku tilmaamtay “Mid niyad jab leh” waxa ayna sheegtay inay rumeysan tahay in qaar badan oo kamid ah sheegashooyinka ay yihiin “Kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah”. Madashaan ayaa horay waxa ay ula dagaallantay sharci ay Congress-ka ansixiyeen bishii Abriil kaas oo ka mamnuucayay Mareykanka. “TikTok waxa ay ogtahay in isticmaalka khasabka ah ee aaladdeeda iyo waxyeelada kale ee madasheeda ay dhibaato ku tahay caafimaadka maskaxda malaayiin da’yarta iyo carruurta Mareykanka,” ayaa lagu yiri dacwadda laga gudbiyay New York Talaadadii. Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James ayaa sheegtay in gudaha Mareykanka ay jiraan da’yar badan oo u dhintay ama u dhaawacmay saameyn ka timid aaladda TikTok, sidoo kale ay jiraan caqabado ay kamid yihiin walaac, niyad jab iyo murugooyin badan oo la daristay dhalinyarada kuwaas oo ka dhashay sifooyin la qabatimay ee TikTok. Dacwadda lagu soo oogay aaladdaan ayaa lagu xusay dhacdo wiil 15-jir ah oo ku dhintay magaalada Manhattan oo ah tan ugu dadka badan 5-ta xaafadood ee New York, wiilka ayaa sameynayay xujjo muuqaal ah oo uu bartiisa dhigi rabay sida ay hooyadiis sheegtay, waxa uuna ku dhintay laamiga ay isticmaalaan tareenada ee dhulka hoos mara. Dhimashadiisa kadib waxaa taleefanka wiilka laga helay xujooyin lamid ah midda uu iska duubayay xilligii uu dhintay. Aaladda TikTok ayaa sheegtay in barnaamijkeeda uu badbaado u yahay dhalinyarada, balse taas waxaa ka hor yimid Ms James oo kamid ah qareenada dacwadda soo gudbiyay. Dacwadda aaladda lagu oogay ayaa si gaar ah u muujineysa in bartaan ay dhibaato ku tahay hurdada iyo daganaashaha maskaxda, iyadoona muuqaalada lagu soo gudbiyo bartaan ay marin habaabin ku ridaan dadka qaar sababo la xiriira in aan la hubin dhab ahaan shah aiyo goobta saxda ah. Waxaa sidoo kale dacwadda ku xusan Fiiltarrada quruxda u ogolaanaya isticmaalayaasha kuwaas oo kor u qaadaya muuqaalada. Shirkadda TikTok ayaa dhiirigalisay aalado loogu talagalay in lagu caawiyo dadka xaddidaya waqtigooda isticmaalka ama kala shaandheynta waxa ay tahay inay kala socdaan bartaan. Dacwooyinkaan ayaa waxaa gudbiyay 13-gobol oo Mareykanka ah iyo degmada Columbia, sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ayaa shirkadda TikTok ku eedeeyay inay maamusho ganacsi xawilaad lacageed ah oo aan shati loo haysan. TikTok ayaa bayaan soo saartay Talaadadii shalay waxa ayna ku tiri: “aad baan uga soo horjeednaa sheegashooyinkaan, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah aan rumeysannahay inay yihiin kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah,” Dhanka kale bayaanka ayay shirkaddu ku sheegtay inay ku faraxsantahay shaqada ay u hayaan dhalinyarada oo ay ku tilmaamtay mid ay ku ilaalineyso, sidoo kalena ay hormarinayaan waxyaabaha ay ku soo kordhinayaan aaladda. Dacwadda ayaa lagu weydiistay maxkamadda inay TikTok ku soo rogto xannibaad iyo in lagu soo rogo ganaax lacageed. Xeer ilaaliyayaasha ayaa billaabay kiisas lamid ah Facebook iyo Instagram saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada. Dacwadaha ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka sharciga ah ee soo wajahaya app-ka caanka ah ee TikTok, kaas oo in ka badan kala bar dhalinyarada Mareykanka lagu qiyaasay inay isticmaalaan dhowr jeer maalintii. Dawladaha ay ka midka yihiin Texas iyo Utah ayaa hore u gudbiyay dacwado la mid ah TikTok oo diiradda saaraya badbaadada carruurta. Guddiga ganacsiga federaalka, oo ah ilaaliye dowladeed, ayaa TikTok ku eedeeyay bishii Agoosto inay ku xad gudubtay sharciyada sirta carruurta. Cimraan Axmed, madaxa fulinta ee xarunta aan faa’iido doonka ahayn ee ka hortagga nacaybka dhijitaalka ah, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in tallaabada sharciga ah ay kor u qaadi doonto wacyiga waalidiinta khatarta aaladaha iyo cadaadiska shirkadaha inay wax ka beddelaan dhaqankooda. Laakiin Washington waxay sidoo kale u baahan doontaa inay xoojiso sharciga si uu u dhaco isbeddel weyn, ayuu yidhi. “Waxay soo diraysaa calaamad muujinaysa in ay jirto niyad jab sii kordha oo ah in aanay jirin habab kale oo la heli karo, kuwaas oo la xisaabtami doona goobahan,” ayaa lagu yiri dacwadaha. Source
  18. Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa lagu wadaa in ay Shir saddex geesood ah ku yeeshaan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shalay gaaray magaalada Asmara, waxaana la filaya in saddexda Madaxweyne Shir saddex geesood ah oo ku saabsan Arrimaha gobolka ku yeeshaan caasimadda Eritrea. Ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa laga soo xigtay in Shirka saddex hoggaamiye diiradda lagu saarayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay is-afgaradkii badda ee Abiy Ahmed la saxiixday Muuse Biixi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in hoggaamiyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea shirkaasi ku dhisayaan isbaheysi goboleed millitari oo ka dhan ah dowladda Itoobiya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo dhisaya isbaheysi goboleed millitari oo ka dhan ah Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  19. Surveillance video of the crash that killed five friends in June 2023 was played during opening statements in Derrick Thompson’s federal trial. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasi sidoo kale waxaa ku sugan Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada Madaxweynaha ayaa ka dib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Eritrea, Madaxweyne Isaias Afwerki. Booqashadan oo ah mid muhiimad gaar ah leh ayaa lagu wadaa in labada hoggaamiye ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Afhayeenka Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in kulanka ay yeelanayaan Al-Sisi iyo Afwerki uu xooga saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga gobolka. Waxay sidoo kale diiradda saari doonaan sidii looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadista iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyadoo Masar iyo Eritrea ay door weyn ku leeyihiin gobolka. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay gaaray magaalada Asmara, halkaas oo uu kaga qayb geli doono shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya. Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso isbahaysi iskaashi oo dhex mara saddexda dal, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta guud ee gobolka Geeska Afrika. Isbaheysiga cusub ayaa la filayaa inuu noqon doono mid xoog badan oo ujeedkiisu yahay in la isku dhaqaajiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo amniga, gaar ahaan Badda Cas oo ah marin muhiim ah oo dunida u dhexeeya, isla markaana ay saamayn ku leeyihiin dhinacyo badan oo caalami ah. Shirkan ayaa loo arkaa mid lagu adkeynayo xiriirka saddex geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee gobolka, kaas oo noqon kara mid wax weyn ka beddela xaaladda gobolka ee dhinacyada amniga iyo horumarka. Source: goobjoog.com
  21. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmara, halkaas oo uu shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha kasoo kordhay gobolka, oo ay ugu horreyso dhaq-dhaqaaqa ay waddo dowladda Itoobiya, iyaga oo iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, iayada oo suurtagal ay tahay in iskaashigooda ay ku wajahayaan dowladda federaalka Itoobiya. Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya. Dhanka kale, xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa kulamadan u aragta ifafaalo aan u wanaagsaneyn Itoobiya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dhaq-dhaqaaqyadan ay kusoo aadeen xilli gobolka uu wajahayo xiisad ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka caroortay Soomaaliya oo iyadana heshiis difaac la gashay Masar, kaas oo waji cusub u yeelay xiisadda, maadaama ay Itoobiya isku hayaan arrinta wabiga Nile. The post Xog: Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo sameysanaya isbaheysi saddex geesood appeared first on Caasimada Online.