Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,042
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa laga qaaday xubinnimadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kursigaasi loo magacaabey xubintii kusoo xigtay ee kula tartantay oo ah Ibraahim Iidle Suleymaan. Xoghayaha Aqalka sare ayaa sheegay in sababta uu Saalax Jaamac ku lumiyay Kursigan ay tahay kadib markii uu kasoo xaadiri waayay fadhiyada Golaha, sidaasna uu ku waayay xilkii. Ninka loo magacaabey kursigan ayaa horey usoo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya. Dhan kale Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, isagoo ku sheegay sharci darro. Source
  2. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Sabtidi Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen. Heyadaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka. 19 qof ayaa lagu dilay habeenki Sabtida, galka gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto. Milatariga Isra’il ayaa Sabtidi shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal. Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Source
  3. Kim Yo Jong, oo ah gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtida uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya. Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed. Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda. Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay. Source
  4. Millatariga Lubnan ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan. Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday. Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay “mid halis ah” waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado. Faransiiska ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u jooga Paris, Talyaaniga iyo Spain ayaa weeraradaasi ku tilmaamay “mid aan qiil dayi karin”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israa’iil weydisan doono in aysan garaacin ciidamada UNIFIL. Ruushka ayaa sheegay in ay aad uga caroodeen,waxana ay ka dalbadeen Israa’iil in ay ka fogaato falalka cadawtinimo ee ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta. UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland. Source
  5. NAIROBI, Kenya (HOL) — Petroleum dealer Hashi Energy has failed to overturn a Sh7 billion ($54 million) tax claim by the Kenya Revenue Authority (KRA), deepening the company's financial troubles as it faces liquidation. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in uu waayay kursigiisii golaha, isaga oo sababta ku sheegay inuu soo xaadiri waayay kulamada Aqalka Sare muddo laba sano iyo bar ah. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Saalax oo soo jawaabay ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana baal-marsan dastuurka dalka. “Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi in aanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Saalax. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Senatoradii diiday go’aanka guddoomiyaha ee shalay doodda ka keenay in golaha laga saaro Saalax Axmed Jaamac. Cabdi Xaashi kuma ekaan in golaha uu ka saaro ra’iisul wasaare ku xigeenka, balse waxaa kale oo uu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booskaas, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale. Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha iyo inuu soo magacaabo xubin cusub. The post R/W ku xigeenka dalka oo si adag uga horyimid tallaabadii Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) — Somali Minister of Defense Abdulkadir Mohamed Nur has vowed that Somalia will not be intimidated by recent threats from Ethiopia, emphasizing that the country is prepared to respond to any aggressive actions against its army or people. Source: Hiiraan Online
  8. Baidoa (HOL) — Gunmen armed with pistols shot and killed Yaqub Hassan Haji, a well-known traditional elder and peacemaker, in Baidoa, the capital of Somalia's Bay region, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  9. UNITED NATIONS, United States: Forty nations that contribute to the UN peacekeeping force in Lebanon said Saturday that they “strongly condemn recent attacks” on the peacekeepers. Source: Hiiraan Online
  10. 10000000_1231013917944762_3376413171498851497_n Tweet Qaran News
  11. Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal beeleed khasaare gaystay uu ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 10 kiilo mitir u jira magaallo xeebeedkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya, waxaana lagu soo warramayaa inay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii daraysa xiisadda ka jirta halkaasi. Ma jiro illaa iyo haddda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan aagga ay wax ka dhaceen. Cadale ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana deegaanada hoos yimaada degmadaas saameyn ku yeeshay dagaallo kusoo noq-noqday. Dagaalka cusub ee dib uga qarxay aagga Cadale ayaa sidoo kale buriyay heshiis dhowaan laga gaaray colaaddii Shabeelaaha Dhexe, kadib dib u heshiisiin ay gobolka ka sameeyeen madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda sare ee HirShabelle. The post Dagaal culus oo dib uga qarxay duleedka CADALE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa markii u horraysay ka hadlay Xubintii Aqalka Sare ee la sheegay in isaga laga qaaday. Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa jawaab ka bixiyay Qoraalkii uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo uu ku sheegay in Salax Jaamac uu lumiyay Xubintii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray go’aan shakhsiyeed baal-marsan Sharciga iyo dastuurka dalka islamarkaana sida uu sheegay ka hor-imaanaya go’aankii Golaha Aqalka sare ku diiday Xilka qaadistiisa. Golaha Aqalka Sare ayuu sidoo kale ku bogaadiyay in ay cod aqlabiyad leh ku diideen Tallaabadii isaga Xilka looga qaadi lahaa waxaana uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin Xubin ka qaadista uu ku sameeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Halkaan ka akhriso Qoraalka Saalax Jaamac PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu lumiyay Xubintii Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS in uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn sharciga, talo-maroorsi iyo gabood-fallo ka hor imaanaya hannaanka doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad, Dastuurka Qaranka, iyo xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare. Waxaa uu diiday islamarkaana sharci daro ku tilmaamay xilka Xayuubintii shalay ay ku sameeyeen Golaha Aqalka Sare. Warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa siddaan u qornnaa. Aniga oo ah Senator Saalax Axmed Jaamac waxa aan halkan ku caddeynayaa in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi, uu ku kacay gabood-fal, talo-maroorsi, iyo sharci-darro baalmarsan hannaanka lagu soo doortay, xilka na ay ku waayi karaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11ad, Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare, sababahan hoos ku xusan datreed: Waxaa wax lala yaabo ah in uu Guddoomiyuhu isku dayo in uu si qaawan o0 baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka ugu dhiirrado soo saarista wareegto sharci- darro ah oo uu xilka uga qaadayo Senator la doortay, qof shacab ahna uu ku magacaabayo. Waxa aan bogaadinayaa mudanayaasha Golaha Aqalka Sare oo si aqlabiyad ah ku diiday tallaabadii sharci-darrada ahayd ee Guddoomiyuhu ku kacay. Waxaa iyana ayaan-darro ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaro go’aan shakhsi ah oo baalmarsan go’aankii Golaha Aqalka Sare ku diiday soo-jeedintiisii gurracnayd. Ma jiro Senator awood u leh in uu Golaha ka saaro Senator kale. Guddoomiyuhu waxa uu si badheedh ah uga been sheegay in aan ka maqnaa dhammaan Kulamadii Baarlamaanka, iyada oo aan ka qaybgalay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah iyo Kulamo Wadajir ah oo uu yeeshay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maadaama aan ahay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa i saaran mas’uuliyad fulineed oo baaxad weyn, taas oo aan ii suuragelinayn in aan ka qaybgalo kulan kasta oo uu yeelanayo Golaha Aqalka Sare. Waxa xusid mudan, in aan mar walba ku maqnaa sabab maangal ah si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qodobka 59aad Faqrada (d), iyo Xeer-Hoosaadka Golaha Aqalka Sare Qodobkiisa 9ªad Farqadiisa 4and Sidaa daraadeed, waxa aan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa warqadda uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi ee sumaadeedu tahay GAS/B-11/17/24 ee ku taariikhaysan 12/10/2024 in aanay lahayn saldhig sharci, ay na tahay waxba kama jiraan. Source: goobjoog.com
  14. Kenya’s national carrier, Kenya Airways (KQ), one of the leading airlines operating on the Mogadishu route, has suspended flights to Mogadishu, Somalia. In a letter to Mohamed Daghar, Principal Secretary State Department of Transport, Ministry of Roads and Transport, the airline’s CEO, Allan Kilavuka, said that the suspension was a result of operational challenges. The suspension, Kilavuka said, will take effect on October 14. “Due to operational challenges, Kenya Airways Board and Management has made the decision to suspend passenger flights to Mogadishu effective October 14, 2024,” the letter reads in part. Kilavuka applauded Kenya’s Transport Ministry, the Embassy in Mogadishu, and government officials for the support to the KQ. Kenya Airways takes this opportunity to thank your office, the Kenya Embassy in Mogadishu, and all government officials who continue to support the airline as it seeks to expand its network, provide connectivity, and provide reliable air travel services in the region and beyond,” Kilavuka said. He, however, called on the Kenyan government to understand the consequences that may arise. Kenya Airways requests your understanding of this unforeseen development that may reverse the positive trend and gains made so far. This decision was made after careful analysis and consideration in the best interest of the airline in the prevailing business environment.” KQ’s sus pension of flights to Mogadishu comes at a time when tensions between Somalia and Ethiopia are escalating. The two countries are currently in dispute over an agreement with Somaliland regarding access to the sea, which has further strained relations. The move by Kenya Airways may also be a result of market conditions, as it faces tough competition from a number of low-cost and more flexible Somali airline companies that operate on the same route. Source ChimpReports Qaran News
  15. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen. Hay’addaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka. 19 qof ayaa lagu dilay gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto. Milatariga Isra’il ayaa Sabtidi shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal. Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Source: goobjoog.com
  16. Ciidanka Booliska iyo nabad sugida degmada Baydhabo ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxo hubeysan oo xalay Baydhabo ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji. Allaha u naxariistee Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji ayaa ka mid ahaa madax-dhaqameedyada ku sugan xarunta Gobolka Baay. Kooxda weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, hase yeeshee ciidanka ammaanka ayaa goobta soo gaaray wax yar kaddib dilka, iyaga oo billaabay howlgallo lagu raad raacayo dableydaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan. Hay’adaha ammaanka ee Baydhabo ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan soo qabashada dambiilayaasha, iyaga oo xusay in baaritaanadu weli socdaan si loo xaqiijiyo in sharciga la hor keeno dadka dilka ka dambeeyay. Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda Xaafadda Bardaale oo dilka uu ka dhacay. Source: goobjoog.com
  17. Cristiano Ronaldo scored for a third successive Nations League game as Portugal maintained their perfect record with a 3-1 victory over Poland on Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. This decision follows months of negotiations involving the government, trade unions, and employers. Initially, employers insisted on the establishment of the National Wages Council before negotiations on the wage increment could begin. In response, Dr. Mutua gazetted the council along with several others across various sectors to ensure a structured approach to the wage increase. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia's Upper House is grappling with internal divisions after Senate Speaker Abdi Hashi Abdullahi declared that Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama had lost his Senate seat due to repeated absences. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Ma'awisleey forces launched a rare and coordinated assault on an Al-Shabaab base in Elbur, Galgaduud, freeing civilians recently detained by the militant group. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Federal MP Abdullahi Adan Ahmed Black has blasted the South West State administration's alleged plan to remove the elected mayor of Hudur, warning that the move could destabilize the district, which has remained relatively peaceful compared to other parts of the region. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia has introduced a national digital identification aimed at enhancing its banking services across the country. Source: Hiiraan Online
  23. Pyongyang (Caasimada Online) – Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtidii uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya. Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed. Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda. Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay. The post Gabadha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi oo digniin dirtay appeared first on Caasimada Online.
  24. Kim Yo Jong, sister of North Korean leader Kim Jong Un, attends a wreath-laying ceremony at Ho Chi Minh Mausoleum in Hanoi, Vietnam, on March 2, 2019. Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa si adag uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya. Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed. Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay. PUNTLAND POST The post Gabadha ugu awoodda badan Kuuriyada Waqooyi si adag ugu hanjabtay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.