Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,042
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan aan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay dullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka cadowga Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  2. Waajid (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab. Ciidamada ayaa ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Waajid ee gobolja Bakool. Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, ayna ku dishay askar Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay hub kasoo furatay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya. The post Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex-maray BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
  3. Maantoo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 70 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calanku waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba looga faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Laakin markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay. Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/Q/ Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
  4. Baidoa (HOL) — Ethiopian troops launched mortar attacks across Wajid district in Somalia's Bakool region following an al-Shabaab militant assault on their military base Friday night, local residents reported. Source: Hiiraan Online
  5. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada aaggaas. Kulanka Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa daarranaa dardar gelinta howlgallada iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jira kooxda Alshabaab ee ka socda dalka. Taliye Dayax ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay ka dib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  6. Baaritaanka ay sameeyeen ciidamada badda ee Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday dhacdo murugo leh oo ka dhacday badda Soomaaliya bishii Janaayo 2024. Intii ay ku jireen hawlgal ay ku doonayeen inay ku qabtaan dooni looga shakisan yahay inay hub u sidday kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, laba askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Navy SEALs—Christopher Chambers iyo Nathan Ingram—ayaa ku dhintay hawlgalkaas. Warbixinta baaritaanka waxay iftiimisay in labada askari ay la kulmeen dhibaatooyin halis ah intii ay ku jireen dabaasha, taasoo ugu dambayn sababtay inay biyaha ku hafteen. Culeyska qalabkooda dabaasha ayaa ahaa mid aad u weyn, taasoo si xun u saameysay kartidooda inay si habsami leh u dabaashaan. Waxa kale oo la sheegay in aysan u isticmaalin jaakadaha sabeynta ee loogu talagalay badbaadada si waafaqsan hab-raacyadii saxda ahaa. Tani waxay noqotay mid ka mid ah qaladaadkii sababta u noqday dhimashadooda. Hawlgalka ayaa ahaa mid khatar badan, waxaana ujeeddadiisu ahayd in la qabto dooni looga shakisan yahay inay hub sharci-darro ah u gudbinaysay kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan Yemen, kuwaasoo dagaal kula jira xukuumadda Yemen oo taageero ka helaysa isbahaysiga Sucuudiga iyo Mareykanka. Dhacdadan ayaa muujisay baahida loo qabo feejignaanta sare iyo ilaalinta hab-raacyada badbaadada xilliyada hawlgalka noocan ah. Source: goobjoog.com
  7. Beledweyne (HOL) - The Hirshabelle administration's Hiiraan region on Friday condemned the clash between forces from the Hiiraan State administration and Hirshabelle State administration in Beledweyne, which killed one civilian and heightened instability. Source: Hiiraan Online
  8. Germany forward Deniz Undav scored two first-half goals in six minutes to guide them to a 2-1 victory over Bosnia on Friday and keep them top of their Nations League group. Source: Hiiraan Online
  9. Kenya has appealed for urgent financial support from the international community to sustain a police deployment in Haiti, which has been extended by a year. Source: Hiiraan Online
  10. The Israeli military has fired on the United Nations peacekeeping force in Lebanon twice in less than 48 hours, the UN says. Source: Hiiraan Online
  11. Kenya's high court ruled on Friday that a case challenging Deputy President Rigathi Gachagua's impeachment should be referred to the Chief Justice. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia says Egypt has offered to deploy peacekeeping troops to the Horn of Africa nation in a security partnership that is emerging as the mandate of a long-time group of African Union peacekeepers winds down. Source: Hiiraan Online
  13. The drownings of two Navy SEALs during a maritime intercept off the coast of Somalia were preventable, caused by a lack of proper training and unclear guidance on effective flotation, a Navy investigation found. Source: Hiiraan Online
  14. Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka. Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ee Xarunta Geneva, Khadra Ducaale, oo khudbad ka jeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa bogaadisay tallaabadan iyada oo soo bandhigtay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dhinaca horumarinta xuquuqul insaanka. Ambassador Khadra ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hiigsaneyso dhammeystirka xilliga kala-guurka ee la falgalka hay’adaha xuquuqul insaanka muddo 12-bilood gudahood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta qorshe-hawleed ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan. Waxay sidoo kale iftiimisay tallaabooyinka muhiimka ah ee dhowaan la qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciga xuquuqda naafada Qaranka, soo bandhigidda istaraatiijiyadda shanta sano ee Hay’adda Naafada Qaranka, iyo ansixinta sharciga carruurta. Danjiraha ayaa ku adkeysatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda ka-qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay, iyada oo gaar ahaan xustay muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dadka la heyb-sooco laga qeyb geliyo go’aamada muhiimka ah. Ambassador Khadra Ducaale ayaa uga mahadcelisay beesha caalamka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Ingiriiska, Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya, iyo Kooxda Ilaalinta iyo Xuquuqul Insaanka ee UNSOM, kuwaasi oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaateen horumarinta xuquuqul insaanka dalka. PUNTLAND POST The post Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey oo ansixiyay qaraar ay soo gudbiyeen Soomaaliya iyo Uk appeared first on Puntland Post.
  15. Maanta waxaa ay ku beegan tahay 12-ka bisha Oktoobar oo ah dharaartii la sameeyay Calanka buluuga ah ee Cawaale, kaas oo ah bandiiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo astaanta shanta Soomaaliyeed . Samaynta Calanka waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan oo kamid ahaa halgamayaashii gobonnimada dalka ummadda soomaaliyeed wax walba u huray. Maxamed Cawaalle Liibaan Allaha u naxariistee wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sanadkii 1919-kii, wuxuuna kamid ahaa ururkii shaqada iyo Shaqaalaha ee xilligii gumeystaha Talyaaniga, waxaana intii uu socday halgankii SYl maskaxdiisa ka soo maaxatay fikradda Naqshadaynta Calanka shanta gees leh. Halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan Allaha u naxariistee wuxuu ku dhintay magaalada Toranto ee dalka Canada sanadkii 2001-dii, balse mirihii halgankiisa oo uu ugu mudanyahay calanka geesiyaal badani ay sarreyntiisa naftooda ku waayeen. Source: goobjoog.com
  16. Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay joojiso hawlihi caafimaad ee ka wadday xero weyn oo ku taalla Waqooyiga gobolka Daarfur ee dalka Suudaan, halkaas oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo ruux oo ku barakacay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda. Xerada Zamzam ayaa dhawaan la xaqiijiyay in ay ka dhex dillaacday macluul kaddib gaajo xoog leh oo soo food-saartay dadka barakaca ah sababo la xiriira colaadda iyo go’doomin ay halkaasi geliyeen garab ka mid ah dhinacyada dagaallamada. MSF waxa ay sheegtay in ay joojisay dhaqdhaqaaqii ay ka waday xerada Zamzam ka dib markii ay is gargaarki u yaallay degaanka Al Fashir ay is hortaag ku sameeyeen malleeshiyada kooxda Gurmadka Degdegga ee loo soo gaabsho RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada qalabka sida ee Suudaan. Ciidanka milatariga Suudaan ayay sidoo kale ku eedeysay MSF in ay si nidaamsan u xannibayaan gargaarka yaalla meelaha ka baxsan gacantooda. Ka bixista MSF ee xerada Zamzam ayaa khatar gelin karta carruur badan oo lagala tacaallayo nafaqo darro, kuwaas oo ay dhici karto in ay u dhintaan macluul. PUNTLAND POST The post Hay’adda MSF oo lagu khasbay in ay joojiso hawlihii ay ka wadday Daarfur appeared first on Puntland Post.
  17. Tan iyo markii ay soo ifbaxday xiisadda Soomaaliya iyo maamulka Abii Axmed, taas oo ka dhalatay heshiishkii Soomaaliland iyo Addis Ababa oo xadgudub cad ku ahaa midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa socday dadaallo mira-dhalay oo la doonayay in gefkaas bareerka ah looga hortago. Dowladda Soomaaliya oo ka duulaysa xuquuqda xeerarka ahi u siinayaan inay gobanimadeeda difaacato ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo dhinaca dublamaasiyadeedda ah, kuwaas oo keenay in dhammaan dalalka dunida ay meel uga soo wada jeesteen xadgudubka Itoobiya, islamarkaana ay taageereen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Inkastoo Soomaaliya ay guushaas caalamiga ah ka gaartay dadaalkeedii ku aaddanaa ka hortagga gardarrada maamulka Abii Axmed, haddana dhinaca Addis Ababa weli gefkii ay xeerarka caalamiga ah iyo hannaanka deris wanaagga ku naafeeyeen kama garaabin, taas badelkeedana Itoobiya waxay billowday gefafka kale oo madax-bannaanida Soomaaliya ka dhan ah. Dhinaca kale markii ay guullo darro ku soo dhammaadeen shirarkii magaalada Ankara, islamarkaana dhanka Addis Ababa waxba ka socan waayeen, Soomaaliya waxay go’aansatay in ciidamada Itoobiya aysan ka noqan doonin howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS, balse maamulka Abii Axmed wuxuu arrintaas uga jawaabay in nabad-gelyada geeska Afrika ay qasab tahay in ayaga wax laga weydiiyo, islamarkaana taladooda aan cidina ka boodi karin. Dooddaas ayaa ah mid ay Itoobiyaanku qarniyo badan rumaysnaayeen, ayagoo sheeganaya inay gobolka hoggaanka u hayaan siyaasad ahaan iyo nabad-gelyo ahaanba, balse haatan wax waliba way is badeleen. Soomaaliya oo horay fagaareyaasha caalamiga ah uga adkaatay maamulka Abii Axmed ayaa haddana gacanta ku dhigtay saameynta geeska Afrika, ayadoo kaashanaysa saaxiibadeeda istiraatiijiga ah. Dhowaan waxaaa magaalada Asmara ku shiray madaxda Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, waxayna halkaas kaga dhawaaqeen isbaheysi xooggan oo awoodda siyaasadeed iyo saameynta xaaladaha gobolkaba aan cidina kula tartami karin. Dhammaan dalalkaani waa kuwo Itoobiya kula colloobay damaceeda qar iska xoornimadu ku larantahay, wayna ku hareeraysanyihiin oo tillaabo walba oo maan-gal ah ayay ka qaadi karaan, taas oo muujinaysa in maamulka Addis Ababa oo go’doon ku jiro. Si kastaba ha ahaatee isbaheysiga Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea ayaa dharnaaxyo kulul ku noqanaya Itoobiya, halka Soomaaliya uu uga dhiganyahay guul taariikhi ah. Source: goobjoog.com
  18. Doorashooyinka Somaliland ee soo socda bisha November 2024 waxay muhiim u yihiin geedi-socodka dimuqraadiyadda ee deegaankan. Inkastoo nidaamka doorashada lagu saleeyo hab-xisbiyo badan, saameynta beelaha ayaa weli aad uga dhex muuqata arrimaha siyaasadeed. Beelaha ayaa door firfircoon ku leh nidaamka hoggaanka iyo go’aamada muhiimka ah ee doorashada, iyaga oo saameyn ku yeesha sida musharrixiinta loo soo xulo iyo taageerada la siiyo xisbiyada kala duwan. Doorka Beelaha ee Doorashada Somaliland waxay leedahay hab-dhaqan ku dhisan beelaha oo weli muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo samaynta dowladnimo. Inkasta oo doorashooyinka lagu qabto nidaamka xisbiyada badan ee tartanka furan ah, saameynta beeluhu waa mid muuqata marka la eego: Xulashada Musharrixiinta: Xisbiyada siyaasadda ee Somaliland sida Kulmiye, Waddani, iyo UCID waxay si weyn uga warhayaan awoodda iyo taageerada beelaha. Musharrixiinta waxay inta badan ku tartamaan taageerada beelaha si ay codod badan u helaan, taas oo musharraxa u oggolaan karta inuu ka adkaado tartamayaasha kale. Musharrixiinta laga soo xulo beelo waaweyn waxay leeyihiin fursad sare oo guul ah, maadaama taageerada beesha ay horseedi karto cod-bixin ballaaran oo isku-dhafan. Habka Isku Dheellitirnaanta Beelaha: Somaliland waxay leedahay dhaqan siyaasadeed oo lagu ilaaliyo dheelitirka awoodda beelaha kala duwan si loo yareeyo isqabqabsi iyo colaad suurtagal ah. Xisbiyada iyo musharrixiintoodu waxay inta badan raadiyaan in kuraasta ugu muhiimsan ee talada dalka ay ka qaybgalaan beelo kala duwan. Dhaqankan ayaa fure u ah ilaalinta xasilloonida iyo wadajirka bulshada. Guddiyada Odayaasha iyo Taageerada Beesha: Odayaasha dhaqanka iyo hogaamiyeyaasha beelaha ayaa door muhiim ah ku leh ololayaasha doorashada. Waxay fuliyaan go’aan ka gaaridda musharrixiinta ay beeluhu taageerayaan, waxayna hagaan qaabka codbixinta. Taageerada odayaashu waxay inta badan go’aamisaa sida codadka beesha loo qeybiyo, taas oo musharrax ka dhigi karta inuu helo codad badan haddii uu haysto kalsoonidooda. Saameynta Taageerada Beelaha ee Xisbiyada Siyaasadeed Beeluhu waxay si joogto ah u saameeyaan siyaasadda Somaliland iyaga oo xidhiidh la leh xisbiyada. Inkasta oo xisbiyadu si rasmi ah u tartamaan, taageerada beesha ayaa ah tiir muhiim ah. Haddii beel laga yaabo inay isku raacdo hal musharrax ama xisbi gaar ah, waxay saameyn ku yeelan kartaa natiijada guud ee doorashada. Sidoo kale, habkan beelaysan wuxuu keenaa in xisbiyadu ka fogaadaan ololayaasha lagu saleeyo waxqabad iyo aragti siyaasadeed oo cad. Halkii ay si buuxda u diiradda saari lahaayeen barnaamij siyaasadeed, xisbiyada ayaa doorbida inay ku tiirsanaadaan xiriirrada bulsho iyo isku xirka beelaha si ay u helaan guul doorasho. Caafimaadka Dimuqraadiyadda iyo Khilaafaadka Ka Dhasha Habka Beelaysan Inkasta oo habka beelaysan uu kaalin mug leh ku leeyahay ilaalinta xasilloonida, waxa jira dood ku saabsan in nidaamkani caqabad ku yahay horumarka siyaasadda casriga ah iyo dimuqraadiyadda. Qaabka doorashada ee ku tiirsan saameynta beelaha wuxuu hoos u dhigi karaa fursadaha musharrixiinta aan beelo waaweyn taageero ka helin. Sidoo kale, wuxuu abuuri karaa cadaadis iyo khilaafyo marka beelo gaar ah aysan helin saami ay ku qanacsan yihiin. Khilaafaadka noocan ah ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid halis ah haddii loo arko in nidaamka siyaasadeed uu dheelli-tiran yahay ama beelo waaweyn ay si aan caddaalad ahayn ugu awood yeeshaan hoggaanka siyaasadda. Source: goobjoog.com
  19. Millatariga Lubnaan ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Israa’iil lagu dilay laba askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Israa’iil ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan. Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Israa’iil iyo Xisbullah. War militariga Lubnan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday. Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay mid halis ah waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado. UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo duqeeyay saldhig ay Ciidamada UNIFIL ku lee yihiin dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  20. 462781320_2272695149781459_8339207657699652473_n Qaran News
  21. The MoU between Ethiopia and Somaliland comes within the framework of creating a new reality. Research indicates that if Ethiopia obtains a sea outlet through the MoU, after it is developed into an agreement between the parties, then Ethiopia will have the natural role of protecting the security of the Red Sea.” As a coastal state, Ethiopia would be able to play a pivotal role in protecting the region’s security and promoting economic interests, Yasin underlined, adding that this aligns with the international law which grants landlocked countries access to the sea, To ensure lasting peace and security, the president noted that military and security cooperation should be fostered through strengthened economic ties. ENA Qaran News
  22. East Burco Clan’s Bold Step Towards a Brighter Future: Why the Clan’s Support for Dr. Abdirahman Cirro is the Key to Saving Somaliland In a historic and decisive moment, the leadership of the East Burco Clan clan has made a bold and courageous decision to throw their collective weight behind Dr. Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro as their chosen presidential candidate for the upcoming November 2024 election. This move, which has garnered wide support from all sectors of the clan—including elders, religious scholars, MPs, and community leaders—demonstrates the foresight and commitment of the East Burco Clan to protect and uplift Somaliland during a time of political instability and national uncertainty. At a critical juncture in Somaliland’s history, the East Burco Clan clan, renowned for its pivotal role in shaping the nation’s destiny, has once again stepped up to offer a solution to the pressing challenges the country faces. Somaliland has been on the edge of political collapse under the leadership of President Muse Bihi, whose administration has been marred by political deadlock, rampant division, and an inability to unite the people. For the past seven years, Somaliland’s political landscape has been embroiled in conflict, stagnation, and an absence of clear direction—a reality that has left many citizens disillusioned and fearful for the country’s future. Yet, as they have done throughout Somaliland’s history, the East Burco Clan clan has risen to the occasion. In an extraordinary meeting held on October 9, 2024, the leadership and all branches of the East Burco Clan clan came together, deliberated on the state of the nation, and determined that the future of Somaliland demands change—a change that can only be realized through the leadership of Dr. Abdirahman Cirro. The decision to endorse Dr. Cirro is not merely a matter of political preference. It is a recognition of the critical role that leadership plays in guiding the nation through turbulent times. Dr. Cirro, with his extensive experience, vision, and unwavering commitment to the people of Somaliland, represents a beacon of hope. He is the leader who can bring about the transformative change needed to pull the country back from the brink and set it on a path of stability, unity, and progress. This is not the first time that the East Burco Clan clan has intervened to steer Somaliland away from disaster. The clan’s historical contributions to peacebuilding, national unity, and political stability have long been recognized across Somaliland’s diverse communities. In moments of national crisis, the East Burco Clan clan has always been a voice of reason, advocating for the collective good over individual interests, and today is no different. Their latest decision to endorse Dr. Cirro is rooted in a careful assessment of the country’s current situation. They have seen how President Bihi’s administration has failed to deliver on its promises, failed to unite the people, and failed to guide Somaliland forward. The East Burco Clan leadership understands that this election is not just about choosing a new president—it is about choosing the future of Somaliland. It is about ensuring that the country’s next leader is someone who can heal the divisions, restore confidence in government institutions, and chart a course for sustainable development. In their statement, the East Burco Clan clan emphasized the urgent need for a change in leadership, pointing out that only through a new administration can Somaliland overcome its current challenges. Their endorsement of Dr. Cirro is a testament to their belief in his ability to bring about this change and lead Somaliland into a new era of peace, stability, and prosperity. For the people of East Burco Clan and Somaliland as a whole, this is a moment of great responsibility. It is a call to action—a call to come together and ensure that the collective will of the people is reflected in the outcome of the November 2024 presidential election. It is a call to vote for Dr. Abdirahman Cirro, a leader who has shown time and again that he has the vision, the experience, and the integrity to steer Somaliland through these challenging times. The future of Somaliland depends on the decisions we make today. The leadership of the East Burco Clan clan has made their decision clear: they stand with Dr. Cirro, and they urge all members of their clan and the wider Somaliland electorate to do the same. This election is a turning point in our nation’s history, and by voting for Dr. Cirro, the people of Somaliland will be choosing a future defined by hope, progress, and unity. As the East Burco Clan leadership aptly stated in their declaration, the time for change is now. Let us all rise to the occasion, as East Burco Clan has, and work together to secure a brighter, more prosperous future for Somaliland under the leadership of Dr. Abdirahman Cirro. Abdi Halim M Musa Public Relations Secretary of Waddani Party E-mail: halimusa4@gmail.com Burco, Rep of Somaliland Wednesday, 9 October 2024 Qaran News
  23. The Chief Commander of the National Police Force Major General Mohamed Aden Saqai Dabagale has said that the Somaliland police force stands for justice and equality to serve the community. He gave the expression as he presided over the graduation of traffic law enforcements officers and the induction of a further new fifth batch in a bid of upping the proficiency skills of the officers in the sector. The training was in the form of Technology Science; he also opened a training for new members who will be taught the rules of road safety. Commander Dabagale said, “I congratulate the police forces that graduated from this training, and those before them.” He noted that people who are educated and skilled were better than those who are not hence would be able to go about their jobs more professionally. He urged the traffic law enforcement policemen to be as diligent as their chores demand and to be just in the dispensation of their duties as per regulations. He noted that the police stations and the roads are where the forces constantly interact with the populace hence they ought to build public rapport appropriately. The police chief pointed out that poor driving skills, un-serviced vehicles and bad road conditions are the three major culprits that are agents of causative accidents. He directed the officers to play by the book and uphold equality as they go about their duties hence see to it that the rules and regulations are adhered to by vehicles plying the roads, “such that unnecessary accidents may be put in check”. Qaran News
  24. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/462665684_502992909386154_5530171044878732663_n.mp4 Qaran News
  25. Asmara (Caasimada Online) – Baaq siyaasadeed wadajira oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka soo saareen madaxda dawladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo xoojinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobnimada Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya. Iyadoo Dawladda Federaalka ay si rasmi ah u soo dhawaysay soo jeedinta ah, in ciidamada Masar ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Labada dowladood ayaa qalinka ku wada duugay in la iska diido wax kasta oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranimadooda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-Sisii waxay baaqooda ku sheegeen in la hormariyo, lana xoojinayo wadashaqaynta dawladaha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku aadan awood siinta hay’addaha dawladda Soomaaliya ee la falgalidda loolannada gudaha iyo dibadda ee ay wajahayso. Howlaha ugu muhiimsan waxaa laga qabanayaa xoojinta dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan argagixisada, una difaacaan xuduuddaha barriga iyo badda, isla markaana u ilaaliyaan wadajirka wadanka. Labada Madaxweyne waxa kale oo ay soo dhaweeyeen cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya sanad kii hore. Sidoo kale waxay boggaadiyeen kulankii golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ee lagu go’aamiyay hawlgalka cusub ee Soomaaliya ee AUSSOM. Ujeedada howlgalkaas waa in la taageero xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo aragtida hortabinta u leh dawladda Soomaaliya, ciidamada Masar ayaa la qorsheynayaa in markii ugu horeysay ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxay labada dhinac soo dhaweeyeen dalabka Masar ee ah in ciidamadeedu qayb ka noqdaan hawgalka cusub ee AUSSOM. Howlgalkaan ayaa bedelaya howlgalka ATMIS ee hadda socda, waxaana la qorsheynayaa in lasoo gabagabeeyo, kan cusubna la bilaabo horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. The post DF oo si rasmi u ogolaatay in ciidamada Masar ay ka howl-galaan gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.