-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somali government has released a satetement on last night’s gunfight in Mogadishu between police and opposition candidates’ security guards. Hasan Hundubey, Somalia’s security minister said armed militia attacked security checkpoints at 1 a.m. local time, sparking brief clashes in parts of the city. An official who spoke on behalf of the militia told the media that they are prepared for an attack against the government offices in Mogadishu, leading the army to be vigilant. The troops have repulsed the attack and managed to take over the scene of the planned Friday rally at Daljirka Dahson. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilowday banaanbax uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbigaha Wadajir kana mid ah midowga Musharixiinta. Banaanbaxa uu hoggaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wuxuu kasoo bilowday jidka aada garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde. Waxaa la filayaa in banaanbaxa uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan uu gaaro ilaa daljirka Daahsoon oo ah halkii loo asteeyey inuu Maanta ka dhaco banaanbaxa inkastoo dhammaan jidadka Muqdisho ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay ayaa sheegay in dadkii la rabay in kasoo qeyb galaan banaanbaxa laga xiray jidadka Muqdisho. ” Farmaajo iyo Fahad meesha ay rabaan waa la isla tagi doonaa, iyagaa magaaladaan ka tagi doono iyagoo duleysan, dadkana dulqaad waa muujiyeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay oo aad u yaraa. Dhanka kale, Waxaa saakay dagan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay saqdii dhexe dagaal kooban ku dhaxmaray ciidanka dowlada iyo kuwa mucaaradka, dagaalkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon oo la filayo in maanta lagu qabto banaanbaxa ay soo abaabuleen mucaaradka. Ciidanka dowladda ayaa ku sugan taalada waxaana la xiray dhulka ka agdhow oo dhan waxaana dadweynaha loo diidayaa in ay lug kumaraan ama ay u dhawaadaan. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa ka barakacay dad badan oo daganaa Boondheere. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ku sugan hoteelka Naasa-hablood 2, waxaana la joogo ciidan kooban oo ilaalo u ahaa, waxaase xusid mudan in dhulka ku dhow oo dhan ay joogaan ciidanka dowladda.
-
Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Muqdisho, kadib dagaal culus oo xalay ka dhacay caasimadda, kaas oo u dhexeeyey ciidanka ammaanka iyo kuwa midowga musharraxiinta. Ciidamada dowladda ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo isku geedaamay taalada Daljirka Daahsoon. Sidoo kale ciidamada ayaa xiray inta badan jidadka muhiimka ah, iyaga oo dadka iyo gaadiid ka celinaya inay isticmaalaan wadooyinkaasi. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyadoo lagu wado in maanta banaanbax ay soo abaabuleen mucaaradka uu ka dhaco caasimadda, lamana oga sida ay wax noqon doonaan. View the full article
-
Magaalada Muqdisho ayaa degan kadib qalaalaaso yar oo Xalay ka dhacay Daljirka Dahsoon iyo Hotelka ay Deganbyihiin Laba Madaxweyne Hore Xasan iyo Shariif.’Ciidamada Dowlada ayaa weerar kusoo qaadey Daljirka Dahsoon waxaana la isweydaarsadey Rasaas, nasiib wanaag cidna wax ma gaarin. Falkaan waxaa Cambaareeyay Musharixiinta io ku tilmaamay dal aan loo dulqaadan karin , Waxayna si toosa ugu eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyo Amarka lagusoo weeraray. •Xalay goor dambe ayaa nala soo weeraray waxaa nasoo weeraray Ciidankii Dowlada, waa nasiib daro in falkaan ay ku dhaqaaqaan” Waxaa sidaas yiri Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Oo Saxaafada la hadlay euxuu Cambaareeyay weerarka lagusoo qaadey Hotelka iyo Daljirkabdahsoon, wuxuu carabka ku adkeeyey in Mudaharaadku uu u dhacayo sidii loo qorsheeyay. Sida aan ku aragtay Wararkayagii Xalay, Wadooyinka Muqdisho kuwa halbowlaha ah Ciidamo ayaa la geeyay. Maka Almikarama, Wadnaha iyo Jidka Sodonka Ciidamada Dowlada ayaa xiray ilaa saakana waa xiran yihiin mana jiro Gaadiid maraya. Tarabuunka ilaa KM 4 Waxaa jooga Ciidamo taageersan Musharixiinta, Daljirka Dahsoon waxaa jooga Ciidamo uu hogaaminayo Janaraal Indhacade. Wixii soo kordha kala Soco Puntlandi.com The post Wararkii u dambeeyay Xaalada Muqdisho iyo weerarkii Xalay appeared first on . Source
-
Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa saaka oo Jimce ah xiray dhammaan waddooyinka iyo Isgoysyada muhiimk ah ee magaalada Muqdisho, si looga hortago bannaanbaxyada ay ku baaqeen mucaaradka dowladda. Ciidamo kala duwan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, ayaa lagu daadiyay waddooyinka, kuwaas oo xannibay isu-socodka shacabka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho. Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, xilli maanta loo ballansanyahay dibad-baxyo nabadeed oo ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta Muqdisho iyo mucaaradka kale ee dowladda. Bannaanbaxyada waxa la doonayaa in lagu qabto taallada Daljirka Dahsoon, halkaas oo xalay dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor mamnuucday isu-soo baxyada iyo kulamada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda COVID-19 oo sida dowladdu sheegtay soo laba-kacleeyay. Balse, mucaaradka ayaa diiday in ay u hoggaansaman go’aankaas, waxaana ay ku tilmaameen xeelad lagu joojinayo bannaanbaxyada nabdoon ee lagu dalbanayo in dalka doorasho ka dhacdo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo xirtay wadooyinka iyo Isgoysyada muhiimka ah ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa saakay xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana ay joojiyeen isu gudubka Gaadiidka, inkasta oo ay dadku lugeynayaan. Waddooyinka Maka Almukarama, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha waxaa xalay la dhigay Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka oo saakay celinaya Gaadiidka Dadweynaha, kuwa gaarka & Bajaajyada. Ciidamo farabdan ayaa saaka taagan wadda kasto iyo guud ahaanba Taallada, waxaana Ciidanku ay dadweynaah u diidayaan in ay isticmaaalaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Taallada, waxaana lasoo dhoobay Ciidamo kala duwan. Inkasta oo maalin Jimco ah ay tahay oo dadka inta badan ka nastaan Goobaha Shaqooyinka iyo Waxbarashada balse waxaan muuqan dhaqdhaqaaq socod oo dhanka Gaadiidka ah sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Meelaha qaar waxaa la maqlayaa rasaas askarta ay ku rideyso Gawaarida kasoo baxa Xaafadaha kuwaas oo doonaya in ay cagaha saaraan Laamiyada waaweyn ee Caasimadda. Ujeedka ugu weyn ee xiritaanka waddooyinka Muqdisho & ciidanka Dowladda soo dhigtay ayaa ka dambeysa kadib markii Musharixiintu ku adkeysteen in uusan baaqan isu soo bax nabadeed oo ay iclaamiyeen. Midowga Musharaxiint ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in maanta xoog lagu baajiyo banaanbixii ay ku baaqeen loona baahan yahay in shacabka loo furo wadooyinka.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Subax-1922021.mp3 View the full article
-
Senator Deeqo Xasan Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha golaha aqalka sare ayaa si adag uga hadashay xaaladda cakiran ee magaalada Muqdisho iyo dibad-baxa mucaaradka. Marwo Deeqo Xasan ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in aysan ka qeyb-gelin dibad-baxa la qorsheynayo in maanta oo Jimco ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyada oo tilmaamtay in wax dan ah uusan ugu jirin guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in banaan-baxan uu lee yahay wejiyo kale, islamarkaana dano siyaasadeed iyo kuwa gaar ah laga leeyahay. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ciidamada ammaanka ee dowladda ay la wareegeen taaladda Daljirka Daahsoon oo loo qorsheeyey inuu ka dhaco dibad-baxa, si ay sugaan amniga, uga hortegaan dibad-baxaas oo ku soo aaday, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah. View the full article
-
Humanitarian agencies plan to help 3.1M vulnerable Somalis in 2021 Source: Hiiraan Online
-
BBC-da loogu heysto Wareysi ay la yeelatay Haweeney Muslim ah?+Sababta Zara Mohammed waxaa bayaaqadii bishii January loo doortay in ay hoggaamiso Golaha Muslimiinta Britain Wareysi Barnaamijka haweenka ee idaacadda BBC Radio 4 lagula yeeshay haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqotay Golaha Muslimiinta Britain ayaa lagu tilmaamay mid ay “cadaawad ku dheehneyd”. In ka badan 100 siyaasi, qoreyaal iyo dad kale oo caan ka ah bulshada dhexdeeda ayaa saxiixay warqad looga cabanayo sida barnaamijkaas loogula dhaqmay Zara Mohammed. Waxaa warqaddaas lagu sheegay in wariyaha barnaamijkaas daadihineysay, oo lagu magacaabo Emma Barnett, ay u muuqatay “in ay kusoo celcelineysay erayo dhaawicitaan iyo waxyeelleyn ah” oo ku saabsan Islaamka. Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirkaddu ay arrintan jawaab ka bixin doonto “waqtiga ku habboon”. Emma Barnett waxay daadihiyaha barnaamijkan noqotay bilowgii sanadkan Dadka warqadda dacwada ah saxiixay waxaa ka mid ah Xildhibaan Baroness Warsi, oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka, xildhibaannada xisbiga Labour-ka ee kala ah Diane Abbott iyo Naz Shah, wariye Afua Hirsch, atooraha reer Britain ee lagu magacaabo Jordan Stephens iyo xoghayaha guud ee Golaha Muslimiinta Britain, Sir Iqbal Sacranie. “BBC-du waa in ay ka taxadarto sida ay ula hadleyso haweenka Muslimiinta ah,” ayaa lagu yidhi warqadda. Si gaar ah waxaa loo dhibsaday su’aal ay dhowr jeer “soo celcelisay” wariye Barnett oo ay ku weydiineysay tirada imaamyada haweenka ah ee jooga Britain. “Iyadoo Zara Mohamed ay dhowr jeer ku celisay in howsheeda aysan ahayn dhinaca go’aannada diinta ku saleysan oo ay qaabilsan tahay dhinaca Arrimaha Bulshada, Barnett waxay su’aasha ku saabsan imaamyada dumarka ah weydiisay afar jeer, mar kastana waxay dhex galeysay jawaabta Zara,” ayaa lagu yidhi warqadda. Wariyaha wareysiga qaadeysay “waxay u ekeyd sida wariye wareysi la xisaabtan ah ka qaadaya qof siyaasi ah, halkii ay u qaabili lahayd islamarkaana u aqoonsan lahayd inay la hadleyso hoggaamiye mataleysa haweenka muslimiinta ah ee Britain”, ayaa lasii raaciyay. Waxaa kale oo warqadda lagu xusay in wariyaha ay si khaldan isula barbardhigtay imaamyada iyo baadariyada diimaha kale. Kaddib markii warqaddaas la daabacay, afhayeenka BBC ayaa yidhi; “Mowduucan waa mid aan horayba ugu mashquulsaneyn ka jawaabistiisa, hadda oo aan warqaddan helnayna waxaan uga jawaabi doonnaa waqti ku haboon.” Barnett wali arrintan kama aysan hadlin wixii ka dambeeyay qoraalkii ay Twitter-ka soo dhigtay wareysiga kaddib. Warqadda looga cabanayay wareysiga BBC-da ayaa sidoo kale lagu sheegay dhaleeceyn ku saabsan in BBC-da gudaheeda “aysan ka jirin wakiilnimo” waxaana loogu baaqay shirkaddan warbaahinta ah in ay soo saarto bayaan shacabka ugu sheegeyso “in ay toosinayaan la dhaqanka haweenka Muslimiinta ah” ayna shaqaaleysiiyaan Muslimiin qabata xilalka hoggaaminta ah. Golaha Muslimiinta Britain waa dalladda ugu weyn ee ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Britain, waxaana xubno ka ah in ka badan 500 oo qof. Sidoo kale waxaa xubin ka ah masaajidyo, iskuullo, hayado samafal iyo shabakado rasmi ah. Markii uu wareysigaas baxay 4-tii bishan February kaddib, Barnett waxay faafisay cod Twitter-ka lasoo galiyay oo laga soo jaray wareysiga, gaar ahaan qeyb ah iyadu ku leedahay: “Wali waxaan qabaa su’aal waxaana jeclaan lahaa inaan ogaado” arrinta ku saabsan tirada imaamyada dumarka ah. Waxay sidoo kale Zara uga mahad celisay “wareysiga ballaaran ee ay la yeelatay”. Barnaamijka ayaa markii dabe codkaas ka saaray Twitter-ka, hase yeeshee waxaa sababta lagu sheegay in loo baahnaa in wareysiga uu dhameystirnaado si loo wada maqlo xogta ku jirtay wareysiga. Qaran News
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah ayaa maanta ka qayb galay munaasibad ka qabsoontay magaalada Boorama oo lagu shaacinayay qaybta 2-aad ee Musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka uga tartamaya Xisbiga gobollada Awdal iyo Salal. Musharrixiinta isu soo taagay Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ee madaxda Xisbiga WADDANI maanta ka qayb gashay xafladdooda shaacinta ayaa kala ah #Golaha_Deegaanka Degmooyinka Awdal & Salal 1. Cabdinaasir Maxamuud Qowrax 2. Maxamed Axmed Warsame 3. Yaasiin daheeye Qalinle 4. Maxamed Axmed Caateeye 5. Maxamuud Faarax Warsame 6. Mustafe faarax Qabile 7. Maxamed Xuseen Xasan 8. Cabdikhadar Maxamed Cabdi 9.Maxamuud Warsame Ruush 10.Khadar Maxamed Aadan 11.Mustafe Cumar Cige 12.Mooge Cabdillaahi #Golaha_Wakiilada: 1. Maxamud Cumar Cabdi 2. Mukhtaar Xasan Maydhane 3. Daahir Cawaale Cawaale 4. Axmed Yaasiin Maxamed 5. Cabdikariim Aadan Cumar 6. Maxamed Abiib Yusuf 7. Cabdilaahi Hanfi Boodhle Qaran News
-
Murashax Daahir Maxamuud Geelle ,oo kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday hotel Maa’ida, uu ahaa mid qorshaysan oo madaxweyne Farmaajo ku doonayay in lagu khaarajiyo madaxweynayaashii ka horreeyay ee Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Murashax Daahir Geelle oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, wuxu sheegay in madaxweyne Farmaajo weerarkaas u qaaday, si loo fashiliyo bannaanbaxyo Nabadeed oo la doonayo, in ay maanta oo Jimce ah ka dhacaan Muqdisho, islamarkaana lagu dalbanayo in dalka doorasho laga qabto. Madaxda dowlad goboleedyada ayuu sidoo kale ugu baaqay, in aysan imaan Shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay, si aysan Amnigoodu khatar u gelin, maadaama Farmaajo weeraray madaxdii isaga xukunka uga horraysay. “ Waxaan leenahay Farmaajo waa nin horor ah haddii uu madaxdii ka horraysay maagay idinkana waa idin maagi karaa la iskuma aamini karo. Goob nabad ah oo dadku isu’gu yimaadaan baa loo baahanyahay” ayuu yiri Murashax Geelle. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Daahir Geelle oo ka digay in Farmaajo shirqool ku laayo madaxda dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Xog cusub oo helay+Sidii dagaalka loogu dilay fircoonkii Masar xukumi jiray Meydka boqor Seknen Ra Baaritaanno loo adeegsaday raajada nooca loo yaqaanno “CT scans” ah ayaa lagu ogaaday arrimo ku saabsan dilkii fircoonkii lagu magacaabi jiray Seqnen Rac-Taacaa II, oo Masar xukumayay 3,600 oo sano ka hor. Wargeyska Seyniska wax ka qora ee Frontiers ayaa daabacay natiijada baaritaanka oo uu sameeyay kii hore ee arrimaha taariikhda Masar, Zahi Hawass, isagoo kaashanayay Sahar Selim, oo ah barfasoor cilmiga baaritaannada raajada ka dhiga jaamacadda Qaahira. Labada cilmi baare ayaa sharraxaad cusub ka bixiyay sidii uu ku dhintay Seqnen Rac, iyagoo xogtoodana ku saleynaya labo ilaa saddex sawirrada raajada CT scan-ka ee ay ku sameeyeen meydka boqorka. Waxay ku arkeen calaamado dhaawacyo ah oo ka muuqda gacmihiisa, taasoo sharraxeysa suurtagalnimada in dagaalka lagu qabtay isagoo nool, kaddibna gacmihiisa loo xiray gadaal, sidaas awgeedna uusan iska difaaci karin jugta looga dhufanayay madaxa iyo wajiga. Raajooyinka ayaa shaaca ka qaaday dhaawacyo madaxa uga yaalla oo markii hore qarsanaa, maadaama raajooyinkii la saaray 1960-kii aysan ahayn kuwo casri ah. Sawir laga qaaday meydka boqor Seqnen Rac-Taacaa II Waxaa la qiyaasayaa in boqorka maaxa wax looga dhuftay isagoo hurda, taas oo sababtay in uu geeriyoodo, maadaama aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in dhaawac seef oo meel kale laga gaarsiiyay, oo aan ka ahayn midka madaxa uga yaalla. Baaritaanka cusub ee raajada CT ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qiyaasta ku aaddan da’da boqor Seqnen Rac ka hor inta uusan geeriyoonin, waxaana lagu sheegay ilaa 40 sano, sida ay muujinayaan lafihiisa. Meydka Seqnen Rac ayaa laga arki karaa in uu la mid yahay sida dadka caadiga ah ee Masaarida, oo dhirirkoodu yahay 170 cm iyo in jir ahaan uu ahaa qof xoog badan. Seqnen Rac wuxuu safka hore uga jiraa boqorradii soo maray taariikhda dalka Masar. Sida uu sheegay Selim Hasan oo ku xeel dheer taariikhdii hore ee dalkaas, Seqnen wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee billaabay dagaalkii waddanka looga xoreynayay maamulkii Hyksos, kaasoo isaga markii uu geeriyooday ay sii dhameystireen wiilashiisii la kala oran jiray Kamos iyo Ahmose. Isagu wuxuu ahaa wiilkii uu dhalay boqor Sanakht An-Rac Taac I, wuxuuna ka mid ahaa boqorradii 17-kii qoys ee soo maamulay Masar. Taariikhyahannadu way isku khilaafaan muddada uu Seqnen xilka soo hayay. Waxaa la aaminsan yahay in uu taajka boqortooyada qaatay 1560 BC. Markii ay taariikhdu ahayd 1880 AD ayaa meydka Swqnen Rac laga helay meel u dhow macbadka 1560 BC. Cilmi baareyaal uu horkacayo Elliot Smith ayaa aaminsan in Seqnen uu ku dhintay dagaal culus oo loo adeegsaday tooriyo iyo faasas, oo ay ku soo qaadeen labo qof ama wax ka badan xilli uu boqorka ku hurdayay sariirtiisa, dhaawacyadii lagu dhuftayna ay uga dhaceen madaxa iyo wajiga. Dadkii meydkiisa u yimid uma suuragalin in ay si fiican isugu duwaan ama ay ka masaxaan dhiigga iyo qeybo ka mid ah maskaxdiisa oo kasoo qulqulayay wajiga. Cilmibaareyaal kale oo uu ka mid yahay Mesbro ayaa sheegay in Seqnen Rac lagu dilay goob dagaal, sababta looga adkaadayna ay ahayd in uusan heysanin hub fiican oo ku filan. Inta badan taariikhyahannada ayaa isku raacay in Senen Rac uu aad uga soo hor jeestay boqorkii maamulka Hyksos, ee la oran jiray Apophis, kaasoo dhibaato weyn iyo cadaadis ku hayay caasimaddiisa gacanka Nile. Sida uu sheegay Maniton al-Samnudi, oo ku xeel dheer taariikhda, boqorkii Hyksos wuxuu farriin daahdaansi ah usoo diray Seqnen Rac, isagoo u sheegayay in uu dagaal ku dhawaaqay, maadaama sida uu ku andacoonayay uu ka seexan waayay dhawaaqa jeerta ku nooleyd harada ku taalla qasrigiisa agtiisa, inkastoo ay u dhaxeeyeen boqollaal kiiloomitir. Qaran News
-
Xukuumadda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay sida ay wax u dhaceen. Maleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa. Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale View the full article
-
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali, ayaa Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, wuxu sharraxaad kaga bixiyay fasirka taallada ” Daljirka Dahsoon” taas oo ah halka maanta la filayo in ay ka dhacaan bannaanbaxyada Muqdisho. Cali Soomaali wuxu sheegay in kalmadda Daljir fasirkeedu yahay askari, halka kalmadda dahsoon uu fasirkeedu yahay shay aan la garanayn, waxaana uu tilmaamay in sababta taalladaas loo dhisay ay tahay in si guud loogu xasuuto askartii u dhimatay xornimada Soomaaliya, balse aan hebel iyo hebel loo garanayn maadaama ay badnaayeen. Waxaase uu xusay in ay jireen dad u dhintay halgankii gobannima-doonka Soomaaliya, kuwaas oo magacyadooda weli la yaqaan, islamarkaana hebel iyo hebel loo xusi karo, kadibna loo dhisay taallooyin ay ku qoran yihiin magacyadooda saxda ah sida Axmed Guray iyo Xaawa Taako. Dhinaca kale, wuxu faallo kooban ka bixiyay labadii ciidan ee xalay ku dagaallamay “Daljirka Dahsoon” kuwaas oo kala ahaa ciidanka dowladda oo diidan mudaharaadka iyo ciidanka mucaaradka oo doonaya in la qabto muddaharaadka looga horjeedo dowladda. Cali Soomaali ayaa tilmaamay in labadii ciidan ee xalay dagaallamay midkood uu ilaalinayay Kursiga madaxweyne Farmaajo, halka kan kalena ilaalinayay muddaharaadka mucaaradka, sidaas darteed ay mudan yihiin in loo dhiso laba taallo oo kala ah “ Kursi-jir” iyo “muddaharaad-jir” Hoos ka akhriso Qoraalkiisa Ereyga “Daljir” macnihiisu waa askari. Waa askari ay shaqadiisu tahay inuu dalka ilaaliyo. Hadaba si aan loo hilmaamin ama loo ilaawin daljiradii (askartii) u dhintay ( shahiidey) iyagoo ciidooda ilaalinaya ayaa waxaa Muqdisho looga sameeyey taalooyin kuwoodii aadka u caanka ahaa, sida “taaladii Xaawa Taako” “taaladii Axmed Gurey” markaas ayaa hadana waxaa la yiri waxaa jira daljiro badan oo ciidooda u dhintay oo aan magacyadooda la garanayn ama la soo koobi karin. Markaas ayaa waxaa la wadaajiyey oo loo dhisay taalo loo bixiyey ” Daljirka Dahsoon” waa taas aad caawa daawanaysaan. Hadaba maadaama labada ciidan oo caawa dagaalamayaa aaney u qalmin “Daljir” si iyagana loo xusuusto waxaan Duqa muqdisho ka codsanayaa inuu halkaa uga dhiso laba taalo oo la kala yiraahdo “Kursi jir” iyo “Mudaharaad jir.” PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan Puntland oo ku baaqay in Taalooyin loo dhiso ciidankii xalay ku dagaallamay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada-jeestaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamay xukun ku dhisan Keligii-talisnimo. “Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.” Ayuu yiri Ex. Ra’iisul wasaare khayre. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Ex. Ra’iisul wasaare Khayre ku sheegay in weerarka xalay lagu qaaday Hoteelka ay deggan yihiin Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh uu bilow u yahay Natiijada xukun isku-dhejinta madaxweyne Farmaajo. “Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.” “In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.” Ayuu sii raaciyay Mr Khayre. PUNTLAND POST The post Khayre oo ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto xukunka madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdishio (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerar caawa lagu soo qaaday Hotel ay degan yihiin isaga iyo Xasan Sheekh uu amray madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shariif oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa yiri “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay. Waxa uu intaas ku daray “ Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.” Hadalka Shariif ayaa waafaqsan mid isna kasoo baxay Xasan Sheekh oo uu ku yiri “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan.” Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay, una dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa sugaya amniga musharaxiinta.
-
Magaalada Muqdisho waxaa saqdii dhexe ee caawa dagaal kooban ku dhexmaray ciidmada dowladda iyo kuwa mucaaradka. Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka hoteelka Maa’ida (Naasahablood 2) oo ay dagan yihiin qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta. Dowladda iyo mucaaradka ayaa midba mid ku eedeeyay dagaalka oo hadda istaagay, balse weli laga cabsi qabo dagaal mar kale dhexmara labada dhinac. Dowlada Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in meleeshiyaad hubaysan ay 1dii habeenimo soo weerareen qeybo kamid ah baraha ciidamada ee Muqdisho. “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale. Dhanka kale madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaaa qoraalo ay ku daabaceen barahooda Twitterka ku sheegay in dowladda ku soo qaaday weerar lagu caburinayo oo looga hortaga mudaharaadka qorsheysan. Dagaalka ka dhacay Muqdisho, lama oga in khasaare ka dhashay iyo in kale, dowladda iyo mucaaradkana midkoodna ma sheegin khasaare. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in ciidamada dowladda weerar lagu soo qaaday. Hadalka Xundubey ayaa ka duwan kan mucaaradka oo ahaa in ciidamada dowladda ay weerareen Hotel-ka Ma’ida oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.” Xundubey ayaa intaas ku daray in ciidamada Qalabka Sida ay markaa kaddib galeen heegan buuxa ayna iska difaaceen weerarkaa, sida uu hadalka u dhigay. “Waa ay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa,” ayuu yiri.
