-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar kusoo qaadeen Hotel Ma’ida oo ay degan yihiin isaga iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo daadinayo dhiigga shacabka, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay.
-
Mogadishu (Commentary ) — In July 2012 Abdi Ismail Samatar, a Professor of Geography at the University of Minnesota, argued that “TFG leaders, the UN, AU and IGAD conspire to destroy Somalis’ hope for peace and an accountable government in their land”. In 2012 his brother, Professor Ahmed Ismail Samatar, was a Presidential Candidate. Today, he accused UNSOM of acting as if Somalia was “a trusteeship”. He used the phrase “reer Waqooyi” (northern people) to refer to Somaliland quota of MPs and Senators, and objected to the breakthrough at Baidoa summit. He describes the Somali President as “the man on the mountain.” He called on “people of Mogadishu to kick out UNSOM if it doesn’t change its ways.” TFG leaders, the UN, AU and IGAD conspire to destroy Somalis’ hope for peace and an accountable government in their land. Professor Abdi Samatar had crossed the acceptable line of political discourse. Some media outlets such as the BBC Somali Service and VOA Somali Service interview him as a disinterested analyst. In his speech Professor Abdi Samatar used a language reminiscent of warlords’ demagoguery. While Professor Abdi Samatar was making inflammatory remarks, the Chairman of the Upper House, Abdi Hashi, stood by. Abdi Samatar has shown a total disregard for the rule of law in Somalia. There is a difference between criticising policies and egging on citizens to be antagonistic towards UNSOM. Somalia is still a fragile country where an irresponsible politician can resort to incitement to make a political point. Professor Abdi Samatar’s outburst sets a bad example for people who look up to him as a successful academic; it damages the reputation of his university, and will not go down well with his students. There has always been a question about the existence of Somali intelligentsia. If a scholar, who has been writing about Somalia for almost four decades, can make unguarded remarks about political disagreements and threaten UNSOM with popular revolt, what can Somalis expect from less informed analysts? Some words such as ‘rape’ used by Professor Samatar in his speech, have no place in political arguments. By Awil Ali Ileye The post Professor Abdi Samatar and the Art of Demagoguery appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iska hor-imaad xoog leh yaa hadda ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada. Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayuu xoogiisu ka socdaa taalada Daljirka Daahsoon oo ah goobtii loo asteeyey in lagu qabto banaanbaxa. Waxaa sidoo kale halkaas ku yaalla Hotel Nasahablood 2, oo ay degan yihiin qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore. Sidoo kale Senator Ilyaas Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Farmaajo uu weerar cad kusoo qaadey Daljirka-Dahson oo oo maalinta berito ah loo diyaariyay inuu kadhaco mudaaharaad nabadeed halkaas oo ay joogeen ilaalada Masuuliyiinta Midowga Musharraxiinta oo ay ugu horeeyaan 2dii Madaxweyne ee hore Sheikh Sharif iyo Hassan Sheikh.” Illaa iyo hadda ma cadda sida dagaalku ku billowday, waxaana wararka ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ilaalada musharaxiinta iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamo uu hoggaaminayo Jeneraal Indhacadde ayaa fiidkii hore ee caawa la wareegay fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, halka dowladdana ay ciidamo ku daadisay aagaas iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada. Jeneraalka oo warbaahinta kula hadlay Daljirka ayaa sheegay in dalkan aysan dowlad ka jirin, isla markaana uu isku xil qaamay sugidda ammaanka banaanbaxayaasha.
-
It is so funny when academics confuse fantasy with reality. It seems the writer of the article: ‘Citizens’ lack of feeling for national pride is Somalia’s root problem’ is one of those. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Mareykanka iyo wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ay dowladda Soomaaliya uga digeen in ay faro-gelin ku sameyso banaan-baxa beri ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda looga digay in ciidanka qaranka ay u adeegsadaan joojinta banaan-baxaas, talaabadaas oo ay ka imaan karto isku dhacyo uu dhiig ku daato. “Dastuurka ayaa u ogol in dareenkooda cabiraan shacabka waxaan ka digaynaa in rasaas loo adeegsado si loo joojiyo banaanbaxa, arintaan waxay ka hor imaaneysaa dastuurka iyo dimuqraadiyada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo loo diray madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheneysa in maalinta berri ah ay joojiso banaan-baxaas oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana si weyn abaabulkiisa looga dareemayo Muqdisho. Digniinta beesha caalamka ayaa timid kadib markii ay ku guul-darreysteen isku day ay doonayeen inay mucaaradka uga dhaadhiciyaan in dibad-baxa la baajiyo, taasi oo mucaaradka ay ku gacan seereen.
-
Mogadishu (PP News Desk) — Yusuf Mohamud Siyad Indha’ade, a former Somali warlord, has sent militias to the Unknown Soldier’s Monument, the venue where demonstration is slated to take place tomorrow. Indha’ade told a reporter that “there is no a government in Somalia and that the President’s term of office had ended”. He said that it was his responsibility to take over the security of the venue.” Yusuf Mohamud Siad Indha’ade claims his militias have taken over security at the Unknown Soldier’s Monument “because Somalia has no a government.” Earlier today the former Somali President Sharif Sheikh Ahmed paid a visit to the Unknown Soldier’s Monument and described the planned demonstration as “a peaceful expression” to ensure that Somalia will have free and fair elections. Indha’ade, who is brigadier general despite never joining the Somali Army, was the Defence Secretary of the former Union of Islamic Courts. He is remembered for making threats to attack Addis Ababa, the capital of Ethiopia in 2006, prompting the Ethiopian Government Forces to intervene in Somalia on grounds of “self-defence and protecting the fledgling Transitional Federal Government of Somalia”. The Union of Somali Presidential Candidates have yet to clarify their position on the apparent violation of the need to avoid the use of an inflammatory language, one of the ground rules agreed before the demonstration. A video clip of the interview with Indha’ade at the Unknown Soldier’s Monument. © Puntland Post, 2021 The post A Former Somali Warlord Deploys His Militias At the Unknown Soldier’s Monument appeared first on Puntland Post.
-
Gudiga ay Xukuumada Puntland u saartay waxka qabashada Sare u kaca lacagta ayaa booqasho waxay ku joogaan Magaalada Bosaso halkaasoo ay kula kulmeen Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka. Gudiga ayaa u kuur galay halka uu marayo Barnaamijkii ay u dajiyeen in wax looga qabto isbadalka lacagta iyo Socodsiinta Lacag Soomaaliga. Gudigu waxay sheegeen in ilaa hada ay waxbu socdaan qaabkii loo fariisiyay lacagta, waxayna u muuqataa in guul laga gaaray. Warar waxaa jira sheegaya in Dowlada Puntland ay kharash badan ku bixisay sidii loo xalin lahaa murankii ka taagnaa qaadashada shilin Soomaaliga, ujeedkuna wuxuu ahaa in La adkeeyo heerka sarifka lacag Soomaaliga iyo Dollarka. The post Gudiga Xasilinta shilin Soomaaliga ee Puntland oo booqday Bosaso appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar__Qubanaha-1822021-OK.mp3 View the full article
-
Qeybo kamid ah waddooyin magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu arkayaa ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwo ka amar qaata mucaaradka. Ciidamo uu hoggaminayo Yuusuf Indhacadde ayaa caawa la wareegay aagga Taallada Daljirka Daahsoon oo la filayo in maalin berri ah uu ka dhaco bannaanbax ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta. Yuusuf Indhacadde oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadda uu horkacayo ay sugi doonaan ammaanka bannaanbaxyaasha iyo mas’uuliyiinta kala qaybgalaysa ee mucaaradka. Dhanka kale ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu soo daadiyay qaar kamid ah isgoysyada Muqdisho, kuwaas oo baaritaano sameynaya. Dadka Muqdisho ayaa ka cabsi qaba isku dhacyo ka dhasha ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ee caawa kuwada sugan waddooyinka Muqdisho. Mucaadka ayaa berri oo jimce ah qorsheynaya mudaharaad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, halka dowladduna ay mamnuucay isu soo baxyada. PUNTLAND POST The post Xaaladda Muqdisho ee caawa appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo ka tirsan Ciidamada Dowlada laakiin taageersan Musharixiinta ayaa la xaqiijayay inay la wareegeen Tarabuunka ilaa Nr.4, waxaana Ciidamadaan hogaaminaya Taliyihii hore ee Ciidanka Danab Korneyl Ismaaciil Cabdimaalik (Sawirka kore) oo ah Reer Deyniile. Taliyahaan wuxuu Xalay la wareegay Ciidamo ka tirsan Ciidamada Dowlada, wuxuuna Galabta makhribkii usoo ruqaansadey Dhinacaas iyo Degmada Hodan, waxayna sal dhigeen Tarabuunka iyo Isgoyska Nr.4. Warar waxaa jira iyana in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada ay Diideen inay Xiraan Wadooyinka Magaalada Qaarkood. Waxaa jira iyana warar sheegaya in Qaybo kamida Golaha Wasiirada Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ay ka gadoodeen qaabka ay Xukuumadu u maaraynayso Mudaharaadka Mucaaradku isugusoo baxayaan. Beri oo Jamce ah waxaa lagu balansan yahay Mudaharaad loogasoo horjeedo Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey, Puntlandi.com Muqdisho The post Yaa hogaaminaya Ciidamada la wareegay Tarabuunka ilaa Nr.4 appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xog ay ka heshay Caasimada Online xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegeysa in kala aragti duwanaasho xoog leh uu ka taagan yahay mowqifka dowladda ee banaanbaxa berri. Ilo ku dhaw labada xafiis ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ra’iisul wasaare Rooble uu soo jeediyey in banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu la ogolaado, isla markaana ay dowladdu qaadato doorka kaga aadan sugidda amniga. Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday soo jeedintaas, sida aan xogta ku helnay, waxaana dib loo dhigay war lagu cadeyn lahaa mowqifka xukuumadda ee banaanbaxa berri oo Jimco ah ka dhici doona Muqdisho. Warkaas oo lagu fasaxayo banaanbaxa ayaa la qorsheeyey in caawa fiidkii laga soo saaro xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, balse waxaa si adag uga hor yimid madaxweyne Farmaajo oo doonaya in gabi ahaanba la joojiyo banaanbaxa. Caawa waxaa madaxtooyada ka socda kulamo ay madaxda waqtigu ka dhamaaday uga arrinsanayaan banaanbaxa berri la iclaamiyey, kaas oo sida laga dareemayo Muqdisho aad loogu diyaar garoobay. Markii ay soo dhamadaan kulamada u socda madaxda, waxaa la filayaa in isla caawa ay dowladdu shaaciso mowqifkeeda banaan-baxyada burrito. Dhanka kale ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay halkaas.
-
Caawa waxay Ciidamada Mucaaradka iyo kuwa Xukuumadu ay kukala tartamayaan inay kukala hormaray Wadooyinka Muhiimka ah. Wadada 21 Oktobar waxaa la wareegay Ciidamada Mudharixiinta, wadadaan waa muhiim waa wadada loo Mari Dekada, Tarabuunka, Isgoyska Soobe iyo Wadada Taleex waxaa fariistay oo la wareegay Mucaaradka Qaybo kamida wadada Maka Al mukarama Sayidka waxaa la keenay Ciidamo dheeraada oo kuwa Dowlada ah. Daljirka Dahsoon waxaa La wareegay Ciidan uu wato Indhacade. Meelaha qaar Labada Ciidan aad ayay isugu dhowyihiin, Ciidamada Amisom ayaa iyana heegan la galiyey sida lagasoo xigtay Saraakiil Xalane ku sugan. Inta badan Madaxweynayaashii Maamul Goboleedyadu Way ka baaqdeen Shirkii uu dhalay iclaamiyey Madaxweyna Xilkiisu fhamaadey. Xaaladu waxay u muuqataa in hada lagasoo gudbay Xiligii Xukuumada iyo Maamul Goboleedka oo qura ay Xaaladu ka dhaxaysay, Caawa waxay isu badashay Mucaaradka iyo Xukuumada Wakhtigeedu Dhamaadey. Puntlandi.com Muqdisho The post Wararkii u dambeeyay, Ciidamada Mucaaradka oo la wareegay Wadooyin muhiim ah iyo kuwa Dowlada oo iyana fariistay Wadooyin kale appeared first on . Source
-
Beri oo Jimca ah ayaa la filaya in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbaxii ugu weyna ay soo abaabulaan xubnaha Mucaaradka. Banaanbaxa oo ka dhici doona Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dhamaan mas’uuliyiinta Midawga Musharixiinta, Xildhibaano ,Siyaasiyiin iyo Shacabka Muqdisho. Isusoo baxaan ayaa looga soo horjeeda qaabka uu Farmaajo doorashooyinka dalka u wado iyo Joogitaankiisa Villa Soomaaliya maadama uu waqtigiisa uu dhamaday. Qaar ka mid ah Midawga Musharixiinta ayaa galabta kormeer iyo Indha indheyn ku tagay taalada Daljirka Dahsoon oo berri uu ka dhici doona Banaanbaxa. Gudoomiyaha Midawga Musharixiinta ahna Madaxweeynihii hore ee dalka ayaa sheegay si wanaagsan loogu diyaar garoway Isusoo baxa. Dhanka kale Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo ka tirsanMidawga Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Banaanbaxa uu bilaabmi doono 7:00Am oo subaxnimo . Xaaladda magaalada ayaa cawa dagan iyadoo dowladda u muuqata in ay yareysay cadaadiska ay ku heysay banaanbaxa. Musharixiinta ka qeeyb galeysa ayaa sidoo kale caawa ku hoyanaya Hotella ku yaallo aga gaarka goobta uu ka dhacayo Isusoobaxa. General Indhacadde iyo ciidamadiisa ayaa sido kale la wareegay Amaanka Daljirka Dahsoon. Sikastaba Beri subaxii ayaa la filayaa in Kumanaan ruux ay isugu soo baxaan Daljirka Dahsoon. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 132 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 7 qof ayaana u geeriyootay. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay dhamaan gobalka Banaadir (132) qof, 83 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 49-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,632 waxaa bogsootay 3,757 Ruux. guud ahaan 179 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay Daljirka. Ciidamada uu hoggaaminayo Indhacadde oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gedaamay fagaaraha taallada Daljirka, waxaana halkaas warbaahinta kula hadlay Jeneraal Indhacadde. “Halkaan waxaan caawa u joogaa kormeer, si aan ula socdo ammaanka goobtan berri banaanbaxu ka dhacayo… cid ii wakiilatay malahan howshan oo dalku dowlad malahan, halkaana waxaa I keenay damiirka igu jira, si loo helo dowlad dadku soo dhisteen oo doorasho ku timaada,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Jeneraalka ayaa ku cel-celiyey in wax maamul ah uusan dalka ka jirin, “Anigu wasiir ayaan ahaa jiray, marka wasiirka hadda jira waa anigoo kale wasiir ayuu ahaan jiray, Cabdiqaasin oo caawa jooga Masar iyo Farmaajo waa isku mid, laba madaxweyne oo hore waaye,” ayuu yiri Indhacadde. Waxa uu sheegay in dadka uu u xaqiijinayo in goobtan ay la wareegeen ammaankeeda, isla markaana uu berri si nabad ah uga dhici doono banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu. “Dadweynaha waxaan ugu baaqayaa in aysan wax dhib ah sameyn, xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in xaqa dastuuriga ah aysan ka hor imaan, dadka waxaan leeyahay afar askari oo jidka taagan idinma celi karto ee soo baxa,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Sidoo kale Jeneraalka ayaa ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in aan loo adeegsan dhibaateynta shacabka isku soo bixi doona berri. Hoos ka Daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Inta ugu badan qoysaska ku nool degmada Boondheere ee gobalka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku yaalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ayaa billaabay in ay ka baxaan guryahooda, una wareegaan xaafado kale oo magaalada ka mid ah. Dadkan, oo qaarkood la hadlay Caaismada Online, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay halkaas ku dagaalamaan ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka, ayada oo la rumeysan yahay in dowladda ay weerari doonto banaan-baxa. Qaar ka mid ah shacabkan ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay dad badan ka guureen xaafadahooda, iyagoo gaaray goobo kale oo aamin ah, waxayna sii maqnaan doonaan inta banaanbaxa ka istaagi doono, sida ay sheegeen. “Waxaa naga mid ah carruur iyo dumar mana awoodno dagaal waxaan go’aansanay in aan ka baxno guryaheena,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah qoysaskaan oo warbaahinta la hadlay. Lama oga sida uu xaalka ahaan doono hase-yeeshee waxaa muuqda ififaalo aan wanaagsaneen oo sahli kara in dagaal ka dhaco Muqdisho, islamarkaana ay xaaladda faraha ka bixi karto. Barakac ka dhaca Muqdisho waxaa ugu dambeysay xiligii ay socdeen dagaalada Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda dhamaadkii sanadkii 2009 iyo bilaawgii 2010-kii, xiliyadaas oo Al-Shabaab laga saaray Muqdisho.
-
Somalia’s Ministry of Health said in its daily report on the COVID-19 that 132 new positive cases and 7 deaths have been recorded in the past 24 hours. The Minister of Health Fowziya Abikar, confirmed that 132 cases have been registered in Mogadishu alone, where at least 3 million people are living. The number of COVID-19 cases in the country climbed to 5,632 and 3,757 people recovered. A total of 179 people died of the deadly virus. Ms. Fowziya Abikar has urged the public to adhere to the health awareness campaigns, as the risk of COVID-19 has doubled. View the full article
-
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo todobaadkan ku qabsoomay aaladda Zoomka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee saameynta xanuunka COVID-19, laguna ansixiyay Hindise sharciyeedka Caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara. Shirka Golaha Wasiirada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda looga dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga. Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha u soo gudbisay xaaladihii u danbeeyey ee laba kacleynta Caabuqa COVID-19 oo dad tiro badan soo ritay maalmihii u dambeeyey. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-1822021.mp3 View the full article
-
At least 20 al-Shabaab terrorists were killed in a military operation in Somalia’s southern Lower Shabelle region, the army said on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (PP News Desk) — Ismail Hurreh Bubaa, the former Foreign Minister of the Transitional Federal Government of Somalia, accused Somali Presidential Candidates of using scare tactics in the hope they can force the incumbent Somali President to relinquish power. “Presidential Candidates have in vain used scare tactics. Somalia will conduct an indirect election. It is quite different from elections we have here in Somaliland” said Mr Ismail Bubaa. Ismail Bubaa: Union of Presidential Candidates have unsuccessfully used scare tactics against the incumbent President. The former Foreign Minister discounted the argument that President Mohammed Abdullahi Mohammed wants to stay in power. “The Union of Presidential Candidates do not have a candidate who can defeat the incumbent President” Mr Bubaa added. Somali Presidential Candidates have called for demonstrations in the Mogadishu tomorrow despite Somalia having no political parties contesting for elections. Senators and MPs will select a President after the selection of the Speaker of the Parliament and Chairman of the Upper House. © Puntland Post, 2021 The post Former Somali Foreign Minister Criticises Presidential Candidates for Scare Tactics appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa hadda gaaray goobta uu ka dhacayo banaanbaxa weyn ee maalinta berri ah ay iclaamiyeen ee Taalada Daljir Dahsoon. Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo dhamaan Musharaxiinta ku midoobay Golaha Mucaaradka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdikariin Guuleed ayaa socod ku maraya Taalada Daljira. Musharaxiinta oo ay galbinayaan gawaadhi gaashaman iyo ciidamo badan ayaa socod kusoo kormeeray Taalada Daljirka Dahsoon oo ah goobta uu berri ka dhacayo banaanbaxa weyn ee ay iclaamiyeen, xili ay dowladda soo saartay go’aamo lagu xakameynayo isku-imaatinka dadweynaha. Inta ay Musharaxiinta ku gudo jireen kormeerkan ayaa waxa warbaahinta la hadlaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, wuxuuna sheegay in maalinta berri ay tahay maalin taariikhiya oo shacabka ku cabirayaan dareenkooda. Waxa uu carabka ku adkeeyay in banaanbaxa Jimcaha uu yahay mid nabdoon oo lagu dalbanayo doorasho wada-ogol, islamarkaana ay tahay in ciidamada amaanka ayna carqaladeyn, oo aysan u arkin qal-qal gelin amni, sida uu sheegay. “Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday maanta wixii ka dambeeya wuxuu kamid yahay Musharaxiintaas, cid colaad gaar ah u qabta ma jirto ee laakiin waxaa rabnaa sharciga in aan wada ilaalino,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne waqtiga waa ka dhamaaday waxaa rabnaa doorasho in la aado, waxaa la aamisan yahay in doorashada adiga caqabad ku tahay ka hor leexo, mudahaaraadkan ujeedadiisu waa intaas”. Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay in banaanbaxa berri ka dhacaya Taalada Daljirka Dahsoon uu yahay mid lagu dalbanayo in madaxda uu waqtigooda dhamaaday si dhab ah ugu diyaar garooban doorasho, islamarkaan uu dalka aado doorasho wada-ogol ah. Si kastaba, kormeerkan deg-deg ah ayaa imanaya xili ay dhawaan Musharaxiint Mucaaradka ay iclaamiyeen banaanbaxaas, waxaana qaban-qaabadiisa si weyn looga dareemaya magaalada Muqdisho, ayada oo Musharaxiinta dadka ka dalbanayay inay isku soo baxaan.
