-
Content Count
212,886 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Arusha (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC), maadaama madashaan loogu dabaal-degayo sanad guuradii 25-aad ee aas-aaskii ururkaan. Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda. Dalka Kenya ayaa loo doortay guddoonka ururka EAC, halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika. Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho. Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda EAC. Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
-
Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC). Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda iyadoo dalka Kenya loo doortay guddoonka halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud. Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika. Wuxuu sidoo kale adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho. Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda EAC. Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuu gartay in dowladda federaalka Soomaaliya ka dhigatay tanaasulaadkii Puntland hub ay ku wiiqdo kaalinta Puntland kuna kobciso kaalinta goosasho doonka. Laascaanood (Faallo) — Soomaaliya waxaa ka soo socda isbeddelo siyaasadeed oo colaad xambaarsan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halis gelisay qarannimada Soomaaliya kaddib amrkii ay heshiis difaac la saxiixatay Itoobiya, waxay hadda abuurtay qalalaase siyaasadeed oo keeni kara inay burburto dowladnimada Soomaaliya. Qodobbada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u cuskatay soo qabashada Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubaland waxaa ka mid ah inuu ka qeybgalay shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu ka baxay baaqaq uu saxiixay. Sidee baaq wadareed uu siyaasi saxiixay u noqday heshiis guntami oo xoojintiisu ay Maxkamadda Gobolka Banaadir fulin karto? Waa habow siyaasadeed oo muujinaya in Soomaaliya u nugushahay in talada siyaasaddu gacanta u gashay koox aan lala xisaabtami karin oo ujeeddadoodu tahay ku xadgudubka dastuurka ku meelgaarka ah iyo ku adeegashada labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare). Xaaladdan waa mid aysan Puntland iyo maamulka ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag iyo Cayn ee Khaatumo (SSCK) isku aragti yihiin laakiin loo baahan yahay in si wadajir ah baaq uga soo wada saaraan. Waxaa meesha ka baxay mowqifkii maamulka SSCK uu dhowaan sheegay Cabdiraxmaan Aw Cali (Firdhiye), hoggaamiyaha SSCK. Firdhiye wuxuu sheegay in xildhibaannada iyo senetarrada heer federaal ee SSCK lagu soo xuli doono dhulka SSCK ay maamusho. Mowqifka Puntland waa inaysan taageeri doonin hab lagu soo xulayo xildhibaanno iyo senetarro iyada oo Somaliland ay leedahay metelaad federaal ka sokow in maamulka Hargeysa xaruntiisu yahay diiddan yahay qarannimada Soomaaliya. Barlamaanka SSCK ayaa hor istaagay qorshihii Firdhiye u arkayay in SSCK ka qeybgasho doorasho heer federaal 2026ka Somaliland oo Muqdisho ku leh metelaad federaal. Waxaa kale oo jirta in maamulkii Puntland ee sanadkii 2013kii uu ka fiirsan waayay sida maamul federaaleedyada loo samaynayo. Puntland waxay ka kooban tahay lix gobol: 2 gobol oo buuxa (Nugaal iyo Bari), 1 gobol oo 50% ah ( Mudug), hal gobol oo 80% ah (Sool), hal gobol oo 50% ah ( Sanaag) iyo hal gobol oo 20% ah (Togdheer, gaar ahaan degmada Buuhoodle). Hadda Puntland waxay la awood tahay Galmudug oo ka koban hal gobol iyo bar (Mudug oo 50% ah iyo Galguduud oo gobol buuxa ah). Intaas waxaa dheer in maamulkii Puntland ee 2013kii uu shirkii New Deal ka dhacay Beljimka dhammaysan kari waayay hab la mid ah habka maamulka Somaliland si gaar ah wax loogu siiyo (Special Arrangement). Markii shirkaaasi socday waxaa jiray Khaatumo oo ahayd maamul aan la aqoonsanayn laakiin metelaad federaal lahayd kaddib markii uu Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Faroole oggolaaday 2012 in siddeedda xildhibaan ee SSC loo qeybsado 5 ay Khaatumo qaadatay iyo 3 ay Puntland qaadatay. Marxuumad Saado Cali Warsame waxay ka mid ahayd seddexdii xildhibaan magaca Puntland kaga tirsanaa barlaamanka federaalka. In dib looga wada hadalo sida maamul federaal loo samaynayo, gaar ahaan in Puntland ay ka soo dhex bixi karaan ugu yaraan labo maamul federaal (two federal member states) ayaa jirta. Sidoo kale waxaa waajib ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka noqoto wax ka beddelka aan sharciga ahayn ee dastuurka federaalka. Baarlamaanka SSCK wuxuu ku ammaanan yahay sida uu uga hor yimid qorshihii Firdhiye oo ku salaysanaa in doorasho la isku raacsan yahay dhici doonto heer federaal sanadka 2026ka iyadoo aysan maamullo federaal cusub samaysmin! Booqashadii guddiga wax ka beddelka dastuurka oo booqday Laascaanood dhowaan waxay rajogelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u sheegtay deeqbixiyayaasha in doorasho qof iyo cod ka dhixi doonto dhulka SSCK. Waa in Puntland iyo SSCK ay isku raacaan siyaasad cusub ay kaga qeybgalayaan ka wada xaajoodka soo socda ee dowlad dhisidda Soomaaliya. Puntland iyo SSCK waxba kama dheefiniin tanaasulaadkii siyaasadeed ay hore u sameeyeen sida in Somaliland metelaad federaal la heer ah tan Puntland ku yeelato Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya way ka faa’iidaysatay tanaasulaadka ay beelihii 1998 wada samaystay Puntland u sameeyeen dib u dhiska Soomaaliya. Maanta Soomaaliya kheyraadkeeda iyo siyaasadda amnigeedu waxay halis ugu jiraan qowlaysatada Damuljadiid uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo oo danaha qaranka Soomaaliya hoos-geeyey Turkiga iyo Masar. Halis baa jirta in Soomaaliya dib ugu noqon karto ku meelgaarkii oo ay waayi karto wax badan oo ay gaartay sida ka qaadista cunnaqabataynta hubka iyo saameynta deyn cafintu u yeelan lahayn dib u dhiska Soomaaliya. Puntland iyo SSCK waa inay la yimaadaan siyaasad lagu turxaanbixinayo habka federaalka oo ah mid sababtay in Madaxtooyada Soomaaliya ay gacanta ku dhigto Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose. Sida uu sheegay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole toddobaadkii hore mar uu baaq soo saaray: “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidanka Xoogga Dalka u diray Jubaland si uu awoodda maamulkaas u qabsado.” Halis weyn baa jirta in hubka la siiyay ciidammada Soomaaliya ay ku dambayn doonaan gacmaha miliishiyo beeleedka sida Macawisley. Puntland iyo SSCK waa inay meel uga soo wada jeestaan ka hortagga kelitalisnimo mar kale Soomaaliya u keeni kara burbur baahsan. W.Q. Siciid M. Sheekh Cali The post Puntland iyo SSCK Waa Inay Ka Hortagaan Kelitalisnimada Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland oo uu weli khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa eedeyn yaableh u jeediyay ciidamadii dhawaan la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada marka la geeyay Raaskambooni ay isla markiiba dhibaato ka gaysteen deegaanka, ayna kufsadeen illaa 7 haween ah, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay Jubbaland sheegtay in ciidamadu ay dhaceen xarumo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. “Deegaanka Raaskambooni oo ay dhawaan qabsadeen Maleyshiyaad uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa inay halkaas ka gaysteen gabood falo kala duwan. Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ilaa 7 haween ah ayaa la sheegay in ay kufsi u gaysteen Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyagoo sidoo kale dhac u gaystay qaar kamid ah goobaha ganacsiga deegaanka ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta Jubbaland. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ilaa 10 kamid ah goobaha ganacsiga deegaanka Raaskambooni ayaa la sheegay inay Ciidamada Maleyshiyaadka ah dhac ugu gaysteen iyadoo meelaha qaar ay ka dhaceen lacag cadaan ah iyo agab kala duwan”. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in isla ciidamadu ay xabeedeeyeen gawaari ay la socdeen dad shacab ah, uuna jiro khasaare u badan dhaawacyo ay gaysteen. “Dhinaca kale saaka Ciidamadan ayaa Xabadeeyay sadex gaari oo shacab ah waxaana halkaas ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo hada lagu dabiibayo deegaanka Kiyuunga ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudka. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan eedeynta loo jeediyay ciidamada la geeyay aagga Raaskambooni. Ciidamadan ayaa waxaa halkaasu loo geeyay inay la dagaalamaaan Jubbaland, si ay meesha uga saaraan Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay hoggaanka maamulkaasi.
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Xoogagga fallaagada Suuriya ayaa la wareegay “kala bar” magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suuriya ee Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee SOHR ee fadhigeedu yahay UK. Hay’adaan waxay sheegtay in 277 qof oo ay ku jiraan in ka badan 20 rayid ah la dilay, tan iyo markii weerarku billowday Arbacadii. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu qaado dowladda Suuriya muddo sanado ah, waana markii ugu horreysay oo fallaagada dagaalka kula jirta ciidamada Bashaar Al-asad ay gaaraan Xalab. Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa xoog uga saaray Xalab maleeshiyaadkan kooxdaas sannadkii 2016-kii, balse ayagana hadda ayaa dib looga qabsaday. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Xalab iyo dhammaan waddooyinka soo gala magaalada ayaa la xiray, sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Waxaa u suurtagashay fallaagada in ay qabsadaan ‘kala bar magaalada Xalab’ iyagoo aan la kulmin iska caabin weyn, sida uu sheegay agaasimaha Hay’adda SOHR Rami Abdel Rahman oo wakaaladda wararka ee AFP ay soo xigatay. “Majiro wax dagaal ah, hal xabadna ma dhicin, markii ay ciidamada talisku ka baxeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay ninkaas. Inkastoo weerarka lagu qabsaday Xalab uu soo bilowday Arbacadii, hadana ciidamada dowladda Bishaar Al-asad waxay sameeyeen rogaal celin Jumcihii shalay, waxaana la sheegay inay ku sii siqayaan deegaano badan oo dhaca gobollada Xalab iyo Idlib ee dalka Suuriya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, isaga oo taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay Axmed Madoobe. Shariifka ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabada milatari ee ay qaaday dowladda dhexe, isla-marlaana ciidamada lagu geeyay deegaanada Jubbaland, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay sababi karto in uu dhiig ku daato. “Maanta waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka lasoo adeegsanaayo waa xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro mana jirin baaho loo qabo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale wuxuu soo hadal soo qabashada Axmed Madoobe kadib waaranka ay u jartay dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inuu arko arrin khalad ah, maadaama uu waqtigeeda ku qabtay doorashada maamulka Jubbaland. “Kii yiri doorasho aan qabanayaa ee qabtay in la yiraahdo waaran ayaa loo jarayaa kii kalena sidaada ku joog haddaa aamustana tan oo kale ayaa kuugu dhaceyso dowladnimo kuma shaqeyneyso” ayuu mar kale yiri Sheekha. Waxaa kale oo uu Sheekh Shariif sii raaciyay “Dowladnimo wa heshiis bulsho, dastuurku waa heshiis bulsho oo ay tahay inaan wada ilaalino”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, kaas oo ku dhow inuu isku rogo gacan ka hadal, kadib markii ay dowladdu ciidamo badan gaysay deegaanka Raaskambooni, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe.
-
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda ayaa qorsheynaya kulan looga gol leeyahay in lagu dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Arusha, isagoo ah guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), halkaas oo uu ka socday shirkii 24-aad ee madaxda ururka. Ruto ma sheegin xilliga saxda ah ee kulankaasi dhici doono, balse haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa kulankii ugu horreeyay ee toos ah oo dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay saxiixday heshiiskii muranka dhaliyay ee Somaliland 1-da Janaayo, 2024. Sida ay hore u sheegeen madaxda Soomaaliyeed, kulan toos ah oo dhexmara madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ma dhici doono ilaa iyo inta heshiiskaasi laga noqonayo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuusan la kulmi doonin ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ilaa uu ka laabto heshiiskii Somaliland. Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu daminayo xiisadaha u dhexeeya dalalka gobolka, balse ilaa iyo hadda Villa Soomaaliya kama aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan arrintan. Waxaa la sugayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan kulankaan . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maaliyadda, wuxuuna soo hadal qaaday dagaalka dhanka dhaqaalaha ee ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab. Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo howlgal culus oo ku aadan dhanka maaliyadda ee argagixisada si loo cuuryaamiyo, isaga oo sheegay in wax badan ay ka qabteen. Sidoo kale wasiirka ayaa u digay ganacsatada inay Al-Shabaab la macaamilaan, isla markaana ay lacago siiyaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wajiga saddexaad uu noqonayo la dagaalanka lacagaha laga qaado dadka shacabka ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tilmaamay in ciddii lagu ogaado ama lagu caddeeyo in ay lacag u dirto Al-Shabaab lasoo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah. “Shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa aan uga digeynaa in aan wax maamil ah lala sameyn Argagixisada, wajiga 3-aad waa in maalgelintooda tallaabooyin waa weyn laga qaado, wax badan way ka qabsoomeen” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Al-Shabaab ay lacago ka qaadaan ganacsatada gudaha, iyaga oo lasoo sameeyo xiriir toos ah, ama usoo diro shaqsiyaad iyaga ka tirsan, waxaana digniintan ay caqabad ku noqoneysaa ganacsatada oo hadda dhibane u ah kaamirooyinka ay xirteen. Warbixin maanta soo baxday oo ay soo saartay Xarunta Afrika ee Daraasaadka Rabshadaha iyo Kooxaha Hubeysan (ACLED) ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ganacsatada loo dilay kaamirooyinka ay gaartay 37 qof oo ay dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
-
Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulmaya – Maxaa soo kordhay?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan foolka fool ah, balse ay ku wehlin doonaan qaar kamid ah madaxda kale ee gobolka. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa xaqiijiyay kulanka labada mas’uul, wuxuuna ka sheegay magaalada Arusha ee Tanzania oo ay hadda wada joogaan isaga iyo Xasan Sheekh. William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ay qorsheynayaan in ay yeeshaan kulan ay ku yareynayaan xiisadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda u dhexeyso Muqdisho iyo Addis Ababa. “Aniga iyo Museveni waxaan qorsheynaynaa in shir isugu keeno walaalkayga Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si aan u yareyno xiisadda gobolka Geeska Afrika, maxaa yeelay amniga iyo xasilooni Soomaaliya waxay saameyn wayn ku leeyihiin xasiloonida gobolkeenna, waxayna dhaawacaysaa isdhex-galka ganacsiga iyo maalgashiga,” ayuu yiri Ruto. Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xal u helida xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala tegay, kadib heshiiskii uu Abiy horraantii sanadkan la galay maamulka Somaliland. Ma cadda xilliga uu qabsoomayo kulankan oo uu xaqiijiyay madaxweynaha Kenya, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkooda oo saameyn ku yeeshay labada dowladood. Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga biyo diiday in uu la kulmo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo shuruud ku xiray in marka hore uu ka laabto heshiiska badda, lamana oga waxa haatan isbeddalay ee soo dadajiyay kulanka labada mas’uul. Si kastaba, waxaa horay u fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu soo dhaweeyo labada dal, kadib dadaallo uu sameeyay Turkiga, laakiin waxba kama soo bixin. -
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo weli ku sugan dalka Serbia ayaa maanta booqaday Matxafka Marshal Josip Broz Tito, aasaasihii Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia. Howlwadeenada Matxafka ayaa si qoto dheer uga faalooday taariikhda Marshal Tito, laga soo bilaabo dhalashadiisa sanadkii 1892, wax barashadiisii, waxqabadkiisii inta uu hoggaamiyaha ahaa iyo saameyn uu ku lahaa Siyaasaddaha iska soo horjeeda laga soo bilaa 1943 ilaa 1980. Marahal Josip Broz Tito Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia, waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalkeenna Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Tito waxaa uu Soomaaliya booqasho ku tagay in ka badan 5 jeer. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday Xarunta Afrika ee Daraasaadka Rabshadaha iyo Kooxaha Hubeysan (ACLED) ayaa waxaa looga hadlay beegsiga ay Al-Shabaab ku hayaan ganacsatada Muqdisho, kadib xirashadii kaamirooyinka. Xarunta ayaa diiwaan-gelisay ugu yaraan illaa 10 weerar oo lagu beegsaday ganacsato, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Warbixinta ACLED ayaa waxaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Oktoobar illaa dabayaaqadii Noofembar ay dhaceen ugu yaraan 23 weerar oo guud ahaan, kuwaas ayaa lagu qaaday dad rayid ah, taasoo keentay 37 dhimasho ah. Ku dhawaad 40% dhacdooyinkan ayaa lala xiriiriyay rakibaadda CCTV-ga oo ay dowladda Soomaaliya ku amartay in ganacsatadu ay ku xiraan mehradahooda. Sidoo kale weerarada ayaa curyaamiyay xaafado muhiim ah, iyadoo goobaha ganacsiga degmooyinka qaarkood laxiray, cabsi laga qabo in loo beegsado kaamirooyinka ay xirteen. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu horay usoo rogtay amarka xirashada kaamirooyinka ee keenay beegsiga ganacsatada, waxaa kadib ay dhibanayaal u noqdeen Al-Shabaab. Laamaha amniga ayaa dhankooda dadaal muujiyay, waxayna sameeyeen howlgallo lagu soo qabteen shaqsiyaad ku eedeysan ganacsatada illaa iyo hadda la dilay. Xaaladda ayaa hadda deggan, inkastoo weli Al-Shabaab ay sii waddo beegsiga xarumaha lagu xiray kaamirooyinka ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.
-
Dowladda Canada ayaa soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga. Qoraalka lagu sheegay hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada. Bayaanka lagu hakiyay howlaha socdaalka qaxootiga iyo dadka is xanbaarka lagu keenayo ayaa sidan u qornaa: “Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga bilaabo Noofambar 29, 2024”. Dowladda ayaa sheegtay in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah ee dadka u dacwoonaya. Dhanka kale dowladda Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore. Bayaanka ka soo baxay dowladda Canada gaar ahaan waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ka baaraan dagista codsiyadii horay loo qabtay iyo in dib u dajin loo sameeyo qaxootiyadii dhawaanahaan la geeyay dalkaas. Sidoo kale waxa ay intaa ku dareen in la cusboonaysiiyay barnaamijyo badano o kamid ah kuwa ay dadka sida gaarka ugu dacwoonayaan eheladooda lagu dabaqay qorshaha heerarka socdaalka ee 2025, dowladda Canada ay hiigsanayso inay soo dhawayso 23,000 oo qaxooti ah. Warka ka soo baxay dowladda Canada ee dhimista soo galootiga ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahaanba ay dowladdaas waday hoos u dhigista soogalootiga. Mohamed Doli oo ah qareen muddo ku sugan dalka Canada ayaan wax ka waydiinay arrinka lagu dhimayo qaxootiga iyo isxambaarka ee kooxaha shanta ah (Group five). “Amarka dowladda ka soo baxay ee lagu joojinayo qaxootiga ayaa muddo soo socday oo horay ayaa loo dhimay ardayda dalkaan soo galaya, iyo qaxootiyada, tanina waa mid daba socota balse waa muddo hal sano ah”, ayuu yiri qareen Doli. Xigashada Sawirka,Mohamed Doli Qoraalka sawirka,Mohamed Doli, qareen muddo dheer ku nool dalka Canada Dhanka kale qareenka ayaa tilmaamay in joojintaan aysan saamayn ku yeelanaynin dadkii horay ay ugu xaraysnaayeen codsiyada “Joojintaan ma qusayso dadka codsiyada u xaraysan,” ayuu raaciyay. Qareen Doli ayaa xusay in dalka Canada ay ku soo dhawdahay doorashooyinkii sidoo kalena ay jirto ciriiri dhanka guryaha ah oo magaalooyinka ka jira, sidoo kalena dhaqaalaha uu isbadal ku yimid, taasina ay ka qayb qaadanayso in la hakiyo qaxootiga si dowladda ay diyaar garow u samayso. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Wasiirkii hore ee socdaalka Canada Axmed oo booqday xerada qaxootiga ee Dhaadhaab oo ay Soomaali badan deggan yihiin Soomaali badan ayaa ku jirta xeryaha qaxootiga Kenya, Uganda iyo dalal kale kuwaas oo qaarkood horay u xaraystay codsiyadooda halka qaar aysan wali gudbin codsiyadooda, xannibaada cusub ee muddada sanadka ah ayaana saamayn ku yeelan doonta dadka aanan wali gudbin codsiyadooda kuwaas oo ku jira qaxootiyada. Canada ayaana sheegtay in ka badan 40 sano oo ay wadday barnaamijka kafiilka iyo qaadashada qaxootiga, uu tusaale u ahaa wadamo badano o caalamka ah, sidoo kalena rajo iyo fursad u ahaa boqolaal kun oo qaxooti ah. Bbcsomali Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo haatan khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo sii hurineyso xiisadda taagan, sidoo kalena la xiriirta maamulka hawada. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Jubbaland ayaa soo saartay amarkan oo ku socda shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya deegaannada maamulkaasi, kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda. Qaraalka ayaa waxaa lagu faray dhamaan shirkadaha bixiya adeegga duulimaadyada in ay la shaqeeyaan maareeyeyaal ay soo magacowday wasaaradda, kuwaas oo loo igmaday garoomada diyaaradaha ee deegaanada Jubbaland. Shirkadaha ayaa sidoo kale looga digay inay la shaqeeyaan cid aan ahayn maareeyeyaasha lasoo magacaabay ee garoomada oo ay sheegtay in iyagu gudan doonaan waajibaadkooda. Sidoo kale waxaa la faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo laamaha amniga in iyaguna ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan maareeyeyaasha wasaaradda u idmatay in ay maamulaan shaqada garoomada diyaaradaha maamulka Jubbaland. Arrintan ayaa u muuqata mid ay Jubbaland ku xadideyso dhaq-dhaqaaqa garoomadeeda, si ay hortegto in dowladda federaalka ay adeegsato, maadaama ay haatan kala dhexeyso xiisad xoogan oo a dhalatay dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe. Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid culus oo ay Jubbaland isugu dayeyso inay iyadu maamulato hawadeeda iyo garoomadeeda, laakiin dalka oo dhan waxaa hadda hawada gacanta ku haysa dowlada federaalka oo horay ula wareegtay, kadib dadaallo ay sameysay.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka la-tashiga Bahda Garsoorka ee ku saabsan dib u eegista iyo wax ka badalka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Shirka ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh oo diiradda lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa dastuurka, loona waafajin lahaa baahiyaha iyo duruufaha bulshada Soomaaliyeed ee hadda jira. Shirkan waxaa lagu marti qaaday bahda garsoorka oo ay ku jiraan, Garsoorayaasha heerar kala duwan, Sharciyaqaanno iyo khubaro ka tirsan hay’adaha sharciga iyo Wakiillo ka socda bulshada rayidka ah. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la xaqiijiyo in wax ka bedelka dastuurka uu ka tarjumayo mabda’a caddaaladda, iyo sinnaanta, si loo dhiso nidaam sharci oo awood u leh inuu ka jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed. Wax ka bedelka iyo dib-u-habeynta ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo howlaha garsoorka, isla markaana lagu xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka caddaaladda. Shirkan waxa uu fursad siinayaa bahda garsoorka iyo daneeyayaasha kale inay si furan u falanqeeyaan, una soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo dastuurka, taas oo horseedaysa nidaam sharci oo ka jawaabaya caqabadaha jira. Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha inay si daacad ah u darsaan qodobada dastuurka, talooyinkoodana ugu biiriyaan si wax ku ool ah, iyagoo tixgelinaya xaqiijinta xuquuqda dadka iyo habsami u socodka nidaamka garsoorka dalka. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada Baydhaba, si looga hortego weerarada ay mararka qaar Al-Shabaab la beegsadaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, xeendaabka Madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan Koonfur Galbeed ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda oo lagu arkayo gudaha iyo bannaanka magaalada, iyaga ka wada dhaq-dhaqaaq xoogan. Ciidamadan ayaa si gaar ah uga hortagaya weerarada hoobiyeyaasha loo adeegsado ee ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha magaalada Baydhaba oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in la xoojiyay ciidamadii ku sugnaa gudaha magaalada, waxaana lagu kordhiyay kuwa kale oo baro cusub ka sameystay Baydhaba iyo agagaarkeeda. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Gaashaanle Sare, Isaaq Cali Isaaq (Maadey) oo ay wehliyaan taliyaha Booliiska iyo saraakiil kale ayaa tagay qaar kamid ah saldhigyada cusub ee ciidankaas, iyaga oo u kuurgalaya howlgallada lagu sugayo amniga magaaladaasi, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay ka feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab. Ujeeda ugu wayn ayaa ah in ciidamada ay isha ku hayaan amniga magaaladaan oo mar dhow martigelin doonto doorashada maamulka, walow uu ka taagan yahay muran xoogan. Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku haya deegaannada u dhow magaaladaasi, taas oo dhibaato ku ah dhaq-dhaqaaq magaaladaasi, siiba ganacsiga iyo isku socodka guud ee dadka iyo gaadiidka.
-
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan, si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika. “Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay Shir Madaxeedka EAC ee ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania. “Maxaa yeelay, nabadda Soomaaliya, xasilloonida Soomaaliya waxa ay si mug leh qeyb uga tahay xasilloonida gobolkeenna,” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ruto, waxaana uu noqonayaa shirkii ugu horreeyey ee si toos ah oo u dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay Somaliland la saxiixatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay. Kani ayaa noqonaya isku-daygii u danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Jannaayo Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo udub-dhexaad u ah xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ruto oo sheegay in la Kulan siinayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.
-
Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade, accused the Federal Government of Somalia of fuelling inter-clan conflicts in Mudug. Gaalkacyo (PP News Desk) — The Puntland-appointed Governor of the Mudug Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade, yesterday accused the Somali government of fuelling inter-clan conflicts in the region whose administrative capital district is separately controlled by Puntland State and Galmudug State. The Governor claimed that both the Federal Government of Somalia and terrorist groups are implicated in sowing discord among clans in the region. He alleged that both entities “instigate clan-based conflicts and divisions along clan lines.” He further accused the Federal Government of Somalia of establishing clan borders in the Mudug region and inciting clans through fabricated territorial disputes, exacerbating the ongoing clan wars. “There are many entities working to create problems. They urge people to claim territory or [district] borders that do not exist,” said Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade. The 1993 Mudug Agreement serves as the foundation for inter-clan co-existence in Mudug. The Federal Government of Somalia has allegedly instructed its forces and allied Macawisley paramilitaries to claim areas under the jurisdiction of Puntland State. “This policy creates additional security pressure on Puntland and is exploited by Al-Shabaab, whose forces continue to operate in parts of Galmudug State” said a security official in North Gaalkacyo. © Puntland Post, 2024 The post Mudug Governor Accuses the Somali Federal Government of “Fuelling Clan Conflicts” in the region appeared first on Puntland Post.
-
Sawirkani waa mid hore Markab Kalluumeysi oo Todobaadkii tegey lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa mudda saddex cisho ah ku af-duuban degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal. Markabkani oo laga lee yahay waddanka China, balse ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa sida la xaqiijinayo Arbacadii laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun oo ka tirsan gobolka Bari, islamarkaana dhacda badweynta Hindiya. Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay af-duubteen ilaaladii loo xilsaaray in ay amnigiisa sugaan, kadibna ay dhinaca degmada Eyl ee gobolka Nugaal kaga biireen rag hubaysan, si ay u xoojiyaan kooxdii qafaashay oo hadda ku haysta degaan xeebeedka Jiifle. Markabka oo ay wakiil ka yihiin ganacsade Maxamuud Shiddo iyo Senetar Daahir Ayaanle ayaa waxa uu shati kalluumeysi ka haystaan xukuumadda Puntland sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Isku dayo kala duwan oo lagu raadinayay in wada-hadal lagu qanciyo kooxaha markabkani haysta ayaan weli guulaysan, waxaase ilaa iyo hadda socda dadaallo ku aaddan in la sii wado waan-waanta bilaabatay. PUNTLAND POST The post Markab kalluumeysi oo mudda saddex cisho ah lagu haysto xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa taliyaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee dalka Jarmalka. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka. Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faa’iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka. Source: goobjoog.com
-
Kaddib weerar lama filaan ah oo ay xoogagga mucaaridka Suuriya Jimcihi shalay ku qaadeen magaalada ugu weyn Suuriya ee Xaleb marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2016-ki, ayay wararku sheegayaan in ay fallaagadu qabsatay qeyo ka mid ah magaalada. Sida ay sheegeen kooxaha kor kala socda colaadda Suuriya iyo dagaalyahannada qaar, kumannaan ka mid ah maleeshiyaadka mucaaridka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa dagaal culus uu ku dhex maray Xalab, kaddib marki ay cagta soo mariyeen oo ay soo qabsadeen deegaannada u dhaw Xaleb, kuwaas oo ay gacanta ku heysay dowladda Bashar Al Asad. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters, dowladda Suuriya ayaa xirtay garoonka diyaaradaha ee Xaleb iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada gala. Kooxda weerarka qaadday ee Taxriir Al Shama ee aad uga soo horjeeda maamulka Bishar Al Asad, ayaa sheegtay in ay qabsadeen ilaa bartamaha Xalab. Waa marki ugu horreysay ku dhawaad muddo 10 sano ah oo uu dagaal ka dhacayo magaalada Xalab, tan iyo marki ay ciidamada Dowladda Suuriya oo garab ka helaya Ruushka iyo Iran ay kooxaha mucaaradka ka qabsadeen sannadki 2016-ki. Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay mid uga sii darayo xaaladda gobolka Bariga Dhexe oo tan iyo sannadki hore ay dagaallo culys oo aad loogu hoobtay ay ka dhacayeen. Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, mucaaridka ayaa taageero ka helaya dowladda Turkiga, halka dowladda Suuriya ay taageero buuxdo ka heysato dowladda Ruushka. Source
-
Xilli laga rajo qabo in dib loo billaabo wadahadallada xabbad joojinta Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka Marinka Gaze sheegeen in ciidamada Isra’il ay 24-ki saacadood ee lasoo dhaafay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 40 qof. Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in meydada ilaa 19 qof laga helay xerada qaxootiga Nuseyraat ee waqooyiga Gaza. Goor danbe oo xalay aheyd ayay wararku sheegayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya ee waqooyiga Gaza. Meelaha kale ee ay dadka lagu dilay ayaa lagu sheegay xaafado ka tirsan koofurta iyo waqooyiga Marinka Gaza. Ciidanka Isra’il oo wata taangiyo ayaa Khamiistii gudaha u galay Nuseyraat, waxana ay dib uga baxeen Jimcihi hslay, hashe yeeshee wali howgallo duqeymo iyo madaafiic ka wada dhanka koofureed. Dhanka Daanta Galbeed ee ay Isra’il heysato, madaxweynaha maamulsha Falastin, Maxmuud Cabaas ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah isla markaana ku eedeeyay Isra’il in gaajada ay u adeegsanyso sida risaasta oo kale kaddib marki lasoo sheegay in dad badan oo ku go’doonsan waqooyiga Gaza ay macluul ku billaabatay. Sabtida maanta ah ayaa la filayaa in wafdi ka socda Xamaas ay Qahira tagaan, si halkaasi looga billaabo wadahadallada lagu raadinayo xabad joojinta Xamas iyo Isra’il. Source
-
Dacwad oogaha maxkamada ICC ayaa dalbanaya in la soo xidho taliyaha ciidamada militariga Myanmar sababo la xidhiidha xasuuqa Muslimiinta Rohingya Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa ku dhawaaqay in xafiiskiisu uu dalbanayo in la soo xidho taliyaha ciidamada Miyanmaar ee sababo la xidhiidha masaafurinta iyo xasuuqa Muslimiinta Rohingya. “Baadhitaan ballaaran, madax-bannaan iyo dhexdhexaadnimo ka dib, Xafiiskaygu wuxuu soo gabagabeeyey in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino in Sarreeye Guud ahna Ku-simaha Madaxweynaha Min Aung Hlaing, Taliyaha Guud ee Adeegyada Difaaca Myanmar, uu leeyahay mas’uuliyadda dembiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada. masaafurinta iyo dhibaataynta muslimiinta Rohingya ee Myanmar,” ayuu Karim Khan ku yidhi hadal uu soo saaray. Sida uu sheegay dacwad oogaha, dambiyadan ayaa dhacay intii u dhaxaysay Agoosto 25, 2017 iyo Dec. 31, 2017, waxaana geystay ciidamada qalabka sida ee Myanmar, oo ay taageerayaan booliska qaranka, booliska ilaalada xuduudaha iyo sidoo kale dad rayid ah. Isagoo xusay inay tahay codsigii ugu horreeyay ee amar qabasho oo ka dhan ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Myanmar oo xafiiska dacwad oogaha uu soo saaro. Khan waxa uu carabka ku adkeeyay in codsigu ku qeexay cadaymo badan oo kala duwan oo laga helay ilo badan sida markhaatiyo, caddaymo dokumenti ah iyo agab saynis, sawiro iyo muuqaalo la xaqiijiyay. “Waxaan si gaar ah u doonayaa inaan u muujiyo mahadnaq qoto dheer oo aan u hayo shacabka Rohingya. In ka badan hal milyan oo ka tirsan bulshadooda ayaa lagu qasbay inay ka cararaan rabshadaha Myanmar. Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dadka markhaatifurka iyo taageerada u fidiyay Xafiiskayga, kuwa nala wadaagay sheekadooda, kuwa na siiyay macluumaadka iyo agabka, “ayuu yidhi. Source