Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ,ayaa ka codsaday in aan wax jawaab ah laga bixin warkii xalay ka soo baxay Villa Somalia. Mr Swan, oo Deni ku booqday hoyga uu ka deganyahay Muqdisho, ayaa u xaqiijiyay in Shirka Arrimaha Doorashada lagu qaban doono Teendhada Afisyoone, islamarkaana ay si buuxda dammaanad-qaade uga tahay Beesha Caalamka, sidaas darteedna aan loo baahnayn jawaab laga bixiyo Farriinta ka timid Villa Somalia. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in Beesha Caalamku ay shirka ku casuntay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo keliya, balse aysan jirin Saamileey kale oo Shirka ku marti-qaadan. Ilo’ xog-ogaal ah oo Puntland post warkan ka heshay, ayaa xaqiijinaya in Kulanka labada mas’uul uu ku dhammaaday is-faham, iyadoo Madaxweyne Deni ka laabtay jawaabtii uu doonayay in laga bixiyo Baaqii Villa Somalia. Kulanka labada dhinac oo mudda socday ayaan warbaahinta loo soo bandhigin, waxaana isfahamkan uu meesha ka saaray tuhun Madaxweyne Deni ka qabay Arrimaha Shirka. PUNTLAND POST The post XOG: James Swan oo Siciid Deni ku qanciyay in aan jawaab laga bixin Hadalkii Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxwaynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 8 February, wuxuu dhowr jeer ku baaqay shir in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si looga tashado arrimaha doorashada dib u dhacday. Tan iyo dhammaadkii bishii January, Madaxweyne Farmaajo ayaa 4 jeer shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, balse dhammaan shirarkaas ma qabsoomin oo way beeqdeen. Midkii shanaadna xalay ayuu madaxweynaha ku baaqay, balse lama hubo in uu qabsoomi doono. 30 bishii January, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillada beesha caalamka. Kulankaasi waxaa ka qeyb galay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, wakiilka Midowga Yurub, safiirrada waddaamda Ingiriiska, Shiinaha, Qadar iyo Turkiga. Maalinkii uu kulanka dhacay ka dib, isla habeenkii, wuxuu madaxwayne Farmaajo ku baaqay kulan ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka. Markii mudda xileedkii sharciga ahaa ee madaxwaynaha uu dhamaaday 8-dii bishii February, waxaa sii kordhay walaaca laga qabo doorashada. 9-kii bishii February, wuxuu mar kale madaxwaynaha ku baaqay in shir la isugu yimaado si loo dhameystiro heshiiyadii doorashada. Laakiin shirkaas ma qabsoomin. 22-kii February – wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan in ay ku heshiiyaan doorasho loo qabto “sida ugu dhaqsiyaha badan”. Isla maalintaas 22-kii February, warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, waxaa lagu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu ku baaqayo in shir doorashada looga hadlayo la isugu yimaado. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Garowe, waxaana ka dhashay khilaaf, mana qabsoomin oo wuu baaqday. Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan shir ay beesha caalamka qabato kana dhaca xerada Xalane. 1-dii bishan March ayey Villa Somalia ku baaqday shir kale oo “lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee la isku khilaafay”. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka uu dhacayo 4-ta March, balse si la mid ah kuwii hore, ma qabsoomin kullankaas. Sidoo kale shalay oo ay tariikhdu ku beegnayd 19-ka bisha March, waxaa war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxaana loogu baaqay dhinacyada Soomaaliya in ay doorasho qabtaan. Isla xalay saqdii dhexe, waxaa xafiiska madaxwaynaha ka soo baxay war qoraal ah oo ku baaqaya in shir la isugu yimaado. Dalalka loogu yeero saaxibada Soomaaliya ama beesha caalamka ayaa galaangal wayn ku leh siyaasadda dalka Soomalaiya. Hadda lama hubo in baaqan cusub ee madaxweynaha uu la mid yahay kuwii hore iyo in uu noqon doono mid miro dhal ah oo heshiis looga gaaro doorasho in la qabto. Kulamadii qabsoomay iyo natiijooyinkii kasoo baxay Shirkii ugu horreeyay ee arrimaha doorashada looga hadlo ayaa ahaa kii bishii July ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasi oo nitiijooyiin hor dhac ah laga garay. Bishii September 17 ayaa shir kale oo ay isugu yimaadeen madaxda fedaraalka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa lagu heshiiyay jadwalka iyo qaabkii doorashada loo qaban lahaa. Horaantii bishii Febraayo ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb shir isugu yimaaday madaxwayne Farmaajo madaxda maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir. Waxaa fashil iyo natiijo la’aan ku soo dhammaaday shirkaasi 6 bishii Febraayo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. 17 bishii Febraayo magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa guddiga farsamo ee ka kala socday dowlad goboleedyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxay sheegeen in ay xal ka gaareen arimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya. Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan arimihii uu khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan. ISHA: BBC SOMALI
  3. MOGADISHU (HOL) - Huge amounts of Somali shilling notes lie idle in a warehouse in Sudan after they were printed by a German firm, former governor of Somalia Centra Bank Abdusalam Omer has said raising questions on what could be one of the country’s kept secrets. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul Wasaare laga helay xanuunka Covid ka dib markuu qaatay Talaalka Imran Khan Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, waana labo maalmood uun ka dib markii uu ra’iisul wasaaruhu qaatay tallaalka COVID-19. Khan ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xiriirka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan. Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka mid yahay ka qayb galkiisa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan. Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xirneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay. Khan ayaa Khamiistii qaatay tallaalka COVID-19. Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo ay ku nool yihiin 220 milyan oo qof ayaa muddooyinkii u danbeeyay wajahayay sare u kaca kiisaska cusub ee COVID-19. Sida ay sheegeyso xog ay baahisay dowladdu, 3,876 qof ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga helay COVID-19 – waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangeliyo tan iyo bishii Luulyo – waxayna ka dhigeysaa tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi 620,000. Sidoo kale, 42 ayaa la sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkan, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13,799. Pakistan ayaa 10-kii Maarso bilowday talaalka muwaadiniinteeda, iyada oo lagu bilaabay dadka waayeelka ah ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ay muujiyeen walaacooda qaadashada tallaalka ay soo saartay China. Tallaalada uu sameeyay Shiinaha ee Sinopharm iyo CanSinoBio, Oxford-AstraZeneca iyo tallaalka Russia ee Sputnik V ayay adeegsigooda oggolaatay Pakistaan. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Mursal Saney oo ka tirsan mas’uuliyiinta sar sare ee machadka daraasaadka Heritage ayaa ka fal-celiyey bayaankii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ee looga hadlay doorashooyinka Soomaaliya. Mursal ayaa shaaca ka qaaday in farriinta xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken ay tahay farriin cad oo ah in la deg-deg loo qabto doorashada Somalia. “Waxaa ka muuqda farriintan, farriin cad oo ah in doorashada Soomaaliya ee waqtigeeda lasoo dhaafay si deg-deg ah ku dhacdo,” ayuu yiri Mursal Saney. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in canaanta Mareykanka ay weji-gabax ku tahay madaxda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay gabeen mas’uuliyaddii loo igmaday. Mursal ayaa sidoo kale xusay in farriinta ka timid Anthony Blinken ay tahay mid quus looga muujinayo Soomaaliya iyo hoggaankeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Maanta weji-gabax ayey nagu tahay haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed in madaxda Soomaaliyeed hoggaankoodii illaa heerkaas quus laga taagan yahay oo farriimahaas aadka u culus loo soo diraayo, oona u muuqato farriimo canaan ah,” ayuu sii raaciyey. Waxa kale oo uu xusay in farriintan ay muujineyso in Mareykanka uu dib u soo celiyey fir-fircoonidiisii siyaasadeed ee bariga Afrika, gaar ahaan ka war-qabkii gaarka aheyd. Ugu dambeyn Mursal Saney ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Soomaaliyeed looga fadhiyo, kadib farriinta Mareykanka inay heshiis ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka, si deg deg loogu qabto doorashooyinka sanadkan ee 2021-ka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo canaanta Mareykanka, kadib madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu shir de-deg ah ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo dhacaya 22-ka bishan aynu ku jirno ee March. Hoos ka dhageyso Mursal Saney https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/Saney.mp3
  6. Xisbiga mucaaradka ah ee waddani, ayaa noqday xisbigii u horeeyay ee baaq nabadeed ka dira xaaladda deegaanka shidan ee waqooyiga gobolka sanaag Deegaanka shidan, ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isu geystay Siyaasi Cabdilaahi Dahab oo ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga waddani ayaa baaqan diray wuxuuna yidhi:- BAAQ NABAD GELYO: Waa bishii shacbaan,Waa horaantii bishii barakeysneyd,waxaa haboon qof walboo muslina inuu u sii diyaargaroobo bishaa kheyrka leh,alle hayna waafajiyee. Waxaan halkan baaq nabadgelyo uga dirayaa dadka wallaalaha ah ee ku dagaalamaya buurta shidan, dhiiga muslinku Waa xaaraan , qof muslina oo la dilaa Waa denbi qof banii aadama uu sameeyo ka ugu weyn marka laga yimaado gaalnimada. Walllayaal joojiya dagaalka aan khasaare mooyee wax faaiido ah aan lahayn. Mar labaad wallaalayaal joojiya dhiiga sida macno darada ah u daadanaya,alle kheyrka hana waafajiyo. Xukuumadda somaliland weli kama hadal dagaalka labadan beelood ku dhex-maray deegaanka shidan ee waqoogiga sanaag Source
  7. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay qeybo ka mid gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Shido oo 120 KM dhinaca waqooyi ka xiga degmada Ceerigaabo ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray maleeshiyaadka dagaalamay oo isku haya dilal la xariira aanooyin qabiil oo ka taagan halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labada dhinac ay kala qabsadeen hub & sidoo kale gaadiid dagaal. Xaaladda ayaa haatan kacsan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo kala dhex-galay maleeshiyaadka beelaha ku diriray gobolka Sanaag. View the full article
  8. PRESS RELEASE FIFA Congress to decide on hosts for future editions of the FIFA Women’s World Cup Also approves financial statements for 2020 and budget for 2022, published on FIFA.com ZURICH, Switzerland, March 20, 2021/ — Council assigns FIFA Women’s World Cup hosting decision to FIFA Congress; also approves financial statements for 2020 and budget for 2022, published on FIFA.com Meeting by videoconference, today the FIFA Council conferred to the FIFA Congress the decision to award FIFA Women’s World Cup (https://fifa.fans/3vGb89k) hosting rights. Until now, the decision has been taken by the FIFA Council, most recently in June 2020 when the hosting rights for the 2023 edition were awarded to Australia and New Zealand. As FIFA seeks to raise the profile of the women’s game, this represents a significant step to bring the FIFA Women’s World Cup in line with the flagship men’s competition, the FIFA World Cup (https://fifa.fans/38qjc3Z). The proposal will be put forward for a final decision by the 71st FIFA Congress, which will meet virtually (for the second time) on 21 May. International match calendar and release of players The FIFA Council received a report on the international football situation during the COVID-19 pandemic. The Bureau of the FIFA Council had extended to April 2021 the temporary amendments to the Regulations on the Status and Transfer of Players regarding the release of players for international duty, and FIFA, the confederations, and FIFA’s member associations remain in dialogue with national authorities about exemptions from quarantine rules for national team players. The FIFA Council recognised that the highest priority in football is the health of the players, and therefore the discussion around the release of players for international duty must maintain this perspective, especially as the public health situation develops around the world. 2020 financials and 2022 budget The FIFA Council also approved the organisation’s Annual Report, which contains the financial statements for 2020 and the budget for 2022. The FIFA Annual Report 2020 focuses on the role played by world football’s governing body in the fight against COVID-19, primarily through the unprecedented FIFA COVID-19 Relief Plan, which has made available USD 1.5 billion to support FIFA’s 211 member associations and the confederations through times of financial uncertainty. The FIFA Annual Report 2020 (http://fifa.fans/2NCvWgQ) is available on FIFA.com. FIFA Arab Cup 2021 The Council approved the competition regulations for the FIFA Arab Cup 2021, confirming the match schedule and draw procedure for the competition taking place in Qatar from 1 to 18 December this year. Distributed by APO Group on behalf of Fédération Internationale de Football Association (FIFA). View multimedia content African Media: AfricanMedia@fifa.org Contact pour les médias Africains : AfricanMedia@fifa.org SOURCE Fédération Internationale de Football Association (FIFA) Qaran News
  9. Deegaanka Bacaadweyne oo mudooyinkii u danbeeyayba ay ka jireen colaado sokeeya iyo dagaalo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyada argagixisada al shabaab, oo halkaasi jab xoogan kala kulmay ayaa haatan waxaa ka jira dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha taas oo saameeyn ku yeelatay nolasha kumanaan qoys oo halkaasi ku noolaa kadib markii abaaro iyo biyo yari ay soo foodsaaraty. Dadka Bacaadweyne ku nool ayaa sheegaya in degaanka aanu helin wax gurmad ah looga qeyb qaadanayo wax ka qabshada dhibaatada nolaleed ee halkaasi ka taagan. Caseyr Axmed Yuusuf oo mar ka mid ah bulshada deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kumanaan qoys ay isaga barakaceen, isla markaana deegaanka bacaadweyne iyo Tuulooyinka hoostaga ay ka jirto xaalado adag oo bini aadanimo View the full article
  10. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta markale ciidan, hub & gaadiid dagaal laga dajiyey degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadan diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho, kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa ku biiraya ciidamada dowladda ee ka howl-galada halkaasi. Shalay ayey markii ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ciidamo iyo gaadiid dagaal geysay gobolka Gedo oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  11. (SLT-Finland)-Iyadoo maanta ay tahay maalinta farxada adduunka ayaa waxaa la soo saaray warbixin ku saabsan dalalka ugu farxada badan caalamka iyadoo sannad walbana la soo saaro warbixinta. Warbixinta laga diyaariyay waddamada dunida ugu farxadda badan kaalinta koowaad ayaa waxaa markale ku guuleystey dalka Finland halka kaalinta labaad ka galay dalka Denmark, halka dalalka Swizerland, Iceland iyo Netherland ay kaalmaha xiga galeen. New Zealand oo ka baxsan waddamada qaaradda Yurub ayaa ka mid noqday liiska 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan. Ingiriiska oo sannadki hore ku jiray kaalinta 13-aad, wuxuu sanadkan u daadagay kaalinta 17-aad. Kooxaha daraasadda sameeyey waxay su’aalo weydiiyeen dadyow kala duwan oo ku nool 149 dal si ay u ogaadeen farxadda ay haystaan. Qodobbada daraasadda lagu eegayeyna waxaa ka mid ahaa taageerada buslho uu helo, xurriyadda shaqsiyadeed, wadarta wax soo saarka gudaha (GDP) iyo heerka musuqmaasuq ee dalkaasi oo iyaduna ka mid ahayd waxyaabaha daraasadda qaybta ka ahaa. Waddamada ugu farxadda yarn dunidana daraasaddu waxay ku sheegtay iney yihiin dalalka Afghanitsaan, Lesotho, Botswana, Rwanda iyo Zimbabwe. New Zealand waa dalka keli ah ee waddamada midowga yurub ka baxsan ee ka mid noqday 10-ka dal ee duniga ugu farxadda badan Warbixinta qaramada midoobay ay soo saartay 10-ka dal ee ugu farxadda badan waxay ku sheegtay iney yihiin: Finland Denmark Switzerland Iceland Netherlands Norway Sweden Luxembourg New Zealand Austria Source
  12. TACSI MADAXWEYNE: 20/03/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/03/2021 dalka Turkiga. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 28 23 10 Qaran News
  13. (SLT-Pakistan)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, waana laba maalmood uun ka dib markii uu raysal wasaaruhu qaatay tallaalka COVID-19. Khan ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xidhiidhka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan. Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka mid yahay ka qayb galkiisa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan. Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xidhneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay. Khan ayaa Khamiistii qaatay tallaalka COVID-19. Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo ay ku nool yihiin 220 milyan oo qof ayaa muddooyinkii u dambeeyay waajahayay sare u kaca kiisaska cusub ee COVID-19. Sida ay sheegeyso xog ay baahisay dowladdu, 3,876 qof ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay COVID-19 – waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangeliyo tan iyo bishii Luulyo – waxayna ka dhigeysaa tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi 620,000. Sidoo kale, 42 ayaa la sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkan, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13,799. Pakistan ayaa 10-kii March bilowday talaalka muwaadiniinteeda, iyada oo lagu bilaabay dadka waayeelka ah ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ay muujiyeen walaacooda qaadashada tallaalka ay soo saartay China. Tallaalada uu sameeyay Shiinaha ee Sinopharm iyo CanSinoBio, Oxford-AstraZeneca iyo tallaalka Russia ee Sputnik V ayay adeegsigooda oggolaatay Pakistaan. REUTERS Source
  14. Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ka dajisay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi, gaar ahaan kuwii shalay la geeyey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid ah yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga. Amarka lagu qaaday ciidamadan ee lagu geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa ‘bixiyey’ madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Arrintan ayaa uga sii sareyso xiisadda xoogan ee ka jira gobolka Gedo oo haatan la daala dhacayo abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan ciidamadaasi lagu daabulay gobolka Gedo. Si kastaba Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dib uga billowday Gedo ayaa farriin culus u dirtay beesha caalamka, waxaana ay shaaca ka qaaday in arrintan ay caqabad ku noqon karto in heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2032021.mp3 View the full article
  16. Ciidamada badda maamulka Somaliland, oo wata Laashashka dheereeya, islamarkaana garab-siinaya malayshiya-beeleed hubaysan, ayaa saaka weerar culus ku qaaday degaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag. Ciidanka Somaliland iyo malayshiya-beeleedka la socda, ayaa iska caabbin kala kulmay bulshada degaanka Shidan oo ka soo jeeda Puntland, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan weli xog dhammaystiran laga helin dagaalkaas. 7-dii bishan March 2021, maamulka Somaliland oo kaashanaysa ganacsato ka soo jeeda dhankooda, ayaa si qarsoodiya macdan qodis uga bilowday degaanka Shidan, balse waxa ka dhashay xiisad colaadeed. Shidan waxaa mudda sannado ah ka taagan colaad u dhexaysa laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland, taas oo ku salaysan muran dhul iyo macdan qodis. Weerarka saaka Somaliland ku qaadday degaanka Shidan ayaa ku soo beegmay, kadib markii murankii iyo xiisadii ka dhalatay barnaamijkii macdan qodista ee maamulka Hargeysa ka waday halkaas. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Somaliland oo weerar culus ku qaaday degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  17. Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo Beelood oo saaka ka qarxay Degaanka Shidan ayaa la sheegay inuu koobsaday Khasaare naf iyo Mid gaadiidba Sida xogguhu tibaxayaan Dagaalka oo u dhexeeya Beelaha Muuse ismaaciil & East Sanaag Clan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 Ruux oo lix ka mid ahi isku beel ka so jeedaan,Halka dhaawac & Maxaabiis badana laga qabsaday Sidoo kale waxaa Goobta Lagu gubay Gaadhi Tikniko ah waxaana lagu qabsaday laba gaadhi oo mid tikniko ah yahay Wixii warar ee ka soo kordha dhacdadan Isha ku hay Qarannews.com Qaran News
  18. MOGADISHU (HOL) -Jubbaland government has accused the Federal Government of deploying troops and heavy weaponry in the Gedo region amid an ongoing drought that has since claimed lives and plunged thousands into starvation. Source: Hiiraan Online