Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug u qaabilsan Puntland iyo Galmudug, ayaa ku guulaystay in ay heshiis nabadeed dhex-dhigaan xoola-dhaqato ka soo kala jeeda labada dhinac. Guddoomiyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ee labada dhinac iyo saraakiil ciidan, ayaa ka shaqeeyay hirgelinta Heshiiskaas nabadeed. Kulan maanta oo Jimce ah ka qabsoomay Degaanka Bukhraas, oo dhanka bari ka xiga Gaalkacyo, kaas oo ay ka qayb-galeen Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, ayaa looga dhawaaqay Heshiiska. Dhinacyada ayaa ku ballamay in 22-ka bishan March 2021 Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo lagu dhammaystiro Heshiiska, islamarkaana si rasmiya loo dhaqan-geliyo. Degaanka Bukhraas ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka aloosanaa colaad u dhexaysa Xoola-dhaqatada labada dhinac, taas oo ugu dambayn maanta la xalliyay. PUNTLAND POST The post Colaad ka aloosnayd Gobolka Mudug oo heshiis Nabadeed lagu dhammeeyay appeared first on Puntland Post.
  2. Abu Dhabi and Jerusalem (CNN)The United Arab Emirates has publicly distanced itself from Benjamin Netanyahu over concerns the Israeli Prime Minister was using Abu Dhabi to boost his prospects in upcoming Israeli elections. The diplomatic spat comes just six months after a historic normalization agreement, known as the Abraham Accords, was signed between the two countries. “The UAE signed the Accords for the hope and opportunities they provide our people, not individual leaders,” an Emirati official told CNN. “Personalizing and politicizing the Accords in this way demeans the historic achievement. The UAE will not go down that road,” the official added. Netanyahu, who faces a general election in five days’ time, has taken to name-dropping Abu Dhabi Crown Prince Mohammed bin Zayed in recent appearances and campaign stops, billing himself as the facilitator of multi-billion-dollar UAE investment projects in Israel, and suggesting his opponents do not have the same clout. The proposed UAE investment, Netanyahu said a week ago, “is another means by which our economy will be propelled forward. I think that is another question the [Israel] public is faced with – who will propel our economy forward?” On Wednesday morning, Israeli radio, citing people inside the Prime Minister’s Office, reported that Netanyahu was set to fly to Abu Dhabi the following day. Just a few hours later the Prime Minister appeared on radio himself knocking back those reports and instead talking up the prospect of further normalization deals with Arab states. “There are four more historic agreements around the corner, which I intend to deliver,” Netanyahu said. “I will not travel to Abu Dhabi before the election; the reports that I would go are spin, I don’t know who initiated them. I will go there later.” In Abu Dhabi, officials made clear they had grown frustrated with what they saw as “internal electioneering” by the Israeli leader. “The purpose of the Abrahamic Accords is to provide a robust strategic foundation to foster peace and prosperity with the State of Israel and in the wider region,” presidential adviser and outgoing Minister of State for Foreign Affairs Anwar Gargash tweeted on Wednesday. “The UAE will not be a part in any internal electioneering in Israel, now or ever.” Last week, the UAE announced plans to invest $10 billion in Israel. Days later, Minister of Industry and Advanced Technology Sultan Ahmad al-Jaber warned that plan should not be seen as “politically associated.” The normalization agreement, announced last August and signed on the White House south lawn a month later, prompted a flurry of business dealings and warm exchanges between the two countries — the relationship likened to a “whirlwind honeymoon.” Netanyahu himself has been keen for some time to travel to Abu Dhabi, a trip that would serve to underline his diplomatic achievements as he fights a tight election battle, but so far to no avail. Last week, the Prime Minister’s Office issued a blunt statement after Netanyahu was forced to cancel earlier plans to make the journey. The statement accused Jordan of nixing the trip by closing its airspace, in an apparent tit-for-tat move after Israel modified the security arrangements of the Jordanian Crown Prince’s planned visit to the al-Aqsa mosque in Jerusalem. Jordan’s Foreign Minister Ayman Safadi, in an interview with CNN’s Becky Anderson, was unrepentant. “You renege on an agreement with Jordan, you disrupt a religious visit. You create conditions that made this holy, this religious, visit on a holy occasion, impossible. And then you expect to come to Jordan and fly out of Jordan, let’s be serious here, is this something that could be expected?” Abu Dhabi also cited Covid-19 concerns as a reason for the last-minute cancelation.
  3. Dowladda Kenya oo war Cusub ka soo saartay sababtay uga baaqatay Dacwadda Badda ee Maxakmada ICJ Dowladda Kenya waxay war rasmi ah kasoo saartay sababta ka dambeysay iney ka baaqato Dacwadda Badda ee kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya. War qoraal ah oo aay soo saartay Kenya ayay ku faahfaahisay sababta aay uga qeybgali weysay Dacwada Badda iney tahay Cadaalad darro aay sheegtay iney ka tabaneyso Maxkamada ICJ, iyo Cudurka COVID-19 oo aay sheegtay inuu dib u dhigay diyaar garowgii aay sameyn lahayeen, iyo waliba garsoore Cabdulqawi Yuusuf oo ah garsoore Soomaali ah. Kenya ayaa intaasi ku dartay in dacwada Badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya aay jirto gacan sadexaad oo dano ganacsi leh, kuwaas oo xaalada sii hurinaya, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay kenya. Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqatay Dacwada Badda iyadoo codsaneysay in dib loogu dhigo, lakiin maxkamada cadaalada aduunka ayaa ku gacan seyrtay markii ugu dambeysay oo aay Kenya codsatay in Dacwada Badda dhageysigedda dib loogu dhigo 15-kii bishan, iyadoo maxkamadana aay xaadirtay Soomaaliya. Qaran News
  4. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyey, islamarkaana walaac xoogan ka muujinaya qorshe uu ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu dani shaqsiyeed ugu adeegsanayo heshiiskii uu la galay Abu Dhabi Xiisadda siyaasadeed ayaa timid lix bil kadib markii Israel iyo Imaaraadka Carabta ay galeen heshiikii loogu magac dara Abraham, ee caadi looga dhigay xiriirkooda. Bilooyin kadib, Imaaraadka ayaa Netanyahu ku eedeynaya in uu heshiiskaas u adeegsaday dano doorasho, islamarkaana uusan wax badan soo kordhin, sida ay Saraakiil ka tirsan dowladaas u sheegen taleefishinka CNN. “Imaaraadku wuxuu u saxiixay heshiiska rajada iyo fursadaha ay siinayaan dadkeenna, ee ma uusan saxiixin danaha shakhsi ee hogaamiyeyaal,” ayuu yiri Sarkaal Imaaraati ah oo la hadlay CNN. Waxa uu intaas kusii daray “Shaqsiyeynta iyo siyaasadeynta heshiisyada noocaan ah, waxay hoos u dhigayaan ‘guusha taariikhiga ah’, Imaaraadkuna ma qaadi doono wadadaas.” Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey oo uu Khamiista toddobaadkii hore ku tagi lahaa dalka Imaaraadka, kadib markii lasoo wariyey xaalada caafimaad oo lasoo daristay xaaskiisa. Netanyahu oo doorasho wajahaya afar maalmood kadib ayaa marar badan ku cel-celiyey magaca dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed isaga oo ku jira olole doorasho, isaga oo isku qeexay inuu yahay ninka fududeeyey heshiisyo maal-gashi oo ku kacaya balaayiin dollar. Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa ka carooday in Netanyahu u adeegado doorashada, inkasta oo mar uu kasoo muuqday warbaahinta maxaliga ah uu sheegay “inuusan u safri doonin Imaaraadka ka hor doorashada.” Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed. Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xiriir la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan.
  5. Click here to read more about this Qaran News
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay qoral ka kooban 11 qodob oo ay kaga hadleyso sababta ay kaga maqneyd dacwadii badda ee dhawaan lagu dhageysatay maxkamadd cadaaladda adduunka ee ICJ. Kenya ayaa cadaalad darro ku tilmaantay in maxkamadda ICJ ay bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka iyada oo ay Kenya ka maqan tahay, walow ay si iskood ah u maqnaayeen, oo cidna aanay ka hor-istaagin. Qoraalka ay soo saareen oo ku taariikheysnaa maanta 19-ka Maarso, waxey dowladda Kenya eed gaar ah dusha uga tuurtay Cabdiqawi Yuusuf, oo ah madaxweynahii hore ICJ, kaas oo ay ku sheegeen inuu dhinac u janjeero, waana shaqsi kasoo jeeda Soomaaliya. Inkastoo aysan xukuumadda Nairobi soo bandhigin cadeymo xaqiijinaya waxyaabaha ay sheegayaan hadana waxey ka dhawaajiyeen in Cabdiqawi uu ka qeyb galay shir uu qaranka Soomaaliya ku matalay isla markaana uu garab istaag ugu muujiyay. Kenya oo wali ka gil-gilaneysa xanuunka guul-darada kusoo fool leh ayaa sidoo kale sheegtay in daraf saddexaad uu ku milan yahay kiiska, taasoo ay ku sheegeen inuu dano ganacsi halkaas ka leeyahay. Waxaya qoraalka ku sheegeen in arrinta gacanta saddexaad ay walaaceeda leedahay, khatarna ku tahay xasiloonida, nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Qoraalka ay maxkamadda ICJ u dirtay waxaa ka mid ahaa hawlo aan shaqo ku laheyn kiiskaan oo ay ka mid tahay iney dadaal badan ku bixiyeen nabad-galyada Soomaaliya iyagoo dagaal kala hortagay Al-Shabaab, sidoo kalana ay magan-galyo siiyeen shacabkooda kasoo cararay colaadda. Waxa kale oo ay u sheegtay in diyaar-garowgeedii ku aadaneyd dacwada Badda uu hoos u dhigay cudurka Coronavirus, kaasi oo markale kusoo labo kacleeyay dunida. Ugu dambeyntiina Kenya waxey sheegtay in Soomaaliya ay waddo ajande dhul ballaarsi ah, isla markaana ay dalbanayaan in qaab diblomaasi lagu xaliyo kiiska badda lana tixraaco xuduudahii dib loo asteeyay sanadkii 2014.
  7. Wararka laga helayo deegaanka Waradhuumale oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu rasaaseeyay gaari rakaab ah oo aay saarnayeen dad shacab ah. Gaariga la rasaaseeyay ayaa noociisu ahaa Leyla Calaawi kaas oo kusii jeeday dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Illaa 5 ruux oo ka mid ahaa rakaabkii sarnaa gaariga oo uu ka mid yahay canug yar oo laba jir ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta lagu furay gaariga rakaabka ahaa, waxaana dhaawacyada dadka masaafurka ahaa ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Guricel ee gobolka galgaduud. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta lagu furay gaariga iyo shacabka saarna balse warar hoose ayaa sheegaya inay la xiriirto aanooyin qabiil. View the full article
  8. Saamiya Suluxu Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in ay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Tanzania Madaxweyne ka noqota, ka dib geeridii madaxweynihii dalkaas John Magufuli. Gabadhan 61 sano jir ah ayaa aheyd madaxweyne ku xigeenkii dalkaas, sida u dastuurka qaba marka madaxweynaha geeriyoodo waxaa xilka qabanaysa ku xigeenkiisa. “Anigoo ah, Saamiya Suluxu Xasan, waxaa balan qaadayaa in si daacad ah aan u ilaaliyo dastuurka Tanzania,” ayay tiri Saamiya. Saamiya ayaa ku dhalataya jaziiradda Zanzibar ee badweynta India ee ka tirsan dalka Tanzania, waxayna siyaasadda ku jirtay 20 sano ee la soo dhaaday, waxay aheyd gabar udub dhexaad u ah xisbiga talada haya ee CCM, madaxweynihii geeriyooday ee John Magafuli ayaa madaxweyne ku xigeen u doortay 2015. Bishii October, ee sanadkii hore ayaa mar kale dib loo doortay, doorasho ay hareysay wax isdabo marin iyo eedeymo kale. Saamiya waxay noqotay madaxweynihii 6 aad ee Tanzania. View the full article
  9. Tallaalka AstraZeneca ee looga hortago xanuunka muddooyinkan dunida sida daran u aafeeyay ee COVID 19 ayaa todobaadkan la gaarsiiyay Soomaaliya, waxaana tallaalkan adeegsigiisa hakiyay waddamo badan oo qaaradda Yurub ah oo sheegay in tiro aad u yar oo dadkii qaatay ah caafimaad darro laga dareemay. Waxaa arrintaasi todobaadyadii lasoo dhaafay baaris ku haysay wakaaladda dawooyinka Yurub oo ah hey’ad aad loogu kalsoon yahay marka laga hadlayo dhinaca caafimaadka. Wakaaladda oo Khamiistii cilmi-baaristeeda soo gabo-gabeysay ayaa sheegtay in tallaalkaasi uu yahay mid ammaan ah oo wax-tarna leh. View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1932021.mp3 View the full article
  11. The President of Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoor Qoor) met with the envoy of the African Union and Head of AMISOM Amb. Francisco Madeira . According to the sources, Qoor Qoor and Madeira discussed efforts to improve security in Galmudug. They also discussed electoral issues and efforts to finalize the electoral process in the coming talks between the regional states and the Federal Government of Somalia. In the past few days, the international community has been trying to push the leaders of the country to hold a meeting in Mogadishu that seeks an inclusive deal on the election. View the full article
  12. Dodoma (Caasimadda Online) – Saamiya Xasan ayaa taariikhda u gashay dalka Tanzania kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota, waxeyna badashay John Magafuli oo si lama filaan ah geeridiisa loo baahiyay. Haweeneydaan ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalka Tanzania iyadoo Kitaabka Qur’aanka gacanta ku heysata, waxeyna dhaarinta ka dhacday aqalka looga taliyo dalka ee ku yaalla caasimadda ganacsiga dalkaas Daara Salaam. Ibraahim Juma oo ah xaakimka guud ee dalkaas ayaa dhaariyay Saamiya Xasan, waxeyna muddo 6-sano ah ku xigeen u aheyd madaxweynahii geeriyooday, waana qof ay aad u amaaneen xildhibaanada dalkaas oo u warramay BBC-da. Saamiya Xasan waxey xukunka dalkaan sii heyneysaa muddo afar sano ah oo ka dhiman muddo xileedka madaxweynahii geeriyooday, waxaana kadib loo dareeri doonaa codeynta lagu dooranayo madaxweynaha xiga sida uu qabo Dastuurka dalka Tanzania. “Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya” ayey tiri Saamiya Xasan kadib dhaarinteeda. Sidoo kale waxey aad ugu fogaatay amaanta madaxweynahii geeriyooday ee dalkaas John Magafuli kaas oo ay tan iyo 2015 lasoo shaqeyneysay. Haweeneydaan waxaa si weyn loogu xasuustaa iney isbitaalka ku booqatay hogaamiyaha Mucaaradka Tundu Lisu kaas oo dil ka badbaaday sanadkii 2017, tallaabadaas dad badan ayaa ku taageeray.
  13. Somali military said six Al-Shabaab militants have been captured during an operation following a series of bomb attacks in the capital, Mogadishu. The operation was conducted in the Lower Shabelle region, the most militarized zone in the country. The army officials pointed out they burned down Al-Shabaab detention centers and released many prisoners. The operation saw the seizure of small arms, mostly AK47 rifles and ammunition, according to government officials. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, aya shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni iyo cidda ka qeyb galeysa. Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayuu u warramay wuxuuna daaha ka rogay arrin aan faah-faahsaneyn balse laga dhex dheehan karo in shirka ka dhici doona Muqdisho ay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan ka wada qeyb gali doonaan. Mr. Swan wuxuu shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadooda beesha caalamka ay ka go’an tahay iney ka shaqeeyaan isku dubaridka kulankaan la filayo, maadaama fadhiyo dhawr ah ay hogaamiyayaasha Soomaalida ku heshiin waayeen. “Waxaan tibaaxayaa in aan dooneyno in Soomaalida aan siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga soo daabulayo ergooyinka maamulada dalka, sidoo kale waxaan AMISOM kala shaqeyneynaa xaqiijinta ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladan ay sii socdaan, iyaddoo uu ka dhacayo meel ammaan ah kana qeybgalaan siyaasiyiita Soomaalida,” ayuu yiri James Swan. Hadalka kasoo yeeray Swan ayaa u muuqda inuu si dadban u sheegay in mucaaradka ay kaalin ku yeelan karaan shirka Afisyooni, waana arrin uu aad u diidan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo wuxuu doonayaa in ka qeyb galayaasha shirka ay kaliya noqdaan kuwii heshiiska gaaray 17-kii September 2020, mana doonayo in midowga musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan shirkaas. Qorshaha kulanka wuxuu ahaa in horaanta bishaan Maarso uu dhaco, balse Villa Soomaaliya ayaa qeyb ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ku cadaadisay ineysan diyaar u noqon shirka, balse markaan Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa iney meel fiican marineyso qorshaha isla markaana ay qaban-qaabada shirka wadaan. Midowga Musharaxiinta waxaa la filayaa iney xubno kooban u dirsan doonaan shirka ka dhici doona teendhada Afisyooni, inkastoo aan la ogeyn tirada u aadi doonta, lamana oga sida loogu qancin doono Villa Soomaaliya.
  15. Vice President Samia Hassan Suluhu, age 61, suppose assume di office of di president for di remainder of di five-year term wey Magufuli begin to serve last year after winning a second term, according to Tanzania Constitution, Mama Samia Suluhu Hassan wey be Vice President since 2015 suppose take over as Tanzania first female President by now as John Pombe Joseph Magufuli don die. Sabi pipo don begin tok about wetin concern di smooth transition of power for Tanzania since dia President John Magufuli, die on Wednesday. Tanzania opposition leader Zitto Kabwe, of di ACT Wazalendo party wey just lose dia leader for Zanzibar to COVID-19 tell BBC say goment must immediately transfer power sharp sharp to di Vice President Samia Suluhu Hassan to avoid constitutional uncertainty. According to Kabwe, di law book alias constitution of Tanzania make provision for di Vice President to continue wetin remain of Magufuli five-year term. Fulgence Massawe, wey be Lawyer for anoda interview also tell BBC say as far as di constitution dey concerned Samia Hassan go occupy Office of di Tanzanian President till 2025. According to Tanzania Constitution, Vice President Samia Hassan Suluhu, age 61, suppose assume di office of di president for di remainder of di five-year term wey Magufuli begin to serve last year after winning a second term. Vice President Samia Hassan Suluhu go be di East African nation [Tanzania] first female president. Madam Samia Hassan Suluhu go become di sixth president of Tanzania and di second from Zanzibar. All dis tok dey come out sake of say some of di kontris for East Africa get Leaders wey dey like to dominate and dis dia domination don lead dia kontris into crisis. Rwanda, Somalia, Somaliland, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Madagascar, Malawi, Mauritius, Réunion, Seychelles, Tanzania, na di kontris wey make-up East Africa. History show say almost all di kontris for East Africa region don experience crisis as e take concern change of goment. But as di world dey change and adjust to give women chance for govment, pipo expect say Tanzania Vice President Mama Samia Suluhu Hassan as pipo dey popularly call her, suppose take over from Magufuli witout gbege for di kontri. Samia Suluhu Hassan na di current Vice President of Tanzania and dey born her January 27, 1960 (she be 61-year-old.) Hassan, come from di semi-autonomous region of Zanzibar, wey be about 99% Muslim – she study statistics for Zanzibar Institute of Financial Administration and later graduate from Mzumbe University for 1986 with Advanced Diploma in Public Administration. She also attend University of Manchester wia she receive postgraduate diploma in Economics for 1994. She be Tanzania first female Vice-President as she enta di office for 2015 and reports say mama Hassan get di backing of some factions inside Chama Cha Mapinduzi (CCM), di ruling party wey support former President Jakaya Kikwete, especially those from Muslim communities. However e fit be say e get some oda factions for Tanzania ruling party wey dis current arrangement – whereby Mama Samia go succeed Magufuli – no favour. BBC Pidgin find out say under normal circumstance, with 24 hours wey dem comfam di death of a serving president for Tanzania, dem suppose immediately swear in di Vice President – in dis case – Mama Samia Suluhu Hassan. But 24 hours don pass since dem confam Magufuli death and di law book of Tanzania favour Mama Samia as di next leader and as at Thursday night dem never swear-in Suluhu. Source BBC News Qaran News
  16. Wardheer (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed M. Fiqi oo ka mid wafdi wasiirro iyo taliyaha ciidamada Nabadsugidda Galmudug oo booqasho ku jooga magaalada Wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa kulamo kula qaatay wafdi uu hogaaminayo dhiggiisa Hogaanka Nabadgalyada Dawlad deegaanka Dr. Xuseen Qaasim iyo taliyaal ka socda ciidamada Qaranka Itoobiya iyo kuwa dawlad degaanka ee Liyuu Booliska. Labada wafdi ayaa yeeshay kulamo muhiim ah oo ku saabsan, nabadgalyada xuduudaha, qiimayn heshiisyo amni oo horay labada dhinac ay u kala saxiixdeen, dhacdooyin amnidarro iyo isku dhacyo maleeshiyaad ku dhexmaray xadka labada dal ee ku aaddan labada maamul iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduuda dheer ee labada maamul u dhexeysa iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo kuwa gacansaarka la leh. Kulamada ayaa weli soconaya ayadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay qodobada intooda badan isla fahmeen, qodobada dhimanna maantay laga sii wada hadli doono.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan oo ku geeriyoodey magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay doorkii uu ku lahaa Marxuumku dhismaha dowladnimada, xasilloonida dalka, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. DHAMMAAD View the full article
  18. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay howl-gal qorsheysan ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay 6 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qabteen howl-galka oo laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in ciidamada ay gubeen xarumo Al-Shabaab u isticmaali jireen xabsiyo, halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan. Howl-galkan waxaa sidoo kale Al-Shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhiwaan xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay kulan gaar ah oo ku aadanaa xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Guudlaawe ayaa mucaaradka u balanqaaday in HirShabeelle uu ka qaban doono doorasho cadaalad ah, islamarkaana uusan ka shaqeynin doonin in uu soo saaro qof gaar ah, sidoo kalane uu ka reebo qof kale oo aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia. “Guudlaawe waxa uu noo sheegay in uusan ka shaqeyn doonin soo saarista qof gaar ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono doorasho cadaalad ah oo ka dhacda Jowhar iyo Beladweyne, sababtu waxa uu ku sheegay in arrintaas ay ku jirto daganaanshaha HirShabeelle” sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Cali Cabdullaahi Xuseen waxa uu qeyb ka yahay madaxweynayaasha lagu tilmaamo baalasha uu ku duulo Madaxweyne Farmaajo lamana oga sida uu ugu dhabeyn karo ballan qaadkaan uu sameeyay. Kala jiidasho iyo loolan xoog leh ayaa ka jira gudaha magaalada Muqdisho. Xildhibaano iyo siyaasiin kale ayaa baadi goob xoog leh ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen fursado ay dib ugu soo laabtaan kuraastooda maadaama lagu jiro xili kala guur ah.
  20. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kulan la qaatay safiirka Midawga Afrika ahna madaxa AMISOM Amb. Francisco Madera. Qoor Qoor iyo safiirka ayaa ka wada hadlay dadaalada lagu hormarinaayo hawlaha Amniga ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  21. A statistical analysis has found that immigrants in Norway experience greater loneliness and exclusion from society than the rest of the population. Source: Hiiraan Online
  22. Shirka Madasha iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ahaa mid heer Wasiir ah ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) waxaana ka qayb galay Wasiiro ka socday Wasaaradaha ku midaysan Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Boostada, Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Xafiiska Bay’ada ee Xafiiska Ra’isal Wasaaraha. Ujeedka shirka oo ahaa: 1- Isla fahmidda masraxyada/Fagaaraha wadatashi ee jira. 2- Fahmidda mashaariicda socota iyo kuwa jidka kusoo jira. 3- Isla qaadasho qaababka wadashaqeynta iyo sidii la iskaga gaashaan-buureysan lahaa. (marka la eego hey’adaha caalamiga ah ee aan la shaqeyneyno). 4- Hagidda qubaradeena ee ku aadan qaabkii ay u wadashaqeyn lahaayeen gaar ahaan mashaariicda ay tahay inaan ka wadashaqeyno. Shirku intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka ka socda, kuwa la qorsheeyey iyo Mashaariic kale oo hadda la doonayo in la hirgaliyo. Sidoo kalane Wasiirada ayaa shirka ka jeediyey doorka Wasaaradiisu ay ku leedahay hirgelinta Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha. Intii uu shirku socday waxa ay Wasiiradii kasoo qeybgalay ay isla garteen in: – In la joogteeyo shirarka noocaan ah 6 bilba mar. – In Wasaarad waliba ay markeeda martigaliso si wada shaqeyntu u hagaagto, lana wada jaanqaado. – In shirka dambe mashaariic qaas ah lagu gorfeeyo. – In mashaariicda diiwaangalin loo sameeyo. – In hay’adaha la siinayo mashaariicda la fiiriyo diiwaankooda hore lana hubiyo inta aan la siin. Gaba gabadii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa sheegay in meel looga soo wada jeesan doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, sidoo kalena la isku fahmay dhammaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ahaa Wasaarad kastana ay qaadato doorkeeda ku aadan. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankii looga dhawaaqay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in la bad-baadiyo. Isbaheysigan cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay waxaa ku bahoobay Puntland, Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxuuna sheegay Saciid Deni in Madasha Badbaado Qaran ay u furantahay oo uu ku biiri karo masuul kasta oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta Soomaaliya. Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayuu si adag ugu eedeeyey inay ku fashilmeen inay dalka doorasho ka qabtaan oo ilaaliyaan nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee Soomaalidu ku wada joogtay. Saciid Deni ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee dhalisay in la aas-aaso Madashaan ay tahay wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo oo uu ku tilmaamay khatartii ugu darneyd ee dalka soo martay waayahaan. Xilligaas madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa awood ciidan ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo ay soo abaabuleen xubnaha midowga musharaxiinta, waxaana meelaha qaar ka dhacay iska hor-imaadyo khasaare iyo qalqal sababay. “Madashaan waxaa laga rabaa in majarihii qaloocday ay wadadii saxneyd ku soo celiso, waan u wada istaageynaa taas, siyaasi iyo argagixiso midna nagama hor istaagi doonaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sadiid Deni waxuu aad ugu mahadceliyey beesha caalamka oo uu sheegay in ay taageero weyn oo muhiim ah siiso Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay inay Isbaheysigaan cusub la dareento baahida loo qabo iyo dadaalka loogu jiro, sidii dalka doorasho wadar-ogol ah ay uga dhici laheyd. Halkan hoose ka Daawo