Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1932021.mp3 View the full article
  2. John Magufuli, 61, died on Wednesday, prompting outpourings of grief and condolence messages from African capitals Source: Hiiraan Online
  3. Feb 02, 2018: – Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska, ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. June 25, Maxkamada ICJ ayaa mudeeysay in 9ka ilaa 13ka bisha September, 2019 doodda labada dhinac ee xuduuda badda, laakiin Kenya ayaa codsatay in 1 sano dib loo dhigo. Waxaana ay maxkamadu go’aan ku gaartay in muddo 2 bil ah dib loo dhigo. October 16, 2019 Maxkamada ayaa mar kale mudeysay in ay dacwadda dhagaysan doonto 8da june 2020, laakiin Kenya ayaa mar kale codsatay muddo aan la cayimin in dib loo dhigo sababo la xariira covid 19. Maxkamadda ayaa dib u dhigtay dacwadda ilaa 15 march 2020. March 10, 2021 Maxkamada ICJ ayaa soo saartay Jadwalka dacwada, iyada oo ka kooban laba wareeg, laakiin dowladda Kenya ayaa ku adkaysatay inaysan diyaar u aheyn inay ka qeyb gasho dacwadda oo dhagaysigeedu ka harsanaa 24 saacadood oo kaliya March 15 Maxkamada ICJ ayaa bilowday dhagaysiga dacwadda badda iyada oo Kenya ay ka maqantahay. Hadaba waxaa jiro 3 qodob oo muhiim ah kuwaas oo So0maaliya u horseedi kara inay kaga guuleysato Kenya dacwadda taalla maxkamadda kuwaas oo kala ah:- 1. Xeerarka Caalamagiga ee Badaha oo Taageeraya Dooda Soomaaliya Waxay u muuqataa in Maxkamadda cadaalada xadka ay Kenya sheeganayso ay siin doonto Soomaaliya, Halkaana ay qareennada matala soomaaliya ay ku caddeeyaan qaladaadka Kenya, Maadaama sida ugu caansan oo laba wadan xadka Badda u dhaxeeya oo ay ku qayb sadaan waxaa la yiraa “ equidistant Line “ oo ah xariijinta kala qaybisa laba dal oo si isla eg ugu dhaxeeya ama fogaantiisu isla egtahay, Waxaana la isticmaalaa haddii wadamada iska soo horjeedaan ama hadii ay xad dhuleed leeyihiin sida keenya iyo Soomaaliya oo kale. Hadaba xariijintaas sida isla egta ah ayay rabtaa dawladda Soomaaliya in la isticmaalo marka la sameynayo xad Badeedka labada wada, Kenya waxay rabtaa in xariiqda dhinaca Bari mid u socoto laga dhigo xadka badda labada wadan u dhaxeeya Xeerka Badda ee Qarmada Midoobey ayaa waxa uu dhigayaa in “xadka Badda u dhaxeeya labo wadan haddii aysan ku heshiin in lagu go’aamiyo khad ama xarriiq isku in u jirta labada dawladood, ama waxa loo yaqaano” ʺ equidisante Lineʺ. Halkaas ayaa waxay qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwada ay ku muujin karaan ama ay ku doodi karaan in xeerkaas uu libinta siinayo Soomaaliya. 2. Aqoonta iyo Khibrada sare oo ay leeyihiin qareenada caalamiga ah ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda kiiska muranka badda Soomaaliya waxa ay qabsatay qareeno heer caalami ah oo leh aqoon xeeldheer oo ku saabsan sharciyada caalamiga ah ee badaha lehne khibrad sare oo ku saabsan dacwadaha badahaha ee dalalka caalamka soo dhex maray oo ay ka soo qeyb galeen wadamo fara badan dacwadahooda isla markaasna ay guul u soo hoyeen. Qareenadaas waxaa ka mid ah:- Prof. Philippe Sands, oo ay da’diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida. Waxa uu ka soo qalin jabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga. Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia. Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah. Mr Paul S Reichler waa garyaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xadka badda. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka. Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto eeJaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka. Gar yaqaan Prof. Alain Pellet Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkaana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah. Mr Pellet ayaa waxa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest – Nanterre La Défense,. Prof. Alain Pellet ayaa sidoo kale horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska. Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo. Waxay horay iyada oo qareen ah u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS. Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Magaceeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay. Mr Craven – oo u dhashay dalka Ingiriiska – waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah. Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada. 3. Kalsooni La’aanta Kenya ee Dacwadda Badda Kenya oo ku doodaysa in muranka badda (Maritime dispute) ee kala dhaxeeya soomaaliya in loo wajaho habka ah in xariijinta xadeynta badda loo leexiyo dhinaca bari ee bad-weynta India taas oo hadii ay dhacdo Soomaaliya ay ku weyn karto dhul badeed baaxadiisu dhantahay 100,000km oo isku wareeg ah oo ah aagga dhaqaalaha (Economic Zone). Halka So0maaliya ay ku doodayso in xariiqda xadeynta badda laga dhigo mid isla eg ah equidistant Line, sida ku cad xeerka xadeynta badaha ee Qaramada Midoobay taas oo fursad u siin karta Soomaaliya inay guul ka gaarto dacwadda. Kenya waxa ay dhowr jeer dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda taas oo u muuqata in Kenya ay ogtahay in looga guuleysanayo dacwadda una socota sheekada ah “ Hal libaax arkaysaa ma godlato”. Waxay sidoo kale dhowr jeer soo gudbisay marmarsiimo aan shaqayn taas oo ugu dambayn ku qasabtay in gabi ahaanba iskaga baxdo dacwadda badda, iyada oo ku andacoonaysa marmarsiiyo badan oo is burinaya ilaa ugu dambayn ay ku andacootay in maxkamadda aysan kiiska si cadaalad ah u qaadi Karin maadaama ay sheegtay in guddoonka sare ee maxkamadda uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya taas oo u muuqato “Nin daad qaaday xunbo cuskay”. Hadaba marka la isku soo duuduubo arimahaas oo dhan waxay Soomaaliya ka dhigayaan mid haysata kalsooni xooggan oo dhinac walbo leh taas oo keeni karta inay ku guuleysto dacwadda, isla markaasna ay hesho dhul badeedka ay Kenya muranka galisay ee ay xaqqa u leedahay. Ugu dambeyn waxaa bogaadin mudan wafdiga Somaaliyeed ee halkaa ku sugan waxayna waddanka u soo hoyn doonaan guul taariikhi ah oo ay ku mutaysan doonaan inay Taariikhda baal dahab ah ka gaalaan hadii alle idmo. W/Q: Abdullahi Hassan Sheikh Ali Senior Lecturer and Historical Events Analyst Mogadishu-Somalia xaaf120@gmail.com
  4. In this episode of The Stream we’ll look at the impact of the political standoff in Somalia, and what it means for people’s safety and security. Source: Hiiraan Online
  5. A consignment of 300,000 doses of vaccine arrived in Somalia this week, precisely a year after the country detected its first case of COVID-19. Soraya Ali reports. Source: Hiiraan Online
  6. Nairobi, March 18, 2021 — In response to yesterday’s decision by a military court in the semi-autonomous Somali state of Puntland sentencing journalist Kilwe Adan Farah to three years in prison, the Committee to Protect Journalists issued the following statement: Source: Hiiraan Online
  7. Somali National Army (SNA) on Thursday arrested six al-Shabab militants in an offensive in Lower Shabelle, Somalia’s southern region, a military officer confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo shaaciyey inu Kor-u-kac ku yimi Qiimaha Shillinka S/land+Sababta Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Cali Ibraahim Jaamac ” Baqdaadi” ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo korukac ku yimi Qiimaha Shilinka S/land Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidatan:- KOR-UKAC KU YIMID QIIMAHA SHILLINKA JSL (O.2%). Qiimaha SLSH ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18th March, 2021 kor-ukacay 0.2% marka la barbardhigo Doolarka Maraykanka (US $). Shalay, qiimaha halka Doollar waxa uu ahaa SLSH 8,470, halka uu maanta qiimaha SHSL kor ugu kacay 8,450. Waxa qiimo korodhkaa sababay baahi weyn oo Ganacsatadda & Bulshaddu u qabto isticmaalka SLSH, siiba musharaxiinta Golayaasha oo u baahday SHSL si ay ugu bixiyaan cashuurta iyo ololaha ay ku jiraan. Balse, Baanka Dhexe ee JSL, isaga oo eegaya maciishada dadka dakhligoodda ku hela doollarka Maraykanka, waxaa uu Baanka Dhexe ku dadaalayaa inuu Qiimaha halka dollar ku soo celiyo SLSH 8,500. Waxa xusid mudan in qayb wayn oo ka mid ah bulshada danyarta ah laga soo biiliyo Dibedda. Waxa kale oo jira dad tiro badan oo mushaharkoodda ku qaata doollar sidda shaqaallaha Meheraddaha Ganacsiga, Iskuuladda & Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay, Haay’adaha NGO’s iwm. Waxa waajib ah inaanu qiima dhaca doolarku saamayn weyn oo taban ku yeelan nolol maal-meedkooda. Waxa waajib ah in la isku miisaamo taklifadda nolosha labadda dhinac ee dakhliga ku kala hela SLSH iyo Doollar. Sidaa awgeed, yoolka Baanka Dhexe ee 2021 waa inuu qiimaha halka doollar ku hayo agagaarka SLSH 8,500, oo aanu u aragno inuu yahay Sicir Caadil ah ( Fair market rate ). Wa billahi Tawfiq Cali Ibraahim Jaamac Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay howl-galo balaadhan oo markii u horeysay lagu xoreyn doono degmada Ceel-buur oo gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka. Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa fulin doona howl-galadan, waxaana la diyaariyay tiro kale oo ciidamo ah oo dhawaan la qalabeyn sida uu sheegay Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooga. Taliyaha oo Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan howl-galada lagu xoreynayo Ceel-buur. Waxaa uu xusay Taliyaha in dadka shacabka ah looga baahan yahay diyaar garow, maadama ay dhankooda diyaariyeen ciidankii qaadi lahaa howl-galka xoreynta, islamarkaana xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howl-gallada Shabaabka. Arrintaan ayaa imaneysa xili uu shalay Wasiirka Amniga Galmudug ku dhawaaqay howl-galo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maaamulkaas.
  10. Madal Cusub Oo ka soo horjeeda Maamulka Framaajo oo Looga Dhawaaqay Muqdisho+War-murtiyeed Xasaasiya oo ay soo saartay Golaha Badbaadada Qaranka oo ah madal cusub oo ay ku midoobeen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. War-murtiyeed ay Madashu soo saartay ayaa lagu faahfaahiyey in ay muhiim tahay badbaadinta qaranka iyo sidii loo qaban lahaa dhakhso doorasho lagu wada qanacsanyahay. Golaha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Hoos ka akhriso: Qaran News
  11. Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo beryahan baadhis ku heysay tallaalka AstraZeneca ee loogu talo galay COVID-19 ayaa baadhisteeda soo gabagabeysay. Wakaaladdu waxay sheegtay in AstraZeneca uu yahay mid leysku halleyn karo waxtarna leh, aysana waxba ka jirin wararkii maalmahan soo baxayey ee sheegayey in talaalkan uu leeyahay waxyeelo. Tallaalkan ayaa dhowaan la keenay Somaliland & Soomaaliya waxaana jirtay cabsi ay dadku ka qabeen, maadaama dalal badan oo Yurub ku yaalla ay isticmaalkiisa hakiyeen. Talaalkan Oxford-AstraZeneca waxaa si wadajir ah iskaga kaashadey inay soo saaraan Jaamacadda Oxford iyo shirkada daawooyinka Astrazeneca. Wuxuuna marey dhamaan tijaabooyinkii looga bahnaa in talaal la marsiiyo si loo isticmaalo. Qaran News
  12. Xuutiyiinta oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaali Muhaajiriin ah Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin duqeyn ay ka geysteen xarun lagu hayay muhaajiriin u ay ku jiraan Soomaali badan. Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca. Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay. Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo. Qaran News
  13. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo hadal ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland, ayaa sheegay in dowladdu mas’uuliyad weyn iska saartay bixinta xuquuqda iyo mushaharka ciidamada kala duwan. Wasiir Abgaal ayaa sheegay in dhammaan Ciidamada Puntland si dhammaystiran loo qalabeeyay, islamarkaana saddex jibbaar loo kordhiyay mushaharka iyo xuquuqdooda kale, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalka. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in askari kasta oo ka tirsan Ciidamada laga doonayo, in uu si buuxda u guto waajibaadka kaga aaddan difaaca Puntland, isagoo ballan-qaaday in askari kasta dowladda ka heli doono daryeel caafimaad oo dhammaystiran. “Waxaan ballan-qaadaynaa ka dhaawacma in aan caafimaadkiisa iyo dawadiisa ka shaqayno, haddii ay kalliftana aan diyaarado u qabanayno oo dhaqtar meeshan doono ugu gaynayno” ayuu yiri wasiirk Xasan Abgaal. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal: waxa si buuxda loo qalabeeyay Ciidamada oo sadex jibaar loo kordhiyay Mushaharka appeared first on Puntland Post.
  14. Qarax ruxay Qeybo ka mida magaalada Muqdisho Laamaha ammaanka ayaa sheegay inaanu jirin khasaare ka dhashay qarax goor dhaweyd ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay inay ka war heleen goobta qarax la dhigay, kaddiba ay xdhreen waddooyinka u dhow goobta. Sida uu soo sheegayo waryaha VOA C/qaadir Okey, inta aysan goobta soo gaadhin ciidanka booliska qeybtooda u tabababaran ka hortagga qaraxyada ayuu bamkan iskiis u qaraxay. Qaraxan ayaa ka dhacay Degmada Waabari meel ku dhow ee Number Afar ee magaaladda Muqdisho. Qaran News
  15. Dayax gacmeedkii dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay NASA ayaa si buuxda ugu guuleysatay tijaabada matoorka dayax gacmeed dunida ugu awoodda badan oo la sameeyey, waxaana tijaabada lagu sameeyey xaruunta dayax gacmeedka hawada sare looga diro ee NASA. Matoorka ayaa daarnaa ama shidnaa muddo 8 daqiiqo ah taasoo u dhiganta qayaasta dayax gacmeedka uu ku tagi karo masaafada u dhaxeyso dhulka iyo hawada sare. Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo la sameeyey tani iyo bishi Jannaayo marki la joojiyey tijaaba tan la mid ahayd oo la hakiyey. NASA ayaa qorsheyneysa dusha sare ee dayaxa iney bani aadam u dirto, isku daygaasi oo noqonayaa kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo 1972-kii. Mashruucan dayax gacmeedka dunida ugu weyn hawada sare loogu dirayo wuxuu qayb ka yahay mashruuca NASA ay waddoo uu sanadkii 2017-kii uu billaabay maamulkii Trump. Tijaabada matoorka dayax-gacmeedka ayaa lagu sameeyey matoorrada oo dhulka yaalla. Waxaana dayax gacmeedka ku xiran 4 matoor oo awood badan uu noocooduna yahay RS-25. Matoorradan awoodda badan ee RS-25 oo ay sameysay shirkadda Aerojet Rocketdyne uu fadhigeedu yahay California. Kooxda dayax gacmeedka sameysay ee NASA ka socotay iyo shirkadda Boeing oo sameynta dayax gacmeedka qandaraaska lagu siiyey si ay macluumaadki matoorka ay uga baahnaayeen ay u helaan wuxuu matoorka u daarnaa oo keli ah 4 daqiiqo. Guddoomiyaha guddiga joogtada ee Sayniska, Hawada sare iyo Teknooliyadda aqalka hoose ayaa farriin hambalyo ah oo ku aaddan tijaabada lagu guuleystay u diray hay’adda NASA. Qiiq hawada isku shareeray oo ka baxaya afarta matoor ee xaruunta NASA lagu tijaabiyey Eddie Bernice Johnson oo xisbiga dimuqraadiga ku matasha gobolka Texas waxay sheegtay, “Howshan dhaxal galka ah ee lagu guuleystay ay muujineyso geesinimada iyo dadaalka loo galay.” Waxayna intaa ku dartay: “Tijaabada maanta la sameeyey ay dhowr tallaabbo noo sii dhaweyneyso inuu Mareykanka uu ku soo laabto hoggaaminta dunuda ee cilmiga hawada sare oo dayaxa lagu tagay iyo inaan iisu diyaarinno sidi aan meeraha Mars uga dajin laheen Bani aadam (qof nool). Matoorradii 1960-kii loo isticmaalay dayax gacmeedkii Apollo waxay suuragaliyeen in lagu guuleysto in dayaxa laga dago. Injiineerada Khamiisti tijaabada sameeyey waxay sheegeen iney matoorrada ka buuxiyeen tamar quwadda matoorrada soo saarta oo u dhiganta 2.6 malyan oo Litir. Waxyaabaha tamarta dayax gacmeedka loo adeegsadayna waxay sheegeen isugu jiraan maaddada Hydrogen oo dareera ah, gaaska gantaalka xambaara dayax-gacmeedka uu isticmaalo iyo Oxygen dareera ah oo shidaalka ka caawinayo inuu gubto. Qaran News
  16. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay lix ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab ku qabteen hawlgalka oo laga fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale waxay tilmaameen in ciidamadu gubeen xarumo Al-shabaab u isticmaali jireen xabsiyo halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan. Hawlgalka waxa sidoo kale Al-shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shalay loo doortay guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ayaa meesha ka saaray in waxa uu ka damacsan yahay dhismaha madashan cusub ay tahay inuu xil ku helo. Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu yahay midnimo doon iyo Soomaali in la isu keeno, isagoona ku guubaabiyay cid kasta oo Soomaaliyeed inay garato waxa saxa ah iyo waxa horyaala. Cabdi Xaashi Xaashi ayaa ku celceliyay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka gudubto oo ka baxdo qabiilka, isagoona soo qaatay erayo suugaaneed guubaabo aheyd oo dalka hodan yahay, Soomaalidana u muuqan kheyraadka alle ku maneystay. “Waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, haddana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. “Inagoo isku duuban oo iska jecelahay anigu, inaanu reer hebeleyn ee aanu midnimadu Soomaaliyeed, heshiis Soomaaliyeed iyo doorasho Soomaaliyeed heshiis lagu yahay sidii aan lagu gaari lahaa inaanu ka tashano mudadaasi,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo sheegay in isagu aheyn xil doon. “Aniga xil doon ma ihi laakiin midnimo iyo Soomaali doon baan ahay,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay madashii looga dhawaaqay madasha Badbaado Qaran. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo miisaan siyaasadeed ku leh xubnaha gobolada Waqooyi kasoo jeeda, isagoona si weyn ugu soo horjeeda siyaasadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, sababta loogu doortayna guddoomiyaha madasha badbaado qaran ay tahay miisaanka siyaasadeed iyo in mucaaradka ay helaan awooda xildhibaanada Waqooyi.
  18. Dowladda Russia ayaa u yeeratay safiirkeedi Mareykanka Anatoly Antonov, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyaha Russia Vladmir Puttin ku tilmaamay inuu yahay dilaa. Sarakiisha Washington ayaa si deggan uga jawaabaya in Moscow ay si wada tashi ah ugu yeeratay safiirkeedii, waxaana xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rusia sheegtay inay raadineyso qaab lagu saxo. “Waxaan xiiseyneynaa inaan ka hortagno inuu dhaco khalad aan dib loo sixi karin haddii Mareykanku ogyahay halista ku gadaaman inuu xumaado xiriirka labada dhinac” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Russia. Ku dhawaaqista Moscow ee u yeerashada safiirkooda ayaa timid wax yar kaddib markii TV-ga ABC uu soo daayay wareysi uu la yeeshay madaxweyne Biden, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynaha Russia uu cawaaqib xumo kala kulmi doono haddii aanu joogin falal uu ku sheegay inay yihiin kuwa xun, ayna ka mid yihiin faragalinta doorashooyiska Mareykanka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo dib ugu yeertay safiirka u fadhiya Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  19. Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin duqeyn ay ka geysteen xarun lagu hayay muhaajiriin u ay ku jiraan Soomaali badan. Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca. Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay. Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London
  20. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in wax uu ugu yeeray “waddada lagaga soo xerayo” talaalka dalkiisa soo saaray inaysan caqabad ku noqon doonin arrimaha tallaalka Oxford-AstraZeneca, shacabka dalkiisa iyo guud ahaanna dunida u sheegay inuu tallaalkaasi yahay mid ammaan ah oo la hubiyay. Boris Johnson ayaa intaa ku daray in isagu u qaadan doono Jimcaha “Maanta” talaalka Oxford-AstraZeneca, wuxuuna sheegay in faa’iidooyinka tallaalka uu yahay ka-hortaga iyo difaaca cudurka COVID-19. Ra’iisul wasaare Boris ayaa intaa raaciyay cudurka Covid-19 halistiisa tahay mid ka awood badan tallaalka shakiga la geliyay, isagoona dadka ku booriyay inay qaataan guud ahaan shacabka ku nool UK iyo dunida kale. Hadalka ra’iisul wasaaraha UK uu ka jeediyay Downing Street ayaa wuxuu kaloo ku sheegay in UK dib u dhac ku yimid tallaalka bisha April aysan saameyn ku yeelan doonin dardar gelinta howlaha tallaalka, kadib markii hay’adda caafimaadka UK ee NHS ay ka digteen in la yareeyo agabka tallaalka bisha Abriil. Dib u dhaca tallaalka bisha April ayuu Mr. Johnson wuxuu ku xaqiijiyay in sahayda tallaalka AstraZeneca inay saameyn ku yeelatay dib u dhac ku yimid shixnadaha tallaalka Oxford-AstraZeneca ee ka imaan lahaa Machadka daawooyinka Serum ee dalka Hindiya. Seynisyahanada iyo hay’addaha qaabilsan hubinta iyo bedqabka daawooyinka ee UK iyo midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in aysan jirin wax caddeyn ah in tallaalka Covid-19 uu sababay xinjiro dhiig. Dalal ka tirsan Yurub ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca iyagoo ku sababeeyay tiro dad ah oo dhan 37 qof in lagu arkay dhiig xinjiroow markii ay tallaalka qaateen kadib, mana jirto cid u dhimatay oo lasoo wariyay. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London, UK
  21. Mogadishu (PP News Desk) — A new political alliance has come into existence in Mogadishu ahead of a crucial electoral summit planned to take place in the Somali capital city. Dubbed the Somali National Salvation Forum, it brings together the Union of Somali Presidential Candidates, the Speaker of the Upper House, Jubaland and Puntland Presidents. The Forum has selected Sharif Sheikh Ahmed, a former President, as the Chairman. Puntland President Said A. Deni (left) and Jubaland President Ahmed M. Islam (right) unveiling the new political alliance against the incumbent Somalia’s President Mohammed Abdullahi Mohammed In a statement for the media, the Forum accused the incumbent Somali President Mohammad Abdullahi Mohammed of undermining the 17 September Electoral Agreement, a position that the Union of Presidential Candidates has adopted pragmatically despite supporting the 17 September Agreement that Puntland and Jubaland allegedly breached despite the Federal Government of Somalia making concessions to abrogate the electoral law that could ensure one person, one vote elections in Somalia. The Forum created a new controversial title for the Chairman of the Upper House Abdi Hashi, who becomes the Chairman of Somaliland Political Council. The Forum accuses the Federal Government of Somalia of using security forces and the National Army against “demonstrators”. The accusation comes on the heels of a statement by the former Somalia President Hassan Sheikh Mohamud who said that “Union of Presidential Candidates will be in charge of security during demonstrations.” Former President Sharif Ahmed and Jubaland President were senior members of the Union of Islamic Courts. “The Somali National Salvation Forum supplanted the Union of Somali Presidential Candidates. It is not political realignment. It is an attempt by Somalia’s post-Islamists to return to power” said Abdi Sarey, a radio journalist and political commentator in Mogadishu. “The Forum questions the existing government institutions and subtly proposes parallel electoral processes. This does not bode well for the impending summit” he added. © Puntland Post, 2021 The post Jubaland and Puntland Presidents Form Political Alliance with Presidential Candidates appeared first on Puntland Post.
  22. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caaalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa galabta soo gabagabeysay dhagaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qareenadii iyo guddigii ka socday dowladda Soomaaliya maxkamadda u gudbiyeen codsi ka kooban seddax qodob. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey seddaxda qodob ee ku xusan codsiga gabagabada u ahaa doodii lagu difaacayey badda Soomaaliya ee maalmihii lasoo dhaafay maxkamadda ka socotay, kuwaas oo kala ah. 1 –In Maxkamaddu diido dalabaadka iyo codsiyadda Kenya ay gudbisay sanadkii 2018-kii, kuwaas oo ahaa in xadaynta badda saldhig looga dhigo parralelle of latitude oo ah sida ay Kenya xariiqdinta u jeexatay, lana aqbalo xadaynta Soomaaliya gudbisay. 2 –In Maxkamaddu xadayso dhul badeedka iyo soohdinta badwaynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto qalfoof badeedka 200 NM, loona xadeeyo si waafaqsan xeerarka badda iyo kuwa Caalamiga ah. 3 –In Maxkamaddu go’aamiso caddaysana in dhaqanka Kenya ee dhul-badeedka la isku haysto uu xad-gudub ku yahay waajibaadka Caalamiga ah ee dowlad ahaan saaran iyo in Kenya masuul ka tahay si waafaqsan xeerarka Caalamiga inay ka bixiso magdhow. Qodobkaan dowladda Soomaaliya waxay maxkamadda uga dalbatay in lagu soo wareejiyo dhammaan macluumaadka ay Kenya ka heyso badda ay muranka ka gelisay Soomaaliya, macluumaadkaas oo laga xusay sahminta ay Kenya ka samaysay goobaha ay Maxkamaddu ka xukunto ee hoos imaanaya dhul-badeedka madaxa-banaan ee Soomaaliya. “Dacwaddda badda Soomaaliya waxay u dirtay xukun, waxaana la filayaa in xukunka uu ku soo baxo bilooyin. Maadaama dooda iyo difaaca qareenadu ahaa mid aad u sareysa, rajadeenu aad ayay u fiicantahay guulna waan rajayneynaa,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka mid ah guddiga ay maxakamadda u dirtay dowladda Soomaaliya. Hoos ka Daawo
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1832021.mp3 View the full article