Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ‘Golaha Badbaado Qaran’ oo ah isbaheysi siyaasadeed oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta gobollada waqooyi. Gaba-gabadii kulankii maanta looga dhawaaqay dhismaha golahaas waxaa hadal ka jeediyey guddoomiye Cabdi Xaashi, isagoo sheegay in dhibaato badan oo ka dhalatay talo la’aan ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed halkaan dhigtay, welina ay heysato, balse maanta ay u istaageen inay ka samata-bixiyaan. “Baaqa galabta halkan kasoo baxay, waa baaq talo cad bixinaya, oo inta naga maqan aan qabo inay kusoo biiri doonaan, oo aysan diideyn in Soomaali heshiiso oo ay doortaan madax dalkooda u naxda,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo loo doortay guddoomiyaha golahan. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Waxaa inagu jira dad arkaaya dhibaatada na hortaalla, laakiin aan laga akhrisaneyn ama laga dhageysaneyn, marka waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, hadana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka.” Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in xilka loo igmaday ee hoggaaminta Golaha Badbaado Qaran uu aqbalay, balse uusan xil-doon aheyn ee uu midnimo doon yahay. Madasha Badbaado Qaran waxay golaha hogaaminta sare u dooratay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Hoos ka Daawo
  2. Somali security forces have managed to avert an attack in the capital, Mogadishu on Thursday evening. A witness said the police dismantled IEDs planted in the vicinity of KM4 junction which is a nerve road that links the airport to the presidential palace. No casualties reported as a result of the foiled blast, according to the police View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad ka jeediyey kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee lagu dhisay ‘Golaha Badbaado Qaran’ kaas oo ay ku midoobeen Madaxda Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu horeyn sheegay in sababta loo aas-aasay golahaan ay tahay badbadinta dalka, “Maanta waxaan taaganahay inaan la shirin, inaan wax la iska weydiin yaa talo ku leh dalka, waxa dhibkaan nasoo gaarsiiyey waa kalitalisnimo,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in golahaan aan loo sameyn in wax lagu boobo, balse ay ka shaqeynayaan in la isku yimaado oo laga wada tashado, sidii dalka looga samata bixin lahaa marxaladaan. Garabka dowladda federaalka ayuu ku eedeeyey inay si gooni ah wax ula cararayaan, sigoo tusaale u soo qaatay guddiyadii kala metelayey dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada taabacsan DF ee maanta ku shiray Hotel Decale. “Caawa habeenkii 11-aad ayaan Muqdisho joogaa, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyaa shiraya leh, xitaa su’aalo la iskama weydiin inaan joogo iyo inaan maqanahay, anaa isku jooga, anaa isku imid, hadana waxay naleeyihiin guddi wasiiro ah soo dira, taasi waa nasiib darro,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa beesha caalamka iyo cid kasta oo Soomaaliya caawineysa ka dalbaday in aysan garab siin qof doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo ‘Anaa iri’. Hoos ka Daawo
  4. Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi , Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Musharixiinta Madaxweynaha waxay Maanta ku dhawaaqeen Isbahaysi Siyaasadeed oo ay sheegeen in Dalka lagu badbaadinayo. Isbahaysigaab Cusub ayaa muujinaya in ay ay soo kordhin caqabado hor leh oo hor taagan Doorashada, Dadka ku xeeldheer Siyaasada Soomaaliya Khaasatan Xiliga kala guurka, Waxay ku macneeyeen in xiligaan lagu dhawaaqo Isbahaysigaan Cusub Dhowr Arimood in ay sababab u yihiin oo kala ah . In ay luntay Rajada laga qabo in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi inuu Dalka ka qabto uu Doorasho loo dhan yahay In Dalku uu ku socdo wado Qaldan oo horseedi karta Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni Beesha Caalamka oo la dareemay iney ka quusteen Madaxweyne Farmaajo sidaas awgeed loo aasaasay Isbahaysigaan si loo helo Awood kale oo ka Taliska aayaha Dalka, Awoodana iney Doorasho Dalka gaarsiiyaan. Sida muuqata Isbahaysigaan Cusub ma yimaadeen hadii rajo laga qabo Shirka loo balan San yahay, Waxaa halkaas ka cad in aad loo kala fogaadey, Khaasatan Kulamadii ugu Dambeeyay ee dhex maray Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga Musharixiint ayaa laguu soo waramayaa in rajo xumo weyn lagala kulmay. Macada Talaabada ugu horaysa ee uu qaadayo Isbahaysigaan , iyo qaabka ay u wajahayaan Shirka lagu balan sanyahay ee Afisyooni. Sawiro hoos ka daawo Puntlandi.com Muqdisho The post Isbahaysiga Cusub ee Lagu aasaasay Muqdisho Muxuu yahay ujeedkiisu appeared first on . Source
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta hadal ka jeediyay kulankii looga dhawaaqayay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ugu baaqay ciidamada qaranka Soomaaliya in aysan qeyb ka noqon khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxda. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamadu kamid yihiin hay’adaha joogtada ah ee qaranka, hadafka ugu weyn ee xiligan horyaalla uu yahay la dagaalanka ururada argagixisada iyo ilaalinta nabadgalyada iyo xisiloonida dadka Soomaaliyeed. Madaxweyanaha Puntland wuxuu tilmaamay in kala aragti duwanaanta siyaasiyiin ay leedahay hannaan loo xaliyo, ciidamadana looga baahan yahay sugida amniga guud iyo in aysan qeyb ka noqon khilaafka siyaasiga ah. Wuxuu ku baaqay in ciidamada qaranka ay u jihaystaan cadowga dalka, taas baddelkeedana aysan ku soo hoos noqon bulshadooda. Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha Puntland PUNTLAND POST The post Deni oo fariin u diray ciidamada qaranka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (HOL) -The opposition in Somalia Thursday announced a new alliance with two Federal Member State leaders who are fiercely opposed to President Mohamed Farmaajo in what is likely to open a new battle as prospects for a negotiated settlement for elections become more elusive. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee looga dhawaaqay isbaheysi cusub ee loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ ayaa waxaa khudbado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha ku bahoobay golahan, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey sababta loo aas-aasay golahaan cusub ee siyaasadeed. Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga. Waxuuna golahaan ka shaqeyn doonaa sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo dalka laga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho la boobay, sida ay ku sheegeen war-murtiyeed ka soo baxay galabta. Ugu horeyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in golahaan loo aas-aasay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho wadar-ogol ah. “Dimoquraadiyadda curdunka ah ee ka jirta Soomaaliya waxay u baahan tahay ilaalin, waxaan u istaagnay waajibka naga saran in dalka ay doorasho xor ah ka dhacdo, waxaan Ilaahey ka baryaa inuu nagu guuleeyo taas,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ififaalooyinka socda ee ku hareereysan doorashooyinka ma ahan kuwo muujinaya in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, taas ayaa keentay in la aas-aaso golahaan. Asbaabta loo doortay in 4-tii sanaba mar ay doorasho dhacdo, waa in uusan imaan isku dhajis kursiga ah oo sababa in dhiig daato ama dowladnimadu burburto.” Hoos ka Daawo
  8. Salaam Somali Bank (SSB) continues to provides free microfinance to small businesses in the country as part of a grant program aimed at improving the fledgling economy. On Thursday, the Bank’s branch in the KM5 in Mogadishu has provided free microfinance to the local traders, including women to help improve their small and evolving businesses. Speaking at the event, one of the beneficiaries of Salaam Somali bank’s free microfinance in the town has greatly thanked the Bank for the free microfinance support it provided him that makes sense. In its vital service, Salaam Somali Bank has gained praise for its commitment to improving Somali people’s lives through investment and a free microfinance fund created to assist local traders. The bank says the free microfinance to the local traders is part of its annual free microfinance fund to develop and improve small businesses in all regions of Somalia. In addition, the bank based in Mogadishu also supports entrepreneurs by providing early stage and growth financing with active support for special youth and women entrepreneurs. The fund aims to empower entrepreneurs with an inspiring vision to solve big problems and create commercial solutions in Somalia, a country that has been beset by decades of conflict and famine. View the full article
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-1832021.mp3 View the full article
  10. Dhegeysiga dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague. Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan Maarso, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah. Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah. Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah. Dacwaddani waxay billaabatay sanadkii 2014-ka, waxayna soo martay marxalado kala duwan. Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood. Soomaali aan badneyn laakiin oo qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya ka socotay. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa ergagda Soomaalida View the full article
  11. Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee arrimaha Doorashooyinka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in maanta uu furmay shirkii Guddida Farsamada ee arrimaha Doorashoyinka Qaranka. Wasiirku waxa xusay in xubnaha guddidu ka doodeen diyaarinta ajandayaasha shirka Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelanayaan dhowaan. “Shirkan guddida farsamadu wuu furmay, waanu sii soconayaa maalmaha soo socda, waxaan rajaynaynaa in dhowaan ay inoo qabsoonto doorasho hufan oo horumar inoo horseedda”. Ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. PRESS RELEASE Africa Oil & Power and AFROCOM in Partnership to Drive Russian Investment in Africa An official delegation from Russia will attend Africa Oil & Power’s events in 2021 CAPE TOWN, South Africa, March 18, 2021/ — Russia’s private investment promotion platform for Africa has chosen Africa Oil & Power (www.AfricaOilandPower.com) as a strategic partner to assist with African market entry for Russian firms; An official delegation from Russia will attend Africa Oil & Power’s events in 2021; “We have found in Africa Oil & Power the perfect ally to engage with the continent’s energy sector,” says chairman of AFROCOM. Africa Oil & Power (AOP) is honored to announce its partnership with AFROCOM – Coordination Committee for Economic Cooperation with Africa – the Russian private investment promotion platform in charge of driving greater Africa-Russia cooperation. AOP is the African continent’s leading investment platform for the energy sector, dedicated to bringing investment to all segments of the energy value chain in Africa. The partnership aims to expand the presence of Russian enterprises on the continent, facilitating collaboration with partners, vendors, clients and governments. “AFROCOM has a renewed mandate to promote Russian-African economic cooperation and partnership and we have found in Africa Oil & Power the perfect ally to engage with the continent’s energy sector, which is in itself a fundamental part of Africa’s road to prosperity,” stated Igor Morozov, AFROCOM Chairman and Senator of the Russian Federation. This is Africa Oil & Power’s first partnership with Russia and it is central to the company’s strategy to partner with government, associations and media – in Africa and beyond – to tell the story of the African energy industry to a global audience. “I’m delighted to announce this agreement to support AFROCOM. The energy market landscape in Africa offers huge opportunities for investment and the sector in Sub-Saharan Africa is set to rebound rapidly. Together we will be able to encourage the activity of Russian entrepreneurs, adding value to the upstream, midstream and the entire value chain throughout Africa,” stated Renée Montez-Avinir, Managing Director of AOP. A delegation of Russian investors from AFROCOM will attend AOP’s 2021 events, starting with the South Sudan Oil & Power 2021 event that will take place on June 29-30 in Juba. In South Sudan, Senegal, South Africa, Angola, Equatorial Guinea, Nigeria, Mozambique, DRC and other markets throughout Africa, AOP and AFROCOM will work hand in hand to facilitate growth and investment in African energy. Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil & Power Conference. View multimedia content SOURCE Africa Oil & Power Conference Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, oo lagu magacaabo ‘Golaha Badbaado Qaran’, kaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka. Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo isagu metalaya siyaasiyiinta Waqooyiga. Golaha Bad-baadada Qaran ayaa waxa uu ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana dalka looga bad-baadin lahaa doorasho boob ku dhisan, sida ay sheegen. Waxaa hogaaminaya golahan oo guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna xubnaha ku midoobay golahaan si weyn uga soo horjeedaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu sii joogo tallada dalka. Golahaan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa waxa uu noqonayaa Golihii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga sameeyo Soomaaliya tan iyo intii ay ka baxday kumeel-gaarka. Arrintaan ayaa imaneysa, ayada oo beesha caalamka ay dadaal ugu jirtay in miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada isku haya doorashada, waxayna muujineysa tallaabadan maanta inaysan xiligan suurta-gal aheyn in la gaaro heshiis wada-ogol ah.
  14. Hoteel ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa haatan looga dhawaaqay madal siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin isbaheysi ka kooban Puntland, Jubaland, midowga murashixiinta mucaaradsan Villa Somalia iyo sidoo kale midowga siyaasiyiinta waqooyi ee ku sugan Muqdisho. Isbaheysigan cusub oo la baxay Madasha Badbaado Qaran, waxa ku midaysan siyaasiyiin mucaarad ah oo miisaan culus, kuwaas oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Madasha ayaa Guddoomiye u doortay Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaas oo si adag u mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya. As’aaska Golahan ayaa ku soo beegmay, xilli aan weli laga heshiin muranka siyaasadeed ee ka aloosan Arrimaha Doorashooyinka dalka, islamarkaana la filayo in dhowaan uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta muranka Doorashada. PUNTLAND POST The post Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo looga dhawaaqay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay magaalada Muqdisho safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Dr Aadan Xasan Aadan. Qoor Qoor iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Galmudug. sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaallada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  16. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha, si Wasaaradda Maaliyadda ay awood ugu yeelato ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19. “Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 aan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan”. Ayuu yiri Wasiir Beyle. Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada wax ku ool ka ah ee fududeynaya ka jawaabidda marxaladaha COVID-19. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  17. Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa maanta si rasmiya u daah-furtay mashruuc ku saabsan dhiraynta iyo cagaarinta magaalada. Barnaamijkan oo la baxay cagaarinta caasimadda, waxa iska kaashanaya dowladda hoose iyo shacabka Garoowe, waxaana daah-furay duqa degmada Axmed Siciid Muuse oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale. Xubno ka tirsan ururka dhalinyarada Gobolka Nugaal,oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta barnaamijkan ayaa sidoo kale goob-joog ahaa munaasabadda. Mashruuca oo ku jihaysan hagaajinta bilicda caasimadda, ayaa la doonayaa in laga fuliyo dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Caasimadda Garoowe oo laga daah-furay mashruuc dhirayn ah appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxuu uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, qeybtaan waxaan idin kugu soo gudbineynaa jawaabaha uu baxiyey su’aalo laga weydiiyey, sida uu u arko waxii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo, xilligaas oo DF ay awood ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo mucaaradku soo abaabulay, hadii ay jirto cabsi uu ka qabo in loo eryo sidii wakiilkii isaga ka horeeyey ee QM Nicholas Haysom, hadii uu faro-geliyo arrimaha qaar iyo qodobo kale. Waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kale ee caalamka ay aad uga walaaceen wixii dhacay 19-kii Febraayo, balse kadib la qaaday tallaabooyin wanaagsan markii ay kulmeen ra’iisul wasaare Rooble iyo xubnaha midowga musharaxiinta. Sidoo kale rabshadihii kadib, wadahadallada dhacay waxa uu sheegay inay qeyb ka ahaayeen shakhsiyaad kale oo muhiim ah, sida Duqa Muqdisho, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha HirShabeelle, “Taas miradhalkeedu waxa uu noqday in heshiis laga gaaray qaban-qaabada isku soo baxyo nabadeed oo mustaqbalka dhaca.” Mar wax laga weydiiyey hadii shaqadiisa QM ee Soomaaliya ay xadideyso cabsi la xariirta tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku ceyrisay wakiilkii isaga ka horeeyey oo isku deyey inuu ka hadlo xadgudubyo ka dhacay dowladda ayuu ku jawaabay. “Marka ay jiraan xadgudubyo ah dhinaca xuquuqda aadanaha ama arrimo ku xeeran xuquuqaha siyaasadeed ee xorriyadda warbaahinta, waxaan sii wadi doonaa inaan diiwaan gelino oo aan gudbino, isla markaana ku soo hadal qaadno mas’uuliyiinta ay khuseyso oo aan si shaacsan uga hadalno, runtii marar badana waanu sameynay,” ayuu yiri James Swan. Waxa uu sheegay in hadda oo la gelayo xilli doorasho oo xasaasi ah, isla markana ay muhiim tahay in la dhowro xorriyadda hadalka, tan warbaahinta, xorriyadda isku imaatinka iyo abaabulkooda, taasna ay si gaar ah isha ugu heyn doonaan. Sidoo kale James Swan waxaa la weydiiyey waxa ay dadka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan, sida wakiilladii QM ee isaga ka horeeyey, kuwaas oo xilliyo adag gacan ka soo geystay isku dubbaridka dowladnimada Soomaaliya. “Anigu si gaar ah uma daneynayo in wax gaar ah oo la igu soo xasuusto aan ka tago, balse waxaan daneynayaa in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay ka tagaan dhaxal nabadeed iyo mid dimoquraadiyadeed, taas oo xasilooni u ogolaaneysa dalkaan iyo inuu horumar gaaro, taas ayaan xoogga saarayaa, waa hoggaamiyaasha Soomaalida kuwa laga doonayo inay taariikhdu xusto oo 30 sano kadib la weydiinayo ‘maxaad Soomaaliya ku soo kordhisay xilligii adkaa ee 2021?” ayuu yiri James Swan. Hoos ka dhageyso wareysiga qeybtiisan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/cod2.mp3
  19. Salaam Somali Bank, which is a leading privately-owned bank in Somalia is brilliantly contributing to the country’s economic growth by providing free microfinance funds to develop small businesses. On Thursday, 18th March 2021, the Bank’s branch in Galkayo, the regional capital of Mudug in central Somalia provided funds to the local traders, who thanked them for timely and much-needed support that will help grow their commerce. The beneficiaries of the free microfinance program express gratitude to Salaam Somali Bank’s management and staff, saying it’s an Exemplary step to follow by other financial banks in the country. “We’re very happy with the investment opportunity provided by the Salaam Somali bank,” said one of the small business owners in the town who have today benefited from the free microfinance fund. The free microfinance is part of Salaam Somali Bank’s annual program aimed at improving the small businesses in all regions across Somalia to play a vital share in boosting the economy and alleviating poverty. Qardul Hassan is a program designed to be rolled out in all regional and urban banking centers in the country and is destined to raise and motivate growing businesses. The bank has already provided such free microfinance to the local merchants at its main headquarters, including Mogadishu, the Somali capital, and assured to carry out the program in the remaining areas. The main purpose of the bank is to increase the productivity of evolving businesses and encourage entrepreneurs in a bid to empower small traders in Somalia, one world’s highest unemployment rates. View the full article
  20. Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank. Barnaamijka Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla. Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Salaam Somali Bank ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ganacsatada lagu wareejiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda. Ganacsatada ka faa’ideystay maaligalinta Qardu Xasan, oo rag iyo dumar isugu jira ayaa uga mahadceliyay Salaam Somali Bank taageerada joogtada ah ay marwalba la garab taagan yihiin ganacsatada yar yar ee dalka. Sida uu sheegay maamulka Bangiga, Barnamijka Qardu Xasanka waa mid loo sameeyay in lagu dhiira-geliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda. Maal-gelintan ayaa la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho. View the full article
  21. MOGADISHU (HOL)- Jubbaland and Puntland skipped the second round of technical committee meeting convened by the Federal Government Thursday noting they were not a party to the talks. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu dhowaan ugu jawaabay Wasiirka Gargaarka, Khadiijo Maxamed Diiriye, mar ay booqatay qabrigii Maxamed Siyaad Barre. “Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin,” ayuu yiri dhawaan kadib markii uu faallo ka bixiyay Wasiir Khadiija oo booqatay qabrigii Siyaad Barre. Cabdiraxmaan ayaa ugu horreeyntii sheegay in ujeedkiisu uusan ahayn in uu diido u ducayn qof dhintay, booqasho qabri ama uu beel Soomaliyeed wax u dhimo, balse uu uga dan lahaa ifinta wax uu ku sheegay ‘in aan xukun lagu raadin raali-gelinta madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday. “Waxaan ka raalli gelinayaa intii u fahamtay in aan duco iyo siyaaro u diidanahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre ama u qaadatay inaan Khadiijo ama qabiil gooni ah duullaan ku ahay”. Sidoo kale waxa uu ka cudur daartay in ula jeedka uu uga falceliyay arrintaas aysan aheyn in uu dhaleeceeyo Wasiir Khadiijo oo uu sheegay inay Reer Buulo Burte isla ahaan jireen. “Maaddaama ay adag tahay in aragti midaysan laga yeesho shakhsiyaadka iyo sooyaalka taariikhdooda togan ama taban, oo mid ay dad badani danbiile u haystaan ay dhici karto in uu qola kale geesi agtooda ka yahay, waxaan go’aansaday inaan ka gaabsado qiimaynta shakhsiyaadka lagu kala qaybsan yahay, ilaa laga fursan waayo maahee, oo markaana aan si taxaddar leh uga hadlo anigoo xeerinaya dareenkaas kala duwan ee bulshada,” ayuu ku yiri qoraal dheer oo uu raali-gelin uga bixiyay arrintaan. Arrintaan ayaa maalmihii u dambeysay aad looga hadlayey baraha bulshada, ayada oo bulshaduna qaabab kala duwan uga hadleen, midaasi oo la fahamsan yahay inay keentay raali-galinta uu maanta ka bixiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
  23. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maanta magalada Badhan ee gobolka Sanaag tababar ugu soo xiray dufcadii 2aad ee ciidamada daraawiishta oo ka baxay dugsiga General Giriin ee degmadaas. Munaasabada tababarka ciidamada loogu soo xirayay waxaay ka qeybgalay guddoomiyaha gudiga dib u habeynta ciidamada ahna wasiirka Maalyadda Xasan Shire Abgaal, wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, taliyaha ciidamadda daraawishta Gen. Yaasiin Cumar Dheer, xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, maamulka gobolka Sanaag, kan dagmada iyo sarakiil kale. Mas’uuliyiinta ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda tababarka loo soo xiray, kadibna ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay casharadii la baray. Maamulka dugsiga ayaa ka warbixiyay marxaladii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidamaddu. Guddooyimaha Guddiga dib u habeeynta ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliayadda Xasan Abgaal oo ka hadlay munasabadii xiritaanka tababarka ayaa maamulka dugsiga ku amaanay qaabka wanaagsan ee ciidamadda ay u carbiyeen. Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in ciidamadda mushaaraadkooda la gaarsiiyay heerkii uga saaray. Wasiirka amniga Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar dheer ayaa aaraakiisha iyo macalimiinta ku bogaadiyey shaqada ay qabteen. PUNTALAND POST The post Puntland oo ciidamo tababar ugu soo xirtay Badhan, Sanaag appeared first on Puntland Post.