Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in dhirkii beri lagu balansanaa uu u muuqdo inuu dib u dhacayo kadib markii Dowlada Federaalku ay Ciidamo soo dhiibtay goob ku dhow meesha Shirku ka furmaya. Masuuliyiinta ka qaybgalaya Shirka ayaa dalbadey in Ciidamada laga qaado Goobaha lasoo dhoobay ka hor intaan Shirku furmin. Waxaa hada Muqdisho kasocda Dadaalo ay wadaan. Xubno ka tirsan Beesha Caalamka kuwasoo Villa Soomaaliya ku cadaadinaysa in Ciidamada ay kasaaraan goobahaas, maadaama Amaanka Dhirka ay damaana qaadeen Amisom. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News— Shirkii beri oo u muuqda inuu baaqanayo appeared first on . Source
  2. Mogadishu – March 21st 2021; The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, met, today, with the former Presidents Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud, President Ahmed Mohamed Islam (Madobe) of Jubaland, President Ali Abdullahi Hussein (Guudlawe) of Hirshabelle, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and the Leader of Wadajir Party Abdirahman Abdishakur Warsame. Ambassador Madeira also had a phone conversation with President Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen) of South West state. With all these leaders, he discussed issues related to the overall security of the AMISOM Base Camp and the security of participants to the planned meeting of key Somali leaders. Ambassador Madeira says the technical and security aspects for the meeting which will take place inside the Aden Abdulle International Airport (AAIA) complex have been completed. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) will guarantee security before, during and after the meeting. “I wish to assure all Somali leaders, the public and other stakeholders that AMISOM, in coordination with its partners, has put in place the necessary measures to ensure that the meeting takes place in a conducive, secure and peaceful environment in which all parties feel comfortable to participate.” Ambassador Madeira said. “I sincerely applaud Somali leaders for converging in Mogadishu and agreeing to hold this important meeting to resolve outstanding issues so that elections can take place”, Ambassador Madeira added. Source: AMISOM The post AU Special Representative assures of security during Somali leaders’ meeting on elections appeared first on Puntland Post.
  3. Qoraal ay Wadajir usoo saareen Saaxibada daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey Imaatinka wafuudu lagu casumay Shirka Beri ka furmaya Xayndaabka Haroonka Foyaatadaha Muqdisho. Beesha Caalamkunwaxay kasoo qaybgalayaasha Shirka ugu baaqeen in la dhamaystiro Heshiiskii 17 Sebtembar iyo kii 16 Febaraayo ee Baydhabo. Qoraalka Beesha Caalamka ayaa ku bilaabanayaa sidaan . Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaasoo lagu qaban doono aaga la ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo bilaaban doono 22 Marso 2021. Waxaan ku boorineynaa inay shirkaan muujiyaan hogaamin iyagoo cuskanaya soo jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16 Febraayo 2021 si loo hirgaliyo Heshiiskii qaab Doorasheedka ee 17ka Sebtember 2020 si looga gudbo in doorashooyinka ay dib u dhacaan. Qoraalka Beesha Caalamka waxaa lagu muujiyay oo hoosta looga xariiqay inaan la aqbalayn Gooni isu taagnimo iyo isbarbaryaac Soyaasadeed iyo Qorshe hal Qof wato. Dhirkaan waxaa laba todobaad ka hor iclaamiyay Beesha Caalamka kuwasoo isu keenay Masuuliyiintii kasoo qaybgali lahayd. Dhinaca kalena Dowlada Maraykanka ayaa Maamul Goboleedyada ugu baaqdey inaysan Muqdisho ka tagin iyadoon go’aan lawada gaarin, waakan Qoraalkii Safiirka Maraykanka Dadka Soomaaliya waxay hada rabaan doorasho, Said Abdullaahi Deni, Madaxweyne Axmed Madobe, Madaxweyne Qoorqoor, Madaxweyne Ali Guudlaawe iyo Madaxweyne Laftagareen waa inay joogaa Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Guul darradana lama aqbalayo. Shirka Madaxda Soomaaliya uga furmaya beri oo isniin ah uga furmaya Afisyooni ayaa ah mid ka duwan Kuwii hore, Shirkaan wuxuu uga duwan yahay Kuwii hore, Waxaa soo qabqaabiyay oo Casumaada bixiyay Beesha Caalamka, iyagaa ilaalinaya, iyagaa Kharashka bixiyay iyagaa damaana qaaday fulinta waxyaabaha kasoo baxa oo lagu heshiiyo, mana aqbalayaan in intii lawada hadlo hadana laka dareero sidii Shirarkii Fashilmay ee Dhuusamareeb. Puntlandi.com Muqdisho The post Beesha Caalamka oo ku baaqdey in Shirka beri furmaya uu miro dhal noqdo iyo Maraykanka oo isna… appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdillahi Deni ayaa maanta ka hadlay shirka lagu wado inuu ka furmo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni iyo khilaafka doorashooyinka oo xiligan maraya meel xasaasiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ciidamo lagu hareeyey. Saciid Deni oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in uusan ka war hayn shirka ay beesha caalamku sheegtay inuu bilaabanayo maalinta berri ah, islamarkaana aysan jirin cid kala hadashay arrinta shirkaas, sida uu sheegay. “Waxaan halkaan nimid kadib markii aan marti-qaad ka helnay beesha caalamka, gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka, waxaan mudadii aan joognay wada-hadal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta,” ayuu yiri. Deni ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in marka hore xal laga gaaro arrinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalan madaxda u sareysa ee dowladda federaalka ee waqtigooda dhamaaday, ka hor inta aan la aadin heshiis doorasho. Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xili ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido. “Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yiri. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Muddadii aan joognay (magaalada Muqdisho) dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin, waxayna u muujineysa inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.” Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya xili ay maanta beesha caalamka shaacisay in maalinta berri ah uu furmayo shirka doorashada ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, ayada oo sidoo kalena uu Mareykanka ku amray madaxda dowlad goboleedyada inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa heshiis laga gaarayo doorashada.
  5. Saafaradda mareykanka ee Soomaaliya ayaa Madaxda Maamul gobaleedyada dalka ku amray in ay Muqdisho ku nagaadaan inta laga heshiinayo. Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Dadka Soomaaliyeed waxay doonayaan in doorasho dhacdo hadda. Deni Madoobe Qoorqoor Guudlaawe Laftagareen Waa inaad Muqdisho joogtaan illaa heshiis doorasho la gaaro. Fashilku ma aha jid kale oo furan.” Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xalay lagu soo weeraray hoygiisa islamarkaana uusan ka qayb-geli doonin Shirka la qorsheeyay in uu berri ka furmo xarunta AFISYONI ee Muqdisho. “Shirka berri furmayo ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto” ayuu yiri Siciid Deni. Madaxweyne Deni oo wareysi gaar ah Galabta siiyay BBC-da ayaa sheegay in xalay dowladda Federaalku ay dhinac kasta ciidan ka dhigtay xaruntii Beesha Caalamku ay ku marti-qaaday oo la doonayay in Shirka Muqdisho ka furmo. “Maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.” PUNTLAND POST The post Deni: Xalay ayaa nala soo weeraray shirna ka qayb-geli mayno appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goordhoweyd war adag kasoo saartay shirka looga arrinsanayo doorashada ee la filayo inuu ka qabsoomo aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed rabaan doorasho, islamarkaana ay tahay inay madaxda maamulada ay joogan magaalada Muqdisho ilaa inta heshiis laga gaarayo hanaanka doorashada. “Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Kaariye Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa inay joogaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Fashilku ma ahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda. Amarkaan oo u muuqda mid looga digayo in madaxda ku sugan magaalada Muqdisho ay ka baxaan ka hor inta aan heshiis laga gaarin doorashada, si gaar ahna madax goboleedyada taabacsan Farmaajo, ayaa sii kordhinaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saareyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada inay heshiis ka gaaran doorashada. Qoraalka Safaarada oo ah amar culus oo ku socda madaxda dowlad goboleedyada ayaa waxa uu meesha ka saaray in kulanka Muqdisho uu fashilmay, sida kuwii hore, islamarkaana ay dhinacyadu ka shaqeeyan sidii ay heshiis u wada gaari lahaayeen. Qoraalka Safaaradda ayaa imanaya xili ay maanta Saaxiibada beesha caalamka qoraal kasoo saareen heshiiska doorashada, iyagoona ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. “Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wada-jirka ah usoo saareen beesha caalamka. Beesha caalamka ayaa ku dadaaleysa in shirka Muqdisho ee ka furmay gudaha Xalane uu fashilmo, sida kuwii ka horeeyay ay ugu kala kaceen madaxda isku haya doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.
  8. Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa ku amray madaxda dowlad goboleedyada dalka in aysan ka bixi Karin Muqdisho, inta laga heshiinayo arrimaha doorashooyinka. Qoraal kooban safiirku soo dhigay barta Twitter-ka, ayuu ku xoojiyay go’aankii Beesha Caalamka ee arrimaha doorashooyinka, waxaana uu xusay in madaxdu aysan haysan ikhtiyaar aan ahayn in doorashada laga heshiiyo oo keliya. Warar qaar ayaa sheegayay in mid ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xiriirka la leh Villa Somalia uu doonayay inuu dib ugu laabto deegaankiisa, waxaana farriinta Safiirka Mareykanka digniin u aheyd in Muqdisho laga tago iyadoo aan la shirin. Shirka arrimaha doorashada ayaa sida qorshaysan la filayaa in uu maalinta berry ah ka furmo xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ilaalo ka yihiin ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post Yamamoto: Cidna Muqdisho kama bixi karto inta heshiis laga gaarayo doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  9. Sharma’arke Cabdinuur Weheliye oo ahaa Cameraman ka tirsan warbaahinta Goobjoog ayaa ayaa waxaa xalay fiidkii dhaawac u geystay askar ku sugneyd isgoyska Siinaay ee waqooyiga Muqdisho. Sharma’rke oo xabad ka dhex martay caloosha qeybta micnicirka iyo gacan ayaa lagu daaweynayaa mid ka mid isbitaallada Muqdisho, waxaa uuna maray qaliiin halka askartii geysatay ay baxsadeen. Hanad Cali Guuleed oo ah Tifaftiraha Goobjoog TV ayaa sheegay in Sharma’arke ay caloosha uga dhacday xabaddda isaga intaa raciyey “Weriyaha isaga oo shaqada ka baxay, oo gurigiisa u socda ayaa xabadda lagu dhuftay, waxaa uu marayey Isgoyska Siinaay ,waxaa ku dhufatay askar ka tirsan kuwa Dowladda federaalka ah”. Deeqa Cabdinuur oo ah sharma’arke walaashii ah oo ka war bixisay xaaladdiisa ayaa waxaa ay leedahay “ Waxaan ka walaacsanahay xaaladda walaalkey, waxaa uu ku dhaawacmay rasaas ay fureeen askarta dowladda, raggii dhibka geystay lama haayo weli, waxaan dalbaneynaa inaan helno cadaalad”. Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in Goobjoog ay ka xun tahay dhaawaca soo gaaray weriyaheeda, isaga oo u rajeeyey inuu degdeg u bogsoodo, waxaa uuna balanqaaday iney ku dadaali doonaan sidii uu Sharma’arke ku heli lahaa cadaaladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay arrin saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayey, midaasi oo la xiriirtay in garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade la geeyay ciidamo hor leh. Xijaar ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo hor leh oo lagu daabulay garoonka Aadan Cadde, kadib markii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu saldhigga garoonka hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan. “Waxaan xaqiijinayaa in hoggaanka ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan wax ciidamo cusub ama dheeraad ah ku daabulin garoonka Aadan Cadde,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliya Xijaar. “Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwa AMISOM iyo kuwa kale ee amniga kala shaqeeya aaga loo qoondeeyay inay ku shaqeeyaan ayaa howlahooda shaqo ee maalinlaha ah qabanaya.” Hadalkaan ayaa imanaya xili uu shalay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur walaac ka muujiyey in Taliska Booliska uu saldhiga garoonka ku wareejiyo gobolka Benaadir, asagoo farta ku fiiqay in ciidamo hor leh lagu daabuli doono, gaar ahaan Haramacad oo katirsan booliska dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shalay saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan. Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi. Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayada oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo shir looga hadlayo doorashada.
  11. International partners* welcome the arrival of participants for the summit of the Federal Government of Somalia and Federal Member State leaders, to be held in the protected area of Mogadishu’s Aden Adde International Airport, and announced to begin on 22 March 2021. We urge them to convene quickly and to show leadership by building on the Baidoa Technical Committee proposals of 16 February 2021 to implement the 17 September 2020 electoral model and proceed to elections without delay. “We also encourage consultation with other stakeholders such as political actors, civil society organizations, and key legislators to listen to their views and ensure broad support for the electoral process,” reads the statement. They said they see no viable alternative to the implementation of the 17 September electoral model on a rapid timeline to conduct peaceful, inclusive, free, fair, and credible elections. International partners will not support a partial or parallel electoral process or any initiatives leading to an extension of prior mandates. The partners appeal to Somalia’s leaders to seize this opportunity for a peaceful political settlement leading to elections and to make the necessary compromises in the interest of the Somali nation and its people. International partners continue their efforts to bring the Somali stakeholders together. We reiterate our commitment to support the implementation of the electoral process once details are agreed. View the full article
  12. Xubnabaha beesha caalamka oo si wadajir u soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa ay uga hadleen shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu beri ka dhaco Teendhada Afisyooni. Qoraalkan ayaa waxaa baaq loogu diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyada oo laga dalbaday inay ka dhabeeyaan dadaallada socda. Halkan hoose ka aqriso: Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkan ayaa waxa soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. View the full article
  13. Madaxweynaha Hirshabeele, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii is maandhaafka jira loo soo afmeeri lahaa. Labada mas’uul oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda doorasho lagu wada qanacsan yahay oo dalka ka dhacda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  14. Saaxiibada Caalamka ayaa soo dhoweeyay Shirka Arrimaha Doorashada ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaas oo sida qorshaysan berri ka furmi doona xarunta AFISYONI ee magaalada Muqdisho. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Beesha Caalamka Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021. Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray. Waxaan ka codsanaynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba. Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa. * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka war ka soo saartay Shirka Arrimaha Doorashada ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka dhacayo aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021.” Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxay sidoo kale dhiiri-gelisay la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. “Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Waxay kale oo ay ka codsadeen madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba. “Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2132021.mp3 View the full article
  17. Shirkada AstraZeneca oo diiday go’aan kasoo baxay Golaha Culimada Indonesia Shirkadda AstraZeneca ayaa maanta sheegtay in tallaalkeeda COVID-19 aysan ku jirin wax walxo ah oo ka yimid doofaarka, ayada oo ku gacan seertay go’aan kasoo baxay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ee Indonesia oo lagu sheegay in tallaalka uu ka hor-imanayo shareecada Islaamka. Golaha ugu sarreeya culimada Indonesia ee Indonesia Ulema Council ayaa Jimcihii website-kooda ku sheegay in tallaalka uu yahay “xaaraam” sababtoo ah waxaa ku jira “walxo ka yimid dheecaanka dheefshiidka doofaarka.” Si kastaba, golaha ayaa islamarkaana ansixiyey isticmaalka tallaalka sababtoo ah xaaladda deg deg ah ee ka dhalatay cudurka COVID-19. Hase yeeshee, afhayeenka AstraZeneca ee Indonesia Rizman Abudaeri ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “dhammaan heerarkii soo saarista tallaalka looma isticmaalin, wax xiriir ahna lama sameyn walxo ka yimid doofaar ama xoolo kale.” Mas’uuliyiinta Indoneisa ayaa Jimcihii ansixiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca kadib markii ay eegeen warbixino ka yimdi Yurub oo ku saabsan in qaar ka mid ah dadkii qaatay uu dhiigga xinjir noqday. Indonesia ayaa ka mid ah meelaha ugu darran qaaradda Asia ee uu cudurka ku faafay, waxaana laga diiwaan-geliyey 1,455,788, halka ay u dhinteen 39,447. Qaran News
  18. MOGADISHU, Somalia – Unknown gunmen have shot and killed a local government soldier earlier on Sunday in the capital, Mogadishu, a witness said. The victim, whose name has not been released, was gunned down by men armed with pistols at Suq Bocle area in Dharkenley district while collecting taxes from business shops, a witness told Shabelle Media. He says the killers escaped from the crime scene. Somali security forces arrived at the area and started an operation. He says no one was arrested in the operation. No group has claimed responsibility for Sunday’s assassination. But such attacks are often carried out by an al Qaeda linked group al Shabaab. The tax collection is one of the riskier jobs in Mogadishu. In Mogadishu, dozens of soldiers in charge of tax collections were targeted and killed, with Al Shabab group claimed the responsibility for their assassinations. View the full article
  19. Somalia’s south west state president Abdiaziz Hassan Mohamed has on Sunday arrived in Mogadishu after departing from Turkey. Mohamed and his delegation received a warm welcome upon arrive at the airport in Mogadishu. He is expected to attend a two-day meeting to finalize the 17 Sep election deal reached in the capital, Mogadishu. The election talks hosting by Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed is scheduled to take place on Monday to end electoral impasse. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa fal toogasho ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqidisho. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado uu ka dhacay gudaha Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo daqiiqado kadib meydka kasoo qaaday halkaasi, kadiba sameeyey baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan dhacdadaasi. Si kastaba dilkan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.