-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne isu bedelay Hogaamiye Jabhad hubaysan+Sababta François Bozizé Jabhadaha doonaya inay la wareegaan xukunka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa u sheegay wakaalad warar oo laga leeyahay Faransiiska, in hogaamiyahooda uu yahay madaxweynihii hore, François Bozizé. Hogaamiyahan ayaa horay u beeniyay inuu ka dambeeyay kacdoonka bilowday dhammaadka sanadkii hore ee ay jabhadaha isbahaystay ku doonayaan inay xukunka uga tuuraan madaxweyne Faustin Archange Touadéra. Sanad ka hor markii uu Bozizé si qarsoodi ah ugu soo laabtay dalkiisa, ayaa dad badan waxa ay saadaaliyeen inuu dhibaato ka shaqeynayo. Bozize ayaa kamid ah dadka loo haysto dembiyada dagaal ee ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobay isagoo lagu eedeeyay inuu taageeray maleeshiyaad ka qeyb qaatay dagaalkii sokeeye. Sababta aan illaa hadda loo qaban ayay dadka qaar ku sheegeen inay tahay in xukuumadda Bangui ay gacanta ku hayso keliya boqolkiiba 30 waddankaas, iyo in madaxweynaha hore uu taageero ku dhex leeyahay ciidamada. Xiisadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe Dowladda Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa dhammaadkii January ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli ciidamadeed iyo kuwa Qaramada Midoobay ay la dagaallamayeen jabhado ku soo siqaya caasimadda Bangui, isla markaana doonaya inay la wareegaan awoodda dalkaas. Xooggaga dowladda la dagaallamaya oo hadda gacanta ku haya saddex meelood oo meel dalkaas ayaa hareereeyay caasimadda Bangui. Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa ka digay in dalkaas uu “wajahayo xaalad khatar ah.” Jabhadaha ayaa diiddan natiijada doorashadii dhacday bishii Decembar oo uu mar labaad ku guulaystay Madaxweyne Faustin Archange Touadéra. Dowladda dalkaas ayaa ku eedaysay Madaxweynihii hore François Bozizé, oo laga horjoogsaday inuu u tartamo doorashadii 27-kii Disembar, inuu ka dambeeyo rabshadaha sii xoogeysanaya. “Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan aan la cafin karin ee ka dhanka ah shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe,” ayuu yiri Madaxweyne Touadéra oo dhanka kale ku baaqay dib u heshiisiin qaran. François Bozizé oo xukunka waddankaas qabtay 2003 afgembina looga tuuray 2013 ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Madaxweyne Touadéra ayaa ku guulaystay doorashada muranka dhalisay. Baaq ah kordhinta ciidamada nabad ilaalinta Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mankeur Ndiaye, ayaa sheegay in dalkaas uu khatar ugu jiro luminta guulihii laga gaaray xasilloonida. Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana loo oggolaado inay ka falceliyaan xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa. Inkastoo aanu ergayga shaacin cududa ciidan ee loo baahan yahay, ayaa haddana wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay hawlgalka Minusca in dalkaas u baahan yahay 3,000 oo askari oo dheeraad ah, diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca iyo xitaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran. , Ndiaye ayaa sheegay in tiro badan oo ciidanka dowladda ah ay faarujiyeen furimaha dagaalka, tababar xumo iyo qalab yari awgood. In ka badan 12,000 oo nabad ilaaliyayaal ah ayaa hadda ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Ka hor doorashadii Disembar, Rwanda iyo Ruushka ayaa waddankaas u diray ciidamo dheeraad ah si ay u caawiyaan dowladda. Faransiiska ayaa sidoo kale diray taakulo ciidan oo uu ku taageeray xukuumadda Madaxweyne Touadéra. Qaran News
-
Laamaha Amniga Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay saddex doonyood oo laga leeyahay waddanka, Yemen kuwaas oo kallluumeysi sharci-darro ah waday xeebaha Gobolkaas. Saraakiisha Amniga Gardafuu, ayaa laga soo xigtay in saddexda doonyood aysan xukuumadda Puntland ka haysan rukhsad kalluumeysi, sidaas darteedna ay sharci-darro ku jillaabanayeen. Doonyahan jariifka ah waxa saaran 45 shaqaale ah, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada. Dowladdu waxay sheegtay in doonyaha iyo shaqaaalaha saaran loo gudbin doono magaalada Boosaaso, kadibna sharciga lagu qaadi doono. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay doonyo jariif ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, ayada oo xiriir la sameysay qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada una damaanad qaaday amniga Teendhada Afisyooni oo maanta la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada. Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka. Madeira ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka. “Waxaan jeclaan lahaa inaan u xaqiijiyo dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo qeybaha kale ee saamileyda in Amisom oo kaashaneysa saaxiibadeeda ay diyaarisay tallaaboyinka lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya in kulanka uu ku dhaco deegaan nabdoon oo la la sugay oo dhammaan dhinacyada ay ku dareemi karaan deganaan ay uga qeyb-galaan,” ayuu yiri Madeira. Tallaabada caadiga ah ee uu qaaday Madeira ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu ciidamo badan geeyo garoonka, taasi oo walaac ay ka muujiyeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay wareysi siiyey BBC ayaa yiri ““Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday.”
-
Wasiir Dhabancad Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya u qaaddacday shirka arrimaha doorashada, oo sida qorshaysan maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka. “Ma jiro shir Dowladda Puntland og tahay ama ka qaybgalayso oo barri ka dhacaya Mogadishu.” Ayuu yiri wasiirka Mr Dhabancad, wuxu tilmaamay in la soo qortay ajande aan heshiis lagu ahayn, taasina ay keeni doonto fashil ku yimaada qabsoomidda Shirka. “In shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto waxay horseedi kartaa fashil ku yimaada qabsoomidda shirkii la rajaynayey inuu Xamar ka qabsoomo.” Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda Puntland ay rajaynayso in dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan qabsoomidda doorasho wadar-ogol ah oo si nabdoon ku dhacda. PUNTLAND POST The post Puntland oo si rasmiya u qaaddacday shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 20-kii sano ee ugu dambeysay siyaadda Soomaaliya waxey aheyd xarig isku dhiib, waxaana ka soo hana qaadayay Dimuqraadiyad curdan ah. Xukunka ayaa waxaa isu dhiibay oo si nabad ah u kala wareegay afar Madaxweyne oo mid kasta ilaaliyay dhaqanka xarig isku dhiibka iyo ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah. Mudadaas oo ay Soomaaliya ku jirtay daganaanta siyaasadeed iyo doorashooyinka sida nabadgalyada ah ku dhaca, waxaa dalka ku soo dhiiraday wadamo badan oo dunida ah, kuwaas oo safaarado ka furtay Muqdisho, qaar kale ayaa dalka ka sameeyay maalin gelin sida Turkiga. Wadooyin, suuqyo, bankiyo, iyo hormar weyn ayey sameysay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dalka. 20 sano kadib dadka Soomaaliyeed wadnaha ayey farta ku haayaan. Ma jirin qof ku fikirayay in 2021 Madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya dan gaar ah uu dalka gelin doono jawhareer siyaasadeed. Sidoo kale ma jirin filasho ah in maamul gobaleedyada dalka u kala safan doonaan mucaarad iyo muxaafad halkii ay aheyd in ay dalka ka saraan marxalada adag. Maamul goboleedyada dhibaatada dalka u horseeday ayaa ah kuwa markii horeba madaxdooda kursiga loo boobay, oo u abaal-gudaya ninkii kursiga u boobay. Khilaaf adag ayaa ka jira Soomaaliya waxaana kooxo isku aragti ah usii kala baxaya hay’adihii dowladda, maamul gobaleedyada dalka iyo baarlamaanka. Waxaa socoto kala jiidasho maamulada ah waxaana sidoo kale sii xoogeestay cabsida laga qabo in dalka ka dhacdo doorasho nabad-galyo ah. Caqabado badan ayaa ku hor-gudban shirka maanta la filayo in uu ka furmo Muqdisho loogana hadlo doorashada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudo xileedkiisa dhamaaday 40 cesho ka hor ayaa ka aamusan xaalada wadanka. Dhibaatada Soomaaliya kaliya ma ahan maareen la’aanta waqtiga kala guurka ah ee sidoo kale waxaa ka jira amni darro, abaaro xoog leh iyo cudurka Covid-19.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay falal amni darro ah oo maalmahii ugu dambeeyay kusoo badanayay dagmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ay geysanayeen sida dadka qaar ay cabashadooda kusoo gudbiyeen burcad xiran dharka ciidanka dowladda. Dadka Muqdisho ayaa maalmahii ugu dambeeyay cabasho ka muujinayay dhaca loo geysto xilliyada habeenkii ah, iyadoo laga qaato Moobeelada iyo waxyaabaha ay markaas wataan, balse taliska Booliska ayaa ka hadlay. Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada kaga hadashay cabashada laga soo gudbiyay burcadda, waxeyna ugu baaqday shacabka iney taliska lasoo wadaagaan wixii dhibaato ah. “Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska. Zakiya Xuseen ayaa sidoo kale dadka qaar ee baraha bulshada ku baahiya cabashadooda ku eedeysay iney eedeynayaan saraakiisha Booliska, balse taas badalkeeda ay haboon tahay in hay’adaha amniga ay lasoo wadaagaan wixii ay tabanayaan si wax loogu qabto. “Wallow aan idinka mahad celinaaya inaad ila wadaagtaan cabashoiyinka waxaa xusid mudan in adigoo dhib la kulmay ka dib social media soo dhigtid iguna tag gareeysid (qaarkiina aflagaado igu sii dartaan) inaysan idinka xal idin noqoneeyn anagana naga lumineysa fursad aan wax uga qaban karno.” Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay qudhiisa hawlgallo ka fuliyay Muqdisho, waxeyna dagmooyinka qaar kusoo qabteen kooxo mootooyin dadka uga dhici jiray agabka ay wataan sida Moobeelada.
-
Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay boob iyo dhac loo geystay ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo kooxo burcad ah ay ka geysteen magaalada Cape Town ee dalkaas. Kooxda burcadka ah ayaa lagu soo waramayaa inay boobeen oo dhac u geysteen Gaari u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, isla markaana sida dalab rooti ah xilli uu marayay waddo muhiim ah oo ku taal Xaafad ka tirsan magaalada Cape Town. Dhacdadaan ayaa qeyb ka noqoneysa boob iyo dhaca ay burcadka Koonfur Afrika ku hayaan ganacsatada Soomaalida, waxaana isasoo taraya walaaca iyo cabsid ay muujinayaan ganacsatadu, kadib markii ay billo gudahood ay dhaceen dilal iyo boob badan. Bilihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo batay dhibaatoyinka isugu jira dilka, dhaca iyo cago-jugleynta loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamid ah kuwa ku ganacsada dalkaas. Waxaa dalkaas dil loogu geystay labadii bilood ee u dambeeyay Soomaali badan, ayada oo ganacsato kalena boob cad looga dhacay xoolahooda, waxaana inta badan la kulmaan weeraro dhac ah. Sidoo kale waxaa xusid mudan in tiradii ugu badneyd ee ganacsatada Soomaalida laga dilay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada isku raranka ah ee hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaas. Ganacsatada Soomaalida ah ee Koonfur Afrika ayaa wajaha dilal iyo weeraro dhac oo bareer ah, mana jiro ilaa hadda wax cad oo ay ka qabatay dowlad dalkaas oo dhowr jeer ka hadashay dhibaatada ay burcadka ku hayaan ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.
-
Xaalada Magaalada Muqdisho oo ay caawa soo caga dhigeen Ciidamo Maraykan ah waxaa lahadl hayaa sababta Ciidamadaan u yimaadeen Muqdisho. Waxaa muuqata in loo baqay Amaanka Guud ahaan ee Xeyndaabka Xalane laakiin lama oga xogta ay Maraykanku heleen oo keentay inay Ciidamo soo dhoobay Duleedka Muqdisho. Dhanka kale Ma jiro wax Shirka oo Muqdisho ka furmaya 22 bishaan, Shirkii ay waday Beesha Caalamka wali sidii ayuu u taagan yahay, walina lama cayimin wakhtiga uu dhacayo, kaliya waxaa socda qabanqaabadiisa, Qolada Villa Soomaaliya wali waa diidan yihiin kasoo qaybgalka Shirka waxayna taagan yihiin inay iyagu qabanayaan Shirka, taasna waa laga diidey, Xitaa inay Amaanka waxka sugaan oo ay dalbadeen ayaa laga diidey. Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxaa laga yabaa in Shirku uu bilowdo 25/3/2021 oo khamiis ah, waana Shirkii ay ku baaqeen Beesha Caalamku. Shirkii uu Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay in la isigu yimaado 22 maarso,Kaas walli lama hayo meel lagu badalay ama lagu baajiyay. Lamana oga goobta uu ka dhacayo iyo Cida kasoo qaybgalaysa, waxaa la xaqiijiyay oo kaliya in Teendhada loo diyaariyey in la isugu yimaado uusan wax Shirka ka dhacayn Isniinta 22/3/2021. Puntlandi.com Muqdisho The post Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Muqdisho” Wax Shir ah oo dhacayo ma jiro 22/3,2021 appeared first on . Source
-
Wali waxaa taagan sida ay suuragal u noqonayso inuu shir ka furmo Xeyndaabka Xalane maalmaha soo socda, Safaarada Maraykanka oo caawa la xiriirtay Jubbaland iyo Puntland waxay balan qaadeen in Maraykanku uu qayb ka noqonayo dugsiga Amniga Xeyndaabka Xalane . Dhanka kalena Warsaxaafadeed kasoo baxay caawa Taliska Guud ee Amisom waxay lagu sheegay in Wadatashi ay la yeesheen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre kadib ay Amisom balan qaadeen sugida Amaanka Shirka inta uu socdo iyo kasoo qaybagalaashiisaba waakan hoose Warsaxaafadeedkii ee alhriso The post Warsaxaafadeed Amisom “ Anaga sugayna Amaanka Shirka” appeared first on . Source
-
Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan, Safaarada Maraykanka ayaa Masuuliyiinta Shirka Wadatashiga ka qayb galaya u sheegay caawa in Amaanka Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu beri ka furmi Muqdisho ay Maraykanku qayb ka ahaanayaan sugida Amaanka. Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu Qoraal ahaan ugu sheegay Beesha Caalamka inuu ka walwalsan yahay Amaanka goobta Shirku ka dhacayo sidaas awgeedna uu ka fiirsanayo ka qaybgalkiisa. Dhamaan ka qaybgalayaasha waxaa caawa lagu wargaliyey in Amaanka goobta Shirku ka dhacayo iyo kasoo qaybgalayaashaba ay ka shaqaynayaan Amisom oo kaashanayaan Ciidamada Maraykanka oo ay weheliyaan Ciidamo Soomaali ah oo aan ka amarqaadan Dowlada Federaalka kuwasoo caawa laga keenay Balidooglay. Hadalkaan ayaa yimid xili uu Shirku qarka u saaraa inuu gabi ahaan burburo, dhanka kalena wali hada si rasmi ah looma shaacin xiliga rasmiga ah ee Shirku furmayo Puntlandi.com Muqdisho The post War Deg Deg ah :- Maraykanka oo balan qaadey sugida Amaanka Shirka xili uu Shirku qarka u saaraa inuu baaqdo appeared first on . Source
-
PRESS RELEASE African Union lauds Kenya’s court ruling against female genital mutilation The AU Commission has termed the decision a clear demonstration of the commitment by member states to preserve, protect and promote women’s rights through laws, policies and action ADDIS ABABA, Ethiopia, March 21, 2021/ — The African Union Commission, Women, Gender and Youth Directorate, has lauded a decision by the High Court of the Republic of Kenya, dismissing a case in which a medical doctor had challenged the prohibition of Female Genital Mutilation (FGM), arguing that it limited women’s choice and right to uphold their culture. The Court however on the 17th March 2021, ruled that the practice of FGM violates a woman’s right to health, human dignity and in instances when it results in death, the right to life, adding that the practice also undermines international human rights standards. The AU Commission has termed the decision a clear demonstration of the commitment by member states to preserve, protect and promote women’s rights through laws, policies and action. During the trial and ruling, several African Union treaties such as the Protocol to the African Charter on Human and Peoples’ Rights on the Rights of Women in Africa (Maputo Protocol on Women’s Rights), the African Charter on the Rights and Welfare of the Child (https://bit.ly/3f0u50t), together with other international instruments including the Convention on Elimination of All Forms of Discrimination against Women; and the Beijing Declaration and Platform for Action, were referenced to validate the retrogressive nature of FGM and the need to protect women and girls rights. The medic, Dr. Tatu Kamau, had challenged the constitutionality of the Prohibition of Female Genital Mutilation Act arguing that Sections of the Act contravene Articles of the Kenyan Constitution, by prohibiting an adult woman from freely choosing to undergo FGM under a trained and licensed medical practitioner thereby denying women access to the right to healthcare. She had claimed to speak on behalf of communities that practice female circumcision and, for the women who have been jailed for carrying out the rite. In dismissing the petition, the judges, Justice Lydia Achode, Kanyi Kimondo and Margaret Muigai, also directed that the Attorney General forwards proposals to the National Assembly of Kenya to consider amendments to the Prohibition of Female Genital Mutilation Act, with a view to prohibiting all harmful practices of FGM to protect vulnerable members of society including young girls and women. This Petition was lodged in 24th July 2017. Ms. Victoria Maloka, the AUC Acting Director for Women, Gender and Youth, observed that the ruling serves as an enforcement of existing commitments to gender equality, moving from commitments to action. “In 2019 when Saleema (https://au.int/fr/node/35892), the African Union Initiative on Eliminating Female Genital Mutilation was launched, it was by design aimed at galvanising political action to accelerate the elimination of the harmful practice and complement all the existing policies we have advanced as the African Union in treaties and various initiatives. We are excited to see the judiciary coming in to say we will not allow African women and girls to be subjected to these dreadful practices under any circumstance. The ruling is not only a win for Kenya, but for all African women and girls. It is very encouraging and is very much aligned to the AU Strategy for Gender Equality and Women’s Empowerment” (https://bit.ly/3lCL8qA), she stated. The Saleema Initiative aims to strengthen political action to enforce strong legislation, increase allocation of financial resources and strengthen partnerships to end female genital mutilation, particularly within communities most impacted by the harmful practice. More than 50 million girls in Africa under the age of 15 years are at risk of being subjected to female genital mutilation by 2030, if concerted action is not taken to end the harmful practice. Investing in girls and women remains a central part of Africa’s Transformative Agenda 2063, whose Aspiration 6, calls for ending all forms of gender based violence, including female genital mutilation. The Kenyan trial had enlisted witnesses in various categories of medical evidence, survivors, perpetrators and those in anti-FGM advocacy. Medical experts testified on how FGM increases risks associated with women’s reproductive and sexual health and how women who undergo the cut are more susceptible to infections and sexually transmitted diseases as well as increased risk of child and maternal mortality. Details of how the removal or damage to healthy genital tissue interferes with the functioning of the body and causes several immediate and long-term health consequences such as bleeding, severe pain, shock, infection, septicemia, urine retention, anaemia, cysts, keloids, vulval abscess, clitoral neuroma, infertility, reproductive tract infections, acute and chronic pelvic infection, fistulae, incontinence, vaginal obstruction and ulcers, were laid before the court. The medics also stated that women who have undergone FGM, as they grow older, may develop psychological conditions including but not limited to feelings of incompleteness, loss of self-esteem, depression, chronic anxiety, phobias and even psychotic disorders. Survivors also recounted harrowing experiences on how girls from as early as the ages of 3 to 10 years, were subjected to the rite under duress and how failure to undergo the cut subjected one to ridicule, stigmatization and risks of being ostracized. One narrated of how she had suffered intense pain while carrying out regular biological functions after the cut and how upon marriage, the stitches in her private parts were removed which caused her excruciating pain. She recounted the difficult and prolonged labour during her pregnancies that resulted in undergoing a caesarian delivery at an added medical cost. Another spoke of the trauma she experienced long after undergoing the cut, accompanied by nightmares, anxiety and panic. She shared on how she still suffers from incontinence and how FGM prejudiced her intimacy with male partners. Local leaders, similarly weighed in on how women from communities that practiced FGM lagged behind compared to other women from non-cutting communities. They testified that after the cut, women are encouraged to marry, remain at home and bear children unlike their peers in non FGM communities who are encouraged to continue their education and compete on national, regional, and international stages. Young men of high standing in the communities, equally complemented the call to completely shun the harmful practice, highlighting the relevance and impact of the awareness and sensitization efforts by community elders and women on the dangers of FGM. Through awareness, some communities have also abandoned other harmful cultural practices like ear piercing and removal of the two front teeth at infancy, they testified. The three-judge bench recognised the right to health and to the enjoyment of the highest attainable standard of physical and mental health as entrenched in Article 16 of the African Charter on Human and People’s and the African Charter on Women’s Rights (Maputo Protocol), which expressly provides for the right to health of all women and the promotion and respect of women’s sexual and reproductive health. The ruling dictated that decisions on violation of constitutional rights should not be made in a factual vacuum as such an attempt would trivialize the Constitution and inevitably result in ill-considered opinions. The judges therefore ruled that the Petitioner had failed to demonstrate that her ability to exercise the fundamental right had been infringed, and that the said infringement or conduct is not justifiable in a modern democratic state. Distributed by APO Group on behalf of African Union (AU). SOURCE African Union (AU) Qaran News
-
Caawa makhrisbkii waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loo xiray Ciidamo Maraykan ah oo lagoo soo daabulay Bali dooglay iyo Markab Dagaal oo Xeebaha Soomaaliya jooga, Mudo laba saac ah ayaa Garoonka gabi ahaan Xiraa oo ay Ciidamadaan soo degayeen, sida ay Puntlandi.com u Xaqiijiyeen Dhaqaalaha Garoonku. Ciidamada waxaa wheheliya Ciidamo Soomaali ah oo ka Amar qaata Maraykanka oo laga keenay Bali Dooglay halka Ciidamo Marines ka Maraykanka ah ay kasoo duuleen Markab Dagaal oo Bada yaal kuwasoo dhowrjeer kusoo degay Helikobtarada waaweyn. Arintaan wuxuu muujinayaa in Beesha Caalamku ay hada ku baraarugeen in Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey ay ka go’antahay inuu awood Ciidan isku dayayo inuu Xukunka kusii joogo, Mucaaradka ayaa dhowrjeer ka digay arintaan balse Beesha Caalamku waxay baraarugeen kadib markii Villa Soomaaliya ay shalay makhribkii Ciidamo soo dhoobtay meel aan ka fogayn Goobta Shirku ka dhici lahaa. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka wuxuu la hadlay Ergayga Gaarka ah isagoo uga digay in aan la dhayalsan Xaalada hada taagan wuxuuna Deni uu Beesha Caalamku ku canaantay inay iska indha tirayaan khatarta kasoo socota damaca Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey. Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Isaguna saaka la hadlay Safiirka Maraykanka wuxuuna uga digay in ay Ciidamada La adeegsanayo ay abuuri doonaan Dagaal ka qarxa Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha. Beesha Caalamku waxay caawa kulan la qaateen Masuuliyiin ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha iyo kan Madaxweynaha kulankaas ka dhacay Xalane wuxuu ku saabsanaa Amaanka Shirka, Xogta aan helnay, Villa Soomaaliya waxay Dalbadeen in Shirka ay faraha kala baxaan Beesha Caalamka loona daayo Soomaalida dhexdeeda, Laakiin Arinkaas waa laga diidey waxaana aakhirkii la isla meel dhigay in Amaanka Shirka ay gacanta ku hayaan Amisom, Madaxda Soomaalidana aysan Ciidan iyo hub toona lasoo gali karin Afisyooni. Villa Soomaaliya Way aqbaleen soo jeedintaas. Xaalada Magaalada Muqdisho iyo gabi ahaan Xaalada Xalane ayaa hada isbadashay, Ciidamada Maraykanka ee Caawa kasoo degay Magaalada waxay muujinaysaa in Amnaakii uu faraha ka baxay Dalkuna uu dib ugu noqdey 12 Sano kahor meeshii la joogay. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa sababay in Ciidamadii ugu badnaa oo Maraykan ah ay caawa kasoo Degaan Muqdisho 30 sano kadib appeared first on . Source
-
Somaliland waxa sarre u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19, sidoo kalena tirada dhimashada ayaa kor u kacday. Tan iyo intii uu soo laba kacleeyay caabuqa Covid-19, ayaa waxa uu xanuunku si xawli ah ugu fidaya badiba gobollada Somaliland. Gobollada Saaxil iyo Togdheer ayaa lagu warramaya in ay safka hore kaga jiraan, tirada dadka uu caabuqu haleelay iyo Dadka u dhimanaya. Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 19-kii Maalmood ee bishan u horreeyay uu Xanuunka Covid_19 uu Magaalada Burco ku dilay 10 Qof, halka 668 Qof oo Xanuunka laga baadhay laga helay 224 ka mid ah, arrintaasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay. Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu xanuunka ka baadhnay 668 Qof, waxa laga helay 224 Qof, 19-kii Maalmood ee u dambeeyay bishan March, dadka Burco ugu dhintay Xanuunka Covid_19 waa 10 Qof..” Sidoo kale, Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo waraysi siinayay idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay xaaladda Covid-19 ee gobolkaasi, waxaanu yidhi “625 qof ayaa la baadhay waxaana laga helay 161 qof, waa tiro aad iyo aad u saraysa, saddex qof ayaana sanadkan u dhintay” ayuu yidhi Dr. Bashiir. “Xaaladda xanuunku way soo kordhaysaa, waxaan aad iyo aad ugu boorinaya bulshada in ay dareenkooda na siiyaan oo anay kaftan u qaadan waxan aanu maalin walba ka hadlayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Bashiir. Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii 100 qof la baadho 20-30 ka mid ah caabuqa laga helo taasi oo muujinaysa kor-u-kac xawli ah. Dhanka kale, badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa bulshada gobolka ku booriyay in ay is baadhaan “Waxaan ka codsanayaa dhammaan reer Togdheer Qofkii isku arka qufac in uu is baadho, waa bilaash, waalla baadhayaa, haddii laga helana waa la karantinimaynayaa, haddii laga waayana gurigiisa ayuu tagayaa” ayuu yidhi Guddoomiye Xayd. Sidoo kale, waxa Xaalad aan wanaagsanayn laga soo sheegayaa Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Af-weyn, waxaana la sheegayaa inay kordhayaan Dadka u dhimanaya Xanuunka Covid_19. Ugu dambayn, guud ahan Somaliland tirada guud ee caabuqa laga baadhay tan iyo sanadkii hore waa 35,363, tirada dhimashadu waa 98 qof halka 1913 qof na ay ka bogsadeen. Arbacadii Toddobaadkii hore, ayaa waxa Somaliland soo gaadhay Tallaalka Covid_19, kaasi oo Somaliland loogu deeqay, waxaana laga yaabaa in toddobaadkan gudihiisa la bilaabo in Shaqaalaha Caafimaadka lagu bilaabo. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidamo daacad u ah madaxweynaha xilligiisu dhammaaday lagu hareereeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay dhex deggan yihiin waftigiisa iyo kan madaxweynaha Jubaland ee Axmed Madoobe. Waxa uu la meel dhigay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday madaxweynayaal hore iyo musharrxiin si nabad ah u mudaharaadayay. “Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo la hadlayay BBC. “Koley dalka wuxuu ku jiraa marxalad adag oo ciidameysan, oo meel walba ciidan la geynayo, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxaa moodaa in caqligii Milateriga waaguu dalka ka tagaayay ka jiray inuu sameynayo,” ayuu ku daray Deni. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah ciidamadii booliska ee horay ugu sugnaa saldhigga garoonka oo la hoos geeyay qeybta guud ee Booliska (Booliska Gobolka Benaadir). Arrintan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey Madasha Badbaado Qaran, oo xalay qoraal soo saartay. Taliska ciidanka Booliska ayaa markii uu warkaan soo baxay iska fogeeyay oo beeniyay in ay jiraan ciidamo lagu daabulay garoonka. “Waxaan xaqiijinayaa in hoggaanka ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan wax ciidamo cusub ama dheeraad ah ku daabulin garoonka Aadan Cadde,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliya Xijaar. Dowladda Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helnay xalay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde geysay ciidanka ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo daqiiqo kadib ka laabtay garoonka banaankiisa kadib markii ay isku hareereeyeen. Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in garoonka Muqdisho aysan mucaaradka hub la gelin, sidoo kalane cadaadis lagu saaro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in ciidanka garoonka tagay ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaana laga cabsi qabaa in loo adeegsado caburinta iyo cadaadiska mucaaradka. Amniga Garoonka diyaaradaha oo ay deggan yihiin safaaradaha reer galbeedka, Amisom, Midowga Africa iyo hay’ado badan ajnabi ah oo sirdoon iyo horumarinba ka shaqeeya waxa uu kamid yahay howlaha AMISOM, si la mid ah dekadda Muqdisho iyo madaxtooyada Soomaaliya, balse muddooyinkii gu dambeeyay waxaa xoogeysanayay awoodda ay ciidamada dowladda ku dhex leeyihiin. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhex deggan hotel ku yaalla garoonka waxa la socda dhowr boqol oo ilaalo gaar ah aadna u hubeysan, taas oo soo dedejineysa in xilli kasta uu iska hor imaad hubeysan ka billaaban karo xarunta ugu amniga badan Muqdisho, halisna gelin karo amniga garoonka iyo kan safaaradaha.
-
Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho ayaa lagusoo xoojiyay Ciidamo Maraykan ah kuwasoo degay meel aan ka fogayn goobta shirku ka dhacayo. Ciidamada Ay Villa Soomaaliya keeneen meel aan kafogayn goobta Shirku ka dhacayo ayaa Amar lagu siiyay inay ka guuraan, kuwasoo caawa makhribkii ka baxay goobahay ku jireen. Dhamaan Qaybaha Soomaalida waxaa lagu amray inaysan Ciidan la imaan karin agagaarka goobta Shirku ka dhacayo, waxaa kaligood Amaankooda lawareegaya Amisom inta Shirku socdo. Madaxweyne Farmaajo waxaa la amray inuu Ciidamada la socda ay uga haraan Afka hore ee lagasoo galo Afisyooni meesha looyaqaan Marina Gate, halka Madaxweyne Deni Ciidamadiisu ay ku ekaanayaan Meelaha ay hada joogaan oo ah goobta uu degan yahay Madaxweynuhu. Ciidamo dheeraada oo Amisom ah ayaa caawa la geeyay Afisyooni, Halka Duleedka Garoonka Diyaaradaha la dejeyay Ciidamo Maraykan ah oo kasoo duulay Garoonka Diyaaradaha Balidooglay oo Xarun u ah Maraykanka. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay khadka teleefoonka kuwada hadleen Ergayga Gaarka ah ayaa Ergayga Gaarka ah uga mahadceliyey Dadaalka uu wado oo uu ku doonayo in shirku uu dhaco halka Villa Soomaaliya ay qaadayaan talaabo walbo oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Shirka. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News— Maraykanka oo Ciidan keenay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ka dib Dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhaco Afisyooni appeared first on . Source
-
Amid an ongoing stalemate between the country’s political forces, Somalia’s international partners warned on Sunday that they will “not support a partial or parallel electoral process or any initiatives leading to extension of prior mandates.” A joint statement urged political leaders of the Horn of Africa nation to reach an agreement to “conduct peaceful, inclusive, free, fair, and credible elections” at the earliest. The international partners include the African Union Mission in Somalia, Belgium, Canada, Denmark, Djibouti, Egypt, Ethiopia, the EU, Finland, France, Germany, the Intergovernmental Authority on Development, Ireland, Italy, League of Arab States, the Netherlands, Norway, Qatar, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, UK, US, and the UN. They urged Somalia’s federal and regional leaders to build on the breakthrough in negotiations last month “to implement the 17 September 2020 electoral model and proceed to elections without delay.” The agreement reached last September was seen as a major step toward Somalia holding indirect parliamentary and presidential elections in late 2020 and early 2021. The plan has since stalled as the country’s divided political leaders differ on how to proceed with the elections, despite President Mohamed Abdullahi Mohamed’s constitutional mandate having expired on Feb. 8. “We see no viable alternative to implementation of the 17 September electoral model on a rapid timeline to conduct peaceful, inclusive, free, fair, and credible elections,” read the statement. “International partners will not support a partial or parallel electoral process or any initiatives leading to extension of prior mandates.” The global powers said Somalia’s leaders must “seize this opportunity for a peaceful political settlement leading to elections,” urging them “to make the necessary compromises in the interest of the Somali nation and its people.” “International partners continue their efforts to bring the Somali stakeholders together. We reiterate our commitment to support implementation of the electoral process once details are agreed,” read the statement. In a separate message, the US Embassy in Somalia’s capital said regional leaders “must stay in Mogadishu until an election agreement is reached.” “The people of #Somalia want elections now… Failure is not an option,” the embassy said on Twitter. Source: Anadolu Agency
-
Mogadishu – International partners* welcome the arrival of participants for the summit of the Federal Government of Somalia and Federal Member State leaders, to be held in the protected area of Mogadishu’s Aden Adde International Airport, and announced to begin on 22 March 2021. We urge them to convene quickly and to show leadership by building on the Baidoa Technical Committee proposals of 16 February 2021 to implement the 17 September 2020 electoral model and proceed to elections without delay. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay u hanjabaan shacabka magaalada Muqdisho, iyagoo u diidaya in ay u hogaansamaan talooyinka caafimaadka oo ay bixiso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19. Dadka ku nool degmooyinka qaar ee gobalka Banaadir gaar ahaan Heliwaa, Deyniile, Yaaqshiid iyo Madiina ayaa sheegay in loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono haddii lagu arko iyagoo xiranaya Face-Mask. Dhalinyaro Afka soo duubatay ayaa la sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay la hadleen xaafadaha qaar ee Muqdisho iyagoo u sheegaya in aysan u hogaansami karin awaamiirta gobalka Banaadir. Badanaa dadka warkaan loo sheegay waxaa lagu qabtay wadooyinka iyagoo Afka u xiran-yahay waxaana loo sheegay in cudurkaan uu Allah haayo islamarkaana Allah ay baryaan dadka Soomaaliyeed, sida aan kasoo xiganay qaar ka mid ah shacabka “Laba saac oo habeenimo ayaa jidka laygu qabtay, Afka ayaana u xirnaa waxaan u qaatay koox mobilka iga dhici rabto, is deji ayaa lay dhahay, kadibna Afka iska fur, kadib ayaa lay dhahay u sheeg dadkaaga adigana ogow mar dambe sooma qaadan kartaan Af-xirka, cudurka Allah ayaa keena isaga ayaana qaada,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada Heliwaa oo la hadlay Caasimada Online. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaadkii hore soo saaray awaamiir lagu furayo in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan Af-xirka, iyagoo sheegay in 5 dollar oo ganaax ah laga qaadi doono qofkii aan wadan, halka goobaha ganacsigana laga qaadi doono 50 dollar.
-
Warar aan helayno ayaa sheegaya in Safiirka Maraykanka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay dhalay hor istaageen Madaxweynaha Galmudug oo U safri lahaa Dhuusamareeb, Waxaa Masuulkaan cadaadis lagu saaray inuu joogo Muqdisho ilaa Shirka Wadatashiga laga gun gaarayo. Maantana Laftagareen oo kasoo laabtay Turkiga ayaa qorshihiisu ahaa inuu Baydhabo u gudbo balse Isagana waxaa lagu khasbay inuu Muqdisho joogo si uu iga qayb gali Shirka Wadatashiga. Lama oga sababta keentay in labadaan Masuul ay ka baxaan Muqdisho iyagoo ogsoon inay Muqdisho ka socdaan Dadaalo lagu badbaadinayo Doorashada. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor iyo Laftagareen oo loo diidey inay Muqdisho ka baxaan xili ay kusii jeedeen Deegaanadooda appeared first on . Source
-
Muqdisho (CaasimadaOnline) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan ugu yaraan 8 wasaaradood oo ah kuwa arimaha Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa hada aan qaar kamid ah shaqaalaha la siinin mushaarka bishii hore. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in 1-dii ilaa 10-kii bishaan la bixiyay mushaarka qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, halka Arbacadii iyo Khamiistii todobaadkaan la siiyay qaar kale, waxaana wali harsan inta kale ee soo hartay oo u badan macalimiin iyo shaqaalaha kumeel-gaarka. Waa markii ugu horeysay afar sano kadib oo ay shaqaalaha dowladda yihiin mushaar la’aan iyadoo ay dhamaad tahay bishii kale. Arrimahaan ayaa aad looga hadal haayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiisyada dowladda. Sida ay Caasimada Online hore u baahisay dowladda Soomaaliya waxay sanadkaan weysay kabkii ay ka heli jirtay dowladaha taageera Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo ururada bixin jiray kabka dowladda. Ururadan oo ay ku jiraan Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub ayaa lacagta hakiyey kadib markii ay walaac ka muujiyeen in Soomaaliya ay ku dhaceyso nidaam kali-talis ah. Badanaa waqtiga kala guurka ah dowladihii xilka isaga dambeeyay ma bixin jirin mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu bixiyay dhamaan bilooyinkii hore ee uu xafiiska joogay.
-
Eyl (PP Features) — Eyl, the coastal district of Nugaal, is 96 miles to Garowe, the administrative capital of both the region and Puntland State of Somalia. The district is divided into two neighbourhoods— Daawad and Badey. Badey, the coastal part, is 6km from the administrative part of the district, Daawad, where the district commissioners office, the primary school, the general hospital and police station are located. Muuse Osman Yusuf: Eyl needs infrastructural investment to reach its economic potential. “Eyl is a historic city. It was once a base for the Dervish leader Sayid Mohammed Abdille Hassan. One of the Dervishes’ buildings built in 1904 is still standing” said Muuse Osman Yusuf, Eyl district commissioner. not. “In socioeconomic terme Eyl is dependent on livestock, seafood and agriculture affected by floods” Jama Salad, a businessman told Puntland Post. Eyl farms affected by floods. The treacherous gravel road off the Garowe-Bosaso road forms a key part of the itinerary. Torrential rains affect Eyl the gravel road and force drivers to drive through sandy and rocky patches of land. “There was a plan to build a paved road between Eyl and Garowe. There were tools and equipments of a Chinese company, [China Civil Engineering Construction Corporation Limited (CCECC)] at the gravel road to be used for construction of the road, but the company removed equipments and tools” added the Eyl District Commisioner. The treacherous gravel road forms a key part of the itinerary when travelling to Eyl. In 2017 the former Puntland State President Abdiweli Mohammed Ali told the local media that Puntland “signed with CCECC an agreement to construct Eyl-Garowe road.” In 2017 Puntland Parliament passed two separate agreements signed with DP World — on the extension of Bosaso Port — and with CCECC for oil prospecting. Abdiasis Busur: We deliver basic services in Eyl. What is more, Puntland had issued fishing licences to foreign trawlers until the Federal Government of Somalia banned licences issued by Federal Member States two years ago. Eyl has not benefited from revenues from fishing licences. Its fishing industry has not recovered from impact of illegal fishing, piracy and government-sanctioned overfishing by foreign vessels. Fishing Port In May 2019 Puntland President Said Abdullahi Deni signed an agreement with CCECC to build a fishing port in at Eyl. None of the three agreements Puntland State had signed with the Chinese company has been implemented. President Deni with Michael Jiang Yigao, the Managing Director of China Civil Engineering Construction Company (CCECC) in Beijing. “The economic potential of Eyl dwindles due to the heavily centralised Puntland State government and the ineffectual Parliament in Garowe” said Abdirashid Mohamud, a Nairobi-based postwar reconstruction expert. “Eyl missed out on the infrastructure projects funded by the European Union. In my opinion commercially based infrastructural agreements signed by Puntland State with foreign companies put Eyl at a disadvantage when it comes development assistance from the European Union or multilateral organisations” added Abdirashid. Abdiasis Busur, the Director of Department of Social Services at Eyl commended Puntland State government for the progress in the delivery of basic services including mother and child centres built in villages outside Eyl. “By basic services we mean education, hygiene and healthcare. Mothers in Dhigale village no longer travel to Eyl General Hospital thanks to the Joint Programme on Local Governance (JPLG) and Health and Education has Ministries” said Abdiasis. © Puntland Post, 2021 The post Poor Infrastructure Places Eyl at the Bottom of Underdevelopment in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-2132021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo geysay Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo qeyb ka ahaa ciidamo ay dhawaan ka dejisay gobolka Gedo. Ciidamada ayaa maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay degmada Beled-Xaawo, kadib markii ay ka ambabaxeen degmada Doolow ee Gedo, halkaasi oo ay diyaarad uga dejisay dowladda federaalka Soomaaliya Ciidamadaan oo badankooda ka tirsan NISA ayaa waxaa dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen siyaasiyiinta iyo madaxda kasoo horjeeda dowladda waqtigeedu dhamaaday. Waxaa degmada Beled-Xaawo ciidamadaan si weyn ugu soo dhaweeyay qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada Degmadaas, ayada oo ay ku wehlinayeen ciidamadaan Taliyaha Howl-galinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda, Bakaal Kooke oo ay wehlinayeen Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, Cabdiqadir Cumar Biixi iyo Saraakiil kale. Ciidamadaan ay dowladda ku daabushay gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn uga horyimid maamulka Jubbaland oo ay dowladda waqtigeeda ka dhamaaday isku hayaan gobolkaas, oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashada. Maamulka Jubbaland ayaa ku hanjabay in cawaaqib xumada ka dhalata ciidamada lagu daabulayo gobolkaas uu dusha u ridan doono madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillahi Deni ayaa maanta ka hadlay shirka lagu wado inuu ka furmo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni iyo khilaafka doorashooyinka oo xilligan maraya meel xasaasiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ciidamo lagu hareeyey. Saciid Deni oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanu ka war hayn shirka ay beesha caalamku sheegtay inuu bilaabanayo maalinta berri ah, islamarkaana aanay jirin cid kala hadashay arrinta shirkaas, sida uu sheegay. “Waxaan halkaan nimid kadib markii aan marti-qaad ka helnay beesha caalamka, gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka, waxaan mudadii aan joognay wada-hadal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta,” ayuu yidhi. Deni ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in marka hore xal laga gaadho arrinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalan madaxda u sarreysa ee dowladda federaalka ee waqtigooda dhammaaday, ka hor inta aan la aadin heshiis doorasho. Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhammaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xilli ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido. “Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yidhi. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Muddadii aan joognay (magaalada Muqdisho) dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin, waxayna u muujineysa in ayna diyaar u ahayn imaansheheena.” Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya xili ay maanta beesha caalamka shaacisay in maalinta berri ah uu furmayo shirka doorashada ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, ayada oo sidoo kalena uu Mareykanka ku amray madaxda dowlad goboleedyada inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa heshiis laga gaarayo doorashada. Source
