Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka ayaa Axadda maanta ah u tagay magaalada Moscow si looga wada hadlo sida loo wajihi karo xiriirka sii xumaanaya ee Mareykanka iyo Ruushka kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in uu u maleynayo in Vladimir Putin uu yahay dilaa, wakaalada wararka ee Reuters ayaa oo soo xiganeysa wakaallada TASS ayaa warisay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in safiirkeeda, Anatoly Antonov, ay dib ugu yeeraneyso si loola yeesho wadahadal deg deg ah ka dib markii Biden uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga ABC in uu u maleynayo in madaxweyne Putin uu yahay dilaa islamarkaana uu qaadan doono cawaaqib xumada ka dhalata faragalinta doorashada Mareykanka – eedeyntaasi oo ay Moscow beenisay. Baraha bulshada ee safaaradda Ruushka ee Washington ayaa baahiyay sawirka Antonov subaxnimadii hore ee Axadda xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha oo ay diyaaraddii sidayna ay sii kacaysay. Labada dal ayaa sheegay in ay iskaashi samaynayaan kaliya marka ay dantooda qaran tahay in tallaabadaasi la qaado. PUNTLAND POST The post Safiirkii Ruushka ee Mareykanka oo ku laabtay Moscow appeared first on Puntland Post.
  2. Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Golaha Badbaadinta Qaran ee maalmo ka hor Muqdisho looga dhawaaqay, ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay Caasimadda Puntland ee Garoowe. Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal waxa ka qayb-galay Maamulka Gobolka, kan degmada Garoowe, Saraakiisha kala duwan ee Laamaha Amniga Gobolka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta, Odayaasha Dhaqanka, ganacsatada, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, iyo marti sharaf kale. Dhammaan ka qayb-galayaashii Kulanka ka hadlay , waxay si weyn u soo dhoweeyay Golaha Badbaadinta Qaran ee Muqdisho lagu as’aasay, kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay in uu Doorashada wakhtigeeda ku qabto. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed jabuuti iyo duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo Munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda bogaadiyay Golaha Badbaado Qaran iyo dadaalka Madaxweyne Deni ee ku wajahan in doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay dalka la gaarsiiyo. PUNTLAND POST The post Golaha Badbaado Qaran oo si weyn looga taageeray Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. Xarunta Salaam Somali Bank ee degmada Xamarweyne, ayaa maanta laga bixiyay barnaamij Qardu Xasan (free micro finance) oo ah lacago lagu siinayay ganacsatada yar yare si ay u kobciyaan ganacsigooda. Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada lacag maalgelin ah oo qeyb ka ah wajiga labaad ee barnaamijka Qardu Xasan 2021, oo aan dadkii la siiyay faa’ido laga rabin. Dadkii ka faa’iidaystay barnaamijka ayaa uga mahadceliyay bangiga taageeridda wax ku oolka ah, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan oo wax ka bedelaysa ganacsigooda. Waxay sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga siiyey. Qardu Xasan waa barnaamij dhowrkii bilood mar uu bangiga bixiyo, waana mid loogu talagalay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee gobolada iyo magaalooyinka dalka. Ujeedku waa in lagu dhiira geliyo ganacsatada soo koreysa sidoo kalana ay ka qeyb qaadato shaqa abuurka. Horey ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey Xaruumo dhowr ah, waxaana Maamulka Bangiga uu sheegay inay sii wadi doonaan illaa laga gaarsiiyo dhamaan xarumaha dalka. Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreys, laguna garab istaago kobcinta ganacsigooda. View the full article
  4. Responsibility for the tragic war in Tigray is being laid at the door of Ethiopia’s Prime Minister, Abiy Ahmed. But the real culprit is further north. Eritrea’s President Isaias has plotted and schemed ever since his forces captured Asmara in 1991. Not satisfied with turning his own country into the most repressive state in Africa – without a functioning constitution, parliament, press or freedom of speech, assembly or religious expression – he has intervened in every one of his neighbours. President Isaias has supported Sudanese rebels, fought with Djibouti, Yemen and Ethiopia (1998 – 2000), When the Islamic Courts fled from Somalia, they found a haven in Asmara. President Isaias backed the Islamist group, al-Shabaab, Ethiopian rebel movements were given training and logistical support by President Isaias. In July 2011 the UN Monitoring group on Somalia and Eritrea accused the Eritrean government of plotting to bomb the AU headquarters in Addis Ababa during the summit of African heads of state in January 2011. US concerns about Eritrea’s role in the Tigray war President Isaias considered military intervention in Tigray long before war broke out in November 2020. As President Isaias stated when he gave his annual interview on Eritrean television, he began planning for the war after meeting the Tigrayan leader, Debretsion Gebremichael in Omhajer in January 2019. When the war in Tigray erupted, Eritrean forces attacked from the north, joining offensives by Ethiopian troops and Amhara militia from the south and the east. The involvement of the Eritrean forces in Tigray is now accepted by the United States, the European Union and Britain. Even the Ethiopian government now quietly admits their role in this war. There has been wide condemnation of the role of Eritrean troops in atrocities in the town of Axum and beyond. President Biden has drawn a line in the sand.On 27 February Secretary of State Antony Blinken said that: “The immediate withdrawal of Eritrean forces and Amhara regional forces from Tigray are essential first steps. ”According to diplomatic sources, Secretary of State Blinken spoke to Ethiopian Prime Minister Abiy twice in early March, and told him that Eritrean and Amhara forces must be withdrawn from Tigray within 72 hours. This has not taken place. There is a great deal at stake In November 2020, a day after the Tigray war broke out, a range of senior American former diplomats issued a statement. They warned that the conflict could lead to the: “acceleration of polarization amid violent conflict [which] would also mark the death knell for the country’s nascent reform effort that began two years ago and the promise of a democratic transition that it heralded.” This could lead to “the fragmentation of Ethiopia [which] would be the largest state collapse in modern history. ”This fragmentation would not just threaten the Horn of Africa, it could be send ripples of instability across the Arab world and into the rest of Africa. It would strengthen the hold of Islamist movements like al-Shabaab and their international Islamist allies. It is a prospect that threatens Washington, Paris and London – as much as it does Addis Ababa. But unless Eritrea can be forced to end its role in the Tigray war, and President Isaias shown that he cannot continue his perpetual practice of destabilizing his neighbours, it is difficult to see how this can be averted. Source: Martin Plaut The post Isaias Afwerki is a threat to the Horn of Africa – and an obstacle to peace appeared first on Puntland Post.
  5. Tan iyo bilowgii bishii Febraayo ee sanadkan, Villa Somalia waxay ku baaqday ilaa 6 shir oo aan midna u qabsoomin sidii qurshuhu ahaa, sidaas ay tahay mar walba isla qoraalkii ayaa lasoo celiyaa. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa in ka badan shan jeer ugu baaqay madaxda Maamul-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir in ay isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo qabsoomidda doorashada 2021. Shirarkan uu ku baaqay February 9, 17, 22 iyo March 1 iyo 14, waxaa lagu soo saadiyey iyada oo ay Villada heysatay xasarad siyaasadeed sida tan ugu dambeysay oo uu Farmaajo shir ku baaqay saacado kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan. Goobjoog News ayaa dib u milicsaneysa tixanaha baaqyada Farmaajo ee shirarka looga arrinsado doorashada iyo waqtiga ay kusoo aadaan dhacdooyinkii siyaasadeed ee jiray. 28-kii Janauray ee sanadkan, maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiga doorashada uga qeybgalaya, beesha caalamkuna waa ay soo dhoweeyey, Villa Somalia in guddiyaasi ay laashay ayuu hadana 2 maalin kadib Farmaajo ku baaqay shir doorasho oo ka dhaco Dhuusamareeb. Baaqa Farmaajo ee shirka, waxaa lagu tirtiray ra’yul caamkii ku wajahnaa in ay dadku u arkaan dowladda in ay kasoo horjeeddo in hore loo socdo ayadoo diidday guddi doorasho oo ay maamulladu soo magacawdeen Shirkaasi wuxuu ahaa Dhuusamareeb 4, inkasta uu fashilmay hadana waxaa gadmay in dowladda ay diyaar u tahay in doorashada laga wada hadlo. 8-dii February ee sanadkan waxaa ku ekaa muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo maalintii ku xigtay oo ay taariikhdu aheyd 09-kii February waxaa muqdisho kulan isugu yimid midowga musharrixiinta oo sheegay in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday isla markaana loo baahan yahay in la dhiso gole samatibixiya xaaladda lagu jiro isla markaana ka shaqeeya doorasho la wada oggol yahay oo dalka ka dhaca Si guuxaasi siyaasadeed loo damiyo aragti taas ka duwanna ay u dhalato ayay Villa Somalia soo saartay warqad lagu iclaaminayo shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir shirkaas ma qabsoomin laakiin waxaa iyana hoos loo dhigay qorshihii midowga musharixiinta oo ahaa in la dhiso gole samatabixin oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada, guddoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Rooble. 14-kii February midowga musharixiinta ayaa ku baaqay in 19-ka bisha la qabto bannaanbax siyaasadeed oo dadku ay ku cabbirayaan aragtidooda ku aaddan qabsoomidda doorasho hufan oo xalaal ah, taarikhdu markii ay aheyd 17-ka February Villa Somalia waxaa kasoo baxay warqad ku baaqeysa in 18-ka ilaa 19-ka February ay shir isugu yimaadaan isla xubnihii hore shirka loogu baaqay Shirkaas way diideen Puntland iyo Jubbaland laakiin waxaa isku yimid Madaxda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddexda maamul goboleed ee kala ah (Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug) hal maalin kaddib markii uu shirkaasi furmay ayay haddana dowladdu ugu baaqday 22-kii isla bishaas Puntland iyo Jubbaland in ay shirka kasoo qeyb galaan laakiin labadaasi maamul dheg jalaq uma siin 25-kii February midowga musharrixiinta iyo Ra’iisulwasaare Rooble ayaa heshiis hor dhac ahaa ku gaaray hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayadoo laga war dhowrayo dhaqan galka heshiiskaas ayaa taariikhdu markii ay aheyd 01-da march waxay villadu mar kale soo saartay shir ay isugu yimaadaan Federaalka, Maamulka Gobolka banaadir iyo maamul goboleedyada dalka, shirkaasina ma qabsoomin Shirarkaas kala duwan ee Farmaajo ku baaqay inta waxaa uu ku daminayey xasarado siyaasadeed oo heystay, waxaa la is weydiinayaa inta ay sii socon doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ciidamada Turkiga ayaa sheegay inay burburiyeen in ka badan 20 goobood oo ay ku sugnaayeen xoogaga Kurdiyiinta isla markaana ayku dileen tiro badan oo mintidiin ah, magaalada Tal Rifaat ee waqooyiga Siiriya. Ilo ka tirsan militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen Sabtidii in duqeynta goobaha Kurdiyiinta ay jawaab u tahay madafiic lagu garaacay gobolka “Kilis” ee koonfurta Turkiga. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in duqeymo aargudosho ah, ay ciidamadu ku qaadeen goobo ku yaal “Tal Rifaat”, oo la rumeysan yahay in laga soo riday madafiicdii lagu weeraray gobolka killis, Khamiistii. Waxay cadeyeen saraakiishu in ciidamada Turkiga ay bartilmaameedsadeen, marka laga soo tago goobihii ay madaafiicda laga soo tuuray, goobo kale oo ay lahaayeen kooxaha kurdiyiinta “YBK / PKK”, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan in ka badan 20 goobood. Duqeymaha Turkiga waxay sababeen sidoo kale dhimashada tiro badan oo “argagixiso” ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay isbaheysiga cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen masuuliyiinta ugu miisaanka culus siyaasadda Soomaaliya. Isbaheysigaas oo loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ waxaa ku bahoobay Jubbaland, Puntland, Midowga Mushariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hor kacaya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland. Wasiir Dubbe ayaa isbaheysiyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan aas-aaska Madashan cusub Badbaado Qaran, waxa uu ku tilmaamay kuwo doorasho diid ah oo maanta aan dalkeenna looga baahneyn, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa ajende noo ah doorasho, laakiin waxaan aad uga xunahay, iyadoo dalku doorasho aadayo, in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan sameynta isbaheysiyo doorasho la dirir ah, runtii isbaheysiyadaas waxay nagu celinayaan wado qaldan oo dib u dhac ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cusmaan Dubbe. Golaha Badbaado Qaran ayaa hoggaankooda sare u doortay afar xubnood oo kala ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi, waxayna guddoomiyaha guud u sii doorteen Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in isbaheysigaan cusub ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay habooneed inay ilaashadaan xurmada ay gaareen, sida uu hadalka u dhigay. “Horta anagu dalkaan inuu badbaadsan yahay ayaan u aragnaa, sababtoo ah markii isbaheysigaan Badbaado Qaran ay dadku maqleen, aad ayey u naxeen, waxay soo xasuusteen kuwo hore ee rajadooda god-dheer ku riday, hadana xurmo iyo karaamo badan ayaan u heynaa madaxda oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore… runtii waxay leeyihiin maasuus la yaab leh, marka ma rabno in madaxda aan ku dhex aragno isbaaheysiyo doorasho diid ah, waa inay meel fariistaan oo laga barakeysto,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.
  8. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa maanta dib ugu so laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Madaxweyne Qoorqoor waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la ka qeybgaya shirka doorashada Soomaaliya oo la faliyo in uu maalinta berri ah ka furmo xarunta Afisyooni ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. The Turkish lira could plunge up to 15% in an “ugly reaction” when financial markets reopen on Monday, analysts have warned, after president Recep Tayyip Erdoğan sacked the country’s central bank chief days after a sharp rise in interest rates. Source: Hiiraan Online
  10. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay iska hor imaad geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo koox ka ganacsaneysay waxyaabaha maanka-dooriya. Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa afar ruux oo kale. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay la wareegay ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysay, dhac habeenkii ah & weeraro. View the full article
  11. Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Sacuudiga “Aramco” ayaa shaaca ka qaaday in macaashka shirkadda sanadka 2020 uu hoos u dhacay 44%, sababo la xiriira hoos u dhaca qiimaha salliida ceyriinka iyo tirada la iibiyay, iyo hoos u dhaca ku yimid faa iidada wax soosaarka shidaalka. Hoos udhacan ayaa ka dhashay cadaadiska dhanka dalabka saliidda ah oo ay sababtay xayiraadaha cudurka faafa ee Corona, halkaasna ayeyna faa’iidada saafiga ah ay hoos ugu dhacday 183.76 bilyan oo riyaalka Sacuudiga (qiyaastii 49 bilyan oo doolar) sanadkii dhamaaday bishii Diseembar 31 (2020), marka loo barbardhigo 330.69 bilyan oo riyaal oo udhiganta 88 bilyan oo doolar, sanadkii ka horeeyay ee2019kii, sida ay daabacday wakaallada “Reuters”. Wakaaladda ayaa xustay in falanqeeyayaashu ay filayeen in macaashka saafiga ah ee Aramco uu hoos ugu dhici doono 186.1 bilyan oo riyaalka Sacuudiga sanadka 2020, marka loo eego qiyaasta celceliska madasha arimaha dhaqaalaha ee Refinitiv Eikon. Source: goobjoog.com
  12. Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib Safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa . Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa muddooyinkii la soo dhafay jiray dalka Turkiga, isago saakay dalka dib ugu soo noqday. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado beri in uu ka furmo xerada Tababarka ciidamada Cirka ee Afisiyoni . Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo la filayo in uu berri shirka uga furmo Caasimadda Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddida Dacwadaha iyo Anshaxa Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa ku dhawaaqay in Ganaaxii laga Qaaday Xulalka Gobolada Hawd iyo Togdheer . Sidoo kale waxa Ganaaxii laga Qaaday Ciyaartoydii kasoo Ciyaaray tartankii Maamul Goboleedyada Somalia. Kulankani lagu Shaacinayay waxa Goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire maxamed , Dr Adna Aadan, Jaamac karaaciin, Gudoomiya XKCSL & Ciyaartoydii Ganaaxu ku dhacay. Source
  14. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uu ka sheegay wareysi lala yeeshay, kaas oo ahaa inuu Putin u arko “dilaa”. “Waa inuu qofku barto kan kale,” Mr Putin ayaa ka yiri telefishin Ruushka laga leeyahay, wuxuuna Mr Biden ugu baaqay inuu si toos ah ula hadlo. Mr Putin ayaa diiday eedeymaha ah in waaxihiisa ammaanka ay isku dayeen inay dilaan siyaasiga mucaaradka ah ee Alexei Navalny. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale telefishinka ABC News u sheegay in Mr Putin uu “u aayi doono” faragelinta la sheegay inuu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2020. Ruushka ayaa u yeeray safiirkiisa si uu ugala hadlo in laga hortago in xiriirka uu sii xumaado. Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Anatoly Antonov lagu wargeliyay inuu ka soo tago Washington uuna yimaado Moscow. Mr Biden ayaa ka hadlayay warbixinta sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in Mr Putin uu amray olole faragelin ah, doorashadii madaxtinnimada Mareykanka bishii Novermber ee sanadkii hore. Warbixinta ayaa Ruushka ku eedeyneysa inuu isku dayay faragelinta doorashada isaga oo u xaglinaya Madxaweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump, oo uu ka adkaaday Mr Biden, oo Dimuqraaddiga ka tirsan. Mareykanka ayaa la filayaa inuu cunaqabateynno ku soo rogo Ruushka wixii loo gaaro toddobaadka soo socda, sababo la xiriira warbixintan. Isagoo diidmo ka muujinaya eedeymaha Mr Biden, wuxuu soo qaatay hal ku dhig laga adeegsado iskuul dalkaas ku yaalla oo la micno ah “qof walba oo magacyo kuugu yeera isna magacyadaas ayaa loogu yeeraa”. “Ma ogtahay waxaan carruurnimadeydii xusuustaa, markii aan ku muranno daaradda lagu cayaaro waxaan dhihi jirnay, ‘qofku kan kale wuu baranayaa’,” ayuu ka yiri wareysi uu siiyay telefishin ay dowladdu leedahay. Mr Putin ayaa sidoo kale Mareykanka ku eedeeyay xasuuq ka dhan ah dadka Ameerikaanka ah iyo cirribtirka shacabka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isagoo sheegay inuu bambaanooyin atoomiko ah ku tuuray Hiroshima iyo Nagasaki. Hoggaamiyaha Ruushka ayaa Mr Biden ugu baaqay inay yeeshaan wada hadal barta Internet-ka ah, maanta amaba Isniinta. Source: goobjoog.com
  15. Mas’uuliyiin heer federaalka iyo heer dowlad goboleed isugu jira ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay saaka, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka yimid dalka Turkiga oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa. Madaxweyne Laftagareen, ayaa ka qeybgali doono shirka madaxweynaha jamhuuriyadda iclaamiyay oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhameystirka heshiiskii 17 September 2020. Horey waxaa magaalada Muqdisho ugu socnaa madaxweyniyaasha, Galmudug Hirshabeele, Jubaland iyo Puntland. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  16. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ayaa saaka soo gaaray Muqdisho isagoo kasoo kicitimay Dalka Turkiga oo uu in mudo ah ku maqnaa. Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiida Koonfur Galbeed iyo Labada Gole ee Federaalka ayaa kusoo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha. Waxaa jira warar Sheegaya inuu hada kulan kula jiro Masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka Gudaha Garoonka Diyaaradaha. Laftagareen ayaa u yimid si uu uga qaybgalo Shirka Afisyooni ee Beesha Caalamku kubyabooheen. Puntlandi.com Muqdisho The post Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray si uu uga qaybgalo Shirka Afisyooni appeared first on . Source
  17. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa saacadihi la soo dhaafay waxa ay aheyd mid aad u kacsan , iyadoo Aqoonyahanada iyo dadka falan qeeya arrimaha siyaasadda dalka ay tilmaamayeen In aysan muuqan waddo loo baxo. GoobJoog News ayaa qaar ka mid ah Falanqeyayaasha Siyaasadeed iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa ay hor dhigtay su’aalo ay ka mid yihiin Sida looga gudbi karo xaaladdan cakira, Fasiradda siyaasadeed ee laga bixin karo baaqa Mareykanka iyo arrimo kale . Madaxa Machadka cilmi baaarista Arrimaha siyaasada Prof Afyare Cilmi ayaan hordhignay su’aalo ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u soc do ? Prof Afyare ayaa yiri ” Horta dhanka Madasha waa wax dhanka wanaagsan laga fiiriyo waxaa la dhihi karaa wey soo urruurtay oo wax alla wixii Mucaarad ahaa baa hal weji, hal aragti iyo hal irid oo laga galo yeeshay ” “Marka Issues-kii ay qabeen baa hal dhinac ka wada imaanaya , marka wanaaga ay keeni karto waxaa waye in meeshii qola walba gaar loola xaali lahaa ay taladi ay soo ururtay oo hal qolo iyo hal qolo ay iswajahayaan “. Prof Afyare oo sii hadlayay ayaa yiri” Dhanka ah Shirka hadda madaxweeynuhu uu ku baaqay waa iska caadi oo waxaan is leeyahay waxa uu ugu jawaabayay een erayada ka timid Mareykanka iyo Beesha Caalamka”. Prof Afyare ayaa sidoo kale waxaan wax ka weydinay sida loo fasiran karo Hadalka xog hayaha arrimahadda Mareykanka ka soo yeeray ee ku aadan in si deg deg ah Doorasho loo qabto waxa uuna ka yiri “Hadalka Mareykanka waxaan aniga isleeyahay fasirad badan uma baahna waayo waa cad yahay waxa uu leeyahay hala wada Hadlo oo doorasho hala aado oo dalka hadda meesha uu joogo hala dhaafiyo , marka hadda aad u wey ma jiro “. Prof Afyare Cilmi ayaa sidoo kale waxa aynu wax ka weydiinay sida looga mira dhalin karo dadaalada Isbarbar socda ee ay kala wadaan Farmaajo , Madasha Badbaado Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa uuna ka yiri ” Ani waxaan is leeyahay hadda shiraa Xammar loo joogaa siduu doonaba haku yimadoo oo qoladii Mucaaradka wey joogaan muxaafadkina magaalad Wey jogaan , een sida hadda James Swan iyo qolada QM ay ku dhawaaqday shirkaasi inuu dhacaayo ayey sheegen marka waxaan isleeyahay hadda Shir kale oo aan kaas aheyn sida uu ku qabsoomi karo aniga ima muuqato “. Dhanka kale Wasiirkii hore ee Qorsheynta Jubbaland Adan Aw-xirsi oo aan hordhignay isla Su’aalahan ayaa GoobJoog News ayaa sheegay in aysan mira dhal fican laheyn kulamada Muqdisho lagu qabanayo. \ Ugu horeyn Adan Aw-xirsi ayaa ayaan weydiinay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u socdo ? waxa uuna ku jawaabay sidan Adan Aw-xirsi ” Horta arrinta muhiimadda ugu weyn lihi waxa weeye dadka ay arintan ay ka dhaxeyso oo muranka doorashada uu ka dhaxeeyo in ay iyagu isla fadhiistaan oo intey miis wada imaadan ay ka wada hadlaan sidii doorasho loo siman yahay fursadaheda ay u qaban lahaayeen” “Waxaa jira marka laba doodod . dood waxeey oraneysa Xisbiyada siyaasadda heer qaran iyo Kooxdii horay ugu jirtay ee dowlad gobaleedyada iyo Gobalka banaadir iyo Madaxtooyada iyo Xafiiska ra’iisul wasaaraha meeshii haka howl galeen” “Dooda kale waxeey oraneysa bacdamaa siyaasaddu ay ka badan yihiin 100 hatan ra’yigoodina la matalo oo ay jiraan dowlad gobaleedyo ra’yiga mucaaradka uba taagan iyagii haleysu daayo dowlad gobaleedyadii iyo Gobalka Banaadir iyo Dowladda Federaalka howshaa ha wada qabteen “. Adan Aw-xirsi ayaa sidoo kale waxaan wax ka weydinay sida loo fasiran karo Hadalka xog hayaha arrimahadda Mareykanka ka soo yeeray ee ku aadan in si deg deg ah Doorasho loo qabto waxa uuna ka yiri ” Hadalka mareynka ee doorashada Antony Blinken Waan aqriyay marka waa iska hadal guud oo doorasha hala qabta ah oo aan cidna ku eedeyneyn in aysan doorashada waqtigeeda ku-qabsoomin oo aan hoosna cidna ula hadleyn oo aa keeneyn hadduu ilaahey idmo halbeegyo “. Wasiirkii hore ee Qorsheynta Jubbaland Adan Aw-xirsi ayaan ugu dambeyntii isne waxaan hor dhignay sida looga mira dhalin karo dadaalada Isbarbar socda ee ay kala wadaan Farmaajo , Madasha Badbaado Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa uuna ka yiri ” Abdisalam Salwa Xoghihii hore Joogtada xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa hor dhignay Isla su’aalahan ayaa isna cabiray xaaladda dalka. Xoghihii hore Joogtada xafiiska ra’iisul wasaaraha Abdisalam Salwa ayaa Ugu horeyn weydiinay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u socdo ? waxa uuna ku jawaabay sidan “Sida ka muuqata Madashan la sameeyay waxaa ku qoran Badbaado Qaran waxaana dalka laga badbaadinaya in dalka uu dibka ugu noqdo een godkii dheera ee uu ka soo baxay in uu dib ugu noqdo ee dagaaladii sokeeye iyo hayaanka loogu jiro sidii dalka uu u soo kaban lahaa “. Abdisalam Salwe ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha baaqa doorashooyinka ee Mareykanka . ” Runtii Hadalka ka soo baxay Dowladda Mareykanka Runtii Afartii sano ee la soo dhafay ee xukumaddii Madaxweyne Donald Trump , Soomaaliya kaliya ma ahe dunida oo dhan waa ay dhibaatootay waayo hogaanka mareykanka aad ayuu muhiim u ahaa oo xasiloonida iyo daganaashiyaha xadaaradda caalamka , nasiib xumo Trump arrintaas wuu badalay hadda marka markii uu yimid madaxweyne Biden adduunyada oo dhan waa ay soo dhaweysay “. WQ/ Abdirahman Sabriye Source: goobjoog.com
  18. Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow askari ka tirsanaa kuwa qaada Canshuuraha ay ku dileen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay qeybta qudaarta lagu iibiyo ee Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey askariga uu waday howl Canshuur uruurin ah, waxaana isaga baxsaday kooxdii ka dambeysay falkaasi. Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka askariga kasoo qaaday halkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqidisho ka dhacayey falal ammaan dari oo oo isugu jiro dilal qorsheysan & qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta ay Somaliland uga shaqayn waayeen Shirkadaha diyaaradaha ee Air Arabia iyo Fly Dubai. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo marti ku ahaa Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababta ay diyaaradahaasi loogu ogolaan waayay inay ka shaqeeyaan Madaarka Hargeysa ee Somaliland tahay inay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Dawladda Somaliland. Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal uu arrintaa ka waydiiyey Muwaadin ka mid ah Dadkii barnaamijkaa ka qayb-galay, ayaa yidhi “Inta aan Anigu ogahay, diyaaradahaasi Air Arabia, Fly Dubai waxa yaalla oo Dawladda Somaliland ka doonaysaa inay la gasho heshiis, laakiin Shirkadahaasina waxay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Somaliland.” Source
  20. Inantani waa mid ka mida hablaha ka hawl gala hay’adda miina saarka Somaliland ee HALO TRUST. Gabadhani waxaa ay ku hawlan tahay, oo hadda ay gacanta ku haysa soo saarinta Miino, dhulka hoostiisa lagu aasay. Iyadda oo muddooyinkii u danbeeyay ay habluhu si tartiib tartiib ah ugu biirayeen hay’adda qaabilsan Miinasaarka ee Halo Trust. Waxaa sannadahan u danbeeyay ku soo badanaya hay’adda HALLO TRUST, ku soo dhiiranayay ku biiristeeda hablaha isu xilsaaray sidii ay bulshadooda uga badbaadin lahaayeen halista Miinooyinka dhulka hoostooda ku aasan. Arrintan ayaa noqonaysa mid wax badan ka tarta dadaalkii loogu jiray Miino-saarka laga waddo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqisho, kadib safar uu maalmahaan ku joogay wadanka Turkiga. Lafta Gareen & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada & kulamada siyaasadeed ee ka socda gudaha caasimada, loogana arrinsanayo xaaladda dalka. Si kastaba shirka beri ka furmayo Teendhada Afisyooni ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka.
  22. (SLT-Hargeysa)-Badhtamihii bishii December 2020, waxa Dawladaha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis labada dhinacba Muhiim u ahaa. Heshiiskan oo dhacay, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Nairobi ku tagay booqasho rasmiya, ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Dawladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo Meeqaamka Xafiiskeeda Magaalada Nairobi. Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka. Waxa kale oo ka mid ahaa heshiiskaasi in Dal ku Galka Kenya la siiyo Madaxda Somaliland marka ay gaadhaan Kenya, iyagoo adeegsanaya Baasaaboorka Somaliland. 10 Maalmood baa ka hadhsan dhammaadka Bisha March, 2021 oo qorshuhu ahaa in la fuliyo heshiisyadaasi, laakiin ma muuqdaan Tallaabooyin loo qaaday fulinta heshiisyadaasi oo Wargeyska Geeska Afrika illaa hadda ogyahay. Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines oo ku xidha Dunida inteeda kale. Source
  23. (SLT-London)-Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan gallo qorshaha Brexit ee Ingiriiska kaga baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah. Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah ayna soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaadhayo, iyo inta illaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan kaga baxday midowga Yurub. Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada in ayna heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee. Arrinta kale ee magangelyo doonka hore isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaadhayo. Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in ayna ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan. UK ayaa hore u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan ayna weli si rasmi ah u dhaqan gelin. Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK. Source
  24. (SLT-Dimishiq)-Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay duqeymo ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya. Duqeymaha ayaa lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kurdiyiinta ee lagu magacaabo xoogagga Dimuqraadiyada Suuriya. Hay’adda xuquuda aadanaha ee la socodka xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in weerarkan diyaaradaha uu ka dhacay (Saida) oo ka tirsan deegaanka Ain Issa. Waa weerarkii ugu horreeyay oo muddo 18 bilood ah ay fuliyaan millatariga Turkiga. Ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay weerarkani iyo in uu khasaaro ka dhashay. Weerarka ayaa ku soo beegmay ka dib isku dhacyo is xig-xigay oo u dhaxeeyay xoogagga dimuqraadiyada Suuriya iyo maleeshiyaad uu Turkiga taageero. Bishii December, Ruushka iyo dowladda Suuriya ayaa dhexdhexaadin iyo hehiis dhex dhigay labada dhinac. Xukuumadda Ankara ayaa mar waliba isha ku haysa dhaqdhaqaaqa xoogagga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha dalka Suuriya. Sannadii 2019 ayay ahayd markii ciidammada Turkiga ay ka tallaabeen xudduuda Suuriya iyaga oo gudaha dalkaasi kula dagaalamayay xoogagga Kurdiyiinta. Kurdiyiinta ka dagaalama Suuriya ayaa waxaa hore gacan u siin jiray Mareykanka. Balse markii ay ciidammada Turkiga howlgalada ka bilaabeen waqooyi bari Suuriya ayaa waxaa uu Mareykanka bishii October 2019 kala baxay Suuriya ciidammadii ka joogay. Turkiga ayaa xoogagga Kurdiyiinta u arka koox argagixiso oo halis ku ah ammaanka Turkiga. Source
  25. Mogadishu (HOL) - The National Salvation Forum, Somalia's latest opposition alliance comprised of presidential hopefuls, regional leaders and a Senate Speaker, has written an open letter to Somalia's international partners blasting President Farmajo's leadership and appealing to the international community to intervene to avert a political crisis. Source: Hiiraan Online