-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Home Warar Warar Bisha Saddexaad Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin By Samiir- March 20, 20210126 Hargeysa (Geeska) – Badhtamihii bishii December 2020, waxa Dawladaha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis labada dhinacba Muhiim u ahaa. Heshiiskan oo dhacay, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Nairobi ku tagay booqasho rasmiya, ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Dawladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo Meeqaamka Xafiiskeeda Magaalada Nairobi. Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka. Waxa kale oo ka mid ahaa heshiiskaasi in Dal ku Galka Kenya la siiyo Madaxda Somaliland marka ay gaadhaan Kenya, iyagoo adeegsanaya Baasaaboorka Somaliland. 10 Maalmood baa ka hadhsan dhammaadka Bisha March, 2021 oo qorshuhu ahaa in la fuliyo heshiisyadaasi, laakiin ma muuqdaan Tallaabooyin loo qaaday fulinta heshiisyadaasi oo Wargeyska Geeska Afrika illaa hadda ogyahay. Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines oo ku xidha Dunida inteeda kale. Qaran News
-
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad kooban oo goor dhoweyd waqooyiga Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidanka Booliiska dowladda Puntland iyo Cabtooy hubaysan. Iska hor-imaadka ayaa Ciidanka iyo Cabtooyda ku dhexmaray nawaaxiga Xerada Kabidda ee waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo dableyda hubaysan ay ku iibinayeen dhalooyin khamri ah. Ciidanka ayaa doonayay in ay gacanta ku dhigaan Cabtooyda, balse uma suurta-gelin, waxaana halkaas ku dhintay nin la sheegay in uu Khamri iibinayay, halka ay ku dhaawacmeen saddex askari iyo qof shacab ah. Ciidanka Booliiska ayaa weli hawlgal ka wada xaafadda si gacanta loogu dhigo kooxo cabtooy ah oo dib ugu soo laabtay xaafaddaas. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Haramcad lagu dhex dilay Wasaarada Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Ugaandha uga tacsiyaysay Libaaxyo ku dhintay gudaha dalkaas. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, ayay kaga tacsiyaysay Geerida lixdaas libaax, inkastoo aysan sheegin sababta keentay dhimashadooda. “Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland waxay ummada bariga africa gaar ahaan shacabka Uganda uga tacsiyeynaysaa dhimashada 6 libaax.” Wasaaraddu waxay sheegtay in dhimashada Libaaxyadaas ay sii kordhinayso hoos u dhaca kala duwanaanta noolaha iyo dheelli-tir la’aanta degaanka. Waxa xusid mudan 27 February 2021, gudaha xarunta wasaaradda Degaanka Puntland si arxan-darro ah loogu dhex dilay Haramcad yar oo halkaas ku noolaa, islamarkaana aysan wasaaraddu weli ka hadlin. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo ka tacsiyaysay Libaaxyo ku dhintay dalka Ugaandha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ee Khamiistii Muqdisho looga dhowaaqay ayaa qoraal ay u direen dalal iyo hay’ado caalami ah ku dalbaday inay si deg deg ah usoo faro-geliyaan is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya. Qoraalka ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit. Madasha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad halis ah, sababtoo ah “madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guul-darreystay inuu dalka doorasho gaarsiiyo, taasi oo aheyd mas’uuliyadda madaxweynaha.” Waxa kale oo ay ku eedeeyeen inuu waxyeeleeyey dadaal iyo daaacdnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, ayaga oo tusaale usoo qaatay inuu kasoo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb 4. Madasha ayaa qoraalkeeda sidoo kale ku sheegtay in Farmaajo uu shir ku baaqay, xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde. Waxay kale oo ay ku eedeeyeen Farmaajo inuu weli sii wado inuu xasilooni darro ka abuuro dalka isaga oo ciidamo ku daabulaya gobolka Gedo, taasi oo ka hor-imaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba. Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Farmaajo uu weli sii wado inuu ciidamada qaranka u adeegsado dano shaqsi, intii ay kala dagaalami lahaayeen kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya. Madasha ayaa sheegtay in dhammaan qodobadaas, oo ay wehliyaan ficilladii dhacay 19-kii Febraayo ee lagu weeraray dibad-baxayaasha ay caddeynayaan in Farmaajo uu ku xadgudbayo awooddiisa. Waxay sheegeen in shirka shanaad ee uu Farmaajo ku baaqay xalay mar kale looga gol leeyahay in lagu raali-geliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha dalkana uu ka wado ficillo caburin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda. “Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo uusan haysan wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeeri karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa ay sheegeen inay aad u adag tahay in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo. Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, ayada oo ciidanka lagu daabulay Gedo iyo garoonka Aadan Cadde ay caddeyn u yihiin in Farmaajo uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaaday, Madasha ayaa sidoo kale ku baaqy shir madaxeed ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay si deg deg ah usoo faro-geliso xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadda oo English ah
-
GENEVA - The World Food Program is warning it may be forced to cut food rations in June for more than a million vulnerable Somalis because it does not have enough money to maintain the operation. Source: Hiiraan Online
-
Badbaafo Qaran oo ah Madashii ay ku bahoobeen Musharixiinta Madaxweynaha ee ugu culculus, Aqalka Sare, Puntland iyo Jubbaland ayaa matærkii u horaysay soo saaray Qoraal dheer oo ku socda Shacabka Soomaaliyeed iyo Wadamada daneeya ama Saaxiibka la ah Soomaaliya. Qoraalka ayaa ku bilaabanaya baahida keentay Aasaaska Madasha, Xaalada Dalku ku sugan yahay iyo fashilka Madaxweynaha Wakhtigiisubdhamaadey oo ay ku eedeeyeen inuu ku guul daraystay inuu Dalka gaarsiiyo Doorasho. Waatan Warqada oo laba bog ah The post Madasha Badbaado Qaran oo soo saaray Warqadii u horaysay oo Ku saabsan Xaalada Dalku ku sugan yahay appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-2032021.mp3 View the full article
-
PRESS RELEASE Facebook rolls out Instagram Lite to Sub-Saharan Africa and other emerging markets The new version of Instagram Lite for Android is less than 2MB in size, making it fast to install and quick to load JOHANNESBURG, South Africa, March 19, 2021/ — Today, Facebook (www.Facebook.com) has announced the launch of Instagram Lite to Sub-Saharan Africa, a new, lightweight version of the Instagram app for Android that uses less data and works well across all network conditions. The new version of Instagram Lite for Android is less than 2MB in size, making it fast to install and quick to load. It also has improved speed, performance, and responsiveness. Instagram Lite not only works similarly to the Instagram app for Android, but it allows the Instagram experience to remain fast and reliable for more people, no matter what device, platform and network they use. Commenting on the rationale for introducing the app to Sub-Saharan Africa, Engineering Manager for Instagram Lite, Peter Shin said, “Connectivity in the region can be unstable, slow and expensive, making it challenging for people to have a high-quality Instagram experience. Many people were already familiar with the concept of a Lite app after the successful roll-out of Facebook Lite some years ago. We started testing the new version of Instagram Lite when people across the continent started asking for a Lite app for Android. The feedback was very positive and we are excited to launch it across the continent today”. “Our team aims to leave no one behind, so today we are very excited to bring Instagram Lite to people in over 170 countries, including the entire Sub-Saharan Africa region,” he added. Instagram Lite is similar to the core Instagram app experience, though some features are not currently supported, such as Reels creation, Shopping, and IGTV. Instagram Lite is likely to gain appeal to users in locations with limited bandwidth or high data costs, especially in the developing world. Instagram Lite is currently rolling out in over 170 countries, and Facebook remains committed to building and improving the app to help everyone in the world connect to the people and things they love. Distributed by APO Group on behalf of Facebook. Media Contact: Idea Engineers PR agency for Facebook Africa facebook@ideaengineers.co.za SOURCE Facebook Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca xamuulka qaada ah ee loo yaqaano Indhataree ama Is-jiid ayaa caawa ku rogmaday isgoyska Siinaay oo kala qeybiya degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Gaariga rogmaday ayaa la sheegay in laga waayey wax bareeg ah, isla markaana uu bartamaha isgoyska ku dhacay, isagoo xawaare sare ku socda. Gaariga ayaa ku dul dhacay mooto Bajaaj wadada mareysay, waxaana la xaqiijiyey dhaawacyada seddax qof, in kastoo uu jiri karo khasaare kale. Sidoo kale waxaa goobta ka dhashay dab xoog leh oo haatan weli demintiisa lagu howlanyahay, waxaana gubanaya qeybta hore ee gaariga, mootadii uu ku fariistay iyo xamuulkii saarnaa gaariga. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dabku uu ka dhashay fiilooyin Koronto oo gaarigu jaray, waxaana goobta gaarigu ku rogmaday aad ugu dhow kaalin shidaal oo laga cabsi qabo in dabku ku baaho.
-
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Shacabka Soomaaliyeed sadex sano ka hor wuxuu uga digay mushkilada maanta ka taagan Dalka. Iyo damaca Madaxweyne Farmaajo uu ku haminayo oo ah in uu Xafiiska joogo labaatan sano. Hoos ka daawo Madaxweynihii hore ee Pl Gaas The post Daawo 3 sano ka hor buu Madaxweyne Gaas ka digay Villa Soomaaliya Waxay Damacsan yihiin, appeared first on . Source
-
Xalay saqdhexe wuxuu Madaxweyne Farmaajo soo daaray waraaq uu ku casumayo Shir cusub Madaxda Maamul Goboleedyada, Xili ay Beesha Caalamka iyo Madaxweynuhu ay isku ogaayeen inuu kasoo qayb galo Shirka Afisyooni ka dhici doona. Warqadaas waxaa durba ka jawaabay Puntland oo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa Qoraal kooban wuxuu saaka ku sheegay in Ay jawaab ka bixinayaan Waraaqaha marin habaabiska ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey. Hadaba Xog ay hayaan Puntlandi.com Beesha Caalamka ayaa qudhoodu ka xumaadey Hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya, waxayna qudhoodu ku Jaha wareereen Shirka Madaxweynuhu ku baaqay oo aysan xitaa ku cadeyn meesha uu ka dhacayo. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo ay gadaal kasoo riixeen qaar kamida Beesha Caalamka iyo Puntland ayaa dalbadey in baaritaan lagu sameeyo ujeedka waraaqda kasoo Baxdey Villa Soomaaliya Xalay goor dambe, James Swan wuxuu saaka Teleefoon kula hadlay Madaxweyne Farmaajo wuxuuna ka dalbadey in uu cadeeyo waxa uu yahay Shirka uu ku baaqayo. Waa sababta keentay in Wasiir Dube uu hadlo, Hadalka Wasiirku wuxuu jawaab u ahaa Dalabkii Beesha Caalamka oo ahaa in Villa Soomaaliya ay cadeyso Shirka ay ka dhawaajiyeen, Wasiir Dube wuxuu sheegay in Shirka Madaxweynuhu ku yaboohay uu yahay kan Afisyooni, Shirka Afisyooni ka dhacaya waxaa horay ugu yaboohay Beesha Caalamka , iyagaana Casumaada diray, Jubbaland iyo Puntland waxay ku yimaadeen Casumaada Beesha Caalamka. Dhinaca kalena Puntland oo ka jawaabi lahayd hadalka Xalay goor dambe kasoo yeeray Villa Soomaaliya, Way lalaabteen Jawaabtii ay bixin lahaayeen Maadaama Beesha Caalamku ay jawaab kulul siisay Villa Soomaaliya. Puntlandi.com Muqdisho The post Xog- Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ku khasbay inuu cadeeyo Warqadii uu Xalay soo saaray appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, khilaafka ka taagan iyo halka uu ka dhacayo shirka uu xalay iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Ugu horeyn wasiirka ayaa sheegay in shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo uu ka dhici doono xarunta ciidamada cirka Soomaaliya ee Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane, halkaas oo ay deganyihiin UN-ka, AMISOM, safaaradaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya. “Madaxweynuhu waa kii soo saaray casuumaadda shir ay madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah isugu imaanayaan 22-ka bishan Maarso, shirku waxa uu ka dhici doonaa Afisyooni, qaban-qaabada iyo isku diyaarinta shirkaas waxaa ku howlan xafiiska ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray markii 5-aad ku iclaamiyey shir ay isugu imaanayaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, balse qoraalkaas laguma xusin halka la isugu imaanayo ee shirkaasi uu ka dhacayo, taas oo abuurtay hadal heyn ku aadan sababta uu Farmaajo uga gaabsaday ku dhawaaqidda halka uu ka dhacayo shirkaas. 9-kii Febraayo, 17-kii Febraayo, 22-kii Febraayo iyo 1-dii bishaan Maarso ayuu madaxweyne Farmaajo iclaamiyey shirarkii fashilmay, balse waxaan la ogeyn inuu dhici doono kan uu hadda iclaamiyey markii shanaad, kaas oo loo qorsheeyey inuu Xalane ka dhaco 22-ka bishan, waxaana xusid mudan in gudaha Xalane ay hadda deganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Hoos ka Daawo
-
Hague (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay xurunta dhexe ee maxakamadda ICJ ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, isagoo ku sugan dalka Holland. Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in cudurkan laga helay saakay, isagoo doonaya inuu Soomaaliya u soo safro, maadaama ay maalmihii la soo dhaafay Holland u joogeen ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya. “Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid. Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray. Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday,” ayuu Yuusuf qoraalkiisa ku yiri. Waxa uu sheegay in uusan dareemeyn astaamaha cudurka laga sheegay ee COVID-19 ama wax xanuun ah, balse uu is karaantiilay. “Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo. Urta iyo dhedhenkana waa ii wanaagsan yihiin. Waa Allah mahaddiis. Waxaan galay is keliyeyn ama karaantiil si aanan Aadane kale u qaadsiin. Rabbi ha iga xijaabo khatarta cudurkaan igu helay dhul shisheeye,” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Yuusuf Garaad ayaa dadka aad uga wacyi geli jiray tan iyo markii uu soo shaac baxay cudurkan, waxuuna dhalinyarada ku baraaruji jiray in waalidkood oo waayeel ah iyo dadka kale oo aan xamili karin cudurkaan ay soo gaarsiiyaan, inta si fudud uga soo qaadaan magaalada.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 42 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 5 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (29) gobalka Banaadir (10) iyo Koonfur Galbeed (3) qof, 31 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 11-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,968 waxaa bogsootay 4,424 Ruux. guud ahaan 419 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka. View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’antahay qabashada doorsaho xor iyo xalaal ah, iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka uu markale ku baaqay in laga qeyb galo shir looga hadayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo 22-ka bishan ka furmaya xarunta Afasiyoone ciidamada cirka Soomaaliya. “Madaxweynuhu waxa uu soo saaray bayaan ah in la isugu yimaado shir, kana dhacayo Afasiyoone, dowladda waxa ay diyaar u tahay in doorashada la dhameystiro wixii ka dhiman, shirkana waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah”. Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta. Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xusay in Xukuumadda ay soo saartay go’aanno kale oo lagu xoojinayo go’aankii hore ee ay soo saartay ee ahaa in la yareeyo isu imaatannada goobaha dadka ku badanyihiin, isagoo xusay in muddo labo todobaad oo horleh lagu daray go’aankii hore. “Macalimiinta Iskuulada iyo dugsiyadada waxaa laga rabaa inay qaataan talaalka looga hortagayo COVID-19 muddo labo todobaad gudahooda ah, waxaa kaloo uu Maamulka Gobolka Banadir diyaariyay ilaa iyo 90 goobood oo loogu talagalay in laga qaato talaalka”. Wasiirka Warfaafinta ayaa ciidamada ammaanka faray inay gutaan waajibaadka kaga aadan go’aanada ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu faray Maamulada Hoteelada, Garoomada diyaaradaha iyo meelaha kale ee la isugu yimaado inay ilaaliyaan kala fogaanshiyaha oo ay racaan tilmaamaha caafimaadka la xiriira. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay go’aanada ka soo baxa maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isla markaana ay ka dhowrayaan natiijada ka soo baxaysa, waxaana uu wax lagu xumaado ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Kenya oo baalsan hannaanka diblomaasiyadda. “Waxaan ka hadlayaa warqad shalay Kenya ka soo baxday, waxa ay ka turjumeysaa mid aan ku saleysneyn nidaam diblomaasi ah, wey tegi weeyeen Maxkamadda, go’aanka Maxkamadda waan taageersanahay, qodobka ay cusnanayaan waa mid waxba kama jiraan ah, waayo Golaha shacabka aqlabiyad ayay ku diideen” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenada Soomaaliya u doodayay. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-2032021-OK.mp3 View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Millatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay maanta soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca Drone-ka oo la doonayey in lagu duqeeyo magaalada Khamis Mushait oo ku taalla Koonfur-galbeed waddanka Sacuudiga. Magaalada Khamis Mushait ayaa waxaa ku yaalla saldhiga ciidammada cirka ee Sacuudiga ee loo yaqaan, King Khalid Air Base. Weerarkan ayaa lagu eedeeyey kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalameysa dalka Yemen. Jimcihii shalay ayay sidan oo kale Xuuthiyiinta duqeyn la beegsadeen warshad shidaalka oo ku taalla caasimada Riyadh halkaasi oo uu dab ka dhashay. Bilowgii bishan March ayaa sidoo kale la duqeeyey kaydka shidaalka ee ku yaalla maagalada Ras Tanura bariga wadanka Sacuudiga. Source
-
Labada Madaxweyne ee Saameynta weyn ku leh Shirka ka furmaya Afisyooni Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa lagusoo waramayaa inay qaab cusub uga qayb galayaan Shirka ka furmaya Afisyooni. Labadaan Masuul ayaa qayb ka ahaa Siyaasiyiintii sameeyaya Golaha Badbaado Qaran oo u jeedkiosu yahay in Dalka ay Doorasho ka fhacdo, wararka aan helayno waxay sheegayaan in Labadaan Masuul ay Shirka Afisyooni ku matali doonaan Golaha Badbaado Qaran. Ajandayaasha ay Shirka la tagayaana waa mid ay lasoo wadaageen Golaha Dowlada jir ahna loosoo wadadiyaariyay. Sida aan xogta ku hayno Goluhu wuxuu taageero ka haystaa Beesha Caalamka oo u aragta iyana qaab lagu badbaadin karo Dalka, Puntlandi.com Muqdisho The post Deni iyo Axmed Madoobe oo badalay qaabkay uga qaybgalayaan Shirka Afisyooni appeared first on . Source
-
Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com hayaan, Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa loo dheegay inuu kasoo qaybgalo Shirka Beesha Caalamku aybisugu keenayaan Madaxda Soomaaliya si ay uwada hadalkaan. Warar Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday loo dheegay in haduu ka maqnaado Shirka aan isaga loo xayiraanayn uuna Shirku soconayo wixii kasoo baxaan ay Beesha Caalamku socodsiinayso iyadoon Cidna loo joojinayn. Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay Xalay oo ah isla kulankaan ay Beesha Caalamku ku diyaarinayso Afisyooni ayaa loo fasirannkaraa mid uu Madaxweynuhu ku qancinayo Taageerayaashiisa, isagoo u sheegaya in Isagu uu i laminat Shirka Afisyooni, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo Muqdisho u jooga ka qaybgalka Shirka Beesha Caalamka ay gogoshiisa dheceen ayaa maalmahaan ku jira Tabaabushayso ay u tabaabushaysanayaan Shirkaas. Puntlandi.com Muqdisho The post Farmaajo oo lagu khasbay inuu ka qaybgalo Shirka Afisyooni ee Beesha Caalamku soo abaabuleen appeared first on . Source
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtida maanta ah dalka Turkiga ka saaray heshiis caalami ah oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo xuquuqda ragga iyo dumurka Turkiga. Sida lagu qoray wargeyska rasmiga ah ee lagu faafiyo dikreetooyinka dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa heshiiska loogu yeedho Golaha Yurub ka saaray Turkiga. Wargeyska ma bixin faah-faahin ku aadan sababta uu Turkiga uga baxay heshiiskaasi. Hase yeeshee waxaa go’aankani cambaareeyay xoghayaha guud ee Golaha Midowga Yurub, Marija Pejčinović Burić, oo sheegtay in tallaabadani dhabarjab ku tahay dhowrsita xuquuqda aadanaha ee dumarka Turkiga. Heshiiskani oo sannadkii 2011-kii lagu saxeexay magaalada Istanbul ayaa dhigaya, in laga hortago, la maxkamadeeyo, lana cidhib-tiro rabshadaha ka dhanka ah dumarka, wuxuu sidoo kale xoojinayay sinnaanta ragga iyo dumarka. Sida ay qabaan dadka muxaafidka ah ee Turkiga, tan iyo markii ay Midowga Yurub iyo Turkiga kala saxeexdeen heshiiskaasi, waxaa sare u kacay dilka iyo weerarka sannad walbaa loo geysto dumarka Turkiga. Waxay kaloo heshiiskani ku eedeeyeen in uu sare u qaaday soo shaac bixidda ragga isu ekeeysiiya dumarka iyo in uu wiiqayo heykalka iyo qiyamka ay ku dhisan yihiin qoysaska Turkiga. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:- 1. Xayiraadaha, qaadashada tallaalka iyo talooyinka la xariira cudurka Coronavirus. 2. Iyo qodobka labaad oo ah kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya. Ugu horeyn wasiir Dubbe waxa uu sheegay in xariyaadihii labada todobaad ahaa ee horay loogu soo goray goobaha waxbarashada dalka uu hadda waqtigoodii dhamaaday, balse mar kale ay dowladu go’aamisay in goobaha waxbarashadu sii xirnaadaan laba todobaad oo kale, si looga guuleysto cudurkan. Sidoo kale bushada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo dadka ka shaqeeya goobaha muhiimka ah, ayuu ka dalbaday inay iska tallaalaan cudurka, isagoo sheegay in 90 goobood oo ku yaalla gobolka Banaadir hadda laga doona karo tallaalka Coronavirus. Kiiska badda – wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababa Kenya ay ku andacootay inay uga hartay dacwadii badda ee dhawaan ay qaaday Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ. Waxa uu sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku kalsoonyihiin waxii ka soo baxa xukunka badaas ee laga sugayo Maxkamadda ICJ. Hoos ka Daawo
-
Doolow (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe waxey magaalada Doolow ee gobolka Gedo kasoo daabuleen dhalinyaro, waxaana loo soo qaaday magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dhalinyaradaan oo da’ ahaan aad u yar yar ayaa la sheegay in laga soo aruuriyay deegaanada gobolka Gedo, waxeyna ku jireen xero ciidan oo ay tababar ku qaadanayeen, waxaana lagu soo qaaday diyaaradii shalay ciidamada iyo hubka geysay Gedo. Wararka aan ka heleyno Doolow ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ku jireen dhibow, islamarkaana loo diyaarinayay iney ka mid noqdaan ciidamada militariga Soomaaliya, loona qaado dalka Turkiga si tababar ay halkaas ugu soo qaataan, kadibna lagu celiyo Gedo. Bilihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ee loo qaadayo tababarka Turkiga ayaa badankood ahaa kuwa ku beel ah madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo. Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan horay loo arag, iyadoo dhawr jeer ay xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday geystay hub iyo ciidan walaac badan laga muujiyay sababta ka dambeysa. Sidoo kale dhalinyaradaan la keenay Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay, waxeyna kusoo aadeysaa sidoo kale xilli mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamullada Federaalka ay walaac ka qabaan in Farmaajo uu ciidan u adeegsado doorashada ama uu xukunka ku qabsado.
-
Guddiga ka hortaga Covid-19 oo ku dhawaaqay in muddo labo isbuuc kale lagu daray xayiraahda goobaha waxbarashada, Xafladaha iyo dhammaan isu imaatinada guud. Kulan uu shir guddomiye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Abuukar Cismaan Dubbe ayaa lagu gaaray go’aanka la xiriiro in la kordhiyo xayiraadaha cudurka Coronavirus. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in shirka arrimaha doorashada lagu qaban doono xarunta Afisyooni ee Muqdisho. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay hirgelinta arrimaha doorashada, islamarkaana shirkan lagu xallin doono muranka weli ka taagan hannaanka doorashada dalka. Cismaan Abukar Dubbe, wuxu sidoo kale tilmaamay in shirka ay caqabad ku yihiin siyaasiyiinta ku midoobay Golaha Badbaado Qaran, oo sida uu sheegay aan doonayn in xal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan doorashada. Ugu dambayntii, Wasiir Dubbe ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay meel kasta oo lagu qabto shirka ku saabsan arrimaha doorashada dalka, si ay dalka uga qabsoonto doorasho heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Shirka Arrimaha Doorashada Xalane lagu qaban doono appeared first on Puntland Post.
-
The United States called on Somalia on Friday to hold elections right away and end a deadlock that Washington says is threatening the strife-torn Horn of Africa country. Somalia missed a deadline to hold an election by February 8 when President Mohamed Abdullahi Mohamed, better known by his nickname Farmaajo, was due to step down, sparking a constitutional crisis in the already-fragile state. A coalition of opposition candidates now considers the president to be illegitimate and wants him to resign. “The United States is deeply concerned by the electoral impasse in Somalia, which is creating political uncertainty that threatens security, stability, and development in the country,” Secretary of State Antony Blinken said in a statement. “We call on Somalia’s federal and member state leaders to set aside narrow political objectives, uphold their responsibilities to the people of Somalia, and agree to immediately hold transparent and inclusive elections,” Blinken added. It was not the first time the US, which until January had hundreds of soldiers in Somalia, has called on Mogadishu to overcome political jostling and hold an election. Last month, the US urged the country’s leaders to find a resolution. In a statement, the US embassy in Mogadishu urged “Farmaajo and Somalia’s national leadership to act now to resolve the political impasse that threatens Somalia’s future and find agreement with Federal Member State leaders to allow the conduct of parliamentary and presidential elections immediately”. Washington said the gridlock has led to a lack of progress in the fight against al-Shabab, which continues to carry out attacks in the country.
