-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidanka Burundi ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca HirShabelle. Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig AMISOM ee deegaanka Miir-Taqwa ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay. Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi waxa ay shaacisay in ugu yaraan ay ku dileen 1 askari, kuna dhaawaceen 2 kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM, Burundi oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay in ciidankooda waxyeelo xoogan lagu gaarsiiyey. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariismaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa tan iyo aasaaskiisa shirarkii golaha dhexe ee uu qabsaday waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyiin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo labadii shir Golaha dhexe ee uu qabsaday WADDANI ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno sumcad iyo karaamo ku leh saaxadda Siyaasadda dalka,isla markaana shaxday dhigaan aan la marrin. Sannadkii 2016 Iyo Loollankii Musharrax ku- xigeenka Madaxweynaha WADDANI Bishii October Sannadkii 2016-kii ayuu Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI shirkiisii kobaad ee golaha dhexe uu ku qabsaday Magaalada Hargeysa ,kaas oo uu ka dhashay khilaafkii koobaad ee Xisbiga WADDANI ka dhex istaadhmay tan iyo aasaaskii Xisbiga,waxaanu ahaa mid ka dhashay loollankii loogu jiray jagada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI,iyadoo Guddoomiye Cirro iyo masuuliyiinta Xisbiga ay daaqada ka saareen Guddoomiye ku-xigeenka cahdigaas ee Xisbiga Axmed Muumin Seed oo kamid ahaa aasasayaashii Xisbiga, isla markaana in baddan u soo dhabar adayga xaaladdo kale duwan oo isku arkayey isagu markaas inuu xaq uu leeyahay inuu Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga noqdo,balse taa baddelkeeda waxay Guddoomiye Cirro iyo kooxdiisii hawshaas la wadday ay wakhtigaas keeneen oo loo coddeeyey inuu Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka noqdo Maxamed Cali Aw Cabdi oo xiligaas ahaa nin ku cusub saaxada Siyaasadda,haseyeeshee la weriyey in danno kale duwan lagu soo xushay. Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiin kale oo kamid ahaa aasasayaashii Xisbiga WADDANI, kuwaas oo ka cadhooday qaabka loo maamulay shirkaas iyo cugashadii Maxamed Cali iyo caydhintii Seed ayaa waxa ka dhashay inay xubnihii ka biyo diiday shirkaas ay ku bahoobaan garabka Toosinta WADDANI,waxaanay kamid ahaa Ex Wasiir Hinda Gaani , Wasiir Axmed Muunin Seed , Xildhibaan Faarax Dheere, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Siyaasin kale, kuwaas oo ku biiray markii dambe Xisbiga tallada dalka haye ee KULMIYE, waxaanay door weyn ka qateen gushii Xisbiga KULMIYE uu ka gaadhay doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday sannadkii 2017-kii. Sannadkii 2019-kii Iyo Shirkii Labaad ee Golaha dhexe ee WADDANI Shirkii labaad ee Golaha dhexe ee Xibiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dabayaaqadii bishii September sannadkii 2019-kii ka qabsoomay Magaalada Burco, kaas oo isagu aanu jirin khilaaf weyn oo ka curtay ama uu ka tegay marka laga reebo xubno qaadacay shirka oo ka biyo diiday,kuwaas oo aan ka qayb-gelin ee ka baxay Xisbiga Dhanka kalene marka laga yimaado shirarkaas waxa jiray khilaafyo kale duwan kuwaas oo ka dhex qarxay Masuuliyiinta Xisbiga,isla markaana uu ku lumiyey Xisbigu xubno mihiim ahaa,isla markaana ay qaarkood ahayeen aasasayaashii Xisbiga,kuwaas oo ay kamid ahayeen Siyaasi Maxamed Cabdilaaahi Uurcade Xoghayihii Guud ee Xisbiga iyo Mujaahid Boobe Yusuf iyo Marwo Faadumo Siciid iyo xubno kale oo dhawaan is casiley oo kamid ahayeen Mujaahid Cabdi Haybe iyo xubno kale, waxaana marka aad eegto iscasilaada masuuliyiintan oo xiliyo kale duwan iska casiley Xisbiga aad moodaa inay isku mid tahay. Si kastaba ha-ahaatee xisbiga WADDANI ayaa shaaciyey inuu shirkii saddexaad ee Golihiisa dhexe ku qabsanaya magaalada Hargeysa 30-ka bishan March ee sannadka 2021-ka, kaas oo u muuqda inuu ka xaararada kulul yahay labadii shir Gole dhexe ee uu hore u qabsaday Xisbigu maddaama lagu jirro xili doorasho, iyadoo ay hadda siyaasiyiin dhawr ahi qaadaceen isna casileen,halka qaar kalena ay guuxayaan, waxaana muuqata ifafaale muujinaya inuu Xisbiga WADDANI uu lumin doonno masuuliyiin miisaan kulahaa Xisbiga isla markaana door weyn ka soo qaatay guulihii Xisbiga,waxaynu dhawrnaa waa 30-ka bishan Maraj ee sannadkan 2021-ka iyo qabsoomida shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Smaliland ee WADDANI. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland waxa sarre u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19, sidoo kalena tirada dhimashada ayaa kor u kacday. Tan iyo intii uu soo laba kacleeyay caabuqa Covid-19, ayaa waxa uu xanuunku si xawli ah ugu fidaya badiba gobollada Somaliland. Gobollada Saaxil iyo Togdheer ayaa lagu warramaya in ay safka hore kaga jiraan, tirada dadka uu caabuqu haleelay iyo Dadka u dhimanaya. Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 19-kii Maalmood ee bishan u horreeyay uu Xanuunka Covid_19 uu Magaalada Burco ku dilay 10 Qof, halka 668 Qof oo Xanuunka laga baadhay laga helay 224 ka mid ah, arrintaasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay. Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu xanuunka ka baadhnay 668 Qof, waxa laga helay 224 Qof, 19-kii Maalmood ee u dambeeyay bishan March, dadka Burco ugu dhintay Xanuunka Covid_19 waa 10 Qof..” Sidoo kale, Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo waraysi siinayay idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay xaaladda Covid-19 ee gobolkaasi, waxaanu yidhi “625 qof ayaa la baadhay waxaana laga helay 161 qof, waa tiro aad iyo aad u saraysa, saddex qof ayaana sanadkan u dhintay” ayuu yidhi Dr. Bashiir. “Xaaladda xanuunku way soo kordhaysaa, waxaan aad iyo aad ugu boorinaya bulshada in ay dareenkooda na siiyaan oo anay kaftan u qaadan waxan aanu maalin walba ka hadlayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Bashiir. Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii 100 qof la baadho 20-30 ka mid ah caabuqa laga helo taasi oo muujinaysa kor-u-kac xawli ah. Dhanka kale, badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa bulshada gobolka ku booriyay in ay is baadhaan “Waxaan ka codsanayaa dhammaan reer Togdheer Qofkii isku arka qufac in uu is baadho, waa bilaash, waalla baadhayaa, haddii laga helana waa la karantinimaynayaa, haddii laga waayana gurigiisa ayuu tagayaa” ayuu yidhi Guddoomiye Xayd. Sidoo kale, waxa Xaalad aan wanaagsanayn laga soo sheegayaa Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Af-weyn, waxaana la sheegayaa inay kordhayaan Dadka u dhimanaya Xanuunka Covid_19. Ugu dambayn, guud ahan Somaliland tirada guud ee caabuqa laga baadhay tan iyo sanadkii hore waa 35,363, tirada dhimashadu waa 98 qof halka 1913 qof na ay ka bogsadeen. Arbacadii Toddobaadkii hore, ayaa waxa Somaliland soo gaadhay Tallaalka Covid_19, kaasi oo Somaliland loogu deeqay, waxaana laga yaabaa in toddobaadkan gudihiisa la bilaabo in Shaqaalaha Caafimaadka lagu bilaabo. Source
-
Riwaayad Laga Sameeyay FARMAAJO Oo Qasbatay Baraha Bulshada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Muqdisho)-Saacadahii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heystay riwaayad laga sameeyay xaaladda dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta Universal TV ayaa toddobaadkaan sii deysay muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada, waa qeyb ka mid ah sheekooyinka isbuuclaha ah oo ay soo daayaan. Sheekada Guuxa Dadweynaha ayey qeyb ka aheyd, waxaana qeybtaan loogu magac daray, Dalkaan haloo daneeyo, Hadii Kale..”. Riwaayadaan waxaa hormuud u ah nin dab wata kaas oo wixii tallo ahaa inta diiday, xalka uu noqonayo iney la hadlaan beesha caalamka iyo UN-ka, taasoo si cad ay ugala jeedaan Farmaajo. Muuqaalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli beesha caalamka ay cadaadis xoog badan saarreyso hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay oo maanta soo baxay lagu sheegay wada fadhiistaan kana heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source -
MOGADISHU, Somalia – At least one African Union soldier was killed and two others wounded in an ambush attack on army camp near Mahaday town, some 120 km north of the capital Mogadishu. The attack took place in Mirtuugo area, triggering fierce fighting between al Shabaab and African Union soldiers, a witness, who asked to be anonymous, said. He says heavy weaponry could be heard. Somali armed group al Shabaab says it has killed an African Union soldier from Burundi and wounded two others in the attack through its website. Shabelle Media could not independently verify the casualty claims. The African Union mission was unavailable to reach on the phone for comments on the latest attack and claims made by al Shabaab. al Shabaab, an al Qaeda linked group has been battling African Union troops and the Mogadishu-based-government for more than ten year. The insurgent group has lost major towns to Somali army and African Union troops, but it still holds large swaths in south of the country. Earlier this month, the militant group launched a mortar attack on Halane camp housing African Union and UN offices and other foreign diplomatic missions in the capital, Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah looga dareemaya diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka, kaas oo lagu wado inuu maanta ka furmo Teendhada Afisyoono oo ku taalla xerada Xalane. Shirkan oo ah mid xasaasi ahaa ayaa waxaa garwadeen ka ah beesha caalamka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda watigoodu dhammaaday ee dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnah musharraxiinta mucaaradka. Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana goobta ka dhacayo shirka la wareegay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Beesha caalamka oo garwadeen ka ah shirkan waxa ay shaacisay in madaxda Soomaaliyeed aan laga aqbali doonin kala teg, iyada oo aan heshiis la gaarin. Si kastaba shirkan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada.
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM & Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Miir-taqwa, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday labo ka mid ah ciidamada AMISOM. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi & dagaalka ka horreeyey intaba. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM ee koonfurta & bartamaha dalka. View the full article
-
Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale shirkani ay ka qeyb-geli doonaan madaxdii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah musharraxiinta. Beesha caalamka ayaa garwadeen ka ah wada-hadallada u dhexeeya dhinacyadan oo la doonayo in xal looga gaaro is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo kala guur ah, waxaana dib u dhacay qabsoomida doorashooyinka, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Abdirahman Dhabanacad ayaa sheegay in markale ay suura gal tahay in uu fashilmo shirka Muqdisho ka furmaya . Dhabanacad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in aanan lagala tashan dhinacyada shirka ka soo qeyb galaya Ajendaha shirka . Wasiir Maxamed Abdirahman Dhabanacad ayaa yiri “Ajendaha kulanka la filayo ee loo dhan yahay ee doorashooyinka waa in lala tashadaa oo ay isku raacaan dhammaan daneeyayaasha ay khusayso. Ajendaha qayb ahaan sidan oo kale ah wuxuu u horseedi karaa fashil shirka. Qoraalka ayuu soo dhigay Twitter-ka xilli saacada kooban ay ka dhiman yihiin Shirka Arrimaha Doorashooyinka dalka . Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Twitter=ka oo ku qoran Luqadda Ingiriiska Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed ka soo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesco Madeira uu la kulmay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo musharixiinta mucaaradka. AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Francesco Madeira madaxda uu la kulmay ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka la filayo in maanta Muqdisho uu ka furmo ee u dhexeeya madaxda dowlada federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir. Danjire Francesco Madeira ayaa sheegay in ammaanka goobta xeyndaabka AMISOM ee shirka uu ka dhacayo ay si dhameystiran gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM,isla markaana ay damaanad qaadayaan ammaanka guud inta uu shirka socdo iyo marka uu soo dhamaado. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu rajeenayo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda siyaasadeed oo kaashanaya AMISOM iyo beesha caalamka ay ka soo qeyb gali doonaan shirkaasi. Ugu danbeyn Francesco Madeira ayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida uga mahad-celiyay sida ay iskuugu raaceen shirkaasi oo muhiim u ah qabsoomidda doorashooyinka dalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale madax goboleedyada la safan, kaas oo xalay saq-dhexe ka qabsoomay xarunta Villa Somalia. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynayaasha kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sheegaya in hoggaanka Villa Soomaaliya & dhinacyada kale ee la safan ay ka wada-hadleen shirka lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Afisyooni. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyadan ay diiradu saareen sidii ay ajendi ay ku mideysan yihiin ula tegi lahayeen shirkan oo ah mid xasaasi ah, loogana arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Dhankooda madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & musharraxiinta mucaaradka ayaa iyaguna yeeshay kulamo horudhac u ah midka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeyndaabka Xalane, kaas oo ay garwadeen ka tahaya beesha caalamka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana isha si aad ah loogu hayaa shirka ka dhacaya Teendhada Afisyoono, kaas oo ay amnigiisu la wareegtay AMISOM.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2232021.mp3 View the full article
-
War ka soo baxay Taliska Ciidamada Midawga Nabad ilaalinta Africa ee AMISOM ayaa lagu sheegay in gebi ahaan Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo ay sugeyso AMISOM . Qoraalka ayaa lagu xusay in saacadihii la soo dhaafay uu Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, uu kulama la qaatay Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweeynaha Jubaland, Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ee Hirshabeelle, Raiisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Danjire Madeira wuxuu kaloo qadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Maamulka KGB C / casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Dhamaan hogaamiyaashan siyaasadda Soomaaliya . Francisco ayaa Mas’uuliyiintaas kala hadlay Ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka . Qoraalka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa sidoo kale lagu yiri “Danjire Madeira ayaa sheegay in dhinacyada farsamada iyo amniga ee kulanka ka dhici doona gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle la dhameystiray”. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa damaanad qaadi doona amniga kahor, inta uu socdo iyo kadib kulanka. Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida, shacabka iyo daneeyayaasha kale in AMISOM, iyadoo la kaashaneysa la-hawlgalayaasheeda, ay diyaarisay talaabooyin lagama maarmaan ah si loo hubiyo in kulanka uu ku qabsoomo jawi wanaagsan, amni leh oo nabdoon oo dhinacyada oo dhami dareemaan. raaxo leh in laga qaybqaato. Ayuu yiri Danjire Madeira. “Waxaan si kal iyo laab ah u bogaadinayaa madaxda Soomaalida ee ku soo shiray magaalada Muqdisho isla markaana ogolaaday in la qabto kulankan muhiimka ah si loo xaliyo arrimaha taagan si doorasho u dhacdo”, ayuu raaciyay Danjire Madeira Sikastaba Madaxda Dowlad gobaleedyada qaar ayaa horay u sheegay in aysan ku kalsoonaan karin shirka Amnigiisu Villa Soomaaliya ay Sugeyso. Source: goobjoog.com
-
Waxaa Saacadaha soo soccdo filaya in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka , xubna ka tirsan Midawga Musharixiinta uu ay ka mid yihiin Madaxweeynayaashi hore ee dalka. Kulanka ayaa waxaa looga arinsan doona sidii xal looga gaari lahaa doorashada waqtigeeda dhaaftay ee Soomaaliya . Ajendaha shirka ayaa waxa uu noqon doona in kulama hor dhac ah ay qaatan Madaxda kulmeysa , kulamadaas hor dhaca ah ayaa waxa garwadeen ka ah Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Mandera . Hoos Ka Akhriso Ajendaha Shirka Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU - Somalia’s government says it is making a commitment to conduct delayed presidential and parliamentary polls after the U.S. urged the leadership to hold transparent elections. On Friday, U.S. Secretary of State Antony Blinken said leaders should set aside “narrow political objectives” and “uphold their responsibilities to the people of Somalia.” Source: Hiiraan Online
-
Daawo:Wasiirka Cadaalada Somaliland oo war cusub soo saaray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Badhan, ayaa markii u horraysay ka hadlay weerarkii Somaliland maalin ka hor ku qaadday Degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag. Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa ku baaqay in la difaaco dadka Rayidka ah ee ku nool Shidan, kadib markii Ciidanka Badda Somaliland ay halkaas ka gaysteen weerar sababay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac. Odayaasha ayaa sheegay in aysan jirin Nabad dambe oo laga wada-hadlaa, maadaama Somaliland ay jebisay Heshiiskii hore ee Nabadda Degaanka, islamarkaana si cad u weerartay Shacab aan waxba galabsan. Sidoo kale, Odayaasha ayaa sheegay in Shacabka Degaankaas laga difaaci doono weerarka Somaliland. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Odayaal ku baaqay in Shacabka Degaanka Shidan laga difaaco Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadahii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heystay riwaayad laga sameeyay xaaladda dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta Universal TV ayaa todobaadkaan sii deysay muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada, waa qeyb ka mid ah sheekooyinka isbuuclaha ah oo ay soo daayaan. Sheekada Guuxa Dadweynaha ayey qeyb ka aheyd, waxaana qeybtaan loogu magac daray, Dalkaan haloo daneeyo, Hadii Kale..”. Riwaayadaan waxaa hormuud u ah nin dab wata kaas oo wixii talo ahaa inta diiday, xalka uu noqonayo iney la hadlaan beesha caalamka iyo UN-ka, taasoo si cad ay ugala jeedaan Farmaajo. Muuqaalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli beesha caalamka ay cadaadis xoog badan saareyso hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay oo maanta soo baxay lagu sheegay wada fariistaan kana heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka. HALKAAN KA DAAWO:
-
Qaran News
-
Waa khasab in madaxda maamul goboleedyada ay Muqdisho ku sugnaadaan” War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliya ay haatan doonayaan in la qabto doorashada. The people of #Somalia want elections now. @SaidAbdullahiDe @PresidentMadobe @MrQoorqoor @AliGuudlaawe @Laftagareen must stay in Mogadishu until an election agreement is reached. Failure is not an option. https://t.co/ORiVN4Mzfy — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 21, 2021 Mareykanka wuxuu madaxda maamul goboleedyada ‘ku amray in Muqdisho ay ku sugnaadaan tan iyo inta looga heshiinayo hannaanka doorashada ee Soomaaliya. Qaran News
-
Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay Amniga Goobta lagu qaban doono Shirka Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Francisco Madiera ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay mas’uul ka yihiin Amniga xarunta AFISYOONI ee Shirka lagu qabanayo. Ambassador Madiera ayaa caddeeyay in AMISOM ay dammaanad-qaad ka yihiin Xaqiijinta Amniga xarunta AFISYOONI Shirka ka hor iyo kadib, islamarkaana la dhammaystiray Shaqadii Guddiga Amniga u qaabilsan Shirka. Wuxu sheegay in AMISOM ay dhammaan dhinacyada kala shaqaynayso in Shirka AFISYOONI ku qabsoomo hannaan xasiloon iyo jawi ammaan ah oo lagu kalsoonyahay. PUNTLAND POST The post AMISOM oo si buuxda u dammaanad-qaadday Amniga Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
