Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War qoraal ah, oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga hadlay warbixinada shaki gelinta ah ee ku saabsan talaalka COVID-19 oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay. Wasaaraddu waxay sheegtay in talaalka uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana badqabkiisa ay tijaabiyeen khubaro caafimaad oo caalami ah oo ka tirsan hey’adda WHO iyo hey’adda caafimaadka Midowga Yurub ee EMA. Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalalkii dhowaan si ku meel gaar ah u hakiyay talaalka ay hadda sheegeen in ay dib u bilaabayaan isticmaalkiisa. “Khibradda aan u leenahay ka hor taga cudurada lagula dagaalamo talaalka iyo baaritaanada lagu sameeynay macluumaadka la xiriira talaalka COVID-19 ayaa na faraya in Oxford Atrazeneca lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  2. Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar dhanka Cirka ah oo Kooxda Xuutiyiinta ay ka geysteen meel ka mid ah Gudaha dalka Sacuudiga. War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda Xuutiyiinta ay weerar argagaxiso ku qaadeen Magaalada Khamis Mushait, iyaga oo weerarkaas u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku rakibeen. Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Sauudiga, isla markaana ay ka caawineyso ilaalinta amnigeda iyo badqablkjeeda dhuleed. “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd,” ayaa lagu yiri bayaanka. Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda. View the full article
  3. Madasha Badbaado Qaran oo maalma ka hor maaalada Muqdisho looga dhawaaqay ayaa war murtiyeed dheer waxa ay u direen beesha caalamka . Golaha oo ay ku mideysan yihiin Midawga Musharixiinta , Madaxda maamulada Jubbaland , Puntland iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare . Qoraalka ay soo saareen Madasha ayaa waxa ay Beeshaa caalamka ugu sheegeen in Farmaajo uu ku fashilmay sidii dalka uu doorasho uga qaban lahaa. Warka ka soo baxay Madasha Badaado Qaran ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo uu dagaal ka abuurayo Gobalka Gedo , oo maalma ka hor uu ciidama geeyay . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo Baxay Madasha Badbaado Qaran Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo u xiran dowladda Farmaajo, ayaa fariin aad u culus u diray madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ugu digay inuusan ku qatalmin siyaasiyiinta asal deegaankoodu yahay Muqdisho ee kasoo horjeeda. Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuusan ku qatalmin kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda kuwaasi oo uu Xasan Dahir ku tilmaamay kuwo aan la dhayalsan karin, dibna loo eego taariikhdoooda isagoona tusaale usoo qaatay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo awooddeeda aheyd ciidamadii Itoobiya iyo siyaasiyiin yar oo kasoo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wax u tari waayay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, lagana saaray Muqdisho. “War ninyahow aniga waxaan kugula talin lahaa kiiskaan haku ceeboobin, labo meelood ayaan marka kaa tusaa, mid waxaa weeya dadka eeda kaala dhaxeyso waa dadkii Maxamed Siyaad Barre oo markaasi awood haystay xukun adagna haystay nimankii meesha ka saaray weeye, waa kuwee, Mogadishu Clan iyo Daarood waaye, Daarood waa ka dhalatay laakiin waxay ahaayeen Majeerteen, Ogaadeen iyo Mogadishu Clan, seddaxdaasi waaye kuwii dowladdii dumiyay, haddana waxaad iska soo horjeedaan waa seddaxdaasi,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo muuqaal uu soo duubay kula taliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo. Xasan Dahir ayaa sheegay in seddaxdaasi qabiil in ay dowlad 20 sano jirsatay inay hilfaha u qaadeen, isagoona yiri “Walaaloow Nimankaasi ha isku baclaalin, nimankaasi niman sahlan maaha ma sagaaraa ka liidataa.” Xasan Daahir ayaa fariintiisa intaa sii raaciyay in Farmaajo uu yahay shaqsi dadka fududeysta oo aan dhageysan, qofka dadka fududeystana uu mar walba ku ceebeebo mas’uuliyadda. “Sharciyadda waa kaa dhamaatay, haddaad xoogtidna dadkaani waa dadkaasi Farmaajo dhegaha iyo caqligaaga fur, nimankaan Hawiyena waa nooc gaar ah, meeshana xidido kuma lihid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys. Xasan Daahir ayaa tusaale usoo qaatay awoodii Cabdullaahi Yuusuf uu ku yimid Muqdisho isagoo haystay siyaasiyiin Mogadishu Clan sida Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Dheere oo awood kusoo galay Muqdisho kadibna la eryey. “Walaaloow Cabdullaahi Yuusuf oo Amxaaro wata oo Xamar dabbaabaad kusoo galay ku caqli qaado oo weliba daad Mogadishu Clan ah watay, meeshaanina ma joogi kartid haddaadan xidido ku laheyn, nimaankani sii jeedka ayey ku roon yihiin, haddii ay soo jeestaan waa kuu dhamaatay, Siyaad Barreba dad Mogadishu Clan ayuu ku watay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. “Ninka la yiraahdo Cali Maxamed Geeddi wuxuu badbaadin lahaa Cabdullaahi Yuusuf, waa ku sharaf seegan yahay Amxaaro anigaa keenay, laakiin Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle wax ay kuu tarayaan ma jirto, Eebaa og haddii xabad dhacdana safkeey galayaan runtaan kuu sheegayaa, dadkaani ma ahan dad aad isku haleyn kartid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys. Mar uu ka hadlayay adeegsiga awood ciidan, isagoona soo hadal qaaday taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin, wuxuuna ku barbar dhigay taliyihii nabad sugida dowladdii Kacaanka Siyaad Barre xiligii ugu danbeeyay kaasoo ahaa Axmed Saleebaan Dafle oo la garan og-yahay, awoodii ciidamadeedna ay difaaci waayeen mucaaradkii xukunka ka tuuray Siyaad Barre oo dhalinyaro ku hubeysnaa kaarabiin xukunka ugu tuuray, dadka maanta joogana ay sameyn doonaan wixii dhacay 1991-kii. Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa fariintiisa ku sheegay inuu u baqayo in dalka Farmaajo u horseedo in gobolada dalka u qeybsamaan maamulo hoostaga Kenya, Itoobiya iyo kuwo gooni u istaaga. Fariinta Sheekh Xasan ayaa ah middii ugu cusleyd ee uu ugu hadlo marxalada dalka ku sugan yahay isagoo kuwa uu dhaliilayo xabsi guri ugu jira. Hoos ka daawo Xasan Daahir W/Diyaariyay Ali Muhiyaddiin Caasimada Online London
  5. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Information Osman Abukar Dubbe rejected questions surrounding President Farmajo and his administration's legitimacy since his constitutional mandate expired nearly six weeks ago. During a press conference on Saturday, Dubbe pushed back against calls for Farmajo to step down, adding that the government has been actively working on a myriad of issues facing the country. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Wrka-Subax-2132021.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadii Xasan Cali Kheyre Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlayay barta Club House oo dhalinyaro badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku doodo ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda Farmaajo, arrimo qarsanaa, iyo halka uu dalka ku socdo. Goodax Barre ayaa sheegay in dowladdan ay tahay mid fowdo iyo qas u taagan balse xukuumadii uu la shaqeynayay ee Xasan Cali Kheyre ay aheyd mid ka shaqeyneysay wanaag iyo xal joogto ah. “Dowladii aan ka tirsanaa ma aheyn qaswadayaal, laakin tan waxey wadaa qas iyo fowdo, dhibaatada ugu wayn ee dalka kajirta waxay ka socotaa Villa Somalia,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Club House Dhanka kale Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si weyn u amaanay maamulada Puntland iyo Jubbaland isaga oo sheegay iney dalka badbaadiyeen islamrkana ay badbaadin doonaan. Waxa uu Goodax uu tilmaamay inuu car qaladeeyay maamulada Puntland iyo Jubbaland doorashooyinkii madaxtimo ee ka dhacay balse uu ku guul dareestay waxaana uu si gaar ah u xusay in Puntland uu ku bixiyay 2 Milyan oo Dollerka Mareykanka. “Puntland iyo Jubaland waa labada maamul oo ka madax bannaan Farmaajo. Puntland faragelin toos ah ayuu ku sameeyay doorashadii… Nin uu wato ayuu Minnesota ka keenay, xog ayaan u hayaa inuu 2 Milyan Dollar ku bixiyey.. waana ku fashilmay… Jubbaland waa la ogaa, wixii waanwaan laga soo shaqeeyay ee Xasan Kheyre hormuud u ahaana Farmaajo ayey ka socon waayeen… Labadaas maamul ee Farmaajo ka madax bannaan ayaa Soomaaliya badbaadin doona..,” ayuu yiri Wasiirka. Hadalka Goodax ayaa ku soo aadaya xili dalka uu kijiro xaalad hubaanti la’aan ah oo laga cabsi qabo in Farmaajo uu dalka geliyo dagaal maamdama uusan u diyaarsaneyn inuu doorasho galo sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Mogadishu-Somalia
  8. Almost two months after the clashes in Beled Xaawo town on January, thousands remain displaced in nearby camps and villages, putting a strain on the camps and communities scarce resources. Source: Hiiraan Online
  9. College student Ahmad Mahmuod has helped San Diego go on “survival mode” while also fighting the social justice wars. Source: Hiiraan Online
  10. Xukuumadda Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkii khasaaraha dhaliyay ee shalay Somaliland ku qaadday degaanka Shidan iyo xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan degaankaas. Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxa ku sugan wasiiro iyo taliyaal ciidan oo ka tirsan Puntland, balse ma jiro hal mas’uul oo weli ka hadlay ama ka tacsiyeeyay shacabka lagu laayay weerarkii Shidan. Mas’uuliyiinta Badhan jooga waxa kamid ah wasiirada Amniga iyo Maaliyadda Puntland, oo ay weheliyaan Taliyaha ciidanka difaaca iyo saraakiil kale. Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta Puntland uga jawaabi wayday weerarka ama xataa uga tacsiyayn wayday khasaarihii loo gaystay shacabka ku dhaqan Shidan. PUNTLAND POST The post Puntland oo weli ka aamusan weerarkii Somaliland ku qaadday Shidan appeared first on Puntland Post.
  11. Ramla Ali dominated Bec Connolly over six rounds, winning 60-55 on the referee's scorecard at the SSE Arena in Wembley ahead of Lawrence Okolie's WBO cruiserweight title fight against Krzysztof Glowacki Source: Hiiraan Online
  12. About 31 million people are facing severe food insecurity and in need of urgent assistance Source: Hiiraan Online
  13. Abdifatah Absiye Du’aake was informed of the death of his sister, Asha, at the hands of people smugglers in Libya just a week after paying $9,000 ransom money that he had collected from among his relatives abroad. Source: Hiiraan Online
  14. Iimaamka Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay Talaalka Covid-19 & waxa diintu ka qabto Maalmaha Soonka,Inuu Soonka jebinaayo & Inkale haddii laysku dur adoo sooman Sheekh Cabdiraxmaan Bin C/casiis Bin C/llaahi Al-sudeysi ayaa shaaca ka qaaday in talaalka COVID 19 maalmaha bisha barakeysan ee Ramadaan la isku duri karo Soonkana uusan ka jabeynin qofka hadii uu qaato talaalka isagoo Sooman. Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah madaxa labada Masaajid ee Xarameynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul Munawara ayaa sheegay in talaaalka COVID 19 uusan ka mid aheyn waxyaabaha buriya Soonka iyo gudashada waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dad badan oo Muslimiin ah ayaa shaki weyn ka muujinayay waxa aay diinta islaamka ka qabto talaalkan iyo in la isku duri karo maalmaha bisha Ramadaan, kuwaas oo si weyn uga walwal sanaa inuu talaalka ka burin karo Soonka. Hadalka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi ayaa kusoo beegmaya xili bisha barakeysan ee Ramadaan aay inaga xigto maalmo kooban oo aay dadka Muslimiinta ahna u diyaar garoobayaan. Qaran News
  15. Xiisad colaadeed ayaa weli ka aloosan degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag, halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Ilaa lix ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii shalay, kadib markii ciidanka badda Somaliland iyo malayshiya-beeleed is garabsanaya ay weerar xooggan ku qaadeen degaankaas Shidan. Dagaalka ayaa ku salaysan dhul ballaarsi iyo macdan qodis Somaliland ka waddo Shidan iyo nawaaxigeeda, taas oo ay ka horyimaadeen shacabka degaanka ee ka soo jeeda dhinaca Puntland. Dagaalka ayaa dib u qarxay kadib markii Somaliland ay horraantii bishan macdan qodis ka bilowday degaanka oo mudda sanado ah ay ka jirtay colaad u dhexaysa laba beelood. PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo ka loosan degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  16. UK oo soo saartay war farxad u leh dadka magangelyo doonka ah Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan galo qorshaha Brexit ee Ingiriiska ugu baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah. Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah aysan soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaarayo, iyo inta ilaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan ugu baxday midowga Yurub. Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada ineysan heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee. Arrinta kale ee magangelyo doonka horay isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaarayo. Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in aysan ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan. UK ayaa horay u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan aysan weli si rasmi ah u dhaqan gelin. Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK. Qaran News
  17. Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah Geeddi-socodka taariikhda, haweenku aalaaba waxay ahaayeen laf dhabarta bulshooyinka iyo aas-aaska xasiloonida iyo horumarka umadaha. Ogaanshiyaha kaalinta gabdhaha Muslimiinta ah ay ku leeyihiin bulshada, dugsiyada sare ee New Zealand ayaa hadda soo kordhinaya barnaamij cusub oo lagula dagaallamayo aragtida qaldan ee laga qabo gabdhaha Muslimiinta ah. “Dadku inta badan waxay u maleeyaan in haweenka Muslimiinta aan xor ahayn ama ay yihiin kuwa lagu sanduleeyo howlaha ay ka hayaan guryahooda,” Anjum Rahman, oo ah afhayeenka Golaha Haweenka Muslimiinta NZ ayaa u sheegtay saxaaafadda. “Sidaas darteed ayaan u dooranay sheekada 13 haween oo shaqooyin kala duwan ka haya guryaha iyo goobaha shaqada si aan u iftiimino wax-ku-oolnimadooda,” ayay intaas kusii dartay. Rahma ayaa quudareynaysa barnaamijkan cusub inuu noqdo mid wax ka beddela wacyiga bulshada ee la xiriira gabadha Muslimadda ah. “Dhinaca walba oo aad ka eegto, haweenku waa safka hore kuwa kaga jira horumarinta kaabayaasha nolosha,” ayay tiri. Golaha Haweenka Muslimiinta New Zealand ayaa wasaaradda wax-barashada u gudbiyay dalabkan oo ahaa mid ayyidaya fahamka bulshada ee ku aadan xaqa gabadha Muslimadda. Islaamka ayaa soo gaaray NZ bilowgii 1900 ilaa 1960. Tira badan oo Muslimiin ah oo kasoo yaacay Fiji ayaa soo gaaray NZ. Xaruntii ugu horreysay ee Islaami ah waxaa la furay sannadkii 1959. Maanta, guud ahaan waddanka waxaa ku yaalla dhowr masaajid iyo xarumo kale oo Islaami ah. Qaran News
  18. Ex-wasiir Yuusuf Garaad oo ka mida Gudidii Xukumada Farmaajo u dirtay Dacwada Badda ICJ oo Holland lagu xayiray+Sababta Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay xurunta dhexe ee maxakamadda ICJ ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, isagoo ku sugan dalka Holland. Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in cudurkan laga helay saakay, isagoo doonaya inuu Soomaaliya u soo safro, maadaama ay maalmihii la soo dhaafay Holland u joogeen ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya. “Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid. Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray. Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday,” ayuu Yuusuf qoraalkiisa ku yiri. Waxa uu sheegay in uusan dareemeyn astaamaha cudurka laga sheegay ee COVID-19 ama wax xanuun ah, balse uu is karaantiilay. “Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo. Urta iyo dhedhenkana waa ii wanaagsan yihiin. Waa Allah mahaddiis. Waxaan galay is keliyeyn ama karaantiil si aanan Aadane kale u qaadsiin. Rabbi ha iga xijaabo khatarta cudurkaan igu helay dhul shisheeye,” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Yuusuf Garaad ayaa dadka aad uga wacyi geli jiray tan iyo markii uu soo shaac baxay cudurkan, waxuuna dhalinyarada ku baraaruji jiray in waalidkood oo waayeel ah iyo dadka kale oo aan xamili karin cudurkaan ay soo gaarsiiyaan, inta si fudud uga soo qaadaan magaalada. Qaran News
  19. Maalinta Farxadda adduunka & xaalka waddamada carbeed+Labada Dal ee ugu farxada badan Carabta Qaramada midoobay ayaa 2012-kii, 20-ka Maarso u asteysay in sanadwalba loo dabbaal dego maalinta farxadda adduunka. Ujeeddada maalintan loo asteeyeyna waxay qaramada midoobay ku sheegtay in dadka dunida ku nool la dareensiiyo muhiimadda farxaddu ay leedahay. Haddaba maalinta farxadda dunida oo Sabtidi shalay ahayd ku beegneyd waxaa baraha bulshada la isku dhaafsanayey mowduucyo la xiriira farxadda gaar ahaanna farxadda ka jirta waddamada carabta. Maxay yihiin shuruudaha heerka farxadeed lagu cabbiro? Sideedaba micnaha farxaddu waa mid ay dadku ay ku kala duwan yihiin ama farxadda qofba si ayuu u yaqaannaa waddamadana sida oo kale waa ay ku kala duwan yihiin. Balse qaramada midoobay oo maalintan farxadda dunida asteysay waxay ku macneysay ‘qofka sida uu noolashiisa ugu faraxsan yahay’. Laga soo billaabo 2012-kii qaramada midoobay waxay soo saareysay warbixin sanadla ah oo ay ku muujineysay cabiirka farxadda ee u yaalla waddamada dunida. Shuruudaha farxadda lagu cabbirana waxay qaramada midoobay ay ku soo koobtay lix shuruudood, kuwaasoo kala ah wadarta wax soo saarka gudaha (GDP), celcelis ahaan da’da ay dadku noolaadaan, xorriyadda ay u haystaan go’aan gaadhidda, waxaa intaasi wehliya tayada adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, musuqmaasuq la’aanta iyo heerka caddaaladda. Balse warbixinta sanadkan qaramada midoobay ay ka diyaarisay farxadda adduunka waxaa lagu saleeyey sida uu cudurka safmarka ee korona fayras uu noolasha dadka u saameeyey iyo sida ay dowladaha safmarkaasi uga jawaabeen. 149 dal oo warbixinta daraasadda lagu soo qaatay waxaa sanadkan 2021-ka dalka dunida ugu farxadda badan ay marki afaraad u dooratay dalka Finland. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda 22 dal waxay ahayd mid wanaagsan. Waddama dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Aasiya wey ka wanaagsanaayeen kaalmihi ay sanadkii hore galeen, halka Shiinaha oo sanadki hore ku jiray kaalinta 94-aad uu sanadkan galay kaalinta 84-aad. Finland “Kaalinta ugu horreyso ayey ka gashay dadaalka ay u gashay badbaadinta arrimaha ay muwaaddiniintu ka mideysan yihiin ee quseeya noolasha iyo hab-noolaleedka bulshada inta uu socday cudurka safmarka” ayey yirahdeen khubarada daraasadda sameysay. Hase yeeshee, hal dal oo waddamada carabta ka mid ah kuma jiro 10-ka dal ee farxadda dunida sanadkan ugu horreeya ee la shaaciyey. Inkasta oo liiska waddamada carabta si gooni keligood loo diyaariyey ay kalmaha ugu horreya uga jiraan waddamada khaliijka. Wakaaladda wararka ee Faransiiska waxay sheegtay, khubaradu iney sheegeen warbixinti kal hore ay diyaariyeen marka la barbar dhigo cilmi-baadhayaashu iney ogaadeen cudurka safmarka ee Covid-19 seddex meelood meel waddamada dunida inuu saameyn taban uu u geystay. New Zealand waa dalka keli ah ee waddamada midowga yurub ka baxsan ee ka mid noqday 10-ka dal ee duniga ugu farxadda badan Warbixinta qaramada midoobay ay soo saartay 10-ka dal ee ugu farxadda badan waxay ku sheegtay iney yihiin: Finland Denmark Switzerland Iceland Netherlands Norway Sweden Luxembourg New Zealand Austria Waddamada Carabta inkasta oo ay 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan soo gelin haddana 149 dal ee dunida Imaaraadka wuxuu kaga jiraa kaalinta 25-aad, halka Sacuudigana uu kaalinta 26-aad uu kaga jiro. Turkigana wuxuu ku jiraa kaalinta 104-aad, Pakistan kaalinta 105-aad halka dalka Afghaanistaanna uu galay kaalinta 149-aad ee ugu dambeysa. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii tagay magaalada Muqdisho ka socda wada-tashiyo iyo kulamo u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta. Kulamadan oo bilowday markii uu caasimadda yimid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo HirShabelle Cali Guudlaawe. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa, kadibna la isku afgartay saddex qodob oo kala ah: Qabsoomidda shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, Midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni, iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada. Si kastaba, ma cadda haddii madaxweynayaasha taabacsan Farmaajo ee Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay ilaalin doonaan ballanta ay qaadeen, maadaama horey ay ballamo badan uga baxeen marka ay ka tageen musharaxiinta. In Farmaajo laga wareejiyo amniga iyo doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo maamulka amniga iyo doorashooyinka dalka, islamarkaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo in madaxda maamulka goboleedyada ay qaataan kaalintooda arrimaha doorashada. Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8, markii uu muddo xileedka ka idlaaday. Tanaasulka musharaxiinta: Midowga musharaxiinta ay ku war geliyey madaxda maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa ka qeyb-galka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale, sidoo kalena Farmaajo uu iska wareejiyey maamulka amniga iyo doorashada dalka, islamarkaana saxiixo warqad uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisa dhammaaday oo aanu qaadan karin wax go’aano dastuuri ah. Mucaaradka ayaa rumeysan inaysan sii cakirin xaaladda dalka ayaga oo ku adkeysanaya ka qeyb-galkooda shirka, waxaana ay ku kalsoon yahay, sida la sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay matali karaan. Isha: Goobjoog
  21. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya howl-gal ciidamada ammaanka dowlad goboleedkada Puntland saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen koox ka ganacsata waxyaabaha maanka-dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga. Wararka ayaa sheegaya in kadib howl-galka ay iska caabin ciidanku kala kulmeen ragga ka ganacsanayey maan-dooriyaha, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka labada dhinac, iyada oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay ku sugan ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Si kastaba dhowaan madaxweyne Deni ayaa amray laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga deegaanada maamulkaasi, kana hortegaan waxyaabaha maanka-bedala.
  22. London (Caasimada Online) – Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan galo qorshaha Brexit ee Ingiriiska ugu baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah. Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah aysan soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaarayo, iyo inta ilaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan ugu baxday midowga Yurub. Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada ineysan heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee. Arrinta kale ee magangelyo doonka horay isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaarayo. Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in aysan ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan. UK ayaa horay u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan aysan weli si rasmi ah u dhaqan gelin. Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK. Ali Muhiyaddiin Ali Xafiiska London
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaankaan ay ku xaqiijineyso bad-qabka tallaalka cusub ee Coronavirus, kaas oo dhawaan la keenay Soomaaliya, waxayna wasaaraddu beenisay warbixino ay ku tilmaantay been abuur, kuwaas oo halis caafimaad ka muujinayey tallaalkaan. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in hey’adda caafimaadka Yurub ay todobaadkii hore dabagal iyo xaqiijin ku bilaawday tallaalka Oxford/Astrazeneca, maadaama laga baahiyey warar abuuray halis cusub oo caafimaad, taas oo qaar ka mid ah dalka caalamka ku kaliftay inay dadkooda ka hakiyaan qaadashada tallaalkaas. Dabagalkii ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Yurub ((MA) iyo Hay’adda Caafimadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda kale oo caafimaadka ka shaqeeya ayaa xaqiijiyeen waxtarka tallaalka Oxford/Astraeneca, waxaana la xaqiijiyay in uu ka madax-banaan yahay wax khatar ah, waxayna u fasaxeen dawladihii hakiyay inay dadkoodu qaadan karaan, waxaana ku dhaqaaqay istimaalka tallaalkan hadda ku dhaqaaqay dalal badan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Khibradda aan u leenahay ka hortaga cudurada looga hortagi karo tallaalka iyo baaritaanada aan ku sameynay dhammaan macluumaadka la xiriira Tallaalka Covid-19, ayaan nafareysa in aan ku kalsoonaano Tallaalka OXFORD/ASTRAHNECA, si uu uga qeyb qaato dabar-goynta cudurka Covid-19.” Ugu dambeyntii qoraalka wadaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda waxay umadda Soomaaliyeed la wadaageysa in ay wararka iyo talooyinka caafimaad ka qaataan Wasaardda Caafimaadka, Hay’adda Caafimaadka Aduunka iyo soojeedinta khubarada caafimaadaka ku xeel dheer. Tallaalka COVID-19, wuxuu qeyb wayn ka qaadanayaa ka badbaadinta dadkeena cudurkaan halista badan ee aad ugu faafay Adduunka.”
  24. Muqdisho (Caasimda Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay weerar dhanka cirka ah oo ay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ku qaadeen magaalada Khamis Mushait oo ku taalla gudaha dalka Sacuudi Carabiya. Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyso weerarkaasi oo ay ku tilmaamay inuu ahaa mid argagixiso, sida ay hadalka u dhigtay. Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay aad uga xun-tahay weerarkaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda Xuutiyiinya dalka Yemen. “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay mar-weliba garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga. “Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda,” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Cambaareynta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay Xuutiyiinta ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan dalka Sacuudiga.