Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - An electoral conference organized by the Somali government opened on Monday in the capital despite two regional Presidents snubbing the talks. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay’adaha UNHCR, WHO, UN OCHA WFP iyo kuwo kale. Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland. Masuuliyiintan ayaa sheegay in Jubaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo Xaalada kale ee bini’aadantinimo taas oo ay qeyb ka tahay sidii loo abuuri lahaa qorshe waara oo lagaga hortagayo Xaaladaha noocan oo kale ah. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay ayaxa ku habsaday qeybo badan oo Jubaland kamid ah iyagoo balan qaaday in ay Jubbaland ka tageeri doonan sidii dhibaataas ay uga soo kaban lahayeen beeraleeyda iyo xoolaleeyda deegaanka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  3. Saaka Waxaa kulan ku yeeshay Teendhada Afisyooni Madaxweyne Farmaajo iyo Garankiisa Shirkasoo ay ku macneeyeen inuu gogol xaar uvyahay Shirka wadatashiga. Dhinaca kale waxaa Xalane shir uga socdaa Badbaado Qaran oo iyana ka shirsan Xaalada Dalku ku sugan yahay. Warar Madaxbanaan waxay sheegayaan in saaka ay Ciidamada Amisom ay galbinayren Maduuliyiinta ka timid Villa Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo, Taasina waxay muujinaysaa in loo hogaansamay Amarkii Beesha Caalamka ee ahaa inaan Ciidamo kalasoo gali karin Afisyooni. Kulanka ka dhacay Afisyooni wuxuu ku koobnaa Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulada taageersan iyo Raysal wasaaraha, wuxuu socdey mudo laba saac ah ka dibna waa lagu kala tagay. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shirku uu hordhac u ahaa Shirka Wadatashiga. Puntland iyo Jubbaland waa ka maqnaayeen Shirkaan. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay hada la kulan sanyihiin Xubnaha kale ee Madasha Badbaado qaran. Wixii kasoo baxa kulankaas kala soco halkaan Puntlandi.com Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa maanta ka dhacay Muqdisho oo labogarab kukala shigeen appeared first on . Source
  4. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa oo ka dhacay agagaarka garoonka Baardheere lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta qaraxa lala eegtay aysan waxyeelo kasoo gaarin miinada loo dhigay, kuwaas oo la sheegay inay sii wateen socdaalkooda. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Baardheere oo ku aadan qaraxaasi. Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii dambe ciidamada Xoogga ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo madaxweynayaashii hore ee dalka oo ku mideysa Madasha Badbaado Qaran ayaan kasoo qeyb-gelin shirka Afisyoone ee beesha caalamak ay garwadeenka ka tahay, ayada oo shirka ay tageen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabacsan. Saakay, Farmaajo iyo saddexda maamul ee taabiciyiinta ah ayaa tagay Afisyooni waxeyna ku yeesheen shir la mid ah midkii ay xalay ku yeesheen Villa Somalia, maadaama aysan soo xaadirin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo goor sii horreysay oo xalay aheyd sheegay iney saluugsan yahiin ajandaha shirka, lana rabo in la marin habaabiyo waxa la rabo in laga hadlo. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto afar qodob ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah: 1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. 2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada. 3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. 4 – In laga tala-geliyo Ajandaha shirka oo xalay shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni. 5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February. 6 – In wada-hadallada shirka laga qeyb geliyo Mucaaradka iyo Aqalka Sare si xal loogu helo dhamaan tabashooyinka Soomaaliya. Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey xalay ku heshiiyeen in shirka lagu soo koobo kaliya natiijadii kasoo baxday shirarkii labada maalin ee guddiga farsamada ku yeesheen Baydhaba 15-kii iyo 16-kii February. Sidoo kale waxey isla garteen in xubno ka socda midowga musharaxiinta aan loo ogolaan iney talo ku yeeshaan waxa lagu heshiinayo, walow qudbado la siiyay madaxweynayaal hore sida ku cad ajandaha Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday wuxuu doonayaa in shirka dhan lagu soo koobo wixii la isku diiday shirkii Dhuusamareeb 4 oo ay ka mid ahaayeen arrinta gobolka Gedo, Guddiyada Doorashada iyo arrinta Somaliland. Dhanka kale labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo ku lamaanan midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxey doonayaan in laga hadlo ka hor shirka qodobadaan soo socda:
  6. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Wuxuu xeeriyey: Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD View the full article
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Khatarta xanuunka COVID-19 uu ku hayo ummadda Jamhuuriyadda Somaliland waa mid maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa. Guud ahaanba gobollada dalka, min bari ilaa galbeed, xawaaraha uu xanuunka COVID-19 ku fidayo, tirada dadka uu soo ridayo iyo dadka inagaga dhimanayaba si weyn ayay u kordheen, sida ay muujinayso shaxda hoose: Source
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2232021.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar madax bannaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ay shir ku leeyahiin gudaha xerada Xalane, lana filayo iney la hadlaan saxaafadda. Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yahiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe) iyo (Saciid Deni) oo ay ku lamaanan yahiin midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxeyna gabi ahaan kasoo horjeesteen shirka uu ku baaqay Farmaajo ee saakay ay soo xaadireen maamullada taageersan dowladda iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Warbaahinta madaxa bannaan ayaa looga yeeray xarunta uu shirka uga soconayo madasha Badbaado Qaran sida ay ilo wareedyo halkaas ku sugan sheegeen, waxeyna doonayaan iney saxaafadda la hadlaan kana hadlaan waxa ku saabsan shirka teendhada Afisyooni iyo waxa ay ku diidan yahiin. Puntland ayaa xalay war qoraal ah oo ay soo saareen ku diiday ka qeybgalka shirka la sheegay inuu ka dhacayo teendhada Afisyooni maadaama sida ay sheegeen aysan ku qancin ajandaha Shirka oo xalay baraha bulshada lasoo dhigay. Diidmada Puntland iyo Jubbaland ayaa imaaneysa xilli beesha caalamka iyo dowladda Mareykanka ay shalay si adag ula hadleen hogaamiyayaasha Soomaalida, waxaana muuqata in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay si adag u diidan yahiin shir ay sheegeen iney marin habaabineyso Villa Soomaaliya. Waxaa jira qodobo badan oo la isku diidan yahay ka hor inta uusan furmin shirka, waxaana laga yaabaa iney saxaafadda uga warbixiyaan waxyaabaha ay ku diidan yahiin ka qeybgalka shirka teendhada Afisyooni. Wixii warar ah ee kasoo kordha shirkaas, Caasimadda Online kala soco.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay shirka wada-tashiga ee Afisyooni, kaas oo u dhexeeyo dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya uu guddoomiyey kulan gaar ah oo hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka. Sida lagu shaaciyey qoraalka waxaa shirkan ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawqe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya laguma soo hadal qaadin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin hoolka Afisyooni oo uu shirku ka dhacayo. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadaasi hoggaamiye oo si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka cabanayaan hannaanka loo maray shirkan oo ah mid xasaasi iyo ballamo ay sheegeen in looga baxay. Si kastaba arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka xoogan ee hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.
  12. The president of Somalia has arrived at Afisyoni which is scheduled to host a conference of government, regional governments, and Benadir region. Also, in the presence was Prime Minister Mohamed Hussein Roble. The parties held a preliminary meeting for a national conference on finalizing elections and implementing the September 17, 2020 agreement. It is also noteworthy that the two presidents of Puntland and Jubbaland, who are refusing to attend the conference, are absent from the conference hall on Monday. View the full article
  13. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta furay shirkii 3-aad ee uu ku sheegay ‘shir horudhac ah’ oo ay ka maqan yihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland. Shirarkan horudhaca waxaa ay dhaceen maanta oo Afisyooni ah marka lagu daro, gudaha Villa Somalia oo shir ka dhacay 21-kii Febraayo iyo Dhuusamareeb 1-dii Febraayo. Shirarkaas waxaa joogay madaxda ologga la ah Farmaajo sida Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xaraa ra’isul wasaare Rooble. Source: goobjoog.com
  14. Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post ka heshay Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran oo dhowaan lagu as’aasay Muqdisho. Shirkan oo looga tashanayo marxaladdda kala-guurka ah iyo muranka Arrimaha Doorashooyinka, waxaa ka qayb-galaya dhammaan dhinacyada ku midaysan Golaha Badbaado Qaran sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Shirka oo la filayo in uu goordhow ka bilowdo gudaha Xarunta Xalane, ayaa ku soo beegmay xilli uu saacad ka hor xarunta AFISYOONI ee Muqdisho ka furmay Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada taageersan oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhinacyada ayaan ku heshiin, Shirka guud ee ku saabsan xallinta muranka Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo la qorsheeyay in uu maanta ka furmo Xarunta Afisyooni ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran appeared first on Puntland Post.
  15. Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland soo gaaray diyaarad sidda Talaalka xanuunka Covid-19 . Talaalkan oo laga qaaday magaalada Muqdisho laga qaaday ayaa la filaya in la gaarsiiyo dadka ku nool deeganada Maamulka Jubbaland . Astrazeneca ayaa todobaad ka hor ka bilaawday magaalada Muqdisho , iyadoo Jubbaland ay noqoneyso Maamulki labaad oo uu gaaro talaalka, Horay ayuuna waxa uu u gaaray talaalka maamulka Puntland . Deeganada Jubbaland ayaa waxa ay ka mid yihiin deeganada Muddooyinkii u dambeyay uu ku soo laba kacleynayay xanuunka Corona Virus . Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni oo lagu balamay in lagu qabto shirka dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa iyaguna jooga ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamullada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Duqa Muqdisho. Dhinacyadan ayaa yeeshay kulan hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020-kii. Sidoo kale waxaa xusid mudan in shirka ay ka maqan yihiin labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo diidan ka qeyb-galka shirkan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  17. Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaa hadda ka furmay shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada taageersan, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la xaqiijiyay in ay ka baaqdeen Shirka maanta bilowday ,kaas oo uu maalmo ka hor iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, si loo xalliyo muran ka aloosan Arrimaha doorashooyinka dalka. Xukuumadda Puntland ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qayb-geli doonin Shirka maadaama sida ay tilmaantay aan lagala tashan Ajandaha Shirka. PUNTLAND POST The post Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada taageersan oo shir uga furmay xarunta Afisyooni ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, madaxda maamul goboleedyada dalka ee taabacsan & guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray Teendhada Afisyooni oo uu maanta ka dhacayo shir looga hadlayo is mari-waaga doorashooyinka. Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirku ka dhacayo aysan weli tegin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xeyndaabka Xalane, kuwaas oo si weyn uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in madaxweye Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu guddoomiyey kulan horudhac ah oo ka dhacay Afisyooni, kaas oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa ahaa mid horudhac u ah shirka maanta ka dhacaya Afisyooni ee ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana looga arrinsanayo doorashooyinka. Shirkan oo ah mid isha lagu wada hayo ayaa waxaa amnigiisa sugayo ciidamada AMISOM oo damaanad qaaday, maadaama uu jiro kala shaki weyn. Si kastaba shirkan ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada dalka.
  19. Hormuud Salaam Foundation oo looga bartey ineey gacan ka geeysato xaaladaha adag ee lasoo gudboonaado dadka Soomaaliyeed ayaa Maanta $50,000 oo dollarka Mareykanka ah Ugu Deeqday Gurmadka Abaaraha ee ka jira Gobolka Gedo. Horrmuud Salaam Foundation waxaa aay 50,000 oo doolarka mareekanka ku wareejisay Al-Raxma Foundation oo oo ah hey,ad maxali ah oo ka shaqeysa GOBOLKA GEDO, haatana Biyo dhaamin iyo gurmad ka wada Godolka GEDO. Munaasanad lacgtaasi lagu wareejinayay ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Maamulaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo tilmaamay in gurmadkan uu qeyb ka yahay Kaalamada Hormuud Salaam Foundation markastaa la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed Wuxuuna sheegey inaanay deeqdan noqon midii ugu danbeeysey, horayna aay gacan uga geysan jireen markastaa oo xaalad adaga kasoo gudboonaato Gobolka Gedo, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ineey ka qeybqaataan gurmadka. Madaxa fulinta Al-Raxma Foundation Maxamed Aadan Waadi ayaa gudoomay lacgta 50-kan ee doolark mareekanka oo Hoormuud SaaamFoundation ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyada la’aanta ka jirta Gobolka Gedo wuxuuna uga mahad celiyay Hormuud Salaam Foundation sida ay uga jawaabtay baahida ka jirta gobolka gedo wuxuuna ka codsaday dadka soomaliyeed gaar ahaan ganacsada inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka walaaleheen ah ay abaaruhu saameeyeen. hormuud salaam foundation ayaa aalaaba gacan weyn ka geysata kaqeyb qaadashada ugurmashada shacbiga soomaaliyeed xiliyada ay soo wajahaan abaaraha. View the full article
  20. (SLT-Muqdisho)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay teendhada Afisyooni gaadheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, raysal wasaaraha xukuumadda xil gaadhsiinta Maxamed Rooble iyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Waxaa kale oo goobta ku sugan teendhada Madaxweyneyaasha Galmudud Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhammeystiro heshiiskii September 17 iyo is afgaradkii guddiyada farsamo ay ku gaadheen Baydhabo 15-16-kii bishii hore. Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay doonayaan in ajendaha lagu koobo wixii kasoo baxay guddiga farsamo ee Baydhabo iyo qodobadii 3-da ahaa ee lagu kala kacay Dhuusamareeb 4 ee kala ahaa: Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu darro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxeexo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay u matali doonaan iyo arrimo kale. Dad xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland aysan ka qayb geli doonin shirka Maanta ka dhacaya Aviazone iyadoo Ay ku sababeeyeen in Laga baxay qaybo kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay in shirka ay ka qayb galaan. Somalilandtoday.com kals soco wixii warar ah ee ka soo kordha Source
  21. (SLT-Ceerigaabo)-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Dagaalka Deegaanka Shide ee ku teedsan Xeebta Gobolka Sanaag oo ay habeen saddexaadkii isku fara saareen Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Laba Beelood oo walaalo ah oo ka mid ah beelaha wada Dega Gobolka Sanaag ayaa wali xaaladdiisu tahay mid adag inkasta oo ay bilaabmeen waanwaan labada dhinac loogu kala dab qaadayaa. Habeen saddexaadkii ayay ahayd markii dagaal culus oo la isku waa’ bariistay illaa barqanimadii uu dhex maray maleeshiyaad ka kala tirsan beelihii dhawaanahanba deegaankaasi ku muransanaa dhawr jeerna ku dagaalamay Deegaankaasi oo dhinaca xeebta kaga beegan Waqdariya ahna deegaan ku teedsan xeebta Gobolka Sanaag. Sida ay nagu soo gaadhayaan warrakii ugu dambeeyey ee aanu deegaankaasi ka helayno oo xog-ogaal ahi, Abbaaro1-dii habeennimo ee saqda dhexe ee habeen-saddexaad ayaa dhallinyaro maleeshiyaad ahi deegaankaasi Shida ku dagaalameen iyada oo illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 4 qof oo lababa dhinac ahayd oo ka tirsanayd maleeshiyaadka dagaalamay halka dhaawacuna la xaqiijiyey in uu tobaneeye ku dhaw yahay. Sidoo kale dagaalkaasi oo socday illaa galinkii hore ee maalintaasi ayaa waxa ay labada dhinac kala qabsadeen maxaabiis iyo gaadiid iyada oo saacado dhaadheer lagu dagaalamay deegaankaasi. Xaaladda ayaa imika yar qabawday oo deggan iyada oo odayaal dhaqan oo ka kala socda labada dhinac ay soo gaadheen deegaanka shaqaaqadu ka dhacday ee labada beelood ee walaalaha ahi ku dagaalameen, waan waantuna socoto. Sidoo kale madaxda heer Gobol ee Sanaag iyo heer Degmo ee Magaalada Ceerigaabo oo ay weheliyaan taliyayaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada qaranka ayaa xaaladdan waanwaanta ah gurmad ka galay oo odayaasha dhaqanka xoojiyay iyada oo marka hore lagu dadaalayo in xabadda la joojiyo kadibna nabadayn loo dhaqaaqo si xal looga gaadho xaaladdan colaadeed. Deegaankan Shide iyo jiidaha ku hareeraysan ee lagu dagaalamay ayaa ka mid ah dhulka aaggaasi oo isla sidan oo kale ay labadan beelood hore dhawr jeer ugu dagaalameen iyada oo aan wali xal waara laga gaadhin iyada oo deegaankani uu hodan ku yahay macdanta dahabka ah. Source
  22. Suldaan Mawliid Cali Ibraahim “Sabayse” oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa si adag ugu jawaabay Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo doraad ka hadlay Sarkaaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo la xidhay, Suldan Mawliid Sabayse waxa uu ku eedeeyay Suldaanka inuu gaf ka galay Ciidanka Qaranka islamarkaana waxa uu u soo jeediyay inuu arinaasi ka waantoobo, farahanna kala baxo arimaha Ciidanka Qaranka. Suldaan Mawliid Sabayse oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaad moodaa Salaaddiintii inay baryahan dambe, qabyaalad qaawan oo aan Geedna loogu soo gaban iyo kala kaxayn iyo waxyaalo badan ay Tv-yada kaga hadlaan, Markaan u soo noqdo Suldaan Barre, waa nin Suldaan ah, Waa nin oday ah, Xalay wuxuu ka hadlayay nin Sarkaal ah oo ku xidhan Miiska Saraakiisha, Ciidanka Qaranku waa badhida Somaliland ku fadhido, waa Astaatiin Qaranka, Astaanka Qaranka Cidda qudha ee lihi Waa Ciidanka Qaranka Somaliland”. Waxa kale oo uu yidhi: “Saraakiisha iyo Jananka Sharci ayaa ka dhexeeya, anigu Eex ka hadli maayo, dhinacna u xagli maayo, laakiin waxaan sheegayaa ka suldaan ahaan, suldaankaasi Xalay gafweynbuu galay, wuxuu farogaliyay Ciidankii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidankana in saxaafadda la walqiyo oo Saaxafadda lagaga hadlo, oo cid kasta oo shicib ihi ka hadasho waa qalad, Ciidanka Qaranku waa astaanta qudha ee Qaranka u taagan, nin kasta oo Madaxweyne noqda iyo nin kasta oo masuul noqda iyagu way u siman yihiin, Xalay Suldaankaasi Ciidankii ayuu kala soocay, waxa uu eed u soo jeediyay ninka la yidhaa Nuux Ismaaciil Taani” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Nuux waa Janankii Ciidanka Qaranka, haddii Saraakiishiisa ay dambi galaan, waaxay leeyihiin Nidaam sharci oo loo raaci ama loo maro, ninka sarkaalka ahi dambi waa gali karaa, waa qaldami karaa, laakiin rool ma uga banaan yahay Salaadiinta inay intay Tv-ga soo fadhiistaan ay Saraakiishii Ciidanka Qaranka iyo jananka isku dhiidhiyaan, aniga waxay illa tahay inay arintaasi foolxumo tahay, inaan Jananka Ciidanka Qaranka iyo saraakiishiisa iyo sharciga u yaala waxaan leeyahay haloo kala baxo, haddaaanu ninka la yidhaa Doolaal dambi lahayna, maxkamad ayuu leeyahay Ciidanku, haddii uu dambi leeyahayna maxkamad ayuu leeyahay” Sidoo kale waxa uu yidhi “Asalba inaynu TV kaga hadalno arin Madaxda Ciidanka Qaranka dhexdooda taagan inay tvyadda kaga hadalno, waxaan leeyahay ciddii hore uga hadashay iyo cidda iga dambaysaba halaga didibsado, oo Ciidanka Qaranka iyo janankiisaba haloo kala baxo, imika halkan ka sheegi maayo waxay Suldaanka iyo Doolaal isku yihiin, laakiin Taariikhda ayaa sheegi doonta, ma qurux badna Hiilka noocaasi oo kale ahi, Hebel hala badelo iyo shaqadii ayaad kasoo bixi wayday, iyo ciidankiibaad baabiisay, waxaan leeyahay suldaan Barre, faawil faro badan ayaad gashay, arin badan oo aan kuu oolin ayaad ka hadashay, waxaad ku talaxtagtay illaa shaqsiyaddii jananka, ninkaad u hadlaysaanna waa sarkaal, taariikhdii uu halganka ku lahaanna Cidina masixi mayso, dambi haddii uu galay adna ma masixi maysid, Nuuxna dambi aanu lahayn raacin maayo, adigase waxaa kaaga qurux badnayd, hadalku intuu afkaaga ku jiro ayuu amaano yahay, waxaad tidhi Maxkamad halasoo joojiyo, haddii uu Xukun ku dhaco ma udanbaa, waxaan leeyahay baryahan dambe Ciidanka Qaranka Farogalin badan ayaa lagu hayay, salaadiinta iyo cid kastaa Ciidanka Qaranka Faraha kala baxaan,wadanka sharci ayaa ka jira iyo nimaad, ciidanku sharci ayuu ku dhisan yahay, suldaan Barrena waxaan leeyahay arinkaasi Cumaadda ayaa kaga dhacdaye dib ha ugu noqon arinkaasi, ciidanku waa ciidankaagii, inay kala dirno oo aynu nidhaa kala yaaca, waa ayaan darro iyo Ceeb”. Ayuu yidhi Suldaan Mawliid Sabayse Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ciidamo la dul-dhigay, kuwaas oo uu tilmaamay inay gudaha u galeen garoonka Aadan Cadde. Wasiir Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin ciidamo la geeyey garoonka diyaarada magaalada Muqdisho, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah. Dubbe ayaa sidoo kale xusay in madaxweyne Deni si qaldan wax loogu sheegay, maadaama isaga uusan banaanka u soo bixin, sida uu hadalka u dhigay. Cismaan Abuukar Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu xiriiro la sameeyey taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana ay u xaqiijiyeen in aan ciidamo la geyn garoonka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan dowladdooda iyo wada-hadallada socda ee xal-raadinta ah. Ugu dambeyn wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah, islamarkaana ay iska horkeenayaan ciidamada iyo madaxda Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib wareysi uu Siciid Deni siiyey BBC-da, kaas oo uu ku sheegay in lagu soo weeraray xerada Xalane, islamarkaana lasoo galiyey ciidamo daacad u ah madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
  24. Wararka ka imaanaya teendhada Afisyooni ayaa sheegaya in goordhow ay halkaasi gaareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen. Waxaa kale oo goobta ku sugan teendhada Madaxweyneyaasha Galmudud Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhameystiro heshiiskii September 17 iyo is afgaradkii guddiyada farsamo ay ku gaareen Baydhabo 15-16-kii bishii hore. Waxaa jira ajendeyaal is khilaaf oo kasoo baxaya shirka iyada oo aan la ogeyn kasoo qeyb galka Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubblanad iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo dooddda ugu weyn ka qabay arrimaha ajendaha shirka. Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay doonayaan in ajendaha lagu koobo wixii kasoo baxay guddiga farsamo ee Baydhabo iyo qodobadii 3-da ahaa ee lagu kala kacay Dhuusamareeb 4 ee kala ahaa: Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland. Maamu goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu daro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay DF u matali doonaan iyo arrimo kale. Wixii soo kordha kala soco halka. Goobjoog News Source: goobjoog.com