Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaaden ayaa ka qayb galay kulan balaaran oo maanta ka dhacay Hoolka shirarka Madaxtooyada Jubbaland, Kulankasoo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka saxda Sadex Hay’adood oo Qaramada Midoobay ah oo fadhigoodu yahay Nairobi. Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Andelmouda ayaa Wafdiga hogaaminayay, Wafdiga waxaa kamid ahaa WHO Hay’ada Caafimaadka Aduunka, WFP Hay’ada Cunada ee QM, UN OCHA Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan ka jawaabida iyo Qiimaynta Gargaarka degdega ah , Waxaa kaloo kamid ah Wafdiga UNHC Hay’ada Qaxootiga Aduunka, waxaa Wafdiga weheliya Hay’ado gaara NGO fadhigoodu yahay Nairobi. Ujeedka safarka waxaa ugu weynaa laba qaybood oo horay ay Jubbaland uga qaylo geysay ayna dalbadeen jawaab degdeg ah, labadaas arimood oo kala ah.. Cudurka Covid19 qaabka Jubbaland looga caawinayo, talaal iyo qalabkamlagula tacaalo Abaaraha Gobolka Gedo oo Jubbaland ay dalbatay in si deg deg ah looga jawaabo Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo khudbad ka jeediyay Shirka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Gobolka Gedo ka abuurtay Colaad Siyaasadeed oo saamaysay nolosha Bulshada, Wuxuu raaciyey in hada Gobolka ay ka jirto Abaar baaxad weyn oo jawaab bini’aadanimo u baahan. Hay’adaha wuxuu kula dardaarmay in lakala saaro Dagaal siyaasadeedka ka jira Dalka iyo ugatgaarida Shacabka iyo in lagubiyo kaalmada Gobolka loogu talaalo inay gaarto Dadka u baahan. Wuxuu Madaxweyne Xigeenku sheegay in Ciidamada ku sugan Gobolka ay kala solcayaan Shacabka tasoo keentay in Dad baahan aysan helin adeegyo Caafimaad iyo cuno. Wafdiga ayaa balan qaadey iney sushis ula soconayaan Xaalada Gobolka Gedo. Sawirada hoos ka daawo The post Kulan looga hadlayo Abaaraha Gobolka Gedo oo Qaramada Midoobay ay ku qabteen Kismaayo appeared first on . Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe waxaa maanta Teendhada Afisyoone ka furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, kaas oo furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland. Haddaba maxaa dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka? Su’aashaas iyo kuwo kaleba waxaa la hor dhigay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka oo ay wareysatay BBC. “Haddii ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa dhici kara in ay doorashadu sii jiitanto, murankanina uu sii daba dheeraado,” ayuu yiri Prof. Jibriil Cali. Isagoo sii halaayey ayuu yiri,”Maadaama ay madaxda Puntland iyo Jubaland dhagaha ka fureysteen baaqii madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.” Prof. Jibriil ayaa rajo ka muujiyey in khilaafka doorashada uu ugu dambeyn kusoo biyo shuban karo is afgarad dhinac walba ah. “Waxaan rabaa inaan Umadda Soomaaliyeed u sheego dalkan Soomaaliya waxa hadda wadahadlaya waa siyaasiyiin dano ka wada murmaya, oo aan xabad iyo hub isu wadanin, arrintaasna waa guul, shacabka Soomaaliyeed-na ma dirirsana. Dowladana nagu xeeran markaad eegto, dhammaantood dhibaatadaas ayey wada qabaan, Itoobiya waad ogtahay in aysan doorashadii ka dhici, dalka Kenya isagana doorashadii ugu dambeysay intay maxkamaddu burburisay ayaa mar kale lagu celiyay,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay dhibkaan siyaasadeed iyo is qabqabsigaan uu ka jiro guud ahaan caalamka, gaar ahaan mandaqaddan ay Soomaaliya ku jirto ee Geeska Afrika. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay walaac uga muujiyay ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo, waxayna soo bandhigeen shuruudo hor leh, si ay ugu biraan shirkan u furmay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada taabacsan.
  3. Warar kala duwan ayaa laga baahinayaan Diyaarad Turkigu leeyahay maanta Muqdisho soo caga dhigatay, durbadii hore waxaa la shaaciyey in Diyaaradu ay wadeen Qalab Malatari laakiin Xaqiiqdu sidaas ma ahan. Diyaarada Ciidamada Turkigu waxay maanta Muqdisho keentay Agab Caafimaad oo u badan Dawooyin noocyada kala duwan. Dawooyinka Kaalmaatiga u ah la dagaalanka Covid19 iyo Dawooyin Nafaqo u badan oo Looguvtalagalay Dadka Abaaruhu sameeyeen ayaa kamida waxyaabaha Diyaaradu keentay. Habayaraatee Qalab Ciidan iyo Hub toona ma aysan keenin Turkigu, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyay Dad aad uga agdhow Imaatinkii Doyaarada. Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federaalka ayaa la wareegtay Shixnadii saarayd Doyaarada. Puntlandi.com Muqdisho The post Turkigu maxay maanta Muqdisho keeneen appeared first on . Source
  4. (SLT-Washington)-Daraasad maanta soo baxday ayaa muujineysaa in tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Oxford-AstraZeneca uu yahay mid ammaan ah iyo waxtar leh. Mareykanka ayaa in muddo ah baadhitaan ku sameynayay isticmaalka tallaalka. In ka badan 32,000 qof isa soo bixiyay ayaa ka qeyb qaatay daraasadda kuwaas oo ku sugan Mareykanka, Chile iyo Peru. Waxaana la sheegay in tallaalka uu boqolkiiba 79 uu leeyahay awood uu ku hor istaago in caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan halka boqolkiiba boqol uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka. Tiro waddamo ah ayaa go’aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka. Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baadhitaan ay ku sameynayeen tallalaka, waxay sheegeen in tallaalka uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh. Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday dalalka caalamka in ay joojin isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca. Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in Somaliland ay ahayd mustacmarad wixii ka horreeyay 1991. Dr. Adna Aadan oo ka qayb gashay dood lagu qabtay muuqbaahiyaha dowlada ayaa sheegtay in Somaliland ay gumaysi ku jirtay xiligii dowladii millatariga. Adna ayaa sheegtay in xiligii ay talinaysay dawladii Kacaanku anay si ula wada dhaqmi jirin goboladii waqooyi (Somaliland) iyo Soomaaliyadii kale. “Xataa markii aan la kala gu’in ee 1991 kahor, Somaliland waxay ahayd wax ka go’an Soomaaliya, oo loola dhaqmo sidii dal lahaysto” ayay tidhi Dr. Adna Adan. Ergayga ayaa dhinaca kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhawaday. “Maanta aqoonsigeenii qarka ayuu saaranyahay, dowlado ayaa badheedh warqadahoodi aqoonsiga u keena, aqoonsiguna waa taas oo isbiirsata” ayay tidhi Dr. Adna Aadan. Ergayga ayaa sheegtay in maadama oo Somaliland 30 sanno jirsatay, laga rabo, maamul wanaag. “Madaama oo aynu qaangaadh nahay, garwanaag baa laynaga rabaa, maamul wanaag baa laynaga rabaa, maanta shaqadu inoo bilaabmaysaa” ayay tidhi Dr. Adna Aadan. Source
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-2232021.mp3 View the full article
  7. Waxaa lagu wadaa in malhribadii caawa uu kulan ka dhaco Xalane kulankaasoo ay wada yeelanayaan Saciid Cabdulaahi Deni, Axmed Madoobe iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka. Waxaa lagawada shirayaa qabanqaabada Shirka wadatashiga Amaanka iyo Ajandaha Shirka. Wali waxaa jira walwal laga qabo in kasoo qaybgalayaasha Shirka aysan qaarkood daacad ka ahayn in Shirku miro dhalo, waana tan keentay inay xubnahaan ay caawa kulmaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Kulan ay wada yeelanayaan Beesha Caalamka, Jubbaland iyo Puntland appeared first on . Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faah-faahino laga helayaa diyaarado dagaal oo la sheegay in laga leeyahay dalka Turkiga oo maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in diyaaradahaas dagaal ee Turkiga laga leeyahay ay saanad Militari u wadeen dowladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha aan xogta ku helnay iney wadeen waxaa ka mid ah gaadiidka culus ee dagaalka, oo ay ku jiraan Dabaabbado, hubeedka nuucyadiisa kala duwan oo aan ka gudbeynin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Hubkaan iyo gawaaridaan gaashaaman oo maanta lasoo gaarsiiyay Muqdisho, waxaa la sheegay iney isticmaali doonaan cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor, ee Turkiga uu u tababaray dowladda federaalka Soomaaliya. Maalmahii ugu dambeeyay in ka badan 1000 (kun) askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo dhameystay dalkaas. Wararka qaar ayaana sheegaya in 1500 askari kale laga qaaday Muqdisho kuwaas oo la doonayo in lagu soo tababaro dalka Turkiga.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta kula hadlay xerada Afisyoone oo lagu ballansanaa inuu maanta shir uga furmo madaxda maamul goboleedyada, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, balse dhinacyada qaar ay soo xaadiri waayeen. Shirkaan ayaa waxa ka qeyb-galay ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkii uu maanta furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu soo idlaaday wajigiisi koowaad goordhoweyd, kaasi oo ahaa furitaanka Shirka oo ka qabsoomtay hoolka Afisyoone saaka subaxdii, ayada oo ay ka maqan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, si dalka uu u aado doorasho, isagoona ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xaadiraan shirarka dambe ee madaxdu iskugu imaaneyso. “Waxay ujeedadiisu aheyd sii ambo-qaadista sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii 17-kii September ee Muqdisho iyo 16-Kii Fabraayo ee Baydhabo ee ay soo diyaariyeen guddigii Farsamo. Waxaa dhamaan kasoo qeyb-galay qeybihii la casuumay ee madaxweynaha, marka laga reebo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland madaxdooda,” ayuu yiri. Wuxuu hadalkiisa raaciyey “Shirka wuu sii socon doonaa ilaa berito, waxaana rajeyneynaa in madaxda maqan ay berito kusoo biiraan shirka hadii alle raali ka noqdo.” Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu diyaar u yahay wada-hadal, islamarkaana uu maanta dhan xaadir ka ahaa goobta shirka, kaasi oo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeedu dhamaaday. Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay rajo ka qabto in labada madaxweyne ee maanta aan imaanin shirka ay kasoo qeyb gali doonaan, walow ay jiraan warar quus istaajinaya rajo walba oo laga qabay maadaama lasoo warinayo iney wataan shuruudo badan oo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horay uga biyo diiday. Hadalkaan ayaa imanaya xili ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ka madax adeygayaan ka qeyb-galka shirka Afisyoone, maadama ay kasoo horjeedan Farmaajo oo ay ka dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.
  10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafin, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey kulankii furitaanka u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo saaka ka furmay xarunta Afisiyooni. Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dhamman xubnihii lagu casuumay shirka ay ka soo qeyb galeen marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, diyaarna ay u ahaayeen dhameystirka heshiisyaddii 17-kii Sabteembar iyo 16-kii Febraayo ee guddigii Farsamadu ay soo diyaariyeen. Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa tilmaamay in maanta shirku uu ku furmay horudhac iyo bar-bilaw wanaagsan, ” waxaa looga hadlayey in marka hore la is qalbi xaaro oo la wadda hadlo si loogu daadago ujeedada shirka iyo ajendayaasha Kale” ayuu yiri Cusmaan Dubbe. “Shirku waa uu sii soconaya, waxana rajeynaynaa in Madaxda ka maqan shirka ee aan saaka imaanin inay ka soo qeyb gali doonaan berri, si shirku u sii socdo dalkuna doorasho u aado” ayuu warbaahinta u sheegay Cusmaan Abuukar Dubbe wasiirka warfaafinta ee XFS. View the full article
  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku booqday hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Labada Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay Dardar gelinta Arimaha Doorashooyinka Dalka iyo Dadaalada ay ugu jiraan sidii heshiis looga gaari lahaa Arimahan taagan. View the full article
  12. Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixday hey’adda maalgashiga iyo ganacsiga ee IFC oo kamid ah Bankiga Adduunka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee wasiir Beyle ayaa lagu sheegay in heshiiska uu quseeyo horumarinta ganacsiga dalka iyo in uu gacan ka geysto shaqo abuurka dadka Soomaaliyeed. “Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka,” ayuu yiri wasiirka. View the full article
  13. After reading the press release announcing the Initial Public Offering “IPO” of Somtel, I wanted to share my thoughts with the Dahabshiil Group, the Somaliland authorities, and members of the public who may be interested in participating in the public offering. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Ceerigaabo gaarsiiyay 17 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ka qabteen degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag. Maxaabiista ayaa lagu soo qabtay dagaal ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah ku dhexmaray degaanka Shidan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo rayid ah, halka tiro kalena ay ku dhaawaceen, sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Maxaabiista Rayidka ah ee laga soo qabtay Shidan ayaa loo gudbiyay xabsiga weyn ee magaalada Ceerigaabo, waxaana la xaqiijiyay in maxaabiista uu ku jiro qof dhaawac ah. Dagaalka Shidan ayaa la sheegaa in uu ku salaysan yahay macdan qodis, ay ka horyimaadeen shacabka degaanka ee ka soo jeeda dhinaca Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo dad rayid ah ka soo qabtay degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u diidan madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka sameeyay imaatinkiisa teendhada Afisyooni oo la damacsanaa inuu maanta ka furmo shirka arrimaha doorashooyinka. Farmaajo ayaa maanta wakhti hore soo xaadiray teendhada Afisyooni oo ah aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde, waxaana hogaaminayay kolonyo gawaari gaashaaman ah oo ay dadka siyaabo kala duwan fasiraad uga bixiyeen. Mahad Salaad oo qoraal uu macno kale ugu yeelayo imaatinka Farmaajo ee teendhada wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laabtay halkii lagu doortay Afar sano ka hor iyadoo aan lagu heshiin arrimaha doorashada. Sidoo kale wuxuu sheegay in imaatinkiisa uu yimid xilli ay maamullada dalka ay kala irdhoobeen, sidoo kalana uu galay dambiyo dagaal sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas sii raaciyay in markii la doortay ay ciidamo Soomaali ah ilaalinayeen balse ay maanta garbahiisa joogaan AMISOM oo dadka ka ilaalineysa. Hadalka Mahad Salaad oo waxyaabo gaar ah ku qotomay wuxuu kaloo ku sheegay in qabkii iyo buuloxuuftadii lasoo waday mudadii uu sida sharciga ah ku joogay Villa Soomaaliya ay soo dhamaatay. “Teendhadii 4 sano kahor lagu doortay isagoo Ciidamo Soomaaliyeed amnigiisa ilaalinayaan ayaa maanta la soo dhex fariisiyay isagoo MW muddo xileedkiisu dhamaaday ah, doorasho heshiis lagu yahana aysan jirin” ayuu soo qoray Xildhibaan Mahad Salaad. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hadana yiri: “Maamuladii dalka ay kala irdhoobeen. Dambiyo dagaal galay. Amisom amnigiisa ilaalinayso, dadkana ka ilaalinayso. Qabkii beenta ahaa iyo buuloxuuftadii 4 sano jirsatay ee Farmaajo soo maanta halkaas kuma harin?!” Hadalka Mahad Salaad ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay inuu ka fashilmo shirkii shanaad oo uu ku baaqo, iyadoo maanta ay soo xaadireen kaliya maamullada uu taageerada ka heysto ee saddexda ah.
  16. Abu Dhabi: The UAE has approved a new remote work visa to enable employees from all over the world to live and work in the country for one year in addition to a multiple-entry tourist visa for all nationalities. Source: Hiiraan Online
  17. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo haatan shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay Shir hor dhac ah oo maanta xarunta Afisyooni ku dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada taageersan, oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in kulanka hordhac ee maanta uu furitaan u ahaa shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, oo la filayo in uu ka qabsoomo xarunta Afisyooni, isagoo ka rajeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in ay ka soo qayb-galaan Shirka guud. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo sheegtay in Shirka Arimaha doorashooyinka uu maanta furmay appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka mid si aad ah looga niyad jabo. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin. “Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Biden. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mid ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii. Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka niyad jabay Heshiis Turkigu ka baxay appeared first on Puntland Post.
  19. MOGADISHU (HOL) - A consultative conference between Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo and his allied regional state leaders have kicked off today in Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online