Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhoweyd ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow diyaarad siday gaadiidka aanay xabadu karin. Gawaadhida laga dejiyay Doolow ayaa waxa garoonka degmadaas kula wareegay Guddoomiyaha degmada Doolow, Cali Faarax Mire, Taliye Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA ee degmadaas. Si cad weli looma oga cida gawaaridaas ay u wado dowladda federaalka, waxayna kusoo aadayaan xili ay maanta soo baxday in Wasiirka amniga Jubbaland oo si weyn isku hayaan uu wada-hadal la furay dowladda, si heshiis looga gaaro xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Gedo. Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa isagu shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo. Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda lamid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada, isagoona meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka. Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda federaalka waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.
  2. Somalia’s leaders need to find a compromise leading to an immediate electoral process and a peaceful transfer of power, through the implementation of the September 17 agreement. The current lack of agreement seriously delays the pace of urgently needed reforms, for the detriment of Somalia’s citizens. When individual priorities prevail over the general interest of the country, political leaders discredit themselves to represent their citizens. Those who undermine the dialogue or resort to the use of violence will be exposed to measures and will face the consequences of their actions. Somalia’s federal and Member State leaders must honour their responsibilities to the people of Somalia and hold Parliamentary and Presidential elections immediately. No alternative, unilateral or partial process will receive our support. Source: EU The post Somalia: Statement by the High Representative/Vice-President Josep Borrell on the current political situation appeared first on Puntland Post.
  3. Imaatinka Wasiirka Gaashaandhiga Talyaanigu Guerrini Lorenzo wuxuu xambaarsanaa dhambaal hanjabaad ah oo la xiriira Mushaarka ay siiyaan Ciidamada Dowlada Federaalka. Talyaaniga waxaa gaaray eedeyno ah in Ciidamada Soomaaliya aysan wax Dagaal ah la galin Al-shabaab taas badalkeedana Ciidamada loo adeegsadey Dani Siyaasadeed oo gaaray in looga cabsi qabo inay soo weerarkaan Xayndaabka ay Deganyihiin Beesha Caalamka, waana sababta uu Wasiirku u yimid Muqdisho. Wuxuu kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidanka isagoo si cad ugu gudbiyey fariinta Talyaaniga iyo waliba Saaxiibada kale ee Midowga Yurub. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan ayaa xaqiijinaya in Saraakiisha Ciidamada lagu wargaliyey in Aysan Deeq bixiyaashu ku faraxsanayn wararka lagasoo sheegayo Ciidamada Soomaaliya. Hoos ka daawo Sawirada Puntlandi.com The post Sawiro Imaatinka Wasiirka Gaashaandhiga Talyaaniga “Talyaaniga oo ku hanjabay inay hakad galinayaan Mushaarka Ciidamada DF “ appeared first on . Source
  4. Golaha Badbaado Qaran ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Mqudisho waxa ay ka hadleen xaalada adag uu dalka marayo iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka,iyagoo shacabka ugu baaqay in laga qeyb qaato sidoo loo badbaadin lahaa dalka,waxaana kulanaa ka qeybgalay Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga Badbaado Qaran ahna guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ahna Gudoomiyaha Golaha Badbaado Qaran ayaa saxaafadda u sheegay in ay muhiim tahay in la badbaadiyo xaalada cakarin ee dalka,sidoo kalane xal wadajir ah laga gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Daawo Shirka Jaraa’id Ee Golaha Badbaado Qaran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id Ku qabtay Xayndaabka Xalane ayaa ku celceliyey in Madashu ay Dalka ka badbaadinayso in uu wado qaldan Dalku qaado. Gudoomiha ayaa sheegay in Shirkaan oo ah kii kowaad oo ay Yeeshaan looga hadli doono Danaha Dalka, waxaa hadalkiisii kamid ahaa… Sidaas la socotaan Madaxda Dalku ma tagi karaan Balcad, AmaankiinDalka Faraha ayuu ka baxay, Waxaan u taaganahay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho loo siman yahay oo Dadka iyo Dalka lagu badbaadiyo” Shirkaan ayaa furmay Xili Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu isna shalay furay Shir looga hadlayo Doorashada oo ka dhacay Afisyooni, waxaana muuqata in labadaan shir ee is feer socdaa Socdaa ay nuujinayaan in aad loo kala fogaadey. waxaa Shirka ka qayb galay, Madaxweynayaashii hore Xasan Sheik, Shariif Shiikh Ahmed, Gudoomiyaha Aqalka Sare oo isla markaasna ah Gudoomiyaha Madasha Cabdi Xaashi, Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Saciid Cabdulaahi Deni, Axmed Madoobe, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Maduuliyiin kale. Hoos ka daawo Shirka Madasha Badbaado Qaran The post Daawo Sawiro Shirka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka furmay, Gudoomiyaha oo ka hadlay appeared first on . Source
  6. (SLT-Addis ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qiray in xadgudubyo ka dhan ah dadka shacabka ay ka dhaceen gobalka Tigree-ga, intii uu dagaalka ka socday. Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa arrintaan ka hor sheegay baarlamaanka dalkaas maanta oo salaasa ah. Abiy Axmed ayaa yidhi “waxaa mas’uuliyadda xadgudyadii dhacay qaadan doona askartii geysatay kufsiga ama boobtay hanti shacab” Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Itoobioya inay xadgudubyo ka geysatay gobalka tigree-ga inkasta oo Itoobiya gaashaanka u daruurtay eedeyntaas. Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu warramayaa inuu dalka u yimid arrimo la xiriira ciidamada. Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhaweeyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida la fahamsan yahay, Guerrini Lorenzo wuxuu u yimid Muqdisho inuu la kulmo xubnaha ugu sarreeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna fariin ka wadaa dowladda Talyaaniga oo dooneysa iney ka qeyb qaadato tayeynta ciidamada Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawineysay tayeynta ciidamada muddooyinkii ugu dambeeyay, waxeyna soo saartay cutubyo badan oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga kuwaas oo hadda u muuqda iney cudud weyn kusoo kordhiyee dowladda. Si kastaba imaatinka wasiirka difaaca talyaaniga iyo arinta laga dhawaajiyay ee tayeynta ciidamada oo laga wadahadlo ayaa imaaneysa xilli mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan ciidamada Soomaalida ee la xoojinayo, maadaama ay u arkaan in dano shaqsi ah loo adeegsado, lana baalmaray habkii guud ee qaranimada.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada ayaa war kasoo saartay shirka Afisyoone ee looga hadlayo khilaafka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ee ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo iyagu ka horyimid hanaanka shirkaas iyo ajendihiisa. Qoraalka Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehlinayaan ra’iisal wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka. “Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia. Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo. Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka, sida ay sheegtay Villa Somalia. Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka inay si daah-furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey. Arrintan ayaa imaneysa xili uu meel xasaasiya marayo khilaafka doorashada, islamarkaana uu furmay shir ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo Jubbaland oo iyagu kasoo horjeeda guddiga iyo hanaanka doorashada ee dowladda dabada ka riixeyso.
  9. Atrocities have been committed in Tigray, Ethiopia’s northern region where fighting persists as government troops hunt down its fugitive leaders, the country’s Prime Minister Abiy Ahmed said. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Abdirashid Janan, a former Jubaland security minister, wanted by Mogadishu for serious human rights violations, is reportedly negotiating his surrender to Somalia's federal government according to a report published by the BBC Somali language service. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - Abdirashid Janan, the Jubaland security minister, wanted by Mogadishu for serious human rights violations, is reportedly negotiating his surrender to Somalia's federal government according to a report published by the BBC Somali language service. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka. Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka. Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey. DHAMMAAD View the full article
  13. Wajaale Ciidanka Dab-demiska Wajaale ayaa habeenimadii xalay damiyay Dab weyn oo qabsaday Meherado ganacsi iyo guryo ku yaalla daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale. Meheradahan goobtaa ganacsi ku yaallay ayaa tiradoodu ahayd 14 Meheradood , waxaana dabku gaadhay 4 ka mida, halka ciidanka Dab-demisku dabkaas ka xakameeyeen 10 kii Meheradood ee kale. Sidoo kale iyadoo hawlgalka lagu jiro ayaa ciidanku damiyeen laba guri oo kale dab ka kacay, Ilaahay Mahadiina dhamaan Hawlgaladaas way ku guuleysteen ciidamadu, iyagoo adeegsanaya xirfadda la dagaalanka dabka. Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu dabkaasi sababay. Sababta dhalisayna waxaa gacanta ku haya laamaha baadhista ku shaqada leh. Maamulka degmada Wajaale qaybta Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Mayorka iyo Mayor xigeenka magaaladaas ayaa ciidanka kala qayb qaatay hawlgalkaa lagu daminayay meheradahaas ganacsi. Qaran News
  14. MOGADISHU (HOL) - The U.S has called on Somali leaders to set aside their demands and engage to ensure a deal is reached in the new round of talks to allow the country proceed to elections. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - The U.S has called on Somali leaders to set aside their demands and engage to ensure a deal is reached in the new round of talks to allow the country proceed to elections. Source: Hiiraan Online
  16. Maalintii labaad waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Afisyoone shir ku yeeshay dowladda federaalka, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaana shirkaas weli bannaanla ka jooga Puntland iyo Jubaland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka. Kusimaha guddoomiyaha guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha ay ka soo saareen guddigu shirkii talo-soojeedinta arrimaha farsamada doorashooyinka ee magaalada Baydhabo ka dhacay 15-16 Febraayo. Guddiga ayaa la wadaagay madaxdii ka qeybgashay shirka nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey. Guddiga farsamada doorashooyinka waxaa ka maqnaa xubnihii matalayay Puntland iyo Jubaland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddig heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystirayo qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka. Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha gowlad goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha guddiga darsamada arrimaha doorashooyinka in ay si daahfuran ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey. PUNTLAND POST The post Shirka Muqdisho ee Puntland iyo Jubaland dibad jooga ka yihiin, maxaa looga hadlay maanta? appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaca ka qaaday walaaca ay ka qabaan kala qeybsanaanta shirka wadatashiga ee ka socda teendhada Afisyoone ee Muqdisho, islamarkaana ay isha ku hayaan khilaafyada lagu xalinayo arrimaha doorashooyinka. Shirkan oo ay diideen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa u dhaxeeya Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta ah. Moussa Faki ayaa sheegay arrintan ay walaaca ugu weyn ka qabaan maadaama la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada aysan u dhameyn ka qeybgalka shirka la rabay inuu ka qabsoomo Afisyooni. Gudoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa ku booriyay dhinacyada iney u midoobaan arrimaha taagan ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka laguna jaangoynayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho. “Waxaan xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inay sii wadaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan rabitaankooda ah in si deg deg ah loo abaabulo doorasho nabadeed oo hufan,” ayuu yidhi Moussa Faki. Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin. “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka. Maalintii labaad ayey teendhada Afisyooni shir hal dhinac ah ku leeyahiin madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, saddexda maamul ee taageersan dowladda federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan wali kasoo qeybgalin shirka oo maalintiisii labaad galay, waxaana jirta in beesha caalamka ay xalay dalbadeen in maalmo dheeri ah lasiiyo si ay tabashooyinka jira u xaliyaan.
  18. Mogadishu (HOL) - The Baidoa Technical Committee is expected to makes its presentations on elections recommendations on Monday as electoral talks in Mogadishu enter the second day despite the nonattendance of Puntland and Jubaland. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka gaashaandhiga dowladda Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho. Guerrini Lorenzo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xagaa oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo wasiirka difaaca Talyaaniga ayaa si wadajir ah waxay salaam ugu qaataan cutubyo ka tirsan ciidmada Soomaaliya, waxaana ciidmadu ay goobta ka qaadeen astaamaha qaran ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga. Wasiirka gaashaandhiga dowladda Talyaaniga iyo mas’uuliyiintii soo dhaweysay Soomaaliya ayaa kulan wada qaatay, kaas oo looga hadlay xiriirka labada labada dowladood, waxaana intii kulanku socday khadka taleefanka ugu qeybgalay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa. Guerrini Lorenzo wasiirka difaaca Talyaaniga ayaa sheegay in uu Soomaaliya uu u yimid in uu sii xoojiyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dalka ka dhexeeya. Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee dhanka ciidanka iyo horumarinta kale ka taageera dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Talyaani ah oo yimid Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Maraykanka oo Cunaqabateyn ku soo rogay,Shatigii Ganacsina kala noqday Maalqabeenka u shashay Isra’iil+Sababta Dan Gertler, oo ku sugan dalka Congo 2012, Maamulka madaxwayne Biden ayaa dhawaan cunaqabateyn dib ugu soo rogay ganacsadaha u dhashay Israa’iil, Dan Gertler, oo lagu eedeyay musuqmaasuq baahsan oo la xiriira macdanta uu qaniga ku yahay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Wariye Franz Wild ayaa ka warbixinaya sida uu ninkan ku soo shaacbaxay iyo isbaheysigii uu la lahaa madaxwaynihii hore ee Congo, Joseph Kabila, oo xitaa u arka in uu yahay diblamaasi reer Congo ah. Markii hore ee ay Mareykanka cunaqabateynta ku soo rogeen maalqabeenkan ka ganacsada macdanta, sannadkii 2017, waxaa uu qabsaday qareenkii madaxwayne Donald Trump si liiska cunaqabateynta looga saaro. Cunaqabateynta ayaa lagu soo rogay ka dib markii lagu eedeeyay in xiriir musuqmaasuq uu la leeyahay madaxwaynihii hore ee Congo, Joseph Kabila. Kabil ayaa la sheegay in uu gacan ka siiyay in Gertler uu dhaqaale badan ka sameeyo macdanta noocyadeed kala duwan, balse labadaba way beeniyeen eedeeynta loo soo jeediyay. Afhayeen u hadlay Mr Gertler ayaa sheegay in eedeeymahan “si aan xaq ahayn oo qalad ah dusha looga saaray. Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray “ma jirto cadeyn lagu kalsoonaan karo oo eedeeyntooda taageeraysa”. Cafiskii Trump Muddo 20 sano ah ayuu Gertler, oo 47 sano jir ah, uu ku noqday mid ka mid ah ganactada ugu awoodda badan dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Waxaa uu leeyahay awood ay shirkadiisa wayn ay fursad ugu heshay in ay macdan ka qodo dalka Kenya. Macdantaasi waxaa ka mid ah dahab, dheyman iyo noocyo kale. Gertler waxaa uu sidoo kale noqday diblamaasi muhiim ah oo matala Mr Kabila. Markii uu qabsaday qareenkii Mr Trump Alan Dershowitz ayaa sidoo kale guul u soo hoyatay. Maalmihii u dambeeyay ee xukunkii maamulkii Mr Trump oo shati siiyay Gertler, taasi oo u suuragalisay in uu helo lacagihii laga xannibay ee taalay bangiyada, muddo sanad ah. Hasa yeeshee, Bishii March, waxaa isbadal degdeg ah ku dhacay hantidiisa. Ka dib muddo ay qaaylo wadeen qaar ka dadka u ololeeya la dagaalanka musuqmaasuqa, Aqalka Congreska Mareykanka iyo saraakiil horey uga tirsanaa wasaarada arrimaha dibada, wuxuu Gertler noqday tusaalihii ugu horeeyay ee ahaa balanqaadkii Mr Biden ee la dagaallanka musuqmaasuqa caalamiga ah. Maamulka madaxwayne Trump ayaa ka dib kala laabtay Gertler shatigii ama leysinkii uu siiyay. “Shatigii la siiyay markii hore, ma ahayn mid la jaanqaadi karay siyaasadda adag ee arrimaha dibadda ee Mareykanka, ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee guud ahaan caalamka,” waxaa sidaasi sheegay afhayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price. Waxaa uu intaa ku daray in Gertler “uu ku lug lahaa musuqmaasuq ballaaran”. Qareenkiisa oo lagu magacaabo, Dershowitz ayaa cabasho ka muujiyay shatiga lagala noqday inuu ahaa “mid hal dhinac ah,” iyada oo aan Gertler fursad loo siin in uu is difaaco. Awoodda iyo galaangalka ninkan ganacsadaha ah uu isticmaalayo iyo cunaqabateynta waxaa lagu xusay bayaanka. Cunaqabateynadan ayaa ahaa kuwa lagama maarmaan ah “si looga hortago musuqmaasuq, loona hormariyo xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,” ayuu yiri Mr Price. “Mareykanka way sii wadi doonaan la xisaabtamidda dhiinacyada ku lugta leh falalka musuqmaasuqa, anaga oo adeegsanayn dhammaan kaabayaasha aan haysano, si loo hormariyo dimuqraadiyadda loona xoojiyo heerka caalamiga ah, laguna soo rago ciqaab la taaban karo kuwa doonaya in ay laalaan.”ayuu intaa ku daray. Dalka Congo waa dal qai ku ah macdanta noocyadooda kala duwan Dalka Congo, Mr Gertler wuxuu ka yahay dilaal u dhaxeeya shirkadaha caalamiga ah iyo dalka, waxaa uuna maareeye ka noqday shirkado isaga oo matalaya Kabila, sida lagu sheegay cunaqabateynta Mareykanka. Maadaama uu madaxwayne Felix Tshisekedi, madaxwayne ahaa tan iyo 2019, waxaa meesha ka baxaya awoodihii Kabila ee siyaasadda, waxayna Mareykanka doonayaan in la xaddido awoodda ganacsadahan u dhashay Israa’iil. Taageeradii Buush ee uu helay Kabila Gertler oo ah nin si aad ah u xiiseeya oo jecel kubadda cagta, waxaa uu ka soo jeedaa qoys guulo ka gaaray ka ganacsiga Dheemanka oo fadhigoodu yahay magaalada Tel Aviv. Mr Gertler ayaa markii ugu horeysay tagay dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo sanaddii 1997, wax yar uun ka dib markii uu Mr Kabila aabihii Laurent-Desirée, uu xukunka la wareegay. Sanadkii 2000, markii uu dagaalka sokeeyay ka qarxay dalkaas, taasi oo halis galisay in awoodda iyo xukunka Kabila meesha ay baxaan, ayuu Gertler u ballanqaaday malaayiin doolar. Sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay, in lacagta iyo hub ay heleen ay ahayd labada arrimood ee xukunka ku sii hayay qoyska Kabila. Waxaa Gertler, loogu abaalguday in kaligii uu ka faa’ideysto oo uu dhoofiyo Dheeymanka uu dalkaasi Congo qaniga ku yahay. Wuxuu helay kalsonida wiilka dhalinyarada ah ee Kabila, ee xukunka la wareegay ka dib markii aabihii la dilay 2001. Xilligaas oo uu dagaal kula jiray dalka Rwanda ee ay xulufo ahaayeen Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha da’da yar waxaa uu magaaalda Washington u diray Gertler si uu madaxwaynihii xiligigaasi, George W Bush, taageero uga codsado. Ka dib wadaxaajoodyo dheer, ganacsadahan wuxuu maamulkii Bush kula heshiiyay in ay taageeraan taageero madaxwayne Kabila, taasi oo waddada u xaartay heshiis ay gaareen dhinacyadii dagaallamayay iyo xukuumaddii Mr Kabila. Mr Gertler ayaa ka dib noqday wakiilka Congo ee Israa’iil waxaana la siiyay baasaboor Dublamaasiyadeed. ‘$100 milyan ee laaluushka’ Shirkado uu maamulo Gertler ayaa bilaabay in ay helaan shatiyo u damaanad qaadaya ka ganacsiga macdanta Congo. Waxaa uu marar badan caawiyay shirkado caalami ah sida Glencore iyo Och-Ziff Capital Management, waxaa uuna maalgalin xoogan ku sameeyay mashaariicda macdanta isaga oo jaabka ku shubtay faa’ido badan. Madaxwayne Joseph Kabila (Midig) waxaa uu awoodda ku wareejiyay Felix Tshisekedi (bidix) January 2019 Ka hor inta aysan maalgalin shirkadda Och-Ziff, Gertler, waxaa ay dib u eegis ku sameysay qaabka uu ganacsigiisa u qabto. “Waxaa uu doonayay in galaangalka uu ku [Mr Kabila uu u isticmaalo sidii shirkadan ku heli lahayd heshiiska, waxaana lagu eedeeyay xilligaas Mr Gertler in uu bixiyay ugu yaraab $100 milyan oo dollar oo laaluush ah. Eedeyntan ayaa waxaa beeniyay Mr Gertler denies. Waxaa uu noqday mid ka mid ah maalqabeenada Israa’iil, waxaa uuna guriyo dabaqyo ah ka dhistay xaafad ay dadka saboolka ah ku nool yihiin oo ku taalla duleedka magaalada Tel Aviv. Qaran News
  21. NAIROBI, KENYA -- Five people, including four children, died in a suspected stampede during a public viewing of the body of former Tanzanian President John Magufuli over the weekend, as regional leaders joined Tanzanians to pay their last respects to the controversial leader. Source: Hiiraan Online