Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - A journalist who was sentenced to a three-year prison term by Puntland’s Military High Court last Wednesday in Garowe has been released from custody on Monday after receiving a pardon from Puntland President Said Abdullahi Deni. Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka warfaafinta u qaabilsan xukuumadda Puntland, oo xalay qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa suxufiyiinta ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga. “Wasaaradda warfaafinta Dawladda Puntland waxay guud ahaan bahda warbaahinta Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga” ayuu yiri wasiir Timacadde. Baaqa wasiirka ayaa u muuqda wax lagu qoslo, maadaama ilaalinta Amniga Puntland ay u xil-saaran yihiin laamaha kala duwan ee ciidamada dowladda, islamarkaana aysan shaqo saxaafadeed ahayn. Hadalka Timacadde ayaa ku soo beegmay, iyadoo xukuumadda madaxweyne Deni ay cadaadis xooggan ku hayso warbaahinta madaxa-bannaan, qaarkoodna mudda xabsiyo lagu hayay. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiir saxaafadda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga appeared first on Puntland Post.
  3. Without immediate humanitarian aid, crisis is likely to peak in June, says Save the Children Source: Hiiraan Online
  4. Without immediate humanitarian aid, crisis is likely to peak in June, says Save the Children Source: Hiiraan Online
  5. On 15 March 2020, Somalia received 300 000 doses of Oxford AstraZeneca vaccines from the COVAX Facility to protect frontline workers and elderly people with chronic health conditions from COVID-19. The World Health Organization (WHO) hears back from some of the first people vaccinated in the capital city. Source: Hiiraan Online
  6. An eight-country trade bloc in Africa has resolved to establish an inter-regional coordination platform to deal with desert locusts wreaking havoc in many parts of the region. Source: Hiiraan Online
  7. Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Mohamed Abdirizak discussed here on Monday means of promoting bilateral cooperation in all fields, the Egyptian foreign ministry said in a statement. Source: Hiiraan Online
  8. Beled Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo dhawaan laga dejiyay gobolka Gedo ayaa waxay qeybo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen howl-gallo cusub. Ciidamadaan oo badanaa ka tirsanaa Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxay howl-gal ka bilaabeen deegaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo shalay ay safar dhanka dhulka ku tageen. Howl-galadda ayaa waxa lagu beegsanaya dagaalyahanad Al-Shabaab, kuwaasi oo mararka qaar weeraro ka deegaanada, sida uu sheegay Taliyaha howlgelinta Gobolada Jubbooyinka ee dowladda Soomaaliya. Bakaal Kooke oo howl-galada ciidanka hoggaminaya ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sugida amniga iyo ka hortegida weerarada Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab aysan joogsaneyn marnaba, illaa laga sifeynayo deegaanadas, oo laga xaqiijinayo amniga dhamaan tuulooynka hoostaga degmada Beled-Xaawo. Deegaanadda ku teedsan Beled-Xaawo ayaa waxa mararka qaar ka dhaca weeraro kala duwan oo ay fulinayeen dagaal-yahaanada Shabaabka. Howl-galkaan ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay laga deyrinayay Ciidamo hor leh oo ay dowladda geysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, xili ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Covid-19 oo Somaliland ka bilowday, wuxuuna si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19. Munaasibadda Daah-furka ololaha tallaalka oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay tallaalka Covid-19. Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay munaasibadan ayaa dhamaantood waxay bulshada ku booriyeen inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani leeyahay iyo halista uu noloshooda u leeyahayba, sidoo kalena waxay shacabka ugu baaqeen inay u dhago nuglaadaan tallaabooyinka caafimaad. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay daah-furka tallaalka ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabmay, laguna saleeyey qaadashadiisa qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka u nugul cudurkaas. “Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba,” ayuu yiri. “Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayana dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh”. Ugu dambeyntiina madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka Somaliland ku dardaaray qaadashada tallaalka, isaga oo meesha ka saaray cabsida laga muujinaya tallaalkaan oo toddobaadyadii u dambeeyay soo gaaray dalka.
  10. Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, ayaa isu’ soo dhowaansho ka muujiyay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay muddooyinkii dambe. Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, oo laga soo doorto Puntland iyo Galmudug, ayaa labada mas’uul oo aan mudda wada-hadlin ku kulansiiyay hotel ku yaalla xarunta Xalane, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. “ Labada madaxweyne waxay isaga cudur-daareen mudadii ay kala maqnaayeen, waxaana la isla gartay in laga wada-shaqeeyo danaha iyo iskaashiga labada dowladood islamarkaana la xoojiyo wada-shaqaynta Puntland iyo Galmudug” ayuu Puntland post u sheegay mas’uul ka tirsan Puntland. “ Sidoo kale waxay ka wada-hadleen xallinta muranka Arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna qabsoomidda Shirka Afisyooni, taas oo labada madaxweyne ay door muuqda kaga jiraan sidii loo hirgelin lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon.” Waxa xusid mudan, in khilaafka Deni iyo Qoor Qoor uu ka dhashay hadal-jeedintii madaxweynaha Puntland ee 21 February 2021, taas oo uu dhibsaday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. PUNTLAND POST The post Deni iyo Qoor Qoor oo khilaaf xooggan kadib Xalane lagu kulansiiyay appeared first on Puntland Post.
  11. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka “mid si aad ah looga niyad jabo.” Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa “mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin.” “Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Biden. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mdi ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii. Dikreetada madaxweyne ee kasoo baxay madaxtooyada Turkey ayaa lagu sharxay in go’aanka Ankara uu ka dhashay in heshiiskan loo isticmaalayo in lagu ilaaliyo xuquuqda bulshooyinka la isku yiraah LGBT, oo ay ka mid yihiin kuwa aaminsan inay is-guursan karaa dadka isku jinsiga ah. “Axdiga Istanbul, oo markii hore loogu talo-galay in lagu ilaaliyo xuquuqda haweenka, ayaa waxaa afduubtay koox isku dayeysa inay caadiyeeyaan is-guursiga dadka isku jinsiga ah, taasi oo aan waafaqsaneyn qiyamka bulsho iyo midda qoys ee Turkey, sidaas darteed waan ka baxnay heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka. Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas. AP + VOA
  12. Dowladda Sacudi Carabi, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqaday in ay waddo qorshe ay heshiis xabad joojin ah kula galaysa, kooxda fallaagada Yemen ee Xutiyiinta ah. Isagoo la hadlayey Wariyeyaasha, Wasiirka Arrimaha debbada dalkaas, Feysal bin Farxan Al-sacud ayaa sheegay in qorshahan loo jeediyey Xutiyiinta tahay aragti fog oo xal u noqon karta khilaafka oo dhan, kaasi oo suura-gelinaya in la furo Eerboorka Sanca ee dalka Yemen ee ay Xutiyiinta gacanta ku hayaan. “Waxa uu heshiiskan taaba gal noqonayaa marka ay Xutiyiinta aqbalaan, Xutiyiinta waa in ay ka hormariyaan danahooda, danaha Iiraan”, Wasiirka. Haddii ay heshiiska aqbalaan Xutiyiinta waxa ay dhaha u xaari doonta in ay galaan wada-hadalo siyaasadeed oo lagu soo af-jaro dagaalada mudada qaatay ee dalkaasi ka jira. PUNTLAND POST The post Dowladda Sacuudiga oo heshiis la gelaysa Xuutiyiinta Yemen appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ay isku khilaafeen bixinta Tallaalka cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha markii hore ahaa in dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameeyo rugo laga qaato Tallaalka balse ay qorshahaasi isku fahmi waayeen maamulka gobolka iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Lama hubo sababta ka dambeysa hase yeeshee waxaa soo baxaya in khilaafkan uu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo macaash la sheegay in la aaminsan-yahay in laga sameyn doono tallaalkaan oo loogu talagalay in si lacag la’aan ah loo qeybiyo. “Khilaaf culus ayaa jiro oo u dhaxeeya gobalka iyo wasaaradda waana sababta loogu diiday in la siiyo gobalka adeegaan muddo maalmo ah oo uu yaalo dalka,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. Tobaneeyo qof ayaa maalintii cudurkaan ugu geeriyada Muqdisho, waxaana goobaha tallaalka laga helo ilaa hada ay tahay ugu badnaan 3 xarun oo markii hore goob karantiil oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.
  14. Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu maanta oo isniin ah bilaabay Dadaal dheeraada oo lagu badbaadinayo Shirkii uu isagu hormuudka ka ahaa ee uu gogoshiisa dhigay Teendhada Afisyooni. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu saaka Teendhada ku qabtay shir aan loo dhamayn oo aan qayb ka ahayn Dadaaladii socdey hadana Beesha Caalamku waxay ku adkeysanayaan in La qabto wax loo dhan yahay oo aysan marnaba aqbalayn Shir koox kaliya ay wataan. Ergeyga Gaarka ah iyo Safaarada Maraykanku waxay maanta duhurkii yeesheen kulan ay uga arinsanayaan Xaalada Dalka waxayna isla meel dhigeen in Sigaara loo casumo Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni, Madaxweyne Axmed Madoobe isla markaasna la la tashado Midowga Mudharixiinta. Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe waxaa lala kulmay isla maanta Wayna soo dhaweeyeen Dadaalka ay wadaan Maraykanka iyo Beesha Caalamka, iyagoo intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday uu u dhaga nuglaado uuna aqbalo in Dalka Doorasho ka dhacayso uuna kamid yahay Musharixiinta sidaas awgeed waa inuu Qoraal ahaan ku cadeeyay inuusan ahayn Taliyaha Ciidamada uuna joojiyo isticmaalka uu sida Gaarka ah u isticmaalayo Hay’adaha Dowliga ah, Caawa waxaa la filayaa in Ergayga Gaarka ah James Swan iyo Safiirka Maraykanku ay xiriiro la sameeyaan Villa Soomaaliya, waxayna doonayaan in ka hor Shirka meel la isla dhigo Qodobada ay isku diidan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, Qodobada lan sla meel dhigayo waa inay ahaadaan oo qura kuwa hortaagan in Shirka loo dhan yahay uu furmo, Qodobada hortaagan doorashadana looga wadahadlo shirka, sida Arimaha Gobolka Gedo iyo Gudiga Doorashada,taasna Way aqbaleen Deni iyo Axmed Madoobe. Wararka hoose oo Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Maraykanku uu aad uga xumaadey qaabka ay Villa Soomaaliya u isticmaalaan Ciidamada, sidaas awgeed Walaaca Maraykanku wuxuu xoojinayaa soo jeedintii Madaxweyne Deni uu soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu saxiixi waraaqda uu ku wareejinayo Awooda Dalka( Hay’adaha Dowliga ah iyo Ciidamada). Hadii ay dhacdo in isfahan la dhex dhigo Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe Shirku wuu bilaabanayaa, Waxaa iyana maalmahaan soo kordhay Madasha Badbaado Qaran, oo ay Xubno ka yihiin Deni, Axmed Madoobe iyo Musharixiintu, waxayna culays Siyaasadeed ku noqonaysaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe waxay jeebka ku wataan Ajandayaal dheeraada oo Musharixiintu usoo dhiibeen tasoo ka dhignaanaysa in Musharixiintu ay saameyn ku yeelanayaan Shirka iyagoo banaanka ka fadhiya. Madaxweynayaasha Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay Beesha Caalamku u arkaan inay ku qanacsan yihiin oo qura in Farmaajo la qanciyo waana tan keentay in aysan qayb ka ahayn Dadaalada maanta iyo caawa ay wadaan Beesha Caalamku, Igu dambeyn waxaa aad loo rajaynayaa in beri ay kulmindoonaan Madaxweyna Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdulaahi iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Puntlandi.com Muqdisho The post Faahfaahin tii u dambeysay QM iyo US oo wada dadaalo gabagabo ku dhow oo la iskusoo hor fariisinayo Deni, Farmaajo iyo Axmed Madoobe appeared first on . Source
  15. The European Union on Monday imposed sanctions on Eritrea over human rights violations and blacklisted the country's National Security Office which is tasked with intelligence gathering, arrests and interrogations. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (PP News Desk) — UNSOM has called on Puntland and Jubaland leaders to join the electoral summit currently underway in Mogadishu. Puntland and Jubaland have not participated in the pre-meeting attended by leaders of Hirshabelle, Galmudug, South West State and Banadir Governor. Last night, Puntland expressed reservations about the summit agenda. Jubaland President Ahmed Mohamed Islan (left) and Puntland President Said A. Deni flipflopped on 17 September electoral model. “An agenda of the anticipated inclusive electoral summit must be consulted and agreed by all concerned stakeholders. A partial agenda like this might to lead to failure of the summit” tweeted Mohammed Abdirahman, Puntland Interior Minister. UNSOM expects the electoral summit to finalise the “17 September electoral model.” Both Puntland and Jubaland initially demanded renegotiation of the terms of the electoral agreement. Puntland and Jubaland leaders formed the Forum for National Salvation made up of the two leaders, the Union of Presidential Candidates and the Chairman of the Upper House. “Puntland and Jubaland leaders have no a reason to be outside the electoral summit. They shouldn’t be giving the impression that the two Federal Member States are holding the political proceess hostage” said Hassan Ali, a radio journalist in Mogadishu. The former Federal Interior Minister Abdi Farah Saeed (Juha) urged Puntland and Jubaland leaders “to join the summit and argue their case.” © Puntland Post, 2021 The post UNSOM Urges Puntland and Jubaland to Join the Electoral Summit appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan 2 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa 500 oo dhallinyaro ah maanta tagay xerada Turksom ee Muqdisho. Dhallinyaradaan ayaa rabay in ay kamid noqdaan ciidamada Soomaalida ee uu tababaro Turkiga, waxaana la sheegay in laga qaatay 200 oo kamid ah dhallinyaradii tagtay goobtaas. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhalinyarada soo hartay oo gaaraya in ka badan 300 oo qof ay gadoodeen, islamarkaana ay isku dayeen in ay xoog ku galaan xerada Turksom si loo tababaro, waxaana kadib rasaas ku furay ciidankii ilaalada ka ahaa Saldhigga Turksom ee Muqdisho. Marka laga reebo geerida labada qof, waxaa sidoo kale dhaawacmay dad ka badan shan qof oo kale, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyada xogtan nala wadaagay. Saraakiisha Turkiga iyo dowladda federaalka kama hadlin dhacdadan. Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda way ka gaabsatay, halka Turkish-ka aan heli weynay. Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta shaqo la’aan xoog leh waxeyna dhallinyarada muddooyinkii ugu dambeeyay buux dhaafiyeen goobaha ciidamada laga qoro ee Muqdisho, si ay u helaan shaqo iyo nolal dhaanta tan rajo la’aanta ah.
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar__Qubanaha-2232021.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta la sheegay inuu ka furmay Xalane loo badeli doono wada-tashiyo aan rasmi aheyn oo sii socon doona maalmaha soo socda. Sida ku cad qoraalkaan, waxaa dib u dhacay shirkii caadiga ahaa ee lagu waday inuu furmo Isniinta maanta, waxaana maalmaha soo socda sii soconaya wadahadallo gaar ah oo la isugu soo dhaweynayo madaxda, si ugu dambeyn ay heshiis uga gaaraan khilaafka hareeyey doorashada dalka. “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goordhaw lagu baahiyey twitter-ka xafiiska QM ee Soomaaliya. .@UN notes today’s pre-meeting for the planned summit, with partial #FMS representation; urges further informal #consultations in coming days to ensure full #participation needed for this event to produce #consensus on implementation of the 17 September #electoral model. — UNSOM (@UNSomalia) March 22, 2021 Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta warbaahinta kula hadlay teendhada Afisyooni ayaa sheegay inuu furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, balse furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland, isagoo ka codsaday inay ku soo biiraan shirka.
  20. Qoraal goordhow kasoo baxay qaramada Midoobey xafiiskeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankii Afisyooni uu ahaa mid golol dhig u ah shirweyne dhici doona, uuna ahaa mid ay yeesheen qeyb ka mid ah dowlad goboleedyada. Qoraalka oo sidoo kale lagu booriyey in kulanada la sii wado ayaa waxaa ka mid ahaa “Qaramada Midoobey waxaa ay aragtaa inuu maanta dhacay kulan gogol-xadh u ah shirkii loo balansanaa, kaasi oo ay tageen qeyb ka mid ah maamul goboleedyada. Waxaa uu boorinayaa in ay sii socdaan maalmahan shirarka aan rasmiga ah si ay uga dhashaan kasoo qeyb gal laga maarmaan u ah iney ka dhalato kulan lagu fulinayo dhameystirka nooca doorasho ee September 17 “. Hadalka qaramada Midoobey ayaa kusoo aadaya xilli Puntland iyo Jubbaland ay qaadhaceen shir maanta u furmay Madaxweynihii Hore Farmaajo iyo Maamul goboleedyada taageersan. Source: goobjoog.com
  21. Click here to read more about this article Qaran News
  22. Khamiistii laso dhaafay Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay wadahadalladii ​​ugu horreeyay ee heer sare ah oo uu la yeesho saraakiisha taliska Shiinaha. Hase ahaate labada dhinac ayaa Camera-daha hortooda muddo saacad ah waxa si fool ka fool ah udhexmaray tacshiirad deplomasiyadeed oo an waxba lasykula harin. Wafdiga shiinaha waxa horkacayay Yang Jiechi Oo diplomaasiga ugu sareeya xisbiga shuuciga shiinaha ahna agaasimaha golaha dhaxe ee siyaasadda arimaha dibadda shinaha waxa kaloo qayb ka ahaa wasiirka arimaha dibadda ee china Wang Yi. Dhanka washington, hoghayaha arimaha dibadda maraykanka antony Blinken iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa horboodayay wada hadalladan heerkoodu sarreeyo. Xoghaye Blinken ayaa diblomaasiga ugu sarreeya xisbiga Shuuciga ee Shiinaha Yang Jiechi iyo wasiirka arrimaha dibedda Wang Yi waxa uu hortooda ka tibaaxay walaaca maraykanku ka qabo ficilada shiinaha waxa uun ku eedeyay Beijing in ay “xasuuq” u geysatay Muslimiinta Uyghur, sido kale Hong Kong iyo Taiwan, marka lagu daro weerarada Elektaroonikada “cyber attack” ee ka dhan ah Mareykanka iyo cadaadis dhaqaale oo shiinuhu ku hayo xulafada maraykanka. Diplomaasiga sare ee shinaha yang jechi ayaa dhankiisa sheegay in maraykanku uusan matalin aduunka ee uu matalo “naftiisa” oo kali ah, sidaas darteedna aysan suura gal ahayn in shiinuhu uu kala hadlo washington siyaasadiisa caalamiga ah. Mar kale ayuuse Blinken waxa uu ku adkaystay isagoo daba socda hadalka sarkaalka shiiinaha kasoo yeeray in dawladaha dariska la ah shiinaha ay u sheegeen ku qanacsaantooda in ay xulafeystaan maraykanka iyo in Tokyo iyo Seoul (japan iyo kuuriyada koonfureed) ay u caddeyeen maamulka biden walaacooda ku aadan dhaqanka xisbiga shuuciga shiinaha. Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa isna waxa uu furitaanka kulanka ku nuux nuuxsaday in Mareykanku uusan raadineynin “khilaaf” Shiinaha uu la galo, laakiin ay diyaat uyihiin tartan adag oo ay la galaan, isagoo intaa ku daray, in Marwalba ay udagaalameyaan mabaadi’da dadkooda iyo saaxiibadood. Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegtay in diplomaasiga shiinaha ee Jiechi uu usheegay saraakiisha amerikaanka intii ay socdeen wadahadaladii ay la yeesheen inay ka tanaasulaan maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa”, sarkaalka Shiinaha ahna wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono “tallaabooyin adag” oo ka dhan ah “faragelinta Mareykanka”. Inkastoo Wadahadalada aysan aysan miradhalin oo aysan dhinacyadu muujin wax tanaasul ah, hadana Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa ku tilmaamay wadahadallada inay aheyeen “wadahadal istiraatiijiyadeed oo heer sare ah. ” Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wariyeyaasha in kulankaan uu yahay dooda ugu horeysa ee lagu fahmayo danaha, ujeedka iyo ahmiyada labada dal”. Magaalada ugu weyn gobolka alaska ee Anchorage ee ku taal badweynta Baasifigga waxaa loo doortay in ay marti galiso 3 kalfadhi oo dhaadheer oo socday a ilaa subaxnimada Jimcaha. Source: goobjoog.com
  23. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of independent journalist Kilwe Adan Farah, who was today pardoned by Puntland President Said Abdullahi Deni. Kilwe Adan Farah had on, 17 March 2021, been sentenced to three years in jail by the Military High Court of Puntland, following a sham trial on charges brought against him under Somalia’s outdated penal code without the presence of lawyers, family members and colleagues. The conviction attracted widespread national and international condemnations. While Kilwe’s release is a welcome development, NUSOJ wishes to note that this sad episode was unnecessary, avoidable and should not have happened in the first place, if the authorities in Garowe had respected Kilwe’s inalienable rights as a journalist. It was also an aberration of justice that a civilian charged with an offence should have faced trial in an improvised military tribunal. “We welcome the release of journalist Kilwe Adan Farah, but he should not have spent a single day in jail because of journalistic work. The decision of Puntland President to pardon Kilwe reverses this glaring miscarriage of justice that had seen our colleague sentenced to an underserved 3 years in jail,” said NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. “We hope that this is a lesson for all involved and will lead to genuine respect for media freedom that will particularly ensure journalists are able to go about their duties without the threat of arbitrary arrests. Journalists have a right to go about their duties without illegal interference from any quarters just as citizens have a right to credible information generated by journalists,” Osman added. NUSOJ wishes to put it on record that Kilwe should not have been arrested in the first place, let alone convicted of any crime, and the union insists on his innocence and that fact should not be lost in the Presidential pardon. It is also worth noting that Puntland has earned the unenviable reputation of being the only Federal Member State or regional administration where journalists are tried under military courts for carrying out their journalistic work. NUSOJ calls upon Puntland President to initiate a national dialogue on the rights and security of journalists, end judicial harassment and rededicate his government’s energy to ensuring that citizens, including journalists, enjoy their civil liberties as set out in the State and Federal constitutions. View the full article
  24. MOGADISHU, Somalia — The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of independent journalist Kilwe Adan Farah, who was today pardoned by Puntland President Said Abdullahi Deni. Kilwe Adan Farah had on, 17 March 2021, been sentenced to three years in jail by the Military High Court of Puntland, following a sham trial on charges brought against him under Somalia’s outdated penal code without the presence of lawyers, family members and colleagues. The conviction attracted widespread national and international condemnations. While Kilwe’s release is a welcome development, NUSOJ wishes to note that this sad episode was unnecessary, avoidable and should not have happened in the first place, if the authorities in Garowe had respected Kilwe’s inalienable rights as a journalist. It was also an aberration of justice that a civilian charged with an offence should have faced trial in an improvised military tribunal. “We welcome the release of journalist Kilwe Adan Farah, but he should not have spent a single day in jail because of journalistic work. The decision of Puntland President to pardon Kilwe reverses this glaring miscarriage of justice that had seen our colleague sentenced to an underserved 3 years in jail,” said NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. “We hope that this is a lesson for all involved and will lead to genuine respect for media freedom that will particularly ensure journalists are able to go about their duties without the threat of arbitrary arrests. Journalists have a right to go about their duties without illegal interference from any quarters just as citizens have a right to credible information generated by journalists,” Osman added. NUSOJ wishes to put it on record that Kilwe should not have been arrested in the first place, let alone convicted of any crime, and the union insists on his innocence and that fact should not be lost in the Presidential pardon. It is also worth noting that Puntland has earned the unenviable reputation of being the only Federal Member State or regional administration where journalists are tried under military courts for carrying out their journalistic work. NUSOJ calls upon Puntland President to initiate a national dialogue on the rights and security of journalists, end judicial harassment and rededicate his government’s energy to ensuring that citizens, including journalists, enjoy their civil liberties as set out in the State and Federal constitutions. View the full article