-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Norway)-Dowladda Norway ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis rasmi ah ka gaadhin Madaxda. Qoraal kasoo baxay dowladda Norway ayaa waxaa marka hore walaac lagaga muujiyay xal u helid la’aanta arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaadho khilaafka doorashada dhaceysa. Norway ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ku amartay inay xukunka si dhaqsi ah ku wareejiyaan, iyagoona Madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed. “Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku wareejiso” ayaa lagu yidhi Qoraal kasoo baxay Dowladda Norway oo kamid ah Beesha Caalamka ee saaxiibada Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay Norway ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Midowga Yurub ugu hanjabay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay ka qaadayaan tallaabooyin cid walba oo wax u dhimeysa wada hadalka, ayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficiladooda. Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaadhan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya oo la isku mari la’yahay. Source
-
(SLT-Kismaayo)-Warqad kasoo baxday madaxweynaha Jubaland ayaa xilka lagaga qaaday wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. Jubaland kama hadlin sababta xilka ka qaadista loogu sameeyay Janan. Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka uu u socdo wadahadallo. CabdirashidJanan ayaa shalay xaqiijiyay in wadahadallo uu u socda isaga iyo dowladda Soomaaliya balse wax heshiis aanan weli la gaadhin. Source
-
(CNN) — British people attempting to go on vacation while travel restrictions are still in place could face a $7,000 fine under new government legislation. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) o ahaa wasiirkii amniga Jubaland. “Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland wuxuu xilka qaadis ku sameeyay mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii amniga Jubaland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland. Xilka qaadista Cabdirashiid Janan ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu soo ifbaxay wadahadal u socda dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan ayaa muddo ciidamo ku haysta xadka Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna halkaas dagaalo kula galay dowladda federaalka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Cabdirashiid Janan appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay Safaarada Norway ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wargalisay inuu si tartiib ah oo Amaan leh ku wareejiyo Xilka. Norway waxay tiri “ Xukuumada Waxaa ku waajiba inay Xilka wareejiso , Sidoo kale waxaa la farayaa Siyaasiyiinta kale iney sii wadaan hogaaminta Dalka”. Norway waxay kamid tahay Dalalka Soomaaliya ka caawiya dhinaca Mushaarka Hay’adaha Rayidka ah iyo kuwa Dowlada. Waakan Qoraalkii kasoo baxay Norway The post Dowlada Norway oo Farmaajo ku Amartay inuu Xilka wareejiyo appeared first on . Source
-
Dagaalyahanada Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey gudaha Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar loo adeegsaday qarax miino ay ku qaadeen dhismaha darbiga ay Kenya ka wado xadka Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal ruux, kadib markii gaari ay wateen madax ka tirsan mashruuca dhismaha darbiga lala bartilmaameedsaday miinada dhulka lagu aaso Guddoomiyaha maamulka Lamu Irungu Macharia ayaa xusay in gaariga qaraxa la haleelay uu ka tegay magaalada Kiunga, kuna sii jeeday xerada Usalaama. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kaaliyihii gaariga uu halkaasi ku geeriyooday, halka wadahiina uu ka baxsaday, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray. Gudoomiyaha ayaa xusay in goobtaasi la geeyay ciidamo ka tirsan ammaanka si ay u xaqiijiyaan badqabka shaqaalaha dhismaha derbiga Kenya ay hore ugu bilowday xadka ay la wadaagto somaliya Al-Shabaab ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay weeraro khasaare geystay ku qaaday dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhaw xaduudka Soomaaliya. View the full article -
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadista lagu sameeyey Janan oo ka mid ahaa wasiirada ugu saameynta badan Jubbaland. Xil ka qaadistan ayaa timid, kadib markii wasiir Janan shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomalaiya. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa goordhaw xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan . Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in xilkii wasiirka Amniga laga qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan . Wasiir Janan ayaa mudda dheer waxa uu soo ahaa wasiirka Amniga Jubbaland , isaga oo si aad ah uga aragti duwana dowladda Federaalka . Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in wada hadalo uu u socdo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Federaalka. Janan ayeey horay dowladda u xirtay iyadoo sheegtay in uu dambiyo dagaal iyo gabood falo bini’aadanimo ka geeystay gobalka Gedo, isagoo markii Dambe ka baxsaday Xabsiga . Dhowr bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada uu hogaaminayo Janan ay magaalada Beledxaawo dagaal kula galeen ciidamada dowladda Federaalka . Hoos Ka Akhriso Wareegatada Xil ka qaadista Source: goobjoog.com
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyada oo walaac looga muujiyey khilaafka ka taagan doorashooyinka. “IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD. Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. “Danaha dadka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu muhiimsan, hoggaanka Soomaaliyeed-na waa inuu ka dhabeeyaa himillada shacabka ee ah in la helo doorasho nabdoon, loo wada dhanyahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD. Si kastaba beesha caalamka ayaa wada dadaallo aan kala joogsi laheyn, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xilka qaadista lagu sameeyey Janan oo ciidamo ku heyso duleedka Beledxaawo. “MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Digreetada xilka qaadista ee uu soo saaray madaxweynaha Jubbaland laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday wasiir Janan oo ka mid ah wasiirada u dhowaa A/Madoobe. Arrintan ayaa kusoo aadeysa, saacado kadib markii uu soo shaac-baxay wada-hadal u socda dowladda dhexe iyo Janan, kadib markii wakiilo ka socda labada dhinac ay yeesheen kulamo lagu heshiisiinayo dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan. Si kastaba tallaabadan ayaa uga sii dareyso khilaafka u dhexeeyey Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyada oo Axmed Madoobe uu weyn doono guud ahaan gobolka Gedo, haddii uu si rasmi ah Janan ula heshiiyo dowladda, una soo wareego dhankeeda.
-
Saacadihi la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay Baaqyada ay dirayaan dowladaha Taageera Soomaaliya ee ku aadan Isfaham la’aanta ka taagan Doorashooyinka . Saaxibada Soomaaliya ayaa 24-ki saac ee la soo dhaafay waxa ay si isku mid ah u sheegen in loo baahan yahay in la qabto doorasho deg deg ah . Midawga Yurub ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ay ka dhacdo dalka. Qoraal ka soo baxay Midawga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay haddii ay dhacdo doorasho Hal dhinac ah ama mid isbar bar socota in aysan Soomaaliya Heli doonin taagerada dhaqaale ay siiyaan oo ay ka jari doonaan . “Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay u baahan yihiin inay helaan tanaasul horseedaya geeddi-socod doorasho oo deg-deg ah iyo in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo, iyadoo loo marayo hirgelinta heshiiskii Sebtember 17. Heshiis la’aanta hadda jirta waxay si weyn u daahineysaa xawaaraha isbeddelada sida degdegga ah loogu baahan yahay, ee loogu waxyeelleynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midawga Yurub . Qoraalka ka soo baxay Midawga ayaa intaasi la raaciyay in aan loo baahneyn in mudnaanta la siiyo danta shaqsiyadeed. “Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa naftooda ku ceebeeya inay metelaan muwaadiniintooda. Kuwii wax u dhimaya wada hadalka ama adeegsiga rabshadaha waxaa loo soo bandhigi doonaa tallaabooyin waxayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficilladooda.” ‘Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya waa inay sharfaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.” Somalia : Statement HR/VP @JosepBorrellF on the current political situation: Somalia’s leaders need to find a compromise leading to an immediate electoral process and a peaceful transfer of power https://t.co/GtVsQB8yNG — European External Action Service – EEAS (@eu_eeas) March 23, 2021 Dhanka kale Safaaradda magaalada Muqdisho ay ku leedahay dowladda Norway ayaa war ka soo saartay xaaladda dalka . Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa lagu Yiri ” Norway oo Saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaay si qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aan siyaasadeed oo ay dadka oo dhan raadiyaan xalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay si dhaqso leh ku wareegjiso xukunka.” Norway ayaa intaasi hadalkeeda Sii raacisay “Jidka guuleysta ee horay loo socdo wuxuu u baahan yahay hoggaamiyeyaal geesinimo leh oo doonaya heshiis. As a close partner, is deeply concerned about the lack of political will by all to seek a solution. The FGS is obliged to secure swift transfer of power, as are all political actors. A successful way forward requires courageous leaders seeking consensus. #Somalia — Norway in Somalia (@NorwayInSomalia) March 23, 2021 Dhinaca Kale Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa iyada oo dhankeeda xoojineysa eedda ka soo baxday Midawga Yurub , barta ay ku leedahay Twitter-ka waxa ay ku daabacday in ay Soomaaliya Lumin doonto Taagerada ay siiso . Qoraalka lagu daabacay Safaaradda Sweden ayaa lagu yiri ” Madaxda DFS iyo FMS waa inay xushmeeyaan waajibaadka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.” Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subaxnimo-2432021-ok.mp3 View the full article
-
Ethiopia's prime minister has acknowledged for the first time that troops from neighbouring Eritrea have been in the Tigray region following the outbreak of conflict in November. Source: Hiiraan Online
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qaraxyo nooca miinada ah lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Gololey oo hoostaga Balcad, iyada oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada marka ay dhaceen, kadib ciidamada AMISOM ay dhinacyada u fureen rasaas xoogan, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaaday inay gubtay labo gaari oo nooca gaashaaman ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaas qaraxyada loo adeegsaday. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa qoraalkii ugu adkaa kasoo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya, ayada oo si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg deg u wareejiso. “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalak Norway. As a close partner, is deeply concerned about the lack of political will by all to seek a solution. The FGS is obliged to secure swift transfer of power, as are all political actors. A successful way forward requires courageous leaders seeking consensus. #Somalia — Norway in Somalia (@NorwayInSomalia) March 23, 2021 Dowladda Norway waxay sheegtay in waddo guul leh oo horey loo qaado ay u baahan tahay hoggaamiyeyaal dhiiranaan leh oo raadi tanaasul. Qoraalka kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho ee lasoo dhigay twitter-ka, ayaa ah kii adkaa ee mid ka mid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, xilli inta badan dalalka kale ee Reer Galbeedka lagu eedeynayey inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale sii cusleynaya in Norway ay tahay dalalka ugu badan ee lacagta ku bixiya Soomaaliya, islamarkaana taageera dowladda federaalka. Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto.
-
Dowladda Norway ayaa walaac xooggan ka muujisay khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka. Qoraal xalay ka soo baxay dowladda Norway, ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay hoggaamiyaal siyaasadeed oo dhiirran, kuwaas oo khilaafkooda ka heshiin kara, si loo qabto doorashada. Dowladda Norway waxay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku tilmaantay, kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed oo ku jihaysan in la xalliyo muranka Arrimaha doorashooyinka. “Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku w”reejiso” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Digniinta dowladda Norway ayaa ku soo aaday, xilli weli aysan hoggaamiyaasha Soomaaliya xal ka gaarin muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka. PUNTLAND POST The post Norway oo dowladda Soomaaliya ku amartay in ay xukunka si dhakhso ah u wareejiso appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu si qoto dheer uga walaacsan yahay is-mari waaga siyaasadeed ee ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya. “Is-mari waagan waxa uu halis muuqata ku yahay xasilloonida dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, oo markii horeba wajahayey xaalado bani’aadannimo iyo kuwa amni oo halis badan,” ayuu António Guterres ku yiri qoraal uu soo saaray. Guterres ayaa ku booriyey hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg wada-hadallo u yeeshaan oo ay qabtaan shir madaxeedka la qorsheeyeey [ee Afisyoone] ayaga oo aan shuruudo ku xirin, si ay u xaliyaan khilaafkooda ku aadan hananaka doorashada una gaaraan heshiis horey loogu dhaqaaqo. Waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay hoggaamiyayaasha Soomaalida uga go’an tahay hanaanka doorasho ee September 17, wuxuuna ugu baaqay inay deg deg isugu raacaan fulintiisa, iyo qabashada doorasho ayada oo aan dib loo dhigin. Xoghayaha guud ayaa mar kale ku celiyey in QM ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto nabadda, xasilloonida iyo baraaraha.
-
Samsam Jama, a nurse working in Somaliland’s Edna Hospital and Hargeisa General Hospital, has published a book in Somali about the Somali public’s harmful misconceptions on health issues. The book, titled Faraadin, (‘Herbalist: medical myths’), discusses some of the false beliefs she has found to be widespread among her patients while working as a nurse, and which she seeks to debunk with correct information made accessible in Somali language. Source: Hiiraan Online
-
Drop-in vaccination clinic to be set up in Leicester mosque
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dr Samira Hassan, a GP in Leicester, has worked closely with the Somali community in St Matthews for several years and will be working at the clinic on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Suspected Al Shabaab militants on Tuesday morning ambushed a water bowser ferrying water to the construction site of the Kenya-Somalia security border wall killing one person. Source: Hiiraan Online
