Everyone is impressed by Khowla Mohamed Abdow. She’s competent, helpful and hardworking. At 25 years old, she’s the coordinator of Baidoa’s Alternative Dispute Resolution Centre in South West Somalia, a Ministry of Justice facility supported by UNDP, where local people can come for help solving arguments ranging from land theft to domestic abuse.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo Xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.
Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo Magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha.
Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay masuuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala gudaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka Dowlada Jubaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubaland ay ka kooban tahay.
The United Nations on Monday lauded Somali women for their huge contributions to peace and development as well as being on the frontlines to defeat the COVID-19 pandemic in the country.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.
Axmed Maxamuud wuxu sidoo kale sheegay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.
Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee caasimadda Garoowe oo lagu tiriyo magaalooyinka ugu Amniga fiican Geeska Afrika lana magac-baxday Amni-badantii Garoowe.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay Jabuuti, xilli ay wehlinayeen madaxda Itoobiya iyo Jabuuti
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca xkuumadda federaalka Somaaliya.
Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xiriirka labada dal, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara tabashooyinka ay Soomaaliya qabtay.
Hase ahaatee, xaaladda ayaa waji kale yeelatay kaddib markii dowladda Soomaaliya ay aad uga carootay natiijada guddigii Jabuuti oo muujisay in ay “inta badan waxba kama jiraan ahaayeen eedeymihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya.
Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi
“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay.
Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana aysan sina u kala maarmin.
“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
“Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yidhi.
‘Shir madaxeed baa lala sugayaa’
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrininba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeed baa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa ayaa ku qoran, waxa loo buunbuuniyay ee loo qeyliyay annagu ma garaneyno.”
Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii Jabuuti.
“Waan iska diiday inaan jawaab iyo waxba ka bixinin arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu keenayaa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Dacwadda Badda
Arrinta Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban farogalinta ay Soomaaliya ka cabatay iyo arrimaha gobolka Gedo oo kaliya, balse labada waddan ayaa sidoo kale waxaa u dhaxeeyay muran dhinaca xadka badda ah oo in muddo ah soo jiitamayay.
Maalmaha soo socda waxa ay mar kale indhaha warbaahinta caalamka ku mashquuli doonaan khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la filayo in 15-ka bishan ay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) billowdo dhageysiga kiiska dacwadda Badda.
Kenya ayaa dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska inkastoo garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya labaduba ay arrintaas ku gacan seyreen.
Maanta ayuu guddiga Soomaaliya u qaabilsan kiiskaas ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxaana ay u diyaar garoobayaan in ay dacwada uga qeyb galaan maxkamadda.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga matalaya Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajo fiican ka qabaan kiiska.
Kenya ayaa heysata fursad ay dhageysiga dacwadda uga qeyb gasho qaab maqal iyo muuqaal ah ama in wakiilladeedu ay ku xaadiraan xarunta ICJ.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab ku laayeen hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen inta u dhexaysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelooyinka.
Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen, Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkaas lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil sare sidoo kalena lagu dhaawacay ilaa 15 dagaallame.
“25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ayaan ku dilney howlgaladan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 kalen, waxaana ka mid ah amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanadan,” ayuu yiri Gen Odowaa.
Sidoo kale, wuxu sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen dhawr degaan oo ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, halkaas oo haatan Ciidamadu gacanta ku hayaan. Hawlgalka waxa qayb ka ahaa duqaymo dhanka Cirka ah sida uu sheegay Gen Odowaa.
Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in laba dekedood laga dhisayo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdirashiid Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hobyo laga dhisayo deked weyn oo maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xirtaan iyo deked yar oo ku kooban kalluumeysiga oo keliya.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in dekedda yar ee kalluumeysi uu dhismaheedu meel geba-gabo ah marayo islamarkaana kalluumeysatada degaanka laga doonayo in ay ka faa’idaystaan dekeddaas cusub.
“Dekad Kalluumeysi ayaan ka barbar sameynaynaa Dekadda weyn ee Hobyo, taasi oo aan ugu talagalnay in ay ka faa’iideystaan kalluumeysatada” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid.
Garoowe (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, siiba dadka socdaalaya ama safaraya ee ku sugan halkaasi.
Booliska Garoowe ayaa shaaciyey in qof kasta oo soo galaya ama ka baxaya Garoowe looga baahan yahay damiin, ka hor inta uusan safrin, ama soo gelin gudaha magaalada.
Sidoo kale taliska Booliska aya aintaasi kusii daray in qofka la doonayo inuu caddeeyo u jeedada uu uga baxayo Garoowe amaba uu u soo galayo magaalada.
“Qof walba oo soo galayo amaba ka baxaya magaalada waxaa laga doonayaa inuu keeno damiin isla markaana cadeeyo ujeedada uu uga baxayo amaba u soo galayo magaalada.” ayuu yiri Axmed Maxamuud Cali oo ka mid saraakiisha ciidamada Booliska Puntland.
Arrintan ayey Puntland kaga gol-leedahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa suurta-galnimada weeraro ka dhaca halkaasi.
Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii weerar culus dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Jowhar (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdow Roose oo kamid ah dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degmada Jowhar, ayaa muddo laba todobaad ah u xiran booliska HirShabeelle.
Nabadoonkaan ayaa u xiran amar la dul-saaray oo ah, in uu ka baxo dhul uu siiyay maamulkii Allah ha u naxariisteen Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in nabadoonka uu xiran yahay madaxda sare ee HirShabeelle kadib marki uu diiday in ay uu wareejiyo hantidiisa.
Cabdow Roose, ayaa nabadoon u ah beelaha Carab Soomaali ee dagan Jowhar waxaana la sheegayaa in uu ku xanuunsanayo gudaha xabsiga.
Ehellada iyo qaraabada Cabdow Roose ayaa codsaday in lasii daayo nabaddoonka ama la soo taago maxkamad, si loogu helo eedaha loo heesto ama lagu waayo.
Jowhar waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo lagu qabo ciidanka amniga si gaar ah waxaa laga cabanayaa ku tagri fal awoodeed oo ay geysanayaan ciidanka amniga.
Bu’aale (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe waxay ku dileen shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo oo iyaga ka dhan ah.
Al-Shabaab waxay sheegeen in raggaan ay ahaayeen shabakad isku xiran oo la shaqeyneysay sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo caalami ah.
Dilal iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda ayaa lagu eedeeyey inay masuul ka ahaayeen shanta nin ee lagu dilay fagaaraha Bu’aale.
Al-Shabaab waxay sheegeen in shabakabadaas uu hoggaamiye u ahaa Maxamed Soomoow Ibraahim oo isaga ay gowrac ku dileen, halka afarta kale mid mid loo toogtay.
Afarta nin ee kale ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ahaa wiil yar oo 16-sano jir ah, Ismaaciil Saciid Kariib, Maxamed Axmed Aadam iyo Cabdulqaadir Xasan Cali.
Dhulka ay Al-Shabaab ka maamulaan Soomaaliya waxaa sidaan oo kale joogto loogu dilaa dad intooda badan ay ku eedeeyaan basaasnimo, xatooyo, gogol-dhaaf iyo eedeymo kale oo cabsi xoog leh ku abuuray dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa howlgallo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, kuwaas oo lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.
Deegaanada uu militeriga Soomaaliya ka fuliyey howlgalkaas waxaa ka mid ah Ballow oo dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, waxaana halkaas lagu dilay xubno ka titrsanaa Al-Shabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.
Sidoo kale deegaanada la xusay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegeen waxaa ka mid ah Jambaluul oo lagu dilay xubnihii lagu weeraray ee ka tirsanaa Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo warbixinta howlgalladaas la wadaagay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah.
Waxa uu sheegay in 25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ay ku dileen howlgalkaas, ugu yaraan 15-kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kale dad looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab ayuu sheegay in lagu soo qabtay howlgalka.
Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage waxa uu sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jiro u qaabilsanihii Al-Shabaab ee degaanada u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda madaxa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, kaas oo qabsoomidiisa ay dadaal badan ku bixinayaan wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Safiirka Mareykanka iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Sida aan xogta ku helnay shirkan waxaa loo asteeyey inuu ka dhaco Teendhadii afar sano ka hor lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana taas loo yeelayaa fulinta shuruudii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dal baday in shirka lagu qabto goob ay ammaankeeda isku aamini karaan.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa la sheegay inay Muqdisho imaanayaan inta lagu guda jiro todobaadkaan, waxayna wataan shuruudo cusub oo ay la imaa doonaan shirkaas.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysaa in shirkaas lagu soo koobo xaflad ay madaxdu ku kala saxiixanayaan qodobadii xalka looga gaaray khilaafka doorashada ee shirkii guddiyadii farsamada ee kala metelayey dhinacyada, kaas oo bishii hore ka dhacay magaalada Baydhaba ee K/Galbeed.
Hase yeeshee xogta aan helnay waxay sheegeysaa in heshiiskii Baydhaba kadib, ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yimaadeen seddax shuruudood oo cusub, kuwaas oo ay qorsheynayaan inay la yimaadaan shirka Muqdisho, waxayna kala yihiin.
2 –In wixii sharciyad oo la ansixiyay 27-kii bishii December kadib, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka in laga laabto.
3 –In amniga doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo.
Dhanka kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa hadda safar ugu maqan dalka Turkiga, waxaana la sheegay in ugu dambeyn ay dalka dib ugu soo laabanayaan Arbacada soo socota, si ay uga qeyb galaan shirka.
UK calls for 30% women’s quota in Somali elections
To mark International Women’s Day (IWD2021), British Embassy Mogadishu today co-hosted virtual event with HearWomen International and LeadNow Somalia, a grassroots organisations dedicated to increasing women’s participation in politics and public office.The event aimed at celebrating Somali women for their fantastic contribution to Somalia and Somali politics.
The event was attended by a cross section of Somali women ranging from political, civil society and grassroots organisations. Discussions focused on the role of Somali women in the elections and leadership.
Ahead of Somalia’s upcoming elections, the UK’s Development Director Damon Bristow urged all Somali stakeholders to honor the commitment made to implement the agreed 30 percent women’s quota in the planned elections.
Damon Bristow, Development Director, said:
“Today’s commemoration of International Women’s Day in Somalia comes at a significant time in this political season. Somali women have made great strides in the public and political spheres, including a 10 percent increase (from 14% to 24%) in the representation of women in the Federal Parliament since 2016. We call on stakeholders to adhere to the 30% quota as enshrined in the constitution.”
“In Somalia, women and girls are at the heart of our programming which ranges from support to greater participation by women in politics and leadership, to activities aimed at robustly challenging harmful practices.”
The UK is also supporting promotion of a more inclusive political settlement in Somalia, including support to Somalia’s constitutional review process and preparations for inclusive and representative national elections.
Also in attendance at the event was Somalia’s Minster of Women and Human Rights Development H.E Hanifa Mohamed Ibrahim.
She said: “The Somalia government is committed to pushing for policies to make systematic change and achieve 30% women quota. The Ministry of Women is also working to establish legislations on sexual offenses and children’s rights.”
Fawzia a Member of Parliament and the Chairlady of the National Development Party said:
“Somali women have a lot of potential and it is crucial that all partners work together to unlock their potential. We need to ensure that the women quota is achieved in this elections and women are given their rightful place in leadership positions
International Women’s Day has been observed around the world since 1975, to celebrate the social, economic, cultural and political achievements of women. The day marks a call to action for accelerating gender equality.
Nairobi (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa fariin u diray labada madaxweyne ee maamullada Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna ka codsaday arrin gaar ah.
Sheekh Umal oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa ka codsaday labada madaxweyne ineysan wax shuruud ah ku xirin ka qeyb galka shirka arrimaha doorashada looga hadlaayo ee la filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo aadan.
“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya,” ayuu yiri Sheekh Umal.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wadahadalkii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan.
Sheekha ayaa intaas ku daray dad badan rumeysan yihiin in Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay ka talo qaataan xiriirna la leeyihiin dowlado shisheeya, taasoo haddii ay jirto uu sheegay noqoneysa khiyaano qaran.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii uu fariin dhinacyo badan taabaneysa u diray saamileya siyaasadda Soomaalida oo ay ku jiraan kooxda talada heysa iyo mucaaradka u hanqal taagaya kursiga.
Mogadishu (PP Features) — As the International Court of Justice hearing on the maritime dispute between Somalia and Kenya draws near, a clearer picture is emerging about the extent to which Somali leaders and legal minds have boosted Kenya’s chance of winning the case.
Ahmed Ali Dahir, the former Somali Attorney General of the Federal Republic of Somalia, said that, because of state collapse in Somalia, some countries considered Somalia to be an easy game and that Kenya granted oil exploration concessions to several companies including Statoil, a Norwegian petroleum company. Mr Dahir said that Somalia had signed the Memorandum of Understanding with Kenya to address disputes arising from Kenya’s “unilateral delimitation of the sea border” for oil exploration reasons. He did mentioned which country makes an illegal maritime claim. “When two countries have a maritime dispute they have the option to settle their differences without recourse to a court” Mr Dahir added. Somalia has never made claims on Kenya’s maritime territory.
Ahmed Ali Dahir glossed over the clause in MoU on which Kenya’s maritime claim is based on.
“If, as he said, Kenya sought to exploit Somalia’s predicament, why is the former Somali Attorney General mincing his words about Kenya’s illegal and resource-related motivations in the concocted maritime dispute?” asked Hassan Ali Abdinur, a Somali lawyer in Mogadishu Dahir’s version contradicts a statement by the former Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke who, in 2016 in Garowe, said that Somalia “signed the Memorandum of Understanding to extend its maritime territory beyond the 200 nautical miles and that Norway drafted the MoU Somalia and Kenya signed in 2009.”
Omar A. Sharmarke said Somalia “sought to extend iits nautical miles beyond 200 miles” when two-third of Mogadishu was under Alshabaab.
“The delimitation of maritime boundaries in the areas under dispute, including the delimitation of the continental shelf beyond 200 nautical miles, shall be agreed between the two coastal States on the basis of international law after the Commission has concluded its examination of the separate submissions made by each of the two coastal States and made its recommendations to two coastal States concerning the establishment ·of the outer limits of the continental shelf beyond 200 nautical miles. This Memorandum of Understanding shall enter into force upon its signature” reads the Memorandum of Understanding.
This is the clause on which Kenya banks to win the case.Which areas are under dispute apart from “the delimitation of the continental shelf beyond 200 nautical miles”? In 2009 Somalia accepted that Kenya’s claim has merits. “Mr Dahir was once a lead representative of Somalia at ICJ hearings on the maritime dispute. His latest intervention gives the impression that Somalia claims Kenya’s maritime territory. He ignores the fine print in the MoU at Somalia’s expense”, Abdinur added.
A video clip of Ahmed Ali Dahir’s reflections on the maritime dispute between Somalia and Kenya.
Omar Abdirashid A. Sharmarke’s 2016 Garowe press conference on the 2009 MoU he had authorised to be signed with Kenya without expert consultations.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xalay xir xiray ku dhowaad 150 dhalinyaro rag ah, kuwaas oo laga qab qabtay degmada Karaan ee gobalka Banaadir.
Dhallinyaradan ay qab qabteen ciidanka amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay laga qabay cabasho badan, kadib markii ay billaabeen weero inta ay u kala baxeen laba xaafadood.
Dhibkaan ayaa waxa uu ka jiraa Xaafada Jamhuuriya waxaana la sheegay in uu soo taagnaa muddo ku dhow 60 cesho. Dhalinyarada ku nool xaafada Jamhuuriye ee degmada Kaaraan oo isku heesta Garoon kubada cagta ah ayaa u kala baxay laba koox, waxeyna billaabeen in ay ku dagaalamaan Weero ama tuuryo oo loo adeegsanayo dhagxaan lagu soo xiray xariga (wirif).
Sidoo kale dhalinyarada ayaa isu adeegsada Mindiyo, olal iyo agabyo kale. Dhalinyarada ayaa beegsanaya qofkii ka soo baxa xaafadba xaafada kale. Mararka qaar waxey dhag xeeyaan gaadiidka iyo guryaha, taas oo keentay in ay cabasho muujiyaan dadka degaanka.
Ugu yaraan 8 qof, oo ay ku jirto Haweeney waayeel ah ayaa ku dhaawcmay waxaana muraayadaha looga daadiyay gaadiid aan ka yareen 5 gaadi. Sidoo kale, gaadiid badan ayaa muraayadaha ka jabay, dhalinyaro aan qeyb ka ahayn weerarada ayaa loo dhibaateeyay xaafada ay dagan yihiin darteed.
Qaar kamid ah dadka degaanka gaar ahaan odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in ay cabasho gaarsiiyeen maamulka degmada iyo ciidanka booliska Soomaaliya ee saldhigga balse aan laga jawaabin cabashadooda.
Xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa maanta looga dabaal degay meelo badan oo caalamka iyo Soomaaliya kamid ah, munaasabad maalintaas lagu weynaynayay oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka ahna ku simaha wasiirka, wasiir ku xigeenka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ururada haweenka, hal-doorka dumarka ee u ololeeyay xaqiijinta qoonddada dumarka ee 30% iyo marti sharaf kale.
Hal ku dhegga sanadkan ee xuska maalinta 8 Maarso ayaa ah, hogaamiyeyaasha haweenka waa in ay ku guuleystaan mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida la dagaalamayso cudurka COVID-19.
Mas’uuliyiintii ka qeybgashay xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa waxay u hambalyeeyeen haweenka Soomaaliyeed ayagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyay ilaalinta qoonddada dumarka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ku leeyihiin, sidoo kale waxaa laga hadlay wacyigelinta safmarka coronavirus.
Inkasta oo dowladda aan garab taagnahay, ilaahna ka rajeyneyno in dalkeenna uu ku adkaado kiiska, hadana si ka duwan dowladdii Xasan Sheekh, maamulka hadda jira aamusnaantiisa iyo xog yarida jirta waxay sababtay in aan lagu kalsoonaan karin waxa socda!
Sidaasi ay tahay, waxaan horay idiin ku sheegay iney qareennada na difaacaya ay kala yihiin: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet oo khubaro ah, laakin ma heystaan garabkii Al-sharmaani iyo dal ama hey’ad naloo sheegay iney bixineyso qarasha kiiska, taasi oo soo dedejineysa inuu jiro farqi u dhaxeeya 2021 iyo 2016!
2021: Wafdiga maanta baxay waxaa hoggaaminayey Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Mahdi Guuleed, waxaa qeyb ka ah: Yusuf Garaad oo ah safiirka Badda cas iyo bariga Afrika, Xeer ilaaliyihii Hore iyo midka hadda Axmed Cali Daahir iyo Suleymaan Maxamed iyo Eng Maxamed Saalixi oo ah khabiir badaha, hayey keydka, khariidadaha iyo siraha isla markaana 10-kii sano ee lasoo dhaafay xafiiska Madaxweyneyaasha kala talinayey kiiskan!
Si ka duwan 2016-kii, inta maanta baxday waxaa hoggaaminayo siyaasi, sagootintooda qeyb kama aha Madaxweynaha, lama arkin xubno bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan ah ama khubaro madaxbannaan! Laakin 2016-kii, waxaa kiiska hor kacayey Safiir Fiqi iyo Muna Al-sharmaani, teeda kale sida sawirka hoose ka aragtaan, waxaa kale oo bulshada laga waday dadkii indhaha u ahaa, oo badaha iyo qanuunka fahmayey!
Ugu dambeyntii, arrinta kale ee muhiimka ah waa qarashka kiiska, sida ay ii xaqiijiyeen ilo muhiim ah, 2016-kii waxaa kiiska badda meel u taallay $5 milyan oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka si loogu bixiyo qareennada iyo wax walba oo kiiska ku saabsan, lacagtaas oo aan la ogeyn wax ka haray, warar qaar ayaa sheegaya in lacagtii loo leexiyey dhismaha machad, lamana oga iney taasi sabab u tahay in Muna iyo qareenno kale lacag loo waayey iyo in kale!
Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xerooyin milatari oo ku yaal dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof, halka in ka badan 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema ayaa sheegay in qaraxu dhacay 4tii galabnimo Waqtiga maxalliga ah, qaraxa ayaana ka dhashay dayacaad dayactir kadib markii ay qaraxday keyd hub ah oo ku dhex yiilay xerooyinka militariga ee ku yaal xaafadda Mondong Nkuantoma ee Bata.
Wasaaradda Difaaca Equatorial Guinea ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dab ka kacay bakhaarka hubka ee xeryaha uu sababay qaraxa .
Waxay sidoo kale sheegtay in tirada dadka ku dhintay qaraxa ay gaareyso 20, iyadoo intaa ku dartay in sababta qaraxa si buuxda baaritaan loogu sameyn doono.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in laga yaabo in dabka uu sabab u ahaa dadka deegaanka oo gubay beeraha ku teedsan xeryaha.
Muuqaallo uu baahiyay Telefishinka dowladda ayaa muujinayay qiiq aad u fara badan oo kor uga baxaya goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo dadkii badnaa ay carareen.
Sawirro ay qaadeen warbaahinta maxalliga ah oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa muujinaya dadka oo qaylinaya oo ooyaya waddooyinka dhex ordaya iyadoo ay jiraan qashin iyo qiiq.
Equatorial Guinea, waa dal Afrikaan ah oo ay ku nool yihiin 1.3 milyan oo qof oo ku nool koonfurta Cameroon, waxaa gumeysan jiray Spain illaa uu xorriyadda ka qaatay 1968. Bata waxaa deggan qiyaastii 175,000 oo qof ay dagan yihiin.
Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa kusoo beegan caasimadda Muqdisho berri oo talaadada.
Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu Madoobe berri iman doono halka Puntland ay rajo weyn ka muujiyeen in la filayo inuu berri yimaado.
Labada nin ayaa lagu wadaa iney Muqdisho uga qeybgalaan shir lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedka kasoo baxay guddiga farsamo ee maamul goboleedyada oo Baydhabo isku arkay 15-16-kii bishii hore.
Wararka safarka Madaxweyneyaasha kala soco Goobjoog News
A young woman leads in dispute resolution
in News - Wararka
Posted
Everyone is impressed by Khowla Mohamed Abdow. She’s competent, helpful and hardworking. At 25 years old, she’s the coordinator of Baidoa’s Alternative Dispute Resolution Centre in South West Somalia, a Ministry of Justice facility supported by UNDP, where local people can come for help solving arguments ranging from land theft to domestic abuse.
Source: Hiiraan Online