Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Xubna ka tirsan midawga Musharixiinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii fashilmay ee u dhaxeeyay Midawga Musharixiinta iyo Xukuumadda xilgaarsiinta .

    Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah midawga musharixiinta ayaa shegay in si xal loo gaaro loo bahan yahay in ay sii socdan Wadahadalada.

    Qoraal uu soo dhigay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayuu ku sheegay in la rabo in arrinta ay miiska wada hadalka ku dhamaato.

    “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare
    Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro.”
    Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in mar dhaw la qaban doono shir ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka Si loo dhameeystiro Heshiiskii 17-September.
    Moalimuu ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe dib loogu furayo wadahadaladii Fashilmay .
    Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri ” Waxaan rajeyneynaa in mar dhow shir madaxeedka soo socda ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobaleedyada uu ka furmo Muqdisho si  loo dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020.
    “Maxamed Hussien Roble wuxuu doonayaa inuu dib u bilaabo wadahadalkii uu la lahaa Musharixiinta Madaxweynaha guud ahaan iyo shaqsi ahaanba, si loo gaaro heshiis isla markaana loo galo doorashooyinka dhowaan.”
    Hadalka labada dhinac ayaa ku soo aadaya xilli 48-saac ee la soo dhaafay xaaladda siyaasadeed ee dalka aysan laheyn Jiho loo raaco.

    Source: goobjoog.com


  2. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay abaarta ka jirta Gedo.

    Ugu horreyn Sayid Aadan ayaa shaaciyey in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto Gedo, islamarkaana ay ka taagan tahay abaar saameysay dadka iyo duunyada.

    Sidoo kale wuxuu baaq u diray hay’daha samafalka ee ka howl-gala Jubbaland inay gurmad bani’aadanimo gaarsiiyaan qoysaska ku dhibaateysan halkaasi.

    Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo yeereysay qeylo dhaan ku aadan xaalad biyo laáan ah iyo mid nololeed intaba.

    View the full article


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya.

    Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho.

    Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021.

    Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.

    “Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

    “Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri.

    “Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.”

    Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida.

    “Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah.

    “Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne.

    Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo.

    “Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid.

    Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

    “Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka.

    “Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa.

    Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin.

    “Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.

    Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab. 

    VOA


  4. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray deegaanka Feer-feer ee Gobolka Hiiraan.

    Wafdiga Guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ah Duqa Beledweyne Nadar Tabaax maalin Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey Saraakiil ciidan iyo Ganacsato.

    Wafdigaasi waxaa soo dhoweyn heerkeeda sareeya gudaha degmada Feer-feer ugu sameeyay qeybaha bulshada deegaanka.

    Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Feer-feer ka daah furi doona mashaariic horumarineed.B24B5E39-1DFA-4F51-8088-E88393CAE481.jpe 6EADA014-7ED5-4FAA-BD17-186FCA55F3B3.jpe

    084C7550-C607-4092-A359-CC4C9028C927.jpe

    View the full article


  5. Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu la kulmo la-taliyeyaashiisa siyaasadda. Laba-bogleyn ku saabsan ka sii mid ahaanshaha Midowga Murrashixiinta ayaa soo foodsaartay madaxweynihii hore.

    Sanadkii 2016 wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inay si “qeyrul mas’uulnimo u sahladeen baddeennu inay baxdo…” Wuxuu ku tilmaamay labada siyaasi kuwo aan u qalmin inay u tartamaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

    113133510_xasansheekh.jpg?resize=640%2C3Miyuu isbeddelay? 2016kii Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dibindaabyo qaran.

    “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u ekaanayaa siyaasi dadka been u sheegayay 2016kii hadduu maanta madal kala soo muuqdo Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo aamminsan inay u qalmaan in loo doorto Madaxweyne” ayuu yiri Aweys Cali, oo ah bare ku sugan Afgooye.

    “La-taliyayaasha Xasan Sheekh laba arrimmood mid uun waa inay kula taliyaan Xasan Sheekh. Inuu ka tanaasulo murrashaxnimada ama inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Puntland Post ka codsaday inay xigato magaciisa oo aan la sheegaynin.

    Midowga Murrashixiintu waxay u badan yihiin xubno aan ku mideysnayn siyaasad dhaafsiisan in xukunka lagala wareego Madaxweyne Farmaajo. Waxay ku hungoobeen codsi ay u direen xildhibaannada Digil & Mirifle oo ka biyodiiday xubinnimada Shariif Xasan Aadan, oo ay u arkaan inuu bahwadaag siyaasadeed la yahay Aala Sheekh iyo Damuljadiid, laba kooxood ay xildhibaannada beeshu u arkaan “kuwo aan lahayn barnaamij siyaasadeed danta qaranka Soomaaliyeed ku qotoma”.

    © Puntland Post, 2021

    The post Xasan Sheekh Maxamuud oo ka fiirsanaya inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta appeared first on Puntland Post.


  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo dhawaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iska casilay, ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay Musharaxnimada uu darteed uga tagay xilka muhiimka ah.

    Faratoon ayaa sheegay in xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi uu uga tagay sidii uu ugu ololeyn lahaa Kursiga Golaha Wakiilada Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaas oo uu sheegay inuu u sharaxan yahay.

    “Hadda waan is casilay, waxaana iskaga casilay xilkii aan qaranka u hayey oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in aan isku soo sharaxo xilka Golaha Wakiilada, gaar ahaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo aan u sharaxan nahay, Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadnaqayaa inuu iga gudoomo is casilaada,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay inuu ku guuleysanayo jagada Golaha Wakiilada, islamarkaana uu hubo inuu hananayo kursiga ugu sarreeya golahaas ee Guddoomiye-nimada, xili aan weli loo dareerin doorashada xildhibaanada golaha.

    “Markasta dalkayga iyo dadkayaba si daacadnimo iyo dadaal ku jiro ayaan ugu soo shaqeeyey, haddii noqoto Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashadaba, insha allaah  waan ugu shaqeeyn doona”.

    Hadalkan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu dabada ka riixayo musharaxnimada Faratoon, islamarkaana uu la rabo inuu ka dhigo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland.

    Faratoon ayaa xilkii Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u baneeyay si uu uga madax banaanado ololaha musharaxnimadiisa, wuxuuna door weyn kasoo qaatay dadaalka ay Somaliland ku baadi-goobeyso madax-banaanida ay ku doodo.


  7.  ka qaybgal Qoraalkii ugu horreeyay ee Twitter la soo dhigay oo malaayiin dollar lagu iibinaayo

    Jack Dorsey
    Jack Dorsey

    Jack Dorsey oo kamid ah dadkii wax ka bilaabay shirkadda Twitter ayaa sheegay in uu iibinayo qoraalkii ugu horreeyay ee uu soo dhiga bartaas.

    Wuxuu doonayaa in looga iibsado 2.5 malyan oo doolar.

    Wuxuu qoraalkaas soo dhigay Twitter-ka bishii March ee sanadkii 2006-dii, kaas oo u dhignaa sidatan, “Waxaan ka shaqeynayaa sidii aan u sameysan lahaa bogeyga Twitter-ka”

    Qofka iibsada qoraalka waxaa la guddoonsiin doonaa shahaado casri ah oo uu ka saxeexan yahay magaca Dorsey iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan qoraalkii ugu horreeyay iyo xilliga rasmiga ah ee lasoo dhigay Twitter-ka.

    Qoraalka ayaa isaga jiri doonaa Twitter-ka xitaa haddii la iibiyo.

    Article share tools

    Qaran News


  8. Marxuumka-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey AUN Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilladda oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Badhan iyo Ceel-daahir.

    Guddoomiyaha ayaa salaatul Jinnaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuumka oo ahaa Mudane dalka & dadka usoo shaqeeyey, muddo dheerna ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL, haddana ahaa Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqank Golaha Wakiillada DPL.

    Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Alle naxariistii Janno ha siiyo innagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha Wakiillada, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntland ” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda dowladda Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Xildhibaan Cali Dhahar oo aas Qaran loogu sameeyay Badhan appeared first on Puntland Post.


  9. Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku warejisay xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

    War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Soomaaliya lagu wareejiyay xarun tababar oo uu dhisay turkiga taas oo ku taalla Muqdisho .

    Xiriirka ka dhexeeya Xukuumadda Ankara  iyo waddanka Geeska Afrika ayaa 10-ki sano ee la soo dhaafay ahaa mid kor u kacayay  kadib booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sanadkii 2011, taasoo ka dhigaysa inuu yahay hoggaamiyaha kaliya ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.

    Iskaashiga dhanka  militariga ka sokow, Muqdisho iyo Ankara  waxay sidoo kale iska kaashadaan caafimaadka, waxbarashada, iyo dadaallada kale.

    Turkiga wuxuu dhisay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga.

    Source: goobjoog.com


  10. 1-5.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

    Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kormeer shaqo oo afar maalmood qaatay ku tagay deegaanada Waqooyi ee magalada Kismaayo, deegaanada uu Madaxwayne ku xigeenku kormeerka ku tagay ayaa waxaa ka mida Sanguuni,Wirkooy, Buulaguduud Yoontooy iyo Goobwayn.

    Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanadaas.

    U jeedka kormeerkaan ayaa darnaa sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda amni iyo nolosha dadweynaha ku nool deegaanadaas, maadama qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.

    Madaxwaynaha ayaa sidoo kale shirar kala duwan la qaatay Saraakiisha ciidamada iyo maamulada deegaanadaas oo uu kala hadlay xaaladda guud, isagoona warbixinno kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada.

    Jubbaland ayaa sidoo kale gaarsiisay gurmad raashin ah oo lagaga jawaabayo abaarihii ka dhacay deegaanada uu madaxweynahu kormeerka ku tagay.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo booqday xeryaha Ciidamada dowlada Federaalka appeared first on Puntland Post.


  11. Tani waa sheeko sawir muhiim ah ka bixineysa Halista Tahriibka iyo doorka ay Mukhalisiinta ku leeyihiin ku hoobashada ay dhallinta ku hoobtaan jidkaas halista badan.

    Tebintii: Ifrax Axmed, TRS

    Tahriibku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan ee xilligan ay dunida wajaheyso, waxaana ku dhamaada dhallinyaro u badan hanaqaad oo naftooda halis galiya iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadaan amni darro ama duruufo shaqo la’aan ah oo galiya niyad jab ay naftooda halis ku galiyaan.

    Barnaamijyo taxane ah oo lagu soo bandhigayo Halista Tahriib, kuwaas oo ay soo bandhigtay The International Emerging Film Talent Association (“IEFT”), ayna soo saare ka tahay Ifraax Axmed oo ah ololeeye Soomaaliyeed oo aad loo qaddariyo ayaa waxaa ay diiradda saarayaan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa Halista dhabta ah ee Tahriibka iyo sheekooyinka naxdinta badan ee laga warinayo dadka ka soo badbaaday tahriibka.

    TAHRIIB – BUUFIS KHATAR AH

    Tahriibku waa buufis khatar ah oo halis galiyo nafta qof walba ee tahriiba. Waxaa dhacda in tahriibayaasha iyaga oo silac badan maray, haddana, ay ku dhintaan tahriibka oo ay u rumoobi weydo riyadoodii aheyd in ay helaan nolol ka wanaagsan tan ay ka tahriibayaan. Ama iyaga oo rafaad badan soo maray inay doon raacaan oo ay badda kula qalibanto. Intii dhimatay mooyee inta badbaadday in dib loogu soo celiyo halkii ay doonta ka raaceen markii hore. Taasi waxay u horseeddaa niyad jab kale oo hor leh, kaas oo keeni kara inuu qofku galo xaalad adag. Waxaa jira kooxo loogu yeero muqalisiin kuwaas oo dhallinyarada ku qanciya in ay tahriibaan, kaddib markii ay magafayaasha u gacan galaan lacagta ay madaxfurashada u qaataan magafayaasha ayaa qeyb yar laga siiyaa muqaliska.

    Ridwaan waa wiil Soomaaliyeed oo tahriibe ah, kaas oo ka tahriibay magaalada Boorama kaddib markii uu dhiirigalin ka helay saaxiibadiis horey u tahriibay oo nasiibka ku saaciday in ay ka gudbaan jidkaas halista badan ee isugu jiray saxaraha, magafayaasha iyo badda.

    Ridwaan waxaa uu sharaxayaa sida uu ku baxay isaga oo aan la tashan waalidkiis iyo dhibaatada ka qabsatay markii uu u gacan galay magafayaasha.

    “Markii aan tahriibay ee la i qabsaday ayaan qoyskeyga u sheegay in aan tahriibay oo nimankii magafayaasha ahaa gacantooda aan ku jiro, magafayaasha in markiiba lacag horey laga soo diro ayey rabeen, dadkaygiina way ku adag tahay oo lacagtii ma hayn, muddo ayaa la i heystay aadna la ii silcinayey. Muddadaas la i heystay ee la i silcinayey waxaan ku maaweelinayey magafayaasha in ay lacag soo socoto, waxaan u sheegayey in qoyskeyga ay lacagta soo diri doonaan, balse waa la i jirdilayey mar walba waxaa la i lahaa la hadal qoyskaaga, waanse iska adkeysanayey maadaama aan ogaa in qoyskeyga aysan lacagta si deg deg ah u soo diri karin, waana xanuun xiskeyga aad saameyn ugu leh illaa hadda”

    Ifraax Axmed waxaa ay koox tahriibayaal ah dhex dhigtay su’aal ah sida ay u arkaan dhibaatada uu ka sheekeeyey Ridwaan.

    “Waxaa uu nala wadaagay waa dhibaatooyinka tahriibta qayb ka mid ah uun, waana dhibaato xanuun badan oo dareen xanuun badan xambaarsan” Tahriibe ayaa yiri

    Hooyo Soomaaliyeed oo qudheeda horey tahriibka u saameeyey ayaa tiri “Tahriibku waa dhibaato dhallinyarada heysata, saaxiibadood Yurub tagay ayaa u soo diraya sawiro qurxoon oo ah halka ay Yurub ka joogaan, taas ayaa ku dhiirri galinaysa in ay halista u bareeraan. Dhibaatada kale ee jirtana waa in aysan waalidkood u sheegayn marka ay tahriibayaan, waa ay ka dhuuntaan waalidka wada tashi la’aan, waalidkooda lacag ha hayo ama yuusan heyn dhalinyarada way iska dhuumataa, marka ay magafaha u gacan galaan uun ayey soo ooyaan”

    Tahriibe kale oo isaga qudhiisa soo arkay xanuunka uu ka sheekeeyey Ridwaan mid la mid ah ayaa yiri “Tahriibku waa arrin dhib badan, waayo qofka wuu iska socdaa, waddamo uusan u dhalan ayuu sifo sharci darro ah ku galaa, halistuna way weyn tahay, qof kastana wuu og yahay”

    Hooyo Soomaaliyeed oo la tahriibtay lix carruur ah oo ay dhashay ayaa iyadana ka sheekeysay dhibaatada ka qabsatay Tahriibka. “Aniga oo lix ciyaal ah wata ayaan jidkaas dhibka badan ka soo gudbay oo Ilaahey Masar i keenay, waxaan ka soo tarhiibaySoomaaliya, waxaan soo maray Itoobiya, Suudaan illaa Masar. Markii aan Masar nimid oo ay carruurteydii waxay arkeen in ay doomo Tahriib ah ka baxaan halkan, way igu ooyeen oo waxay rabeen in aan u fasaxo oo ay doonta isku biimeeyaan, waan ka diiday. Been ayaan ku maaweeliyaa wiilasheyda, UN ayaa na qaadi doona ayaan ku dhahaa”.

    SAFAR DILAA AH

    Tahriibku waa safar dilaa ah oo qatartiisuna la isku wada raacsan yahay, waxaana ku lug leh laba koox oo qawleysato ah oo kala ah Muqalisiin dadka been u sheega, dhiirrigaliya, una dira tahriibka iyo magafayaal dadka qabsada, ciqaaba, ugu xadgudba si daran, kana qaata lacag kumanaan doolar ah ah oo madaxfurasho, taas oo ay qeybsadaan iyaga iyo muqalisiinta.

    “Xanuunka uu tahriibku leeyahay waxaa ugu weyn in aad ku dhimato, waxaana ugu yar in ay ku diloodaan gaajo iyo harraad, waxaanse intaas ka sii daran in gabdhaha la kufsado, ragga iyo dumarkaba la jir dilo, la silciyo, haddana lacag madaxfurasho ah laga qaato” Ayuu yiri Tahriibe kale

    “Meesha ugu xun ee loo tahriibo waa Liibiya, silcinta xad dhaafka ah waxaa ka daran in sheekooyinka kale ee xanuunka badan ee laga soo warinayo. Qof harraaddan oo biyo waydiistay qof kale ayaa gacanta looga jabiyey, yacni biyo aan nafta ku ceshado isii qof aad dhahday inuu gacanta kaa jabiyo wax ka arxan darro badan ma jiraan”

    Tahriibka oo ay maraan kummanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah waxaa laga soo wariyaa sheekooyin xanuun badan oo aan la dhegeysan karin, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dadka lagu hayo meel saxare ah oo aad u kulul, iyaga oo aan cunto iyo biyo la siineyn, kaddibna habeenkii lagu hayo meel ay ka dhacayaan dabeyl aad u qabow, siigo guurguureysa iyo masas ciidda la socda oo dad dil ah, kuwaas oo galiya nafta tahriibaha.

    SABABAHA QASBA TAHRIIBKA EE U BAAHAN IN WAX LAGA QABTO

    Dadka tahriibka xanuunkiisa soo arkay ee kaddibna geeridiisa ka soo badbaaday waxaa ay ka sheekeynayaan dhibaatooyin uusan maanku xamili karin oo dhegeysigooda laga qaado qalbi xanuun. DHibaatooyinkaas oo isugu jira kuwo tahriibayaasha qaar ku qasbay in ay dalkooda ka cararaan iyo kuwa ay kala kulmeen jidkii ay ku tahriibeen iyo halkii ay tageen, waxaase ka sheekeeya Tahriibayaasha geerida ka badbaaday.

    Tahriibe ku sugan Masar ayaa ayaa Ifraax Axmed uga sheekeeyey dhibaatada ku qasabtay inuu tahriibo iyo silaca uu ka maray tahriibka.

    “Aniga waxaa igu kallifay in aan soo cararo waa markii la ii hanjabay, kaddibna la isoo weeraray, si la ii dilo, waalidkeygana waa la dilay”

    “Waa la i dili lahaa haddii aan sii joogi lahaa dalka, Ilaahey ayaa nafta haya, laakiin in aan noolaan lahaa ma filayo. Waayo aniga oo dhaawac ah oo aan heysan fursad aan isku daweeyo ayaan Muqdisho ka soo cararay, waxaa qarax lagu dilay hooyadey, waxaa la ila afduubay walaalkey kaddibna la dilay, aniga oo dhaawac ah ayaan soo fakaday. Waxaa intaas ka daran, 30 tahriibe ayaan Suudaan ku soo galnay, dhammaantood tahriibka ayay ku dhinteen, aniga kaliya ayaa ka nool soddonkii”

    GUNAANAD

    Tahriibku waa jid khatar badan oo qofka tahriibay u uku galo halis badan oo ay ka mid tahay in la dilo, inuu saxaraha ku dhinto, in lacag madaxfurasho ah laga qaato, in la kufsado, inuu badda ku dhinto, in la ciqaabo oo baco la dhalaaliyey lagu gubo, in la silciyo oo xubnaha jirka laga naafeeyo iyo in uu qofka galo xaalad waalli ah oo uusan mar danbe miyir yeelan.

    Waxaa waajib ku ah dowladda iyo maamulgobaleedyada dalka in ay ammaanka sugaan, dhalinyaradana shaqo u abuuraan. Waaliddiintana waxaa ku waajib ah in ay carruurtooda ka waaniyaan tahriibka. Hormuudka bulshadana waxaa ku waajib ah in ay qaadaan olole dadka lagu wacyi galiyo si loo joojiyo halista tahriibka.

    =Dhamaad=

    View the full article


  12. The military in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has recaptured 87 out of hundreds of prisoners who escaped on Friday after Islamist group al Shabaab fighters stormed a jail and freed them, according to a statement from the military.

    On Friday al Shabaab said they had freed 400 prisoners in a raid on the main prison in Bosaso, Puntland’s largest commercial city, in the early hours of Friday.

    Seven Puntland military soldiers were also killed in the assault.

    “We attacked al Shabaab militants that had attacked Bosaso central cell (prison),” the Puntland military said in a statement.

    “In this operation in the hilly areas outside Bosaso, we also recaptured the prisoners.”

    Mohamed Abdi, a soldier in Puntland’s military separately told Reuters 87 prisoners had been recaptured and added some of the recaptured prisoners were members of al Shabaab while others belonged to Islamic State.

    In the statement, Puntland’s military said they had killed 20 al Shabaab fighters and captured four alive in a battle to free the prisoners. Al Shabaab frequently carries out attacks in Somalia and elsewhere as part of its campaign to oust the central government in Mogadishu and establish its own rule based on a strict interpretation of Islamic sharia law.

    An African Union (AU)-mandated peacekeeping force AMISOM has been helping defend the central government.

    Somalia has been convulsed by lawlessness and Islamist violence since 1991 when dictator Mohamed Siad Barre was toppled.

    View the full article


  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta, Daahir Maxamed Geelle oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba wada-hadallada ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble.

    Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin ka musharraxiin ahaan inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac, si xal looga gaaro doorashada.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka ka jira dalka kaliya lagu xalin karo wada-hadal iyo in la’isugu yimaado miiska, si foolka fool ah.

    Musharraxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrinta taagan aan lagu xallin karin fagaare kale, loona baahan yahay in lasii wado dadaalada socdo iyo wada-hadallada.

    “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro,” ayuu yiri musharrax Geelle.

    Si kastaba hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo uu shirkii ugu dambeeyey ee musharraxiinta mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo dhamaaday fashil, kadib markii la’isku mari waayey qodobad qaar ee miiska lasoo saaran.


  14. Turkey on Saturday handed over military barracks to Somalia, according to an official statement.

    “As part of restructuring the Somali Armed Forces, the Northern Barracks – 1st Stage Facilities built by Turkey in Mogadishu were handed over to the [Somali] authorities,” Turkey’s National Defense Ministry said on Twitter.

    Relations between Turkey and the Horn of Africa nation are historically strong, and picked up pace after President Recep Tayyip Erdogan’s official visit in 2011, making him the only non-African leader to visit Somalia in 20 years.

    Besides military cooperation, the two countries also partner on health, education, and other initiatives.

    Turkey has built schools, hospitals and infrastructure, and has provided Somalis with scholarships to study in Turkey.

    View the full article


  15. A soldier and a civilian were killed and four more people injured in a suicide attack in southwestern Somalia on Saturday.

    A bomber blew himself up outside a small but busy restaurant in the town of Waajid in the Bakol region, according to Mohamud Kheyrow, a police official.

    The town is located some 350 kilometers (218 miles) southwest of the capital Mogadishu, where a suicide attack by the al-Shabaab terror group killed over 20 people and wounded more than 30 just hours earlier.

    “At least four people, including two paramilitary soldiers, were injured in the blast,” he told Anadolu Agency, adding that all the wounded have been shifted to a hospital in Baidoa, the administrative capital of Somalia’s South West State.

    While no group has claimed responsibility for the attack, Dahir Ali Mohamed, a senior military official in Waajid, said a security operation has started in the area and several suspected al-Shabaab members have been arrested.

    View the full article


  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay magaalad Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo abaaraha.

    Sayid Aadan ayaa marka hore shirkiisa jaraa’id uga hadlay is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in xal loo raadiyo caqabadaha iyo culeyska siyaasadeed ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda, hadii la’isugu imaanayo wada-hadallo dhab ah oo xal mideysan looga gaarayo khilaafka jira.

    Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, gaar ahana gobolka Gedo, isaga oo shaaca ka qaaday in baartu ay saameysay dadka & duunyada oo u baahan gargaar bani’aadanimo oo deg dega.

    Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale qoysaska ay saameysay abaarta u weydiiyey hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo caawin karta inay u gurmadaan dadkaasi.

    Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, sida khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ee 2021-ka, abaaaraha iyo ammaanka dalka.

    158351987_2203416876458906_1694915722904 158446836_2203416983125562_2422683907604 158551054_2203416739792253_9020888572058

     


  17. Golaha Senate-ka ayaa ansixiyay $ 1.9 tiriliyan oo doolar oo ah qorshaha gargaarka coronavirus Sabtidii, taas oo ka dhigaysa Congress-ka hal talaabo oo u dhow fulinta ballanqaadkii doorashada ee Madaxweyne Biden iyo xulafadiisa Dimuqraadiyiinta, kadib dhaqaale xumidii u sababay Cudurka .

    Ballaarinta shaqooyinka ee barnaamijyada shabakadda badbaadada bulshada ee federaalka Mareykan , xirmada ayaa lagu wadaa in lagu tiriyo mid ka mid ah tallaabooyinka samatabbixinta ee ugu weyn taariikhda Mareykanka, taas oo ka tarjumeysa ballanqaadyada Joe iyo Haris ee ah in la tirtiro kala duwanaanshaha muddada dheer ka hor cudurka faafa.

    Sharciga ayaa u oggolaanaya $ 1,400 , malaayiin Mareykan ah oo dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaad ah, wuxuu ku xoojinayaa qoysaska iyadoo la siinaya faa’iidooyinka canshuuraha carruurta ee sannadlaha ah.

    “Waxaan u ballanqaaday in dadka Mareykanku ay caawimaadda ay u sii socondoonto ,” ayuu yiri Biden Sabtidii, isagoo u dabaaldegaya guushii ugu horreysay ee sharci-dejinta ee maamulkiisa. “Maanta, waxaan dhihi karaa waxaan qaadnay hal talaabo oo balaaran oo ah inaan fulino balanqaadkaas.”

    Meelmarinta aqalka Senate-ka ee cabbirka, oo loo yaqaan “Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka,” ayaa keenay war cusub oo ka soo kordhay Aqalka Cad.

    Toddobaadyadii la soo dhaafey, maamulka Biden wuxuu hogaaminayey suuq shaqo oo soo hagaagaya – in kasta oo ay weli jiraan 9.5 milyan oo shaqaale ah oo ka badan shaqaalihii ka horreeyey intaan la helin faafka.

    Laakiin codka Guurtida wuxuu muujiyey xaqiiqooyinka siyaasadeed ee qallafsan ee soo foodsaaray Biden iyo himilooyinkiisa dhaqaale ee hanka leh. Balanqaadkii hore ee madaxweynaha ee midnimada iyo laba-geesoodka ayaa ku dhacay xaqiiqada Capitol Hill, halkaas oo Dimuqraadiyiintu ka doorteen ka-qaadista dib-u-kicinta si weyn si ay u soo jiitaan taageerada GOP.

    Lacagahaan ayaana lagu maareyn doona Safmarka Corona ee Mareykanka.

    Sharcigan uu meel mariyay Senate-ka ayaa waxa horay u diiday madaxweeynihii hore ee Mareykanka Doland Trump.

    Source: goobjoog.com


  18. Boosaaso (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ciidamada ammaanka Puntland ay xalay ka sameeyeen gudaha & duleedka Boosaaso.

    Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Puntland.

    Wararka ayaa sheegaya in howl-galkaasi lagu qabtay illaa 100 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayey, halka kuwa kalena la weydiinayo su’aallo dheeraad ah.

    Baaritaanadan ayaa yimid, kadib amarkii kasoo baxay madaxweyne Siciid Deni oo faray laamaha ammaanka inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii ka dambeeyey iyo kuwii fududeeyey weerarkii habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

    Sidoo kale howl-galladan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isku dadka iyo gaadiidka.

    Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri iyo weeraro ay qaarkood sheegteen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.


  19. Wax-is-weydiinni ma Xumee, Wax-is-waydaarin taa Daran!

    Sanadguurada 30aad ee qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland ayaa soo dhow, waana munaasabad muhiimadeeda leh. Muhiimadda taas ah ma qabo in lagu muujiyo durbaanno iyo sacab keliya. Sodonkaas sanadood marnaba si micno leh, oo caadifaddu ku yartahay ama kaba madhantahay loogama doodin jihada loo socdo, iyo hadiiba jidka lagu taaganyahay uu yahay kii saxda ahaa. Kolka la doodo ee maskaxda la tuujiyo, wax kasta oo hagaagsani si uu ku sii hagaago ayaa soo baxda, wixii khasaare ah na wuu qaawismaa, dabeeto laga tashadaa sidii looga gudbi lahaa. Waxa aan is waydiinayaa, hadiiba ay si uun suurtagal u tahay in dadka waxgaradka ahi ay sanadguuradaan uga faaiidaystaan fursad si dhab ah loogu qiimeeyo dhib iyo dheefba wixii wakhtigas la soo mutay, iyo sidii wixii wanaag ah loo sii wanaajin lahaa, wixii khasaare ah na looga weecan lahaa. Sodonka sanadood ee kuwan tegay xiga, sidii ay u ekaan lahaayeen baa u baahan in la is waydiiyo, iyada oo sodonka tegay iyo sodonadii ka horeeyay laga dhimbiil qaadanaayo. Calamo iyo durbaano waa wax saacado kooban ku eg, dhaxal na aan lahayn. Wax intaas ka gun dheer, oo dhaxal na reeba ayaa la curin karaa aniga sida ay ila tahay, in aan qaldanahay na waa suurow. Tusaale ahaan, hadii shicib iyo xukuumad ba la isugu tago, waxa la qaban karaa shir dhowr maalmood socda, oo si dhab ah, oo aqooni ku dheehantahay, looga doodo qodobo dhowr ah, sida:

    1. Wax-wada lahaanshaha iyo midnimada dadka dhulkaas ku wada dhaqan, oo si kasta oo xaalku ku dambeeyo ba, koley iyo koleyba is hurran – qodob dood fiican u baahan weeye.

    2. Qadiyadda aqoonsiga ama aqoonsi doonka, taas oo ahayd, welina ah, qodobka u gu culus ee 30 gaas sanadood la hadal hayay marba heer uu joogayba, cid mudadaas si dhab ah oo furan uga dooday na aanay jirin, ayaa iyaduna qodob lama dhaafaan ah noqonaysa. Aqoonsigu suurtagal horta ma yahay? Hadii uu yahay, 30 gaas sanadood maxaa loo heli waayay? Hadii aanu ahayn, jid/jidad kale oo noocee ah baa noo furan?

    3. Nidaamka dawladnimo ee qaabka Madaxweynaha ku salasan, oo 30 sanadood ka hor loo arkaayay kan u gu wacan, ay manta se ka soo baxeen dhaliilo waawayn oo ka tashi u baahan, ayaa iyaduna is waydiin micno leh u baahan. Ma la heli karaa hanaan ka munaasibsan, oo nidaamka dhaqan-dhaqaale ee dadku leeyahay na la jaan qaadi kara? Nidaamka Madaxweyne ee Afrika, hayadaha kale oo dhan baa shiikha, taladu na hal qof uun bay ku ururtaa, taas oo dhib badan iyo dheefteeda ba leh. Soddonka sanadood ee soo socda hanaankaas miyaa la sii wadayaa, mise wax baa laga bedelayaa? Waa qodob dood u baahan.

    Maxay adiga kula tahay?

    W/Q Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

    Source


  20. (SLT-Hargeysa)-Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay xarunta wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo laamaheeda kala duwan.

    Baadhistaasi ayaa ka kooban saddexda nooc ee uu xaqiijiyay xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016. Kaas oo kala ah Baadhis Maaliyadeed,  Baadhis Waxqabad, iyo Baadhis waafaqsanaanta shuruucda ah kuwaas oo ay ka qayb qaadan doonaan saraakiil caalami ah oo u tababaran arrimahaasi.

    Sidoo kale xafiiska  Hanti dhawrka guud ee qaranka waxa uu baadhis taas lamid ah ka bilaabay wakaaladda dekedaha qaranka, wakaaladda Haamaha shiidaalka, iyo wakaaladda Biyaha ee Berbera. Kuwaas oo dhammaan xaruumahoodu yihiin magaalada Berbera, kuwaas oo baadhitanadooda la waafajin doono xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016.

    Source


  21. (SLT-Jubba)-Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka dalka Koonfurta Suudaan.

    Warar ka duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan.

    Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweynaha Masar,  Cabdifataax Al-sisi shalay booqday caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, isagoo la kulmay Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya Tallada dalkaasi, Jeneral Cabdifataax Al-burhaani iyo Raysal Wasaare Cabdalla Xamduuk.

    Madaxweynaha Masar CabdiFataax Al-sisi  ayaa waxaa uu sheegay inuu ammaanka Suudaan qeyb ka yahay ammaanka Masar, isagoo hadalkaas ka sheegay jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya tallada dalka Sudan, ku qabteen Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum.

    Source