Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. w1700-300x200.jpeg

    DUBAI, United Arab Emirates
    Dubai’s airport, the world’s busiest for international travel, can already feel surreal, with its cavernous duty-free stores, artificial palm trees, gleaming terminals, water cascades and near-Arctic levels of air conditioning.

    Now, the key east-west transit hub is rolling out another addition from the realm of science fiction — an iris-scanner that verifies one’s identity and eliminates the need for any human interaction when entering or leaving the country.

    It’s the latest artificial intelligence program the United Arab Emirates has launched amid the surging coronavirus pandemic, contact-less technology the government promotes as helping to stem the spread of the virus. But the efforts also have renewed questions about mass surveillance in the federation of seven sheikhdoms, which experts believe has among the highest per capita concentrations of surveillance cameras in the world.

    Dubai’s airport started offering the program to all passengers last month. On Sunday, travelers stepped up to an iris scanner after checking in, gave it a good look and breezed through passport control within seconds. Gone were the days of paper tickets or unwieldy phone apps.

    In recent years, airports across the world have accelerated their use of timesaving facial recognition technology to move passengers to their flights. But Dubai’s iris scan improves on the more commonplace automated gates seen elsewhere, authorities said, connecting the iris data to the country’s facial recognition databases so the passenger needs no identifying documents or boarding pass. The unusual partnership between long-haul carrier Emirates, owned by a Dubai sovereign wealth fund, and the Dubai immigration office integrates the data and carries travelers from check-in to boarding in one fell swoop, they added.

    “The future is coming,” said Major Gen. Obaid Mehayer Bin Suroor, deputy director of the General Directorate of Residency and Foreign Affairs. “Now, all the procedures have become ‘smart,’ around five to six seconds.”

    But like all facial recognition technology, the program adds to fears of vanishing privacy in the country, which has faced international criticism for targeting journalists and human rights activists.

    According to Emirates’ biometric privacy statement, the airline links passengers’ faces with other personally identifying data, including passport and flight information, retaining it for “as long as it is reasonably necessary for the purposes for which it was collected.” The agreement offered few details about how the data will be used and stored, beyond saying that while the company didn’t make copies of passengers’ faces, other personal data “can be processed in other Emirates’ systems.”

    Bin Suroor stressed that Dubai’s immigration office “completely protects” passengers’ personal data so that “no third party can see it.”

    But without more information about how data will be used or stored, biometric technology raises the possibility of misuse, experts say.

    “Any kind of surveillance technology raises red flags, regardless of what kind of country it’s in,” said Jonathan Frankle, a doctoral student in artificial intelligence at the Massachusetts Institute of Technology. ”But in a democratic country, if the surveillance technology is used transparently, at least there’s an opportunity to have a public conversation about it.”

    Iris scans, requiring people to stare into a camera as though they’re offering a fingerprint, have become more widespread worldwide in recent years as questions have arisen over the accuracy of facial recognition technology. Iris biometrics are considered more reliable than surveillance cameras that scan people’s faces from a distance without their knowledge or consent.

    Despite concerns about overzealous surveillance in the UAE, the country’s vast facial recognition network only shows signs of expanding. Last month, Prime Minister Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, who also serves as Dubai’s ruler, announced the country would begin trials of new facial recognition technology to cut down on paperwork in “some private sector services,” without elaborating.

    During the pandemic, the skyscrapper-studded city of Dubai has advanced an array of technological tools to fight the virus in malls and on streets, including disinfectant foggers, thermal cameras and face scans that check for masks and take temperatures. The programs similarly use cameras that can record and upload people’s data, potentially feeding the information into the city-state’s wider biometric databases.

     

    Japan today

    Qaran News


  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Ethiopia ayaa iska diiday soo-jeedin ka timid dalka Sudan, midaasi oo la xiriirtay xiisada adag ee biyaha wabiga Nile oo sanadihii dambe isku hayaan labadaas dowladood iyo Masar.

    Sudan ayaa soo jeedisay in arrinta biyaha wabiga Nile ay ka wada xaajoodaan afarta dhinac ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalwadda Maraykanka, si xal looga gaaro xiisada muddada dheer ka dhex aloosneyd saddexda dal.

    Diidmada Ethiopia ayaa imaneysa xilli saddexda dal ee arrintan isku haya oo kala ah Ethiopia, Masar iyo Sudan ay ku guuleysan la’yihiin inay xal ka gaaraan muranka ka dhashay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile.

    Soo-jeedinta Sudan ayaa waxa taageertay dowladda Masar oo xiisadaas kala dhaxeyso Itoobiya, waxayna u aragtaa mid da-dajin karta xal ka gaarista xiisada wabiga Nile oo ka dhalatay biyo-xireenka Itoobiya.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa warbaahinta u sheegay in diidmada dowladiisa ee la xiriirta hindisaha Sudan gaarsiiyeen wafdiga dowladda Kongo, wuxuuna sheegay inay weli ku adkeysaneyso xukuumadiisu in dhex-dhexaadiyaha muranka wabiga uu keliya ahaado Midowga Afrika.

    Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhowr jeer bur-bureen wada-hadalo u dhaxeeyay saddexda dowladeed ee ku muransan biyaha wabiga Nile, kuwaasi oo fashil kusoo afmeeray kadib markii dhinacyada is-diidan ay heshiis wada gaari waayeen.

    Horaantii sanadkan cusub ayaa waxa heshiis cusub wada gaaray dalalka Masar iyo Sudan, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan.

    Sudan iyo Masar ayaa isku mowqif ka ah xiisada wabiga, ayaga oo culeys saaraya dowladda Itoobiya oo xiligan ay ku furan yihiin dagaalo gudaheeda, mana cada halka ay ku dambeyn doonaan wada-hadalada saddex-geesoodka ah.


  3. Xoghayaha wasaaradda difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa oggolaaday codsi uga yimid booliska Capitol Hill kaas oo ku aadan in  la kordhiyo ilaalada xarunta  Congress-ka bisha May.

    saraakiisha difaaca ayaa sheegay Talaadadii, in loo baahan yahay ciidama dheeri ah si looga hortago khatar waliba oo dhici karta .

    “Tani waxay ka dhigan tahay dhimista ku dhowaad 50 boqolkiiba xoogagga taageerada hadda jira,” ayuu yiri Kirby.

    “Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si qoto dheer loo eegay codsiga iyo ka dib markii si dhow loo tixgeliyay saameynta ay ku yeelan karto diyaargarowga.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

    Ciidamada Mareykanka ayaa aad u sii adkeeyay kadib Ammanka hareeraha Capitol tan markii ay rabshado ka geeysteen taagerayaasha Trump Jan. 6.

    Maalintii Calema saarka Madaxweyne Biden ayeey aheyd markii Capitol Hill la geeyay 26,000 Askar ah, kuwaas oo sugayey ammaanka Caleema saarka.

    Kirby wuxuu sheegay in saraakiisha difaaca ay la shaqeyn doonaan booliska Capitol maalmaha soo socda inta ay xaaladuhu ka dagayaan .

    “Waxaan uga mahadcelineynaa Ciidanka Qaranka taageeradooda intii ay howlgalkaan socdeen, iyo sidoo kale dadaalada muuqda ee ay ka wadaan guud ahaan dalka ee lagula dagaallamayo cudurka COVID-19 ee faafa,” ayuu yiri Kirby

    Afhayeen u hadlay ilaalada qaranka ee DC, Capt. Tinashe T. Machona, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray talaadadii ka dib markii Kirby uu ku dhawaaqay in ilaalada qaranka ee DC “ay sii wadi doonaan la shaqeynta la-hawlgalayaasha hay’ada sharci fulinta rayidka ah” .

    Booliska Capitol ayaa codsaday kordhinta usbuucii la soo dhaafay, iyagoon si cad u sheegin inta ay noqon doonto.

    Hay’addu toddobaadyadii la soo dhaafay waxay raadineysay inay sii waddo ka qeyb qaadashada Ilaalada Qaranka, iyadoo tixraaceysa khataraha amni ee joogtada ah ee Golaha.

    Ciidanka ilaalada ayaa waxay ka kooban yihiin ilaa 1,100 ka mid ah ilaalada D.C. ee qiyaastii 2,700 xubnood, oo lagu daray ciidamo ilaalo ah oo ay soo direen gudoomiyeyaasha si ay uga caawiyaan Degmada.

    Dhammaan xubnaha ilaalada waxay hoos yimaadaan taliska Maj. Gen. William Walker, madaxa D.C. National Guard, inta ay ka qayb qaadanayaan howlgalka.

    Toddobaadkii la soo dhaafay, Sen. James M. Inhofe (Okla.), Oo ah sarkaal ka tirsan Jamhuuriga ee Guddiga Adeegyada Hubka ee Senate-ka, ayaa ugu yeeray codsiga Booliska Capitol ee kordhinta “wax laga xumaado.”

    “Taasi ma ahan wixii ay ahayd inay noqdaan. Taasi maahan hadafkooda, ”ayuu yiri Inhofe.

    Doodda ayaa timid iyadoo sharci-dajiyayaasha iyo saraakiisha amniga ay la legdamayaan sida caasimadda dalka looga dhigi lahaa meel ka ammaan badan rabshadaha mustaqbalka.

     

    WQ/ Abdirahman Sabriye 

    Source: goobjoog.com


  4. Hal Ruux oo Habeenimadii xalay ku dhintay Ceel-biyood ku yaalla Dhaamka Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa.

     

    1615375510218_0_IMG-20210310-WA0012-300x

    Hargeysa Alle haw naxariistee waxaa habeenimadii xalay ceel biyood ku dhintay Nin, ceelkan ayaa ku yaalla dhaamka Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

    Habeenimadii xalay Abaaro 1:15 ayaa Ciidanka Dabdemisku ka hawlgaleen, waxaana ciidanku Maydkii ka soo saareen Ceelka.

    Sababta Ninkani ugu dhintay ceelka waxaa gacanta ku haya baadhista kiiskaas ciidamada Booliska.

    Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada Somaliland ku wacyigelinayaa inay ka digtoonaadaan kana taxadaraan goobaha Godadka iyo ceelasha, waxay keeni karaan halis Nafeed iyo mid hantiyeedba.sidoo kale bulshadu ka taxadaraan ku shaqaynta wehel laan goobaha Godadka iyo Ceelasha.

    Xafiiska warbaahinta CDQ
    Hargeysa/ Somaliland
    Info@somalilandfire.com

    Qaran News


  5. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyey Guddoomiyaha ahna duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

    Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa shaqadii lagaga joojiyey guddoomiye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Waxaana lagu sheegay inuu shaqada sii wadayo guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee degmadda Boosaaso.

    Hoos ka akhriso:

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka March 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

    Markuu arkay: Eedaymaha la xidhiidha ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

    Markuu arkay: Tallo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

    2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

    3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baadhis dhammeystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay.

    Source


  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay kaga hadlayaan xaalado badan oo dalka ka jira, ayna ka mid tahay arrimaha amniga, shirka la filayo inuu ka qabsoomo Muqdisho iyo xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

    Qoraalka ay soo saareen oo dhinacyo badan looga hadlay, waxey qeyb ka mid ah kaga eedeeyeen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu dalka u horseeday amni xumo isla markaana ay taasi keento in lagu kalsoonaan waayo magaalada Muqdisho.

    Sidoo kale waxey soo dhaweeyeen shirka ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, taasoo la rabo in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

    Shirka ay xubnahaas isugu imaanayaan wuxuu ka qabsoomi doonaa teendhada Afisyooni oo ah halkii lagu qabtay doorashadii uu kusoo baxay FARMAAJO, waxaana kalsooni darrada ka dhalatay wixii dhacay 19-ka February loo baahday in xubnaha beesha caalamka ay damaanad qaadaan hirgalinta wixii kasoo baxa iyo amniga goobta lagu shirayo.

    Dhanka kale Midowga musharaxiinta waxey hay’adaha amniga ku eedeeyeen ka gaabinta hawlahooda, dhanka tabaabushaha, falcelinta iyo baaritaanada, iyagoo tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday maqaayadda Luul Yamani dhawaan.

    HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY
    159257888_484133106300054_19328387113826mucaa


  7. (SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay ku taageeraan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa ee ku aadan howlgallada sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celinayo deegaanno ka tirsan ah dalkaas.

    Wuxuu ka codsaday dalalka Afrikaanka ah inay garab istaagaan Itoobiya isla markaana uu dalkiisa waajahayo olole caalami ah xilli uu doonayo in sharciga dib loogu soo celiyo deegaannada.

    Abiy ayaa hadalka ka sheegay xilli xaaladda gobolka Tigray uu uga warbixinayay golaha Midowga Afrika u qaabilsan amniga.

    Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay tageerada ay u muujiyeen Itoobiya .

    Ciidammada Itoobiya ayaa la wareegay Tigray kadib markii sannadkii hore howlgal millatari ku qaadeen halkaas.

    Waxaa sidoo kale jiraa eedeymaha in gobolka laga geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, arrintaas oo ay dowladda beenisay.

    Source


  8. Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaaliya oo ay soo qabanqaabiyeen Beesha Caalamka ayaa lagu wadey inuu ugu dambeyn furmo maalinka Khamiista ee 11 Maarso balse dib ayuu uga dhacay maalintaas.

    Madaxweynaha Dowlada Puntland oo lagu wadey inuu maanta yimaado ayaa ka baaqsadey safarkiisa, tasoo keentay in Shirkana dib loogu dhigo ilaa sabtida, Waxaana hada la qorsheeyay inuu Shirku furmo maalinka Sabtida ee 13 Maarso.

    Howlgalada ay wadaan Ciidamada Puntland oo maalmahaan howlgalo ka dhan ah Argagixisada wadey ayaa sababay inuu Madaxweynuhu baaqdo, warar ay hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu go’aansadeen inuu dib u dhigo Safarkiisii muqdisho sababtoo ah wuxuu ku guda jiraa Barnaamijka lagu dhiiri galinayo Ciidamada Puntland oo ilaa Jamcada soconaya.

    Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dhalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo hordhac iyo wadatashi ah wuxuu la leeyahay Mudharixiinta Madaxweynaha oo iyagu aan qayb ka ahayn Shirka.

    Puntlandi.com Bosaso

    085BA04A-E966-4CFD-94DA-AF1D0E4C6A15-678

    The post Breaking News— Shirka Madaxda Soomaaliya oo Sabtida furmaya, Sababtoo ah appeared first on .

    Source


  9. Golaha Midawga Musharixiinta ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda Amni ee dalka , Cudurada iyo Dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.

    Midawga ayaa sidoo kale waxa ay dowladda ku eedeyeen in ay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladaha dalka ka taagan.

    Qoraal ka soo baxay midawga Musharixiinta ayaa sidoo kale Bulshada loogu baaqay in ay ka taxadaraan Safmarka Corona oo dalka saameyn weyn ka geystay .

    Hoos Ka Akhrio Qoraalka Midawga Musharixiinta 

    159257888_484133106300054_19328387113826

    Source: goobjoog.com


  10. Qoraal ay soo saareen Mudharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac ay ka qabaan Xaalada Dalku ku sugan yahay, iyagoo hadalka u oranaya sidaan ayay yiraahdeen “ Waxaan ka walaac sanahay Amaan xumada sii kordhaysa ee laga dhaxlay Dowlad xumida jirta”,
    Qoraalkoodiina waakan

    Puntlandi.com Muqdisho

    MADASHA-707x500.jpg 663836EE-F1A7-46F7-BE02-A309909DFA74-412

    The post Golaha Musharixiinta “Waxaan walaac ka qabnaa dhibaatooyinka Dowlad xumada laga dhaxlayo oo sii kordhaya” appeared first on .

    Source


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

    Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Makarafoono loogu tala-galay in dadka looga wacyi-geliyo Covid-19.

    Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in qaraxan uu ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen askar iyo dad kale oo la socday baabuurkaasi.

    Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow garoonka kubadda cagta ee Qoob-Dooro ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

    Si kastaba qaraxan miino ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.


  12. London (Wararka PP) — Waraysiga Meghan Merkle iyo saygeeda Harry siiyeen Oprah Winfrey wuxuu daboolka ka qaaday cunsuriyad Meghan kala kulantay qoyska.

    Intaysan umulin waxaa u yimid qaar ka mid shaqaalaha Qasriga Buckingham. “Wax hanti ah iyo xil looma qoondeyn doono ilmaha kuu dhalan doona. Waannu ka walaacsannahay inuu yeesho midabka dadka madow” buu mid ka mid ah shaqaalaha ku yiri Meghan.

    IMG-20210310-WA0001.jpg?resize=890%2C668Harry iyo Meghan oo waraysi siinaya Oprah Winfrey

    Meghan hooyadeed waa madow, aabbaheedna caddaan. Waa iskadhal. Sanad ka hor ayay Meghan iyo odaygeedu u guureen Kanada, kana xiriir-furteen qoyska boqortooyada Biritayn. Meghan waxay sheegtay in cadaadisyada uga yimid qoyska boqortooyada ay ku kallifeen inay nolosha nacdo.

    Harry xiriirka uu la leeyahay qoyska ayaa gebi ahaanba go’ay. “Aabbahay telefoonka igama qabto, waanse jeclahay aabbahay” ayuu Oprah u sheegay. Harry wuxuu intaa ku daray inuu ku baxsaday hanti uu hooyadiis, Amiirad Diana, ka dhaxlay. “Hantidaas la’aanteed waannu dhibtoon lahayn” ayuu Harry yiri.

    IMG-20210310-WA0002.jpg?resize=1000%2C10Meghan oo Boqorad Elizabeth tusaysa Archie, inanka ay ku curatay. Hooyadeed Doria Raglad (taagan midigta Meghan), Amiir Philip (taagan midigta Amiir Harry).

    Lammaanuhu waxay leeyihiin wiil Archie la yiraahdo. Meghan waxay dhowaan shaacisay inay mar kale hooyo noqon doonto, oo dhaqtarradu u sheegeen inay gabar dhali doonto. Dad u kuurgala arrimmaha boqortooyada ayaa sheegay in waraysigu dhaawac weyn u geystay qoyska boqortooyada oo leh taariikh gumeysi iyo ka ganacsi dad.

    “Maxay gabar madow ahi reer dadka madow neceb ugu biirtay” ayuu nin Maraykan ah oo maqlay guurka Meghan iyo Harry yiri ka hor inta aroos weyn aan loogu qaban London bishii Maajo 2018kii.

    © Puntland Post, 2021

    The post Cunsuriyadda Meghan Merkle Kala Kulantay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska appeared first on Puntland Post.


  13. 1-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya fadhin doona dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

    Danjire Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni.

    Safiirka cusub ayaa horay usoo ahaa deblomaasi ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Museveni oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  14. 20210310_151009.jpg?resize=694%2C646&ssl

    Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

    Lama xaqiijin in marxuumku uu u geeriyooday iyo kale xanuunka Covid-19 oo Soomaaliya ku soo laba kacleeeyay.

    Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow ayaa waxa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ,isagoo wasiir kasoo noqday dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, sidoo kalena waxaa wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga ka ahaa xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo muddo dheer ku jiray siyaasadda, waxa uu dhanka kale ahaa ganacsade caan ka ah deegaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow.

    PUNTLAND POST

    The post Xildhibaan ka tirsan DFS oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.


  15. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

    Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya.

    Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka.

    Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareera labaad ee dacwadda dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March.

    Wareega Koowaad

    Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
    Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
    Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
    Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

    Wareega Labaad

    Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
    Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

    Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Hague, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.


  16. Muddo saddex toddobaad ah, ayaa ka hadhsan wakhtiga sharci dhigayo in Saddexda Xisbi qaran ee Waddani, Kulmiye iyo UCID ay u gudbiyaan Komishanka doorashooyinka Liiska kama dambaysa ah murrashaxiinta uga qayb galaya doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka.

    Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland ee Xeer 91/2020, ayaa tilmaamaya in ay Xisbiyadu muddo 60 maalmood ka hor ah wakhtiga doorashada in ay gudbiyaan Liisaska murrashaxiintooda, kuwaas oo Komishankuna hubin ku samayn doono, marka loo gudbiyo.

    Qodobka 72aad, ee xeerkan oo ka hadlaya soo gudbinta Liisaska Murrashaxiinta, ayaa waxa uu tilmaamayaa sidan: “Qodobka 72aad U soo Gudbinta Komishanka liiska Musharixiinta Doorashada Golaha Wakiilada 1. Xisbi kastaa waa in uu liiska murashixiintiisa heer gobol u soo gudbiyaa Komishanka ugu yaraan ka hor 60 maalmood maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada.

    1. Liiska Murashixiinta ee ku xusan qodobkan faqradiisa 1aad wuxuu noqonayaa liiska Furan waxaana ahmiyad loo kala siinayaa siday u kala horeeyaan.
    2. Liiska Musharixiinta ee ku xusan farqada 1aad waa in ay la socdaan: – a) Qoraal ay saxeexeen guddida xisbiga ugu xil saaran soo xulista iyo magacaabista musharixiinta oo ay ku cadahay in xulista iyo magacaabista murashixiintu u dhacday sida Xeerkan jideeyay; b) Cadaynta Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Wasaarada Maaliyada ee inay dhammaan murashixiintu bixiyeen deebaajiga musharaxnimada; c) Qoraal uu Musharax kasta oo la soo xulay ku cadaynayo in uu buuxiyay shuruudihii musharaxnimada ka go’an tahay in uu noqdo musharax u taagan doorashada Golaha Wakiilada; d) Qoraal lagu cadaynayo heerka waxbarasho iyo shahaadooyinka uu haysto; e) Qoraal lagu cadaynayo in aanu jirin Xeer musharaxa ka hor istaagaya in uu u tartamo doorashada Golaha Wakiilada, Lana socdaan cadaymaha hayadaha awoodaha u leh.”

    Sidoo kale, Qodobka 84aad isla Xeerkan, oo ka hadlaya qaab loo gudbinayo murrashaxiinta Goleyaasha Degaanka ee Xisbiyada, ayaa tibaaxaya in 75 maalmood ka hor doorashada Liiska Murrashaxiinta loo gudbinayo Xafiisyada Komishanka ee degmooyinka, wakhtiga qodobkan sheegayo waxa ka hadhsan imika muddo kooban toddobaad ku dhow, waxaanu qodobkan u dhigan yahay sidan: “Qaabka soo Bandhigida Musharaxiinta 1. Liiska Musharixiinta Golayaasha degaanadana waa in la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6-da galabnimo maalinta 75aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman Xeerka. 2. Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa, a) magaca murashaxa oo afaran, b) meesha uu ku dhashay iyo sannadkii uu dhashay; c) haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jirto), d) Waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay.

    1. Liisaska murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa: – a) Caddeynta shaqo ka tegidda ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan. b) 4 koobi oo saxeexan oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii iyo shaanbadii ururku/xisbigu. c) Caddeyn uu bixiyey musharax kasta oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay musharaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku xidhan d) Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda ee ku xusan Qodobka 83aad ee Xeerkan.”

    Dhinaca kale, iyada oo wakhtigan u hadhsan in la gudbiyo liisaska murrashaxiintu kooban yahay, ayaa waxa maalmihii u dambeeyey ay Xisbiyadu ku mashquulsanaayeen kala saarista iyo xulista xubnaha Murrashaxiinta u noqon doonaya, iyada oo culays badan Xisbiyada ka hayso murrashaxiin ka badan intii looga baahnaa degmo iyo gobol kasta, kuwaas oo kala reebistoodu way weli ka socoto xarumaha Xisbiyada ee gobollada iyo Degmooyinka dalka.

    Xisbiyada qaarkood ayaa heer gebo gebo marinaya dhamaystirka gobolladii u horreeyey ee ay kala saaraan Murrashaxiintooda, isla markaana u gudbi doona gobollada iyo degmooyinka kale ee hadhsan.

    Qaar ka mid ah Murrashaxiinta Xisbiyada Iska Sharaxay, ayaa qaarkood wax ay ka werwersan yihiin in ay ku hadhaan Xarumaha Xisbiyada ee ay ka socoto hawsha kala reebistu.

    FB_IMG_1615363777730.jpg FB_IMG_1615363777730-1.jpg FB_IMG_1615363775263.jpg

    Source


  17. Wararka naga soo gaarayo degmada Kaaran ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaw uu halkaasi qarax ka dhacay .
    Qaraxa ayaa lala eegtay mid ka mid ah gaawarida Codbaahiyaha ay ku xiran yihiin ee dadka looga wacyi geliyo Xanuunka Covid-19.
    Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay GoobJoob  ayaa u xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay darawalki waday gaariga , halka seddax kalena dhaawac uu ka soo gaaray
    Wixii ku soo kordha warkaan kala soco GoobJoog News

    Source: goobjoog.com


  18. “Guddidu waxa ay go’aamisay inaan ardayda laga qaadi karin lacag aan ahayn fiiga bisha”

    Guddidu markii ay baadhay xaalada dhacdadii ka dhacday Dugsiga wiilasha ee Nuradiin Sare 03/03/2020.

    Dhacdadaas oo ardaydu dugsigoodii u gaysteen khasaare aan yaran. Halka ay ahayd inay dacwad waxa ay diideen ku saabsan u gudbiyaan dugsiga, Gudiga Waalidiinta Dugsiga, Gudiga Waxbarashada Degmada Hargeysa, iyo xarumaha Wasaarada Waxbarashada ee heer degmo, gobol iyo qaran, ama heerarka kala duwan ee garsoorka.

    Gudigu markii ay dhuuxday nuxurka qoraalkii uu arday dugsigaa dhigtaa baraha bulshada ku baahiyay ee daarranaa inaanu dugsigaasi ku dhaqmin hab-raaca xanuunka KALA-ROORA (COVID19) ee ay sanadkii 2020 soo saartay Gudiga Qaran ee u Tooghaynta Xanuunka KALA-ROORA

    Guddigu markii ay la kulantay daneeyayaashaa dugsiga sida maamulka dugsiga, macallimiinta, ardayda iyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ee ay khusayso.

    Guddidu markii ay qiimaysay xaalada dugsiga,

    Waxay soo saartay go’aamada iyo talooyinka soo socda:-

    1. In laamaha denbi baadhista iyo dacwad oogista qaabilsan ee Ciidanka Booliisku baadhis qotodheer oo degdeg ah ku sameeyaan dhscdadan. Isla markaana dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug lahayd khasaaraha dugsiga loo geystay, si waafaqsan shuruucda dhaqangelka ee dalka.
    2. In mulkiilaha dugsigu siiyo maamulaha dugsiga madaxbannaani fulineed oo buuxda; si maamuluhu u helo awoodo maamul oo uu go’aan kaga gaadhi karo dhacdooyinka maalinlaha ah ee dugsiga una guto xilkiisa shaqo sida ku cad qodobka 103aad ee Xeerka Waxbarashada Qaranka Lr.77/2018.
    3. In waalidiinta si dhaw ula socdaan xaalada waxbarasho ee ardayda. Isla markaana ka qayb-qaataan dhismaha Guddi Waalidiinta Dugsiga oo door muuqda ku yeesha horumarinta iyo maamulka dugsiga iyo waliba hawlaha waxbarasho ee lagu kobcinayo garaadka ardayda dugsiga.
    4. Guddidu waxa ay go’aamisay inaan ardayda laga qaadi karin lacag aan ahayn feega bisha
    5. Waxa la farayaa maamulka dugsiga wiilasha ee Nuuradin iyo dugsiyada kale ee dalka in aan ardayda laga qaadi karin lacago ka baxsan feega dugsiga, haddii aan ogolaasho qoraal ah laga haysan Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
    6. Guddidu waxay go’aamisay ina baadhis dheeraad ah lagu sameeyo Buugaagta Manhajka Qaranka oo lagu xardhay magaca Dugsiyada Nuuradiin, iyagoo aan ogolaansho laga haysan Wasaaradda Waxbarashada; isla markaana ardayda dugsiyada Nuuradiin dhigata ku qasba inay iibsadaan buugaagtaa ay Nuuradiin ku qoran tahay oo keliya. Kuwaasoo lagu iibiyo qiimo aad uga sarreeya, kaas oo xad-gudub ku ah hanaanka dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sidoo kale guddu waxay goaamisay in dugsiga Nuuradiin joojiyo iibka buugtaa laga bilaabo marka goaankani soo baxo.
    7. In maamulka dugsigu aanu ardayda iyo waalidiinta wax talaabo ah ka qaadin ilaa inta baadhista hay’adaha nabadgelyadu soo dhammaystirmayaan.
    8. Guddida waxa u caddaatay in tirada ardayda ah fasalada dugsiga wax-ku-bartaa ay aad uga badan yihiin tirada ay waajibiyeen Siyaasada Waxbarashada Qaranka iyo Hab-raaca Xanuunka KALA-ROORA (COVID19) oo labaduba waajibiyay inuu arday waliba helo mitir laba jibaaran (Tusaale ahaan fasalka cabirkiisu 48 mitir oo laba jibaaran, waxaa markiiba wax ku fhigan kara 45 arday ugu badnaan). Sidaa awgeed, waxaa maamulka dugsiga Sare ee Nuuradiin (wiilasha) la farayaa inuu ardayda dugsigaa dhigata ku jaangooyo sharciga. Halkaasoo ardayda dugsiga Wiilsha ee Nuuradiin loo kala qaybin karo labada gelin ama in dugsigu kiraysto dhisme kale.
    9. Si dhawro haybadda goobaha waxbarasho ee nidaam sharciga waafaqsan ku shaqeeya, maanta laga bilaabo cid kasta oo ku kacda magac-gub been abuur ah oo lagula kacay goob waxbarasho waxaa lagu oogi doonaa dacwad ciqaabeed. Iyadoo wasaaraddu dhiirigelinayso in qof kasta oo goob waxbarasho dhaliilaya ama ka cabanayaa uu qoraal rasmi ah u soo gudbiyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ama ay soo wici karaan Xarunta Wicitaanka Dadwaynaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo lambarkeedu yahst 9666
      Kaasoo laga soo wici karo dhamaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya.
    10. Guddidu waxa ay go’aamisay in arday kasta oo ay ku caddaato rabashadihii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabooyinkan:-

    10.1. In aan loo ogolaan in uu ka qayb-qaato deeqaha waxbarasho ee gudaha iyo dibaddaba oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dawladu bixiyaan.

    10.2. In aanay ka qayb-gelin tartanada goobaha waxbarashada sida ciyaaraha, kedisyada iwm guddo iyo dibadba.

    1. Guddidu waxa ay go’aamisay in macallimiinta iyo maamulka ay ku caddaato inay ka qayb galeen ama iyagoo ka-hortagi kata joojin waayay rabashadii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan
    2. In dugsiga Wiilasha ee Nuuradiin la furo Sabtida 13/03/2021.
    3. Fulinta iyo dabagalka go’aamadan waxaa masuul ka ah gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex iyo Degmada Hargeysa.
    4. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 10/03/2021.

    Xubnaha Guddida

    1. Xuseen Cabdi Cawil Guddoomiye
    2. Sucaad Maxamed Cabdi Gudd ku-xigeen.
    3. Cabdiqadir Cabdilahi Jaamac (Jeex) Xubin
    4. Yuusuf Xuseen Maxamed Xubin
    5. Cabdikarim Xasan Maxamed Xubin
    6. Aamina Casayr Magan Xubin

    Allah Mahad leh

    Source