Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 2005 Doorashadii golaha wakiilada Somaliland, nin musharrax ahaa oo sitay shahaado been abuur ah ayaa guddidi komishanka ee hubinaysay shuruudaha ay weydiiyeen saddex su’aalood. sheeg afar macallin oo dugsigii sare wax kuu dhigay? sheeg toban arday oo isku fasal ahaydeen dugsigii sare? magacii maamulaha dugsiga sheeg? musharraxu weligii dugsi ma gelin, xil doonbuu ahaaye wuu soo rogan waayay, halkii ayaa lagu reebay.

    Hadda waxa jira dad badan oo sita shaadooyin been abuur ah, xafiiska imtixaandka qaranka, guddida tacliinta sare haddi ay si dhaba u baadhaan oo aan cid gaara dabarkaasi xidhin waxay u noqon doontaa abaal qaran. fadlan shuruudaha si dhaba hallo baadho oo yaan la soo dayn qof aan u qalmin in uu ummada hoggaamiyo ama aan buuxin shuruudaha sharcigu jideeyay. 70% musharraxinta aan haysan shahaado waa Xisbiga KULMIYE.

    Komishanka xil weynbaa saaran, Tooshka shacabku wuxuu ku hayaa dad badan oo sharraxan oo Maayaro ku jiraan oo aan Jaamacad ka bixin, kalsoonida ummadda si aad u heshaan ka dhabeeya go’aamada iyo shuruudaha oo ha aqbalina dadka aan buuxin shuruudaha ee hebel iyo hebel leh. haddi aad sii daysaan waanu soo bandhigi doonaa kalsoonidiina ayay dhawaacaysaa iyo doorasho xora oo xalaal ah in ay Somaliland ka dhacdo.

    Waxa qoray: Maxamed Siqiid dhamme

    Source


  2. Allaah U naxariito waxaa magaaalada Beydhabo ee Xarunta Kumel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed ku geeriyooday Xildhibaan Maxamud Mahamed Boonow.

    Xildhibaanka ayaa mudda dheer ka tirsana Baarlamaanadii dalka soo maray isagoo dowladihii kala duwanaa ka soo qabtay xilal kala gedisan isaga oo xukuumadda Xasan Kheyre ahaa wasiir dowlaha amniga.

    2012 ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo dortay in uu ka mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya .

    AUN Maxamuud Maxamed Boonow ayaa xukuumaddii ra’iusl wasaare Farmaajo 2010 ka soo noqday Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta.

     

    Source: goobjoog.com


  3. Puntland ayaa gobolka Sanaag ka mamnuucday in ay ku safraan baabuurta aan wadan taarikada dowlad gobaleedka Puntland.
    Amar ka soo baxay Gudoomiyaha gobalka Sanaag ayaa lagu faray in aan gaadiidleyda gobalkaasi aan laga aqbali doonin in ay gudaha deeganada gobalkaas aan lagu dhex wadan karin gaari aan laheyn Taarikada Puntland .
    Waxaa sidoo kale warqadda ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha Gobalka Sanaag lagu wargeliyay in dadka degan degmada Badhan ay 15-ka bisha ay bilaabmi doonto Canshuurta dowladda hoose ee degmada Badhan .
    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo Baxay Xafiiska Gudoomiyaha Badhan
    No photo description available.

    Source: goobjoog.com


  4. Garowe (PP News Desk) — Puntland Minister for Health Dr Jama Farah Hassan urged citizens to follow social distancing rules, wear a face-covering in public spaces and wash their hands regularly with soap to prevent the spread of Covid-19.

    “People who buy locally made face-coverings should wash the face-covering with a soap before using it” the Minister told Puntland Post. Dr Jama said that it was the mandate of the Education Ministry to ensure that schools close for two weeks as a precautionary measure if a child gets infected by COVID-19.

    WhatsApp-Image-2021-03-09-at-19.17.12.jpJama Farah Hassan: “People should follow social distancing rules, wash their hands with soap regularly and wear a face-covering.”

    “Puntland State Government has instructed non-essential public service employees to work from home” said Jama.

    The Heath Minister held a meeting with Garowe business leaders to address ways to increase oxygen supply at hospitals during the second wave of Covid-19.

    The Health Minister denied reports that the Ministry has yet to pay salaries of frontline health workers dealing with Covid-19 patients.

    © Puntland Post, 2021

    The post Puntland Health Ministry Urges Citizens to Heed Preventive Measures Against Covid-19 appeared first on Puntland Post.


  5. Abshir Axmed Maxamed gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Aqalka sare ayaa sheegay in maalmihiiu danbeeyay ay soo baxeen wadaado doonaya in ay difaacan hanaanka iyo siyaasadda uu wax ku wado madaxweeynihii Hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
    Senator Abshir ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook-waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay si doodda si loo wado loo baahan yahay in Wadaada qaar laga saaro doodda.
    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare .
    SHACABKU WEY U BAAHAN YIHIIN DOODDA CUSUB EE WADAADADA .
    Wadaado asalkoodu inta badan ka soo wada jeedo ururka Al-Itixaad (oo ku dhisnaa fikirka Wahaabiga) ayaa beryahan waxaa ka dhex aloosmay dood 🗣 ah taageerid, dhaliilid iyo hogatus ku saabsan sidii uu wax u maareeyey madaxweynihii-hore Maxamed Farmaajo muddo xileedkiisii dhammaaday (2017 – 2021) iyo mustaqbalkiisa siyaasada.
    Runtii doodan shacabka wuu u baahan yahay si ay u kala ogaadaan halka ay kala joogaan wadaadadu iyo kaalin ahaan waxa ay ugu tooran yihiin dadka iyo dalka iyo weliba sida ay ugu soo gudbinayaan shacabka dhambaalkii ay ka dhaxleen Nebi Maxamed ﷺ.
    Haddaba si ay doodaasi u mira dhasho waxaan soo jeedin lahaa arrimaha soo socda:
    1. Dooda in laga saaro wadaadada layliga ah oo weli bawsiga ku jira loona daayo kuwa isu caqli iyo cilmi sheegan kara.
    2. In ay dooda ka soo wada qaybgalaan wadaadada kale ee ku suntan suufiyada, salafiyada iyo ikhwaanka, iwk.
    3. In mawduuca dooda laga dhigo mudo xileedkii dhammaaday (2017 – 2021) ee madaxweyne-hore Maxamed Farmaajo xagga Xilgudashada, Gaabiska iyo Gaboodfaladiisa.
    Ugu dambeyn, aniga oo huba in maankiinu noqonayo mudacyo caaraddood, haddana isu garaaba, kala garqaata adinka oo aan isu jixinjixin isagana turin runta iyo bidhaaminta xaqa oo cuskan Qur’aanka Kariimka, Sunnada Nebiga ﷺ (NNKHA), Al-Ijmaac iyo Qiyaaska.

    Source: goobjoog.com


  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

    Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

    Allaha u naxariistee waxaa geerida ku timid xildhibaanka ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii haha & guddoonka golaha shacabka Soomaaliya.

    Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya


  7. At the outset let me say this: It is an inherent human right to protest and express one’s views and political belief without being subjected to suppression or harassment. However, with freedom comes responsibility. In this time of the deadly pandemic, common sense dictates that public gatherings of protest must be COVID-compliant. 

    As a human rights activist and someone who worked in Somalia in recent years and has been in constant communication with health care workers and members of the civil societies there, I can affirm that the Somali people are struggling to manage the resurgence of the deadly second wave of COVID-19. This, unfortunately, came at an election year and at the peak of Somalia political dispute between the Central government and two of the federal states on one hand, and the Central government and the opposition on the other hand. It is the season when resources of the government and the opposition are routinely and exclusively allocated for political contention instead of putting the pandemic on top priority.

    Sadly, the deadly COVID-19 is becoming a political football between people who see it as an opportunity for one end or another. Other than issuing artificial statements of concern, none of these political contenders has forged a serious strategy to fight this deadly disease. In a country where an estimate of 70 percent of the population is jobless and over one million people are internally displaced people (IDPs), poverty is a glaring reality, and drought and famine are looming in some regions, the situation is very desperate, to say the least. 

    The Federal government, regional states, and the opposition groups must collectively and urgently prioritize the protection of civilians who are desperately struggling to survive the second wave of this pandemic. This deadly virus coupled with an already crippled health care system, paves the way for a fatal consequence not only upon the Somali citizen but also on the Somali nation.

    Going back to the core contentious, we have two competing issues:  the first and most immediate contentious issue is whether or not a peaceful demonstration against the current government could take place in Mogadishu. As I expressed in the opening lines, the answer is yes. But that yes must be handled responsibly. 

    The second and the long-standing issue is the deadlock over the election process. This protracted deadlock is related to who wheels the power of the selection process. More specifically, the competing sides quarrel over who manages the processes of the election in the Gedo region and the Somaliland future parliamentarians and, more critically, the legitimacy of the electoral model and members of the electoral commission. Despite the September 17, 2020 election agreement signed by all sides, the Jubaland and Puntland leadership have consistently refused its implementation. On their part, the Federal government which considered the said agreement favored the federal states, has been giving it lip service, at best.  

    With the foregoing and as someone dedicated to fairness and the cause of saving Somalia and her citizens, I strongly encourage the contending parties to exercise restraint and give wisdom and the love of the country the chance to prevail. Further, I appeal to the Central government, federal states, and the members of the opposition to consider the following:

     With regard to the demonstrations in the wake of the COVID-19 pandemic 

    1. There has to be a mechanism in place to safeguard the safety and security of the protesters

    2. Spoilers, both domestic and foreign actors, must not be allowed to take advantage of the prevailing disagreement and exploit the demonstrations as a venue and as a platform to implement evil destructive intentions

    3. The government’s security forces must not intervene, in any way, in a peaceful demonstration. If any such intervention is warranted, it has to be only to stop violent groups from taking advantage of this civic engagement

    4. To pursue the above, it is important to form a committee comprising relevant government institutions, opposition, civil society, AMISOM to oversee peaceful demonstrations to happen

    5. In addition, protesters have to be educated on the precautionary measures to prevent the spread of the COVID-19.  FM radios, TVs & social media can be used to inform and encourage protesters to practice safety measures and to encourage anyone with signs of infection to stay home. 

    6. Arrangements must be made to provide masks, hand sanitizers to the protesters and to encourage social distancing. 

    With regard to resolving the existing dispute and conducting free and fair elections:

    There is a need for a political continuity to avoid political vacuum and safeguard stability. Constitutional bodies (the executive and the legislative) need to remain until elections take place and new leadership is elected. 

    To break the deadlock and as a compromise, an inclusive and independent body may be instituted to guide the process around the elections, including validation of the electoral commission and setting an election timetable, and resolving other outstanding disagreements. The formation and composition of this body have to be done consultatively. 

    Last but not the least, individuals seeking presidential election including the incumbent and other candidates, will have to stay away from direct involvement in decisions affecting the outcome of the elections. 

    The critical situation at hand tests the leadership capacity of all sides. At the end of the day what would matter is not who won or who lost, but how many lives were saved by their compromise.

    —————————————————–

    Dr. Sadia Ali Aden is a Humanitarian Activist and a Freelance Writer.

    Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You


  8. (SLT- Hague)-Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

    Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya.

    Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sannadka 2021-ka.

    Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareera labaad ee dacwadda dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March.

    Wareega Koowaad

    Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)

    Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)

    Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

    Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

    Wareega Labaad

    Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)

    Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

    Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Hague, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

    Source


  9. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Siciid Axmed Jaamac ayaa Qoraal uu soo saaray Gobolkaas kaga mamnuucay Hubka aan ahayn kan dowladda.

    Guddoomiyuhu wuxu sidoo kale sheegay in Gobolka Sanaag laga mamnuucay dhammaan Gaadiidka aan wadan Taargada Puntland.

    Sidoo kale wuxu sheegay in degmada Badhan ay 15 bishan ka bilaaban doonto qaadista Canshuurta dowladda hoose.

    Guddoomiye Siciid wuxu ku hanjabay in qofkii bixin waaya canshuurta laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

    4.jpg?resize=720%2C990&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo Gobolka Sanaag ka mamnuucday Hubka appeared first on Puntland Post.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE Prof Afyare Cabdi Cilmi oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka dowladda & dowlad goboleedyada.

    Prof Afyare ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in gacan saddexaad ay dhex-dhexaadiso madaxda Soomaaliyeed, si heshiis looga gaaro doorashooyinka.

    Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u dhac weyn ay tahay in la’is aamini waayo, kadibna la’isugu tago xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

    “Waa dib u dhac weyn in dib loogu laabto wadahadalka la gar-wadeynayo, runtii si tartiib-tartiib ah ayay Siyaasiyiinta Soomaalida toos dhexdooda u wadahadlayeen, balse maanta waxa ay ka fursan waayeen in la kala dhexgalo oo la kala aamin baxo, in Xalane la tago waa dib u dhac kale,” ayuu yiri Agaasimaha cusub ee machadaka HERITAGE.

    Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda, islamarkaana ay xal waara ka gaaraan muranka ka taagan doorashada.

    Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmaha soo socda Teendhada Afisyooni uu ka dhacayo shirweyne ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, una dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo doorashada.


  11. Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa la filaya in saacadaha soo socdo uu soo gaaro magaalada Muqdisho .

    qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Puntland oo la hadlay GoobJoog News  ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Saciid Cabdullahi Deni uu maanta gelinka hore imaan doono magaalada Muqdisho.

    Madaxweeyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho kaga qeyb galo shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo la filayo in uu ka dhaco xarunta ciidamada Cirka ee Afisiyooni.

    Source: goobjoog.com


  12. Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray tiro Hoobiyayaal ah oo shalay lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho .

    Qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa lagu cambaareyay weerarkii lagu qaaday Xalane , iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo rajeyay in ay soo caafimaadan .

    Ergayga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan weerarada noocan oo kale ah marnaba aysan joojin karin taageerada ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed

    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo baxay QM 

    Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.

    “Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Md. Swan. “Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka.

    Source: goobjoog.com


  13. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
    Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay khilaafaadka ka jira arrimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa.
    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi uu uga qeyb gali lahaa shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo maanta lagu wado in uu Muqdisho ka furmo

    Source: goobjoog.com


  14. Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u soo saartay Jadwalka dhageeysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya .

    ICJ ayaa sheegtay iyada oo la tixgelinayo Caabuqa safmarka Corona Virus ay dhageysiga dacwadda isugu jiri doonta hab isku dhafan Oo Fogaan arag iyo xubna Hoolka soo xaadira isugu jiri doona .

    Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhageeysiga oo ah laba qaab uu socon doono 15-ka illaa iyo 24-ka bishan.

    Hoos Ka Akhriso Jadwalka ICJ ee Dhageysiga Dacwadda

    1- Wareega Koowaad
    Isniinta 15 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya)
    Talaado 16ka Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Soomaaliya)
    Khamiista 18 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya)
    Jimco 19 Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Kenya)
    2- Wareega Labaad.
    Isniinta 22 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya)
    Arbaco 24 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya)

    Source: goobjoog.com