Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.
Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biirtay ciidamada cirka ee Itoobiya
Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay.
Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan.
Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen.
Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan ayaa BBC u sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada.
Nin Soomaali ah oo uu ku nool waddooyinka Faransiiska+Sababta ku keliftay?
Nin Soomaali ah oo ku nool dalka Faransiiska ayay danta ku khasabtay in uu ku noolaado waddooyinka dalkaas kadib markii labo dal ka tirsan Yurub ay u diideen inay magangelyo siiyaan, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka Turkiga ee Anadolu.
Axmed Maxamed ayaa Anadolu u sheegay in Faransiiska uu diiday in magangelyo uu siiyo kadib markii 2 sano uu sugayay codsi uu dirsaday isla markaana waxaa xoog looga saaray xarun la geeyo dadka magangelyada la siiyo.
Wuxuu sheegay in Belgium ay meesha ka saartay codsi uu uga raadinayay magengelyo, muddo 11 bilood ah ayuu ku sugnaa xeryo ciriiri ah oo ay ku sugan yihiin dad muhaajiriin ah.
Wuxuu intaas ku daray in kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda racfaanka balse mar kale loo diiday in magangelyo la siiyo, sanadkii 2017-kii ayuu dib ugu soo laabtay Faransiiska.
“Waxaan ku suganahay xaalad daran, waxay iiga tageen in aan ku noolaado waddooyinka xilliggan uu dunida saameeyay cudurka safmarka ah, nolosheyda halis ayay ku jirtaa, dib ugama laaban karo dalkeyga” ayuu yiri Maxamed oo u warramayay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Gudiga gurmadka abaaraha Degmada Baladxaawo Ee Gobalka Gedo ayaa bilaabay biya dhaamin loogu gurmanayo dadka xool dhaqatada ah ee ay abaarta saamaysay.
Iyadoo inta badan Gobalka Gedo ay ka jirto abaar baahsan taasi oo saamaysay dadka iyo duunyada ayaa waxaa maanta gudiga gurmadka abaaraha degmada Baladxaawo ay 17 booyadoodoo oo biya dhaamin waxa ay ka amba bixiyeen degmada Baladxaawo si loo bad baadiyo dadka iyo duunyada kudhaqan deegaanada miiga ee gobolka gedo kuwaasi oo kujiro xaalad bini aadan nimo.
Gudiga ayaana ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dadka muxsiniinta in ay usoo gurmadaan dadka reer guuraaga ah oo u dhimanayo haraad iyo gaajo kuwaasi oo u baahan gar gaar bini aadan nimo.
Qaar ka mid ah deeganada Hoostaga magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa laga soo warinaya in ay ka jirto Abaar aad u daran .
illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Seddax ruux oo isugu jira carruur iyo dad da’ah ayaa Haraad iyo baahi ugu dhintay deegaan hoos taga degmada Raage ceelle .
Laba carruur ah oo mid ka mid ah uu yahay 7 jir , halka midka kale uu jir 13 sano iyo qof da’ah ayaa la xaqiijiyay in ay 48 saac ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen deegaana hoostaga Raaage Ceelle
Xasan Weli oo ka mid ah dadka deegaanka Raage ceelle ayaa GoobJoog uga waramay xaaladda deegaanka isagoo sheegay in xaalad Bini’aadanimo ay ka jirto deegaanka Raage Ceelle iyo deegaanada .
MOGADISHU (HOL) - The sixth round of electoral talks in Somalia are is set to commence Wednesday following the expected arrival of Jubbaland and Puntland presidents in Mogadishu today.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gelinka danbe maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si uu uga qayb galo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.
Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynw Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.
Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.
Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maalmaha soo socda ka dhacaya Teendhada Afisyooni.
Mahad Salaad ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo shaaca ka qaaday inuu fashil u horseeday dalka & doorashada.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay Madaxweyne Farmaajo uu kala irdheeyey dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu ku eedeysan dambiyo dagaal, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray shirka ka dhacaya Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay 4 sano uusan laheyn agaasinkiisa, ayna amnigiisa sugayaan ciidanka Amisom.
“FARMAAJO 4 SANO KADIB: Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn, amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meelmarinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirkaasi oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, islamarkaana looga hadlayo doorashooyinka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo aad u habeysan ayaa wata illaa saddex Cabdi Bile oo loo sii diyaariyey, waana ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.
Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro Axmed Madoobe, iyada oo soo dhoweyntiisa laga dareemayo garoonka Aadan Cadde.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa haatan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, kuwaas diyaar u ah soo dhoweynta waftiga madaxweynaha maamulka Jubbaland
Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhacayo Teendhada Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay madaxweyne Farmaajo.
Shirkan wada-tashiga ah oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka, iyadoo sidoo kale magaalada Muqdisho uu imaanayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.
(SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga ayaa kooxda reer Yemen ee Xuuthiyiinta ku eedaysay duqeyn Axadii shalay lala beegsaday kaydka shidaalka ee ku yaal dekada Ras Tanura ee Bariga Boqortooyada Sacuudiga.
Ma jirin khasaaro weyn oo ka dhashay weerarkaasi oo loo adeegsaday Drone bambaano lasoo saaray sida ay sheegeen warbaahinta Sacuudiga.
Goobtaasi la duqeeyey oo kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee kaydka batroolka ee shirkada Sacuudiga Aramco, waana weerarkii ugu weynaa oo sanadkan lala beegsado xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laalay duqeynta diyaaradaha aan cidnka wadin ama drone-ka ay ka sameeyaan goobo aanu Mareykanka dagaal uga jirin, siyaasaddan oo ka duwan madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump, ninka dambe ayaa ogolaaday iney Mareykanka duqeeyaan meel walba oo ay ku jirto Soomaaliya.
“Sida ku cad warbixin soo baxday, duqeyn kasta oo la xiriirta drone-ka oo ka dhan ah Islaamiyiinta ku sugan meel ka baxsan Afghanistan, Syria iyo Iraq, waxaa in ay ogolaanshiyo ka heysataa aqalka cad’ sidaa waxaa isniintii sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.
Arrintan ayaa loo sameeyey sida la sheegay inuu madaxweynaha la socdo tallaabo kasta oo arrimahan la xiriira.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle), ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo sarkaal ka tirsan Booliiska Puntland oo keligiis soo saaray awaamiir ku saabsan sugidda Amniga Garoowe, taas oo aysan dowladdu ogayn.
Taliye Degelle ayaa amar ku bixiyay sheelada lagu tuuro Axmed Maxamuud Cali oo ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, kadib markii lagu eedeeyay in uu go’aan iskiis ah ku sheegay in qof kasta oo ka safraya Garoowe uu damiin keeno, si loo fasaxo safarkiisa.
Puntland Post waxay ogaatay in haatan sarkaalkaas ay xabsiga dhigeen Booliiska, kadib markii su’aalo laga weydiiyay amarka uu soo saaray, oo sida la sheegay keligiis ku koobnaa.
Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u go’aamisay todobaadka soo socda in ay si rasmi ah u bilaabmeyso dhageysiga Dacwadda Muranka Soomaaliya iyo Kenya .
Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa sooyaalka dacwada badda iyo khilaafaadka.
April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii.
1988: Waxaa la soo saaray sharciga badda ee Soomaaliya.
1989: Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 .
April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday.
October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob:
Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya.
Qodobadaaas ayaa kala ahaa:
In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988
In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya.
Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii.
Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed.
Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah.
Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran
August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey.
October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada.
Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya.
October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya,
Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya.
May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka.
September 19, 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxay aheyd labo wareeg oo la dhageystay labada dal.
December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.
Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa sheegay in maxkamadda aaney xaq u laheyn dhageysiga kiiska, waxaa uuna soo jeediyey in meel ka baxsan maxkamadda lagu dhameeyo halka Muqdisho ku adkeysatay in maxkamadda lagu dhameeyo.
February 2, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.
February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.
Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.
Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
June 25, 2019: War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda, laakin arrintaas Kenya ayaa ka daba timid oo codsatay in sanad dib loo dhigo, laakin maxkamadda waxaa ay ka aqbashay uun 2 bil.
Bilowgii September 2019: Kenya waxaa ay ICJ ka codsatay in dhageysiga dib loo dhigo muddo hal sano ah iyada oo sheegtay in qareenno la’aan heyso.
September 5, 2019: Danjire Cali Fiqi ayaa xaqiijiyey dhageysiga maxkamadda dib loo dhigay 2 bil, isaga oo sheegay sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar.
October 16, 2019: ICJ ayaa mar kale mudeysan in ay dacwadda dhageysan doono 8, June, 2020.
April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19.
May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020.
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Bnaaadir, kaas oo lagu baadi-goobayey rag burcad ah oo dhac geysanayey.
Ciidamada ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib markii lagu soo war-geliyey inay jiraan rab burcad ah oo dhac ka geystay xaafadda Horseed ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka daba-tageen raggaasi oo afar gaarayey, islamarkaana ku hubeysnaa Bistoolado, waxaana kaddib dhex-martay is-rasaasey khasaare geysatay, iyada oo la dhawaacay labo ka mid ah burcadda, kadibna la qabtay.
Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday labadii kale ee la socotay ragga la qabtay, xilli taleefanada gacanta iyo agabyo kale ay ka qaadanayeen dadka deegaanka.
Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada ka bixiyey dhacdadaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan.
Waxaa la filaya in Saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxweeynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland .
Sida ay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ay Goobjoog News u sheegeen madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa maanta imaan doonna Muqdisho.
Dhankiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna la filaya in gelinka dambe ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho.
Labada Hogaamiye ayaa lagu wadaa iney Muqdisho uga qeybgalaan shir lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedka kasoo baxay guddiga farsamo ee maamul goboleedyada oo Baydhabo isku arkay 15-16-kii bishii hore.
A 44-year-old man has been charged in connection with three "hate-motivated" attacks in south Edmonton on women, two of whom were wearing head coverings.
BOSASO (Reuters) - The military in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland have recaptured 87 out of hundreds of prisoners who escaped on Friday after Islamist group al Shabaab fighters stormed a jail and freed them, according a statement from the military.
MOGADISHU, Somalia - A Turkish military aircraft carrying a contingent of Somali commandos who had completed their training in Turkey landed in the Somali capital Mogadishu on Monday.
DJabouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti, kadib markii guddi ka socday ay warbixin ka diyaariyeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la baarayo faro-gelin iyo abaabulka jabhado hubeysan oo ay ka cabatay Soomaaliya.
Gaba-gabadii sanadkii 2020 waxaa cirka isku shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dowladda Soomaaliya cayrisay wakiilladii Kenya ka joogay Muqdisho, iyadoo ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gudaha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December ee sanadkaas isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana kulan ay yeesheen ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxda urur goboleedka IGAD Jabuuti ayey xilligaas u xil saareen inay dadaal ku bixiso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogta ee Soomaaliya iyo Kenya, maalmo kadib waxay Jabuuti xuduuda labada dal u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah, kaas oo soo baaray waxa ka jira eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya.
Warbaahinta gobolka ayaa baahisay nuqullo ka mid ah warbixintii uu diyaariyey guddigaas, waxaana weji kale yeelatay xiisadii jirtay, dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay natiijada warbixintii guddiga ay dirtay Jabuuti, warbixinta waxaa ku xusneed inay waxba kama jiraan yihiin inta badan eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhiggeeda Kenya.
Dowladda Soomaaliya oo xilligaas si caro leh uga hadashay warbixinta waxay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo guddigii ay soo dirtay ay qaateen doodii Kenya oo ay iska indha tiraya cadeymihii ay eedeynteeda u heysatay dowladda Soomaaliya.
Maanta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagoo markii ugu horeysay ka jawaabaya eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti iyo xiriirka xumaaday ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxuu la hadlay BBC Somali.
Ugu horeyntii Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, isagoo xusay in labada waddan ay daris yihiin, isla markaana aysan sina u kala maarmin.
“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
“Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’ waan iska diidi karnay oo waan oran karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri, “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrinba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeedka IGAD ayaa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa, cidda u buunbuunisay ee u qeylo dhaamisay annagu ma garaneyno.”
Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii ka dhalatay warbinta guddigii xaqiiqo raadinta ee ka socday Jabuuti.
“Waan iska diiday inaan jawaab ama wax ka iraahdo arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu imaaneysa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban faro-galinta ay ka cabatay dowladda Soomaaliya iyo arrimaha Jubbaland oo kaliya, balse labada dal waxay isku heystaan xuduud badeed oo dheer.
15-ka bishan waxaa waxaa xarunta dhexe ee Maxkamadda ICJ ka bilaabaneysa dhageysiga dacwadda Baddaas oo indhaha Soomaalida, Kenyaanka iyo warbaahinta caalamku ay aad ugu mashquuli doonaan, waxaana dhageysiga kiiskaas ay maxkamaddu mudeysay inuu soo idlaanyo 19-ka bishan, wixii intaas ka dambeeyana waxaa maxkamadda laga sugi doonaa xukun aan racfaan laheyn.
Kenya waxay dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska, balse garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa labaduba ka diiday dalabkaas, waxaana maanta Muqdisho ka baxay guddiga Soomaaliya u qaabilsan kiiska badda, kaas oo u diyaar garoobaya inay dacwada uga qeyb galaan xarunta maxkamadda.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoggaaminaya guddigan, Isagoo garoonka Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan guusha Soomaaliya ee kiiska badda.
Mogadishu (HOL) - A former Somali Airlines pilot who made history when his passenger jet was hijacked by defecting soldiers in the mid-'80s has passed away from COVID-19 in Mogadishu.
Mogadishu (HOL) - A former Somali Airlines pilot who made history when his passenger jet was hijacked by defecting soldiers in the mid-'80s has passed away from COVID-19 in Mogadishu. Captain Mohamud Haji Elmi, better known as Captain Haji Dhagah, passed away on Monday morning in Martino Hospital after testing positive for Covid-19.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Villa Soomaaliya hal bil iyadoo aysan jirin wax heshiis doorasho ah, taasoo ka dhigan arrin ugub ku ah dalka.
Shalay oo aheyd 8-da Maarso waxaa dhamaatay bil kaamil ah maadaama muddo xileedkiisa uu soo dhamaaday 8-dii February, walina ma jiro heshiis loo wada dhan yahay oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka.
Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday dowladda kumeel gaarka ah sanadkii 2012, ma dhicin in madaxweyne uu iska fadhiyo xafiiskiisa iyadoo muddo xileedkiisii uu dhamaaday hadana aan heshiis lagu aheyn hanaanka doorashada.
Iyadoo ay taasi jirto hadana su’aasha is weydiinta leh waxey tahay rajo malaga qabaa in la gaaro heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay?
Khilaafyo badan ayaa ku hareereysan heshiiska doorashada, waxa ugu weyn waxey tahay in la dhaqan galiyo heshiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo sidoo kale meel marinta is fahamkii ay gaareen guddigii ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Mucaaradka waxey doonayaan in heshiiska laga qeyb galiyo, walina la iskuma raacin, waxaa jira tabashooyin badan oo ay ka mid tahay arrinta gobolka Gedo, xildhibaanada gobolada waqooyi iyo sharci la’aanta Farmaajo oo wali la hadal hayo.
Arrimaha kale ee ku hoos jira waxyaabaha ku xeyndaaban doorashada waxaa ka mid ah shakiga laga qabo ciidamada dowladda oo la aaminsan yahay iney siyaasadda dhexda kasoo galeen, taasna ay walaac badan ku abuurtay mucaaradka dowladda.
Si kastaba Farmaajo wuxuu aqalka dalka looga taliyo ku jiraa hal bil oo aan sharci aheyn walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka, sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta uma muuqdo mid qaadan kara kaalintiisa hirgalineed waxyaabaha horyaalla ee ah inuu dalka ka saaro marxaladda kala guurka.
Inkasta oo madaxdii ka horreysay sida Xasan Sheekh iyo Shariif ay madaxtooyada joogeen billo kadib markii waqtigoodu dhammaaday, haddana waxaa jira inuu jiro heshiis doorasho, dib u dhacana uu ku yimid hab fasarmo, hase yeeshee Famaajo wuxuu kaga duwan yahay inuu xukunka sii hayo ayada oo aanu jirin heshiis doorasho, una muuqato inuusan diyaar u aheyn.
A majority of those denied entry into the US as a result of travel bans imposed by former President Donald Trump can either apply to have the decision reconsidered or re-apply, the State Department announced on Monday.
DEG DEG: Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xerada Xalane
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.
Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Naga filo faah-faahin dhowaan, Inshga Allah.