Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,269
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho-3.jpg

    Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay dardar-gelinta maqaamka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo dheer soo jiitamayay.

    Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in arrintan aan dib dambe loo dhigi karin, isagoo ugu baaqay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka in ay si degdeg ah uga doodaan, isla markaana ansixiyaan sharci qeexaya maqaamka caasimadda.

    “Waa in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan sharciyeynta Maqaamka Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiyr Cabdi Xaashi.

    Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta dhismaha hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.

    “Waxaa lama huraan ah in la hirgeliyo Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga, si loo helo nidaam cadaaladeed iyo sharciyad adag oo lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

    Baaqa guddoomiyaha ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo baahi weyn oo loo qabo in la helo hay’ado garsoor oo madax-banaan iyo in si rasmi ah loo caddeeyo awoodaha iyo xuduudaha maamulka caasimadda.

    Maqaam u sameynta Muqdisho ayaa muddo dheer taagneyd, iyadoo magaaladu tahay waa meesha dhaqaale ahaan iyo shacbiyad ahaanba ku nooshahay dowlad walba oo timaada Villa Somalia.

    Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya in si uusan dhaqaalaha Muqdisho gacantooda uga bixin inay tahay sababta marwalba uga caga-jiidaan maqaam u sameynta magaalada Muqdisho.

    Go’aan ka gaarista maqaamka caasimada ayaa horey looga saaray cutubka koowaad ee dastuurka, iyada oo la geeyay cutubka shanaad, waxaana isha lagu haya go’aanka uu arrintaan ka gaaro baarlamaanka.


  2. Xabsi.webp

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in laga sii daayo xabsiyo ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo in ka badan 50 muwaadin Soomaaliyeed oo halkaas maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa.

    Sii daynta dadkaas waxaa door weyn ka qaatay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, iyadoo Danjire Ilyaas Cali Xasan uu arrinta kala hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee Tanzania, Jean Pierra Massala.

    Danjiraha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uga mahadceliyay Dowladda Congo aqbalidda codsiga lagu dalbanayay in xorriyadda dib loogu celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jiray.

    “Waxaan u mahadcelineynaa Dowlada aan saaxiibada nahay ee Congo madaxdooda sidoo kaleed jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Congo,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan.

    Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.

    Dowladda ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

    Si kastaba, waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalal kale oo Afrika ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay sii dayntooda qaar, hase yeeshee dedaallada lagu sii deynayo inta weli ku xiran ayaa wali socda.


  3. Abdisatar.png

    Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish ayaa Isniintii qirtay dambi ah inuu isku dayay inuu taageero agab iyo dhaqaale siiyo urur ajnabi ah oo loo aqoonsaday argagixiso.

    Cabdisataar Axmed Xasan, oo 23 jir ah, ayaa dambiga qirtay xilli uu ka soo hor muuqday Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Donovan Frank, magaalada St. Paul.

    Markii Xasan dacwadda lagu soo oogay bishii Febraayo, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen inuu baraha bulshada ku muujiyay sida uu ula dhacsanaa ninkii fuliyay weerarkii gaariga xamuulka ahaa ee 1-dii Jannaayo ka dhacay waddada Bourbon Street ee magaalada New Orleans, halkaasoo lagu dilay 14 qof. Ninkaas weerarka geystay waxaa dilay ciidanka booliska. Gaarigiisa waxaa surnaa calanka kooxda Daacish.

    Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Cabdisataar uu bishii Diseembar laba jeer isku dayay inuu ka safro Minnesota si uu u aado Soomaaliya, ujeedkiisuna ahaa inuu kooxdaas ku biiro oo uu u dagaallamo, balse labada isku dayba way ka fashilmeen.

    Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI) ayaa horay xog looga siiyay qof baraha bulshada isticmaala oo taageero u muujiyay kooxda Daacish iyo ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo keentay in saraakiisha hay’addu ay dabagal ku sameeyaan Cabdisataar labadiisii isku dayba.

    Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, markii ugu horreysay ee uu Cabdisataar isku dayay inuu Soomaaliya u safro, shirkadda diyaaradaha ayaa u diidday inuu raaco diyaaradda maadaama uusan haysan waraaqihii safarka ee looga baahnaa. Duulimaadkii labaadna wuxuu seegay xilli ay saraakiisha federaalku su’aalo weydiinayeen, balse lama xirin ilaa xarigiisii bishii Febraayo.

    Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay inay aragtay Cabdisataar oo wata calanka kooxda maalin ka hor inta aan la xirin.

    “Marka ay timaado arrimaha argagixisada, ma jirto meel qalad loo baneeyo,” ayuu yiri Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, Joe Thompson, oo qoraal soo saaray. ” Cabdisataar wuxuu lulay calanka Daacish, wuxuu ammaanay weerarada lagu qaado dalka, wuxuuna doonayay inuu dilo dad Mareykan ah. Ma qaadaneyno wax halis ah. Ma ogolaan doonno in Minnesota ay noqoto meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.”

    Cabdisataar, oo ah muwaadin Mareykan ah oo dhalashada qaatay, ayaa weli ku jira xabsiga. Ilaa hadda lama cayimin maalinta xukunkiisa lagu dhawaaqi doono. Ciqaabta ugu badan ee sharcigu u ogol yahay dambigan waa 15 sano oo xarig ah, balse heshiisyada dambi-qirashada ayaa inta badan horseeda xukun ka fudud.

    Cabdisataar waa qofkii ugu dambeeyay oo ka mid ah dad badan oo Soomaalida reer Minnesota ah oo sannadihii la soo dhaafay looga shakiyay inay ka tageen ama isku dayeen inay ka baxaan Mareykanka si ay ugu biiraan kooxda Daacish, iyagoo ku biirayay kumanaan dagaalyahan oo ka socda dalal kale.

    Sannadkii 2016-kii, sagaal qof oo reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay dambiyo la xiriira maleegid shirqool oo ay kooxdaas ugu biirayeen, halka qof kale oo si toos ah kooxda ugu soo dagaallamay dalka Ciraaq isagana sannadkii hore lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.


  4. Dollar-scaled.jpg

    New York (Caasimada Online) – Is-mari-waagii ka taagnaa maalgelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa weli ka sii jira magaalada New York, taasoo shaki weyn gelinaysa mustaqbalka hawlgalkaasi.

    Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ka sheegay Kulan Heer Sare ah oo ku saabsanaa Maalgelinta AUSSOM, oo ka dhinac qabsoomay Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA80), in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid jilicsan.

    Maleeshiyada al-Shabaab waxay weli sii wadaan inay qalalaase abuuraan, iyagoo khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida, taasoo ah culays uu sheegay inuusan dalku keligii xamili karin.

    Youssouf wuxuu sheegay in inkastoo Midowga Afrika uu labalaabay deeqdii uu ku bixinayay Sanduuqa Nabadda, haddana uu Hawlgalka AUSSOM weli wajahayo hoos u dhac dhanka miisaaniyadda ah oo gaaraya $180 milyan oo doollar.

    “Midowga Afrika wuxuu horey u labalaabay deeqdiisii Sanduuqa Nabadda, isagoo gaarsiiyay $20 milyan oo doollar, taasoo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay arrintan. Hase yeeshee, haddii aan la helin maalgelin degdeg ah, la isku halleyn karo, oo joogto ah, guulihii dhibka lagu gaaray waxay halis ugu jiraan inay meesha ka baxaan,” ayuu ka digay.

    Isagoo qiraya waxa uu ku tilmaamay “daal dhinaca maalgelinta ah” oo ka jira dhinaca saaxiibada reer Galbeedka ee dhaqanka u ahaa taageerada, ayuu Youssouf sheegay in hawlgalka AUSSOM uusan ahayn mid furan oo aan lahayn waqti go’an.

    “Haddii la helo taageero ku filan, waxaa la soo gebagebeyn karaa marxaladdii ku-tiirsanaanta, waxaana la guda geli karaa waa cusub oo madaxbannaani, xasillooni iyo barwaaqo leh,” ayuu yiri, isagoo Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo saaxiibada kaleba ugu baaqay inay la jaanqaadaan go’aanka adag ee Afrika.

    Ra’iisul Wasaaraha Sare ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa isna ku celiyay baaqaas, wuxuuna ka digay in farqiga sii ballaaranaya ee maalgelinta uu khatar weyn ku yahay hawlgalka AUSSOM, oo xil-gudashadiisu ay ku eg tahay bisha Diseembar.

    Wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2719, gaar ahaan iyadoo la marayo qaab maaliyadeed oo isku-dhafan oo ku tiirsan qoondooyinka ay Qaramada Midoobay u goyso xubnaha.

    “Qaab-dhismeedka noocan oo kale ah waa inuu noqdaa mid dhammaystiran, oo daboolaya gunnooyinka ciidamada, saadka, dhaqdhaqaaqa, iyo shuruudaha guud ee hawlgelinta, si loo damaanad qaado hufnaan iyo waxtar. Hubanti la’aanta maaliyadeed waxay wiiqaysaa diyaargarowga hawlgalka, waxay dhiirigelinaysaa kooxaha mayalka adag, waxayna halis gelinaysaa inay meesha ka saarto guulihii dhibka lagu gaaray ee ku yimid sannado badan oo naf-hurnimo iyo isgarab-istaag ah,” ayuu yiri Mudavadi.

    Qaraarka 2719 wuxuu bixiyaa qaab-dhismeed lagu maalgaliyo hawlgallada nabad-ilaalinta ee uu hoggaamiyo Midowga Afrika, balse ku dabaqiddiisa AUSSOM ayaa weli ah mid lagu muransan yahay. Iyadoo Midowga Afrika iyo dhowr xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay taageersan yihiin in la adeegsado, ayaa haddana dowladda Mareykanku waxay ka soo horjeesatay in lagu dabaqo AUSSOM, iyadoo ka duulaysa walaac ay ka qabto isku-dheellitirka culeyska maaliyadeed.

    Mudavadi ayaa qiray in arrimuhu ay isku murugsan yihiin, balse wuxuu ku baaqay in la sameeyo tanaasul: “Kenya waxaa si adag uga go’an hawlgalkan, waxaana Soomaaliya ka jooga ilaa 3,000 oo ka tirsan ciidankeena geesiyaasha ah, kuwaasoo garab istaagaya walaalaheenna Soomaalida ah si loo helo gobol nabad ah oo ammaan ah.”

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carrabka ku adkeeyay in guusha hawlgalka AUSSOM aysan ahayn oo keliya mid ahmiyad u leh Soomaaliya, balse ay sidoo kale muhiimad weyn u leedahay amniga gobolka iyo kan adduunka.

    Dhanka kale, dowladda UK ayaa ballanqaadday £16.5 milyan oo gini ($22 milyan oo doollar) oo ay ku taageerayso hawlgallada AUSSOM ee sanadka 2025, halka waddamada Italy, Japan, Korea, iyo Spain ay iyaguna ku dhawaaqeen deeqo cusub ama kuwo soo socda. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu mustaqbalka dhow shaaca ka qaadi doono taageero gaar ah oo uu siinayo qeybta militari ee hawlgalka.


  5. Uk.webp

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday dhaqaale cusub oo gaaraya in ka badan $30 milyan oo dollar oo lagu taageerayo marxaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya, si gaar ahna loogu garab istaagayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

    Xirmadan dhaqaale, oo ay shaaca ka qaadday Wasiirka Horumarinta ee UK, Baroness Chapman, ayaa ka kooban $8 milyan oo loogu talagalay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo $22 milyan oo loo qoondeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ah hawlgalka nabadda ee Midowga Afrika.

    Dowladda London waxay sheegtay in dhaqaalahani uu siin doono ciidamada amniga Soomaaliya taageero muhiim ah oo aan hub ahayn, isla markaana uu xoojin doono dadaallada Midowga Afrika ee ka dhanka ah dagaallamayaasha al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

    Taageero muhiim ah oo la siinayo ciidamada DF

    Dhaqaalaha ay UK ugu deeqday UNSOS ayaa lagu dabooli doonaa saadka cuntada, teendhooyinka, agabka caafimaadka, iyo adeegyada daadgureynta dhaawacyada ee ciidamada Soomaalida ee ku kala sugan daafaha dalka. Xafiiska UNSOS wuxuu hadda taageeraa ku dhawaad 18,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya.

    “Kaalmadan dhinaca saadka ah waxay door muhiim ah ka ciyaareysaa sidii ciidamada Soomaalida loogu suurtagelin lahaa inay fuliyaan hawlgallo wadajir ah ama isku dubaridan oo ay la sameeyaan AUSSOM,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho.

    Ballan-qaadkan ugu dambeeyay wuxuu wadarta guud ee taageerada UK ee UNSOS ka dhigayaa in ka badan $58 milyan tan iyo sanadkii 2021-kii.

    Qaybta weyn ee dhaqaalaha oo dhan $22 milyan ayaa loo qoondeyn doonaa hawlgalka AUSSOM, kaasoo hoggaaminaya dadaallada lagu xasilinayo deegaannada dhawaan la xoreeyay, lagagana hortagayo khataraha al-Shabaab, looguna diyaar garoobayo in si buuxda loogu gudbo hannaan amni oo ay Soomaalidu hoggaamiso dhammaadka sanadka 2025-ka.

    Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli ay Britain, Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay ay si wadajir ah u martigeliyeen shir loogu talagalay deeq-bixiyeyaasha AUSSOM, kaasoo ka dhacayay hareeraha Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.

    Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen saaxiibbo kala duwan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro walaac sii kordhaya oo ku aaddan yaraanta dhaqaale ee halis gelin karta guulihii dhanka amniga ee dhibka lagu gaaray.

    Laga soo bilaabo 2021, UK waxay ku darsatay ku dhawaad $140 milyan oo doolar hawlgalka AUSSOM iyo hawlgalladii ka horreeyay, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee hawlgalkan.

    Baroness Chapman waxay sheegtay in ka-qaybgalka joogtada ah ee Britain uu ka tarjumayo garowsiga ah in xasiloonida Soomaaliya aan laga sooci karin amniga guud ee gobolka.

    “UK waxay ahayd saaxiib heegan u ah Soomaaliya in ka badan toban sano, iyadoo aqoonsan in amnigeedu uu muhiim u yahay xasiloonida iyo barwaaqada gobolka,” ayay tiri.

    “Maanta, waxaan sii wadeynaa taageeradeena anagoo deeq muhiim ah siineyna AUSSOM, taasoo xoojineysa maalgashigeenna mustaqbal uu ganacsigu kobcayo, bulshaduna ay horumareyso, argagixisaduna aysan mar dambe khatar ku ahayn nolosha maalinlaha ah.”

    Waxay intaas ku dartay in ku dhawaaqistani ay qayb ka tahay ballan-qaadka ballaaran ee UK ee ku aaddan dadaallada nabadda ee ay Afrika hoggaamiso: “Xalalka ay Afrika hormuudka ka tahay, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamiga ah, way shaqeeyaan, UK-na waxay ku faanaysaa inay taageerto dadaalladaas.”

    Culeys ka sii kordhaya gudaha Soomaaliya

    Deeqdan Britain waxay ku soo beegmaysaa xilli xasaasi ah. Waqtiga hawlgalka AUSSOM wuxuu ku eg yahay bisha Diseembar 2025, taasoo qayb ka ah qorshaha dhimista ciidamada ajnabiga ah. Si kastaba ha ahaatee, al-Shabaab waxay weli maamulaan dhul ballaaran oo miyi ah, waxayna sii wadaan inay fuliyaan weerarro dhimasho leh.

    Saraakiisha Midowga Afrika ayaa ka digay in dhaqaale yaraanta joogtada ah ay halis gelin karto qorshaha kala-guurka. Horraantii bishan, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, wuxuu sheegay in “daal dhinaca maalgelinta ah” oo ka yimaada saaxiibbada caalamiga ah uu khalkhal gelin karo dhammaan Geeska Afrika haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

    Youssouf wuxuu sheegay in inkastoo Midowga Afrika uu labalaabay deeqdii uu ku bixinayay Sanduuqa Nabadda, haddana uu Hawlgalka AUSSOM weli wajahayo hoos u dhac dhanka miisaaniyadda ah oo gaaraya $180 milyan oo doollar.

    “Midowga Afrika wuxuu horey u labalaabay deeqdiisii Sanduuqa Nabadda, isagoo gaarsiiyay $20 milyan oo doollar, taasoo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay arrintan. Hase yeeshee, haddii aan la helin maalgelin degdeg ah, la isku halleyn karo, oo joogto ah, guulihii dhibka lagu gaaray waxay halis ugu jiraan inay meesha ka baxaan,” ayuu ka digay.

    Iyadoo dib u xaqiijisay taageeradeeda maaliyadeed, UK waxay muujisay inay sii wadi doonto inay si dhow ula shaqeyso Muqdisho, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo wadamada ciidamada ku deeqay si loo joogteeyo guulaha dhanka amniga ee la gaaray.


  6. shub-taliye-cabdiraxmaan-aadan.jpg

    Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ku dhawaaqay in cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka asluubta loo diyaarinayo in loo diro furimaha dagaalka, si ay u garab istaagaan ciidamada kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Janaraalka ayaa caddeeyay in ujeedadu tahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isla markaana la muujiyo iskaashiga guud ee ciidamada qaranka.

    Wuxuu ku booriyay askarta tababarka ku jirta in ay dadaalkooda u huraan buuxinta kaalinta ciidanka asluubta, maadaama ay iyaguna mas’uuliyad ka saaran tahay amniga qaranka sida ciidamada kale ee dowladda.

    “Waxa aan la hadlayaa ciidanka aan tababarka u keenay, waxa aan idinka rabno ayaan idiin sheegayaa, shaqada aad haysaan ciidan inta ka baxay ayaa oo furinta geynay ayaa hayay, ciidan kale ayaa furinta gayneynaa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta.

    Ciidanka Asluubta oo si gaar ah u qaabilsan ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista dambiyada kala duwan, ayaa tan iyo markii ay billowdeen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab door muuqda ku yeeshay howlgalada, iyagoo si joogto ah loogu diray jiida hore.

    Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan dardar-gelinaysa dagaalka Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, iyadoo ciidamadu bilaabeen howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda, xilli ay muddooyinkii dambe kooxdu dib u qabsatay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo xoreyntooda ay ku baxeen geesiyaal naftood hurayaal ah.


  7. Netanyahu-and-Trump-scaled.webp

    Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu oggolaaday in la soo afjaro dagaalka Gaza, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay inay noqon doonto “guusha ugu weyn ee taariikhda” hoggaamiyaha Israel.

    “Waxay ka dhigan tahay dhammaadka degdegga ah ee dagaalka laftiisa,” ayuu yiri Trump isagoo Aqalka Cad kula hadlayay Netanyahu oo dhinac taagnaa.

    “Waan taageersanahay qorshahaaga lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, kaasoo xaqiijinaya himilooyinkeenna dagaalka. Waxa uu Israel u soo celin doonaa dhammaan la-haystayaasha, wuxuu burburin doonaa awoodda militari ee Xamas, wuxuuna soo afjari doonaa maamulkeeda siyaasadeed, isagoo sidoo kale xaqiijinaya in Gaza aysan mar dambe khatar ku noqon Israel,” ayuu yiri Netanyahu.

    Trump ayaa sheegay inuu filayo jawaab “wanaagsan” oo ka timaada Xamas, balse wax yar kaddib shirka jaraa’id, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Xamas oo sheegay in kooxdu aysan weli helin “qorshe nabadeed oo qoran oo ku saabsan Gaza”.

    “Waxaan maqlayaa in Xamas ay iyaduna doonayso in arrintan la dhammeeyo,” ayuu yiri Trump.

    Maamulka Falastiin ee kooxda Fatax ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha Trump, isagoo ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay kala shaqeeyaan Mareykanka iyo saaxiibbada kale sidii loo gaari lahaa heshiis dhammaystiran oo ay ku jirto “in gogol-xaar loo noqdo nabad caddaalad ah oo ku dhisan xalka labada dal”, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Wafa.

    Sida ku cad qorshaha Trump, Maamulka Falastiin ayaa la wareegi doona maamulka Gaza marka uu dhammeystiro barnaamij dib-u-habeyn ah. Ilaa xilligaas, Gaza waxaa maamuli doona “maamul ku-meel-gaar ah oo ka kooban guddi Falastiiniyiin ah oo aqoonyahanno ah.

    Aqalka Cad ayaa soo saaray bayaan ka kooban 20 qodob oo qeexaya qorshihiisa ku aaddan Gaza dagaalka kaddib, daqiiqado ka hor inta aysan Netanyahu iyo Trump ka soo muuqan shirka jaraa’id.

    Trump wuxuu sheegay in qorshihiisa ay taageersan yihiin hoggaamiyeyaal “Carab iyo Muslimiin ah”, kuwaasoo uu sheegay inay ballan-qaadeen “in hubka laga dhigo Gaza” iyo in la “burburiyo” awoodda militari ee Xamas.

    “Qof walba wuxuu doonayaa inuu qayb ka noqdo… qof walba wuxuu doonayaa inay shaqeyso,” ayuu yiri Trump. “Kuwani waa dalal aad u qani ah oo wax hirgelin kara.”

    Trump wuxuu sheegay inuu la hadlay hoggaamiyeyaasha Turkey, Pakistan, Masar iyo Indonesia, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Khaliijka, kuwaasoo dhammaantood taageersan qorshaha sida uu sheegay madaxweynuhu.

    Qodobada qorshaha

    Qorshahan 20-ka qodob ka kooban wuxuu guud ahaan mudnaan siinayaa aragtida Israel ee xaaladda Gaza iyo welwelka amni ee ay sheegatay, isagoo ka billaabaya qodobka 1-aad, oo dhigaya “Gaza waxay noqon doontaa aag ka caaggan xagjirnimada iyo argagixisada oo aan khatar ku ahayn deriskeeda”.

    Wuxuu intaas ku darayaa in Gaza dib loo dhisi doono si ay “uga faa’iideystaan” dadka reer Gaza “oo dhibaato ku filan soo maray”. Gargaarka oo dhan ayaa si degdeg ah dib u billaaban doona marka ay dhammaan dhinacyadu oggolaadaan heshiiska, laakiin wuxuu bayaanka ku xirayaa shuruud ah “ugu yaraan, tirada gargaarku waxay la mid noqon doontaa wixii ku jiray heshiiskii Janaayo 19, 2025”.

    Wuxuu kaloo intaas ku darayaa in marinka Rafah sidoo kale la furi doono labada dhinacba, iyadoo la raacayo hab la mid ah kii lagu qeexay heshiiskii Janaayo.

    Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa ah inuu si wax-ku-ool ah u soo afjari doono doorka hay’adda muranka badan dhalisay ee fadeexaduhu hareeyeen ee Gaza Humanitarian Foundation, isla markaana mas’uuliyadda qaybinta gargaarka lagu wareejin doono Qaramada Midoobay iyo hay’adaheeda, iyo sidoo kale Bisha Cas iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah “ee aan sinaba ula xiriirin labada dhinac midkoodna”.

    Qorshuhu wuxuu markaas u wareegayaa xaaladda Gaza ee dagaalka kaddib iyo “Guddi Nabadeed” oo kormeer ku samayn doona dowladda ku-meel-gaarka ah ee aqoonyahannada ah ee la dhisi doono.

    Wuxuu soo bandhigayaa “qorshe horumarin dhaqaale oo Trump ah” si dib loogu soo nooleeyo Gaza, kaasoo is-shabahaad badan la leh qorshihii “Riviera” ee Gaza oo Trump uu markii hore soo jeediyay.

    Laakiin si ka duwan qorshahaas hore, kan cusub wuxuu dhigayaa “in aan qofna lagu qasbi doonin inuu ka tago Gaza”, haddii uu qof baxo-na, uu xor u noqon doono inuu soo laabto.

    “Ciidan Caalami ah oo Xasilin ah (ISF)” ayaa la dhisi doonaa iyadoo lala kaashanayo “saaxiibbo Carbeed iyo kuwa caalami ah”, kaasoo mas’uul ka noqon doona xaqiijinta maamulka iyo xasilloonida marinka, kaasoo la mid ah qorshayaal hore looga hadlay oo ku saabsanaa ciidan “nabad-ilaalin” oo Carbeed ama goboleed ah.

    Qorshuhu wuxuu si qayaxan u sheegayaa “in Israel aysan qabsan doonin ama ku dari doonin dhulkeeda Gaza”, laakiin wuxuu ka tagayaa fursad weyn oo fasiraado kala duwan loo yeelan karo, wuxuuna mas’uuliyadda ka bixitaanka marinka dusha ka saarayaa Israel.

    Wuxuu dhigayaa in Israel ay ciidamadeeda kala bixi doonto iyadoo lagu saleynayo “heerar, marxalado iyo waqtiyo ku xiran hub ka dhigista” oo ay ku heshiiyaan ciidamada Israel, ISF, dammaanad-qaadayaasha iyo Mareykanka.

    Wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada Israel ay “si tartiib-tartiib ah ugu wareejin doonaan dhulka ay haystaan” ciidanka ISF iyadoo la raacayo heshiis lala galo dowladda ku-meel-gaarka ah, “marka laga reebo joogitaan amni oo ku xeeran xuduudda, kaasoo sii jiri doona ilaa Gaza si buuxda looga sugo khatar kasta oo argagixiso oo soo cusboonaata”.

    Trump wuxuu si gaar ah u iftiimiyay in, intii lagu jiray kulankooda, Netanyahu uu si adag uga soo horjeeday dhismaha dawlad Falastiini ah.

    Qodobka 18-aad ee qorshaha la shaaciyay ayaa qeexaya in kaddib dib-u-dhiska Gaza iyo dib-u-habeynta Maamulka Falastiin, “ay suuragal tahay in ugu dambayn la helo shuruudihii suurtagelin lahaa waddo la aamini karo oo loo maro aayo-ka-tashiga iyo dawladnimada Falastiin, taasoo aan u aqoonsannahay inay tahay himilada dadka Falastiiniyiinta”.

    Guddiga Nabadda

    Netanyahu ayaa ka jawaabay ku dhawaaqista isagoo ku adkeystay in qorshuhu uu waafaqsan yahay shuruudaha xukuumaddiisa ee soo afjaridda dagaalka. Wuxuu sheegay in Israel ay sii haysan doonto “xuduud amni oo ku xeeran” Gaza ayna si tartiib-tartiib ah uga bixi doonto marinka iyadoo ku xiran heerka “hub ka dhigista” Xamas – laakiin taasi way ka duwan tahay qorshaha qoran.

    Intii uu socday khudbaddiisa, Trump wuxuu si weyn ugu tiirsanaa taageerada ay dalalka Carabta iyo Muslimiinta siinayaan qorshihiisa. Bayaanka Aqalka Cad wuxuu sheegayaa in Jordan iyo Masar ay tababari doonaan ciidamada ammaanka Falastiin si ay u sugaan amniga Gaza.

    Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in dhammaan maxaabiista Gaza lagu sii daayo 72 saacadood gudahood iyo in ciidamada Israel ay si tartiib-tartiib ah uga baxaan Gaza.

    Inkastoo uu sheegayo in Israel aysan ku dari doonin dhulkeeda ama aysan qabsan doonin Gaza, haddana qorshuhu ma caddaynayo cidda ugu dambayn maamuli doonta marinka.

    “Gaza waxaa lagu maamuli doonaa maamul ku-meel-gaar ah oo ka kooban guddi Falastiiniyiin ah oo aqoonyahanno ah, kana madax-bannaan siyaasadda, kaasoo mas’uul ka noqon doona hawl-maalmeedka adeegyada dadweynaha iyo degmooyinka ee dadka Gaza,” ayuu yiri Aqalka Cad.

    “Guddi Nabadeed” oo uu guddoomiye u yahay Trump, oo ay ku jiri doonaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair, ayaa yeelan doona “kormeer iyo maamulid” lagu hayo guddiga Falastiiniyiinta.

    Qorshuhu wuxuu sheegayaa in Maamulka Falastiin uu ugu dambayn la wareegi doono Gaza marka uu “dhammeystiro barnaamijkiisa dib-u-habeynta”.

    Netanyahu ayaa ammaanay Trump oo isu soo bandhigay inuu maamulo marinka isagoo ah “Guddoomiyaha Guddiga”, wuxuuna yiri: “Xaqiiqda ah inaad adigu arrintan qaabilayso wax badan ayay taraysaa.”

    Wuxuu sheegay in “maamul rayid ah oo nabdoon” uu maamuli doono Gaza, oo aysan ku jiri doonin “Xamas ama Maamulka Falastiin”.

    Netanyahu wuxuu meel u baneeyay suurtagalnimada in Maamulka Falastiin, oo maamul xaddidan ka haya Daanta Galbeed ee la haysto, uu ku soo laabto Gaza.

    “Maamulka Falastiin wax door ah kuma yeelan karo Gaza isagoon marin ‘isbeddel xag-jir ah’,” ayuu yiri.

    Trump wuxuu sheegay in qorshuhu uu waddada u furi doono ballaarinta Heshiisyadii Abraham, heshiisyada is-dhexgalka ee Israel ay la saxiixatay Imaaraadka, Morocco iyo Bahrain sanadkii 2020, kuwaasoo Trump uu u arko guushiisa ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda. 


  8. Netanyahu.webp

    Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uu Qatar ka raalligeliyey duqeyn uu ka geystay dhulkeeda, taasoo timid xilli uu kulan la lahaa Madaxweyne Donald Trump.

    Ciidanka Israel ayaa horraantii bishan duqeyn cirka ah ku beegsaday hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa Qatar, weerarkaas oo sidoo kale lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee Qatar.

    Trump ayaa iska fogeeyay go’aanka Netanyahu ee ahaa in la weeraro dal xulafo muhiim ah la ah Mareykanka ee Bariga Dhexe, isagoo xilligaas ku qoray bartiisa Truth Social in falkani “uusan marnaba u adeegayn danaha Israel iyo kuwa Mareykanka.”

    Dalka Qatar ayaa martigeliyey wadahadallo muhiim ah oo looga gol lahaa in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Israel iyo Xamaas. Waxaa sidoo kale dalkaas saldhig ku leh ciidan Mareykan ah oo tiradoodu gaarayso illaa 10,000 oo askari.

    Sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad, intii uu socday wada-hadal saddex-geesood ah oo dhanka taleefoonka ah oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayuu Netanyahu “si weyn uga xumaaday in weerarkii gantaalaha ahaa ee Israel ay ku beegsatay bartilmaameedyo Xamaas ka tirsan oo ku yaalla Qatar uu si aan ulakac ahayn ugu dhintay sarkaal u dhashay dalkaas.”

    “Wuxuu sidoo kale ka xumaaday in Israel, iyadoo beegsanaysa hoggaanka Xamaas xilli ay socdeen wada-xaajoodyada lahaystayaasha, ay ku xadgudubtay madax-bannaanida dhuleed ee Qatar, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Israel aysan mustaqbalka fulin doonin weerar noocan oo kale ah.”

    Al Thani ayaa soo dhoweeyay dammaanad-qaadkaas, sida lagu sheegay warbixinta, halka Trump uu “muujiyay rabitaankiisa ah in xiriirka Israel iyo Qatar la saaro waddo togan kaddib sannado ay jireen cabashooyin iyo is-faham darro labada dhinac ah.”

    “Waxay si dhab ah u yeesheen wada-hadal qalbi furan,” ayuu yiri Trump oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulankii uu la yeeshay Netanyahu. “Wuxuu ahaa wada-hadal aad u wanaagsan, waxaana u arkayay inuu ahaa mid midho-dhal ah.”

    Wuxuu sheegay in Mareykanka, Israel iyo Qatar ay ku heshiiyeen in la sameeyo hannaan wada-hadal oo rasmi ah oo saddex-geesood ah si “loo xoojiyo ammaanka ay wadaagaan, loo saxo aragtiyaha khaldan, loogana fogaado shaki iyo kalsooni darro mustaqbalka imaan karta.”

    Trump ayaa ku ammaanay Amiirka Qatar inuu yahay “qof cajiib ah,” wuxuuna xusay doorkiisa dhexdhexaadinta ee geeddi-socodka nabadda. Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo in Qatar ay ku biiri karto Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords), oo ah heshiisyo is-daba-joog ah oo lagu caadiyeynayao xiriirka dalalka Bariga Dhexe iyo Israel, kuwaasoo uu Trump ka soo shaqeeyay xilligii maamulkiisii hore.

    Tallaabadan ayaa timid xilli uu Trump soo bandhigay qorshe nabadeed oo ka kooban 20 qodob, kaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Gaza.


  9. 556411988_780144628127696_29507543065005

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku kacay falal halis galinaya naftooda iyo tab bulshada.

    Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay digniin adag u dirayaan dhammaan dhalinyarada inaysan garoomada iyo goobaha kale ee bulshada la soo gelin wax kasta oo dhaawac ama dhibaato u horseedi kara naftooda iyo tan bulshada.

    “Tooreeyada, sakiimaha, iyo wixii lamid ah waa ka mamnuuc garoomada iyo goobaha kale ee dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

    Waxaa intaas lagu sii daray: “Qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya fal khatar gelinaya naftiisa iyo tan dadka kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.”

    Taliska ayaa sidoo kale xusay in la adkeynayo amniga garoomada ciyaaraha ee ay hadda ka socdaan tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo goobaha kale ee dadweynuhu isugu yimaado, si loo sugo badbaadada bulshada.

    Boolisku waxay carabka ku adkeeyeen in aysan marnaba oggolaan doonin wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadgelyada guud.

    Ugu dambeyntiina taliska booliska ayaa ku booriyay waalidiinta, maamulka garoomada, iyo bulshada inteeda kale in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago falalka halista ah ee dhalinyarada qaar ay ku kacayaan.

    556411988_780144628127696_29507543065005

    556340300_780144724794353_28044201892514

    556879068_780144698127689_78628878179965

    557707681_780144734794352_90837575910053

    557599254_780144678127691_83592021265935

    556019321_780144774794348_73282959936774

    557645363_780144751461017_31830537688448


  10. Abdisatar.png

    ST. PAUL, United States – A Minnesota man has admitted to trying to join the Islamic State group after making two failed attempts to travel to Somalia, federal prosecutors announced Monday.

    Abdisatar Ahmed Hassan, 23, a naturalized U.S. citizen of Somali origin, pleaded guilty in U.S. District Court in St. Paul to one count of attempting to provide material support to a designated foreign terrorist organization. The charge carries a maximum sentence of 15 years in prison.

    Two attempts to join IS

    According to court records, Hassan twice tried in December 2024 to leave Minneapolis for Somalia to join Islamic State fighters.

    His attempts drew the attention of the FBI, which had already been monitoring his online activity, where he openly expressed support for both IS and Somalia’s al-Shabab militants.

    Acting U.S. Attorney Joe Thompson underscored the seriousness of the case, saying: “There is no margin for error when it comes to terrorism.

    Hassan flew the ISIS flag, venerated attacks on the homeland, and wanted to kill Americans. We will not let Minnesota become a safe haven for terrorists.”

    Hassan remains in custody while awaiting sentencing.

    Prosecutors said Hassan’s radicalization had been unfolding online for months. The FBI first flagged his social media posts in May 2024, when he began voicing support for extremist groups.

    In one post, he praised the perpetrator of a fictional January 2025 truck attack in New Orleans that left 14 dead, calling the attacker “the legend that killed Americans.”

    In his plea deal, Hassan admitted that his interest in IS propaganda grew after the Israel-Hamas conflict erupted on October 7, 2023. He told investigators he believed that “what America thinks is terrorists is actually justice.”

    A search of his electronic devices following his arrest in February 2025 revealed bomb-making manuals and ammunition guides, as well as private messages where he declared: “I will become ISIS straight away.” He also posted a video of himself driving with a homemade black IS flag shortly before his arrest.

    Foiled travel plans

    Hassan’s first attempt to reach Somalia was on December 13, 2024, but an airline agent at Minneapolis-St. Paul International Airport refused to let him board a one-way flight because of incomplete travel documents.

    Two weeks later, he tried again—this time routing through Chicago. But U.S. Customs and Border Protection intercepted him for questioning.

    Inside his single bag were only a birth certificate, naturalization papers, and a high school diploma. He missed his connection and returned to Minneapolis.

    Hassan’s case is the latest in a troubling series of prosecutions in Minnesota, home to the largest Somali-American community in the United States.

    The state has long been on the radar of counter-terrorism officials after years of recruitment efforts—first by al-Shabab, then by the Islamic State—targeting disaffected youth.

    In one major case in 2016, nine Minnesota men were sentenced for conspiring to join IS. The episode revealed a tight-knit network of peer-to-peer recruitment that federal agents have been working to disrupt.

    The Justice Department has said that dozens of people from Minnesota have attempted, or succeeded, in traveling overseas to fight for groups in Somalia and Syria.

    For law enforcement and community leaders alike, Hassan’s case highlights the enduring challenge of countering radicalization and preventing American citizens from traveling abroad to become foreign fighters.


  11. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cambaaraysay sheegashooyinka been-abuurka ah ee maamulka Muqdisho ay ka sheegeen dekedda caalamiga ah ee Berbera.
    FB_IMG_1759126531260-300x216.jpg
    Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa si adag ugu jawaabay hadallo ka soo yeedhay Soomaaliya, waxaanu sidaas kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

    Afhayeenku wuxuu sheegay in marsada caalamiga ah ee Berbera ay tahay hanti ay mulkiyadeeda leedahay JSL, taasi oo lagu horumariyay maalgashi iyo iskaashi istaraatiji ah oo ay Somaliland la leedahay shirkad caalami ah, wuxuuna caddeeyay in dekedda Berbera maamulkeedu gacanta ugu jiro dawladda Somaliland.

    Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in dawladda Soomaaliya aanay wax masuuliyad ah ku lahayn dekedda Berbera, isla markaana wax shaqo ah ku lahayn maamulkeeda iyo hormarkeedaba.

    Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in sheegashooyinka waxba kama jiraanka ah ee maamulka Muqdisho ay qeyb ka tahay iskudaygooda joogtada ah ee ay doonayaan inay ku marin habaabiyaan shacbigooda, si ay uga jeediyaan guuldarooyinka bariinsaday ee ay ka mid yihiin amni darrada, argagixisada,musuqa iyo burburka Hay’adahooda dawladda.

    “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland marna ma ogolaanayso in madaxbannaanideeda iyo horumarkeeda lagu dhaawaco dacaayado been ah,” ayuu yidhi Afhayeen Deyr.

    Waxa kaloo uu xusay in beesha caalamku ka dheregsan tahay xaqiiqada dekedda Berbera oo ka turjumaysa xasiloonida iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

    Qaran News


  12. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in “qof walba uu doonayo inuu heshiis ka gaaro” qorshaha nabadeed ee Qasa, wuxuuna rajeynayaa inuu soo gabagabeeyo kulanka uu la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Isniinta maanta ah.

    Wareysi uu khadka taleefoonka ku siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu intaas ku daray in uu “jawaab aad u wanaagsan” ka helay Israa’iil iyo madaxda Carabta oo ku saabsan hindisaha.

    “Soo jeedintu maahan oo kaliya Qasa, laakiin waxay ku saabsan tahay in nabad ballaaran laga gaaro Bariga Dhexe,” ayuu yiri Trump.

    Dhanka kale, Trump wuxuu sheegay Axaddii in ay jirto “fursad dhab ah oo lagu gaaro guulo waaweyn oo laga gaaray Bariga Dhexe

    Qaran News


  13. DENI-IYO-MADOOBE.jpg?resize=1000%2C667&s

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay halkaasi ku yeesheen kulan gaar ah.

    Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in ay mawqifkooda mideeyaan wakhti ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu raadinayo xallinta khilaafkii labadan hoggaamiye iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, islamarkaana la isku dayayo in ay dhawaan kulamo toosa dhacaan.

    Ilo wareedyo ka tirsan dhinaca Puntland ayaa tilmaamaya in Deni iyo Axmed Madoobe isla soo qaadeen shuruudo qodobaysan oo ay ka rabaan Villa Somalia in ay fuliso, kuwaasi oo ay ku jiraan Aqoonsiga doorashadii Jubaland, ka laabashada wax ka beddelkii Dastuurka iyo heshiis laga gaaro Arrimaha doorashada 2026.

    Kulankan ayaa imaanaya wakhti labadan hoggaamiye dhawaan ka soo laabteen waddanka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee Villa Somalia iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubaland.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.


  14. Waxaanu Si Buuxda U Qaadanay Una Ajiibnay Gogoshii Nabadda Ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro) Codka Laysku raacay Guddida qabanqaabada shirka nabadda Ceerigaabo iyaga oo ku guda jira kulmadii beelaha dega degmada Ceerigaabo, ayaa beelweynta Habarjoonis Bari iyo bah-wadaagteedu iska xuleen 61 xubnood oo isugu jira salaadiin (Isamo), cuqaal, waxgarad iyo nin garbood. Fadhigii kowaad ee guddida la saaray ayaa qabsoomay maanta 28 September 2025, waxaana cod gacantaag ah lagu meel mariyey ajande ka koobaan saddex qodob oo kala ah: 1. Waxaa dhammaan laysku raacay in la ajiibo lana qaato nabadda iyo gogosha madaxweyne Cabdiraxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) dhigay degmada Ceerigaabo. 2. In beelweynta East Sanaag Clan si nabad iyo derisnimo ku jirto lagula xaalo. 3. In wixii farsamo ah loo saaro guddi koobaan Kulanka waxaa ka muuqday in beelweynta Habaryoonis Bari iyo bahwadaagteedu ay diyaar u yihiin dhib kasta oo la kala tirsanaayo in lagu dhameeyo xal nabadeed. Kulank…

    Qaran News


  15. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qayb-galay xidhitaanka Munaasibadda Kulanka Islaamka Sannadlaha ah ee Hargeysa
    FB_IMG_1759079274827-300x240.jpg

    FB_IMG_1759079279173-300x200.jpg

    FB_IMG_1759079299362-300x200.jpg

    FB_IMG_1759079289415-300x200.jpg

    FB_IMG_1759079284198-300x200.jpg

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay xidhitaanka Munaasibadda Sannadlaha ah ee Kulanka Islaamka. Ijtimaaca Kulanka Islaamka ayaa ka bilaabmay Magaalada Hargeysa, 25/09/2025-ka, waxana si rasmi ah u furay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.

    Magaalada Hargeysa ayaa sannad kasta waxa ay
    marti gelisaa Kulanka Islaamka, waxana isugu yimaadda in ka badan 70 kun oo qof oo ka kala yimid Gobollada Dalka Somaliland, Waddamada deriska ah iyo daafaha Dunida oo dhan. Kulanka Islaamka waxa ka soo qayb gala Culimo waaweyn oo aad looga qadariyo Caalamka Islaamka iyo Xeel dheerayaal aqoon sare u leh Diinta Islaamka.

    IJTIMAACA (Kulanka) ISLAAMKA ayaa noqday Munaasibad Caalami ah oo si weyn loo sugo, looguna xisaabtamo. Kulanka Islaamku waxa uu leeyahay ujeedooyin qoto dheer oo Diimeed, mid dhaqaale iyo xagga midnimada bulshada Muslimka ah.

    Ujeedooyinka iyo macnaha ugu weyn ee uu xambaarsan yahay Kulanka Islaamku waa xoojinta IIMAANKA iyo ku dhaqanka QIYAMKA ISLAAMIGA AH, kor u qaadista wacyiga bulshada, dhismaha midnimada iyo walaaltinimada ka dhexaysa Ummadda Muslimiinta ah ee daafaha Dunida.

    Kulanka Islaamka ee sannadlaha ahi macno weyn ayuu u leeyahay Qaranka JSL, kaasi oo ah in Caasimadda JSL ee Hargeysa ay noqotay Xuddun lagu yaqaan barashada iyo faafinta Diinta iyo Aqoonta Islaamka, Xarun lagu soo hirto oo ah astaanta nabadda, xasilloonida, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada Muslimiinta ah, taasoo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee Caalamka.

    ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr),

    Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

    Qaran News


  16. Xukuumadda Somaliland oo Abuurtay Fursad Lagu Horumarinayo Waxbarashada Ardayda Baahiyaha Gaarka ah leh

    Screen-Shot-2025-09-27-at-7.30.45-AM.png

    Waraysi: Jaamac KK oo ah Khabiir ka tirsan Wasaarada Waxbarashada oo Wargeyska Dawan uga waramay mashruuca “Education Cannot Wait”

    “Ujeeddada mashruucani waa hirgelinta hannaan waxbarasho oo la jaanqaadaya baahiyaha ardayda aan ka faa’iidaysan karin waxbarashada caadiga ah”

    “Mashruucu waxa uu si gaar ah u taageerayaa carruurta leh baahiyo gaar ah, kuwaas oo aanay awoodin in ay ka qaybqaataan waxbarashada dugsiyada caadiga ah.”

    Hargeysa (Dawan) Jaamac Cumar Axmed (KK), oo ah khabiir sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan kaga hadlay muhiimadda mashruuca “Education Cannot Wait” (ECW), kaas oo ay dhawaan si rasmi ah u daahfurtay xukuumadda JSL.

    Khabiir Jaamac ayaa si qoto dheer u sharraxay doorka mashruucan ee ku aaddan horumarinta waxbarashada carruurta qaba baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay in uu yahay fursad dhab ah oo wax lagaga qabanayo isla markaana ay xukuumaddu kaga jawaabayso caqabadaha heysta arday badan oo aan ka faa’iidaysan karin nidaamka waxbarashada ee hadda jira.

    Isagoo arrinta sii faahfaahinaya, Jaamac Cumar Axmed wuxuu sheegay in ujeeddada mashruuca ECW ay tahay in la dhiso hannaan waxbarasho oo si waafaqsan ula jaanqaada baahiyaha ardayda nugul, gaar ahaan kuwa aan awoodin in ay helaan waxbarasho tayo leh ama aan ka qaybgali karin dugsiyada caadiga ah.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashruucu yahay mid si gaar ah u taageeraya carruurtaas, isla markaana qeyb ka ah dadaallada xukuumaddu ugu jirto in la helo nidaam waxbarasho oo loo siman yahay, isla markaa ku dhisan hannaan caddaaladeed oo ay ka faa’iidi karaan dhammaan ardayda, iyadoon loo eegin duruufahooda gaarka ah.

    “Ujeeddada mashruucan waa in la helo hannaan waxbarasho oo la jaanqaadaya baahiyaha ardayda aan si buuxda uga faa’iidaysan karin nidaamka waxbarashada caadiga ah. Mashruucan wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa carruurta leh baahiyo gaar ah, kuwaas oo qaarkood xitaa aanay suurtagal u ahayn in ay ka qaybgalaan waxbarashada midaamka waxbarasho ee hadda jira ama dugsiyada caadiga ah,” ayuu yidhi Khabiir Jaamac Jaamac Cumar Axmed (KK).

    Khabiirku waxa uu intaa ku daray in mashruucu yahay mid la jaanqaadaya siyaasadda waxbarasho ee xukuumadda Somaliland, gaar ahaa yoolalka horumarineed ee wasaaradda waxbarashada JSL, taas oo ah in arday kasta oo reer Somaliland ahi uu helo waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay, iyada oo aan la ilaawaynin qaybaha nugul ee bulshada.

    “Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an in ay arday kasta gaadhsiiso waxbarasho tayo leh, iyadoo aan cidna laga tagayn. Mashruucani waxa uu ka mid yahay tallaabooyinka cad ee lagu xaqiijinayo arrintaas. Arday badan oo gaadhay da’dii dugsiga balse aan hore fursad u helin inay wax bartaan, sababo la xidhiidha duruufaha nololeed, caafimaad, dhaqaale ama baahiyo gaar ah ayaa maanta helaya fursado waxbarasho oo rasmi ah, oo si cilmi iyo naxariisba leh loo habeeyay,” ayuu yidhi Jaamac Cumar.

    Jaamac Cumar Axmed ayaa bogaadiyay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo guushan qaran.

    “Waxaan guul u rajaynayaa dhammaan ardayda loo diyaariyey mashruucan, iyo sidoo kale cid kasta oo qayb ka ah hirgelinta barnaamijkan wax-ku-oolka ah. Waxaan ku baaqayaa in bulshada reer Somaliland iyo cid kasta oo taageero ka geysan karta in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii uu mashruucani u noqon lahaa mid midho-dhal ah, si uu noqdo tusaale lagu dayno daydo oo lagu gaadho yoolka qaran ee ah ‘Waxbarasho loo siman yahay oo tayo leh’,” ayuu yidhi.

    Sida uu warbixintiisa ku sheegay Jaamac KK, barnaamijkani waxa uu fure u noqonayaa yareynta sinnaan la’aanta waxbarasho ee dalka ka jirta, isaga oo kor u qaadaya mustaqbalka dhalinyarada, gaar ahaan kuwa hore uga maqnaa nidaamka waxbarashada rasmiga ah. Sidoo kale Mashruucani waxa uu qayb ka yahay istiraatiijiyad ballaadhan oo ay Xukuumadda JSL ku doonayso in lagu xaqiijiyo siyaasadda waxbarasho ee dalka oo ku dhisan hannaan caddaaladeed iyo geediga horumarineed ee qaranka.

    Falanqaynta Wargeyska Dawan ee Mashruuca (ECW)

    Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si geesinimo leh u qaaday tallaabadan istaraatiijiga ah, taas oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada dalka, gaar ahaan ardayda nugul iyo kuwa wajahaya caqabado kala duwan. Mashruucan ay Wasaaraddu daahfurtay ayaa ah barnaamij ballaadhan oo lagu taageerayo ardayda ay saameeyeen duruufaha adag.

    Mashruucan ayaa si cad u muujinaya sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in la xaqiijiyo waxbarasho cadaalad ah iyo fursad loo siman yahay oo ay helaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Ujeeddada mashruuca ayaa ah in la dhiso hannaan waxbarasho oo ay ka faa’iidaysan karaan ardayda aan hore u heli jirin waxbarasho buuxda, sababo la xidhiidha duruufaha dhaqaale, bulsho, ama caafimaad. “Mashruucani waxa uu laf-dhabar u noqon doonaa helitaanka waxbarasho loo siman yahay oo tayo leh”.

    Daahfur Rasmi ah iyo Himilada Mashruuca

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruucan kaas oo qayb ka ah qorshaha horumarinta waxbarashada ee Somaliland. Mashruucan ayaa loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan in ka badan 21,000 oo arday, taasoo ah guul weyn oo lagu soo kordhiyay nidaamka waxbarashada dalka.

    Tallaabo Qaran oo Lagu Dhisayo Mustaqbalka Dhalinyarada

    Mashruucan ayaa astaan u ah himilada Somaliland ee ah in waxbarashadu noqoto mid furan, caddaalad ah, isla markaana si toos ah u gaadha dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Waa tallaabo dhiirrigelinaysa horumar bulsho oo baaxad leh, oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan qaybaha bulshada.

    Guud ahaan, mashruucan “Education Cannot Wait” wuxuu ka tarjumayaa dadaalka Somaliland ee ku wajahan xaqiijinta waxbarasho tayo leh, iyadoo la xoojinayo fursadaha waxbarasho ee carruurta si mustaqbalkooda loo dhiso loona taageero horumar waara oo dalka ka hirgala.

    Gunaanad

    Mashruuca “Education Cannot Wait” (ECW) waa tiir ka mid ah dedaalka joogtada ah ee ay xukuumada Somaliland ugu jirto horumarinta waxbarashada si ay u noqoto mid furan, cadaalad ah, oo ay ay ka wada faa’iidaysan karaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Waa qorshe cad oo ka tarjumaya himilada qaranka ee ah in aan la iloobin arday kasta, gaar ahaan kuwa nugul ee duruufuhu ka hor istaageen in ay helaan waxbarasho tayo leh.

    Tallaabadan waxaa lagu xaqiijinayaa in waxbarashadu noqoto asaaska horumarka bulshada, iyadoo loo marayo qorshayaal wax-ku-ool ah oo natiijo muuqata dhaliya. Mashruucu wuxuu dhisayaa fursado loo siman yahay, wuxuuna u gogol xaadhayaa mustaqbal ifaya oo dhallinyarada reer Somaliland ay si buuxda uga qayb qaataan horumarka dalkooda.

    Qaran News


  17. FB_IMG_1759050407939.jpg?resize=1000%2C6

    Guutada labaad ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Kooraxanle ee nawaaxiga Guryo-samo oo ka tirsan degaanka Dhasaan ee degmada Qandala (Calmiskaad) ayaa halkaasi ku dilay miinaystayaal ka tirsanaa firxadkii Daacish.

    Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidanku saaka dilay 5 argagixiye oo ka tirsanaa firxadka Daacish, halka midna nolosha lagu qabtay, kaddib hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyay degaanka Kooraxanle ee nawaaxiga Guryo-samo oo ka tirsan degaanka Dhasaan ee degmada Qandala (Calmiskaad).

    Hawlgalka Calmiskaad ayaa warkan ku daray in kooxda saaka lagu dilay hawlgalka qorshaysan ay ahaayeen rag miinaystayaal ah oo dhawaan qarax u dhigay marxuum Gen. Qalyare, waxaana qoraalkoodu u dhignaa sidaan “Ciidanku waxay dileen 5 Argagixiso ah, midna nolol ayeey ku qabteen, waa firxadkii Miinada u dhigay AHUN Gen. Qalyare. Hawlgalka ayaa weli ka socda aaga Kooraxanle iyo Abal ee Buuralayda.”

    PUNTLAND POST

    The post Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay miinaystayaashii qaraxa u dhigay marxuum Gen. Qalyare appeared first on Puntland Post.


  18. FB_IMG_1759041551307.jpg?resize=1000%2C7

    Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay in aysan wax Aqoonsi sharciya haysan xarun la baxday Universal University of Science, Engineering and Technology (UUSET) oo Todobaadkan laga furay magaalada Garoowe.

    Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu yiri “Ku dhawaaqista furitaanka waxa loogu yeeray Jaamacadda Universal University of Science, Engineering and Technology (UUSET) waa mid aan sharciyad iyo aqoonsi rasmi ah haysan, maadaama aan loo marin habraaca sharci ee aasaasidda iyo aqoonsiga hay’adaha tacliinta sare ee Puntland, sida uu farayo Xeerka Tacliinta Sare ee Puntland.”

    “Wasaaraddu waxay horey ugu dirtay qoraal rasmi ah dadka arrintan mas’uulka ka ah, iyaga oo lagu wargeliyey in ay joojiyaan howlgalka ku aaddan arrintan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in aan loo hoggaansamin amarkaas, taas oo ka dhigaysa tallaabadan mid liddi ku ah nidaamka. Waxay si cad oo aan mugdi ku jirin markale u sheegeysaa in hawshaasi aanay haysan wax sharciyad iyo aqoonsi rasmi ah, isla markaana aysan jirin wax awood sharci ah oo siinaya inay sii wadaan howlgal jaamacadeed gudaha Puntland.”

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxay sidoo kale digniin culus u dirtay cid kasta oo ku lug leh arrintan nidaamka baalmarsan, iyadoo si cad u ogaysiisay in tallaabo sharci iyo maamul laga qaadi doono cid kasta oo sii wadda ku xadgudubka nidaamka iyo Xeerka Tacliinta Sare, waxaana ay uga digtay Bulshada in ay ka fogaadaan ku lug lahaanshaha goob waxbarasho oo aan haysan sharciyad iyo aqoonsi sugan.

    PUNTLAND POST

    The post Dowladda Puntland oo sharci-darro ku tilmaantay xarun Jaamacadeed oo magaalada Garoowe laga hirgeliyay appeared first on Puntland Post.


  19. 968c7e25-aa46-474c-ad37-e16256e0ba1c.jpg

    Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in la adeegsado “xoog buuxa” haddii loo baahdo, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.

    Trump wuxuu sheegay inuu “amar siiyay Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu burburiyay.”

    Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in la ilaaliyo “goobaha ICE ee la weerarayo ama go’doonsan, kuwaasoo ay bartilmaameedsanayaan kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha ah,” isagoo intaa raaciyey qoraal uu soo dhigay batrisa bulshada ee Truth Social: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”

    Qoraalkan ayaa dhaliyay dhaleeceyn adag oo uga timid xildhibaanno Dimuqraadi ah, kuwaas oo sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro magaalada.

    “Wax khatar ah oo amniga qaranka ah kama jirto Portland. Bulshooyinkeenuna waa kuwaa nabadda oo deggan,” ayay tiri Guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek.

    Shir jaraa’id oo ay qabatay sabtidii, guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek, waxay sheegtay in “ciidamo loo dirayo Portland ay noqon doonto ku takri-fal awoodeed,” iyadoo intaas ku dartay inay la shaqeynayso Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon, Dan Rayfield, “si loo eego haddii ay jirto wax jawaab ah oo lagama maarmaan ah.”

    Bbcsomali

    Qaran News


  20. 03db1b70-9c16-11f0-8ab4-0fc3e86ef245.jpg

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu weeraro dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ama NATO balse wuxuu digniin ah bixiyey inay “jawaab adag” ka bixinayaan”gardarrada” ku wa

    Wuxuu bixiyey digniin isagoo sheegay in “jawaab adag” ay ka bixinayaan “gardaro kasta” oo ku wajahan Moscow.

    Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu Sabtidii ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayuu Lavrov ku sheegay in hanjabaadaha ka dhanka ah Ruushka ee dalalka reer galbeedka ay noqonayaan “kuwo si guud u soo kordhaya”

    Lavrowm wuxuu sidoo kale, dhaleeceeyay Israa’iil, isagoo sheegay in inkasta oo Ruushku cambaareeyay weeraradii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, haddana aysan jirin “wax cudur daar ah” oo loo heli karo “dilka arxan darrada ah” ee Falastiiniyiinta Qasa ama qorshaha lagu doonayo in lagula wareego Daanta Galbeed.

    Israa’iil ayaa horey u sheegtay in hawlgalkeeda Qasa uu lagama maarmaan u yahay in lagu burburiyo kooxda Xamaas.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu weeraro dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ama NATO balse wuxuu digniin ah bixiyey inay “jawaab adag” ka bixinayaan”gardarrada” ku wa

    Wuxuu bixiyey digniin isagoo sheegay in “jawaab adag” ay ka bixinayaan “gardaro kasta” oo ku wajahan Moscow.

    Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu Sabtidii ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayuu Lavrov ku sheegay in hanjabaadaha ka dhanka ah Ruushka ee dalalka reer galbeedka ay noqonayaan “kuwo si guud u soo kordhaya”

    Lavrowm wuxuu sidoo kale, dhaleeceeyay Israa’iil, isagoo sheegay in inkasta oo Ruushku cambaareeyay weeraradii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, haddana aysan jirin “wax cudur daar ah” oo loo heli karo “dilka arxan darrada ah” ee Falastiiniyiinta Qasa ama qorshaha lagu doonayo in lagula wareego Daanta Galbeed.

    Israa’iil ayaa horey u sheegtay in hawlgalkeeda Qasa uu lagama maarmaan u yahay in lagu burburiyo kooxda Xamaas.

    Ugu yaraan 65,926 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, halka qiyaastii 1,200 oo qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay weerarradii 7-dii Oktoobar.

    Wuxuu cambaareeyay gardarrada Israa’iil ay ku hayso dalalka kale ee Bariga Dhexe, taasoo halis ku ah sida uu sheegay guud ahaan in gobolka qarxiso.

    Israa’iil ayaa u isticmaashay howlgalkeda inay ku dabar jarto Xamaas si ay u sababeyso duqeymo cirka ah oo ay ka fulisay dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay ka mid tahay Qadar.

    Arrinta Iran, Lavrov ayaa ku eedeeyay quwadaha reer Galbeedka inay wiiqayaan dadaallada diblomaasiyadeed, kadib markii ay fashilantay dadaal daqiiqadihii ugu dambeeyay oo uu hoggaaminayay Ruushka iyo Shiinaha si dib loogu dhigo cunaqabateyn la qorsheeyay in dib loo saaro Jimcihii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay tahay “sharci-darro.” Cunaqabatayntan ayaa dhaqan gashay saqdii dhexe ee axada.

    Isagoo ka hadlayay xiisadaha ka taagan Yurub, Lavrov wuxuu yiri: “Hanjabaado xoog leh oo ka dhan ah Ruushka, oo lagu eedeeyay inay si dhab ah u qorsheeyeen weerar ka dhan ah Isbaheysiga Nato iyo Midowga Yurub, ayaa sii kordhaya. Madaxweyne Putin ayaa si isdaba joog ah u beeniyay daandaansigaas.

    “Ruushka waligiis ma lahaan mana laha ujeedo caynkaas ah, laakiin gardaro kasta oo ka dhan ah dalkayga waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag.”ayuu yiri Lavrov.

    Denmark

    Xigashada Sawirka,EPA

    Moscow ayaa beenisay mas’uuliyadda ka dib markii Denmark ay sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu dul heehaabiyey garoomadooda. Danmark lafteedu waxay sheegtay in dhacdooyinkani ay u muuqdeen kuwo uu sameeyay “jilaa xirfadle ah” laakiin ma jirto wax caddaynaya in Ruushku ku lug lahaa.

    Dhinaca kale, Estonia ayaa ku eedeysay Ruushka inuu ku xadgudbay hawadaheeda isagoo adeegsanaya diyaarado dagaal, halka hawlgal difaac cirka ah oo ay fulisay NATO dhawaan lagu sameeyay Poland, taasoo qayb ka ahayd jawaab mideysan oo ka dhan ah soo gelitaanka diayaradaha an duuliyaha lahayn ee Ruushka ee hawada Poland.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aad ugu dheeraaday in dalalka Nato ay ku soo ridaan hawadooda diyaaradaha Ruushka, halka Nato lafteedu ay ka digtay in ay adeegsan doonto “dhammaan agabka milatari iyo kuwa aan milatariga ahayn” si ay isu difaacdo ka dib duulaankii militari ee dhawaan.

    Trump sidoo kale wuxuu u muuqdaa inuu beddelay mowqifkiisa ku saabsan dagaalka Ruushka iyo Ukraine, isagoo toddobaadkan sheegay in Kyiv ay “dib u heli karto dhammaan Ukraine sidii ay ahaan jirtay.”

    Lavrov ayaa ka hadlay xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka khudbaddiisa Sabtida, isagoo sheegay: “Hab-dhaqanka maamulka Maraykanka ee hadda, waxaan aragnaa rabitaan aan kaliya ku koobanayn ka qaybqaadashada xal dhab ah oo loo helo dhibaatada Ukraine, balse sidoo kale rabitaan lagu horumarinayo iskaashi wax ku ool ah oo aan lagu salayn aragtiyo fikradeed.”

    Source bbcsomali

    Qaran News


  21. Polish_20250927_193600805-1.jpg?resize=8

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku wada sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay halkaasi ku yeeshaan Kulan gaar ah, sidaan ka xigannay ilo wareedyo ka tirsan PL.

    Warkan ayaa sheegaya in labada hoggaamiye saacadaha soo socda Nairobi ku yeelan doonaan Kulan aysan cidna ku wehelin oo ku saabsan marxaladda taagan ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dadaallada socda ee lagu doonayo xallinta murankaasi.

    Labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka soo laabtay waddanka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia.

    Tallaabadan ayaa imaanaysa wakhti uu soo baxayo war sheegaya in horu-socod laga sameeyay dadaallo ku aaddan in la isu soo dhaweeyo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana la isku dayayo in ay Kulan toosa yeeshaan, si loo dhammeeyo Khilaafkooda.

    PUNTLAND POST

    The post Wararkii u danbeeyay ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wada sugan magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.


  22. 1000068358.jpg?resize=958%2C960&ssl=1Hassan Mohamed Hussein: “State property and land previously occupied by squatters since 1991 have proved a security loophole exploited by terrorists, in addition to being an eyesore in the capital of Somalia.”

    Mogadishu (PP Report) — The Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), cites articles in Law No. 10 (1980), which the Federal Government of Somalia and the Federal Member States invoke to oversee local governments in granting land permission and transferring ownership from state to private hands.

    In his first term in office (2012–2017), President Hassan Sheikh Mohamud’s government granted land permission to areas in South Mogadishu. Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed campaigned on reversing this decision during the 2017 Somali presidential elections. In his tweets on government property reallocated by Mogadishu Municipality (Local Government) , Sharif uses the phrases “land-grab” and “exploitation.” Abdiqasim Salad Hassan, President of the Transitional National Government of Somalia (2000–2004), applied Law No. 10 (1980) to grant land permissions in the Hodan district.

    “State property and land previously occupied by squatters since 1991 have proved a security loophole exploited by terrorists, in addition to being an eyesore in the capital of Somalia. The law empowers Mogadishu Municipality to make decisions on any state land and property in Banaadir,” said the Mayor of Mogadishu.

    The Council of Salvation led by Sharif Sheikh Ahmed frames the issue as unlawful evictions and seems to regard Law No. 10 (1980) as defunct. Puntland Post shares an overview of the law, which is still in force more than 34 years after the overthrow of the government that promulgated it.

    Key Provisions of Law No. 10 (1980)

    Law No. 10 of 17 December 1980 regulates the administration of urban land in Mogadishu (Banaadir Region). It transferred responsibilities from the Ministry of Housing Public Works to the Mogadishu Municipality (Local Government) and set rules for allocation, use and registration of state-owned land. It established the legal framework for allocating and administering urban land in Mogadishu. While Somali citizens could obtain rights of permanent use, these were conditional on registration, conformity with the municipal master plan and timely construction.

    Article 1 – Authority and Administration Land administration in the Banadir (Mogadishu) region, particularly land allocated for permanent use, was transferred from the Ministry of Housing and Public Works to the Mogadishu Municipality.
    Article 5 – Granting of Permanent Use and Record-Keeping
    Individuals granted land for permanent use (daminyaale) must forward a copy of their permit to the Ministry of Housing Public Works so it can be entered in the national land register.
    Article 8 – Eligibility and Pricing
    All Somali citizens aged 18 or above may apply for land. A fixed price per square metre applies, unless the applicant already owns another plot in Mogadishu. The Mayor may make exceptions.
    Article 19 – Transfer of Records to the Municipality
    Registers, maps and land documents concerning permanent use must be transferred from the Ministry of Housing and Public Works to the Mogadishu Municipality.
    Article 21 – Classification of Land
    Two categories of urban land: temporary use (munishibaale) and permanent use (daminyaale). Permanent structures may only be built on permanent-use land.
    Article 23 – Registration of Land
    All land must be registered with the Land Administration Department. The Mogadishu Municipality is responsible for adjudicating land disputes and maintaining the official land register.
    Article 24 – Zoning and Master Planning Land can only be allocated if it falls within the municipality’s master plan, which regulates settlement, residential, industrial, commercial and other land uses.
    Building Requirement
    Recipients of permanent-use land must construct a permanent building within two years of allocation. Failure to build may result in the loss of land rights.

    Download the report in pdf format

    © Puntland Post, 2025

    The post Law No. 10 at Centre of Dispute Over State Land in Somalia appeared first on Puntland Post.