-
Content Count
212,326 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Magaalooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo ku yaalla xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ahaa magaalooyin ay dhaqaale xoog leh ka soo gali jireenmaamulka Jubaland, kuwaas oo laga qabsaday sanad ka hor.
Kumanaan lacag ayaa maalin walba laga qabtaa labadaas magaalo oo ay midiiba maraan ama ay soo galaan gaadiid ku dhow 60 gaari oo xamuul iyo adeegyo kale wada waana sababta ay muhiim u yihiin labadaan magaalo.
“Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya adeegyada gala ee ganacsiga waa weyn ah waxaa laga soo qaadaa Suuqa-Bakaaraha ee Soomaaliya, loogama keeno Mambasa ama meelo kale oo Kenya ah, maalintii ugu yaraan 30 gaari ayaa ka gudubta xadka Soomaaliya oo qaarkood laga qaado $500 waa magaalo muhiim ah, Doolow ayaa la mid ah,” ayuu yiri xildhibaan kamid ah baarlamaanka maamulka Jubaland oo Gedo laga soo doorto, kaas oo la hadlay Caasimada Online.
“Doolow iyo Beladxaawo lacagta uu Axmed ka heli jiray waxay ku dhow yihiinmida uu ka helo Dekada iyo Airport-ka Kismaayo, waa magaalooyin muhiim ah Axmed iyo Wasiir Janaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan oo aan qarinay magaciisa.
Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland islamarkaana baarlamaanka ka soo gala Beladxaawo ayaa Caasimada Online u sheegay in hada lacagta kumanaanka kun ah ee laga helo magaalooyinkaas lagu shubo Banki ay leedahay dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maamusho wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Janaan ayaa dhowr jeer weeraray magaalada Beladxaawo iyadoo ay dagaaladaas ku dhinteen tobanaan qof, kumana guuleysan inuu dib ugala wareego ciidanka dowladda.
-
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.
Allaah ha u naxariistee waxaa saaka oo ah Isniin 08.03.2021 ku geeriyooday magaalada Muqdisho Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille Dirir( Xaaji Dhagax)
Marxuum Pilot Xaaji Dhagax ayaa ka mid ahaa kooxdii ugu horeysay ee lagu aasaaso Ciidankii Cirka ee Somaaliya, isagoo license duuliyenimo qaatay sannadii 1955.
Marxuum Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi ayaa mudo dheer oo ku sugan 1965 ilaa 1991 duuliye ka ahaa Shirkadii Diyaaradaha Somaaliyeed ee ( Somali Airlines ) isagoo ahaa duuliyihii waday Diyaaradii Somali Airlines ee loo afduubay dalka Ethiopia sannadkii 1984.
Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Duuliye sare Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille ( Xaaji Dhagax ) Tacsi u dirayaan Dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has dispatched its team to the Hague for the maritime case with Kenya which is set to resume on March 15.
-
-
(SLT-Hargeysa)-Madaweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo Isniin ah Fadhiga wada jirka ah ee Golaha Baarlamanka Somaliland (Guurtida & Wakiillada) ka jeedinayaa Khudbad-sannadeeddii Dastuuriga ahayd oo markii Afraad uu Golahan ka jeedin doono Muddo Xileedkiisa, tan iyo Bishii November 2017 oo uu ku sugan yahay qasriga looga arrimiyo Somaliland.
Shacabka Somaliland waxa ay khudbadda Madaxweynaha ka filaan in uu ku soo qaado arrimaha waaweyn ee u qabsoomay muddoda u dhaxaysa labada khudbadood ee uu sannad kasta horraantiisa ka jeediyo golahan iyo sidoo kale in uu ka warbixiyo xaaladda dalka ee wakhtigaasi taagan, inkasta oo dadka khudbadaha Madaxweynaha dhaliilaa ku tilmaamaan kuwo gole ka fuul ah oo sheeko dheer u badan oo aan qodobaysnayn.
Khudbaddiisa Afraad ee sannadkan 2021 ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti aanay wali waxba iska baddalin Nolosha shacabka iyo guud ahaan xaaladda dalku muddadii u talada dalka hayayna Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay wax muuqda oo la taaban karo xukuumaddiisu ka qaban waddanka marka dib loo milicsado Toddobadii Tiir ee uu ololaha Doorashada Madaxtooyada ku galay sannadkii 2017 oo ah kuwo qabyo ah ama aan intooda badan waxba laga qaban.
Maxay ahaayeen 7-da tiir ee Madaxweynuhu ololaha doorashada ku galay 2017?
Waxa ay ahaayeen 7-tiir oo guud kuwaasi oo ay ka farcamaan qaybo faahfaahsani, waxaanay tiiraarkaasi kala ahaayeen:
Tiirka Arrimaha Bulshada,
Tiirka Amniga iyo Nabadda,
Tiirka Dhaqaalaha,
Tiirka Garsoorka iyo Caddaaladda,
Tiirka Siyaasadda Arrimaha Dibedda,
Tiirka Horumarinta maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuqa
Tiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada.
Tiirka Arrimaha Bulshada oo ay hoos yimaaddaan arrimo kala duwan sida Waxbarashada, Caafimaadka, Waddooyinka, Biyaha iyo wixii la mid ah waxa muuqata in Shacabka Somaliland wali dhibaato weyn ka qabanaan oo iska daa Gobolada iyo degmooyinka dalka’e wali Hargeysa oo caasimadda ahi wax ka yar 20% ay helaan biyo nadiif ah. Waxa ay shacabku is waydiinayaan maxay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka qabatay muddo xileedkiisa xaaladahan? Waana arrin la dhawrayo bal waxa uu maanta ka yidhaa.Tiirkaasi waxa ballanqaadyada KULMIYE ee aan wali soo muuqan wax ka qabshadoodu ka mid ah xaaladda caafimaad ee dalka oo ah mid liidata, tayada waxbarasho ee dugsiyada xukuumadda oo wali ah mid tabcaan ah. Waddooyinkii ay ballan qaaday in ay dhamayso xukuumadda KULMIYE oo aan wali faro ka qodnayn sida Jidka Ceerigaabo, Jidka Oodweyne illaa Hargeysa, Jidka Sallaxlay-Hargeysa, Jidka Balligubadle-Hargeysa, iyo jidadka kale oo dhan.
Xaaladda Dhaqaale ee dalka ayaa inkasta oo uu sarrifka lacagaha qalaad sugan yahay oo aanu muddo dheer halkiisa dhaafin haddana khubarada dhaqaaluhu sida ay sheegaan waxa dalku ku jiraa xaalad dhaqaale oo qallafsan iyada oo nolosha shacabku cidhiidhi tahay, sicir bararka maciishadda quutal daruuriga ahina halkeedii ka sii socoto. Ganacsigana hoos u dhac weyni ku habsaday sannadihii ugu dambeeyey.
Dhinaca kale Garsoorka iyo Caddaaladda oo madaxweynuhu wakhtigii ololaha ballan qaaday in uu wax ka qaban doono ayaa wali shacabku ka qaylinayaa iyada oo warbixinnihii ugu dambeeyey ee hay’adaha waddaniga ah ee xuquuqal Insaanku ka dayrinayaan xadhiga muwaadiniinta ee aan loo marin sifaha sharciga ah, qofka oo muddo dheer xukun la’aan xabsiyada ugu jira mar walbana la rummaan gareeyo, xeerarka gaboobay ee wali ka shaqaynaya maxkamadaha dalka iyo arrimo kale oo ku aaddan dhinaca caddaaladda oo taagan.
Dhinaca maamul wanaagga wali adeegyada xafiisyada dawladaha Hoose iyo Kuwa dawladda dhexeba (Public Services) ayaa ah kuwo liita oo shacabku cabasho badan ka muujiyaan oo aanay waxba iska baddalin. Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo galaangalka Somaliland ee Beesha caalamka ayaa Iyana aad loogu dhaliilaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi halka tiirka ugu dambeeya ee deegaanka iyo is baddalka cimilada adduunka aanay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dadaal dheeraad ah waxba kaga baddalin Nolosha shacabka. Xaalado biyo la’aaneed ayaa qaylo dhaanteeda kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirrada lagaga hadlayay, cunto yaraan iyo xaalufinta deegaanka ayaa ah kuwo halkii taagan oo aan marnaba hoos u dhicin.
Isku soo wada duuboo intaasi iyo in ka badanba shacabku waxa ay ka dhawrayaan waxa uu maanta ka yidhaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbaddiisa dastuuriga ah ka jeedin doona fadhiga wada jirka ah ee Golah Baarlamanka.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilka Case oo kamid ah muddanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal dhanka Hawada ah ku hayso Somaliland, isla markaana ay mararka qaar Hawada ka saaraan Taawarka laga haggo diyaaradda ee Madaarka Hargeysa ku yaal,taas oo sababta in diyaaraddo kusoo jeeday Somaliland marka ay xidhiidh waayaan inay dib u noqdaan
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) ayaa sidaas ka sheegay mar uu haddal ka jeedinayey xarunta Golaha Guurtida Somaliland,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Waxa kale oo aan arkaynaa oo caqabad baddani ay kusoo kordhayaan,iyadoo ay markii horeba ay iska laan-gadhaynaysay arrimihii Hawada,Somaaliya taawaradii wey la wareegtay,wax-baddan oo qarsoon oo aynaan xog ka haynina wey jiraa,xogta soo baxaysa waxa kamid ah in Taawarka Hargeysa yaal uu ka Xamar yaallaa ka awood baddan yahay oo saacad ale saacada ay doonto ay ka bakhtiiso ka Somaliland yaalla,debeetana Diyaaradii Somaliland kusoo socotay haddii ay ilbidhiqsi keliya ay ka weydo Hawadda Taawarkii ay la xidhiidhaysay khalkhal amni ayaa imanaya iyo baqasho baddan,waxaynu soo jeedinaynaa bal Hay’adda duulista in aynu cid uga yeedh-no si aynu xog uga helno arrimahaasi waa arrimo soo xoggeysanaya.”
Geesta kalena waxa uu sheegay in maamulka Xamar ay bilaabeen in diyaaradda aan ruqsad ka haysan iyaga in aanay kasoo deign Madaarada Somaliland,waxaanu ku baaqay inay Golaha Guurtidu u yeedhaan Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland si wax looga weydiiyo arrimahaas soo kordhay “Waxa kale oo ku jira oo iminka ay bilabeen wax ale wixii duulimaadyo wadankii Somaaliya la isku odhan jiray imanayey inay diiwaangeliso Dowladda Xamar oo ay calankii ku dhejiso oo diyaarad aan halkaa laga diiwaangelini meel ay kusoo degi kartaa aanay jirin ,taasina waxa an filayaa caqabad ayey inagu noqon doontaa ,markay wax dhacaan ayeynu qaylinaa waxaad moodaa inta hore in aynu ka hurudno ,waxaynu u baahanay in arrinkaa wax la iska weydiiyo oo aynu u yeedh-no Mareeyaha Hay’adda Duulista”. Ayuu yidhi Xil Maxamed Ilkacase
-
(SLT-Netherland)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafti culus u diraysa dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.
Wafdigan ayaa waxaa horkacayo sii-haya xilka raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehelin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ICJ gaarsiin doono dukumintiyo muujinaya mulkiyadda Biyaha ay haatan isku hayaan labada dal.
Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooda labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galaan aalada fogaan-aragga ah (Video Conference), sababo la xidhiidha cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo wadamo badan ku laba-kacleeyey
Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay ICJ.
Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenyana ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala u doodayo labada dhinac.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ay hareero taagnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la dhaqan-gelinayo go’aanada lagu xakameynayo cudurka Covid-19.
Cumar Fiish ayaa shaaca ka qaaday in haista cudurka ay kusii baaheyso dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka lagu xakameynayo Coronavirus.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo rogi doonaan ganaax culusu wixii ka dambeeyo 15-ka bishana March, si loo dhaqan-geliyo go’aannada dowladda.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qof kasta oo aan soo qaadan af-xirka laga qaadi doono tallaabo adag, isaga oo xusay inay muhiimaddu tahay bad-baadinta shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto la dagaalanka Covid-19 oo mar labaad kusoo labo-kacleeyey Soomaaliya.
Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey usoo saartay xiyaarado lagu xakameynayo fidista Coronavirus, iyada oo mamnuucday isu imaatinada dadweynaha.
-
(SLT-Khartoum)-Ciidanka Dowladda Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay hubeynayaan Dhaq-dhaqaaq Fallaago ah, si ay u qabsadaan Magaaladda Kurmuk ee Gobalka Blue Nile ee Koonfur Bari ee Sudan.
Ilo-Millatari oo ka tirsan Ciidanka Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay Taageero Hub, rasaas iyo qalab Milliteri siinayaan Dhaq-dhaqaaqa Falaagada ee uu hoggaamiyo Joseph Touka.
Itoobiya waxay kaloo u ballan qaaday Fallaagadaasi inay Ciiddanka Itoobiya ka taageeri doonaan Duqeymaha Madaafiicda, si ay Kooxda Joseph Touka u qabsadaan magaalladda Kurmuk ee Sudan.
Taageeradda Millatari ee ay Ethiopia ugu yabooheen Maleeshiyada Kooxda Joseph Touka ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Gobalka Yabous ee dalka Sudan, iyadoo lagu wareejiyey Joseph Touka iyo qaar ka mid ah Taliyayaashiisa Ciiddamadda.
Ilaha Millatari ee Dowladda Sudan waxay sheegeen in qorshaha Itoobiya u hubeynayso Kooxdaasi tahay sidii uu Joseph Touka u qabsan lahaa magaalada Kurmuk, iyadoo Madaafiicda Itoobiya ka taageerayaan Duullaankaasi.
Bishii October ee sanadkii hore, Heshiis Nabadeed ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Sudan iyo Wakiillo ka kala socday Dhaqdhaqaaqyada Hubeysan ee ka tirsan Isbahaysiga Jabhadaha Kacaanka (The Revolutionary Front Alliance).
-
Todobaadka soo socdo maalinta Isniinta waxaa si rasmi ah u bilaabmaya dhageysiga garmaqalka Muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya.
Maxkamadda ICJ oo dhowr mar hoore codsiya ka yimid dowladda Kenya dib ugu dhigtay ayaa go’aamisay dhamaadkii February in aan mardambe dib loo dhigi doonin dhageeysiga dacwadda labada dal.
ICJ ayaa sidoo kale bilawgii bishaan March go’amisay in ay dacwadda Baddenna ee muranka galisay dowladda kenya qaadi doonto 15 March .
Soomaaliya waxaa Maanta muqdisho ka amba baxaya masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qayb galaaya dhagaysiga Dacwadda Arimaha Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Somalia.Waftiga oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) .Kiiskan oo ay dowladdii Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud u gudbisay Maxkamdda ICJ .waxaa Soomaaliya hogaaminaya Qareennada difaacaya dacwada badda 15-ka March 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag waxa ayna kala yihiin :1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English.2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah.3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris.3-dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%.Soomaaliya ayaa markan qabta kalsoonida ah 100% in ay ku guuleeysaneyso kiiska dacwadda , haddii ICJ ay wax ku xukmineyso caddeymo, khariidado hore, sooyaal ay ka tageen gumeystihii iyo sharciyada caalamiga ah. -
Anger over violence that UN says could amount to war crimes drives recruitment in Tigray
-
For more than 100 years, International Women’s Day has been celebrated by honoring the achievements of women globally.
-
Wararka ay GoobJoog News ka heleyso gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay carruur ku sugan deegaano hoostaga Degmada Ceelwaaq ay gaajo ugu dhinteen halkaas.
Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 3 carruur ah ayaa Haraad iyo Gaajo ugu geeriyootay gudaha Gobalka Gedo ee Maamulka Jubbaland.
Deegaanka Cows Qurun oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa waxaa ku geeriyoday Laba carruur oo walaalo , Halka mid kalena uu ku geeriyooday Gaajo deegaan hoostaga Degmada Ceelwaaq.
Deegaanada hoostaga Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa 48 saac ee la soo dhaafay ka jirtay xaalad bini’aadanimo oo aad u liidata , iyadoo ay deegaanadaas ay gebi ahaanba ka maqan tahay Isgaarsiinta.
Qaar ka mid ah dadka degan deegaan hoostaga degmada Ceelwaaq oo la hadlay GoobJoog News ayaa u sheegay in isgaarsiinta deeganada ay xaaladda adag ee dhanka bini’aadanimada ah ka jirto ay jareen ciidamo ka soo gudbay xadka Kenya .
Sikastaba xaallada Bini’aadanimo ee Gobalka Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay aad isku soo tareysay illa iyo haddana ma jirto deeq la gaarsiiyay shacabka deeganadaas.
-
Fadumo Mohamed Awale, a mother of six, has been going out every day begging from the local residents in Balli-lasole village in central Somalia’s Abudwak district, hoping to get enough to scrape together a family meal.
-
Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland.
Sheikh Umal ayaa muuqaal uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka.
Wuxu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaaro murankaas.
Sidoo kale, wuxu xusay in uu jiro tuhun la xiriira in labada madaxweyne ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas.
Hoos ka daawo Hadalka Sheikh Umal
PUNTLAND POST
The post Sheikh Umal: Deni iyo Axmed Madoobe waxay ka mid yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Waraka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu deb xoogan uu ka kacay Dugsi lagu barto culuumta diinta Islaamka oo ku yaallo Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland .
Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ku dhawaad 50- qof ayaa ku dhaawacantay oo ka mid ah ardaydii dugsiga wax ku baraneysay halka kuwa kale laga soo badbaadiyay .
Dadka dhaawacmay ayaa waxa ay kala yihiin 40 dumar ah iyo 8 rag ah oo uu ka mid yahay Askari ka tirsan ciidamada Deb damiska Somaliland.
Machadka dabka uu ka kacay ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta Islaamka.
-
Dubai's airport, the world’s busiest for international travel, has introduced an iris-scanner that verifies one’s identity and eliminates the need for any human interaction when entering or leaving the country
-
-
Cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland, ayaa ku qulqulaya Buuraleyda Gobolka Bari, maalin uun kadib markii Madaxweyne Deni ku dhawaaqay guluf ciidan oo ka dhan ah Argagixisada.
Ciidamada Daraawiishta iyo Kumaandooska Puntland, oo kaashanaya Qaybaha sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo PMPF, ayaa ku jihaysan dhanka Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuuntan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale, Ciidanka Booliiska oo isna kaashanaya Laanta Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gudaha magaalada Boosaaso ka wada hawlgal culus oo lagu ugaarsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii la weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso halkaas oo Al-shabaab kala baxday maxaabiis ku xirnayd, inkastoo qaarkood dib looga soo furtay.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Puntland oo Guluf dagaal ka bilowday Buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay, boqollaal kalena waa ku dhaawacmeen, qaraxyo xooggan saacadihii la soo dhaafay gilgilay magaalada ugu weyn waddanka Equatorial Guinea ee Bata, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin dowladeed.
Bayaan kooban oo laga sii daayay Telefishinka dowladda, ayaa lagu sheegay in Qaraxyadaas ay ka dhaceen xarun milatari oo ku taalla magaalada Bata, islamarkaana ay ku dhinteen ilaa 20 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 500 oo kale.
Telefishinka ayaa sidoo kale ka soo xigtay madaxweynaha dalkaas Teodoro Obiang in Qaraxyadu ay ka dhasheen dayac ka yimid maadada qaraxda ee dynamite, oo lagu isticmaalay gudaha xarunta milatari.
Sidoo kale, Telefishin maxalli ah ayaa soo bandhigay kooxaha gurmadka oo maydad ka soo guraya burburka hoostiisa iyo dad ku qaylinaya in dhiig loo shubo dhaawacyada buuxiyay isbitaallada.
Equatorial Guinea waa dal yar oo ku yaalla xeebta galbeed ee bartamaha Afrika, oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, kuwaas oo badankoodu faqiir ah, waxaana aad looga deyriyaa xarumaha iyo adeegyadiisa caafimaadka.
In ka badan 42 sano waxa dalkaas ka talinayay madaxweyne Teodoro Obiang, kadib markii uu adeerkiis ka inqilaabay xilka 3 Agoosto 1979-kii.
Sidoo kale, waxa madaxweyne ku xigeen iyo wasiir difaac u ah wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue, kaas oo awood badan ku dhex leh dowladda.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise
The post Qaraxyo xooggan oo gilgilay magaalada ugu weyn dalka Equatorial Guinea appeared first on Puntland Post.
-
Somali President Farmajo Disregarded the Constitution and Embraced Dictator’s Playbook
Somali patriots, including moderate Islamists are haunted by how candidate Mohamed Abdullahi “Farmajo” fooled them when they enthusiastically took to the streets of Mogadishu to celebrate his election in February 2017, and to the media chanting “please take us to Farmajo.” The public euphoria was genuine because in the six (6) years preceding 2017 election, candidate Farmajo had hit the right buttons when criticizing the incumbent Government of President Hassan Sheikh Mohamud for abuse of power and bad governance. The general perception was that candidate Farmajo was authentic, trustworthy, and experienced leader who spent years in the United States of America – the shining city on the hill for the world for democracy and good governance. He looked like being the type of leadership Somalis yearned for.
During his presidential campaign, he used to talk to the people, giving interviews, issuing statements, and attending public gatherings, practices he abandoned after he was elected. His public statements and commitments included that the president must respect the constitution, the freedoms of the press and citizens, the separation of powers between legislative, executive, and judiciary branches of the federal government, and the autonomy of the federal member states (FMS).
Furthermore, he promised that he will liberate the country from terrorist group Al Shabab, pay compensation to the victims of Al Shabab attacks, eradicate endemic corruption and nepotism, reform security and justice system, complete the building of federal institutions, promote accountability and integrity of government institutions, prepare and hold free and fair election on time, appoint qualified individuals to federal government positions, and end Ethiopia influence in the internal affairs of Somalia.
Unfortunately, the elected Farmajo didn’t have the presumed qualities and his temperate appearance deceived the desperate Somalis. None of his promises was fulfilled.
Abuse of power, use of violence, media clampdown, patronage, nepotism, branding opponents as agents of foreign countries were his method of governance. In less than a year, the majority of the Somali people realized that they made grave mistake for electing president Farmajo who turned out to be unpatriotic, incompetent, callous, and duplicitous, but they decided to honor the legitimacy of his election for four years unless the federal parliament impeaches and remove him from office.
As the wolf in sheep’s clothes, President Farmajo became suspected of being a member of secret society in cahoots with terrorist group Al Shabab. His supporters are dominated by anti-democratic elements, religious personalities affiliated to Al Itisam faction, former socialist cadres, and crooks.
He disregarded the Somali Constitution soon after he took the oath of office and embraced dictator’s playbook. He became admirer of President Isaias Afwerki of Eritrea and Emir of Qatar.
The Somali Provisional Constitution addresses three core issues that props the stability and functionality of the Somali State. First, it defines the national identity and purpose of the Somali State which is federal, republic, founded on democracy, multiparty representative system and pursue of social justice. These words stand for values to be achieved as quickly as possible.
Second, it lists the inviolable, undeniable human rights that every Somali citizens must enjoy with no restriction except in rare cases that are in line with the underlying democratic values of the constitution. Third, it dictates the laws and institutions needed to form the federal republic of Somalia. This means that the provisional constitution is a roadmap for building the democratic state of Somalia on foundation which is totally different from dictatorship. The Somali people detest authoritarianism. Respecting the constitution is necessary condition for legitimate Somali state.
In the last months of 2017, members of the federal parliament (MPs) decided to impeach president Farmajo for his egregious abuses of power. Then, they had to postpone when forces of the Intelligence Services (NISA) attacked the house of Abdirahman Abdishakur Warsame, former political advisor of the Special Representative of the UN Secretary General and leader of Wadajir Party, killing five soldiers assigned to his protection, wounding others, and arresting himself. Until today, the parents of the killed soldiers are looking where the federal government buried the bodies of their loved ones. That case represents the prime face of the banditry and cruelty of President Farmajo.
After few months, the social media circulated the news of the impeachment, which irritated president Farmajo who immediately ordered the dismissal of the Speaker of the parliament Mohamed Sheikh Osman Jawari for not being loyal. The Prime Minister, the first Deputy Speaker and Ministers who were also MPs joined efforts to dismiss the speaker with any way necessary. The move led to armed confrontation in the federal parliament. Speaker Jawari resigned after delivering scathing speech against the coup of the executive branch for taking over the control of the federal parliament.
Again, in December 2018, Speaker Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman accepted formally an impeachment motion against president Farmajo signed by 92 MPs. The FMS leaders supported the motion. To impugn the motion, President Farmajo asked 14 of the 92 signatories of the motion, who were either ministers or allies to claim that their signatures were forged. He harassed Speaker Mursal who had to move out of his Villa Somalia residence after he feared for his life. The impeachment motion was later dropped for the absence of constitutional court responsible to review the legality of the articles of impeachment, external interventions, and dirty deals.
From that date, the separation of power between the three branches of the federal government ended and the parliament became part of the executive branch. The checks and balances on the abuses of power of the president and the executive abolished for good. The concentration of power in the hands of president Farmajo constitutes major obstacle to the establishment of an accountable federal government in Somalia in the foreseeable future.
The FMS went through four years of exhausting struggle to fend off the continuous attacks of the federal government to subjugate them. Somaliland has been alienated with harsh policies of isolation and strangulation. The struggle has crippled the working relationship between the federal government and FMS and the viability of the federal system.
Ultimately, Galmudug, Hirshabelle, and Southwest became vassals of the federal government serving the wishes of President Farmajo. Puntland and Jubbaland maintained some kind of autonomy but didn’t escape from the harassments of the federal government. The power grab of President Farmajo had crowed out national reconciliation and the implementation of development activities planned during his tenure.
After rigging successfully the elections in three FMS, president Farmajo felt confident rigging the federal election easily. But, he met stiff resistance from different political forces, particularly the Prime Minister, Puntland, Jubbaland, and opposition forces. The Prime Minister was fired on seven minutes. The resistance delayed the holding of parliamentary and president elections on schedule. Then, the term in office of President Farmajo expired on February 8, 2021, which set off a constitutional and political crisis. The Union of the Presidential Candidates (UPC) called public demonstrations on 19 February against the delayed federal election and Farmajo’s illegitimate presidency. The demonstration didn’t sit well with Farmajo and decided to stop at any cost.
He ordered use of lethal force against the leaders of the demonstrators – former Presidents, Speaker, and Prime Minister – who narrowly escaped death and injury. A number of protestors were killed and wounded. As usual, President Farmajo has remained silent on the attack and the casualties and to double down on his determination to use deadly force if necessary, he withdrew large number of soldiers from the frontline of the war against Al Shabab and deployed them in Mogadishu to threaten mass causality and destruction if opposition leaders call for another demonstration. His message was simple “no demonstration against me, but yes demonstration for my support.” This is the classical dictator’s playbook.
Another issue of great personal interest for president Farmajo was and continue to be the oil and gas business, a lifeline for every dictator. He ordered the signing of Oil and Gas contracts with two foreign oil companies, just days before the end of his tenure, while proper legal frame and credible institutions were not in place. Luckily, powerful, influential international actors and opposition outcry forced him to back off for the time being. This could be temporary hiatus. Loyalists are packed in the Petroleum Institutions for pressing ahead with the award of oil and gas contracts.
In fairness, President Hassan Sheikh was more progressive, patriotic, and wise in dealing with international and domestic critics. With its weaknesses, Hassan’s government advanced the goals of peace and state building process. In contrast, Farmajo’s government wiped out the progress made in the past. President Farmajo became tormentor of the FMS, fierce opponent to democratic norms and accountability. Somalia was anxious to face the same tragic fate the Tigray people of Ethiopia are facing. The legacy of his tenure is deterioration of the humanitarian, terrorism, insecurity, and foreign relations situations. Somalia is on the brink of civil war unless preventive actions are taken before it’s too late.
Somalia is under Chapter VII of the UN Charter and the international community has the moral responsibility to support it to achieve peaceful, sustainable self-governance with the ownership of its security and defense responsibilities as soon as possible. It has lost 4 years. The hold onto power of President Farmajo after February 7, 2021 constitutes high risk for the future of Somalia and the interests of the international partners.
The only way out of current tension is to pressure Farmajo to relinquish power and leave office immediately for credible elections. A forced exit after mandate expired is a legitimate writ which saves Somalia from collapse and international community from condemnation and humiliation.
Dr. Mohamud Uluso – Is Former governor of Central Bank of Somalia. – He can be reached at Mohamuduluso@gmail.com
Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Hagreysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu qorshe la’aan siyaasadeed ku hagayo xukuumaddiisa.
Faysal Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hogaaminta Biixi oo uu sheegay inay mareyso meeshii u liidatay, islamarkaana dib u dhigtay Somaliland oo horumar wanaagsan u bidhaamayey, sida uu sheegay.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinac xukuumadda ah, wuxuuna aaminsan yahay iney taasi dib u dhac ku keentay hormar ay xukuumadda sameyn laheyd.
“Lixdankii waxa ina kharibay waxa ay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu dusha u saaray Muuse Biixi dhaqaalo xumada ka taagan Somaliland iyo sicir bararka aan xal laga gaarin sanadihii u dambeeyay, ayada oo ku eedeyay inuu waqtiga xukunkiisa ku lumiyay shaqsi xumeyn iyo xifaaltan siyaasadeed oo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay.
“Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qura oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
“Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, midda dhaqaalaha, tan Bulshada, tan difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii,” ayuu yiri mar kale Feysal.
Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana diyaar garow loogu jiro doorashada golayaasha Wakiiladda iyo guurtida oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka Jubaland, halka baarlamankana cusubna aysan qaadan muddo laba bilood ah.
Xubnahaan wasiirada ah lacag usoo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore waxaana kadib aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen.
Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqnaanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan wasiirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyahay iyo shaqo la’aan ku dhacdo.
Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cusub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaatooyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamulka horey u haystay.
Sidoo kale maamulka HirShabelle ayaa wajahaya go’doon cusub oo dhanka Al-Shabaab ah. Magaalada Jowhar iyo degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa muddo ku dhow bil hadda wax raashin ah galin kadib cuna-qabateyn ay saareen Al-Shabaab.
48 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka Kacay Dugsi ku yaal Hargeysa
in News - Wararka
Posted
48 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka Kacay Dugsi ku yaal Hargeysa
Qaran News