Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. ”Diiwaangelintu maxay muujinaysaa ”.

    Diiwaan-gelintu waa nooc ka midda waxyaabaha la yidhaahdo xog-uruurinta , xog uruurin kastana marka la hello waa lagga hadliyaa waxaana la iska waydiiyaa suaalo ka dhasha xog uruurinta , suaalahaas ayaana sabab u noqda helista xalalka loo baahan yahay 

    Hadaba Diiwaangelintan maalinta dhawayd lasoo bandhigay hadaynu si yar oo kooban gees uga yara eegno  .

    Somaliland waxay ahaan jirtay laba qaybood oo isu dheelitiran kuwaas oo kala ah Barri iyo Galbeed .

    1- Hargaysa, Berbera iyo Boorama waa Galbeed .

    2- Burco, Ceergaabo iyo Laas-caanood waa Barri .

    Hadaba labadaa qaybood oo isku dhadhawaa dhinaca Dadka ayay diiwaan-gelintani muujinaysaa in wax wayni iska badaleen sababtoo ah 

    Gobolka Maroodi-jeex waxaa iska diiwaangelisay 499,000  .

    Goboladda Togdheer, Sool iyo Sanaagna 481 ,000 .

    Marka la kala jarro wadarta 3 Gobol ee Barri iyo Gobolka Maroodji-jeex , waxaa soo baxaysa in Gobolka Maroodi-jeex dheer yahay 3 Gobol ee Barri 18 kun oo cod  .

    Arrinta labaad ee Diiwaan-gelintan ka muuqataa iyana waxay tahay , In Gobolka Sool aad usoo kabanayo maxaa yeelay  Diiwaangelintii horre waxaa iska diiwaangeliyay 64 kun oo qof halka imikana 45 kun ,iyadoo is badalkaasi ku dhacay muddo aad u kooban  .

    Waxa kale oo iyana is diiwaangelintani muujinaysaa in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu baaxad wayn Somaliland hadana yahay Gobolka Dadka ugu yari iska diiwaangeliyeen , iyadoo tiradda guud ahaan Gobolka iska diiwaangelisayna ay tahay mid aan u dhigmin baaxadda Gobolka iyo qiyaasta lagga filayo 

    Sidaa darteed Gobolka Sanaag waxaa ka muuqata soo kabasho la’aan iyo dib udhac loo baahan yahay in xoog looga gacan qabto

    Source


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 oo maanta markale dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka.

    Musharax Jabriil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada cakiran ee dalka uu u horseeday is-qab-qabsiga madaxda Soomaaliyeed oo ilaa hadda heshiis rasmi ah ka gaarin is-mari-waaga doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.

    Jabriil ayaa sheegay oo carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay tahay inay tanaasul sameeyan, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.

    “Waxa lama huraan ah in is-qab-qabsiga la isku haysto laga soo bilaabo 2019-ka ilaa maanta aan joogno shirar joogto ah ayaa la iskugu imaanayeen, shirarkaas la iskugu imanaayeen intooda badan waxay ahaayeen dano shaqsiyadeed oo ma aheyn kuwo loogu daneynayay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

    Waxa uu intaas kusii daray “Marka danta shaqsiga ah laga hadlayo wey adag tahay in la isku tanaasulo, qof kasta wuxuu sheeganayaa awood iyo caqli, wax shaqeynaya ayadana maaha, arrintaas wal-wal badan ayey igu haysaa oo waxaa ii muuqata wax wada-qeybsi la’aanta ayaa waxay sii dhalineysa in xaalada aan hadda ku jirno ay sii hurto”.

    Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda lagu wado inay dhawaan shir ku yeeshen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane ay tanaasul u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay waqti geliyaan sidii uu u guuleysan lahaa shirkaas, maadama kuwii ka horeeyay ay kusoo afmeermeen fashil.

    Musharaxa ayaa waxa kale oo uu ka digay in dowladnimada loo isticmaalo qaab ku takri-fal ah, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay falalkii u dambeeyay ee dowladda waqtigeedu dhamaaday kula kacday madaxdii hore ee dalka.

    Ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, wuxuuna bulshada ku baraarujiyey inay taxadar muujiyeen, asagoona ka tacsiyadeeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee u geeriyooday cudurkaasi, halka kuwo la xanuusana caafimaad ALLE uga baryay.


  3. (SLT-Laascaanood)-Afar qof ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ugu geeriyooday Xanuunka Safrmarka ah ee Covid-19.

    Isuduwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool, Dr Maxamuud Xaaji Khaalif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xanuunka laga helay soddon iyo todoba qof bishii ugu danbaysay islamarkaana ay u geeriyoodeen afar ruux.

    Xanuunka Dilaaga ah ee covid-19 ayaa dib ugusoo laba kacleeyey Jamhuuriyadda Somaliland xilli ay shacabku ka cago jiidayaan fariimaha caafimaad ee ay la wadaagayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

    Source


  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-xoog), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay khudbad sannadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi shalay ka jeediyey labada Gole,  waxaanu sheegay inay khalad iyo sharci daro ahayd in Golayaasha Sharcidejinta loo diido inay Madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan xaaladda dalka.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-xoog), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadu shalay ka hor istaageen inuu Golaha soo galo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynaha maadaama uu jeedinayo khudbad sannadeedkiisii, kana hor jeedinaayo Labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtida, kana xog-warramayo xaaladda uu dalku marayo, sharciyan xaq baanu u leenahay in aanu su’aalo weydiinayo, oo Madaxweynaha la xisaabtano, waana sharci-daro in la diido su’aalaha Madaxweynaha aanu weydiinayno, Daahir Rayaale wuxuu u badheedhi jiray in aanu su’aalo ka weydiinayo xaaladda dalka, laakiin Xukuumaddaha kulmiye ee talada dalka u kala dambeeyey in lala xisaabtamo, oo xaaladda dalka wax laga weydiiyo way diideen, waxaa looga baqayo su’aalahana garan mayno, ee Daahir Rayaale sharciga u ogolaaday in aanu su’aalo weydiinay, Muuse Biixi iyo Axmed Siillaanyana sharciga naga hor istaagay maan garan, laakiin waxaa cad in Xukuumadda Kulmiye ay dhaqan ka dhigatay inay sharciga baalmarto, oo ay diidan tahay in lala xisaabtamo, oo danta qaranka lagula xisaabtamo”.

    Mar aanu wax ka weydiinay sababta ka baajisay inuu shalay Golaha iman waayo ayaa yidhi “Waan imid Golaha, waanu xidhnaa, oo Golaha albaabka ayaa u xidhnaa,  Golahana waxaan imid khudbadda oo socota, in aan soo galana Ciidamo ayaa iga hor istaagay, kadibna iskumaan sii adkayn ee waan iskaga tagay”.

    Source


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo inta badan dhaliila hogaaminta madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si yaab leh uga hadlay hoobiyeyaashii maanta lagu tuuray xerada Xalane.

    Mahad Salaad ayaa su’aal geliyay in Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay uu ka dambeeyo madaxwenaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo, asaga oo ku eedeyay in uu weerarka hoobiyeyaasha uu ka leeyahay ujeedo gaar ah.

    “Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay Farmaajo miyaa ka dambeeya mise wada shaqayntii Shabaab iyo iyaga ayaa dhabowday oo gacan Shabaab ayay rabaan in ay wax ku cunaan Fahad iyo Farmaajo!,” ayuu yiri Mahad Salaad.

    Eedeynta Mahad Salaad oo ah mid culus ayey si madax banaan u xaqiijin karin Caasimada Online, hase yeeshe weerarka hoobiyeyaasha lagu eekeyay xerada Xalane ayaa imanaya ayada oo uu maanta kasoo degayay garoonka Muqdisho madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayaan madaxda sarre ee dowladda federaalka.

    Weerarka madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

    Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada, kuwasi oo gaystay khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.

    Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo uu Xildhibaanku ku eedeyay in weerarkan cadeyn u yahay gacan-saarka kala dhaxeeya Farmaajo ee kooxdan.

    Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.


  6. Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho Soo gaaray  Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo.

    Waftiga madaxweeynaha ayaa waxaa garoonka Aden Adde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinka tirsan dowladda.

    Axmed madoobe ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qeyb gali doona shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo maalmaha soo socda ka furmi doona Caasimadda.

     

    Source: goobjoog.com


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war kasoo saartay imaatinka Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Muqdisho iyo goobta loo asteeyay inuu ku dago, xili uu dhawaan maamulkiisu uu walaac xoogan ka muujiyey amaanka magaalada Muqdisho.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta galinka dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayada oo ay soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jubbaland oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka doorashada uu muranka ka taagan yahay ayaa waxa uu degi doona xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Telefishanka Jubaland.

    Waxaa amnigiisa sugi doona ciidamada AMISOM iyo ciidan kamid ah kuwa ilaaladiisa gaar ah oo saaka diyaarad qaas ah kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, sida lagu yiri qoraalka.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo, kadib markii uu sheegay inuusan isku haleyn karin dowladda federaalka..

    Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8-February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.


  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

    Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda iyo xuno ka mid ah midowga musharixiinta.

    Wafdigaan uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa kasoo horeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, wuxuuna qeyb ka dagi doonaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida la sheegay.

    Inkastoo imaatinka madaxweynaha saacado ka hor la duqeeyay xerada Xalane, hadana sidii la filayay wuu yimiad Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo saxiixayaasha heshiiska doorashada.

    Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.


  9. Warbixin Gaar ah

    Muqdisho (Wararka PP) — Waxaa foodda nagu soo haya dhegeysiga dacwadda muran badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sababtee ayay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamigu u dhexdhexaadinaysaa laba dal oo muran badeed uusan dhex oollin ka hor 2014tii, shan sano kaddib Heshiiskii Isafgarad dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya? Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyihii hore ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in Kenya 2005tii xadaysay badda, oo ay shirkado siisay heshiis badda lagaga baarayo shidaal, iyo in Statoil, oo Norway laga leeyahay, ay ka mid tahay shirkadaha heshiiska shidaal baaris la galay Kenya.

    Warqad diidmo ah oo ay dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga waxay ku xigatay xeeldheerayaal sharci oo Soomaali ah oo difaacaya Heshiiska Isafgarad (Memorandum of Understanding), waxayna u kala qaybisay dadka Soomaalida ah diiddan Heshiiska Isafgarad laba kooxood: Al-shabaab iyo Soomaaali “u nuglaatay dacaayad ka dhan ah Heshiiska Isafgarad”.

    Reer Ba’ow Yaa Ku Leh?

    Burburka Soomaaliya ayaa keenay in dalal kale ay Soomaaliya baddeeda soo haweystaan, ayuu Axmed Cali Daahir sheegay. Wuxuu Heshiiska Isafgarad ku tilmaamay mid wax lagaga qabanayo muran ka dhashay go’aan Kenya keligeed ugu xadaysay badda 2005tii.  Axmed Cali Daahir marnaba muu xusin dalka xadgudubka sameeyay. Muxuu Xeer Ilaaliyihii hore oo mar Wakiil Soomaaliya u xilsaartay dacwadda badda ahaa, uga gaabsaday inuu sheego in Soomaaliya laga gardaran yahay?

    Hadalka Axmed Cali Daahir wuxuu taageeray xog Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke 2016kii Garoowe ka sheegay oo ah “in Noway ay qortay Heshiiska Isafgarad ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen.”  Norway waxay u danaynaysay shirkaddeeda Statoil, oo heshay xaq ay shidaal kaga baarto dhul badeed Soomaaliya ay leedahay oo Kenya ay boobtay. Kenya way erisay Statoil dhowr sano kaddib saxiixistii Heshiiska Afgarad Soomaaliya lagu siray. Statoil way diidday inay sahan ku samayso boloogga L26 ka mid ah dhul badeed Kenya sheegatay.

    PhotoCollage_20210309_132117791.jpg?resiCabdiraxmaan Cabdishakuur ( bidix), Shariif Sheekh Axmed (dhexda) iyo Cumar Cabdirashiid (ugu geeseeya, midig) waxay fududeeyeen in Kenya sheegato bad Soomaaliyeed kaddib Heshiiskii Isafgarad ee 2009kii.

    Axmed Cali Daahir wuxuu buriyay doodda Cumar Cabdirashiid in “Heshiiska Isafgarad ku saabsanaa Soomaaliya oo doonaysay inay fidsato badda, oo hadda ah 200 oo mayl badeed.” Ra’iisal Wasaare Cumar wuxuu sheegay in Soomaaliya ka baxday Heshiiska Isafgarad kaddib markii Kenya ay“ si xun u adeegsatay Heshiiska Isafgarad.”

    IMG-20210308-WA0004.jpg?resize=660%2C475Axmed Cali Daadir wuu ka warwareegay  xusidda in Kenya sheegatay bad Soomaaliyeed inkastuu Soomaaliya mar ugu xilsaarnaa ka  qeybgalka dacwadda muran badeedka oo ay Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamigu qaadayso.

    Heshiiska Isafgagard waxaa ku qoran in Soomaaliya iyo Kenya isku maandhaafsan yihiin dhul badeedka dhaafsiisan 200 mayl badeed iyo meelo kale. Dowladihii Soomaaliyeed kala dambeeyay may caddaynin dhul badeedka Kenya nagu sheeganayso. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu 2016kii ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur inay badda Soomaaliyeed ku rideen gacanta Kenya.

    Ku Qabso, Ku Qadi Maysid

    Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaaliya  Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa 2006dii ku gacan-sayray dalab Kenya ku doonaysay inay la gasho Soomaaliya Heshiis Isafgarad ku saabsan badda. Buubaa wuu diiday in muran badeed uu Soomaaliya kala dhexeeyo Kenya. “Badda Soomaaliya xadkeedu wuu cad yahay” ayuu Buubaa ku yiri  farriin uu diblomaasi Soomaaliyeed u gudbiyay Kenya.

    Sidee Soomaaliya bad u fidsan kartay 2009kii xilli Al-shabaab ka talinaysay seddex meelood laba meel (2/3) Muqdisho? Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuu diiday inuu ka hadlo heshiiska. “Ra’iisal Wasaariihii dowladda [Cumar Cabdirashiid] iyo Wasiirkii saxiixay [Cabdiraxmaan Cabdishakuur] ayaa jooga” ayuu wariye u sheegay.

    Waa dhab in Kenya ka faa’iideysatay burburka Soomaaliya oo ay ka dhaadhicisay madax Soomaaliyeed in sheegashada Kenya xaq tahay. Ilaa hadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uun baa sheegay in Kenya si xun u adeegsatay Heshiiskii Isafgarad, isaga oo, sida cad, eedda ka leexinaya dowladda uu Ra’iisal Wasaaraha u ahaa oo si indho la’aan ah dhul badeed Soomaaliyeed kaga dhigtay “dhul badeed lagu muransan yahay”.  Cumar Cabdirashiid, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur way og yihiin in dareenka qarannimo ee Soomaalidu ka taagdaran yahay dareenka heyb beeleedka. Waa sababta ay weli ugu jiraan siyaasadda Soomaaliya oo weli han hoggaamineed u leeyihiin. Kenya waxay maxkamadda la tagtay doodda ah “Soomaaliya ayaa 2009kii qirtay in muran badeed uu labada dal u dhexeeyo.”

    Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu dhaxlay dal dhulkiisa barriga iyo badduba aysan muran ku jirin. Go’aan 2009kii Villa Somalia ka soo baxay ayaa ma’suul ka ah in Kenya sheegato dhul badeed ay Soomaaliya leedahay. Weli Soomaaliya way u nugushahay siyaasiyiin dibindaabyo qaran ku kici kara xitaa haddii Soomaaliya ku guuleysato dacwadda badda.  

    © Puntland Post, 2021

    The post Sababta Kenya u Sheeganayso Bad Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.


  10. (SLT-Muqdisho)-Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin khasaaraha ka dhashay.

    Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhawaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

    Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka soo qeybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

    Source


  11. Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xalane oo ah Bogcada Safaaradaha & Hayadaha Caalamku ka degan yihiin Muqdisho

    xalane.jpg

    War goordhow warbaahintu heshay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

    Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa warbaahinta u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.

    Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

    Qaran News


  12. Ugu yaraan illaa 25 ka mid ah Al-Shabaab ayaa la dilay, 15 kalena adhaawacyo ayaa soo gaaray kadib duqeyn lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobollada Shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha Xoogga dalka.

    Sarreeyo Guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-gal saacado qaatay lagu dilay sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

    Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howl-galadan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow.

    Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

    View the full article


  13. Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku guddoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubbaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.

    Shirka waxaa madaxweynaha kala qeyb galay guddi  gaar ah oo loo magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha.

    Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’addaha  gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala guddaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka dowladda  Jubbaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubbaland ay ka kooban tahay.

    1c521a37-5e8f-4dc4-ac50-b1003b3c593f.jpg 2d98f41e-2ffd-470c-acb2-90d1f75b6544.jpg 7eb625fc-9874-4d94-beec-272c8589476c.jpg 241e6984-f792-41ea-941f-99185a88f421.jpg c9b32a96-84fb-44fd-841c-3c8319b75da5.jpg d0da230b-ca13-4e02-9e7c-974962433166.jpg fa52ea1b-9ca0-4062-aecd-20d7cbf7e7cd.jpg

    View the full article


  14. Xili maalinta Beri ah lagu wado inuu furmo Shirka Wadatashiga Madaxda Soomaaliya ayaa maanta la weeraray Xerada Xalane oo hooy u ah Beesha Caalamka.

    Dad ku sugan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in uhu yaraan 7 Madfac ay ku dheceen Xalane.

    Lhasaaraha ka dhashay weerarka lama dhaacin ilaa hada , Ciidamada Amisom oo gacanta ku haya Amaanka Xalane iyaguna wali kama hadal weerarkaan.

    Puntlandi.com Muqdisho

    4232A357-72F6-42F5-B5AF-AC0EE2B8543F.jpe

    The post Breaking — Xerada Xalane oo Hoobiyayaal lagu garaacay appeared first on .

    Source


  15. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu galabka soo gaaro caasimadda Muqdisho

    Waxaa saaka diyaar gaar ah ku yimid ilaalada Madoobe oo aad ugu labisnaa hub, waxaa ayna taasi sii xoojisay sida aaney ugu kalaooneyn amniga Villa Somalia.

    Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

    Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

    Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.

    Source: goobjoog.com


  16. Weerar culus oo hoobiyaal ah ayaa goor dhowayd lagu garaacay Xerada Xalane, oo qayb ka ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    Wararku waxay sheegayaan, in ilaa lix hoobiye lagu duqeeyay Xarunta Xalane, inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

    Xarunta Xalane oo si weyn Amnigeeda loo ilaaliyo, islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Reer Galbeedka, waxaa marar kala duwan lagu weeraray madaafiic hoobiyaal ah, kuwaas oo Al-sahbaab sheegteen.

    Waxaase xusid mudan in weerarka aysan weli cidna sheegan .

    PUNTLAND POST

    The post Madaafiic hoobiyaal ah oo lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.