Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Adduunyadan xil kasta oo la qabtaa, hadduu yahay xil ummadda loo hayo iyo hadduu mid gaar aba yahay, waxa looga baahan yahay shakhsiga qabanayaa xilka in uu leeyahay lana yimaado anshax, aqoon iyo qiyam uu si habsamiya ugu guto xilka, oo aan marna la dhayalsan karin lana dhaafi karin.

    Haddaba shaqadu ama xilku waa kala duwan yihiin. Shaqooyinka iyo xilalka qaar ayey lagama maarmaan tahay in qofka qabanayaa uu lahaado aqoon iyo khibrad, waayo shaqooyinka iyo xillalka qaar ayaan qof waliba gudi karin haddaano u aqoon u la hayn sida loo qabto. Masalen qof aan dhakhtarnimada baranin dee dad buka dhakhtar u furan maayo, qof xisaabiye ahi, dembi baadhe looma qoran karo, qof aan afkiisa hooyo mooyee, afkale baran, dee af-qalaad ma turjumi karo.

    Siyaasadda iyo maamulku waa laba shaqo oo aan marna kala maarmin. Siyaasadda iyo maamulka waxa isu keena, isku xidha iskuna qobtala in ay wada shaqeeyaan, shaqo keliyana inta badan wada hayaan “maamulidda iyo maaraynta” (administration and management).

    Dawlad kasta shaqadeedu waa maamulid iyo maarayn. Dadka, dalka iyo duunyada, intaba waxa u xil saaran oo u egman in ay masmusho dawladda. Aragti iyo aqoon haddii aanay lahayn dadka loo doortay in ay ka shaqeeyaan daryeelidda dadweynaha, horumarinta dalka iyo abuuridda iyo hindiseyaal lagu abuuri karo shaqooyin dhaqaalaha dadka kobciya iyo shuruuc kala furfurta dadweynahan iyo dawladdan dhegeha markasta iskula jira, warareeg iyo wanjalaad ayey siyaasadda iyo maamulka dadka iyo dalku ku jirayaan. Hadday taagan tahay.

    Sida u qorshaysan maamulka Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ah muddo seddex bilood ka yar ayey u dareeri doonaanbdadweynaha Somaliland doorashadii golaha wakiilada iyo kuwii deegaanka. Dadkii isu soo sharaxay labadan xil in ay kala qabtaan waxa lagu xidhay shahaadooyin qeexaya heerka waxbarashada halka ay ka gaadheen musharraxiintu. Waxa kale oo ay wasaaradda tacliintu iyo komishanka doorashooyinka ee la ogaa in uu gacan ku rimis ahaa, ay ku hanjabeen in shahaadaha ay soo qadimaan musharraxiintu ay hubin doonaan in ay bug yiin iyo inkale.

    Haddaba bal aan is wediino musharraxiintu xilka (shaqada) ay isu soo sharaxeen in ay u qabtaan ummadda Somaliland waxa uu yahay? Ma xil maamul iyo maarayn ku lug leh baa? Ma xil cadaalad darrada iyo cilin saarista maamul xummidda dalka iyo dadka haystaa? Ma xil daryeelka dadweynaha, dejinta shuruuc lagu kala socdo iyo distoor illaalinta ku kooban baa? Ma xil manaasib siyaasadeed ah baa? Ma xil dhaqameed baa? Shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta waa qaar caynkeeya? Khibrada iyo aqoonta musharraxiinta xildhibaanada looga baahan yahay maxay tahay? Ma in ay mushararaxiintu xisaabta, ingiriisiga, fiisigiska, kimisteriga iwm yaqaaniin baa? Mise waa in ay yaqaanaan xalinta mashaakilka, maaraynta dhaqaalo xummida, iyo dhaqista bulshaweynta?

    Shahaadahu wax ma xalilaan waxna ma xumeeyaan. Caqliga iyo camalka bin’aadmiga ayaa wax xalila waxna xumeeya. Caqliga iyo aqoonta dadka Illaahay geliyo ayaa cilmiga la barto sameeya oo abuura. Dadka sameeyey sharciga shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta xildhibaanada golayaasha waxay ku saleeyeen ee ay u cuskadeen waa in ay cadeeyaan, dadweynahana u sharaxaan. Sharci aan qodobo laga baaraandey ku fadhiyin lays kama sameeyo.

    Sidaynu ognahay doorashooyinku dadweynaha Somaliland waxyeelooyin ayey had iyo jeer ku hayaan. Dadkay coleysiiyaan, turxaan, godob iyo cadaawed ayey dad isku caailad ah kala dhex dhigaan. Dawladda lefteeda ayaa fara-gelin danaysinimo ku dhisan ku haysa reeraha u codka siinaya musharaxiinta. Xisbiyada qudhoodii ayaa ayaguna kala boobaya musharaxiintii. Komishan dhan walba ka madax banaan oo dalka iyo dadka u dhaarsan oo aqoon u leh sida loo kala saaro ee loo kala doorto musharaxiinta xilal siyaasadeed qaban kara laguna aamini karana malahin. Taasina waa dhib dalka haysata, cid u taagan in ay dar illaahay u gudato xilkana illaa hadda ma hayno.

    Sidaynu ka dhegregsanahay xilalka waxa loo doontaa in biil laga helo. Inta ku hamida dadka iyo dalku sida uu hadda yahay loona maamulo in wax ka bedel ku sameeyaan waa yar yiin, waayo siyaasaddii iyo xil raadsigii ayaa waxa uu noqday “tafaqsi iyo danaysinimo.”

    Waxaan ku soo gebagabeynaa mawduucan ku saabsan waxa looga baahan yahay in ay ka muuqato musharraxiinta xildhibaanada golayaasha shahaadado kum jirto kana heli meysaan ee waxa kale ha laga eeg. Shahaadadi waxma kordhiso waxna ma dhinto. Caqliga iyo aqoonta dadka ku jirta ayaa wax kordhiya waxna dhimma. Period.

    By: Jama Falaag
    Hargeysa, Somalilan

    jamafalaag@gmail.com

    Qaran News


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubnaha beesha caalamka.

    Shirkaan oo dhowr jeer oo hore baaqday ayaa haatan ku dhacaya dadaal ay beesha caalamku ugu jirto sidii dhinacyada isku haya doorashada dalka ay miiska wada-hadalka iskugu imaan lahaayeen, isla markaana loo dhameystiri lahaa heshiiskii 17-kii September 2020.

    Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in toddobaadkan gudihiis ay Muqdisho soo gaari doonaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo hadda ka maqan.

    Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo markii hore si cad u diiday casuumaadii madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sheegayaa in berri iyo maalinta xigta ay soo gaari doonaan Muqdisho, shirkuna uu ka dhici doono gudaha xarunta Xalane, oo iyagu ay dalbadeen in lagu qabto.

    Si dhab ah weli looma oga cida sida rasmiga ah garwadeen uga noqoneysa shirkaan, maadaama maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen shirar uu hore ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Beesha caalamka ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay iskugu keeni laheyd dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka.

    Waxaa xusid mudan in horay ay u guul-dareysteen shirar ay iskugu keentay madaxda Soomaalida, mana cada natiijada kasoo bixi doonta shirkaan.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta shirka ay ka baxsanaan doonto Villa Somalia oo uu horay uga dhacay shirkii doorashada ee dowladda federaalka iyo maamulada dalka, maadama madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka muujiyeen shaki la xiriira ammaanka.

    Waxaa weli xaalad cakiran ku jirta Soomaaliya, gaar ahaan caasimada dalka oo ay ku hirdamayaan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka, ayada oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaalada ammaan ee caasimada, kadib iska hor-imaad dhamaadka bishii hore dhex-maray dowladda iyo mucaaradka.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado.

    Waxa uu sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin.

    “Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si dhalinyaradu u soo doorato qofka hoggaanka u qabanaya,” ayuu yiri Kheyre.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo la boobo.

    “Waxaan ka soo hor jeedaa doorasho boob ah, oo askar inta meel la geeyo ay codeeyaan ama xildhibaano xoog lagu soo xusho, anigu waxaan u taaganahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka oo dhan ay isla wada ogolyihiin.

    25-kii bishii July ee sanadkii 2020 ayaa Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka, kadib markii ay arrimaha doorashada isku khilaafeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

    Hoos ka Daawo


  4. 16151357303656376211501201559638-300x169

    Abdi (left) competes against Mo Farah (right) in the Djibouti half marathon

    Somali-born Belgian long-distance runner Bashir Abdi shared glowing tributes of Olympic champion Mo Farah who beat him in the inaugural Djibouti half marathon championship at the weekend.

    Abdi, sponsored by the East Africa Bank and Dahabshiil Group of companies, which include Edahab mobile payment and Somtel, said he is learning so much from 37-year-old Farah as he aims to become an Olympic champion in the future.

    “Farah is always inspiring to every young and upcoming athlete. For us young Somali-born athletes, he is our leader and I appreciate we have support from corporates like East Africa Bank helping build sports in this part of Africa,” said Abdi.

    In the event attended by the President of Djibouti, Ismail Omar Guelleh, government ministers, and high-level delegations from the region, Farah opened up his Olympic season with a victory as he set his focus on defending his 10,000m title for the second time in Tokyo this summer.

    He won the race in 63 minutes and seven seconds.

    Abdi, the four-time Olympic champion’s training partner, finished four seconds behind him.

    This was the first time Farah had raced since winning the Antrim Coast half-marathon on 12 September in 2020.

    Abdi, who set a world 20km record in the same Brussels track event where Farah broke the one-hour mark was his main challenger and followed him home almost a minute clear of third-placed local athlete Moumin Bouh.

    Sweden’s David Nilsson (64:06) and the Djiboutian duo of Jamal Dirieh (64:22) and Mouhyadin Abdi Waisss completed the top six.

    Abdi is a Somali-Belgian athlete who qualified for the 2016 Olympics and won silver in 10,000 metres in the 2018 European Athletics Championships.

    For the Djibouti race, Abdi said he was proud to be part of the East Africa Bank team, as the bank and Dahabshiil always put its customers first.

    The race attracted hundreds of spectators including Ali Yusuf who appreciated the input of the event.

    “We are so proud international and local athletes are running in this half marathon. We are very grateful to everyone who made it possible, by doing so, such institutions show they care about the youth, sport, and development opportunities,” observed Yusuf.

    Nairobi news

    Qaran News


  5.  Gabadh 19-jira oo ku nool Muqdisho oo u badheedhay shaqo aan Dumarka lagu aqoon

    Taksi

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Qoraalka sawirka,Caasho Maxamed

    Caasha Maxamed oo 19 sano jir ah waa taksiile ku nool Soomaaliya, iyada oo kharashka ka soo gala ku dabbarta nolol-maalmeedkeeda qoyskeeda.

    Tan iyo sanadkii la soo dhaafay, gabadhan da’da yar ayaa lagu arkayay iyada oo gaari ku dhex wadda magaalada Muqdisho.

    Sababta ay ku dooratay gaari kaxaynta waa xirfad ay jeceshahay, sidoo kalena waa wax ay ku qasbaneyd maaddaama ay kala tageen seygeeda – oo ay is guursadeen iyada oo 16 jir ah—waxayna haatan daryeeshaa nolosha labadeeda carruur iyo hooyadeed.

    In gudaha Muqdisho ay haweenay gaari ku dhex waddo waa mid naadir ah. Sidoo kale waa halis maaddaama ay isgoysyada magaalada ka dhacaan qaraxyo gawaari loo adeegsaday.

    Qaraxii 13-kii February ka dhacay magaalada, saddex qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen. Balse Caasho oo aad u jecel gaari kaxaynta, taasi ma cabsi gelinin.

    “Yaraanteydii, waxaan jeclaa inaan maalin uun darawal noqdo, balse kuma fekereynin inaan taksiile noqon doono,” ayay tiri.

    Taksi

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Qoraalka sawirka,Caasho ayaa sheegtay inay yaraanteedii jecleyd gaari kaxaynta

    Waxay sheegtay in fursadda gaari kaxaynta ay siisay shirkad takaasi oo cusub oo lagu magacaabo Rikaab.

    “Tirada haweenka taksiileyda ah way yaraayeen sababo dhanka ammaanka ah, balse tirada haweenka gawaarida kaxeeya way soo badanayaan,” ayay tiri Ilhaan Cabdullaahi Cali, oo ah madaxa maaliyadda ee Rikaab.

    Si kastaba, keliya saddex ka mid ah takaasida shirkadda ee 2,000 gaaraya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaxeeya haween.

    Caasho waxay maalintii heshaa $40, taas oo u suurto gelisa inay ku biisho qoyskeeda, waxayna rajeyneysaa inay wax ka beddesho fekerka ay ragga ka qabaan doorka haweenka.

    Taksi

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Qoraalka sawirka,Caasho ayaa kharashka ka soo gala taksiga ku dabbarta qoyskeeda

    Macaamiisha ayay mar walba la yaab ku noqotaa marka ay soo galaan gudaha gaariga cad ayna arkaan Caasho, oo uu u marsan yahay make-up isla markaana xiran xijaab midabbo leh.

    Sadiiq Daahir, oo dhigta Jaamacadda Salaam, ayaa qirsan inuu la yaabay markii ugu horreysay ee uu arkay Caasho oo u timid inay isaga soo qaaddo, balse fekerkiisa ayaa isbeddelay.

    “Dhawaan waxaan isticmaalayay adeeggan Rikaab. Inkastoo ay tahay shaqo ay raggu u badan yihiin waxaan door bidayaa darawallada haweenka ah sababtoo ah si taxadar leh ayay gaariga u wadaa waqtigana way ilaaliyaan”.

    Qaran News


  6. Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka walaacay go’aankii Biden ka soo saaray Isticmaalka Diyaaradaha Drones-ka

    988eac6b-3b47-43b2-b29d-1272adb8aafd_cx0

    Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya.

    Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho.

    Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021.

    Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.

    “Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

    “Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri.

    “Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.”

    Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida.

    “Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah.

    “Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne.

    Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo.

    “Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid.

    Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

    “Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka.

    “Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa.

    Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin.

    “Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.

    Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab.

    Qaran News


  7. Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaliyeed ayaa khudbad dheer uu jeedinayay waxa uu kaga hadlay siyaasadda Soomaaliya oo xiligan mareysay meel cakaran isagoo baaq u diray madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo Midowga Musharaxiinta.

    Sheekh Umal ayaa si gaar ah kaga hadlay kursi jaceelka, tartanka jagooyinka dalka  iyo dhibaatada laga dhaxlo kursi raadintiisa iyo isku dhajintiisa, isagoo  sheegay dhibaatada ay Soomaaliya ka soo kabaneyso inuu kursi lagu dagaalamay dhaxalsiisay.

    Mar uu sheekha u muuqday inuu si gaar ah ula hadlaya madaxweyaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu yiri “ Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato”

    Waxa uu Sheekha intaa ku daray hadii uu ku adkeysto isku dhajinta kursiga dambiga ay leedahay “ Waxaan kuu xaqiijinayaa hadaa sabab u noqoto hal ruux oo Muslim ah hadii la xagto iska daa in la dilee, Ilaah hortiisa maalinkaa soo istaagto adoo kaligaa oo qaawan adaa Mas’uuliyadeeda qaadi doona ee ku talagal”

    Dhanka kale waxa uu Sheekha yiri” Hadii Kumanaan Sano laguu daayo Nolosha iyo Kursiga, waxaa xaqiiqo ah iney imaan doonto maalin aad ka tagi doonto ama uu isaga kaa tagi doono, maalinkaasna mas’uuliyadiisa ilaah hortiisa ayey kaaga horeysaa.”

    “Nin xilkas ah oo Mas’uuliyad iyo culeeskeeda dareemaya, maanta kuma dhag dhago kursi Soomaaliyeed, maanta cidayaha kuma dagaalamo si uu kursiga ugu fadhiyo ama uu u fuulo, laakiim xil baan la garaneynin sidiisaba waxa uu yahay, laakiin waxaa ogaataa kursi iyo nolol ma baaqi ahaato,” ayuu yiri Sheekha isagoo uu khudbad u jeedinayay Soomaalida ku nool wadanka Kenya.

    Sheekh Umal ayaa intaa kadib ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu kursiga ka tanaasulo isaga oo yiri “Kursiga umaadan dhalan, kulama dhalan ee Umadda Masaalixdeeda u tanaasul oo uga tag, waxbadan ayaa umadda danaheeda looga tagaa, danahaaga qaaska ayaa looga tagaa.”

    Ugu dambeyn Sheekh Umal ayaa Midowga Musharaxiinta la hadlay waxaana uu u sheegay in kursiga iyo Boqortooyada uu ilaah bixiyo, “dadaal iyo dagaal loo galayna kursiga  laasim ma ahan  in kursiga lagu gaaro mid aan dadaalin buu ilaah siiyaa”

    “Kursiga waa mid 2 ruux ma qaado, 10 ma qaado, 7-na ma qaado, kursigaa halka qof  qaado waa midkii Soomaaliya ay isku dagaashay, waxaan leeyahay luuqada qabyaaladda daaya, hadalka xanafta leh daaya, fitniada kicinteeda ka fogaada, si Mas’uuliyad ku jirta u dhaqma, dalka iyo dadka u tura oo Ilaah ka baqa, waa tii aan ku hogownay ee aan ku burburnay waa laga fogaadaa, waa laga taxadaraa, ka hor tag mooyee kadaba tag maleh, aafada hadey hurto oo holaacdana nin walbo ay saameysaa,”  ayuu yiri Sheekha.

    Mar uu ka hadlayay Banaaabaxa ay abaabulayan Midowga Musharaxiinta waxa uu yiri “ Umadaan aad isku keeneysiin aad leedihiin mudaaharaad sameeya, oo saaxadaha iyo banaanada aad isugu keeneysiin, oo Dastuurka noo ogol leedihiin, waxaan leeyahay meesha waa Muqdisho, bishiiba intaas oo qarax ayaa ka dhaca, malintii intaas ayaa lagu dilaa, war kooxa dadka laaya ayaa buuxa, war mid baa ku dhex dhuuman kara oo is qarxin kara, mid baa rasaas ku furi kara, waxaa imaanaya hani a la burburiyo, mudaaharaad lama  Kontarooli karo, USA, France iyo UK iyo dowladihii xoogga lahaa ayaa kontarooli waayay, waxa dhici kara dhiiga daadan kara iyo bururka dhici kara, si aad cadaadis u saarto kooxda kursiga heysato waxaan leeyahay halaga joogo”  

    By: Abdiaziz Hassan Ibrahim
    Abdiazizh99@gmail.com
    Mogadishu-Somalia                             


  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa qoraal uu baraha bulshada kusoo qoray ku sheegay inuu rajeynayo shirkii go’aanka looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka in lagu qaban doono Muqdisho, sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Sidoo kale afhayeenka wuxuu qiray in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble uu rajeynayo in lasii wado wadahalladii u dhaxeeyay dowladda iyo midowga musharaxiinta si gudu iyo si gaar ah, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

    Qoraalka uu afhayeenka soo dhigay twitter-ka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa u qoran sidaan: “Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka dhaco shirkii madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii September 2020, sidoo kale mudane Mohamed Xuseen Rooble wuxuu rajeynayaa iney sii socdaan wadahallada uu la lahaa musharaxiinta madaxweynaha si guud iyo si shakhsi ahba, si loo gaaro heshiis loona aado doorasho sida ugu dhaw”

    Hoping soon the upcoming summit btw the leaders of the FGS & FMS to be held in #Mogadishu to finalize the17 September 2020 Agreement, H.E @MohamedHRoble wishes to resume talks with Presidential Candidates both in general & in person ,to reach an agreement & go to elections soon. pic.twitter.com/GiTTJPnF6s

    — Mohamed Ibrahim Moalimuu (@MOALIMUU) March 7, 2021

    Hadalka kasoo yeeray xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilii uu fashil ku dhamaaday shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, taasoo sida la sheegay uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta ka gudbi waayay qodobo ay soo jeediyeen midowga.

    Midowga waxey ku eedeeyeen Rooble inuusan aheyn qof ay taladu ka go’do, balse waxaan la ogeyn hadii ay mar kale midowga ku qanci doonaan iney la fariistaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa.


  9. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmi doono shir ku saabsan xallinta muranka doorashooyinka, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

    Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in shirka lagu dhammaystiri doono Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September Muqdisho lagu saxiixay.

    Sidoo kale, wuxu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble diyaar u yahay in uu sii wado kulamadii u dhexeeyay isaga iyo murashixiinta mucaaradka ah si loo gaaro heshiis iyo af-garad buuxa, islamarkaana dalku doorashu u aado.

    Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado.”

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada oo shir uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  10. Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

    Wararka ayaa sheegaya inuu beri Muqdisho imaan doono madaxweyne Axmed Madoobe, halka Siciid Deni oo isna soo gaari doono maalinta Taaladada ah.

    Labada hoggaamiye ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhammaadka todobaadkan ka furmayo Muqdisho.

    Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacaya xarunta Xalane, iyadoo doodo adag ay yeelan doonaan dhinacyada ka qeyb-galayaa shirkaasi oo diirada lagu saarayo doorashooyinka.

    Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli laísku hayaa hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

    View the full article


  11. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqay inay Doorashooyinku si cadaaladi ku jirto dalka uga wada qabsoomaan, waxaanu ka digay in la musuqo, isagoo sharci daro ku tilmaamay in la xidho Musharixiinta Xisbiyada Mucaaradka iska soo sharaxay.

    Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray Komishanka Doorashooyinka waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu rabnaa inaynu qabsano Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waxaynu rabnaa in saddexda Xisbi si siman oo caddaalaadi ku jirto u tartamaan, waxaynu rabnaa in Musharixiintu hankooga Musharixinimo xor u ahaadaan, oo hadba Xisbiga ay doonaan iska soo sharaxaan, laakiin waa sharci-daro ah in Musharixiin ka sharaxan Xisbiyada Mucaraadka la xidho, in xabsiga loo taxaabo, in xorriyadda laga qaado, iyo in la isku dayo in la iska hor taagno hankooga musharaxnimo ee Xukuumaddu ha iska ilaaliso wax kasta oo mugdi iyo shaki galinaya Doorashooyinka iyo qabsoomidooda”.

    Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka masuuliyad culus baa saaran, waxaana laga rabaa inay Masuuliyadaas saaran sida ugu haboon uguna cadaalada badan uga soo baxaan, waxaa kale oo laga rabaa inay si cadaaladi ku jirto dhex ugu ahadaan Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”.

    Source


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa heer gaba-gabo ah, ayada oo muddadii ay socotay wajahday xaalad adag oo marar badan sababtay inuu hakad galo dhismaha jidkaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayso shirkad Turki ah.

    Intii uu socday dhismaha wadadaas ayaa waxa ku naf waayey injineero iskugu jira Soomaali iyo Turki kuwaasi oo ka wada-shaqeynayay dhismaha wadadaas, waxayna hanjabaado iyo weeraro joogto ah kala kulmeysay kooxda Al-Shabaab.

    Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose ayaa ah waddo muhiim ah oo sahleysa isku socodka dadweynaha, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysa isku xirka gobolka Banaadir iyo shabeellaha Hoose.

    Dhamaadka bishii January ee sanadkaan ayey aheyd markii Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee ka shaqeynayay dhismaha wadaas lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

    Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga sida ka muuqata sawirada hoose.

    Waddada-Afgooye.jpg Waddada-Afgooye-2.jpg 157830648_827715278143376_60045499436780


  13. Xoghayaha Fulinta ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (IGAD) H.E. Dr Workneh Gebeyehu ayaa maanta Nuur Maxamuud Sheekh  u magacabay Afhayeenka Urur gobaleedka IGAD .

    Nuur Maxamuud Wuxuu muddo  30 sano ah ka shaqeeynayay howlaha  xagga diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta, ilaalinta qaxootiga, iyo arrimaha bani’aadamnimada.

    Magacaabistaan ka hor, Nuur wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya.

    Wuxuu sidoo kale la shaqeeyey Ergeyga Gaarka ah ee IGAD ee Koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka mid ahaa kooxdii dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiskii nabadeed ee Sebtember 2018.

    Nur Xirfadihiisa shaqo waxa uu arkay isaga oo la falgalaya qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo waxqabadka faragelinta heer qaran iyo heer gobol iyada oo la kaashanayo ururada dhinacyada badan leh; IGAD, AU, EU iyo UN ”, ayuu yiri  Dr Workneh .

    Nuur Maxamuud Sheekh waxa uu sidoo kale doorweyn uu qaatay xoojinta wadashaqeynta Dowladaha iyo hay’adaha dhinacyada badan IGAD.

    Mr Sheekh wuxuu shahaadada sare ee Colaada iyo Horumarka ka qaatay Iskuulka Cilmiga Oriental iyo African Studies ee Jaamacadda London.

    Source: goobjoog.com


  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay jirto Qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinaca Xukuumadda ah, taasina tahay waxa dalka dib uga dhigay inuu horumar muuqda sameeyo.

    Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu ku soo dhaweeyay Musharraxiin u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in lixdankii ay Hoggaan xumo kharibtay Shacabka Somaliland, maantana ay Somaliland ka jirto Hoggaan xumo

    Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Lixdankii waxa ina kharibay waxay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo.”

    Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu dhaliilay habka loo Magacaabo Wasiirrada iyo Wasaaradaha  “Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, ta dhaqaalaha, ta Bulshada, ta difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay yooyootan, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii..”

    Source