Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shèegay in xaalad caafimaad oo la xidhiidha tallaalkii Covid-19 ee uu qaatay u dalka dibadiisa ugu baxayo. Guddoomiyuhu waxaa uu mudanayaasha ka codsaday in ay u soo duceeyaan. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka isbarkan ee dalka ka dhici doona, halkan hoose ka Daawo Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha caalamka ee saaxiibada Soomaaliya oo fadhigoodu yahay xarunta Xalane. Xubnaha uu la kulmay Deni ayaa waxay kala yihiin Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira. Kulankaan wuxuu qeyb ka yahay kulamo dhawr ah oo loogu gogol xaarayo shir ka dhaca Muqdisho oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya si loo dhameystiro heshiiska doorashada oo ay caqabado badan ku gudban yahiin, walina aan waddo toosan loo helin. Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa ka hadalka arrimaha doorashada iyadoo Saciid Deni uu ku jiro madaxda caqabadaha badan ka tirsanaya waxyaabaha ku xeeran Doorashada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho maanta ku qaabilay Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo kala ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray bogga Facebook ee madaxtooyada Puntland. Waxaana la raaciyay: “Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.” Beesha caalamka ayaa cadaadis badan saareysaa madaxda Soomaalida iyadoo dooneysa iney kulmiso si loo dhameystiro heshiiska doorashada ee ku jaango’an heshiiskii 17-kii Septmber 2020 lagu gaaray Muqdisho iyo is fahamkii labada guddi ay ku gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
  3. London ( PP News Desk) — Somalis in the United Kingdom have drawn attention to the two options for people who select Somalia as their counrty of origin. People who identify Somalia as their country of origin get asked if they are Somali or Somalilander. “This confuses parents whose children fill out the census because they might think that Somali and Somalilander are interchangeable” said Adan Ali, a community worker in West London. UK Census 2021 contains dual identities for Somali citizens — Somali and Somalilander. The British Government recognises Somalia as one country with Mogadishu as its capital city. Somalis who identify themselves as Somalilanders claim to belong to Somaliland, a “self-proclaimed republic.” “Subnational identities such as Somaliland, Puntland, Juballand, Hirshabelle, Galmudug, South West State and Jubalad do not constitute citizenship. It like asking a person who identifies his/her country of origin as China whether he/she is Chinese or Honkonger” said Faysal Yusuf, a business adviser in London. “The Census has a built-in predictive software. If you type Somal it gives you two options: “Somali or Somalilander. It’s very confusing” said a person who filled out the census form online. © Puntland Post, 2021 The post UK CENSUS 2021 CREATES DUAL IDENTITIES FOR SOMALI CITIZENS appeared first on Puntland Post.
  4. The Health Ministry will distribute Oxford-AstraZeneca COVID-19 vaccines to Somali health authorities. Mogadishu (PP News Desk) — A plane carrying the first batch COVID-19 vaccines arrived in Mogadishu earlier today. “At last our effort to secure vaccines have borne fruit. We expect more batches of the vaccine to arrive. The vaccination will begin tomorrow 16 May. Frontline health workers will be vaccinated first. We must observe preventive measures such as social distancing and washing hands regularly” said Fowsiya Abikar, the Somali Minister for Health who, with UNSOM Chief, James Swan, was at Mogadishu International Airport to witness the delivery of vaccines. Fowsiya Abikar: “We must observe preventive measures such as social distancing and washing hands regularly.” The Somali Health Ministry will distribute Oxford-AstraZeneca COVID-19 vaccines to Somali health authorities in regions. Somalia is grappling with a second wave of COVID-19. © Puntland Post, 2021 The post Covid-19 Vaccines Arrive in Somalia appeared first on Puntland Post.
  5. axaa Magaalada Hague ee Dalka Nederland ka bilaawday dhageysiga Kiiska dacwada badda Soomaaliya. Maxkamadda ICJ ayaa bilowday dhageysiga kiiskan iyadoo Kenya aysan qeyb gelin. Maxkamadda ayaa shaacisay sida ay uga xuntahay maqnaanshaha Wakiillada Dowladda Kenya ku matalla kiiskan. Khudbad uu madasha ka jeediyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxuu ku sheegay in Kenya fursado badan la siiyay. Waxaa uu Mudane Mahdi Maxamed Guuleed shaaciyay in Kenya ay xadgudub ku sameysay badda Soomaaliya. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba ka codsan Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda. Waxaa uu intaasi ku daray in Shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni ku qabaan Maxkamada ICJ, islamarkaana ay ka war sugayaan go’aanka ka soo baxa Maxkamadda. “Kenya waxaa ay markii hore ku soo xadgudubtay badda Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa in ay meel cidlo ah ka sheegato badda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Mahad Maxamed Guuleed. Mudane Mahdi Guuleed ayaa ku eedeeyay Dowladda Kenya in ay hareermartay sharuucda u daggan Maxkamadda ICJ. Dowladda Kenyaa ayaa tiro sedex jeer waxaa laga aqbalay codsi ahaa dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda, balse Maxkamadda ICJ ayaa diiday codsigii afaraad ee ka yimid Dowladda Kenya. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn bilaawday dhageysiga kiiska badda iyadoo Kenya aysan ka qeyb gelin, waxaana haawanaya kuraastii loogu talagalay ergadii ka socday Dowladda Kenya. View the full article
  6. Hague (Caasimada Online) – Waxaa bilaabatay dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya oo cudur aan buurneyn ka dhiibatay ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda oo ku taariikheysneyd maanta oo ah 15-ka bisha March. Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u furtay dhageysiga dacwadaas, waxaana khudbad ku aadan dooda Soomaaliya ka jeediyay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isagu ah madaxa u sarreeya ee hogaaminaya arrintan. Mahdi Guuleed ayaa khudbad ku aadan Kiiska ka horjeedinaya Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka, ayada oo ay ku wehlinayaan qareenada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Warkaan oo faah-faahsan la soco goordhow. Hoos ka daawo muuqaalka dhageysiga dacwadda oo toos ah
  7. Raysal Wasaare ku-xigeenka Sooomaaliya ayaa hadda sheegay ay galeen xarunta Maxkamadda Caddaaladda Adduunka si loo dhegaysto Dacwada Badda. “Waxaannu hadda gudaha u galnay Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka oo uu ka dhacaayo kiiska baddeena ee inaga dhaxeeya innaga Somaaliya iyo Kenya”. Warkan oo faahfaahsan goor dhaw la soco Source
  8. After withdrawing its troops from Somalia, the United States said al-Shabaab’s capability to carry out full-scale attacks in Kenya have been significantly degraded. Source: Hiiraan Online
  9. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya u diiday codsi ay u dirtay oo ku aadanaa in ay khudbad u jeediso maxkamadda ka hor inta aysan billaaban dacwadda Soomaaliya kala dhaxeysa. 11-kii March 2021 dowladda Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay 30 daqiiqo oo gorsoorayaasha maxkamadda ay kala hadleyso sababta ay Kenya ay uga hartay dhageysiga dacwadda. Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa shalay sheegtay iney war rasmi ah ka soo saari doonto muranka ay Kenya gelisay badda Soomaaliya ka hor dhageysiga ICJ. Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya ayaa wargeyska the standardmedia.co.ke u sheegay sida ay uga xuntay Kenya habka ay maxkamadda ku wado dacwadda isagoo ula jeeda in maanta la dhageysanayo Soomaaliya oo kaliya. Bishii February ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay ku gacan sayrtay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya. Galabta ayey maxkamadda furmi doontaa, waxaana la dhageysan doonaa dooda garabka Soomaaliya oo todobaadkii hore xaadiray magaalada Hague ee dalka Holand, halkaas oo ay ku taallo xarunta dhexe ee maxkamadda. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aan ay Kenya uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March. “Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray. Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah. Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: The Standardmedia Mogadishu-Somalia
  10. Laamaha Ammaanka Jubbaland ayaa goor-dhaweyd gacanta ku dhigay lacago been abuur ah iyo waxyaabo maanka dooriya oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Xeer ilaaliyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan Saciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen xeebta Kismaayo lagu qabtay dooni sidday 65 milyan shilin Soomaali been abuur ah iyo maandooriyaha xashiishka, kuwaasi oo la doonayay in gudaha magaalada la geliyo. Maxamed Sheekh Cismaan ayaa xusay in sidoo kale ciidamada ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo lacagaha been abuurka ah iyo waxyaabaha maanka dooriya waday, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah. View the full article
  11. Somalia on Monday received the first shipment of 300,000 doses of Oxford-AstraZeneca vaccine to help contain the spread of the COVID-19 in the Horn of Africa nation. The health ministry said the first shipment will target frontline workers, the elderly, and people with chronic health conditions and aims to reduce deaths and diseases caused by the pandemic. “The arrival of the COVID-19 vaccines happens at a critical time as Somalia is now experiencing a new wave of the epidemic. It can be contained if all countries stand together, Somalia included,” Fawziya Abikar Nur, minister of health and human services said in a statement issued in Mogadishu. “I call on all health workers and people at high risk who have been prioritized to receive vaccines from this first batch, so we can protect our health workforce, other frontline workers, and high-risk people,” Nur added. The minister said the government has secured enough vaccines from the COVAX Facility to vaccinate at least 20 percent of the population. Nur said the government is in the process of assessing ways of providing vaccines for more people. “We have strong systems in place to carry out immunization campaigns and enable the safe delivery of the COVID-19 vaccines to frontline workers. This first roll-out of the vaccination will be a landmark step in Somalia’s fight against COVID-19,” she said. She said Somalia has recorded 8,946 confirmed COVID-19 cases including 349 deaths since March 2020. From Feb. 1 to 22 this year, a total of 1,432 new cases and 76 deaths were reported in Mogadishu alone. This, the officials said, has been the largest increase in a week since May-June 2020 when the epidemic peaked at between 500-600 cases a week. James Swan, UN secretary-general’s special representative for Somalia said the world body is ready to support the Somali authorities for the COVAX vaccine roll-out. “We are committed to supporting the government of Somalia to reach out to the most vulnerable groups and frontline workers to ensure that spread of the virus is contained, and that Somali people recover quickly from this pandemic and the country continues making progress towards peace and stability,” Swan said. The vaccine, which has been validated by WHO for emergency use and is licensed to the Serum Institute of India, only requires standard refrigeration which makes it easier to transport and store. To create awareness among families on the importance of being vaccinated against the virus, social mobilizers will be deployed to communities to encourage the use of the COVID-19 vaccine. They will also reinforce the importance of continuing COVID-19 prevention measures, including washing hands frequently, wearing face masks and observing physical distancing. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kiiska badda ee ay muranka galisay Kenya, taasoo maanta loo fadhiyo dhageysigeeda, wuxuuna Soomaalida ku booriyay in loo midoobo qadiyaddaas. Xasan Sheekh ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof kaalin mug leh ka qaatay kiiskaan, isla markaana xukuumadiisa ay tahay middii ugu horreysay ee kiiskaan geystay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. “Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu Facebook kusoo qoray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah” Iyadoo ay Kenya isaga baxday kiiska, ayaa dacwad dhageysiga maxkamadda ay jirtaa maanta, waxaana magaalada Hague ee dalka Holland ku sugan wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March. “Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray. Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah. Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri
  13. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Muqdishobu jooga wada xaajoodka Doorashada ayaa maanta kulan la qaatay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Kulankii Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto Madaxweyne Deni iyo Ambasador Donald Yamamoto oo kulankoodu socdey 45 Daqiiqo ayay wada falanqeeyeen Caqabadaha hortaagan Doorashada, Warar rasmi ah kamasoo bixin kulanka laakiin sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Safiirka Maraykanku wuxuu soo jeediyay in Puntland ay qayb ka noqoto sidii horay loogu soconayaa iyadoo Safiirka Maraykanku uu Codsadey in Puntland ay aqbasho in ay Villa Soomaaliya taagan. Madaxweyne Deni wuxuu Safiirka la wadaagay Waxyaabihii ay isaga iyo Musharixiintu ka wadahadleen, wuxuuna gacanta ka saaray Safiirka Warbixin ay soo wada Diyaariyeen Musharixiinta iyo Deni iyo Axmed Madoobe warbixintaasoo ka hadlaysa waxyaabaha hortaagan in Dalka Doorasho ka dhacdo. Kulankiii James Swan iyo Madaxweyne Deni Madaxweynuhu wuxuunisna la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay James Swan oo ah Ninka Garwadeenka ka ah Wadahadalada Doorashada, Swan wuxuu Madaxweyne Denibu sheegay in kulankii lagu balansanaa uu Madaxweyne Farmaajo sharuudo ku xiray, Sharuudahaasoo ay kamid yihiin in Kulanka loosoo wareejiyo Villa Soomaaliya. Madaxweyne Deni wuxuu Ergayga Gaarka ah u sheegay Caqabadaha dhabta ah ee hortaagan in Dalku Doorasho aado, Cabadahaasna wuxuu ku eedeeyay Madaxwwynaha Xilkiisu dhamaadey inuusan doonayn in uu Doorasho galo. Warar hoose uu Puntlandi helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu Ergayga Gaarka ah u gudbiyey Warbixin ay soo wada Diyaariyeen isaga, Musharixiinta iyo Jubbaland warbixintasoo ku saabsan Waxyaabahabdhabta ah ee hortaagan in Dalka Doorasho ka dhacdo. Waxaad moodaa sida hada waxbu socdaan in Puntland, Jubbaland iyo Musharixiintu aysan muujinaya Dulqaad dambe oo ay u muujiyaan Madaxweyne Farmaajo. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne Deni oo mid mid ula kulmay Xubno ka socda Beesha Caalamka appeared first on . Source
  14. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ku fuliyey illaa afar qof, kuwaas oo lagu eedeeyey fal basaasnimo ah. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, waxaan goobta ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab & dadweyne kale. Al-Shabaab ayaa sheegay in ragga la toogtan ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo diyaaradeed & dilal ka dhacay gobollada Jubbooyinka iyo Baay ee K/ Soomaaliya. Ragga la toogtay ayaa kal ahaa Axmed Cali Dhuxul oo 50 jir ahaa, Cali Cumar Axmed oo 42 sano jir ahaa, Aadan Duuble Xasan oo 59 jir ahaa iyo Ibraahim Cimraan Hoorow. Dhammaantood waxaa raggan lagu eedeeyey inay basaasiin u ahaayeen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, islamarkaana ay fududeeyeeyn duqeymo diyaaradeed. Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana bishii lasoo dhaafay magaalooyinka Jilib, Bu’aale & sidoo kale Ceel Cadde lagu dilay 14 ruux oo lagu eedeeyey inay ahaayeen jawaasiis, ayna hagayeen diyaaradaha dagaalka ay duqeymaha ka fuliya halkaasi. View the full article
  15. Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in howl-galka uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya Saraakiil milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inat howl-galkaasi ku gubeen gaari Saaruf ah oo siday waxlaha qarxa. Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa intaasi kusii daray inay howl-galkaasi ku dileen wadihii gaariga oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi iyo qaraxa ay fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  16. Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey Liiska Magacyada Musharaxiinta Kulmiye ee Wakiilada & Degaanka u taagan Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo saaray liiska Murrashaxiinta xisbigaasi ee gobolka Togdheer, gaar ahaan murrashaxiinta golaha wakiillada iyo Golaha Deegaanka Burco. Qaran News
  17. NAIROBI, Kenya Kenya will not take part in the hearings of its maritime dispute case with Somalia that start at the International Court of Justice (ICJ) on Monday, local media reported on Sunday. The decision has been taken in protest over the “bias and unwillingness of the court” to accept Kenya’s request to delay the hearings due to the COVID-19 pandemic, according to local daily Nation. “Kenya wishes to inform the court, through the Registrar, that it shall not be participating in the hearings in the case herein, should the same proceed from March 15, 2021, as presently scheduled,” Attorney General Kihara Kariuki said in a letter to the ICJ. “Since the case is not urgent for any reason, Kenya least expected that the court would make this into the first case to be heard on its merits via video link, despite one party’s sustained, well-grounded objections”. Kenya also protested the presence of Abdulqawi Ahmed Yusuf, a Somali national, as one of the main judges for the case. “Kenya’s concerns and perception of unfairness and injustice in this matter are exacerbated by the inexplicable rejection of Kenya’s preliminary objections to this court’s jurisdiction and the dismissal of the request for the recusal of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, given his past exposure, on behalf of Somalia, to the issues in this case,” read the letter. Kenya argued that the court should have granted its requests because the country has taken “extensive measures that are illustrative of its good faith and seriousness in defending the maritime case, including by filing pleadings within the timelines directed by the court.” The dispute between the East African countries relates to a resource-rich area of 62,000 square miles (160,580 square kilometers) in the Indian Ocean. The disputed maritime territory is believed to hold vast oil and gas deposits and is also one of East Africa’s richest fishing grounds aa Qaran News
  18. Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa saaka magaalada Muqdisho laga dajiyay. Wasiiro ay horkaceyso wasiirka caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur, ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka. Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya. Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah. Muxuu yahay talaalkan? Shirkadda AstraZeneca ee soo saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore. Talaalka sidiisaba, wuxuu unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19. Natiijooyinka ka soo baxay hay’adda Caafimaadka Dadweynaha England (NHS), waxay ku saleysan yihiin dadka da’doodu ka weyn tahay 80 sano, oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee laga billaabay tallaalkan. In ka badan 10,000 qof oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkan. Waa tallaal laga sameeyay nooc daciif ah oo laga helo fayraska caadiga ah ee hargabka ku dhaco qaar ka mid ah xayawaanada oo loo yaqaano adenovirus. Waxaana loo habeeyey qaab u eg cudurka korona balse ma sababi karo wax xanuun ah. Marka la isku duro, wuxuu difaacayaa jirka oo baranaya sida loola dagaallamo fayraska dhabta ah, haddii loo baahdo. Si ka duwan tallaalka Pfizer, oo ay tahay in lagu hayo meel ka qabow (-70C), tallaankan Oxford waxaa lagu keydin karaa qaboojiye caadi ah. Tani waxay fududeyneysaa in la geeyo talaalkan meelo badan. Tijaabo lagu sameeynayay talaalkan ayaa mar sababay in laga hakiyo guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay. Waxay ahayd markii labaad oo hakad lagaliyay talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabada talaalka la dhigay isbataal laguna sameeyay baaritaan madaxbanaan. Walaaca laga qabo nooc ka mid ah tallaalka covid-19? Netherland ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hakiya isticmaalka tallaalka korona ee AstraZeneca sababo la xiriira walaac ka imanaya dhibaatooyinka uu keenay. Dowlada Dutch ayaa sheegtay in talaabadan oo socon doonta ugu yaraan illaa 29-ka bisha Maarso ay tahay mid taxadar ah. Jamhuuriyadda Ireland ayaa mar sii horreysay go’aan la mid ah ka qaadatay ka dib markii warbixinno lagu sheegay in xinjirowga dhiigga ee dalal badan laga soo weriyay. “Dalalka waa in aysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira in uu keeno xinjiro fadhiista dhiigga, iyadoo aysan jirin wax muujinaya in ay taasi run tahay,” ayuu yiri Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO. Bulgaria, Denmark iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaas. Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjiraha dhiigga galay. Margaret Harris, ayaa sheegtay in “tallaalkan uu yahay mid aad u fiican” oo ay tahay in la sii wado isticmaalkiisa. Ilaa 5 milyan oo Yurub u dhashay ayaa illaa iyo hadda qaatay tallaalka AstraZeneca. Waxaa jiro illaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo ka mid ah dadkii tallaalka qaatay oo uu ku dhacay xinjirowga dhiigga. Waxaa sidoo kale jiro warar sheegaya in nin 50 sano jir ah uu ku dhintay Taliyaaniga ka dib markii uu xanuunsaday. WHO ayaa baareysa wararkaas, sida ay sheegtay Ms Harris. Balse wax xiriir ah oo la ogaday inuu ka dhaxeeyo tallaalka iyo dhibataooyinka la sheegay ma jiro, sida ay sheegtay afhayeenka. Go’aanka Bulgaria ee lagu joojinayo qeybinta tallaalka ayaa yimid ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen dalalka Denmark, Iceland iyo Norway iyo sidoo kale Thailand. Taliyaaniga iyo Austria ayaa sidoo kale joojiyay qeybo ka mid ah xirmooyinka tallaalka. Hay’adda Dawooyinka ee Yurub, iyo waaxda xakameysa dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa goor sii horreysay sheegay in aysna jirin wax muujinaya in tallaalku uu sababo xinjiro dhiigga dhex fadhiista. AstraZeneca ayaa sheegtay in badqabka tallaalka si wayn loogu baaray sheybaarrada. Dalalka kale, sida UK, Jarmalka, Australia iyo Mexico, ayaa sheegay in ay sii wadayaan isticmaalka tallaalka. ISHA: BBC SOMALI
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto. Madaxweyne Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay safiirka Maraykanka, halkaas oo ay kulan gaar ah ku yeesheen labada mas’uul. Kulanka waxa looga hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Waxa kale oo kulanka looga hadlay arrimaha shirka ku saabsan doorashooyinka oo la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Deni iyo Yamamoto? appeared first on Puntland Post.