Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xuutiyiinta oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaali Muhaajiriin ah Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin duqeyn ay ka geysteen xarun lagu hayay muhaajiriin u ay ku jiraan Soomaali badan. Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca. Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay. Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo. Qaran News
  2. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo hadal ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland, ayaa sheegay in dowladdu mas’uuliyad weyn iska saartay bixinta xuquuqda iyo mushaharka ciidamada kala duwan. Wasiir Abgaal ayaa sheegay in dhammaan Ciidamada Puntland si dhammaystiran loo qalabeeyay, islamarkaana saddex jibbaar loo kordhiyay mushaharka iyo xuquuqdooda kale, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalka. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in askari kasta oo ka tirsan Ciidamada laga doonayo, in uu si buuxda u guto waajibaadka kaga aaddan difaaca Puntland, isagoo ballan-qaaday in askari kasta dowladda ka heli doono daryeel caafimaad oo dhammaystiran. “Waxaan ballan-qaadaynaa ka dhaawacma in aan caafimaadkiisa iyo dawadiisa ka shaqayno, haddii ay kalliftana aan diyaarado u qabanayno oo dhaqtar meeshan doono ugu gaynayno” ayuu yiri wasiirk Xasan Abgaal. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal: waxa si buuxda loo qalabeeyay Ciidamada oo sadex jibaar loo kordhiyay Mushaharka appeared first on Puntland Post.
  3. Qarax ruxay Qeybo ka mida magaalada Muqdisho Laamaha ammaanka ayaa sheegay inaanu jirin khasaare ka dhashay qarax goor dhaweyd ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay inay ka war heleen goobta qarax la dhigay, kaddiba ay xdhreen waddooyinka u dhow goobta. Sida uu soo sheegayo waryaha VOA C/qaadir Okey, inta aysan goobta soo gaadhin ciidanka booliska qeybtooda u tabababaran ka hortagga qaraxyada ayuu bamkan iskiis u qaraxay. Qaraxan ayaa ka dhacay Degmada Waabari meel ku dhow ee Number Afar ee magaaladda Muqdisho. Qaran News
  4. Dayax gacmeedkii dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay NASA ayaa si buuxda ugu guuleysatay tijaabada matoorka dayax gacmeed dunida ugu awoodda badan oo la sameeyey, waxaana tijaabada lagu sameeyey xaruunta dayax gacmeedka hawada sare looga diro ee NASA. Matoorka ayaa daarnaa ama shidnaa muddo 8 daqiiqo ah taasoo u dhiganta qayaasta dayax gacmeedka uu ku tagi karo masaafada u dhaxeyso dhulka iyo hawada sare. Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo la sameeyey tani iyo bishi Jannaayo marki la joojiyey tijaaba tan la mid ahayd oo la hakiyey. NASA ayaa qorsheyneysa dusha sare ee dayaxa iney bani aadam u dirto, isku daygaasi oo noqonayaa kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo 1972-kii. Mashruucan dayax gacmeedka dunida ugu weyn hawada sare loogu dirayo wuxuu qayb ka yahay mashruuca NASA ay waddoo uu sanadkii 2017-kii uu billaabay maamulkii Trump. Tijaabada matoorka dayax-gacmeedka ayaa lagu sameeyey matoorrada oo dhulka yaalla. Waxaana dayax gacmeedka ku xiran 4 matoor oo awood badan uu noocooduna yahay RS-25. Matoorradan awoodda badan ee RS-25 oo ay sameysay shirkadda Aerojet Rocketdyne uu fadhigeedu yahay California. Kooxda dayax gacmeedka sameysay ee NASA ka socotay iyo shirkadda Boeing oo sameynta dayax gacmeedka qandaraaska lagu siiyey si ay macluumaadki matoorka ay uga baahnaayeen ay u helaan wuxuu matoorka u daarnaa oo keli ah 4 daqiiqo. Guddoomiyaha guddiga joogtada ee Sayniska, Hawada sare iyo Teknooliyadda aqalka hoose ayaa farriin hambalyo ah oo ku aaddan tijaabada lagu guuleystay u diray hay’adda NASA. Qiiq hawada isku shareeray oo ka baxaya afarta matoor ee xaruunta NASA lagu tijaabiyey Eddie Bernice Johnson oo xisbiga dimuqraadiga ku matasha gobolka Texas waxay sheegtay, “Howshan dhaxal galka ah ee lagu guuleystay ay muujineyso geesinimada iyo dadaalka loo galay.” Waxayna intaa ku dartay: “Tijaabada maanta la sameeyey ay dhowr tallaabbo noo sii dhaweyneyso inuu Mareykanka uu ku soo laabto hoggaaminta dunuda ee cilmiga hawada sare oo dayaxa lagu tagay iyo inaan iisu diyaarinno sidi aan meeraha Mars uga dajin laheen Bani aadam (qof nool). Matoorradii 1960-kii loo isticmaalay dayax gacmeedkii Apollo waxay suuragaliyeen in lagu guuleysto in dayaxa laga dago. Injiineerada Khamiisti tijaabada sameeyey waxay sheegeen iney matoorrada ka buuxiyeen tamar quwadda matoorrada soo saarta oo u dhiganta 2.6 malyan oo Litir. Waxyaabaha tamarta dayax gacmeedka loo adeegsadayna waxay sheegeen isugu jiraan maaddada Hydrogen oo dareera ah, gaaska gantaalka xambaara dayax-gacmeedka uu isticmaalo iyo Oxygen dareera ah oo shidaalka ka caawinayo inuu gubto. Qaran News
  5. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay lix ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab ku qabteen hawlgalka oo laga fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale waxay tilmaameen in ciidamadu gubeen xarumo Al-shabaab u isticmaali jireen xabsiyo halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan. Hawlgalka waxa sidoo kale Al-shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shalay loo doortay guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ayaa meesha ka saaray in waxa uu ka damacsan yahay dhismaha madashan cusub ay tahay inuu xil ku helo. Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu yahay midnimo doon iyo Soomaali in la isu keeno, isagoona ku guubaabiyay cid kasta oo Soomaaliyeed inay garato waxa saxa ah iyo waxa horyaala. Cabdi Xaashi Xaashi ayaa ku celceliyay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka gudubto oo ka baxdo qabiilka, isagoona soo qaatay erayo suugaaneed guubaabo aheyd oo dalka hodan yahay, Soomaalidana u muuqan kheyraadka alle ku maneystay. “Waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, haddana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. “Inagoo isku duuban oo iska jecelahay anigu, inaanu reer hebeleyn ee aanu midnimadu Soomaaliyeed, heshiis Soomaaliyeed iyo doorasho Soomaaliyeed heshiis lagu yahay sidii aan lagu gaari lahaa inaanu ka tashano mudadaasi,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo sheegay in isagu aheyn xil doon. “Aniga xil doon ma ihi laakiin midnimo iyo Soomaali doon baan ahay,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay madashii looga dhawaaqay madasha Badbaado Qaran. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo miisaan siyaasadeed ku leh xubnaha gobolada Waqooyi kasoo jeeda, isagoona si weyn ugu soo horjeeda siyaasadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, sababta loogu doortayna guddoomiyaha madasha badbaado qaran ay tahay miisaanka siyaasadeed iyo in mucaaradka ay helaan awooda xildhibaanada Waqooyi.
  7. Dowladda Russia ayaa u yeeratay safiirkeedi Mareykanka Anatoly Antonov, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyaha Russia Vladmir Puttin ku tilmaamay inuu yahay dilaa. Sarakiisha Washington ayaa si deggan uga jawaabaya in Moscow ay si wada tashi ah ugu yeeratay safiirkeedii, waxaana xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rusia sheegtay inay raadineyso qaab lagu saxo. “Waxaan xiiseyneynaa inaan ka hortagno inuu dhaco khalad aan dib loo sixi karin haddii Mareykanku ogyahay halista ku gadaaman inuu xumaado xiriirka labada dhinac” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Russia. Ku dhawaaqista Moscow ee u yeerashada safiirkooda ayaa timid wax yar kaddib markii TV-ga ABC uu soo daayay wareysi uu la yeeshay madaxweyne Biden, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynaha Russia uu cawaaqib xumo kala kulmi doono haddii aanu joogin falal uu ku sheegay inay yihiin kuwa xun, ayna ka mid yihiin faragalinta doorashooyiska Mareykanka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo dib ugu yeertay safiirka u fadhiya Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  8. Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin duqeyn ay ka geysteen xarun lagu hayay muhaajiriin u ay ku jiraan Soomaali badan. Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca. Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay. Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London
  9. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in wax uu ugu yeeray “waddada lagaga soo xerayo” talaalka dalkiisa soo saaray inaysan caqabad ku noqon doonin arrimaha tallaalka Oxford-AstraZeneca, shacabka dalkiisa iyo guud ahaanna dunida u sheegay inuu tallaalkaasi yahay mid ammaan ah oo la hubiyay. Boris Johnson ayaa intaa ku daray in isagu u qaadan doono Jimcaha “Maanta” talaalka Oxford-AstraZeneca, wuxuuna sheegay in faa’iidooyinka tallaalka uu yahay ka-hortaga iyo difaaca cudurka COVID-19. Ra’iisul wasaare Boris ayaa intaa raaciyay cudurka Covid-19 halistiisa tahay mid ka awood badan tallaalka shakiga la geliyay, isagoona dadka ku booriyay inay qaataan guud ahaan shacabka ku nool UK iyo dunida kale. Hadalka ra’iisul wasaaraha UK uu ka jeediyay Downing Street ayaa wuxuu kaloo ku sheegay in UK dib u dhac ku yimid tallaalka bisha April aysan saameyn ku yeelan doonin dardar gelinta howlaha tallaalka, kadib markii hay’adda caafimaadka UK ee NHS ay ka digteen in la yareeyo agabka tallaalka bisha Abriil. Dib u dhaca tallaalka bisha April ayuu Mr. Johnson wuxuu ku xaqiijiyay in sahayda tallaalka AstraZeneca inay saameyn ku yeelatay dib u dhac ku yimid shixnadaha tallaalka Oxford-AstraZeneca ee ka imaan lahaa Machadka daawooyinka Serum ee dalka Hindiya. Seynisyahanada iyo hay’addaha qaabilsan hubinta iyo bedqabka daawooyinka ee UK iyo midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in aysan jirin wax caddeyn ah in tallaalka Covid-19 uu sababay xinjiro dhiig. Dalal ka tirsan Yurub ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca iyagoo ku sababeeyay tiro dad ah oo dhan 37 qof in lagu arkay dhiig xinjiroow markii ay tallaalka qaateen kadib, mana jirto cid u dhimatay oo lasoo wariyay. Ali Muhiyaddiin Caasimada, London, UK
  10. Mogadishu (PP News Desk) — A new political alliance has come into existence in Mogadishu ahead of a crucial electoral summit planned to take place in the Somali capital city. Dubbed the Somali National Salvation Forum, it brings together the Union of Somali Presidential Candidates, the Speaker of the Upper House, Jubaland and Puntland Presidents. The Forum has selected Sharif Sheikh Ahmed, a former President, as the Chairman. Puntland President Said A. Deni (left) and Jubaland President Ahmed M. Islam (right) unveiling the new political alliance against the incumbent Somalia’s President Mohammed Abdullahi Mohammed In a statement for the media, the Forum accused the incumbent Somali President Mohammad Abdullahi Mohammed of undermining the 17 September Electoral Agreement, a position that the Union of Presidential Candidates has adopted pragmatically despite supporting the 17 September Agreement that Puntland and Jubaland allegedly breached despite the Federal Government of Somalia making concessions to abrogate the electoral law that could ensure one person, one vote elections in Somalia. The Forum created a new controversial title for the Chairman of the Upper House Abdi Hashi, who becomes the Chairman of Somaliland Political Council. The Forum accuses the Federal Government of Somalia of using security forces and the National Army against “demonstrators”. The accusation comes on the heels of a statement by the former Somalia President Hassan Sheikh Mohamud who said that “Union of Presidential Candidates will be in charge of security during demonstrations.” Former President Sharif Ahmed and Jubaland President were senior members of the Union of Islamic Courts. “The Somali National Salvation Forum supplanted the Union of Somali Presidential Candidates. It is not political realignment. It is an attempt by Somalia’s post-Islamists to return to power” said Abdi Sarey, a radio journalist and political commentator in Mogadishu. “The Forum questions the existing government institutions and subtly proposes parallel electoral processes. This does not bode well for the impending summit” he added. © Puntland Post, 2021 The post Jubaland and Puntland Presidents Form Political Alliance with Presidential Candidates appeared first on Puntland Post.
  11. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caaalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa galabta soo gabagabeysay dhagaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qareenadii iyo guddigii ka socday dowladda Soomaaliya maxkamadda u gudbiyeen codsi ka kooban seddax qodob. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey seddaxda qodob ee ku xusan codsiga gabagabada u ahaa doodii lagu difaacayey badda Soomaaliya ee maalmihii lasoo dhaafay maxkamadda ka socotay, kuwaas oo kala ah. 1 –In Maxkamaddu diido dalabaadka iyo codsiyadda Kenya ay gudbisay sanadkii 2018-kii, kuwaas oo ahaa in xadaynta badda saldhig looga dhigo parralelle of latitude oo ah sida ay Kenya xariiqdinta u jeexatay, lana aqbalo xadaynta Soomaaliya gudbisay. 2 –In Maxkamaddu xadayso dhul badeedka iyo soohdinta badwaynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto qalfoof badeedka 200 NM, loona xadeeyo si waafaqsan xeerarka badda iyo kuwa Caalamiga ah. 3 –In Maxkamaddu go’aamiso caddaysana in dhaqanka Kenya ee dhul-badeedka la isku haysto uu xad-gudub ku yahay waajibaadka Caalamiga ah ee dowlad ahaan saaran iyo in Kenya masuul ka tahay si waafaqsan xeerarka Caalamiga inay ka bixiso magdhow. Qodobkaan dowladda Soomaaliya waxay maxkamadda uga dalbatay in lagu soo wareejiyo dhammaan macluumaadka ay Kenya ka heyso badda ay muranka ka gelisay Soomaaliya, macluumaadkaas oo laga xusay sahminta ay Kenya ka samaysay goobaha ay Maxkamaddu ka xukunto ee hoos imaanaya dhul-badeedka madaxa-banaan ee Soomaaliya. “Dacwaddda badda Soomaaliya waxay u dirtay xukun, waxaana la filayaa in xukunka uu ku soo baxo bilooyin. Maadaama dooda iyo difaaca qareenadu ahaa mid aad u sareysa, rajadeenu aad ayay u fiicantahay guulna waan rajayneynaa,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka mid ah guddiga ay maxakamadda u dirtay dowladda Soomaaliya. Hoos ka Daawo
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1832021.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ‘Golaha Badbaado Qaran’ oo ah isbaheysi siyaasadeed oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta gobollada waqooyi. Gaba-gabadii kulankii maanta looga dhawaaqay dhismaha golahaas waxaa hadal ka jeediyey guddoomiye Cabdi Xaashi, isagoo sheegay in dhibaato badan oo ka dhalatay talo la’aan ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed halkaan dhigtay, welina ay heysato, balse maanta ay u istaageen inay ka samata-bixiyaan. “Baaqa galabta halkan kasoo baxay, waa baaq talo cad bixinaya, oo inta naga maqan aan qabo inay kusoo biiri doonaan, oo aysan diideyn in Soomaali heshiiso oo ay doortaan madax dalkooda u naxda,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo loo doortay guddoomiyaha golahan. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Waxaa inagu jira dad arkaaya dhibaatada na hortaalla, laakiin aan laga akhrisaneyn ama laga dhageysaneyn, marka waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, hadana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka.” Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in xilka loo igmaday ee hoggaaminta Golaha Badbaado Qaran uu aqbalay, balse uusan xil-doon aheyn ee uu midnimo doon yahay. Madasha Badbaado Qaran waxay golaha hogaaminta sare u dooratay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Hoos ka Daawo
  14. Somali security forces have managed to avert an attack in the capital, Mogadishu on Thursday evening. A witness said the police dismantled IEDs planted in the vicinity of KM4 junction which is a nerve road that links the airport to the presidential palace. No casualties reported as a result of the foiled blast, according to the police View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad ka jeediyey kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee lagu dhisay ‘Golaha Badbaado Qaran’ kaas oo ay ku midoobeen Madaxda Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu horeyn sheegay in sababta loo aas-aasay golahaan ay tahay badbadinta dalka, “Maanta waxaan taaganahay inaan la shirin, inaan wax la iska weydiin yaa talo ku leh dalka, waxa dhibkaan nasoo gaarsiiyey waa kalitalisnimo,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in golahaan aan loo sameyn in wax lagu boobo, balse ay ka shaqeynayaan in la isku yimaado oo laga wada tashado, sidii dalka looga samata bixin lahaa marxaladaan. Garabka dowladda federaalka ayuu ku eedeeyey inay si gooni ah wax ula cararayaan, sigoo tusaale u soo qaatay guddiyadii kala metelayey dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada taabacsan DF ee maanta ku shiray Hotel Decale. “Caawa habeenkii 11-aad ayaan Muqdisho joogaa, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyaa shiraya leh, xitaa su’aalo la iskama weydiin inaan joogo iyo inaan maqanahay, anaa isku jooga, anaa isku imid, hadana waxay naleeyihiin guddi wasiiro ah soo dira, taasi waa nasiib darro,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa beesha caalamka iyo cid kasta oo Soomaaliya caawineysa ka dalbaday in aysan garab siin qof doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo ‘Anaa iri’. Hoos ka Daawo
  16. Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi , Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Musharixiinta Madaxweynaha waxay Maanta ku dhawaaqeen Isbahaysi Siyaasadeed oo ay sheegeen in Dalka lagu badbaadinayo. Isbahaysigaab Cusub ayaa muujinaya in ay ay soo kordhin caqabado hor leh oo hor taagan Doorashada, Dadka ku xeeldheer Siyaasada Soomaaliya Khaasatan Xiliga kala guurka, Waxay ku macneeyeen in xiligaan lagu dhawaaqo Isbahaysigaan Cusub Dhowr Arimood in ay sababab u yihiin oo kala ah . In ay luntay Rajada laga qabo in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi inuu Dalka ka qabto uu Doorasho loo dhan yahay In Dalku uu ku socdo wado Qaldan oo horseedi karta Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni Beesha Caalamka oo la dareemay iney ka quusteen Madaxweyne Farmaajo sidaas awgeed loo aasaasay Isbahaysigaan si loo helo Awood kale oo ka Taliska aayaha Dalka, Awoodana iney Doorasho Dalka gaarsiiyaan. Sida muuqata Isbahaysigaan Cusub ma yimaadeen hadii rajo laga qabo Shirka loo balan San yahay, Waxaa halkaas ka cad in aad loo kala fogaadey, Khaasatan Kulamadii ugu Dambeeyay ee dhex maray Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga Musharixiint ayaa laguu soo waramayaa in rajo xumo weyn lagala kulmay. Macada Talaabada ugu horaysa ee uu qaadayo Isbahaysigaan , iyo qaabka ay u wajahayaan Shirka lagu balan sanyahay ee Afisyooni. Sawiro hoos ka daawo Puntlandi.com Muqdisho The post Isbahaysiga Cusub ee Lagu aasaasay Muqdisho Muxuu yahay ujeedkiisu appeared first on . Source
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta hadal ka jeediyay kulankii looga dhawaaqayay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ugu baaqay ciidamada qaranka Soomaaliya in aysan qeyb ka noqon khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxda. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamadu kamid yihiin hay’adaha joogtada ah ee qaranka, hadafka ugu weyn ee xiligan horyaalla uu yahay la dagaalanka ururada argagixisada iyo ilaalinta nabadgalyada iyo xisiloonida dadka Soomaaliyeed. Madaxweyanaha Puntland wuxuu tilmaamay in kala aragti duwanaanta siyaasiyiin ay leedahay hannaan loo xaliyo, ciidamadana looga baahan yahay sugida amniga guud iyo in aysan qeyb ka noqon khilaafka siyaasiga ah. Wuxuu ku baaqay in ciidamada qaranka ay u jihaystaan cadowga dalka, taas baddelkeedana aysan ku soo hoos noqon bulshadooda. Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha Puntland PUNTLAND POST The post Deni oo fariin u diray ciidamada qaranka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU (HOL) -The opposition in Somalia Thursday announced a new alliance with two Federal Member State leaders who are fiercely opposed to President Mohamed Farmaajo in what is likely to open a new battle as prospects for a negotiated settlement for elections become more elusive. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee looga dhawaaqay isbaheysi cusub ee loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ ayaa waxaa khudbado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha ku bahoobay golahan, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey sababta loo aas-aasay golahaan cusub ee siyaasadeed. Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga. Waxuuna golahaan ka shaqeyn doonaa sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo dalka laga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho la boobay, sida ay ku sheegeen war-murtiyeed ka soo baxay galabta. Ugu horeyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in golahaan loo aas-aasay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho wadar-ogol ah. “Dimoquraadiyadda curdunka ah ee ka jirta Soomaaliya waxay u baahan tahay ilaalin, waxaan u istaagnay waajibka naga saran in dalka ay doorasho xor ah ka dhacdo, waxaan Ilaahey ka baryaa inuu nagu guuleeyo taas,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ififaalooyinka socda ee ku hareereysan doorashooyinka ma ahan kuwo muujinaya in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, taas ayaa keentay in la aas-aaso golahaan. Asbaabta loo doortay in 4-tii sanaba mar ay doorasho dhacdo, waa in uusan imaan isku dhajis kursiga ah oo sababa in dhiig daato ama dowladnimadu burburto.” Hoos ka Daawo
  20. Salaam Somali Bank (SSB) continues to provides free microfinance to small businesses in the country as part of a grant program aimed at improving the fledgling economy. On Thursday, the Bank’s branch in the KM5 in Mogadishu has provided free microfinance to the local traders, including women to help improve their small and evolving businesses. Speaking at the event, one of the beneficiaries of Salaam Somali bank’s free microfinance in the town has greatly thanked the Bank for the free microfinance support it provided him that makes sense. In its vital service, Salaam Somali Bank has gained praise for its commitment to improving Somali people’s lives through investment and a free microfinance fund created to assist local traders. The bank says the free microfinance to the local traders is part of its annual free microfinance fund to develop and improve small businesses in all regions of Somalia. In addition, the bank based in Mogadishu also supports entrepreneurs by providing early stage and growth financing with active support for special youth and women entrepreneurs. The fund aims to empower entrepreneurs with an inspiring vision to solve big problems and create commercial solutions in Somalia, a country that has been beset by decades of conflict and famine. View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-1832021.mp3 View the full article
  22. Dhegeysiga dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague. Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan Maarso, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah. Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah. Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah. Dacwaddani waxay billaabatay sanadkii 2014-ka, waxayna soo martay marxalado kala duwan. Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood. Soomaali aan badneyn laakiin oo qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya ka socotay. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa ergagda Soomaalida View the full article
  23. Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee arrimaha Doorashooyinka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in maanta uu furmay shirkii Guddida Farsamada ee arrimaha Doorashoyinka Qaranka. Wasiirku waxa xusay in xubnaha guddidu ka doodeen diyaarinta ajandayaasha shirka Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelanayaan dhowaan. “Shirkan guddida farsamadu wuu furmay, waanu sii soconayaa maalmaha soo socda, waxaan rajaynaynaa in dhowaan ay inoo qabsoonto doorasho hufan oo horumar inoo horseedda”. Ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article