-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The President of Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoor Qoor) met with the envoy of the African Union and Head of AMISOM Amb. Francisco Madeira . According to the sources, Qoor Qoor and Madeira discussed efforts to improve security in Galmudug. They also discussed electoral issues and efforts to finalize the electoral process in the coming talks between the regional states and the Federal Government of Somalia. In the past few days, the international community has been trying to push the leaders of the country to hold a meeting in Mogadishu that seeks an inclusive deal on the election. View the full article
-
Dodoma (Caasimadda Online) – Saamiya Xasan ayaa taariikhda u gashay dalka Tanzania kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota, waxeyna badashay John Magafuli oo si lama filaan ah geeridiisa loo baahiyay. Haweeneydaan ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalka Tanzania iyadoo Kitaabka Qur’aanka gacanta ku heysata, waxeyna dhaarinta ka dhacday aqalka looga taliyo dalka ee ku yaalla caasimadda ganacsiga dalkaas Daara Salaam. Ibraahim Juma oo ah xaakimka guud ee dalkaas ayaa dhaariyay Saamiya Xasan, waxeyna muddo 6-sano ah ku xigeen u aheyd madaxweynahii geeriyooday, waana qof ay aad u amaaneen xildhibaanada dalkaas oo u warramay BBC-da. Saamiya Xasan waxey xukunka dalkaan sii heyneysaa muddo afar sano ah oo ka dhiman muddo xileedka madaxweynahii geeriyooday, waxaana kadib loo dareeri doonaa codeynta lagu dooranayo madaxweynaha xiga sida uu qabo Dastuurka dalka Tanzania. “Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya” ayey tiri Saamiya Xasan kadib dhaarinteeda. Sidoo kale waxey aad ugu fogaatay amaanta madaxweynahii geeriyooday ee dalkaas John Magafuli kaas oo ay tan iyo 2015 lasoo shaqeyneysay. Haweeneydaan waxaa si weyn loogu xasuustaa iney isbitaalka ku booqatay hogaamiyaha Mucaaradka Tundu Lisu kaas oo dil ka badbaaday sanadkii 2017, tallaabadaas dad badan ayaa ku taageeray.
-
Somali military said six Al-Shabaab militants have been captured during an operation following a series of bomb attacks in the capital, Mogadishu. The operation was conducted in the Lower Shabelle region, the most militarized zone in the country. The army officials pointed out they burned down Al-Shabaab detention centers and released many prisoners. The operation saw the seizure of small arms, mostly AK47 rifles and ammunition, according to government officials. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, aya shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni iyo cidda ka qeyb galeysa. Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayuu u warramay wuxuuna daaha ka rogay arrin aan faah-faahsaneyn balse laga dhex dheehan karo in shirka ka dhici doona Muqdisho ay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan ka wada qeyb gali doonaan. Mr. Swan wuxuu shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadooda beesha caalamka ay ka go’an tahay iney ka shaqeeyaan isku dubaridka kulankaan la filayo, maadaama fadhiyo dhawr ah ay hogaamiyayaasha Soomaalida ku heshiin waayeen. “Waxaan tibaaxayaa in aan dooneyno in Soomaalida aan siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga soo daabulayo ergooyinka maamulada dalka, sidoo kale waxaan AMISOM kala shaqeyneynaa xaqiijinta ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladan ay sii socdaan, iyaddoo uu ka dhacayo meel ammaan ah kana qeybgalaan siyaasiyiita Soomaalida,” ayuu yiri James Swan. Hadalka kasoo yeeray Swan ayaa u muuqda inuu si dadban u sheegay in mucaaradka ay kaalin ku yeelan karaan shirka Afisyooni, waana arrin uu aad u diidan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo wuxuu doonayaa in ka qeyb galayaasha shirka ay kaliya noqdaan kuwii heshiiska gaaray 17-kii September 2020, mana doonayo in midowga musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan shirkaas. Qorshaha kulanka wuxuu ahaa in horaanta bishaan Maarso uu dhaco, balse Villa Soomaaliya ayaa qeyb ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ku cadaadisay ineysan diyaar u noqon shirka, balse markaan Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa iney meel fiican marineyso qorshaha isla markaana ay qaban-qaabada shirka wadaan. Midowga Musharaxiinta waxaa la filayaa iney xubno kooban u dirsan doonaan shirka ka dhici doona teendhada Afisyooni, inkastoo aan la ogeyn tirada u aadi doonta, lamana oga sida loogu qancin doono Villa Soomaaliya.
-
Vice President Samia Hassan Suluhu, age 61, suppose assume di office of di president for di remainder of di five-year term wey Magufuli begin to serve last year after winning a second term, according to Tanzania Constitution, Mama Samia Suluhu Hassan wey be Vice President since 2015 suppose take over as Tanzania first female President by now as John Pombe Joseph Magufuli don die. Sabi pipo don begin tok about wetin concern di smooth transition of power for Tanzania since dia President John Magufuli, die on Wednesday. Tanzania opposition leader Zitto Kabwe, of di ACT Wazalendo party wey just lose dia leader for Zanzibar to COVID-19 tell BBC say goment must immediately transfer power sharp sharp to di Vice President Samia Suluhu Hassan to avoid constitutional uncertainty. According to Kabwe, di law book alias constitution of Tanzania make provision for di Vice President to continue wetin remain of Magufuli five-year term. Fulgence Massawe, wey be Lawyer for anoda interview also tell BBC say as far as di constitution dey concerned Samia Hassan go occupy Office of di Tanzanian President till 2025. According to Tanzania Constitution, Vice President Samia Hassan Suluhu, age 61, suppose assume di office of di president for di remainder of di five-year term wey Magufuli begin to serve last year after winning a second term. Vice President Samia Hassan Suluhu go be di East African nation [Tanzania] first female president. Madam Samia Hassan Suluhu go become di sixth president of Tanzania and di second from Zanzibar. All dis tok dey come out sake of say some of di kontris for East Africa get Leaders wey dey like to dominate and dis dia domination don lead dia kontris into crisis. Rwanda, Somalia, Somaliland, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Madagascar, Malawi, Mauritius, Réunion, Seychelles, Tanzania, na di kontris wey make-up East Africa. History show say almost all di kontris for East Africa region don experience crisis as e take concern change of goment. But as di world dey change and adjust to give women chance for govment, pipo expect say Tanzania Vice President Mama Samia Suluhu Hassan as pipo dey popularly call her, suppose take over from Magufuli witout gbege for di kontri. Samia Suluhu Hassan na di current Vice President of Tanzania and dey born her January 27, 1960 (she be 61-year-old.) Hassan, come from di semi-autonomous region of Zanzibar, wey be about 99% Muslim – she study statistics for Zanzibar Institute of Financial Administration and later graduate from Mzumbe University for 1986 with Advanced Diploma in Public Administration. She also attend University of Manchester wia she receive postgraduate diploma in Economics for 1994. She be Tanzania first female Vice-President as she enta di office for 2015 and reports say mama Hassan get di backing of some factions inside Chama Cha Mapinduzi (CCM), di ruling party wey support former President Jakaya Kikwete, especially those from Muslim communities. However e fit be say e get some oda factions for Tanzania ruling party wey dis current arrangement – whereby Mama Samia go succeed Magufuli – no favour. BBC Pidgin find out say under normal circumstance, with 24 hours wey dem comfam di death of a serving president for Tanzania, dem suppose immediately swear in di Vice President – in dis case – Mama Samia Suluhu Hassan. But 24 hours don pass since dem confam Magufuli death and di law book of Tanzania favour Mama Samia as di next leader and as at Thursday night dem never swear-in Suluhu. Source BBC News Qaran News
-
Wardheer (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed M. Fiqi oo ka mid wafdi wasiirro iyo taliyaha ciidamada Nabadsugidda Galmudug oo booqasho ku jooga magaalada Wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa kulamo kula qaatay wafdi uu hogaaminayo dhiggiisa Hogaanka Nabadgalyada Dawlad deegaanka Dr. Xuseen Qaasim iyo taliyaal ka socda ciidamada Qaranka Itoobiya iyo kuwa dawlad degaanka ee Liyuu Booliska. Labada wafdi ayaa yeeshay kulamo muhiim ah oo ku saabsan, nabadgalyada xuduudaha, qiimayn heshiisyo amni oo horay labada dhinac ay u kala saxiixdeen, dhacdooyin amnidarro iyo isku dhacyo maleeshiyaad ku dhexmaray xadka labada dal ee ku aaddan labada maamul iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduuda dheer ee labada maamul u dhexeysa iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo kuwa gacansaarka la leh. Kulamada ayaa weli soconaya ayadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay qodobada intooda badan isla fahmeen, qodobada dhimanna maantay laga sii wada hadli doono.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan oo ku geeriyoodey magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay doorkii uu ku lahaa Marxuumku dhismaha dowladnimada, xasilloonida dalka, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. DHAMMAAD View the full article
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay howl-gal qorsheysan ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay 6 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qabteen howl-galka oo laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in ciidamada ay gubeen xarumo Al-Shabaab u isticmaali jireen xabsiyo, halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan. Howl-galkan waxaa sidoo kale Al-Shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhiwaan xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay kulan gaar ah oo ku aadanaa xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Guudlaawe ayaa mucaaradka u balanqaaday in HirShabeelle uu ka qaban doono doorasho cadaalad ah, islamarkaana uusan ka shaqeynin doonin in uu soo saaro qof gaar ah, sidoo kalane uu ka reebo qof kale oo aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia. “Guudlaawe waxa uu noo sheegay in uusan ka shaqeyn doonin soo saarista qof gaar ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono doorasho cadaalad ah oo ka dhacda Jowhar iyo Beladweyne, sababtu waxa uu ku sheegay in arrintaas ay ku jirto daganaanshaha HirShabeelle” sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Cali Cabdullaahi Xuseen waxa uu qeyb ka yahay madaxweynayaasha lagu tilmaamo baalasha uu ku duulo Madaxweyne Farmaajo lamana oga sida uu ugu dhabeyn karo ballan qaadkaan uu sameeyay. Kala jiidasho iyo loolan xoog leh ayaa ka jira gudaha magaalada Muqdisho. Xildhibaano iyo siyaasiin kale ayaa baadi goob xoog leh ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen fursado ay dib ugu soo laabtaan kuraastooda maadaama lagu jiro xili kala guur ah.
-
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kulan la qaatay safiirka Midawga Afrika ahna madaxa AMISOM Amb. Francisco Madera. Qoor Qoor iyo safiirka ayaa ka wada hadlay dadaalada lagu hormarinaayo hawlaha Amniga ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Shirka Madasha iskaashiga Wasaaradaha kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ahaa mid heer Wasiir ah ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) waxaana ka qayb galay Wasiiro ka socday Wasaaradaha ku midaysan Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Boostada, Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Xafiiska Bay’ada ee Xafiiska Ra’isal Wasaaraha. Ujeedka shirka oo ahaa: 1- Isla fahmidda masraxyada/Fagaaraha wadatashi ee jira. 2- Fahmidda mashaariicda socota iyo kuwa jidka kusoo jira. 3- Isla qaadasho qaababka wadashaqeynta iyo sidii la iskaga gaashaan-buureysan lahaa. (marka la eego hey’adaha caalamiga ah ee aan la shaqeyneyno). 4- Hagidda qubaradeena ee ku aadan qaabkii ay u wadashaqeyn lahaayeen gaar ahaan mashaariicda ay tahay inaan ka wadashaqeyno. Shirku intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka ka socda, kuwa la qorsheeyey iyo Mashaariic kale oo hadda la doonayo in la hirgaliyo. Sidoo kalane Wasiirada ayaa shirka ka jeediyey doorka Wasaaradiisu ay ku leedahay hirgelinta Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha. Intii uu shirku socday waxa ay Wasiiradii kasoo qeybgalay ay isla garteen in: – In la joogteeyo shirarka noocaan ah 6 bilba mar. – In Wasaarad waliba ay markeeda martigaliso si wada shaqeyntu u hagaagto, lana wada jaanqaado. – In shirka dambe mashaariic qaas ah lagu gorfeeyo. – In mashaariicda diiwaangalin loo sameeyo. – In hay’adaha la siinayo mashaariicda la fiiriyo diiwaankooda hore lana hubiyo inta aan la siin. Gaba gabadii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa sheegay in meel looga soo wada jeesan doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, sidoo kalena la isku fahmay dhammaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ahaa Wasaarad kastana ay qaadato doorkeeda ku aadan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankii looga dhawaaqay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in la bad-baadiyo. Isbaheysigan cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay waxaa ku bahoobay Puntland, Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxuuna sheegay Saciid Deni in Madasha Badbaado Qaran ay u furantahay oo uu ku biiri karo masuul kasta oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta Soomaaliya. Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayuu si adag ugu eedeeyey inay ku fashilmeen inay dalka doorasho ka qabtaan oo ilaaliyaan nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee Soomaalidu ku wada joogtay. Saciid Deni ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee dhalisay in la aas-aaso Madashaan ay tahay wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo oo uu ku tilmaamay khatartii ugu darneyd ee dalka soo martay waayahaan. Xilligaas madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa awood ciidan ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo ay soo abaabuleen xubnaha midowga musharaxiinta, waxaana meelaha qaar ka dhacay iska hor-imaadyo khasaare iyo qalqal sababay. “Madashaan waxaa laga rabaa in majarihii qaloocday ay wadadii saxneyd ku soo celiso, waan u wada istaageynaa taas, siyaasi iyo argagixiso midna nagama hor istaagi doonaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sadiid Deni waxuu aad ugu mahadceliyey beesha caalamka oo uu sheegay in ay taageero weyn oo muhiim ah siiso Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay inay Isbaheysigaan cusub la dareento baahida loo qabo iyo dadaalka loogu jiro, sidii dalka doorasho wadar-ogol ah ay uga dhici laheyd. Halkan hoose ka Daawo
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1932021.mp3 View the full article
-
John Magufuli, 61, died on Wednesday, prompting outpourings of grief and condolence messages from African capitals Source: Hiiraan Online
-
Feb 02, 2018: – Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska, ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. June 25, Maxkamada ICJ ayaa mudeeysay in 9ka ilaa 13ka bisha September, 2019 doodda labada dhinac ee xuduuda badda, laakiin Kenya ayaa codsatay in 1 sano dib loo dhigo. Waxaana ay maxkamadu go’aan ku gaartay in muddo 2 bil ah dib loo dhigo. October 16, 2019 Maxkamada ayaa mar kale mudeysay in ay dacwadda dhagaysan doonto 8da june 2020, laakiin Kenya ayaa mar kale codsatay muddo aan la cayimin in dib loo dhigo sababo la xariira covid 19. Maxkamadda ayaa dib u dhigtay dacwadda ilaa 15 march 2020. March 10, 2021 Maxkamada ICJ ayaa soo saartay Jadwalka dacwada, iyada oo ka kooban laba wareeg, laakiin dowladda Kenya ayaa ku adkaysatay inaysan diyaar u aheyn inay ka qeyb gasho dacwadda oo dhagaysigeedu ka harsanaa 24 saacadood oo kaliya March 15 Maxkamada ICJ ayaa bilowday dhagaysiga dacwadda badda iyada oo Kenya ay ka maqantahay. Hadaba waxaa jiro 3 qodob oo muhiim ah kuwaas oo So0maaliya u horseedi kara inay kaga guuleysato Kenya dacwadda taalla maxkamadda kuwaas oo kala ah:- 1. Xeerarka Caalamagiga ee Badaha oo Taageeraya Dooda Soomaaliya Waxay u muuqataa in Maxkamadda cadaalada xadka ay Kenya sheeganayso ay siin doonto Soomaaliya, Halkaana ay qareennada matala soomaaliya ay ku caddeeyaan qaladaadka Kenya, Maadaama sida ugu caansan oo laba wadan xadka Badda u dhaxeeya oo ay ku qayb sadaan waxaa la yiraa “ equidistant Line “ oo ah xariijinta kala qaybisa laba dal oo si isla eg ugu dhaxeeya ama fogaantiisu isla egtahay, Waxaana la isticmaalaa haddii wadamada iska soo horjeedaan ama hadii ay xad dhuleed leeyihiin sida keenya iyo Soomaaliya oo kale. Hadaba xariijintaas sida isla egta ah ayay rabtaa dawladda Soomaaliya in la isticmaalo marka la sameynayo xad Badeedka labada wada, Kenya waxay rabtaa in xariiqda dhinaca Bari mid u socoto laga dhigo xadka badda labada wadan u dhaxeeya Xeerka Badda ee Qarmada Midoobey ayaa waxa uu dhigayaa in “xadka Badda u dhaxeeya labo wadan haddii aysan ku heshiin in lagu go’aamiyo khad ama xarriiq isku in u jirta labada dawladood, ama waxa loo yaqaano” ʺ equidisante Lineʺ. Halkaas ayaa waxay qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwada ay ku muujin karaan ama ay ku doodi karaan in xeerkaas uu libinta siinayo Soomaaliya. 2. Aqoonta iyo Khibrada sare oo ay leeyihiin qareenada caalamiga ah ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda kiiska muranka badda Soomaaliya waxa ay qabsatay qareeno heer caalami ah oo leh aqoon xeeldheer oo ku saabsan sharciyada caalamiga ah ee badaha lehne khibrad sare oo ku saabsan dacwadaha badahaha ee dalalka caalamka soo dhex maray oo ay ka soo qeyb galeen wadamo fara badan dacwadahooda isla markaasna ay guul u soo hoyeen. Qareenadaas waxaa ka mid ah:- Prof. Philippe Sands, oo ay da’diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida. Waxa uu ka soo qalin jabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga. Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia. Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah. Mr Paul S Reichler waa garyaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xadka badda. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka. Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto eeJaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka. Gar yaqaan Prof. Alain Pellet Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkaana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah. Mr Pellet ayaa waxa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest – Nanterre La Défense,. Prof. Alain Pellet ayaa sidoo kale horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska. Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo. Waxay horay iyada oo qareen ah u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS. Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Magaceeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay. Mr Craven – oo u dhashay dalka Ingiriiska – waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah. Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada. 3. Kalsooni La’aanta Kenya ee Dacwadda Badda Kenya oo ku doodaysa in muranka badda (Maritime dispute) ee kala dhaxeeya soomaaliya in loo wajaho habka ah in xariijinta xadeynta badda loo leexiyo dhinaca bari ee bad-weynta India taas oo hadii ay dhacdo Soomaaliya ay ku weyn karto dhul badeed baaxadiisu dhantahay 100,000km oo isku wareeg ah oo ah aagga dhaqaalaha (Economic Zone). Halka So0maaliya ay ku doodayso in xariiqda xadeynta badda laga dhigo mid isla eg ah equidistant Line, sida ku cad xeerka xadeynta badaha ee Qaramada Midoobay taas oo fursad u siin karta Soomaaliya inay guul ka gaarto dacwadda. Kenya waxa ay dhowr jeer dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda taas oo u muuqata in Kenya ay ogtahay in looga guuleysanayo dacwadda una socota sheekada ah “ Hal libaax arkaysaa ma godlato”. Waxay sidoo kale dhowr jeer soo gudbisay marmarsiimo aan shaqayn taas oo ugu dambayn ku qasabtay in gabi ahaanba iskaga baxdo dacwadda badda, iyada oo ku andacoonaysa marmarsiiyo badan oo is burinaya ilaa ugu dambayn ay ku andacootay in maxkamadda aysan kiiska si cadaalad ah u qaadi Karin maadaama ay sheegtay in guddoonka sare ee maxkamadda uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya taas oo u muuqato “Nin daad qaaday xunbo cuskay”. Hadaba marka la isku soo duuduubo arimahaas oo dhan waxay Soomaaliya ka dhigayaan mid haysata kalsooni xooggan oo dhinac walbo leh taas oo keeni karta inay ku guuleysto dacwadda, isla markaasna ay hesho dhul badeedka ay Kenya muranka galisay ee ay xaqqa u leedahay. Ugu dambeyn waxaa bogaadin mudan wafdiga Somaaliyeed ee halkaa ku sugan waxayna waddanka u soo hoyn doonaan guul taariikhi ah oo ay ku mutaysan doonaan inay Taariikhda baal dahab ah ka gaalaan hadii alle idmo. W/Q: Abdullahi Hassan Sheikh Ali Senior Lecturer and Historical Events Analyst Mogadishu-Somalia xaaf120@gmail.com
-
In this episode of The Stream we’ll look at the impact of the political standoff in Somalia, and what it means for people’s safety and security. Source: Hiiraan Online
-
A consignment of 300,000 doses of vaccine arrived in Somalia this week, precisely a year after the country detected its first case of COVID-19. Soraya Ali reports. Source: Hiiraan Online
-
Somali National Army (SNA) on Thursday arrested six al-Shabab militants in an offensive in Lower Shabelle, Somalia’s southern region, a military officer confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo shaaciyey inu Kor-u-kac ku yimi Qiimaha Shillinka S/land+Sababta Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Cali Ibraahim Jaamac ” Baqdaadi” ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo korukac ku yimi Qiimaha Shilinka S/land Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidatan:- KOR-UKAC KU YIMID QIIMAHA SHILLINKA JSL (O.2%). Qiimaha SLSH ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18th March, 2021 kor-ukacay 0.2% marka la barbardhigo Doolarka Maraykanka (US $). Shalay, qiimaha halka Doollar waxa uu ahaa SLSH 8,470, halka uu maanta qiimaha SHSL kor ugu kacay 8,450. Waxa qiimo korodhkaa sababay baahi weyn oo Ganacsatadda & Bulshaddu u qabto isticmaalka SLSH, siiba musharaxiinta Golayaasha oo u baahday SHSL si ay ugu bixiyaan cashuurta iyo ololaha ay ku jiraan. Balse, Baanka Dhexe ee JSL, isaga oo eegaya maciishada dadka dakhligoodda ku hela doollarka Maraykanka, waxaa uu Baanka Dhexe ku dadaalayaa inuu Qiimaha halka dollar ku soo celiyo SLSH 8,500. Waxa xusid mudan in qayb wayn oo ka mid ah bulshada danyarta ah laga soo biiliyo Dibedda. Waxa kale oo jira dad tiro badan oo mushaharkoodda ku qaata doollar sidda shaqaallaha Meheraddaha Ganacsiga, Iskuuladda & Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay, Haay’adaha NGO’s iwm. Waxa waajib ah inaanu qiima dhaca doolarku saamayn weyn oo taban ku yeelan nolol maal-meedkooda. Waxa waajib ah in la isku miisaamo taklifadda nolosha labadda dhinac ee dakhliga ku kala hela SLSH iyo Doollar. Sidaa awgeed, yoolka Baanka Dhexe ee 2021 waa inuu qiimaha halka doollar ku hayo agagaarka SLSH 8,500, oo aanu u aragno inuu yahay Sicir Caadil ah ( Fair market rate ). Wa billahi Tawfiq Cali Ibraahim Jaamac Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay howl-galo balaadhan oo markii u horeysay lagu xoreyn doono degmada Ceel-buur oo gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka. Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa fulin doona howl-galadan, waxaana la diyaariyay tiro kale oo ciidamo ah oo dhawaan la qalabeyn sida uu sheegay Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooga. Taliyaha oo Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan howl-galada lagu xoreynayo Ceel-buur. Waxaa uu xusay Taliyaha in dadka shacabka ah looga baahan yahay diyaar garow, maadama ay dhankooda diyaariyeen ciidankii qaadi lahaa howl-galka xoreynta, islamarkaana xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howl-gallada Shabaabka. Arrintaan ayaa imaneysa xili uu shalay Wasiirka Amniga Galmudug ku dhawaaqay howl-galo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maaamulkaas.
-
Madal Cusub Oo ka soo horjeeda Maamulka Framaajo oo Looga Dhawaaqay Muqdisho+War-murtiyeed Xasaasiya oo ay soo saartay Golaha Badbaadada Qaranka oo ah madal cusub oo ay ku midoobeen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. War-murtiyeed ay Madashu soo saartay ayaa lagu faahfaahiyey in ay muhiim tahay badbaadinta qaranka iyo sidii loo qaban lahaa dhakhso doorasho lagu wada qanacsanyahay. Golaha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Hoos ka akhriso: Qaran News
-
Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo beryahan baadhis ku heysay tallaalka AstraZeneca ee loogu talo galay COVID-19 ayaa baadhisteeda soo gabagabeysay. Wakaaladdu waxay sheegtay in AstraZeneca uu yahay mid leysku halleyn karo waxtarna leh, aysana waxba ka jirin wararkii maalmahan soo baxayey ee sheegayey in talaalkan uu leeyahay waxyeelo. Tallaalkan ayaa dhowaan la keenay Somaliland & Soomaaliya waxaana jirtay cabsi ay dadku ka qabeen, maadaama dalal badan oo Yurub ku yaalla ay isticmaalkiisa hakiyeen. Talaalkan Oxford-AstraZeneca waxaa si wadajir ah iskaga kaashadey inay soo saaraan Jaamacadda Oxford iyo shirkada daawooyinka Astrazeneca. Wuxuuna marey dhamaan tijaabooyinkii looga bahnaa in talaal la marsiiyo si loo isticmaalo. Qaran News