Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta markale ciidan, hub & gaadiid dagaal laga dajiyey degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadan diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho, kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa ku biiraya ciidamada dowladda ee ka howl-galada halkaasi. Shalay ayey markii ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ciidamo iyo gaadiid dagaal geysay gobolka Gedo oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  2. (SLT-Finland)-Iyadoo maanta ay tahay maalinta farxada adduunka ayaa waxaa la soo saaray warbixin ku saabsan dalalka ugu farxada badan caalamka iyadoo sannad walbana la soo saaro warbixinta. Warbixinta laga diyaariyay waddamada dunida ugu farxadda badan kaalinta koowaad ayaa waxaa markale ku guuleystey dalka Finland halka kaalinta labaad ka galay dalka Denmark, halka dalalka Swizerland, Iceland iyo Netherland ay kaalmaha xiga galeen. New Zealand oo ka baxsan waddamada qaaradda Yurub ayaa ka mid noqday liiska 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan. Ingiriiska oo sannadki hore ku jiray kaalinta 13-aad, wuxuu sanadkan u daadagay kaalinta 17-aad. Kooxaha daraasadda sameeyey waxay su’aalo weydiiyeen dadyow kala duwan oo ku nool 149 dal si ay u ogaadeen farxadda ay haystaan. Qodobbada daraasadda lagu eegayeyna waxaa ka mid ahaa taageerada buslho uu helo, xurriyadda shaqsiyadeed, wadarta wax soo saarka gudaha (GDP) iyo heerka musuqmaasuq ee dalkaasi oo iyaduna ka mid ahayd waxyaabaha daraasadda qaybta ka ahaa. Waddamada ugu farxadda yarn dunidana daraasaddu waxay ku sheegtay iney yihiin dalalka Afghanitsaan, Lesotho, Botswana, Rwanda iyo Zimbabwe. New Zealand waa dalka keli ah ee waddamada midowga yurub ka baxsan ee ka mid noqday 10-ka dal ee duniga ugu farxadda badan Warbixinta qaramada midoobay ay soo saartay 10-ka dal ee ugu farxadda badan waxay ku sheegtay iney yihiin: Finland Denmark Switzerland Iceland Netherlands Norway Sweden Luxembourg New Zealand Austria Source
  3. TACSI MADAXWEYNE: 20/03/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/03/2021 dalka Turkiga. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 28 23 10 Qaran News
  4. (SLT-Pakistan)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, waana laba maalmood uun ka dib markii uu raysal wasaaruhu qaatay tallaalka COVID-19. Khan ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xidhiidhka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan. Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka mid yahay ka qayb galkiisa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan. Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xidhneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay. Khan ayaa Khamiistii qaatay tallaalka COVID-19. Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo ay ku nool yihiin 220 milyan oo qof ayaa muddooyinkii u dambeeyay waajahayay sare u kaca kiisaska cusub ee COVID-19. Sida ay sheegeyso xog ay baahisay dowladdu, 3,876 qof ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay COVID-19 – waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangeliyo tan iyo bishii Luulyo – waxayna ka dhigeysaa tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi 620,000. Sidoo kale, 42 ayaa la sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkan, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13,799. Pakistan ayaa 10-kii March bilowday talaalka muwaadiniinteeda, iyada oo lagu bilaabay dadka waayeelka ah ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ay muujiyeen walaacooda qaadashada tallaalka ay soo saartay China. Tallaalada uu sameeyay Shiinaha ee Sinopharm iyo CanSinoBio, Oxford-AstraZeneca iyo tallaalka Russia ee Sputnik V ayay adeegsigooda oggolaatay Pakistaan. REUTERS Source
  5. Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ka dajisay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi, gaar ahaan kuwii shalay la geeyey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid ah yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga. Amarka lagu qaaday ciidamadan ee lagu geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa ‘bixiyey’ madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Arrintan ayaa uga sii sareyso xiisadda xoogan ee ka jira gobolka Gedo oo haatan la daala dhacayo abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan ciidamadaasi lagu daabulay gobolka Gedo. Si kastaba Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dib uga billowday Gedo ayaa farriin culus u dirtay beesha caalamka, waxaana ay shaaca ka qaaday in arrintan ay caqabad ku noqon karto in heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2032021.mp3 View the full article
  7. Ciidamada badda maamulka Somaliland, oo wata Laashashka dheereeya, islamarkaana garab-siinaya malayshiya-beeleed hubaysan, ayaa saaka weerar culus ku qaaday degaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag. Ciidanka Somaliland iyo malayshiya-beeleedka la socda, ayaa iska caabbin kala kulmay bulshada degaanka Shidan oo ka soo jeeda Puntland, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan weli xog dhammaystiran laga helin dagaalkaas. 7-dii bishan March 2021, maamulka Somaliland oo kaashanaysa ganacsato ka soo jeeda dhankooda, ayaa si qarsoodiya macdan qodis uga bilowday degaanka Shidan, balse waxa ka dhashay xiisad colaadeed. Shidan waxaa mudda sannado ah ka taagan colaad u dhexaysa laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland, taas oo ku salaysan muran dhul iyo macdan qodis. Weerarka saaka Somaliland ku qaadday degaanka Shidan ayaa ku soo beegmay, kadib markii murankii iyo xiisadii ka dhalatay barnaamijkii macdan qodista ee maamulka Hargeysa ka waday halkaas. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Somaliland oo weerar culus ku qaaday degaanka Shidan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  8. Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo Beelood oo saaka ka qarxay Degaanka Shidan ayaa la sheegay inuu koobsaday Khasaare naf iyo Mid gaadiidba Sida xogguhu tibaxayaan Dagaalka oo u dhexeeya Beelaha Muuse ismaaciil & East Sanaag Clan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 Ruux oo lix ka mid ahi isku beel ka so jeedaan,Halka dhaawac & Maxaabiis badana laga qabsaday Sidoo kale waxaa Goobta Lagu gubay Gaadhi Tikniko ah waxaana lagu qabsaday laba gaadhi oo mid tikniko ah yahay Wixii warar ee ka soo kordha dhacdadan Isha ku hay Qarannews.com Qaran News
  9. MOGADISHU (HOL) -Jubbaland government has accused the Federal Government of deploying troops and heavy weaponry in the Gedo region amid an ongoing drought that has since claimed lives and plunged thousands into starvation. Source: Hiiraan Online
  10. Dalalka Qaniga ah oo hortaagan qorshaha tallaalka lagu gaadhsiinayo dalalka saboolka khubarada ayaa rumeysan in talaalka oo si siman loo qeybsado ay hoos u dhigeyso Corona. Wadamada qaniga ah oo uu ka mid yahay dalka UK ayaa hortaagan hindisaha lagu caawinayo dalalka soo koraya si loo kordhiyo awoodda wax so saarka tallaaka Covid-19, sida ku cad dikumiinta loo soo dusuyay BBC. Dhowr dal oo ah kuwa saboolka ayaa ka codsaday hay’adda caafimaadka aduunka inay gacan siiso. Balse dallaka hormaray ayaa hortaagan qodobo ka mid ah shuruucda caalamiga ah oo suuragal ka dhigi lahaa in tallaal badan la gaarsiiyo dalalka saboolka. Macluumaadkan ayaa ah qeyb ka mid ah wadaxaajoodyada hay’adda WHO kaasi oo nuqul ka mid ah BBC loo so dusiyay. Dalalka qaniga ah ee hortaagan arrintan ayaa waxaa ka mid UK, Mareykanka iyo midowga Yurub. “Muhiimada waa helidda luuqad aan isku fahmi karno taasi oo sahleysa in dalalka ay soo saaraan tallaal badan oo laga soo saaro gudaha dalkooda iyo helidda mashruc lagu maalgalinayo laguna sahlayo. Dalka UK ayaa ka soo horjeeda doodan iyo hindisahan ballaaran. Afhayeen u hadlay dowladda Britain ayaa yiri “cudurada safmarka ah ayaa waxay u baahan yahihiin xal caalami ah islamarkana UK waxay hormuud ka tahay dadaalada lagu xaqiijinayo in si siman caalamku u wadaago tallaalka feyriska Corona “. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dalka UK uu ka mid yahay dalalka bixiya deeqaha ugu badan ee lagu xaqiijinayo in 1 bilyan oo kuuro la gaarsiiyo dalalka soo koraya sanadkan. Khubaro badan ayaa rumeysan in si siman loo helo tallaalka feyriska Corona ay muhiim u tahay ka hortagidda kiisaska badan iyo dhimashada cudurka ka dhalata. Tallaalka ugu badan ayaa waxaa imika qaata dadka dalalka hormaray taasi oo ay walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka aduunka. Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa waxay dalalka soo saaray tallalka looga hortago feyriska Corona ay ku cadaadinaysaa in tallaalka si siman loo qeybsado islamarkana la gaarsiiyo dalalka saboolka. Qaran News
  11. ST. PAUL, Minn. – 13 Minnesotans have been accused of a multi-million dollar Medicaid fraud conspiracy. They were indicted Thursday in U.S. District Court. The 13 were involved with Live Better, a patient services.... Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa ka digay in ciidamada Haramcad la geeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo geliyey bartiisa Twitter-ka ayaa ka digay in garoonka Muqdisho la hoos geeyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, isaga oo tilmaamay in ay qalalaase ka abuuri karaan gudaha garoonka Aadan Cadde. “In ammaanka garoonka caalamiga ah la hoos geeyo ciidamada Haramcad waa qatar, waxayna qalalaase ka abuureysaa garoonka,” ayuu yiri Musharrax CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya inuu ka hortago qorshahaasi, si looga feejignaado waxyeelo ka dhalan karta tallaabadaasi. Ugu dambeyn AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayuu ka dalbaday inay ka feejignaadaan arrintaasi oo uu xusay inay waxyeeleyn karto amniga garoonka. “Waxaa ugu baaqeynaa ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta inuu joojiyo tallaabadaan, AMISOM & QM waa inay ka feejignaadaan isku deyga lagu waxyeeleynayo amniga garoonka”, ayuu markale sii raaciyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo taliyaha Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos geeyey taliska qeybta ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-bannaan.
  13. (SLT-Sanaag)-Laba qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya deegaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa ii sheegay in laba dhinac ee dagaalamaya ay kala qabsadeen toban qof. Dadka ku dhaawacmay dagaalka oo saaka laga soo qaaday deegaanka ayaan wali soo gaadhin cisbitaalka guud ee Ceerigaabo. Hal gaadhi ayaa lagu gubay dagaalkan oo soconaya saaka ilaa hadda. Dhinacyada dagaalamaya oo laba beelood oo Shidan wada dega ah ayaa saddex todobaad ka hor ku dagaalamay halkaasi. Inkasta oo aan wax khasaare ah ka dhalan dagaalka hore. Suxufiyiin ku sugan Ceerigaabo ayaa sheegaya in deegaanku 120KM waqooyi ka xigo Ceerigaabo oo aanay ilaa hada ogeyn gurmad gaadhay goobta lagu dagaalamayo. Source
  14. Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa goordhaw war ka soo saartay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta gobalka Gedo , xilli dowladda ay geeysay ciidamo fara badan . Qoraal ka soo baxay dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay xilli lagu howlan yahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bini aadanimo ee ka jirta gobalka , taas oo ka dhalatay khasaaro Naf iyo maalba leh , uu Farmaajo shalay geeyey ciidamo, Hub iyo sanaad dagaal. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in mas’uuliyadda wax walba oo halkaas ka dhaca uu qaadan doono Farmaajo . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo Baxay Dowlad Gobaleedka Jubbaland . Source: goobjoog.com
  15. Kenya Friday affirmed that it has decided not to participate in the Maritime Delimitation Case (Somalia v Kenya) hearing currently ongoing at the International Court of Justice (ICJ). Kenya’s Foreign Ministry said: “It is a decision that was made after deep reflection and extensive consultation on how best to protect the sovereignty and territorial integrity of the Republic of Kenya.” The maritime delimitation case between Somalia and Kenya has already started at the ICJ even without Kenya’s participation with the East African nation saying it feels betrayed by Somalia. “The government and people of Kenya feel betrayed that Somalia had brought the case before the ICJ after repudiating a maritime boundary that it had consented to for over 35 years. Somalia has incited hostility against Kenya, and actively contributed to the climate that encourages attacks against Kenyan civilians and against Kenyan forces in Somalia and even threatening their ability to continue to support AMISOM [the African Union Mission in Somalia]. Somalia has also undermined the fundamental need for stability and predictability of boundaries among States,” the ministry said in a statement. Kenya said the betrayal by Somalia is worrying as it has always been an ally with deep diplomatic ties. “It is indisputable that the government and people of Kenya have made great sacrifices for their Somali neighbors. Kenya has provided humanitarian relief to hundreds of thousands of Somali refugees. Its military has protected the Somali government from terrorists. The Somali government was hosted in Nairobi for several years because of insecurity in Mogadishu. It enjoyed generous financial, diplomatic, and military support from Kenya. Its gradual return to Mogadishu was made possible thanks to the thousands of Kenyan and regional troops in the African Union Mission in Somalia.” The dispute between the East African countries relates to a resource-rich area of 62,000 square miles (160,580 square kilometers) in the Indian Ocean. The disputed maritime territory is believed to hold vast oil and gas deposits and is also one of East Africa’s richest fishing grounds. The ministry said the only way out would be through bilateral negotiations between Kenya and Somalia who currently have severed relations. “Somalia has to normalize its relations with Kenya before it can engage on any platform anywhere in the world with any person and or agent of Kenya through any proxy,” it added. View the full article
  16. The United States called on Somalia on Friday to hold elections right away and end a deadlock that Washington says is threatening the strife-torn Horn of Africa country. Somalia missed a deadline to hold an election by February 8 when President Mohamed Abdullahi Mohamed, better known by his nickname Farmaajo, was due to step down, sparking a constitutional crisis in the already-fragile state. A coalition of opposition candidates now considers the president to be illegitimate and wants him to resign. “The United States is deeply concerned by the electoral impasse in Somalia, which is creating political uncertainty that threatens security, stability, and development in the country,” Secretary of State Antony Blinken said in a statement. “We call on Somalia’s federal and member state leaders to set aside narrow political objectives, uphold their responsibilities to the people of Somalia, and agree to immediately hold transparent and inclusive elections,” Blinken added. It was not the first time the US, which until January had hundreds of soldiers in Somalia, has called on Mogadishu to overcome political jostling and hold an election. Last month, the US urged the country’s leaders to find a resolution. In a statement, the US embassy in Mogadishu urged “Farmaajo and Somalia’s national leadership to act now to resolve the political impasse that threatens Somalia’s future and find agreement with Federal Member State leaders to allow the conduct of parliamentary and presidential elections immediately”. Washington said the gridlock has led to a lack of progress in the fight against al-Shabab, which continues to carry out attacks in the country. View the full article
  17. Kenya ayaa dooneysaa in dacwadda muranka badda ee kala dhexeysa Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal isla markaana kiiska la gala noqdo maxkamadda caddaalladda adduunka, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya aya sidoo kale lagu xusay in Kenya ay gaartay go’aanka ah in aysan dhageysiga ka qeyb galin islamarkana ay wali rumaysan tahay in kiiskan maxkamadda laga soo celiyo laguna xaliyo wadaxaajood labada dhinac ay yeeshaan. “Kenya waxay gaartay go’aanka ah in aanay ka qeybgelin dhageysiga dacwadda isla markaana waxay ku aamin qabtaa in kiiska la gala noqdo maxkamadda si loogu xalliyo qaab wadaxaajood ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha. Dowladda Kenya ayaa dhawaan isaga baxday dacwadda badda, waxay ku eedeysay maxkamadda inaysan dhexdhexaad ka ahayn dacwaddan oo khuseysa aag badeedka lagu mursan yahay oo dhan 62,000 mayl oo laba jibaaran oo badweynta Hindiya ah. Waxaa la aaminsan yahay nay ceegaagaan gaas iyo saliidd. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax banaan. Warqad kasoo baxday taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeyey saldhigga garoonka uu ka mid noqon doonto saldhigyada Booliska ee obolka Banaadir. Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista saldhigga garoonka uu leeyahay taliska Booliska gobolka Banaadir. Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi. Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
  19. For most of her life Fardowsa Hassan didn’t think college was an option. As one of eight children growing up in war-torn Somalia, she had never operated a computer. Source: Hiiraan Online
  20. Biyo la’aanta gobolka Gedo Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugu cambaaraysay abaabul dagaal, oo sida ay sheegtay Madaxweyne Farmaajo ka wado Gobolka Gedo, halkaas oo ay ka jirto xaalad banii’aadanimo oo ka dhalatay Abaarta. Jubaland waxay sheegtay in Dowladda Federaalku ay shalay hub iyo gaadiid dagaal ku daabushay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, xilli Shacabka ku nool Gobolkaas ay la il-daran yihiin abaar iyo biya la’aan daran. DFS ayaa shalay ciidan iyo gaadiid ka dejisay Gedo Jubaland ayaa caddaysay in Madaxweyne Farmaajo mas’uul ka noqon doono wixii ka dhasha abaabulka ciidan ee uu ka wado Gobolka Gedo. Ugu dambayntii, waxay sheegtay in baaq kasta oo colaad lagu joojin karay ay Jubaland hore u jeedisay balse laga qaadan waayay. PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu abaabul dagaal ka wado Gedo oo abaar daran ka jirto appeared first on Puntland Post.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa si kulul looga hadlay ciidamadii ugu dambeeyey ee ay shalay dowladda dhexe ku daabushay qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya. Qoraalka Jubbaland kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ay nasiib darro tahay in dowladdu ay ciidamo & hub geyso gobolka Gedo oo ay xilligan ka jirto abaar baahsan. Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in xilligan oo lagu jiro marxalad kala guur ah ay tahay ayaan darro aad u weyn in colaad laga sii horiyo gobolka Gedo. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha dhaq-dhaqaaqaasi uu qaadi doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, sida ay hadalka u dhigtay. “Haddaba Jubbaland waxay caddeyneysaa mas’uuliyadda wixii ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan yeelan doono madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayna noqon doonto xad-gud aan weligiis ka harin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyn Jubbaland ayaa sheegtay in la’iska indho-tiray baaqyadeedii hore, ayna arrintan carqalad ku noqon doonto heshiisyadii la gaaray iyo wada-hadallada socda.