Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqday, in uu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qayb galo shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka. Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka Safaaradda, ayaa sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada loogu baaqay in ay shirka ka qayb-galaan, iyagoo aan wax shuruud ah ku xirin. Baaqa Maraykanka ayaa ku soo beegmay, xilli uu maalintii labaad xarunta Afisyooni ee Muqdisho ka socdo shir u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada taageersan. Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada taageersan, waxa shirka ku weheliya maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulanka ka maqan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo shuruud ku xiray ka qayb-galka Shirka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ku baaqay in shuruud la’aan laga qayb-galo Shirka Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Maxaa ku qasbay dowladda UK inay dhinto tirada ciidamadeeda? Askari Dowladda Britain ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo qorshaha dhimidda tirada ciidamadeed qalabka side Sida qorshuhu yahay waxaa meesha laga saari doonaa oo la dhimi doonaa ilaa 10,000 oo askari, taasi oo qeyb ka ah qorsha casriyaynta ciidanka sida in ay yeeshaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dib u habaeynta gaashaandhiga ayaa waxaa laga yaabaa in sidoo kale la dhimo diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyada, balse taa badalkeeda waxay dowladda sheegtay “in la badin doono tirada maraakiibta,Gunjisyada badda quusa iyo guud ahaan badmaaxiinta”. Tirada ciidamada rigliga ah ee Britain ayaa waxay noqon doontaa 72,000 oo askari ka dib markii sanooyiinkii u dambeeyay ay socotay dhimistaasi. Xoghayaha gaashaandhiga UK Ben Wallace ayaa lagu wadaa in uu arrintan sharaxaad ka siiyo aqalka baarlamaanka dalka Britain. Wallace ayaa BBC u sheegay in go’aankani uu u qaadanayo si loo kordhiyo miisaaniyadda difaaca Britain. Xisbiga Labor ayaa dhankooda walaac ka muujiyay tirada la dhimayo ee ciidamada. Waxay hogaamiyayaasha Labor ku doodeen in xilligan oo ay Britain wajahayso khataro badan aysan wanaagsanayn in la dhimo tirada ciidamada. Daraasaddii ugu dambeysay ee la sameeyay ayaa muujinaysay in tirada ciidamada UK ay tahay 80,000 oo askari sanadkan 2021, taa badalkeedana bishii October ee 2015 waxay tiradu ahayd ku dhawaad 86,000 oo askari. Dhimidda ciiidamada ee muddooyiinkii u dambeeyay socotay ayaa waxaa loo sameyn kara iyada oo aan qofna shaqada laga tirin taa badalkeedana askarta shaqada isaga taga aan booskooda la buuxin oo aan ciidan cusub la qorin. Waxaa sidoo kale wax badan laga badali doonaa qaabka ay u dhisan yihiin militariga dalka Britain. Waxay ciidamada badda heli doonaan in ka badan 200 milyan oo ah lacagta UK taasi oo ah maalgalin toos ah 10 sano ee socota. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu fuliyo howlgalada ammaanka dhanka baddda loogana hortago”khatarada dibadda ee ku soo fool leh dalka UK.” Isbadalkii ugu waynaa tan dagaalkii qaboobaa Dowladda ayaa ku tilmaamtay qorshahani in uu yahay kii ugu muhiimsanaa dib u habeyn lagu sameeyo gaashaandhiga iyo ciidamada qalabka side tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee aduunka. Lacago dheeraad ah ayaa sidoo kale loo qoondeyn doonaa hormarinta diyaaradaha Drones-ka ,hawada sare iyo ka hortaga weerarada dhanka internet-ka. Wasaaradda gaashaandhiga Britain ayaa sheegtay in ciidamada si wanaagsan loo qalabeyn doono, balse tirada ciidamada la dhimi doono. Dhimidda tirada ciidamada ayaa laga yaabaa inay walaac galiso xulufada UK sida Mareykanka. “Haddii ay arrintan i quseyn lahayd,ciidamada Britain tiradooda inta ay hadda yihiin ayay sii ahan lahaayd,” waxaa sidasi BBC u sheegay wasiirkii hore ee gaashaandhiga Mareykanka Leon Panetta. Ciidamada Britain ayaa waxay sidoo kale ka qeyb qaadan doonaan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah. Ciidamada badda ee Uk ayaa dhanka kale maraakiibta xambaarta diyaaradaha iyo Maraakiib dagaal u diri doona gobolka u dhaxeeya badwaynta Hindiya iyo tan Pacific-ka. Ciidamada cirka ee Britain ayaa se ku howgali doona tira ka yar intii hore diyaarado nooca F-35. Bishii November 2019, rai’sul wasaaraha Britain Boris Johnson oo ka jawaabayay su’aal la waydiiyay ayaa yiri “ma dhimeyno tirada howlaha ciidamadeena ee waxaan dhimeynaa baaxadda ciidamadeena qalabka.” Qaran News
  3. Dowlada Emaaraatka ee aan Walaalaha nahay ayaa Dowlada Puntland ku wareejinay Qalab Casfimaad oo lagu horumarinayo Isbitaalka Bosaso. Hay’ada Laanqayrta Cas ee Emaaraatka oo Qalabkaan keentay waxay sheegtay in Deeqdaan ay hordhac u tahay balanqaadyadii ay Dowlada Emaaraatku kaga qaybqaadaneyso Horumarinta Bulshada Puntland. Hoos ka daawo Sawirada The post Emaraatka Carabta oo Qalab Caafimaad soo gaarsiisay Puntland appeared first on . Source
  4. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhiggiisa dalka Masar mudane Saamix Shukri kala hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar Axmed Xaafid ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay horumarada kala duwan ee ka socda geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida iyo nabad gelyada qaaradda Afrika. Wafdiga la socda wasiirka arrimaha dibadda xukuumaada federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya mudane Xasan Macallin Khaliif. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. Sheekh Cabduraxmaan Sudays oo qaatay tallaalka ka hortagga Karoona Imaamka ahna khadiibka Xaramka Makah sheekh Cabduraxmaan Sudeys ayaa qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19. Waxaana tallaalkan la siinayaa shaqaalaha xaramka. Sheekha ayaa dhawaan faray in biyaha samsamka la siiyo bukaanada uu ku dhacay cudurka. Sucuudiga ayaa bilaabay barnaamij tallaalka lagu gaarsiinayo shacabka dalkaas. Cudurka Covid-19 ayaa fara ba’an ku hayay Sucuudiga, waxaana kiisaska la diiwaangeliyay ay gaarayaan in ka badan 385,000 NEWS | Imam and Khateeb of Masjid Al Haram, Makkah Sheikh Abdul Rehman Al Sudais received his COVID-19 Vaccine jab on Sunday in Makkah starting the campaign to vaccinate the entire staff of the Haramain Sharifain before Dhul Hijjah Read further: https://t.co/K9RLXHygRm pic.twitter.com/MdSqih1hIB — Haramain Sharifain (@hsharifain) March 22, 2021 Qaran News
  6. Muqdisho (Wararka PP) — Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa qorsheynaya inuu fududeeyo in biyo fadhiya Jidka Soddonka lagu soo daayo waddo gees marta dugsigii hoose ee Xamar Jadiid tagtana masaajidka Suuqa Bakaaraha. Biyaha fadhiya Jidka Soddonka oo la rabo in lagu soo leexiyo waddo tagta Suuqa Bakaaraha. Guddoomiyaha oo muddo ka warwareegyaya inuu booyado biyaha roobka nuuga keeno ayaa hadda u nuglaaday caadadis kaga yimid dad aan doonayn in biyaha la mariyo meeshii la marin jiray marka roob uu da’o. Isu soo bax ayaa sanadkii hore ka hor istaagay go’aan biyaha fadhiya jidka loogu soo leexin lahaa waddada hadda lala doonayo in loo adeegsado qorshaha dhib u keeni kara hantida qoysas badan. Mustafa Cali Kheyre oo u nuglaaday cadaadiska ganacsatada Jidka Soddonka oo raba in biyaha roobka lagu soo leexiyo waddo tagta Suuqa Bakaaraha. “Dowladda Hoose ee Muqdisho oo heli karta inay keento booyado biyaha nuuga waxay hadda ku talojirtaa inay ku taageerto Mustaf Cali Kheye go’aanka uu biyaha ugu soo leexinayo waddo ka mid ah waddooyinka degmada Howlwadaag. Waxaan ka codsanayaa Duqa Magaalada Muqdisho inuu ka hortago go’aan fatahaad qorsheysan lagu samaynayo oo saameyn doona qoysas badan” ayuu Puntland Post u sheegay Cabdirisaaq Axmed oo ka mid ah odayaasha ka hor yimid qorshaha. © Puntland Post, 2021 The post Guddoomiyaha Howlwadaag oo “qorshaynaya inuu biyo ku soo leexiyo” waddo u dhow dugsigii Xamar Jadiid appeared first on Puntland Post.
  7. Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo. Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda la mid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan jirin wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka. Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Si kastaba Janan ayaa horey loogu xiray magaalada Muqdisho, isaga markii dambe ka baxsaday gacanta dowladda, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo, isaga oo markii dambe u wareegay dhanka gobolka Gedo, kadibna dagaal ka bilaabay Beledxaawo.
  8. Muqdisho (Caassimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya & is-mari waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Caynte oo horey u soo nqoday wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa marka hore sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay meesha ay haatan mareyso xaaladda dalka, gaar ahaan muranka hareeyey hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka. “Runtii xaaladda meesha ay mareyso oo la xiriirta doorashada dalka & is mari-waaga ka taagan waa arrin wal-wal iyo walaac weyn leh oo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ka wal-walsan yahay, runtii walaac weyn sida dadka Soomaaliyeed oo kale uga qabaan ayaan anne runtii uga qabaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Cale (Caynte). Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey dadaallada ay wado beesha caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay inay xaq u leedahay inay samata bixiso Soomaaliya. Mr Caynte oo hadalkiisa sii wata ayaa taageeray go’aankii Mareykanka, gaar ahaan canaantii & amarka la dul-dhigay madaxda Soomaaliyeed. “Beesha caalamu dalku iyaga biila, iyagaa amnigooda baxsha een sharci & xaq-bey u leeyihiin in ay dadka Soomaalida ah la-taliyaan, u caqli celiyaan. Markii ay caqli celis garan waayaana inay canaantaan oo ay ceebeeyaana waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Qof marka haddii uu rabo inuu dal dhan halaago in laga qabto oo yac la yiraahdo waa wax meesha ku jira,”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladnimada Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay bad-baado, si aan dib loogu noqon colaado & dagaallo sokeeye. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho uu ka socda shirka wada-tashiga Afisyoono oo looga hadlayo doorashooyinka, kaas oo ay soo qaban qaabisay beesha caalamka, walow aysan shalay ka qeyb-gelin Axmed Madoobe & Siciid Deni.
  9. Somalia is facing a severe water shortage due to reduced rainfall, leaving 70 percent of families across the country without access to safe drinking water, a global charity warned Monday. According to a new assessment by Save the Children released to mark World Water Day, which falls on Monday, the charity said that water sources in Somalia are drying up at a rapid rate as a looming drought intensifies, heightening fears of a deepening humanitarian crisis in coming months. “Children are bearing the brunt of a growing climate crisis in Somalia and if urgent action is not taken, an alarming number will face hunger, school closures due to water shortages, displacement and exploitation in the coming months,” said Mohamud Mohamed Hassan, Save the Children country director in Somalia, in a statement issued in Mogadishu. In the communities where they work, Save the Children is seeing wells drying up, families rationing their water, crops and pastures dying and people moving away from their communities in search of water and food for their livestock, Hassan said. “In some locations, the price of water has skyrocketed. Those who cannot afford to pay for water are forced to use unsafe water sources, thereby putting children at risk of deadly diseases such as cholera,” he added. The assessment, which covered 632 households across eight regions in Somalia, shows reduced rainfall and severe water shortages are also killing livestock, causing crop failures and diminishing household incomes, leaving children with fewer meals per day and less nutritious food. The charity said thousands of children are now reliant on emergency water trucking and unprotected wells or are forced to leave their homes in search of water. It warned that without immediate humanitarian assistance, the crisis is likely to peak in June with the number of children and adults in urgent need of support soaring to 5.9 million — an increase of 700,000 people compared to that of 2020, or a third of the population. The charity called on donors to act quickly and provide immediate emergency funding to sustain and significantly scale up the humanitarian response in Somalia to save children’s lives. Hassan said reducing support now by the international community which has been very generous in supporting people in Somalia would be disastrous as the deadly combination of continuous climate shocks, COVID-19 and conflict are pushing children and their families to the limit and they need urgent support to help them survive. “Without enough food and the right nutrition, children are becoming malnourished, which can lead to illness, infections, stunting and death. And children who are displaced may face violence, become separated from their families or be forced to work,” said Hassan. The charity said more than half of the families surveyed did not have enough food to eat and 84 percent of respondents said they were resorting to harmful ways to cope with the crisis, such as depleting their livestock reserves to buy food and reducing the number of meals they have per day. The loss of livestock, it said, also means children have less access to milk and this further exposes them to the risk of malnutrition. View the full article
  10. Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Mohamed Abdirizak discussed here on Monday means of promoting bilateral cooperation in all fields, the Egyptian foreign ministry said in a statement. “The talks tackled the exerted efforts for developing the cooperation between the two sides in a way that reflects the strong mutual relations,” said Ahmed Hafez, spokesperson of the Egyptian foreign ministry. “Egypt pays full attention to achieving peace and stability in Somalia, and called on all the Somali sides to continue the dialogue for paving the road to run free and integrated elections,” Hafez said. View the full article
  11. Somalia on Monday appealed for urgent funding to assist 2.7 million people projected to face acute hunger as pre-drought conditions worsen in the Horn of the African country. “Somalia is calling on donors to provide sufficient and early funding to scale up emergency response as the projected poor rainfall, and the impact of flooding, desert locusts and the COVID-19 pandemic are again pushing up to 2.7 million people across the country towards a major humanitarian emergency,” Somalia’s Humanitarian Affairs and Disaster Management Ministry said in a statement. Food insecurity is alarming, it said, adding: “Unless aid providers immediately scale up aid operations in some pre-drought-hit areas, it will leave disastrous consequences for millions of people.” There are signs of severe pre-drought conditions in the southwestern province of Gedo, Jubaland, South West State, Puntland, Galmudug and Somaliland, pushing millions of people into acute food insecurity, according to the ministry. Meanwhile, the coronavirus pandemic has also worsened in Somalia since February. Mogadishu remains the epicenter followed by Somaliland and Puntland, according to the ministry’s statement. “In response to the new spike in COVID-19 cases in recent weeks, the government has taken measures, banning all public gatherings, closing schools, and instructing government employees to work from home, except for some critical departments,” it said. The country has so far recorded a total of 10,085 COVID-19 cases, with 429 deaths and 4,498 recoveries. View the full article
  12. (SLT-Asmara)-Eritrea ayaa cambaareysay waxay ay ku tilmaantay go’aanka ‘bahdilka ah’ kadib markii Midowga Yurub uu cunaqabateyn kusoo rogay xafiiska amniga u qaabilsan dalkaas arrimo la xidhiidha eedeymo ku saabsan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in ayna aqbaleyn cunabateynta waxbo kama jiraanka ah. Waxay sheegtay in go’ankan la doonayo in lagu dhibaateeyo Eritrea isla markaana laga leeyahay dano qarsoon. Midowga Yurub ayaa cunaqabteyn kusoo rogay xafiiska dowladda Eritrea u qaabilsan amniga oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal, jidhdil iyo xadhig. Wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea waxay sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in xiisad uu ka dhex abuuro Itoobiya iyo Eritrea isla markaana awoodda dib loogu soo celiyo maamulkii Tigray ee xilka laga tuuray. Ciidammada Eritrea waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo markii dagaallada ay ka qarxeen halkaas bishii Nofeembar. Eritrea waxaa lagu eedeeyay in ciidamo ay geysay Tigray si awoodda looga tuuro TPLF, waxay beenisay eedeymahaas. Source
  13. Madaxweynaha Galmudug ayaa Xalay booqasho ugu tagay Madaxweynaha Puntland Kulankasoo ka dhacay Deegaanka Xalane oo hada Ho’y u ah Madaxweyne Deni. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyay in Qoorqoor uu markale soobwakiishay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey si loo xaliyo Khilaafka hortaagan Doorashada. Macada sida ay labadaan Masuul isu aaminayaan markale, bishii Oktobar sanadkii hore ayaa Madaxweyne Qoorqoor uu isku dayay inuu ukala dabqaado Mucaaradkaniyo Villa Soomaaliya, waanwaantasoo kusoo dhamaatay fashil lagu eedeeyay Qoorqoor inuu qayb ka ahaa inuu fashilmo waanwaantuu waday. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor oo salaan ugu tagay Madaxweyne Saciid Deni appeared first on . Source
  14. (SLT-Wajaale)-Ciidanka Dab-demiska ee degmada Wajaale ayaa habeenimadii xalay damiyay Dab weyn oo qabsaday Meherado ganacsi iyo guryo ku yaalla daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale. Meheradahan goobtaa ganacsi ku yaallay ayaa tiradoodu ahayd 14 Meheradood , waxaana dabku gaadhay 4 ka mida, halka ciidanka Dab-demisku dabkaas ka xakameeyeen 10 kii Meheradood ee kale. Sidoo kale iyadoo hawlgalka lagu jiro ayaa ciidanku damiyeen laba guri oo kale oo dab ka kacay ciidamada ayaa sheegay in aanu jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah. Maamulka degmada Wajaale qaybta Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Mayirka iyo Mayir ku xigeenka magaaladaas ayaa ciidanka kala qayb qaatay hawlgalkaa lagu daminayay meheradahaas ganacsi. Source
  15. Ugu yaraan 137 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ku dhow xadka Mali, dowladda Niger ayaa bayaan ay soo saartay goor dambe oo ah ku sheegtay. Galabnimadii Axada 21-kii Maarso, 2021-kii, deegaanada Intazayane, Bakorat, Wirsnat iyo dhowr xero oo kale oo kuyaala waaxda Tillia, ee gobolka Tahoua, waxay arkeen weerar ay geysteen burcad hubaysan, ”Ayaa lagu yiri bayaanka uu TV-ga Qaranka ka aqriyay afhayeenka dowlada Niger Abdourahamane Zakaria. Ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay dhowr kalena waa la dhaawacay, Zakaria ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray “in la xoojiyay amniga iyo tallaabooyin caafimaad oo laga qaaday aagga baaritaanna la furay”. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay baroor-diiq qaran oo saddex maalmood ah si loo maamuuso dhibbanayaasha dhibtu soo gaartay . Waa weerarkii labaad oo dad badan lagu dilay kaas oo ka dhaca Niger Todobaad gudihiis , 15-kii Maarso, ayey aheyd markii dabley aan haybtooda la aqoon ayaa weerarku dileen 58 qof oo rayid ah oo ka soo laabtay suuq toddobaadle ah oo ku yaal waaxda Banibangou, gobolka Tillaberi, oo u dhow xadka Mali, sida uu sheegay Zakaria. Gobollada Niger ee Tillaberi iyo Tahoua, oo xuduud la leh waqooyiga Mali, ayaa waxaa soo food saaray weeraro hubeysan oo soo noqnoqday tan iyo sanadkii 2017-kii oo loo aaneynayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala waqooyiga Mali. Weerarradan awgood, ayaa dhammaan gobolka Tillaberi iyo qayb ka mid ah Tahoua waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah. Niger, Burkina Faso, iyo Mali oo ku taal Sahel ayaa xudun u ah mid ka mid ah dhibaatooyinka adduunka ee sii kordhaya ee barakaca iyo ilaalinta. Gobolku wuxuu martigeliyaa 851,000 oo qaxooti ah iyo ku dhowaad 2 milyan oo qof oo soo barakacay, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Bishii Janaayo, ku dhowaad 100 qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay laba tuulo oo Tillaberi ah ka dib wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha. Source: goobjoog.com
  16. Wasiirada arimaha dibada ee Canada iyo UK iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dowladda Shiinaha ay ku heyso Muslimiinta Uyghur. Bayaankan , oo ay ku jiraan dokumentiyada u gaarka ah dawladda Shiinaha, iyo markhaatiga goobjoogayaasha u ah dhibaatada lagu haayo Muslimiinta “Barnaamijka ballaaran ee Shiinaha ee caburinta waxaa ka mid ah xayiraad adag oo ku saabsan xorriyadaha diinta, isticmaalka shaqooyinka qasabka ah, xirxirida badan ee xeryaha gudaha, quursiga qasabka ah, iyo baabi’inta wadajirka ah ee dhaxalka Uyghur,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Wasiirka Arimaha Dibada ee Canada Marc Garneau, Arimaha Dibadda ee UK, Xoghaye Dominic Raab iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken. “Waxaan hoosta ka xariiqeynaa muhiimada daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka waxaana ugu baaqeynaa Shiinaha in ay siiso bulshada caalamka, oo ay ku jiraan baarayaasha madaxa banaan ee ka socda Qaramada Midoobay, saxafiyiinta iyo diblomaasiyiinta ajaanibta ah, helitaanka Xinjiang oo aan laga hor istaagin,” ayey yiraahdeen. Qoraalka ka soo baxay Mas’uuliyiintan ayaa intaas lagu daray “Waxaan sii wadi doonaa inaan si wada jir ah u istaagno si aan toosh ugu ifino xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Shiinaha, Waxaan u istaageynaa midnimo waxaana ugu baaqeynaa cadaalad kuwa ku dhibaateysan Xinjiang. ” Gobolka Xinjiang waxaa ku nool qiyaastii 10 milyan oo Uyghurs ah, Kooxda muslimiinta Turkic-ga ah, oo ka kooban qiyaastii 45% dadka ku nool gobolka Xinjiang, ayaa muddo dheer ku eedeynayay mas’uuliyiinta Shiinaha takoor dhaqameed, mid diimeed iyo mid dhaqaale. Ilaa 1 milyan oo qof, ama qiyaastii 7% dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Xinjiang, ayaa lagu xirey shabakad ballaarinaysa oo kaamam “dib-u-barasho siyaasadeed, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka iyo khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. GoobJoog Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa soo jeedisay xabad joojin ku aadan dagaalka sokeeyee ee mudada dheer ka socday wadanka Yemen, hase yeeshee markiiba waxaa soo jeedintaas rajo xumo ka muujiyay Xuutiyiinka dagaalka kula jirta dowladda Abdurabi Hadi Mansur. Riyadh waxay sheegtay in xabad joojiinta iyo wadaxaajoodka ay ka mid yihiin dib u furista garoonka diyaaradaha Sanca oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, laakiin xannibaad dhinaca hawada ah ay saareen xulufada ay hoggaamiso boqortooyda Sucuudiga, waxayna sheegeen in xayiraadaas laga qaadi doono haddii Xuutiyuunta oo ay taageerto Iran ay oggolaadaan wada-hadalkan. Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha laga wada hali doono ay ka mid tahay dekdada Hodeidah, isla markaana dakhliga ka soo xarooda lagu shubi doono koonto ay si wadajir ah ku maamuli doonaan labada dhinaca. Heshiisyadii hore ee dhinacayadan ayaan marna si buuxda u fulin tan iyo shirkii Stockholm ee sannadkii 2018, waxaana haddii ay isku afgartaan arrimaha farsamada ee horudhaca ah soo raaci doona wada hadallada rasmiga ah ee dhinaca siyaasadda. “Wixiii xilligan ka dambeeya Xuutiyiinta ayay u taal inay danahooda hormariyaan ama kawa Iran” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Sucuudiga Amin Faysal Bin Farhan Al-Saud oo u warramayay warbaahinta. Dowladda Madaxweyne Hadi ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqistan, laakiin Xuutiyiinta oo xukuma ku dhowaad 70% dhulka Yemen ayaan aaminsaneyn in rajo ka soo bixi karto. “Xal ama dadaal kasta oo aan qireyn in Yemen si gardarro ah loogu soo weeraray millatari iyo in cunaqabateyn lagu hayay lixdii sano ee la soo dhaafay, taas oo sababtay dhibaatooyin bini’aadaminimo waa mid dhalanteed ah ” ayuu afhayeenka Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageeri doonto wadaxaajoodka ay ku baaqday boqortooyda Sucuudiga, waxayna dhinaca kale cambaareysay weeraradii gantaalaha ahaa ee dhawaan Xuutiyiint ay ku qaadeen magaalooyinka xuduuda labada dal. Dagaallada Yemen oo socday in ka badan lix sanno ayaa ku riixday dadka waddankaas saboolnimo, macluul iyo gaajo baahsan. Source
  18. Golaha wasiirrada midowga Yurub ayaa isniintii meelmariyey qaraar lagu cunaqabateynayo dalka Eritrea sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay ka wadaan waqooyiga dalka Itoobiya. Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Midowga Yurub iyo Mareykanka ay Eritrea ka dalbadeen iney ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigeyga ee waqooyiga Itoobiya taasi oo ay Asmara ka dhago adeegtay. Dhanka kale xukuumadda Asmara oo ka hadashay go’aanka midowga Yurub ayaa sheegtay in uu yahay mid aan sal iyo raad toonna laheyn isla markaana ay diidayaan qaraarka xad-gudubka ah. Eritrea waxaa ay sheegeysaa in midowga Yurub aanu sharciyad u heysan waxa uu sameeyey, go’aankana uu yahay mid lagu dhibaateynayo Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliiska ka dib markii is rasaaseyn socotay saacad oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka. Toogashada ka dhacay magaalada Boulder ayaa waxaa ugu dambeyn soo afjaray booliiska oo xirey qof dhaawac ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka suuuqa King Soopers. Weerarka oo toos looga daawanayay barta Youtube ayaa bilowday markii nin hubeysan uu soo galay suuqa ka dibna uu rasaas ku furey dadka. Taliyaha booliiska magaalada Boulder Maris Herold ayaa xaqiijisay in mid kamid ah askarta booliiska uu ku dhintay toogashada, iyadoo tuhunsanaha oo dhaawac ah lagu daweynayo isbitaalka. Guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis ayaa sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka gobolka ee dhibaatada ku dhacday. Sidoo kale, madaxweyne Joe Biden ayaa looga waramay toogashada ka dhacday gobolka Colorado. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore, madaxweyne Biden balan qaaday in uu sameyn doono sharci adag oo lagu baarayo taariikha dadka doonaya in ay iibsadaan hubka. View the full article
  20. Maamulka cusub ee madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa la filayaa inuu sarkaal hore oo ka tirsanaa qaramada midoobey u magacaabo ergeygiisa geeska Afrika. Jagadan cusub ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu xaliyo qalalaasaha ka jira Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. Jeffrey Feltman, oo horay u ahaa sarkaal sare oo la taliye u ahaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa jagadan loo bandhigay. Haddii la magacaabo, waxaa lagu wadaa Jeffrey Feltman uu wax ka qabto xasuuqa ka socda gobolka Tigeyga iyo guud ahaan dhibaatooyinka ka socda geeska Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Xog: Shirkii Afisyoone oo u muuqda inuu fashilmay Shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu guuldarreystay, ugu yaraan maalmaha soo socda, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin. Shirka ayaa fashilmay kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka cadheysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda. QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tidhi “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” Warbaahinta ayaa ogaatay in shirka dib loo dhigay, islamarkaana si hoose loogu kala dab qaado dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku hayo, kadibna ayada oo aany jirin caqabado kale shirka dib loo furo si deg deg heshiis loogu gaaro. Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taabacsan, hase yeeshee dowladda ayaa kahor shirka qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo, ayada oo ujeedkuna uu ahaa in shirka la tago kadibna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo muujiyo kuwa wax diidan. Axmed Madoobe iyo Deni oo ka cadhooday tallaabada ay qaaday dowladda ayaa dalbanaya qodobo ay ka mid yihiin: 1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane. 2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada. 3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo. 4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. 5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February. Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in xalka doorashada aanu weli dhoweyn. Qaran News
  22. Laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka Puntland, ayaa qarka u saaran in uu ka go’o nawaaxiga buundada Midigar, oo uu dhexaysa caasimadda Garoowe iyo tuulada Sinujiif ee Gobolka Nugaal. Laamiga ayaa ka burbursan aga’gaarka buundada Midigar, waxaana go’an hal seed, kadib markii ay waxyeello daran gaarsiiyeen daadad sannadihii la soo dhaafay ku fatahay dooxadaas. Gaadiidka kala duwan ee laamiga isticmaala ayaa cabasho xooggan ka muujinaya burburka wadada oo laga cabsi qabo in uu gebi ahaanba go’do. Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ayaa meel badan ka burbursan, waxase haatan u daran dooxada Midigar, halkaas oo wadada seed dhan maqanyahay. Sidoo kale, shilalka gaadiidka ayaa ku soo batay laamiga dheer, gaar ahaanna inta u dhexaysa Garoowe iyo Qardho. PUNTLAND POST The post Laamiga xiriiriya magaalooyinka Puntland oo qarka u saaran in uu gebi ahaanba go’o appeared first on Puntland Post.
  23. Weerar 10 ruux lagu dilay oo ka dhacay dalka Maraykanka Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay nin boolis ah oo kusoo baxay weerarka kaas oo ka dhacay dukaan Supermarket ah oo ku yaal gobolka Colorado ee dalkaasi Mareykanka xalay saqdii dhexe, xilliga Afrika. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska ayaa waxaa ay dhacdadani ka dhacday dukaan lagu magacaabo King Soopers oo magaalada Boulder ee gobolka Colorado ku yaal, waxaana uu intaasi ku daray in ay iminka wadaan aqoonsiga dadka ku dhintay weerarkaasi. Nin boolis xaafadda ah ayaa ka mid ah dadka goobta ku geeriyooday, waxaana lagu magacaabay Eric Talley. Ruux rag ah oo weerarkan lagu tuhunsan yahay ayay boolisku dhaawaceen, waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada magaalada. Wali lama sheegin ujeedka ka dambeeya weerarkan, balse waxa ay boolisku wadaan baadhis ku aadan arrintaasi. Qof ka bad-baaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkayay nin hubeysan oo dukaanka soo galay kaas oo aan isgoo qofna aan la hadlin xabado bilaabay. Qaran News