-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subaxnimo-2432021-ok.mp3 View the full article
-
Ethiopia's prime minister has acknowledged for the first time that troops from neighbouring Eritrea have been in the Tigray region following the outbreak of conflict in November. Source: Hiiraan Online
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qaraxyo nooca miinada ah lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Gololey oo hoostaga Balcad, iyada oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada marka ay dhaceen, kadib ciidamada AMISOM ay dhinacyada u fureen rasaas xoogan, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaaday inay gubtay labo gaari oo nooca gaashaaman ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaas qaraxyada loo adeegsaday. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa qoraalkii ugu adkaa kasoo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya, ayada oo si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg deg u wareejiso. “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalak Norway. As a close partner, is deeply concerned about the lack of political will by all to seek a solution. The FGS is obliged to secure swift transfer of power, as are all political actors. A successful way forward requires courageous leaders seeking consensus. #Somalia — Norway in Somalia (@NorwayInSomalia) March 23, 2021 Dowladda Norway waxay sheegtay in waddo guul leh oo horey loo qaado ay u baahan tahay hoggaamiyeyaal dhiiranaan leh oo raadi tanaasul. Qoraalka kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho ee lasoo dhigay twitter-ka, ayaa ah kii adkaa ee mid ka mid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, xilli inta badan dalalka kale ee Reer Galbeedka lagu eedeynayey inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale sii cusleynaya in Norway ay tahay dalalka ugu badan ee lacagta ku bixiya Soomaaliya, islamarkaana taageera dowladda federaalka. Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto.
-
Dowladda Norway ayaa walaac xooggan ka muujisay khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka. Qoraal xalay ka soo baxay dowladda Norway, ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay hoggaamiyaal siyaasadeed oo dhiirran, kuwaas oo khilaafkooda ka heshiin kara, si loo qabto doorashada. Dowladda Norway waxay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku tilmaantay, kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed oo ku jihaysan in la xalliyo muranka Arrimaha doorashooyinka. “Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku w”reejiso” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Digniinta dowladda Norway ayaa ku soo aaday, xilli weli aysan hoggaamiyaasha Soomaaliya xal ka gaarin muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka. PUNTLAND POST The post Norway oo dowladda Soomaaliya ku amartay in ay xukunka si dhakhso ah u wareejiso appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu si qoto dheer uga walaacsan yahay is-mari waaga siyaasadeed ee ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya. “Is-mari waagan waxa uu halis muuqata ku yahay xasilloonida dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, oo markii horeba wajahayey xaalado bani’aadannimo iyo kuwa amni oo halis badan,” ayuu António Guterres ku yiri qoraal uu soo saaray. Guterres ayaa ku booriyey hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg wada-hadallo u yeeshaan oo ay qabtaan shir madaxeedka la qorsheeyeey [ee Afisyoone] ayaga oo aan shuruudo ku xirin, si ay u xaliyaan khilaafkooda ku aadan hananaka doorashada una gaaraan heshiis horey loogu dhaqaaqo. Waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay hoggaamiyayaasha Soomaalida uga go’an tahay hanaanka doorasho ee September 17, wuxuuna ugu baaqay inay deg deg isugu raacaan fulintiisa, iyo qabashada doorasho ayada oo aan dib loo dhigin. Xoghayaha guud ayaa mar kale ku celiyey in QM ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto nabadda, xasilloonida iyo baraaraha.
-
Samsam Jama, a nurse working in Somaliland’s Edna Hospital and Hargeisa General Hospital, has published a book in Somali about the Somali public’s harmful misconceptions on health issues. The book, titled Faraadin, (‘Herbalist: medical myths’), discusses some of the false beliefs she has found to be widespread among her patients while working as a nurse, and which she seeks to debunk with correct information made accessible in Somali language. Source: Hiiraan Online
-
Drop-in vaccination clinic to be set up in Leicester mosque
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dr Samira Hassan, a GP in Leicester, has worked closely with the Somali community in St Matthews for several years and will be working at the clinic on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Suspected Al Shabaab militants on Tuesday morning ambushed a water bowser ferrying water to the construction site of the Kenya-Somalia security border wall killing one person. Source: Hiiraan Online
-
The UN top relief official in Somalia has called for urgent action to prevent a catastrophe in Somalia amid a looming drought. Source: Hiiraan Online
-
Luuq (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen odayaasha deegaanka, ciidanka ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Isniintii toogasho ku dilay ugu yaraan 10 qof oo ah dad xoolo dhaqato iyo reer guuraa ah. Dadka la dilay ayaa laga soo kaxeeyay degaan lagu magacaabo Fadhi-weyne oo ka tirsan degmada Rabdhuurre ee gobalka Bakool, waxaana lagu dilay degaanka Garayaale oo ka tirsan degmada Luuq ee gobalka Gedo. Lama oga sababta dadkaan loo dilay, hase waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka New Police ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sheegeen in ay degaanada xuduudda ah ka sameynayaan hub ka dhigis dadka maleeshiyaadka ah. Ciidanka dil wadareedka geestay ayaa la sheegay in ay kaxeysteen dad ka badan 20 qof, kuwaas oo hada ku xiran tuulo ku taalo xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana lagu soo warramayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus. Odayaasha degaanka ayaa dowladda Soomaaliya, maamulada Koonfur Galbeed iyo Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka dalbaday in arrintaan si deg deg ah wax looga qabto. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo kan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidanka New Police ayaa muddooyinkaan kordhiyay dhibaatooyinka ay ka geysanayaan degaanada Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si dhab ka hadal ah uga hadlay arrimaha ka taagan dalka, wuxuuna walwal ka muujiyay meesha dalka loo wado xilli uu wareysi siinayay barnaamijka Hanoolaato. Waare ayaa sheegay in madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan rabin Federaal, taasina ay tahay mid uusan qarsan, wuxuuna ku eedeeyay iney kaliya doonayaan dad siyaasadooda taageersan iney kaliya noolaato. “Dowladda ma qariyaan waxey rabaan, ma rabaan system-ka Federaalka,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo la hadlayay wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo barnaamijka Hanoolaato. Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee ay dooneyso iney dalka ku maamusho sida kacaankii iyo kaligii talisnimo, isagoo daliil usoo qaatay ineysan marnaba raali ka aheyn cid aan ayaga aheyn iney taliso, mana rabaan in xal laga gaaro doorasho iyo wax la mid ah. “Wadada aan qaadeyno ma tahay mid sharci ah, hadii aad xisbigaan ka tirsan tahay kaliya ayaad noolaaneysaa, hadii kalana noolaan meysid,” ayuu yiri Waare, oo sheegay in cidda kaliya ee Farmaajo wax u ogol yahay tahay kuwa isaga raacsan. Dhanka kale isagoo ka hadlayay is mari-waaga ka taagan shirka arrimaha doorashada oo hal dhinac kaliya maalintii labaad Muqdisho uga socdo wuxuu sheegay in hadii la heshiin waayo ay beesha caalamka talin doonto. “Hadii shirka socda guuleysan waayo, xalna laga gaari waayo, warkeyga meel ku qoro Soomaalida talo dambe dib loo weydiin maayo, hadii aad is leedahay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe wey iska laabanayaan, Farmaajana waa joogayaa, riyo ayaad ku jirtaa, hadii aan tashan weyno, waa naloo talinayaa” ayuu yiri Waare. HALKAAN HOOSE KA DAAWO BARNAAMIJKA:
-
Midowga Yurub oo Digniin Culus u diray Madaxda Soomaalida Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda ahna Madaxweyne ku xigeenka Josep Borrell Ururka Midowga Yurub ayaa Talaadadi ugu hanjabay hogaamiyaasha Soomaalida, gaar ahaan kuwa wiiqaya wadahadallada doorashooyinka, in ay la kulmi doonaan cawaaqib ka dhasha ficilladooda. War saxaafadeed xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September. Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed. Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha. Bayaanka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha siyaasadeed ay naftooda ceebeeyaan si ay u matallaan muwaadiniintooda, marka ay danahooda shakhsiyadeed ka hormariyaan danta guud. “Kuwa wiiqaya wadahadalka ama miciin bida in ay adeegsadaan qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxaya wajahi doonaan cawaaqib ku aadan ficilladooda.” Ayuu lagu yiri warka Talaadadi shalay kasoo baxay Midowga Yurub. Madaxda Soomaaliya ayaanan wali heshiis ka gaarin doorashada baarlamaaniga iyo tan madaxtinimada, kaddib marki uu bishi Febraayo ee sannadkaan dhamaaday, mudda xileedki madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo. Midowga Yurub ayaa dhaqaalo xooggan ku bixiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Howlgalka Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya Qaran News
-
Maxay tahay shaqada Mareykanka laga siiyay Amiir Harry? Amiir Harry oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu madax aan toos ula macaamilayn shaqaalaha ka noqdo shirkad ku taala Mareykanka oo ka shaqaysa daryeelka xanuunada ku dhaca maskaxda. Amiir Harry ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu “runtii aad ugu faraxsan yahay” qabashada xilkan cusub. Balse waxaa weli cadayn howlaha saxda ah uu qabanayo, saacadaha uu shaqaynayo iyo inta uu mushaarkiisu yahay. Shaqadaan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu qabto tan iyo markii uu iska wareejiyay jagadii uu ka haayay boqortooyada Ingiriiska bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay. Waxay sidoo kale imaaneysaa ka dib markii Amiir Harry iyo Meghan ay wareysi aad loo daawaday siiyeen Oprah Winfrey horaantii bishaan. Waraysi qiiro leh oo ay siisay weriye Oprah Winfrey, ayay Meghan ku sheegtay in midab takoor ay ka dareentay Qoyska Boqrtooyada Ingriirska, taasi oo kaalin ka qaadatay fikradeheeda ah inay isdisho. Midab takoorka ka dhex jira qasriga boqortooyada iyo warbaahinta ayaa kaalin weyn ka qaatay dareenkeeda ku aaddan inaysan doonayan inay sii noolaato, sida ay sheegtay Meghan. “Saameynta ka dhalata caadiska qorsheysan iyo kala sooca ayaa ah sababta ugu xanuunkabadan,” waxaa sidaasi barteeda Instagram-ka kusoo qortay Serena Williams, oo ah ciyaaryahanad Teeniska ciyaarta, oo saaxib la ah Meghan. Dadka qaar waxay sheegeen in reer Mareykan ay aad uga naxeen hadalka Meghan ee ah in walaac laga muujiyay midabka canugga ay dhaleen iyada iyo Amiir Harry. Boqortooyada UK ayaa sheegtay in sheegashadu ay tahay “mid khuseysa “, laakiin si gaar ah wax looga qaban doono. Horraantii toddobaadkan, Boqortooyada ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo kala duwanaanshaha ka dhex jiro dhammaan qoysaska boqortooyada. Wuxuu sidoo Amiir Harry bayaankiisa ku sheegay in hadafka shaqadiisa cusub ay noqon doonto “in kor loo qaado wada hadalada xasaasiga ah ee ku saabsan caafimaadka maskaxda, in la dhiso bulshooyin taageero iyo naxariis leh, lana kobciyo dadaalada wax loogu qabanayo dadka qaba xanuunada maskaxda. Amiir Harry si toos ah uma maamuli doono shaqaalaha, laakiin waxay u badan tahay inuu in muddo ah ku qaato xarunta shirkadda San Francisco markii ay ammaan tahay in la sameeyo, madaxa BetterUp Alexi Robichaux ayaa u sheegay Wall Street Journal (WSJ). Wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee shirkaddan xilka noocan ah u magacowdo, amiir Harry waxaa laga filayaa inuu talo ku yeesho dadaallada ay ka mid yihiin go’aanada dhanka istiraatiijiyadda wax soo saarka iyo bixinta deeqaha, wuxuuna si guud uga qayb qaadan doona ololaha la xiriira deeqaha lagu kabayo dadka saamaynta ay ku yeesheen xanuunadan. Shirkadda uu Amiirka ka howl geli doono ee lagu magacaabo BetterUp, ayaa la aasaasay sanadkii 2013-kii. Shirkadda ayaa sheegtay in shaqaale ka badan 2,000 ay bixiyaan adeegyada lagu daryeeelo dadka ay xanuunada maskaxda ka gaartay. Amiir Harry ayaa horay u daah-furay mashruucyo sida Invictus Games, taasi oo looga gol leeyahay in xubnaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ay ka helaan taageero dhanka maskaxda iyo jirkuba. Amiir Harry iyo Meghan ayaa haatan ku nool California ka dib markii bishii Janaayo ay xaqiijiyeen inay si toos ah uga mid ahaan donin boqortooyada ayna ka shaqeeynayaan sidii ay ku heli lahaayeen lacag ka madax banaan tan boqortooyada. Waxay sannadkii hore ku dhawaaqeen inay heshiis la gaareen shirkadda fililmada ee Netflix si ay ula sameeyaan mashruucyo qaar kuwaasi oo xitaa qaar kood ay ka soo dhex muuqan karaan. Qaran News
-
Ra’iisal wasaare Abiy oo qiray in ciidamo Eritrean ah ka dagaallameen gudaha Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa markii ugu horreysay qirey in ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea ay ka soo gudbeen xadka isla markaana ay ka qeyb qaadanayeen colaadda ka taagan gobolka Tigray. Hadalkan ayaa yimid ka dib muddo bilooyin ah ay labada dalba beeninayeen. Ciidamada Eriteriya ayaa lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen magaalooyin ka tirsan dalka Itoobiya tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada bishii November ee sanadkii hore Kaddib baaqyo isdaba joog ah oo caalami ah oo ku aaddanaa in Ereteriya ay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya,. Abiy Ahmed wuxuu sheegay in ciidamadu ay soo galeen maadaama ay Eritrea ka walaacsan tahay in ay weeraraan xoogaga Tigreega. Wuxuu sheegay in saraakiisha Eriteriya ay u xaqiijiyeen inay baxayaan isla marka ay militariga Itoobiya awood u yeeshaan inay sugaan xadka. Hadalka Abiy ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in si wadajir ah baaritaano loogu sameeyo eedeymaha ah in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray. Mareykanka wuxuu ku tilmaamay colaadda Tigray isir sifeyn. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa bishii Nofeembar howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolka Tigray kadib ciidamada TPLF ay weerar ku qaadeen saldhiga militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka. Waxaana lagu soo warramay in colaadda Tigray ay kumanaan qof ku dhinteen halka boqolaal kun ay ka qaxeen gobolka. Abiy oo qirtay in dagaalka Tigray ay ciidammo Ereteriyaan ahi ka qayb galeen Abiy Ahmed ayaa sheegay askari kasta oo lagu eedeeyo danbi ku saabsan dhac iyo wax la hal maala in lala xisaabtami doono Ra’iisel wasaaraha Itoobiya ayaa qirey markii ugu horeysay qiray in ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigreega ka dib dagaalkii bishii November.Muddo bilo ah ayay labada dalba beeniyeen in ciidammadaasi ay ka gudbeen xadka.Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in ciidamada Eriteriya ay yimaaddeen iyagoo ka baqaya in ay weeraro uga yomaaddaan dagaalyahanada gobolka ee Tigray.Iska hor imaadkan ayaa bilawday kadib markii Jabhada Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo kuyaala gobolka. Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa kala dhexeeyey Mr Abiy kaas oo ku aaddan mustaqbalka nidaamka federaalka ee Itoobiya ee ku saleysan habka qowmiyadeed iyo doorka ay ku leedahay dowladdu.Boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii Tigray shantii bilood ee la soo dhaafay.In kasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhamaadkii bishii Nofeembar isla markaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka. Mr Abiy, oo horey ugu guuleystey abaalmarinta Nobel Peace Prize, ma uusan qiran in askarta Eriteriya la geeyey tuulooyinka oo dhanb. Kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa ku eedeynaya askarta Eriteriya inay xasuuq ka geysteen magaalooyin sida Aksum, oo ay ka mid yihiin dilka dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn, kufsiga haweenka iyo dhaca baahsan ee hantida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay baarlamaanka in Ereteriya ay sheegtay in askarteeda ay u dhaqmayaan sugida xuduuda, iyagoo la wareegaya dhufeysyo halkaas ku yaal oo ay ka tageen askarta Itoobiya ee u baxay dagaalka.Wuxuu sheegay inuu kala hadlay saraakiisha Eriteriya eedeymaha loo soo jeedinayo ee ah in askarta ka socota Eriteriya ay xasuuq ka geysteen Tigray.”Kadib markii ciidanka Eriteriya ay ka gudbeen xadka isla markaana ay ka howlgaleen dalka Itoobiya, wixii dhibaato ah ee ay u geystaan dadkeena lama aqbali karo,” wakaalada wararka ee AFP ayaa soo xigatay isaga oo leh.Bartiisa Twitter-ka ayaa intaas ku dartay: “Warbixinadu waxay tilmaamayaan in tacadiyo laga gaystay gobolka Tigray.”Iyadoo aan loo eegin dacaayadaha buunbuuninta ah ee TPLF, askari walba oo mas’uul ka ah kufsiga haweenkeena iyo dhaca bulshada kudhaqan gobolka waa lala xisaabtami doonaa maadaama hadafkoodu yahay ilaalinta.” . Tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, in hay’adaha iyo saxaafadda ay galaan aad ayey u adkeyd. Weriyaha BBC, Kalkidan Yibeltal, ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday in uu gobolka booqdo, wuxuuna ku soo arkay xaalada aad u xun oo bini-aadamnimo. Maalin kasta, magaalada Shire waxaa ka sii baaba’aya nolosha aasaasiga ah. Betlehem Tesfaye, oo lix sano jir ah, waxay ka soo barakacday meel u dhow magaalada Aksum, oo qiyaastii 50km ee bariga fog ah. Labadeeda lugood ayey ku wayday qaraxii ay hooyadeed ku dhimatay. Aabeheed wuxuu daweynteeda ku bixiyay dhammaan lacagtii uu haystay. Haddana ma garanayo halka uu uga keeni karo lugo macmal ah oo ay isticmaasho. Sida magaalooyiinka kale ee gobolka Tigray, deegaanka Shire wuxuu hoy nabdoon u noqday kumannaan qof oo ka soo barakacay colaadda la sheegay in ay dhibaato u geysatay xuquuqda aadanaha, sida xasuuq, kufsiga ay ciidanka dowladda geysteen iyo isir sifeyn. Balse magaaladan ay deggan yihiin 170,000 oo qof, kuna taalla bartamaha gobolka waxaa ka taagan dhibaato gaar u ah. Magaalada Shire waxaa ku soo qulqulaya barakacayaal aad u badan, afartii bilood ee la soo dhaafay, diyaarna uma ahayn qaabilaadda tiradaas. Dhismeyaasha iskuullada iyo jaamacadaha ku yaalla magaalada waxay hoy u noqdeen barakacayaasha, waana masraxa dhibaatada hadda taagan. Hay’adaha gargaarka waxay sheegayaan in illaa 200,000 oo qof ay gabaad u noqdeen xeryaha barakacayaasha ee magaaladaas. Waxaana dadkaas u badan haween iyo carruur. Dadkii ugu horreeyay ee halkan soo gaaray waxay yimaadeen bishii November ee sannadkii hore, xilligii uu dagaalka bilowday. Badankooda waxay ka soo qexeen dhulka hoose ee Tigray, gaar ahaan Koonfurta iyo Koonfur-Galbeed, maalmihii ugu horreeyay ee colaadda. Dagaalka waxaa sababay khilaafkii adkaa ee muddada u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo hoggaamiyeyaashii TPLF ee gobolkaas – Jabhaddaas waxay ahayd middii haysay awoodda maamulka dalkaas tan iyo 1990-kii, waxayna awoodda lumisay markii Abiy uu xilka qabtay, 2018-kii. Ka dib markii Abiy Axmed uu ku dhawaaqay howlgal militari oo ka dhan ah TPLF, go’aankaas oo dabasocday weerar lagu qaaday saldhigii ciidamada cirka ee dowladda ee Mekele, wuxuu dagaal culus ka bilowday jihooyiin kala duwan. Dhanka Koonfurta iyo Koonfur-Galbeed, ciidamada gobolka Amxarada ayaa galay si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka TPLF. Atsede Mebrahtom oo 65 sano jir ah, waxay xasuusataa wixii dhacay maalmahaas argagaxa iyo cabsida lahaa. Waxay ka mid ahayd dadkii ka soo qaxay magaalo lagu magacaabo Dansha. Waxay isla soo qaxeen labadeeda gabdhood iyo qaraabada. Ms Atsede, gabdheheeda, seygeeda, ilmaha ay ayeeyada u tahay, dhammaantood waxay hadda ku nool yihiin xero ku taalla magaalada Shire. Markii ay guryahooda ka soo qexeen, iyagoo lacag iyo alaab aan wadanin, ma aysan garaneyn meesha ay ku dambeyn doonaan. Mararka qaar way soo lugeeyeen, marna waxay dhinac ka soo raacayeen gawaarida waaweyn ama basaska ay saarnaayeen dad iyaga la mid ah oo soo barakacay. “Ma nasan karin intii aan soo soconay,” ayey tiri. way oomanaayeen, wayna gaajeysnaayeen. “Waan tuugsaneynay si aan jab rooti ah u helno una siino carruurta. Waxaan barinay biyo aan carruurta ku waraabino.” Waxay sheegtay in ay jidadka ku aragtay maydad aan la aasin. Waa muuqaal aysan ilaawi karin. Ma faraxsanin, ayey u sheegtay weriyaha BBC. “Balse weli waan noolnahay . Maalmo kala duwan way na soo maraan wayna na sii dhaafaan. Nasiib ayaan leenahay haddii aan noolnahay.” Xeryahan ayaa lagu siiyaa kaalmo yar. Balse dadkan waxay sheegayaan in aysan ku filneyn. Maamulka ku meelgaarka ah ee Tigray, ee dowladda ay magacowday, ka dib markii TPLF meesha laga saaray, waxay sheegayaan in illaa 4 milyan oo qof ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah – waa in ka badan kalabar bulshada Tigray. In ka badan hal milyan oo qof ayaa gudaha gobolka ku barakacay. Etenesh Nigussie, Afhayeenka maamulka, waxay sheegtay in hay’adaha gargaarka looga baahan yahay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda. Qaran News
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Djibouti (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo war ka soo saaray khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uusan u qabsoomin sidii loogu talagalay. “IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD. Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. “Danaha dadka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu muhiimsan, hoggaanka Soomaaliyeed-na waa inuu ka dhabeeyaa himillada shacabka ee ah in la helo doorasho nabdoon, loo wada dhanyahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay. Ismari-waa xoog leh ayaa ka jira hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, waxaana si heshiis looga gaaro dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la isugu keenay magaalada Muqdisho, balse weli caqabado hor leh ayaa ku hor gudban inay isi-soo hor fariistaan, oo heshiis ka gaaraan qodobada ay isku hayaan. Beesha caalamka ayaa wada dadaallo aan kala joogsi laheyn, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray. Qoraalkii u dambeeyey ee lagula hadlay madaxda Soomaalida, waxuu ka soo baxay xafiiska Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxaana lagu yiri, “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin.”
-
Hordhac. Dhawaan ayay ahayd markii uu safiirkii hore ee Ingiriiska u fadhiya dalkeenna isaga oo canaanaya madaxda Soomaalida uu tusaale u soo qaatay aragti siyaasadeed oo uu lahaa Faylasuuf Ingiriis ahaa oo noolaa qarnigii 17aad. Waxa uu yiri: “afar boqol oo sano ka hor ayuu Thomas Hobbes ku dhashay tuulo u dhow midda aan anigu ku dhashay, iyada oo Ingiriisku ku sugan yahay xaalad u eg midda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay.” Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Hobbes oo ahaa mid ka mida qorayaashii ugu magaca dheeraa qaaradda Yurub ee dawladnimada wax ka qoray, waxa uu yiri: horumar, ammaan iyo kobac dhaqaale midna la gaari maayo haddii aan marka hore seeska loo dhigin siyaasad maamul oo ku qotanta heshiis bulsho.” Safiirku waxa uu yiri: hadalka Thomas Hobbes ma aanan fahmin illaa aan Soomaaliya ka imid. Gadaal ayaynu uga hadli doonnaa aragtida faylasuufka iyo buugiisii caanka noqday ee Leviathan ba, ee waxa aan hadalka safiirka uga bilaabay, in aad ogaato in aanay dawladuhu cidlo ka unkamin ee afkaar iyo aragti siyaasadeed lagu dhidbo. Dhanka kalana aad fahanto in wadciga aynu maanta ku jirnaayi uu yahay mid dawlad-dhisid ah ee uusan ahayn mid qaangaarnimo ah. Waa maxay ujeedka qormadu? Si fahamkeenna dawladnimadu u gaamuro waxa aynu qormadaan ku darsi doonnaa afkaartii siyaasadeed ee dawladaha casriga ah lagu dhidbay iyo wixii afkaartaas looga dan lahaa ama lagu diidanaa. Ujeedada aynu afkaartaas usoo gudbinayno ayaa ah inaad ogaato in waddada dawlad-dhisadda iyo afkaarta lagu dhisaaba ay yihiin mid aadanuhu ka siman yahay oo ay daruufo isku mid ahi sababaan. Waxaan doonayaa inaad ogaato in doodaha siyaasdeed ee ina dhex maraya inta aynu ku guda jirno xilliga dawlad-dhisidda ay yihiin kuwo caafimaad qaba oo ka turjumaya daruufaha inagu xeeran. Hadafka qormada ayaa ah inaan marna lagaa dhaadhicin in doodahaasi ay yihiin kuwo qaranimada lagu wiiqayo ama uu shiisheeye inoo meerinayo. Waa in aad mar walaba xasuusnaataa in aynu nahay qaran dumay oo ku jira marxaladdii ka dambaysay qaran-jabka oo ah marka ugu qalafsan ee afkaar siyaasadeed oo wax lagu dhiso la mideeyo. Si aad waaqiceenna u fahanto, dabinka marin-habaabiyayaasha na aadan ugu dhicin, waxa aynu darsi doonnaa afkaaraha ay ku taagan yihiin dawladaha casriga ah ee maanta caalamka ka jira iyo xaaladihii adkaa ee ay ku dhismeen. Bilowgii Fikir Siyaasadeedka. Waxaa la yiraahdaa aadanuhu siddiisaba waa siyaasad iyo xukun ku nool oo Abkeennii koobaad Aadan ayaa Alle dhulka Khaliif uga dhigay. Midda kale, mulkigu waa meeshii ugu horraysay ee Iblaysku Aadanaha ka soo galay, oo waa tii uu Aadan ku yiri: “Ma ku tusaa geedka waaritaanka iyo mulki aan dhammaanayn?” Sida caadiga ah maamulka iyo siyaasadduba waxa ay ka soo unkameen unugga ugu hooseeya ee aasaska u ah dhismaha bulshada oo ah qoyska. Markaas ka bacdi ayaa taladu reer u soo gudbtaa ugu dambayna dawlad ku dambaysaa. Kolkii ay siyaasaddu qoyska iyo beelaha dhexdooda joogtay, waxa ay ku dhisnayd xushmad iyo qaddarin loo hayay cidda maamulaysay iyo naxariis iyo ixtiraam ay maamulayaashu u hayeen dadka ay masuulka ka ahaayeen. Laakiin, markii uu aadanuhu daggane ilbax ah oo dawlado leh noqday, xaalku sidii hore waa iska baddalay. Odoyaashii reeraha ayaa marakan isu baddalay boqorro xoog badan oo awood xad-dhaafa leh. Awooddaasi waxa ay sababtay in layska dhaxlo, lagu amar ku taagleeyo raciyaddana lagu dulmo. Si ay xukunkooda sharciyad waarta oo aan lagula loolamin ugu helaan, boqorradii hore ee gaalada ahaayi waxa ay wakiil ka noqdeen ilaahyadii ay caabudi jireen. Markii ay taasi ku fillaan waydayna ayagii ayaa isu sharaxay inay noqdaan boqorro ilaahyo ah, ‘Alle ka nasahan xumaan oo dhan’e.’ Reer fircoon, reer Namruud iyo kuwo kale oo badan ayaa tusaale u ahaa boqorradaas xilka iyo jagada ba baddashay. Waxaa jiray meelo fara ku tiris ah oo siyaasad taas ka gaddisan ka jirtay sida magaalo-dawladeedkii Giriigga ahayd ee Athens. Inkasta oo reer Athens ay ahaayeen cawaan aan diin haysan, haddana waxa ay lahaayeen nidaam isdoorasho oo bulshadu wakiilladeeda iyadu ku dooran jirtey. Dagaalkii loo yaqaanney Peloponnesian-ka ee u dhaxeeyey Sparta oo ahayd magaalo-dawladeed kale oo xagga ciidamada ku xeeldheerayd Giriig-na ahayd iyo Athens ayaa soo afmeeray nidaamkii isdoorasho ee Athenianka, marrkii laga awood roonaaday kuwa dambe. Burbukii dimuquraadiyaddii reer Athens iyo marxaladdii qalafsanayd ee ka dambaysay ee loo yaqiinnay marxaladdii soddonka dhiigyacab (The Thirty Tyrants) ayaa sababtay inay bilaabato dood cilmiyeedkii ugu horraysay ee dawlad lagu unko. Waa dooddii uu bilaabay faylasuufkii waynaa Plato, aakhirkiina uu sii cayiliyey ardaygiisii Aristotle. Labada faylasuuf oo mid waliba uu ka tagay buug asal u noqday cilmiga siyaasadda, Plato oo iska leh buugga Republic iyo Arstotle oo lahaa Politcs waxa ay dooddooda saldhig uga dhigeen sidii loo dhisi lahaa magaalo xasilloon oo xasarad ka maran ayna ka jirto caddaalad, sinnaan iyo horumari. Magaalo aanay koox danley ah iyo kaligitaliye midkoodna xukumin. Plato isagu waxa uu door bidaa in hoggaanka magaaladaasi uu noqdo boqor faylasuuf ah. Halka uu Aristotle isagu ka hadlo nidaam-siyaasadeed guda ballaaran oo muwaadinka magaaladaas ku nool himilooyinkiisa aasaasiga ah xaqiijin kara. Waxa uu isbarbar dhigaa illaa lix nidaam oo wax lagu xukumo oo kaligitalisnimadu ugu liidato. Waxa uuna door bidaa nidaam isugu dhafan doorasho xor ah iyo madaxyawayn (aristocracy). Siyaasaddii Islaamka Islaamku waxa uu caalamka ku soo biiray iyada oo caalamku uu ku jiro is-addoonsi iyo kala sarrayn xad dhaaf ahi. Nabiga oo loo soo dhiray inuu bulshada nooc ay doontaba ha ahaatee uu ka saaro mugdiyada faraha badan ee ay ku jiraan waxa uu la yimid nidaam Rabbaani ah oo ku dhisan shuruuc iyo qawaaniin ay dadku u siman yihiin. Arintaani waxa ay si fiican uga muuqataa qisadii dhex martay saxaabigii Ribciyi Ibn Caamir iyo Rustum hoggaamiyihii Faarisiyiinta xilligii uu socday dagaalkii muslimiintu ku furanayeen Faaris oo ka mid ahayd meelahii xuquuqdu aadanuhu ugu liidatay. Rustum, isaga oo la yaabban dadkii Carbeed ee cayrta raacatadaa ahaan jiray, sida ay u soo hawaysteen Faaris oo ahayd tii ugu waynayd dawladihii caalamka markaas ka jirey, doonayana inuu ogaado bal waxa ay raadinayaan ayuu ka codsaday taliyihii muslimiinta, Sacad ibn Abii Waqaas, in uu u soo diro nin la xaajooda. Ribciyi, oo ahaa ninkii loo soo diray, kolkii uu u yimid ayaa Rustum ku yiri: “war maxaad doonayseen?” Markaas ayaa saxaabigii ugu jawaabay: “waxaa naloo soo diray inaan dadka ka saarno addoonsiga ay dadku addoommo isu yihiin una saarno addoonnimada Eebbe, Inaan dadka ka soorno ciriiriga adduunyada una saarno waasicnimada aakhiro iyo inaan dadka ka saarno gabood falka diimaha una saarno caddaaladda Islaamka.” Dhaqankaas ayaa Islaamku caalamkii mugdigu ka jiray ku soo kordhiyey. Waxaa kale oo Islaamku la yimid in dadku madaxdooda ku doortaan qiyam, diin, karti iyo hufnaan oo aysan ku dooran dhalasho. Inkasta oo markii dambe dawladihii Islaamku noqdeen boqortooyo la kala dhaxlo, haddana afartii khaliif ee Rasuulka ka dambaysayba qaabkaas ayaa xulashadoodii loo maray. Waxaa kale oo Islaamku la yimid, in sovereignty-gu uusan ahayn boqorka ee uu yahay sharciga iyo qaynuunka oo ah shareecada islaamka. Dawladdii islaamka ayaa ahayd middii ugu horraysay ee sharci loo simanyahay ku dhaqanta. Hoggaamiyaha waxaa la addeecayaa inta uu diinta oogayo sharcigana ku toosan yahay Reer Yurub iyo fikirkii dawladaha casriga ah. Markii ay reer Yurub masiixiyadda qaateen gaar ahaan Imbaradooriyaddii Romanka qarnigii afraad, dhaqammo badan oo ay horay u lahaayeen ayay diintii cusbayd la soo galeen. Dhaqamadaas waxaa ka mid ahaa in qayska boqortooyadu uu yahay tafiir ka soo farcantay ilaahyadooda, sidaas daraadeed sharciyad ay u haystaan xukunka. Isla dhaqankaas ayaa sasab u noqday in Nabi Ciise (Calayhi Salaam) ay ku sheegaan Eebbe wayne ama wiil uu Eebbe dhalay (Eebbe wayne xumaan oo dhan ka hufane) maxaa yeelay ilaahyadoodii hore ayaa ahaan jirey kuwo laga farcamo. Marakan faracii ayaa lagu baddalay in boqoradu ay iyagu Alle wakiil ka yihiin, sidaasna ay sharciyad wax lagu xukumo ku haystaan. Cid aan iyaga ahayn xukunka ma hawaysan jirin maxaa yeelay iyaga uun ayaa sharciyadda haystay. Kaniisaddii Kaatooligga ayaa iyana ahayd awoodda shacabka u gumaynaysay. Kaligitalisnimada casriga ah Wixii ka dambeeyey qarnigii 16ad ayaa shucuubtii dulmanayd bilowday in ay gunnimadii isbahaysigaas ka xoroobaan. Afkaartii ugu horteysay ee lagu dhisayey dawlad ka gaddisan kuwaas waxaa soo bandhigay mufakarkii reer Talyaani ee Niccolò Machiavelli oo ku noolaa magaalo -dawladdeedii Florence. Machiavelli oo ay yiraahdaan waa aabihii cilmiga siyaasadda casriga ah waxa uu qoray buug uu ugu magacdaray The Prince (Amiir). Buuggu waxa uu ku saabsan yahay talooyin la siinayo amiirkii magaaladaas xukumayey. Prince oo dad badani u yaqaanaan buuggii sharka waxa uu amiirka magaaladaas siinayaa talooyin xukunka ku haynaya iyo kuwa kale oo u sahlaya qabsiga magaalooyin kale iyo qaabkii uu u maamuli lahaa meelaha uu qabsan doono. Hammiga qoraaga ayaa ahaa in la dhiso dawlad xoog leh oo nin xoog lihi xukumo. Si dawladdaas ay u hirgasho waa in amiirku wajahaa xeelad walba oo xukunkiisa dheeraynaysa. Buugani waa midka laga barto kaligitalisnimada iyo dhagarta siyaasadda oo dhan. Waxaa la yiraahdaa haddii aanu buuggaani jiri lahayn, Hitler, Stalin, Mousallini, Saddam Xuseen iyo Qadaafi midna ma jireen. Fikir siyaasadeedkaan ku dhisan ismaquuninta, kala adkaanshaha iyo in gacan bir ah raciyadda lagu dhaqo waxaa Machiavelli ku xambaaray xaaladdii siyaasadeed ee dalkiisu xilligaas ku sugnaa. Talyaanugu waxa uu ahaa dal taag daran, isu col ah, cadawgiisana u nugul oo mar walba la qabsado. Si taas looga hor tago ayuu nidaamkaan ugu fakaray. Heshiis Bulsho Horay waxa aynu u soo sheegnay in qarnigii 16aad uu ahaa markii ugu horraysay ee shucuubtii reer Yurub bilaabeen in ay ka xoroobaan isbahaysigii kiniisadda iyo boqorka. Xornimadaasi waxa ay ku koobnayd dhanka diinta oo waa markii ay soo baxday madhabta Protestanka oo ku caasiyowday wadaadkii ugu sarreeyey kaniisadda. Boqol sano ka bacdi ayaa dadka Ingiriisku bilaabeen in ay diidaan wakiilnimadii boqorku uu Alle wakiilka ka ahaa iyo xukunkii kaligiis gacantiisa ku urursanaa. Kacdoonkaas oo socday ku dhawaad toban sano waxa uu sababay xasilooni darro siyaasadeed oo baahsan iyo in ugu dambayn boqorkii Ingiriiska barqo cad dhagta dhiigga loo daro. Dhacdadaan ayay ahayd middii uu tilmaamayey safiirkii Ingiriiska ee aynu hordhaca hadalkiisa ku soo sheegnay. Faylasuuf Thomes Hobbes, oo xilligaa noolaa, saamayna ay ku yeelatay mawjaadkii xasillooni darro ee uu Ingiriisku dhax maquurinayey ayaa qoray buuggiisii caanka noqday ee Leviathan. Hobbes waxa uu sharaxaad waafiya ka bixiyey xaalad uu ugu yeeray ‘State of Nature’ oo ah xaaladda dawlad la’aanta. Waxa uu qabaa in xaaladdaan ay ka dhalato mid kale oo uu u bixiyey ‘dagaalka cid waliba ay ku duusho cidda kale.’ (War everybody against everybody). Maadaama aan sharci iyo kala dambayni jirin waa xaaladda hubitaan la’aanta, xasilooni la’aanta, horumar la’aanta iyo dawlad la’aanta. Si bulshadu marka horaba aanay xaaladdaas ugu dhicin, ama haddii ay ku dhacdayba uga baxdo una kala badbaaddo ayuu qabaa in ay xuquuqdooda aasaasiga ah ka tanaasulaan si ay xasillooni iyo ammaan u helaan. Waxaa loo tanaasulayaa boqorka oo marakan aan lahayn awooddii wakiilnimada (divine right). Dariiqa tanaasulkaas lagu gaarayo ayaana ah heshiis bulsho oo dhex maraya boqorka iyo raciyadda. Halkani, waa meeshii ugu horraysay ee ay ka bilaabatay in dawladnimadu ay tahay heshiis bulsho. Xuquuqda Shacabka Waxa aynu soo sheegnay in xilligii Thomes Hobbes uu jiray kacdoon siyaasadeed oo Ingiriiska maasheeyey, aakhirkiina sababay in Boqor Charles-kii koobaad la dilo. Kacdoonka xooggiisu waxa uu u dhaxeeyey wakiiladii shacabka oo doonayey in ay yareeyaan awooddii boqorka iyo boqorka iyo taageerayaashiisii oo taas ka soo hor jeeday. Dadka qaybta hore aadka ula dhacsanaa, xilligaasna joogay waxaa ka mid ahaa Faylasuufkii caanka ahaa ee John Locks. Locks oo lagu tilmaamo Faylasuufkii ugu horreeyey culimadii Enlightenmentiga iyo asalka ninka ay fikraddiisa tahay nooca dawladeed ee uu Maraykanku qaatay waxa uu xilligaas qoray buug caana oo la yiraahdo ‘The two treats on the government.’ Locks, waxa uu khilaafsan yahay Machiavelli iyo Haobbes oo labaduba mudnaanta koobaad siinayey hoggaanka iyo ammaanka. Taas baddalkeeda isagu waxa uu xoogga saarayaa xuquuqda muwaadinka. Waxa uu qabaa, in dadku sidoodaba ay ku dhasheen xuquuq rabbaaniya oo aan cidina ka qaadi karin. Xuquuqdaas oo ah midda jiritaanka iyo inay sharaf ku noolaadaan. Maadaama cid waliba xuquuqdaas leedahay si aan cidna cidda kale xuquuqdaas uga qaadin ayay u baahan yihiin in ay helaan dawlad xuquuqdooda u ilaalisa. Si la mida Hobbes ayuu qabaa in bulshadu ay heshiis la gasho cidda xukumaysa. Laakiin si ka gaddisan Hobbes oo qabay in bulshadu ay ammaan ku badalato xuquuqdeeda waxa uu Locks qabaa in bulshadu ay ka tanaasusho qayb xuquuqdooda ka mid ah, gaar ahaan xuquuqda awoodda si maamulku u ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah. Haddii nidaamku ku xadgudbo sharafta iyo karaamada muwaadinka oo uu ku tunto xuquuqdiisii aasaasiga ahayd waxa uu qabaa in nidaankaas la iska dhacsho oo bulshadu tuurto. Xagga maamulka waxa uu qabaa in nidaamku ahaado mid qaanuuni ah iyo inuu jiro baarlamaan shacabka matala. Sidoo kale waxa uu qabaa in awoodaha la kala qaybsho. Afkaarta Locks waa midda lagu dhisay kacdoomadii Yurub ka bilowday qarnigii 18aad, ee boqortooyooyinkii lagu riday. Waana midda ay aabayaashii dhidbay dawladda Maraykanku qaateen. Haddii aad maanta eegto dawladnimada Maraykanka waa mid u samaysan xakamaynta cidda dadka xukunta. Waxaa jira awoodo badan oo isdheelli tiraya oo danta laga leeyahay ay tahay inaan midkoodna talada la gooni noqon. Qof kasta oo Maraykan ah xaq ayaa dastuurku u siiyay inuu hub qaato si uu u dhacsado xuquuqdiisii aasaasiga ahayd haddii ay dawladdu ka baxdo wixii lagu heshiiyey. Gunaanad. Waxa aynu imminka soo gaarnay dantii aynu ka lahay qoraalkeenna. Sidii aynu hordhacaba ku soo sheegnay waxa aynu iska diidaynaa kuwa inoogu sheekeeya inaynu ku jirno marxalad qaangaar ah oo aynaan ku jirin marxalad dhisme. Maadaama aynu ku jirno marxalad dawlad-dhisid ah, oo waliba bilow ah, waxaa kale oo aynu diidaynaa kuwa inagu yiraahda afkaarta aad dowladnimada ku dhisanaysaan shisheeye ayaa idiin meeriyey ee waayoaragnimo kuma salaysna. Dadkaas waxa aynu ku naqdinaynaa taariikhdii, afkaartii iyo aaraadii aynu ka soo hadalnay ee dawladaha lagu dhisay oo ahaa kuwo ku dul wareegayay daruufaha iyo xaaladihii gaarka ahaa ee ay bulshooyinkaasi sideenna oo kale qabeen. Haddaba, ma innaga oo 21 sano ku jirnay gacan kaligitaliye, toban sano oo ka dambaysay na ku jiray xaaladdii uu Habbes u bixiyey ‘dagaal cid waliba cidda kale ku duusho’ ayaan mudnayn inaynu geeddi-socodka dawladdhiskeenna saldhig uga dhigno afkaar iyo aaraa siyaasadeed oo saliima? Mise, xakamaynta aynu xakamaynayno nin xoog badan oo markale ina maquuniya, innaga oo wali xasuusan wixii uu nin xoog badani horay inoo baday, miyaan ahayn dareen dab lagu gubtay laga qab? Ugu dambayntii, si looga hortaga inaan dalku mar qura isula dumin sidii horay u dhacday oo kale, loona hor istaago awoodda kaligitaliyuhu inay diigyacabnimo u xuub siibto, dalka waaxyo faddaraala in laga dhigo, miyaa ah afkaar shisheeye inoo meeriyey ama gaalo ina gayaysiisay? Dhamaad. Mohamed Ahmed Elmi. The post Afkaarta dawladaha lagu dhidbo ma waayo-aragnimaa dhasha, mise waa la isu meeriyaa? appeared first on Puntland Post.
-
Midowga Yurub ayaa hanjabaad culus u jeediyay Hoggaamiyaasha Soomaaliya oo weli ku muransan Arrimaha doorashooyinka dalka. War Qoraal ah oo xalay ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September. Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed. Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo digniin adag u jeediyay Hoggaamiyaasha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay khadka Zoom-ka safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz. Madaxweyne Deni, ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u xaqiijiyay wada-hadalka dhexmaray isaga iyo safiirka Turkiga. Siciid Deni, wuxu sheegay in isaga iyo Danjire Mehmet Yilmaz ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna Arrimaha doorashooyinka. Wada-hadalka labada mas’uul ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo khilaaf ka taaganyahay qabsoomidda Shirka Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo safiirka Turkiga oo wada-hadal gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.