-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qarramada Midoobey ” Ma taageerri doono muddo korarsi ama doorasho hal dhinac ah War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin mudo korarsi ama doorasho hal dhinac. “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM. Warkan kooban ee ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili wali uu jiro ismariwaa la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu guuleysan la yahay in meel leysugu keeno madaxda Soomaalida si ay arintan uga wada hadlaan. Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali ka biyo diidan in ay soo fariistaan miiska wadahadalka iyaga oo marka hore dalbanaya in wax laga qabto qoddbo dhowr ah oo uu baahan in la meel mariyo ka hor wada hadallo laga galo arinta doorashada. Laakiin beesha caalamka oo dadaalka ugu badan ku bixinaya sidii uu u miro dhali lahaa shirarka hadda socda ee dhinacyada loogu kala dabqaadayo ayaa cadaadis ba’an ku saaraya dhinacyada ay arintan ku quseyso in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah si dalku doorasho u aado Afkashicibka Qaran News
-
(SLT-Boorama)-Xildhibaan Xasan Jaceyl oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmadda Boorama ayaa sheegay in ay ogsajiin la’aani soo waajaday magaalada Boorama iyo guud ahaan-ba gobolka Awdal, taas oo sababtay in bukaanada uu asiibo cudurka karoona fayras ay eheladoodu u soo qadaan Magaalada Hargeysa si halkaas loogu dabiibo oo ay u hellaan daryeel caafimaad iyo ogsajiin. Xildhinaan Xasan Jacayl ayaa waxa kale oo uu sheegay inay jidka Hargeysa iyo Boorama u dhexeeya ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay haweenay,taas oo loo soo wadday in lagu dabiibo cisbitaalada Magaalada Hargeysa,balse aan la soo gaadhsiin ee ay jidkaas ku geeriyootay,waxaanu sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka Eryal tv Xildhibaan Xasan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan :-“Wasaaradda Caafimaadkii wey ku fashilantay halkaas ceeb ayaa ka raacday sababtoo ah maanta gobolkii intaa leeg haamihisii wey dhammaadeen ogsajiinta ahaa wax alaale wax haamo ah oo yaallaa ma jirraan dhawr xabbo ayaa la sheegayeen,ogsajiin dhaliyihii weynaa Magaalada Hargeysa ayuu yaallaa halkaas ayaa loo doonnayaa ogsajiin,waxaasina wax loo dul-qaadan karro maaha maxay qabanayaa.’’ Sidoo kalena Xildhibaanka ayaa sheegay in haweenay loo soo siday cisbitaalada Hargeysa inay ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay jidka u dhaxeeya Boorama iyo Hargeysa “ Waxa igu maqaalo ah gabadh Hargeysa ku socotay inay dhex-da ugu dhimatay Ogsajiin la’aan.” Xildhibaan Xasan Jacayl. Dhanka kalene mid kamid ah Bulshada Boorama ayaa isna ka hadlay xaaladaasi ayaa sheegay sidan:- “ Sida aad ogtihiinba waxa ka jirra ogsajiin la’aan gobolka Awdal gaar ahaan degmadda Boorama ,taas oo sababtay inay shaqsiyaad baddan ay ugu dhiteen Magaalada Boorama billaa ogsajiin la’aan oo xattaa kii lacag haystay uu u doonnanayo Magaalada Hargeysa kaas-na inta loo sii sido ama loo soo waddo ayuu ku neef qabatoomayaa dhakhtarka Magaalada Boorama dhex-diisa”. Xaaladda Halista ah ee cudurka Karoona Fayras ayaa si weyn ugu laba kacleeyey Somaliland iyada oo dhammaanba magaalooyinka waaweyn si weyn looga dayrinayo xaaladda dadka bukaabka ahi ku sugan yihiin iyada oo ay xaddiga uu soo ridanayaa aad u sarrayso sidoo kalena aanay dadku haysan adeegyo caafimaad maadaama marka horeba dalku si weyn uga liitay dhinaca adeegga caafimaadka. Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa la sheegay in xaddiga tirade dadka uu soo ridanayo maalin walba ay tahay mid aad u soo kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa shacabkuna werwer badan qabaan. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga. Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay caddaaladda horgeeyso Cabdirashiid Janan oo shalay la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda. Amnesty ayaa sheegtay in xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay Cabdirashiid Janaan gobolka Gedo loona baahan yahay in sharciga la horgeeyo. “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay Janan inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaadhay waxa ay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed kooban oo ay soo saartay Amnesty International. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledxaawo isagoo ay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya. Source
-
Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand ayaa lagu wadaa maanta inay kula kulmaaan magaalada Muqdisho wakiilada xubnaha beesha Caalamka. Wararka ayaa sheegaya in uulankan uu ka dhacayo Tendhada Afisyoone kadib markii wadahadalo gaar gaar ah ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlayaa sidii heshiis loogaga gaari lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada. Si kastaba beesha caalamka ayaa wada dadaalo xoog leh oo lagu doonayo in laga gaaro xal kama dambeys ah khilaafka doorashooyinka dalka Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed. Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro. – Dhamaad- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-2532021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa maanta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka maanta dhacaya, oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-galaan wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+. Waxaa la filayaa in shirkan looga heshiiyo ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Waxaa la filayaa in shir gaar ah loo qabto loona sheego in dalka badbaado ka rabo maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa uu noqon doonaa markii labaad oo shir gooni ah ay yeeshaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, kaddib shirkii Dhuusamareeb 1 ee sanadkii hore. Beesha caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay gashay mashquul badan oo arrimaha Soomaaliya ah maadaama ay sii kala fogaadeen madaxda Soomaalida, islamarkaana laga heshiin la’yahay arrimaha doorashada Soomaaliya. Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda Soomaaliya oo hadda mareysa meel adag waxaana wadanka ka socda kulamo kala duwan oo ay wadaan dhinacyada siyaasadda, hogaamiyaasha arrimaha bulshada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay heshiiska dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa wareysigan ku sheegay in go’aanka Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana uu weli sideedii yahay mowqifkeeda. “Janan waa wasiirkii hore ee amniga muddo dheer ayuu Jubbaland u soo shaqeynayey, dowladdu iyadaa mar xirtay oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay, isaguna go’aanka wuu qaatay wuu la wareegay, laakiin Jubbaland mowqifkeeda waa sidii,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa soo hadal qaaday waxa ay Jubbaland kala socotay wada-hadallada Janan iyo dowladda dhexe, wuxuuna uu tilmaameen in waqtiyadii u dambeeyey ay ka war-heleen, balse go’aanka uu ahaa mid dhacay oo ay wada gaareen labada dhinac. “Waqtiyadii u dambeeyey ayaan ka war-helnay, laakiin go’aanku marbuu dhacaa waa uu dhacay kolley hadda muhiim maaha wixii hoostooda ay usoo wada-hadlayeen, laakiin muhiimku waxa ay tahay inuu go’aanka gaaray, iyagana ay gaareen,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Janan iyo dowladda Soomaaliya uusan saameyn ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana shaqadu ay halkeeda kasii socon doonto, ciidamaduna ay joogaan meeshii loogu tala-galay. “Anaguna xilka waa laga wareejiyey marka shaqaduna sideedii-beyn u soconeysaa, ciidamadiina aagii ayey ku sugan yihiin,” ayuu kuu soo gabagabeeyey wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo muddo dagaal kula jiray dowladda federaalka lagu soo dhoweeyey gudaha degmada Beledxaawo) kadib heshiis uu la galay saraakiil ka socotay hay’adda nabad-sugida & sirdoonka qaranka.
-
ANKARA - Turkey on Wednesday voiced concern over the election impasse in Somalia, calling on stakeholders to resolve their disputes through constructive dialogue. Source: Hiiraan Online
-
A film has been produced that aims to tackle mistrust of the coronavirus vaccine among the Somali community. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay iney jirtay saddex arrimood oo xal looga gaari jiray murada hareeya doorashooyinka Soomaaliya, balse ay dowladdaan hareer martay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo dadka ku hareereysan ay gabeen saddexdii xal ee lagu xalin jiray muranada arrimaha doorashada. Waxa uu sheegay arrinta koowaad iney tahay awoodda ra’iisul wasaaraha, taasoo meesha hadda ka maqan, halka midda labaadna uu ku sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uusan kalsooni ku qabin awooddiisa iyo inuu soo bixi karo, taasna ay ku dhalisay cabsi hor leh. “Seddax qodob ayaa xal looga gaari jiray muranada doorashooyinka. Tan koowaad, waa Raysalwasaare musharrax ah oo dheellitira awoodda madaxweynaha, isla markaana xakameeya damaca doorasho ee madaxweynaha, taa lama hayo” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: Tan labaad waa kalsooni uu isku qabo madaxweynaha xilka haya in uu doorashada ku guulaysanayo. Taasi waxey sahli jirtay in horay loo socdo, Madaxweynuhuna uu fududeeyo hawlaha doorashooyinka, tanaasulna sameeyo, ka dib marka uu Raysalwasaaraha kula dhago, beesha caalamkana cadadaadiso. Taasna lama hayo, sababtoo ah Farmaajo kalsooni kuma qabo in uu guulaysanayo, meeshii uu qabsadana in loo gooyo ayuu rabaa.” “Tan saddexaad waa faragelinta toos ah oo dibedda ka timaadda. Qayladii way ka dhammaatay safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugnaa, waxaa maalamahan billawday in farriimo kulul ay caasimadaha ka yimaadaan. Soomaalidu ha is xalliso ayuu arrinku ku sinnaa. Soomaalina haddii aan labada qodob oo kale midkood la helin isma xallin karto. Haddaba waxaa lagu qasban yahay in kan seddaxaad laga dhursugo, ama mid kale oo xal Soomaaliyeed ah uu ka soo hormaro oo ah in Dowlad Goboleedyadu go’aan mideysan gaaraan oo ay xal keenaan.” Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid aan laa sugeyn inuu isdaba qabto, ra’iisul wasaaruhuna kaaintiisa aan laga sugeyn, sidaas darteed ay dhici karto faragalin shisheeye oo toos ah. “Farmaajo nin isdaba qabanaya maaha, Raysalwasaare kaalintiisa qaadanaya sooma muuqdo, Dowlad Goboleedyada Farmaajo la jira oo isaga gacanta qabta, qarankana u hiilaya waxay u baahan tahay in ku dhac iyo dhiirrasho midkood, labo ama 3 dooduba yeeshaan, haddii kale waxa la sugaa waa fara gelin shisheeye oo toos ah sidii dhiici jirtayba. Waa tii C/laahi Yuusuf AHUN isku casilay ama C/qaasim Mbgathi lagu geeyey.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in gelinkii dambe ee 21-kii bishan March ay ciidamada ammaanka degmada Yaaqashiid ka soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Saraakiisha aan la hadalnay oo ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in guri ku yaalla xaafadda Fagax, gaar ahaan agagaarka masjidka Sheekh Xasan Calasow ama ka soo horjeedka hoteelka Lafweyn, ay ciidamada kasoo qabteen sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidanka oo kuwa afka duuban ee Waran ay 22-kii bishan markale dad ka soo qabteen isla xaafaddii, kuwaas oo la sheegay inuu xogtooda bixiyay hogaamiyaha laga soo qabtay degmada Yaaqshiid Axaddii. Mas’uuliyiinta nala hadlay ee ka tirsan ciidamada amniga ayaa sheegay in ninkaan uu magacyo kala duwan uu isticmaali jiray, waxaana kamid ah Sheekh Maxamed, Abuu Cabdalla iyo Tabliiqa, waxa uuna ahaa tababare iyo amiir dhinaca qaraxyada ah. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in ninka la qabtay uu taliye u yahay Kooxda Qaraxyada Miinooyinka u qaabilsan Al-Shabaab ee ka howlgalo degmooyinka gobalka Banaadir. Ninkaan oo muddo dheer la baadi goobayay ayaa xogtiisa la helay maalmo kadib qaraxii ka dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, qaraxaas oo lala egtay guddoomiyaha arrimaha Bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow waxaana ku dhintay 3 kamid ah ciidankii la socday. Hay’adaha amniga wali faah faahin kama aysan bixin sarkaalkaan waxaase la filayaa in dowladda ay dhowaan ka hadasho.
-
Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii u horraysay war ka soo saaray bannaanbax shalay ka dhacay degmada Dhahar ee Haylaan. Wasiir Jamaal ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay hubka culus iyo rasaas nool-nool u adeegsadeen shacab bannaanbax nabdoon ka samaynayay magaalada Dhahar. Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab bannaanbax nabdoon samaynaya loo adeegsado hubka culus iyo Rasaas nool-nool. Mr Jamaal, ayaa sheegay in ay waajibtahay in madaxweyne Deni is toos ah loogula xisaabtamo falkan, waxaase xusid mudan in Puntland ay beenisay warka ku saabsan in xabbad loo adeegsaday shacabka Dhahar. PUNTLAND POST The post Wasiir Jamaal: Waa in Deni si toos ah loola xisaabtamo appeared first on Puntland Post.
-
Carab 21 jira oo loo qabtay weerarkii 10-ka ruux lagu dilay dalka Mareykanka Booliska gobolka Colorado ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo magaca nin asal ahaan carab ah kaas oo lagu eedeynayo in uu ka dambeeyo weerarkii habeen hore lagu qaaday suuq ama dukaan lagu magacaabo King Soopers oo magaalada Boulder ku yaal. Ninkan oo ay boolisku ku dhaaweceen howlgalkii lagu soo qabanayay ayay magaciisa ku sheegeen Ahmad Al Aliwi Alissa, waana 21 jir. Booliska ayaa sheegay in ninkan uu qoriga uu falka weerarka ah ku geystay iyo rasaastiisa uu iibsaday lix beri ka hor weerarka, waxaana sidoo kale hub kale ay booliska ka heleen gurigiisa oo baadhis lagu sameeyay. Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay nin boolis ah oo kusoo baxay weerarka kaas oo lagu magacaabay lagu magacaabay Eric Talley. Qof ka bad-baaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkayay nin hubeysan oo dukaanka bannaankiisa rasaas kasoo bilaabay, islamarkaana lasoo galay gudaha dukaanka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyey ka hortag ay ciidmaada ammaanka Puntland ku sameeyeen banaanbax nabadeed oo ay dhigayeen shacabka ku nool magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin ‘fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan.’ Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.” Magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa shalay ka dhacay banaanbax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana looga soo horjeeday siayasadda madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Dibad-baxayaashaan waxaa hoggaaminayey xubno ka tirsan 8-dii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland uu xasaanadda ka qaaday, kuwaas oo dhowaan gaaray magaalada Dhahar oo kolkii hore laga soo doortay. Tallaabadaan caburinta ah ee dowladdu ay ku eedeyneyso Puntland, mid lamid ah ayey Muqdisho ka geysatay bishii hore ee Febraayo, xilligaas oo ciidamada ammaanku ay rasaas ku kala ceyriyeen mudaharaadayaal ay ku jireen musharaxiin iyo siyaasiyiin kale. Tallaabaddan ayaan sidoo kale waxba ka duwaneyn tii 19-kii Feb ay ciidamada DF ku weerareen hotelkii ay deganaayeen madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo horkacayay bannaanbaxayaal kasoo horjeeday nidaamka doorasho diidka ah ee Farmaajo.
-
Fannaan Somali-swedish caana oo loo xidhay afduubka Heesaa kale Yasin Abdullahi Mahamoud oo ah 23-jir asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya islamarkaana ku heesa afka swedish-ka ayay booliska dalkaasi xidheen kadib markii lagu eedeeyay in uu ka qeyb-qaatay afduub loo geystay heesaa kale sannadkii tagay kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Swedan ee Stockholm. Afduubkan loo geystay fannaanka kale ayaa la xidhiidha mid dhaqaale looga doonayay, sida ay sheegeen booliska magaalada Stockholm, waxaana uu dhacay 30-31-dii bisha Maarso ee sannadkii lasoo dhaafay (2020). 12 ruux oo kale ayaa kula eedeysan Yasin afduubkan, balse waa uu iska diiday in uu ficil ahaan uga qeyb-qaatay. Fannaanka la afduubay ayaa la sheegay in gaadhi lagu ritay islamarkaana la geystay guri ku yaal xaafad bannaaka ka ah magaalada Stockholm oo lagu magacaabo Vårberg. Afduubayaasha ayaa lagu haystaa in ay dhibanaha afka sharooto uga xidheen, gacmahana ka katiinadeeyeen iyagoo dabadeed bastoolad iyo mindi ku handaday. Waxa ay ka dhaceen dhibanaha saacad Rolex qiimeheedu ahaa 302.000 svenske kroner. Sidoo kale waxa ay ku khasbeen in uu xaafadiisa kasoo qaado sil-silado dahab ah kuwaas oo qiimohooda lagu sheegay 163.000 svenske kroner iyo hub aan la sheegin noociisa oo ay ka qaateen. Qareen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Anna Stråth ayaa sheegtay in lacag dhan 3 milyan oo swidhish ah la doonaayay in laga dhaco fannaanka balse laga waayay. Booliska ayaa sheegay in wax u eg bambo ay sidoo kale dhigeen raggan guriga fannaanka uu ka daganaa magaalada Stockholm. Isu geyn 30 ruux ayaa ku eedeysan afduubka fannaankan, 28 ka mid ah waa ay xidhan yihiin halka labada kalana ay wali booliska ku raad-joogaan. Qaran News
-
Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee dalka iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, ayaa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan maanta kulan ku saabsan qabsoomidda shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka dalka Dhammaan shanta madaxweyne ee dowlad goboleedyada, ayaa sida la xaqiijiyay kulanka xaadiri doona, si looga heshiiyo Ajandaha shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, kaas oo maalmaha soo socda la filayo in uu ka qabsoomo Muqdisho. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa horay u diiday ka qayb-galka Shirka Arrimaha doorashooyinka, kadib markii sida ay sheegeen aan lagala tashan ajandaha Shirka oo la doonayay in xarunta Afisyooni lagu qabto 22-kii bishan March. Waxa haatan socda dadaal xooggan oo wakiilada Beesha Caalamku ay ku bixinayaan hirgelinta iyo qabsoomidda shir loo dhanyahay, si heshiis dhammaystiran looga gaaro Arrimaha doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo wakiilada Beesha Caalamka oo maanta kulmaya appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Puntland ayaa ka jawaabtay eedayn uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsan in ciidamada Puntland ay xabbad u adeegsadeen shacab bannaanbax nabadeed ka samaynayay magaalada Dhahar. Af-hayeenka xukuumadda Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac oo ku magac dheer Deperani, ayaa sheegay in bannaanbaxa ka dhacay magaalada Dhahar ay abaabulkiisa lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo ka tirsan dowladda Federaalka. Jaamac Dabaraani, wuxu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal ay doonayeen, in ay fowda ka ridaan degmada Dhahar, balse aysan ku guulaysan tallaabadaas, islamarkaana bannaanbaxii Dhahar aysan cidna khasaare ka soo gaarin. Sidoo kale, wuxu beeniyay in ciidamada Puntland ay xoog iyo xabbad u adeegsadeen joojinta bannaanbaxa, isagoo tilmaamay in Ciidanku ay sugayeen Amniga shacabka ku bannaanbaxay magaalada Dhahar. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in madaxweyne Farmaajo abaabulay bannaanbax ka dhacay Dhahar appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay madaxii macluumaadka Al-shabaab u qaabilsanaa aagga Kismaayo. Telefishinka dowlad goboleedka ee (Jubaland TV) ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay Ugaas Aaden Maxamed (Dhakalow) kadib hawlgal qorshaysan oo Nabad-sugidda Jubaland ka sameeyeen degaanka Gosha ee nawaaxiga Kismaayo. “Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deeganada Gosha ku soo qabtay madaxii Macluumaadka Jabhada Shabaab ee aaga Kismaayo Ugaas Aadan Mohamed (Dhakalow).” PUNTLAND POST The post Jubaland oo gacanta ku dhigtay madaxii macluumaadka u qaabilsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Amnesty International oo war saartay is-dhiibista C/rashiid Janan,Dalab culusna u dirtay Farmaajo Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento. Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad. Now that Abdirashid Janan is in the hands of the federal government of #Somalia, authorities must ensure justice and accountability for all the alleged human rights violations he committed in Gedo. Victims and impacted families deserve justice. pic.twitter.com/oGfhV9iu8r — Amnesty Eastern Africa (@AmnestyEARO) March 24, 2021 “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay tani saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty International. Horay hey’addan u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Internation ayaa Cabdirashiid Janan ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dembiyo dagaal, kadib markii ay soo bandhigeen warbixino sheegaya in ciidamadiisu ay dad badan ku dileen gobolkaas. Sidoo kale Amnesty ayaa markii uu Janan ka baxsaday gacanta dowladda Soomaaliya waxay dalbatay in la qabto, si cadaaladda loo marsiiyo. “Baxsashada Cabdirashiid Janan waxay dhibanayaasha dambiyadiisa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan dilal shacab, iyo is-hortaaga gargaar ka dhigeysa kuwa ka shakinaya inay weligood caddaalad heli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay Amnesty soo saartay markii uu Janan, sida la sheegay, ka baxsaday Muqdisho. Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen. Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada. “Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan. Qaran News
-
Turkiga oo War cusub ka soo saaray khilaafka ka dhex aloosan dhinacyada Siyaasada Soomaaliya isku haya Turkiga ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay heshiis la’aanta dhinacyada siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhaca ku yimid hanaanka doorashada dalka. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka nabada iyo barwaaqada. “Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaan ugu yeereynaa inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto, lagana baaqsado dib u dhac” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, Turkiga ayaa xusay inay mar walba ka taageereyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waaga taagan Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili la sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda khilaafka doorashada sida ay dhowaan tebisay warbaahinta dalkaas. HOOS KA AKHRISO QORAAL TURKIGA Qaran News