-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii shanaad shir isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacaya Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uu mar kale shir isugu yeeray madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir maalinta Sabtida 3-da April 202. Shirkaas ayuu sheegay wasiir Dubbe in looga wadahadlayo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 (Muqdisho) iyo 16 Febraayo 2021(Baydhabo). “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii Sep. 2020 iyo 16 Feb 2021”. ayuu yiri wasiir Dubbe. Lama oga in shirkan ay aqbali doonaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo shuruudo ku xiray shirarkii hore ee fashilmay. Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar gooni gooni ah la qaadatay madaxda Soomaaliya, si xal looga gaaro doorashada khilaafku ka taagan yahay. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo markii shanaad shir isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe. Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.” Sida ka muuqata qoraalka Dubbe ee ah Ice-break, kulankan ayaa noqonaya mid kalsooni dhis iyo in meesha laga saaro kala shakiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac. Shirkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Farmaajo uu ugu yeero madax goboleedyada tan iyo markii muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febraayo 2021. Si kastaba, Caasimada Online ayaa goor sii horreysay werisay in shirkan ay kasoo shaqeysay beesha caalamka, oo cadaadis xooggan saartay madaxda Soomaaliya, kadib markii ay guuleysan waayeen dadaallo toddobaadyadii tegay ka socday Muqdisho. Beesha caalamka ayaa tan iyo xalay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, islamarkaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda. Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in haddii todobaadkan xal uu iman waayo laga yaabo in beesha caalamka ay toos usoo faro-galiso. Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.
-
Prime Minister Boris Johnson sought to distance himself from a report into U.K racial inequalities that drew an angry backlash after suggesting the history of slavery could be taught from a different perspective than one of only pain and suffering. “There are some interesting things in it, I’m not going to say we agree with every word, but we’re going to be responding in due course,” Johnson told reporters on a visit to Middlesbrough on Thursday. The report by the Commission on Race and Ethnic Disparities rejects the idea the country is structurally racist, stating that geography, family influence, socio-economic background, culture and religion all affect life chances more than racism. In his foreword, Commission chairman Tony Sewell wrote that teachers should look at the influence of the U.K. during its Empire period. “There is a new story about the Caribbean experience which speaks to the slave period not only being about profit and suffering, but how culturally African people transformed themselves into a remodelled African/Britain,” wrote Sewell, who’s Black, in the report published Wednesday. Johnson, who commissioned the report in the aftermath of the Black Lives Matter protests, was responding to criticism that the report was “gaslighting” the experience of ethnic minority communities. “Their divisive report appears to glorify slavery and suggests that institutional racism does not exist despite the evidence to the contrary,” Labour Party’s women and equalities spokeswoman Marsha de Cordova said in an email. For my own mental well-being I am not doing media interviews on the race commission today. Like so many in Britain’s Black community I’m tired! Tired of the endless debate about whether structural racism exists with little desire to actually address it. We are being gaslighted. — David Lammy (@DavidLammy) March 31, 2021 Johnson, who commissioned the report in the aftermath of the Black Lives Matter protests, was responding to criticism that the report was “gaslighting” the experience of ethnic minority communities. “Their divisive report appears to glorify slavery and suggests that institutional racism does not exist despite the evidence to the contrary,” Labour Party’s women and equalities spokeswoman Marsha de Cordova said in an email. Source: Bloomberg The post Boris Johnson Distances Himself from Race Report After Backlash appeared first on Puntland Post.
-
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay nabaddoon caan ka ahaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood, wuxuuna isla goobta ugu geeriyooday rasaastuu lagu furay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay ee bartamaha Beled-Xaawo, xiligaasi oo nabaddoonka uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukuday salaadii cishaha. Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee laf-dhabarka u ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo. PUNTLAND POST The post Nabadoon caana oo xalay lagu dilay Beledxaawo appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 36 qof ayaa ku geeriyootay Tobaneeyo kalena waa ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareen saaka ku qalibmay Bariga Jesiiradda Taiwan. Wasaaradda Gaadiidka ee Jesiiradaasi waxay kaloo sheegeen in ay ugu yaraan 72 qof ku dhaawacmeen Shilkaasi, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada. Tareenka ayaa la sheegay inuu ku qalibmay Hul (A tunnel) ay Tareenada maraan, iyadoo wararku sheegayaan inay Tareenka la socdeen tiro badan oo Rakaab oo ka badnaa xadkii loogu tala-galay. Baaritaan hordhac ayaa muujinaya in labo ilaa 3 Rimoorka Tareenka ay ka baxeen Khadka Tareenka, kadibna ay ku dhaceen Derbiga. PUNTLAND POST The post Shil Tareen oo khasaare badan ka gaystay Jariiradda Taiwan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xalane ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay waddo dadaallo xooggan oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa is-mari waaga ka taagan doorashada ee u dhaxeeya madaxda Soomaalida, ayaga oo markan diyaar u ah inay la wareegaan hoggaanka wada-hadallada. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay ka shaqeysay inay mar kale kulan isugu keento hoggaamiyeyaasha Soomaalida, kaddib markii ay fashilmeen dadaaladii socday ee Madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda wadeen ee ahaa in si wadajir ah shirka looga qeybgalo. Wararka ayaa intaas ku daraya in maalinta Sabtida uu dhacayo kulan aan rasmi aheyn ayada oo xubnaha Beesha Caalamka wadaan inay markaan iyaga qaataan doorka isu keenida labada dhinac. Beesha caalamka ayaa tan iyo xalay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, islamarkaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda. Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in haddii todobaadkan xal uu iman waayo laga yaabo in beesha caalamka ay toos usoo faro-galiso. Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo. Golaha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan albaabada u xirnaayeen oo uu warbixin ku siiyey ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM James Swan, waxa ay ku sheegeen in doorasho loo dhan yahay ay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, ayuu goluhu yiri, danta ummada Soomaaliyeed. Culeyska ayaa ku sii kordhayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii ay guul-darreysatey doorashadii February kadib markii la isku raaci waayey sid ay doorashadu u dhaceyso. Madaxda laba maamul goboleed ayaa sheegey in haddii aanan heshiis la gaarin aysan ka qeybgeli doonin doorashada. Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-habeen-142021-1.mp3 View the full article
-
Markab sidey Shamiito oo u raraa Ganacsato ayaa lagu guulaystay in la badbaadiyo kadib markuu kusoo caariyay Xeebta aan ka fogayn Dekada. Markabka oo sidey Shamiito ayaa lala tacaalayay sidii lagu badbaadin lahaa, waxaana aakhirkii lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo. Maduuliyiin ka tirsan Maamulka Dekada ayaa sidaas i xaqiijiyay Puntlandi.com Puntlandi.com Bosaso The post Markab ku caariyay Bosaso oo lagu guulaystay in la badbaadiyo appeared first on . Source
-
Afgooye (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo rag loo haysto falal la xariira Al-Shabaabnimo oo ku howlanaa diyaarinta qaraxyadaas. Ragaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe ayaa laga soo xigtay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku soo qabteen afar qof. Raggaas ayuu sheegay afhayeenku in loo heysto falal ‘argagixisonimo’ islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen. Sidoo kale waxa uu sheegay Sadiiq Doodishe in qaraxyadii lagu soo qabtay ragaas ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan. Hey’adaha ammaanku sooma bandhigin sawirro ama muuqaallo muujinaya raga afarta ah ee qaraxyada lagu soo qabtay, markii laga reebo in warbaahintu heshay sawirrada waxyaabaha qaraxa ee lasoo bandhigay.
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaabnimo. Guddoomiyaha oo Caawa warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo, ayaa sheegay in dowladdu ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto. “Ilmihiinna haddaad ka shakidaan noo keena oo dhaha: ilmahayaga waan ka shakinay ee noo fiiriya bal suu yahay annagu daqiiqad baan ku soo saaraynna” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Dhinaca kale, Guddoomiye Sanyare ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay kooxdii xalay dilka u gaystay G/sare Cumar Maxamed Samatar, oo ka tirsanaa waaxda danbi baarista Booliiska Puntland ee Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Sanyare: Caruurtiina hadaad Shabaab uga shakidaan nala soo xiriira daqiiqad ban soo saaraynaa appeared first on Puntland Post.
-
Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahinta Puntland ka heleen ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka oo Qalab Malatari oo Turkiga laga keenay wata la geyn doono Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadaan ayaa wata Gaadiid Dagaal, lamana shaacin sababta xiligaan kala guurka ay Xukuumada Farmaajo Ciidamada u geynayaan Caabudwaaq. Horay waxaa Qalab Ciidan loo daabulay Gobolka Gedo, xili Al-shabaab ay isku balaarinayaan Deegaano badan oo Gobolada Bakool ka mida, mana jiraan Ciidamo ay Villa Soomaaliya u dirtay Magaalada Xudur oo ay go’doomiyeen Argagixisadu. Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa Puntlandi.com usoo dusiyey xogta Qalabka Malatari ee la gayn doono Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Caabudwaaq. Puntlandi.com Muqdisho The post Dowlada Federaalka oo Qalab Ciidan geynaysa Caabudwaaq appeared first on . Source
-
The British Government yesterday scored an own goal by associating itself with a report that glorifies slavery. The conclusions of the report by the Commission on Race and Ethnic Disparities has created a controversy in the United Kingdom. The irony is that it appeared one month after the passing of Sir William Alan Macpherson, who in 1999, published a report on institutional racism in the Metropolitan Police. Dr Tony Sewell glorified slavery to downplay institutional racism in Britain. “There is a new story about the Caribbean experience which speaks to the slave period not only being about profit and suffering but how culturally African people transformed themselves into a re-modelled African/Britain” writes Dr Tony Sewell in the foreword of the report. What has his reassessment of slavery got to do with institutional racism in Britain? The argument that slavery brought out the best in the slaves is a brazen attempt by Dr Tony Sewell, the Chair of the Commission, to resort to distortion of history for personal advancement. The resilience of Afro-Caribbean victims of slavery emphasised in the report as a story to counterbalance the historicity of the slave trade shows the Tory government has adopted relativism to counter what it views as a woke culture. That the Prime Minister of Britain Boris Johnson in the past made racist remarks about Africa says a lot about the damage the Tory government is causing to cohesion for communities. Critics have pointed out that the new report contradicts, without sound evidence, studies on lower social mobility and high conviction rates of ethnic minorities. With at least two ethnic minority Ministers holding top portfolios in the British Government — The Home Office and the Finance Ministry — one expected that a culture war would not surface to drive a wedge among communities in Britain. Sathnam Sanghera, the Times columnist, weighs in the controversy. “My son was murdered because of racism, and you cannot forget that. Once you start covering it up it is giving the green light to racists. You imagine what’s going to happen come tomorrow. What’s going to happen on our streets with our young people? You are giving racists the green light” said Lady Doreen Lawrence whose son, Stephen Lawrence, was murdered by racists 28 years ago. The report portrays British institutions as racist contrary to what commissioners from ethnic minorities have been persuaded to put a positive spin on slavery. The report is the evidence that institutional racism is thriving in Britain under Boris Johnson. Tanya Olusog, London The post Tony Sewell Shouldn’t Be Glorifying Slavery appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Milateriga Soomaaliya ee Gorgor ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmaha soo socdo boqolaal kamid ah ciidankaas la geyn doono qeybo kamid ah gobalka Mudug. Ciidankaan iyo gaadiidkooda ayaa la qorsheeyay in la geeyo degaan u dhow Goldogob oo ka tirsan gobalka Mudug. Degaanada ciidankaan la geyn doono ayaa ka tirsan Galmudug hase yeeshee waxay ku yaalaan soodinta Puntland iyo Galmudug. Ilo kuwa amaanka ayaa sheegay in ujeedka ciidankaan loo geynayo Mudug ay tahay in culeys lagu saaro Puntland oo kamid ah labada maamul ee diidan ammarada dowladda dhexe ee Soomaaliya ama ay aad u kala fogyihiin. Jawi colaadeed iyo saan-saan aan wanaagsaneyn ayaa ka jira Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo meelo kamid ah gobalada dalka, waxaana aad looga cabsi qabaa isku dhacyo iyo dagaalo dalka ka dhaca. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin wararkaan oo aad loo hadal haayo saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale Galmudug iyo Puntland ayaa wali ka hadlin arrintaan. Puntland ayaa dhowaan ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso deegaano ka mid ah maamulkaas, ayada oo kicineysa shacab loo soo marayo odayaal lacag la siiyey.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa meenta yeeshay shirkoodii Khamiislaha ahaa, kaas oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirka Golaha ayaa maanta ku qabsoomay habka fogaan aragga ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa golaha uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya dowladda federaalka, iyo dowlad-goboleedyada dalka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intii uu shirku socday waxuu golaha warbixin ka siiyey dacwaddii badda ee Soomaaliya kala dhaxeysay Kenya, taas oo dhawaan ay dhageysigeeda soo gaba-gabeysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Shirkii maanta ee golaha ayaa sidoo kale wasiirrada qaar looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka, dadaallada ka hortagga faafitaanka COVID-19 iyo qodobo kale.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/04/Warka-habeen-142021.mp3 View the full article
-
Kenyan security agents are on alert over a missing pilot who escaped to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee dowladda Puntland, ayaa waaran u jartay Agaasimaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee Gobolka Mudug. Amar ka soo baxay Maxkamadda, ayaa lagu faray Agaasimaha Shirkadda Golis ee Gaalkacyo, in uu yimaado xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn. Agaasimaha oo aan magaciisa la xusin, waxa lagu wargeliyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, haddii uusan Maxkamadda hor imaan taariikhda 1 April 2021, taas oo ku beegan Khamiista maanta ah. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Mu’min Cabdi Shire, ayaa sidoo kale lagu amray in uu Agaasimaha xabsiga dhigo, haddii uu Maxkamadda ku imaan waayo wakhtiga loo qabtay. Waxa xusid mudan, in maanta Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay xireen dhammaan xarumaha Shirkadda Golis ku leedahay Gaalkacyo, kadib markii shirkaddu u hoggaansami wayday Amarka Maxkamadda. Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayaa Shirkadda Golis ku eedeeyay in ay diidday fududaynta macluumaad ku saabsan dad lagu tuhmayo in ay Amni-darro ka wadeen Gobolka, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland: Maxkamad Ciidan oo waaran u jartay Agaasime ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Golis appeared first on Puntland Post.
-
The effects of COVID-19 have erased economic gains made in Somalia since the drought of 2017 and will be felt for years to come, says a new report launched in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo ku qabsoomay habka fogaan aragga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.