Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Senator Bob Menendez oo madax ka aha guddiga xiriirka caalamiga ah ee aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in muddo kordhinta ay sameeyeen golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka hor imaanayo dimoqraadiyadda isla markaana uu khatar ku yahay dimoqoraadiyadda “Doorasho waqtigeeda ku dhacda waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad fiican, in laga shaqeeyo muddo kordhin waa ku tumasho hannaanka dimoqoraadiyadda, waxay khatar ku tahay xasiloonida”. Madax ka aha guddiga xiriirka caalamiga ah ee aqalka Senate-ka Mareykanka Senator Bob Menendez Waxaa uu ku baaqay in la wada hadalo, lana joojiyo isku dey kasta oo lagu hor istaagayo doorasho “ Saamileyda waa iney gaaraan heshiis wadar ogol ah, waa in la joojiyo waddo kasta oo lagu wiiqato wada hadallada doorasho xalaal ah”. Golaha shacabka ayaa 2 sano ugu daray Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo golaha shacabka taasi oo ay iska diideen aqalka sare. Waxaa xusid mudan in beesha caalamka aaney weli ka hadlin sida ay u arkaan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka. Goobbjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cusub ee uu dalku galay, gaar ahaan muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka Somalia. Ugu horeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka kasoo baxay golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda uu yahay mid sharci darro ah, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkooda oo afar sano ah, sida ku cad dastuurka. Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dastuurka dalka iyo shuruucda u taalla dalka ay jabiyeen koox yar oo uu hoggaaminayo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka. Sidoo kale golaha ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto wax ugu yeereen kali-talisnimo dalka lagu burburinayo dalka, sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn musharraxiinta ayaa qoraalkooda ku soo hadal qaaday tallaabadii uu qaaday taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasam (Joon), iyaga oo sheegay inuu iska diiday qaadashada amarro gurracan oo lagu burburinayo dalka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka aqriso:- Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si adag u diidayaa muddo kororsiga sha darrida ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday Sida ku cad Qod. 60aad ee Dastuurka dalka muddada xil-haynta Baarlamaanka waa afar sano oo ka billaabanaysa maalinta la dhaariyo. Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa inta uusan idlaanin muddo xileedkooda si wadajira u ansixiyey heshiiskil doorasho ee l7 September ay wada gaareen madaxda dawlad Goboleedyada iyo kuwa dawladda Federaalka ah ee uu xilkoodu dhammaaday iminka. Goluhu wuxuu caddaynayaa in dastuurkii dalka iyo go’aankii labada aqal ee Baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud u yahay madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhacay. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortagga kalitalisnimada dalka lagu burburinayo. Wuxuu Goluhu bogaadinayaa tallaabta uu qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo iska diiday amarrada gurracan ee danta dalka iyo dadka lagu burburinayo. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha kale ee ciidanka in ay waddadaas qaadaan, si ay sumcaddooda iyo tan dalka u badbaadiyaan. The post Midowga Musharraxiinta oo soo jeediyey tallaabo ay doonayaan in la qaado kadib muddo kororsigii Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  3. Golaha Midowga Murashixiinta, ayaa ugu baaqay Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, in aysan u hoggaansamin Amarrada Madaxda dowladda ee mudda kordhinta samaystay. War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha, ayaa loogu baaqay Taliyaasha Ciidamada Federaalka in ay raacaan wadadii uu maray Taliyihii Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. saadaq Joon, kaas oo ka horyimid in dowladda mudda kordhin loo sameeyo. War-saxaafadeedka Golaha, waxa sidoo kale lagu sheegay in Dastuurkii dalka ay jebiyeen koox yar, oo ay hormuud u yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in meel looga soo wada jeesto Keligii-talisnimada dalka lagu burburinayo. Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay tallaabo ka qaaddo shakhsiyaadka halista ku ah degganaanshaha iyo xasiloonida dalka. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo Taliyaasha Ciidamada ugu baaqay in ay ka horyimaadan Madaxda dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  4. Washington (Caasimada Online) – Senate-ka Mareykanka ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Soomaaliya shalay u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka, muddo kordhintaas oo ah laba sano. Qoraal kasoo baxay guddiga arrimaha dibedda Mareykanka ee Senate-ka ayaa lagu sheegay in ka shaqeynta muddo kordhin ay jebineysa xeerarka dimoqraadiyadda islamarkaana ay halis xasillooni darro u keeneyso Soomaaliya. “Doorashooyin waqtigooda ku dhaca waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad caafimaad qabta. Ka shaqeynta muddo kororsi waxay jebineysaa xeerarka dimoqraadiyadda waxayna halis xasllooni darro gelineysaa Soomaaliya. Saamileyda siyaasadda waa inay heshiis garaaan. Isku dayada lagu waxyeeleynayo wada-hadallada ku aadan waddo loo maro codbixin la isku haleyn karo waa inay joogsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Senate-ka oo lasoo dhigay twitter. Ka sokow qoraalka Senate-ka, ma jiro weli war rasmi ah oo ku aaddan muddo kordhinta oo kasoo baxay dowladda Mareykanka, ama hay’adda fulinta. Sidoo kale waxaan jirin falcelin ay arrintan ka sameeyeen hay’adaha iyo dowladaha kale ee Reer Galbeedka ee daneeyaa arrimaha Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu klasoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamlka ee Muqdisho ay weli ka hadlayaan tallaabada ay qaadi lahaayaan. Waxay sidoo kale wada-hadallo la leeyihiin madaxweyne Farmaajo, oo ay kala hadlayaan inuusan saxiixin sharciga baarlamanka ee muddo kordhinta. Inkasta oo Farmaajo uu soo dhoweeyey sharciga haddana weli ma saxiixin, taasi oo macnaheedu yahay inuusan dhaqan-gelin, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku deg degi doonin. Beesha caalamka ayaa rumeysan in xaqiiqda aah in sharciga aanu weli dhaqan-gelin ay siineyso fursad ay uga dhaadhiciyaan Farmaajo in laga laabto, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha aysan weli usoo saarin qoraal rasmi ah. Haddii madaxweynaha uu saxiixo, waxaa la rumeysan yahay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay ka mid yihiin; aqoonsiga oo lagala laabto dowladda federaalka, taageerada dhaqaale oo laga jaro iyo cunaqabteyn la saaro shakhsiyaadka ku lugta leh arirntan. The post Senate-ka Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga hay’adaha DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. Muhtaz Mansurey, a physician in Victoria B.C., watches old videos of his family in Libya eating together and gathering for the month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) - Mohamed Abdullahi Salat Omaar, a cabinet minister recently appointed to the lead Ministry of Labour and Social Affairs, has resigned from his position on Monday, citing personal reasons. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waaxdeeda dimoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka kuna saabsan xaaladda Soomaaliya ee 2020-kii ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku kacday falal wax u dhimaya dimoqoraadiyadda iyo xuquuqul insaanka. Qoraalka oo ahaa mid dheer ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey iney ku kacday falal ka baxsan bani’aadamnimada sida xarig sharci darro ah, dad gacanteeda lagu waayey, diidmada isu soo baxyada shacabka, baaris la’aan iyo arrimo kale oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah. Warbixinta ay wasaaradda qortay waxaa lagu sheegay in 60% dilalka dadka rayidka ah loo geystay ee ka dhacay Soomaaliya inta u dhaxeysay November 2019 ilaa August 2020 ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, waxaana intaas dheer isla wakhtigaas in dowladda ay riday 32 xukun oo dil ah, taasi oo ay maxkamadda amartay. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay caburisay warbaahinta, waxaana si gaar ah loogu xusay in wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja la heystay in u dhaxeysa February ilaa August sanadkii 2020 kadib markii lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay ineysan wax ixtiraam ah siinin sharciyadda xariga sida ineysan heysan karin qof aysan u heysan warqad xiritaan, iyadoo ay taasi ogyahiin hadana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxey sheegtay iney iska indho-tirtay. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka loo soo qabto arrimaha siyaasadeed aan badankood sharciga la marin, waxeyna tusaale usoo qaateen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo tan iyo 2018 xiran maxkamad la’aan. Intaas kaliya loogama harin eedaha dowladda ee saraakiil sar-sare oo xukuumadda ka tirsan ayaa lagu eedeeyay iney magacooda iyo magaca dowladda dad uga barakiciyeen goobo ay daganaayeen ama ay xoog kaga qaateen. Arrimaha warbaahinta oo aad loogu dhaliilay dowladda waxaa la sheegay iney guulo ka keeni weysay baritaanada ay ku sameeyeen dilalkii loo geystay Cabdiweli Cali Xassan, Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Naaleeye, waxaa intaas dheer in xoriyadda hadalka oo ay caburiyaan lagu eedeeyay sida xarigii ay u geysteen Cabdicasis Guribiye oo ka tirsanaa warbaahinta Goobjoog. Ugu dambeyntii dowladda waxaa si weyn loogu dhaliilay iney diiday isku soo bax weyn oo ay abaabuleen mucaaradka, taasna ay ka hor imaaneyso dastuurka, waxaana jirta sidoo kale in guddiga maaliyadda lagu eedeeyay iney jiraan hay’ado si xisaab la’aan ah qandaraasyo ula galay dowladda. The post Mareykanka oo xadgudubyo culus ku eedeeyey DF appeared first on Caasimada Online.
  8. NAIROBI, Kenya (AP) — Thirty-four migrants have died after their boat capsized off the Horn of Africa nation of Djibouti, the International Organization for Migrants said Monday. Source: Hiiraan Online
  9. BERLIN (AP) — Defense Secretary Lloyd Austin on Monday ordered an Army review of an investigation into a January 2020 militant assault on the Manda Bay military base in Kenya that killed three Americans and wounded three others. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (Reuters) -Somalia’s lower house of parliament voted on Monday to extend the president’s term for another two years but the Senate rejected it – a standoff deepening divisions that analysts say are hampering the fight against Islamist insurgents. The chamber’s speaker said the measure extending President Mohamed Abdullahi Mohamed four-year year term, which had expired in February, would let the country prepare for direct elections. But the opposition said the move was legally dubious and accused the lawmakers of political chicanery. The Senate rejected the move. “The decision directly violated the rules of governance and the constitutional law of the country,” Senate speaker Abdi Hashi Abdullahi said in a statement. The political crisis threatens to split the security services and deepens Somalia’s divisions, distracting attention from the fight against the Islamist al Shabab insurgency which has killed thousands of civilians in the region in the past 12 years. Mohamed Abdullahi Mohamed, a former U.S. civil servant who had previously served as prime minister of Somalia, was selected by legislators in 2017. Residents celebrated his promises to crackdown on corruption and ensure soldiers were paid. Five years earlier, African Union peacekeepers had clawed back control of the capital from the insurgency and international donors were keen to develop Somalia’s fledgling institutions after more than two decades as a failed state. But the African Union, European Union, United Nations and regional bloc the Intergovernmental Authority on Development said in a joint statement on Saturday that they would not support any extension of the president’s term. “This really is throwing down a gauntlet to the donors,” said Matt Bryden of the Nairobi-based Sahan thinktank. “We’re going to see the breakdown of cohesion and chain of command and a likely return to clan militias.” Many fighters in Somalia’s armed forces come from clan militias, who have often battled each other for power and resources. Some commanders fear that if political divisions continue, some units or soldiers may stop taking commands from the federal government and turn against each other. UNCHARTED TERRITORY Lower House speaker Mohamed Mursal Sheikh said 149 lawmakers voted for Monday’s proposal, which stipulated that Somalia should hold its first one-person one-vote elections since civil war broke out in 1991. One rejected it and three abstained. Senator Ayub Ismail Yusuf told Reuters the lower house had authority to decide on elections, but Senator Ilyas Ali Hassan from the opposition disagreed. “We are in uncharted territory,” he told Reuters. “The term of the lower house has expired. The term of the Senate has expired. The president’s term has expired and the prime minister and the cabinet are only supposed to be caretakers to deliver the election. Parliament was supposed to elect a new president on Feb. 8, but the exercise was delayed. The opposition accuses the president of stuffing national and regional election boards with his allies, charges the government denies. Compounding the chaos, Mogadishu’s police chief earlier in the day tried to suspend the parliamentary session but he was then fired by the national police commissioner. (Reporting by Abdi Sheikh and Katharine Houreld; Writing by Elias Biryabarema and Katharine Houreld; Editing by Angus MacSwan) The post Somali legislature in dispute over extension of presidential term appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU, April 12 (Xinhua) -- The Somali National Army (SNA) said Monday its elite forces (Danab) killed 25 al-Shabab militants and injured several others during an operation at Gambole about 48 km to Jowhar town, the administrative capital of Hirshabelle State. Source: Hiiraan Online
  12. (ERGO) – Nasteho Shafi Herow and her family of 10 reached Qaharre camp on the outskirts of Beletweyne on 13 March after spending three days on the road, travelling from Somali Region of neighbouring Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  13. Both Taiwan and Somaliland are basically fully functioning territories which proudly declare their independence but neither is recognised internationally and now, as Mary Harper reports, they are moving closer together. Source: Hiiraan Online
  14. Climate change effects such as droughts, flash floods, erratic rainfall, disruption to the monsoon seasons, strong winds, cyclones, sandstorms, dust storms and increased temperature are being experienced across Somalia. These effects are affecting livelihoods, and contributing to local grievances and community tensions. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Suudaan, ayaa qorsheyneysa inay Itoobiya ku wareejiso 60 maxbuus oo lagu qabtay iska hor imaadyadii ka dhacay xuduudda labada dal. Qorshahaan maxaabis wareejinta ayaa lagu waday in uu dhaco isbuucaan laakin waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana laga dhigay isniinta soo socota, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan. Ciidmada Suudaan ayaa sheegay in tillaabaadan caddayn u tahay sida Suudaan ay diyaar ugu tahay deris wanaag iyo iskaashiga labada dowladood. Bilihii lasoo dhaafay, wax aka socday xuduudda Suudaan iyo Itoobiya isku dhacyo hubeysan, iyadoo Suudaan sheegatay in ay soo ceshatay dhul hore looga hestay. PUNTLAND POST The post Dowladda Suudaan oo maxaabiis dagaal ku wareejinaysa Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiir ka tirsan Xukumada Farmaajo oo iska diiday Xil loo bedelay + Sababta Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo maalin ka hor laga qaaday xilkaas, ayaa iska diiday xil kale oo loo magacaabay. Wasiir Oomaar ayaa shalay wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Rooble loogu wareejiyey wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, balse qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga ayuu hadda ku sheegay in uusan diyaar u aheyn qabashada xilkaas. Waxa uu sheegay in go’aanka uu isaga diiday qabashada xilka wasaaraddaas uusan la xariirin siyaasad oo ay ku kalifeen arrimo u gaar ah, isagoo si cad u sheegay inuu weli taageersan yahay siyaasadda madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol. Hoos ka aqriso qoraalka wasiir Oomaar Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda. Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn. Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed. Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay. NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. Waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N). Qaran News
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan. -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan shucuubta Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa kaw ah. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ummadda Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa uu ka baryayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka saameeyey iyo abaaraha soo noq-noqday, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna waxa uu alle uga baryayaa inuu bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa, Allena wuxuu uga baryayaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan barakaysan ee Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka. Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa inta bukta ee u jiifta xanuunada inuu eebbe ka dulqaado, intii dhimatay ee aan soo gaadhin bishan barakaysana u danbi dhaafo, una naxariisto. Waxaanu madaxweynuhu rabbi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka, ayaa ka hadlay go’aankii uu shalay ku hor-istaagay Saadaq John in uu qabsoomo kulankii baarlamaanka ee looga hadlayay doorashada. Saadaq John, oo ahaa Taliyihii gobolka Benaadir ayaa waxyar kadib xilka laga qaaday markii uu shaaciyey inuusan raali ka aheyn in muddo kororsi loo sameeyo dowladda waqtigeedu dhamaaday, taasi oo laga cabsi qabay inay ku dhaqaaqan mudaneyaasha goluhu. Fiqi ayaa ugu horeyntii ku bogaadiyey Saadaq go’aanka uu ka qaatay xaalada dalka, isagoona ku tilmaamay mid uu kor ugu qaaday sumcada ciidanka booliska oo muddooyinkii dambe si gaar ah loo adeegsanayey. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamada qaranka Soomaaliya, wuxuuna u xilsaaran yahay ilaalinta nidaamka guud, ka hortagga danbiyada iyo wax Alla iyo wixii keeni kara xasilooni darro nooc kasta oo ay tahay iyo sidoo kale ilaalinta sharciga dalka,” ayuu yiri. “Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey. Waxaa qormaysa taariikh, ayadoo dano gaar ah la fulinayo ha ka mid noqon kuwa loo adeegsado Dhaqangelinta sharcidarrada.!”. Saadaq Joon oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu joojiyey kulankii baarlamanka. Intaas kadib Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa waxyar kadib xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Jonh). Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare. Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xoogan ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo maraya meeshii u sareysay. The post Xildhibaan Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay go’aanka uu qaatay taliye Saadaq John appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa laba maalin oo isku xigta Muqdisho lagu dilay G/Sare Mahad Cali Cilmi oo caan ku ahaa magaca (Mahad Dollar) iyo G/Dhexe Cismaan Shariif oo isna ku magac dheeraa (Cismaan Laba-goodle), waxayna ahaayeen laba sarkaal oo isku tababar ah. Mahad Dollar oo la dilay Axaddii, iyo Cismaan Laba-goodle oo la dilay xalay, waxay mid kamid ahaayeen saraakiisha fara-ku-turiska ah ee yaqaanay baarista dambiyada faraha, waxuuna Mahad Dollar ka tirsanaa hay’adda Main Action ee baarta qaraxyada. Sidoo kale Mahad Dollar ayaa ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda dambi baatista booliska Soomaaliya ee CID-da, inkastoo waayihii dambe uusan xaruntaas uga howlgeli jirin si toos ah. G/Sare Cismaan Laba-goodle ayaa goor habeen ah lagu toogtay degmada Kaaraan, waxaana dilay koox afku u duubnaa oo wadatay mooto Bajaaj, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online. Sidoo kale Mahad Dollar ayaa maalin cad lagu dilay banaanka hore ee suuqa Caanaha ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana isaga iyo askari la socday toogtay koox dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa. Mahad Dollar waxa uu kamid ah saraakiishii hore ee qaranka, waxuuna ka qeyb qaatay baatista iyo ka gun gaaridda dembiyo culus oo lagu ogaaday dhinaca faraha ah. Saraakiil ay xigto yihiin Mahad islamarkaana ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay aad u baadi goobayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo shaqsiyaad kale oo uu ka qeyb qaatay in la helo dambiyo ay galeen. Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in dhowr jeer isagoo aan kamid aheyn hay’adda CID uu ka qeyb qaatay baarista dambiyo culus oo looga maarmi waayay. Ilo wareedyo aad ugu dhawaa Mahad Dollar ayaa Caasimada Online u sheegay in waayihii dambe uu dowladda ka diidanaa inuu toos uga howlgalo xarunta baarista dembiyada booliska ee CID-da, maadaama uu ku xeel-dheeraa baaritaanka faraha dembiga lagu geystay. Waxaa la sheegay inay aad u yaryihiin saraakiisha Soomaalida ah ee heysata tababarka baarista faraha dadka lagu tuhmo inay dembiyo geysteen. Mahad Dollar ayaa sidoo kale ahaa sarkaal si shaqsi ah u shaqeysta waxa uuna heestay ciidan u gaar ah oo canshuurta uga uruuriya suuq ku yaala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan. Dilka labada marxuum oo kala dambeeyey wax ka yar 24-saac waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo barahooda bulshada ku soo daabacay inay iyagu dileen. The post DF oo weysay laba ka mid ah baarayaashii ugu fiicnaa ee dambiyada faraha appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo hadda ah Senator kamid ah Aqalka Sarre ayaa si adag uga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu khilaaf xoogan ka taagan yahay. Cumar Cabdirashiid ayaa walaac xoogan ka muujiyey fashilka ku yimid wada-hadaladii teendhada Afisyooni, wuxuuna ku baaqay in markale la isugu imaado miiska wada-hadalka. Senator-ka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu sidoo kale ku sheegay in joojinta wada-hadalladaas ay horseedi karto xaalad hubaal la’aan ah oo uu dalka galo. “Joojinta wada-xaajoodyada doorashooyinka waxay bulshada u horseedi doontaa xaalad hubaanti la’aan ah, iyadoo su’aal la gelinayo mustaqbalka dalkeenna.” Waxa uu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka guracan ee madaxda sarre ee waqtigoodu dhamaaday ay dalka ku riixayaan wax uu ugu yeeray ‘kala-tag iyo fowdo’. Hadalkaan ayaa imanaya xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka doorashada, islamarkaana lagu kala kacay wada-hadalo muddooyinkii dambe madaxda sarre ee dalka uga socda teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay. Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii dhinacyada is-diidan dhowr jeer iska hor-imaad ku dhex-maray magaalada Muqdisho. The post CC Sharmaarke oo sheegay xaalad dalka uu geli karo appeared first on Caasimada Online.
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland ayaa xukun adag ku riday Korneyl Jaamac Doolaal oo ka tirsanaa Saraakiisha Millateriga Somaliland, kadib markii ay la xiriirisay dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa Korneyl Jaamac Doolaal ay maxkamaddu ku xukuntay labo sanno oo xabsi millateri ah. Eedeymaha loo cuskadaya xukunka maxkamadda ayaa waxay ku qotomeen inuu xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay shaqsiyaad jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, midaasi oo ay maxkamadu ku tilmaamatay dembi, sida ay saraakiil sarre u sheegen Caasimada Online. Maxkamadda ayaa u aragta in Korneylka uu dambi ka galay Somaliland, maadama uu xiriir la sameeyay shakhsi jooga Soomaaliya, waxayna wararka aan helayno sheegayaan inuu Dolaal kala hadlay shaqsigaas arrimo qoys oo keliya. Arrintaan ayaa meesha ka saareysa eedeyn hore loogu soo jeediyay Korneylka oo sheegayay inuu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland. Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo si qarsoodi ah uga qoraneysay deegaano ka tirsan Somaliland Ilo wareedyo dhawana la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada ay dowladda ka qoraneyso Somaliland ayaa xogtooda aad loo qariyay, waxayna xiligan laga diiwaan-geliyay magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo. Tirada ciidankaas oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari, waxaana bilowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo. Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa. Lama oga in dowladda federaalka ciidamadaas u tababarayso qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan. The post Somaliland: Korneyl xukun loogu riday xiriir qoys oo uu la sameeyey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu ( PP Editorial) — The decision to extend the term of Somali Federal Institutions by two years brings to an end political uncertainty that plagued the nation due to disagreement to validate the 17 September electoral model. The Somali Parliament enacted the electoral law which had to be abrogated to return to indirect elections demanded by Puntland and Jubaland as precondition to join electoral talks. The Parliament endorsed the indirect elections spurned by Jubaland and Puntland. Successive talks have failed to produce an agreement to conduct elections in line with the 17 September electoral model and Baidoa Recommendations. What should the reaction of the International Community to the extension be? Since some stakeholders look up to the International Community as an arbiter in Somali politics, Somalia’s International Partners must not resort to any language that calls the sovereignty of Somalia into question. A decision by the Federal Government based on the national interest should never be likened to a unilateral and destabilising political act. The Somali Federal Parliament cannot stand by while reluctance to endorse the electoral model is a key feature of the failed electoral talks. The decision to extend the term of the executive and the bicameral house is commendable. It is a precedent that will deter any plans to plunge the country into political uncertainty that can undo all that has been has been achieved since Somalia adopted a federal system sixteen years ago. The Federal Government of Somalia must put in place a plan to prepare Somalia for one person, one vote elections within two years, as the Speaker of the Parliament Mohamed Mursal said today. It will be unwise to question the legitimacy of the Somali Federal Parliament and its pragmatic and levelheaded decision. © Puntland Post, 2021 The post A Pragmatic Term Extension in Somalia appeared first on Puntland Post.