Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu xusayey 18-kii May, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dhiig badan u daadiso ictiraaf raadinta, sidii kal hore ay ugu daadisay madax-banaanida ay ku doodo. Muuse Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in yoolka koowaad ee Somamliland uu yahay inay hesho ictiraaf, xili ay u dabaal-dageyso sanad guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay xiligii ay ku dhawaaqday madax-banaanida ay ku doodo, ee aan aqoonsiga caalamiga ah helin. “Yoolkeena koowaad waa ictiraaf in aanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada oo goleyaasha caalamiga ah aanay cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo, qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiiggii loo soo daadiyay (Somaliland) mid ka badan ayaanu u daadinaynaa ictiraafka, haddii loo baahdo,” ayuu yiri. “Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray asaga oo ka hadlaya muhiimada ay qabsoomida doorashooyinka u leeyihiin dowladnimada Somaliland. “Inaga oo aan raalli kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, horumar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan.” Somaliland ayaa ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo aysan helin ictiraaf caalami ah, haddana waxay u dhaqanta sidii dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, taasi oo dhowr jeer xiisad ka dhex-abuurtay Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. The post MUUSE BIIXI oo jeediyey hanjabaad lama filaan ah oo la xiriirta aqoonsi raadinta appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka. Faah-faahin dheeri ah lagama bixin waxa ay ka wada-hadleen, hase yeeshee wuxuu kulanka qeyb ka yahay kulamo uu Rooble la qaadanayey madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan caasimadda. Rooble ayaa sidoo kale xalay la kulmay madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo horey ugu sugnaa magaalada, oo la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaaminayo. Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro berri oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka. Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka. Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo. Shirkan ayaa ah fursadii ugu danbeysay ee looga gudbayo is-mari waagga doorashada dalka oo sanad ka badan oo jiitameysay, dalkana gelisay qalalaase dastuuri iyo mid amni. The post Rooble oo la kulmay Deni iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdigii uu hogaaminayay ayaa Muqdisho soo gaaray si uu uga qayb galo Shirka lagu wado inuu halkaas ka furmo maalinka Axada. Sida aan xogta ku heyno Kulanka beri waxaa looga arinsanayaa kasoo qaybgalayaasha Shirka, Madaxweyne Deni wuxuu wali ku adkaysanayaa in Furitaanka Shirka iyo Xiritaankiisaba ay kasoo qayb galaan Labadii Madaxweyne ee hore Oo matalaya Mucaaradka, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana lagusoo waramayaa inay ogol yihiin in Dhirka ay furitaankiisa kasoo qayb galaan Xubno matalaya Mucaaradka. Beri oo sabti ah Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa ka wada tashana qaabka uu Shirku u furmayo. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Shirka qayb kama aha, waxaana lagusoo waramayaa inuusan xitaa wax talo ah uusan ku lahayn. Kala soco Puntlandi.com dhamaan wararka Shirka. Warbaahinta Puntlandi.com Way ka cududaaranayaan maalmihii lasoo dhaafay oo aan Hawada ka maqnayn, Akhristayaashana waan ka raali galinaynaa. Puntlandi.com The post Sawiro Mdx.Deni oo Muqdisho yimid iyo Shirka Wadatashiga Doorashada oo Muqdisho ka furmaya, appeared first on . Source
  4. Mogadishu (HOL) - The latest round of consultative electoral talks is set to begin on Saturday. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gabal-gaabkii soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee Muqdisho. Wafdiga Madaxweyne Deni la socday ayaa isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyo, waxaana kamid ahaa wasiirada arrimaha gudaha iyo warfaafinta. Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wadatashiga arramaha doorashooyinka Soomaaliya oo sida la filayo maalin berri ah ka furmaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Shirka Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay Musharraxiinta Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood. Madaxda Xisbiga iyo Musharraxiinta ayaa iska xog waraystay hawlaha doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo dardar gelinta ololaha doorashada oo dhawaan bilaamaya. Source
  7. Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal)oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolkaas, Musharrax Xasan Ogaal iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degaanadda Ina Caddamay,Biyo Fadhiisinka, Deri Maraa, Isku Dar, Ugaas Madow iyo Degmadda Go’da weyn iyo degaano kale ,waxaanay u ballan qaadeen dadka degaamaddaas in ay taageersan yihiin musharraxnimadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan 31,May 2021-ka oo ah maalinta ay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha degaanka ay dalka ka dhacayaan, taas oo ay ka hadhsan yihiin hadda maal-mo koobani. Dhanka kalene Musharrax Xasan Cumar Xasan (Ogaal )ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyey degaanaddaa,waxaanu ku booriyey in loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaa ay maal-muhu ka hadheen wakhtigoodii,isagoo ku dar-daaray codbixiyayaashu inay ilaashadaan kaadhadhkooda cod-bixinta,waxaanu dhankiisa bulshada deegaanada uu soo maray u ballan qaaday in uu baahidooda ka turjumi doono oo uu noqon doonna mid si dhab ah u metela. Gunaanadkii Musharrax Xasan Ogaal ayaa intii uu socdaalkiisa ku gudda jiray waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Odayaasha, wax-garadka, Dhallinyarta iyo haweenka,bulshada deegaanadaas uu soo maray,kuwaas oo ku soo dhammaaday jawigii loogu tallogalay iyo in ay codka siyaan 31 May astaanta WANKA WADDANI,taas oo ah astaanka gaarka ah ee Musharrax Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil ee Xasan Cumar Xasan “Ogaal “ Qaran News
  8. Madaxweynihii hore dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa warqad uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku sheegay inuu iska casilay magacaabista Wakiilkii Sare ee dhex dhexaadinta arrimaha doorashada Soomaaliya. Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa aqbalay warqadda uu u qoray John Mahama ee uu ku sheegay inuu isaga tagay xilkii loo magacabay. Mahama oo magacaabistiisa ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Golaha Musharaxiinta iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wuxuuu u sheegay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, in taageero la’aanta Dowladda Soomaaliya ay khatar gelin karto rajada nabada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan warqad ay u dirtay midowga Afrika waxay ku diiday ergayga loosoo magacaabay dhexdhexaadinta doorashada, iyadoo ku eedeeysay inuu xidhiidh ganacsi kala dhexeeyo Kenya. Dowladdu waxay sheegtay in marba haddii lagu heshiiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 september ayna jirin sabab loogu baahan yahay ergayga. Source
  9. Sida ay ogaatay Goobjoog News waxaa dib u dhacay furitaanka Shirka Doorashada ee Afisyooni iyada oo lagu wado in la bilaabo Axadda 23-ka bishan. Haddaba, Halkan ka Akhriso, 5 qodob oo ku cusub:, 1. Caawa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxaa uu mar kale Decale Hotel casho iyo shir kala war qaadasho ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Deni ayaa ku cusub halka madaxda kale u tahay habeenkii 2-aad. 2. Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe waxaa uu iman doonaa berri oo sabti ah. 3. Shirka Afrisyooni waxaa uu si rasmi ah u furmi doonaa Axadda 23-ka May 2021-ka. 4. Waxaa kale oo heshiis laga gaaray ajendaha shirka oo ay ku jiraan arrinta Gedo, Somalinad iyo guddiyada. 5. 100% waxay u badan tahay in aanu iman Farmaajo kadib markii loo arkay caqabad ka dhan ah horumarka wada hadallada. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  11. SEATAC— Inside the newly opened SeaTac International Mall, sheer curtains and colorful clothes hang on walls that line the corridors. Source: Hiiraan Online
  12. Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey, C/raxmaan Axmad Cali Garyare iyo 2 ka mida Illaaladiisa ayaa lagu dilay Qarax Miino, xilli ay Masjid Deegaankaasi ku yaala ka soo baxeen Salaadii Jimce. Kooxaha Argagixisadda ayaa inta badan ku beegsada Masaajidada dadka cibaadaysanaya, taasoo ah ficil ka fog Diinteenka Suuban. Sarkaal u hadlay Booliska ayaa u sheegay Radio Muqdisho inay wadaan baaritaano dheeiya, si loo helo raadad suurtagalin kara in la soo qabto dhagarqabayaasha Source: goobjoog.com
  13. MOGADISHU -- At least three people were killed on Friday in a roadside blast in the Garasbaley neighborhood on the outskirts of Somalia's capital Mogadishu, police officials and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada gabadh yar oo dhawaan la sheegay inay geeriyootay xili ay iskaga duubeysay muuqaal aalada loo yaqaan TikTok ayaa beeniyey inay gabadhoodu ay isku fakisay bistoolada ay ku jirtay xabad, ayada oo arrintaasi si weyn ugu baahday baraha bulshada. Ehelada marxuumada Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaas uu ahaa dil, waxayna beeniyeen wararka ku baahay baraha bulshada ee lagu sheegay inay gabadha yar isku-fakisay bastooladu ayada oo ku gudo jirta duubista muuqaalkaas. “Gabadha waa la dilay, si foolxun ayaa loo dilay, gacan ka xaq-daran ayaa dishay” ayey tiri Haweeney kamid ah ehelka marxuumad Rumaan. “Qof miyaa gadaal iska dili karo?. Meesha ay tinta ka duuban tahay ayey kasoo gashay, waxayna ka baxday goofanaha, markaa miyaa la is dhihi karaa cunugteyda ayadaa is-dishay, waa la dilay cunugteyda,” ayey tiri ayeeyada gabadha geeriyootay. Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in dilkaas uu geystay Nin aysan magacaabin, ayaga oo ka dhawaajiyey in eheladiisa iyo ehelka gabadha ay heshiis ka gaareen dilkaas, kadib markii ay labada dhinac kulan wada qaateen, sida ay sheegen. Si kastaba, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaas, waxayna sheegeen iney baaris ku hayaan kiiska gabadhaas daganeyd degmada Yaaqshiid, taas oo u geeriyootay xabad ku dhacday. Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021 Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad,” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Booliska maalinkii Khamiista. “Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagidoono.” Dhacdada gabadhaan yar ayaa si weyn u qabsatay saacadihii u dambeeyay baraha bulshada ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen dadweynaha, maadama ay tahay arrin ugu ku ah geyiga Soomaalida. The post Rumaan Cabdulqaadir: Xabadda ma ayadaa isku dhufatay mise waa la dilay? Ddaawo) appeared first on Caasimada Online.
  15. MOGADISHU (Xinhua) -- Violent attacks on humanitarian workers operating in Somalia decreased in the first three months compared to a similar period last year, the United Nations humanitarian agency said on Friday. Source: Hiiraan Online
  16. QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde| Qaybta 1aad| KULANKA GORFAYNTA Waa wareysi taxane ah, oo soo bandhigaya geeddigii nololeed ee Cabdillaahi Saleebaan Bidde, noloshiisii hore, tii dhexe iyo tii danbe oo nolosha qurbuhu ugu ballaadhan tahay. Waa maansoyahan, siyaasi, odey dhaqameed, aqoonyahan iyo taariikh ururiye. Waxa uu soo maray nolol koobsanaysa: xil dawladeed oo uu soo qabtay, xadhig iyo xaalad jabhadayn ah. Wareysigan oo qayb ka ah barnaamijka KULANKA GORFAYNTA, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”, qaybtiisa koowaad waxaad ku daawan doontaan noloshii hore ee Cabdilaahi Saleebaan, halkii uu ku dhashay ee uu ku barbaaray iyo taxanihii waxbarashadiisa. QARANJOOG ILAA QURBEJOOG: Cabdillaahi Saleebaan Bidde| Qaybta 1aad| KULANKA GORFAYNTA – YouTube Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin diidmada dowladda federaalka ee ka dhanka ah ergeygii uu Midowga Afrika John usoo magacaabay xal u helista is-mari waaga doorashada Soomaaliya, John Mahama. Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika xalay uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya, isaga oo sababta ku sheegay diidmada dowladda federaalka. “Waxaan si qoto dheer uga xunnahay go’aanka ay hoggaanka dowladda federaalka ku diideen wakiilka sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaato sare u qaadidda nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jirto tabarucaadda weyn ee Amisom,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM. Dowladda federaalka ayaa sababta ay ku diiday magacaabistiisa Mahama ku sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Mahama waxa uu intaas ku daray in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya. The post Beesha Caalamka oo war kasoo saartay go’aanka ay DF ku diiday John Mahama appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wadatashiga arramaha doorashooyinka Soomaaliya oo sida la filayo maalin berri ah ka furmaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Shirka Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Garowe: Madaxweyne Deni oo u ambabaxay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Komishanka Doorashooyinka S/land oo shaaciyey Jadwalka Ololaha Doorashada Qaran News
  20. Amiir ka tirsan Qoyska Boqortooyada UK oo BBC-da Eed Culus Tunka u saaray Amiirad Diana (Bidix) iyo weriye Martin Bashir (Midig) Amiir William-ka qoyska Boqortooyada UK ayaa BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii ay la yeelatay hooyadii kaas oo uga sii daray xaaladdeeda isla markaana sii xumeeyay xiriirka labadiisa waalid. Kaddib baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in BBC-du aysan hannaan sax ah u marin hellitaanka wareysigaas, ayaa Amiir William waxa uu sheegay in “waxa ugu badan ee murjiyay” ay tahya in Diana aysan weligeed ogaan in la khiyaanay. Wuxuu sheegay in hooyadii uusan keliya u gefin “weriye aa daacad ahayn” balse ay sidoo kale ku khaldameen madaxda BBC. Dhanka kale walaalkii, Amiir Harry ayaa “dhaqamada qaar ee xun ee warbaahinta” ku eedeeyay dhimashada hooyadiis. Wuxuu walaac ka muujiyay in dhaqamadaas ay “weli ka jiraan dunida”. “Hooyadeen waxay nolosheeda ku weyday arrintan, waxna isma baddelin. Annagoo ilaalineyna waxa laga dhaxlay, waxaan ilaalineynaa qof walba, waxaana ku taagneynaa sharaftii ay ku nooleyd,” ayuu yiri. BBC-da ayaa raalligelin siisay Amiir William iyo Amiir Harry, aabbahood Charles iyo Diana walaalkeed Earl Spencer. “Arintan ma khuseyso oo keliya Martin Bashir, balse waxay ku saabsan tahay dhammaan BBC-da, oo uu u maleynayo inay gebi ahaanba ku guul darreysatay inay baarto arrinta ayna daah saartay arrimo aysan jecleysan,” ayuu yiri Jonny Dymond oo ah weriyaha BBC ee arrimaha qoyska Boqortooyada. Baaritaanka oo uu sameeyay garsooraha howlgabka noqday Lord Dyson, ayaa lagu ogaaday in weriyihii wareysiga qaaday ee Martin Bashir uu u dhaqmay qaab “khiyaano” ah uuna been abuur ku sameeyay waraaqihii uu ku helay oggolaanshaha wareysiga. Baaritaanka gudaha ee ay BBC-du sanadkii 1996 ku sameysay cabashooyinkii ku saabsanaa wixii dhacay ayaa ahaa “mid aan waxtar lahayn”, sida lagu sheegay baaritaanka. Amiir William ayaa yiri wareysiga “wuxuu qeyb weyn ka qaatay in xiriirka waaliddiinteyda uu sii xumaado,” isagoo intaas ku daray “wuxuu kaddib dhaawacay dad aan xisaab lahayn”. “Balse waxa murugada ugu badan igu beeray, waa haddii ay BBC-du si fiican u baari lahayd cabashooyinkii sanadkii 1995, hooyadey way ogaan lahayd in la khiyaamay,” ayuu yiri. Lord Dyson ayaa ogaaday in Bashir uu Earl Spencer ku khiyaanay inuu baro walaashii Diana isagoo tusiyay waraaqaha bankiga oo been abuur ah kuwaas oo sheegaya in shakhsiyaad lacag lagu siiyay inay ilaalo ka hayaan amiiradda. Amiir William ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in habka khiyaanada leh ee wareysiga lagu helay “uu saameyn ku yeeshay waxa ay hooyadey tiri” iyadoo u jawaabeysa Bashir. Wuxuu sheegay in barnaamijka Panorama “uusan habbooneyn” isla markaana aysan ahayn in mar dambe la sii daayo. Amiir William (dhexda) iyo Harry (midig) carruur ayay ahaayeen markii la baahiyay wareysigii BBC-da Bashir ayaa sheegay in “arin nacasnimo ah” ay ahayd waxa uu sameeyay isla markaana uu ka shallaynayo, balse wuxuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku lahayn go’aanka ay Diana ku aqbashay in la wareysto. BBC-da ayaa sanadkii la soo dhaafay dalbatay baaritaanka madaxa bannaan, kaddib markii Earl Spencer uu soo jeediyay eedeymo ku saabsan qaabka loo helay wareysiga. Wareysigii Bashir uu la yeeshay Amiirad Diana ee lagu soo qaatay barnamaijkii gaarka ahaa ee Panorama ayaa wax weyn u ahaa BBC. Wareysiga waxay amiirada ku tiri: “Saddex qof ayaynu ku nahay guurka,” – iyadoo ula jeedda xiriirkii seygeeda kala dhaxeeyay Camilla Parker Bowles. Waa markii ugu horreysay ee qof boqortooyada ka tirsan uu si furfuran uga hadlo noolosha Qoyska Boqortooyada – dadka daawaday wareysiga ayaa ka hadlay guurkeeda aan farxadda ku dheehneyn ee Amiir Charles, arrimahooda, iyo xaaladdeedii caafimaad ee maskaxda. Bashir, oo 58 sano jir ah, waa mid ka mid ah weriyeyaasha ugu caansan UK, wuxuuna sidoo kale aad ugu soo caan baxay wareysigii uu sanadkii 2003 la yeeshay heesaagii Michael Jackson. Toddobaadkii la soo dhaafay ayuu BBC-da isaga tegay, isagoo u aaneeyay sababo dhanka caafimaadka ah. Wuxuu ahaa wakiil-wareedka arrimaha diinta ee BBC-da iyo tifaftire tan iyo sanakdii 2016. Qaran News
  21. Magaalada Garowe waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo shalay ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu soo noqday Garowe, ku xigeenkiisa Axmed Kaarasha, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, culimo iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garowe ayaa ka qeybgalay salaadii janaasada marxuumka oo lagula tukaday garoonka diyaaradaha Garowe. Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale uga tacsiyeeyay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacab weynaha Soomaaliya geerida Gen. Cabdisamad Cali Shire, si gaar ah wuxuu madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelka iyo qoyska marxuumka. Marxuumka Cabdisamad Cali Shire ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland (8 January 2009- 8 January 2014), xiligana wuxuu kamid ahaa guddiga dib u habeynta ciidamada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland oo aas qaran loogu sameeyay Garowe appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Garyare ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qarax lala beegsaday gaarigiisa, xili uu ku sugna deegaankaas oo ah duleedka Muqdisho. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste. Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare AUN ayaa kasoo baxay Salaadda Jimcaha oo bulshada deegaanka uu kula tukaday Masjid ku yaala deegaanka Garas-baaley. Garyare ayaa kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha deegaanka Garasbaaleey oo kamid ahaa aasaasayaasha deegaanka, wuxuuna gudoomiye ka ahaa Garasbaaley sanado badan. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hase yeeshe inta badan waxa qaraxyada noocaan ah fuliya kooxda Al-Shabaab oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta dowladda. Afar bil ka hor unbey aheyd markii sidan oo kale ay ku dhinteen qaraxa lagula eegtay Garasbaaley Gudoomiye ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyihii dhalinyarada ee deegaankaas. The post Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley iyo dhowr qof oo kale oo qarax lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  23. Marxuum, Garyare Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare iyo labo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa qarax ku dhintay. Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa ayaa lala eegtay qarax Miino xilli ay ka soo baxeen masjid ay ku tukadeen salaada Jimcaha ee maanta. Deegaankan Garasbaaley ayaa in dhawaale kamid ahayd meelaha ugu badan gobolka Banaadir ee qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ka dhacaan. Weli ma jirto cid ka hadashay qaraxa lagu dilay Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ku dhintay appeared first on Puntland Post.