-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Source
-
Kulanka maanta dhexmaraya Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa laga yabaa in Madaxweyne Farmaajo oo yimaado si uu ula hadli Masuuliyiinta shirsan. Wararka aan ka helayno ilo wareedyo, Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbadey inuu kasoo qayb gali furitaanka Shirka maanta iyo Furitaanka Shirweynaha oo lagu wado inuu furmo Axada. Kulanka maanta la hadii la isla meel dhigo Qodobada horyaal Shirweynihu wuxuu furmayaa Axada laakiin hadii aan maanta wax la isla meel dhigin Shirweynuhu wuxuu furmayaa wixii Isniinta ka bilowda. Lama oga waxa uu Madaxweyne Farmaajo u sheegayo Masuuliyiinta shirsan.. Wixui soo kordha kala soco halkaan The post Madaxweyne Farmaajo oo laga yaabo inuu kulanka maanta yimaado appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisay shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inuu saacadaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Afhayeenka xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu shirka ka dhacayo teendhada Afisyoone oo ku dhextaalo xerada Xalane, wuxuuna tilmaamay inay soo xaadireen ka qeyb-galayaasha marka laga reebo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo isna maanta la sugayo. Macalimu ayaa sheegay in shirkan oo ah mid xasaasi uu guddoomin doono ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu isku soo daba riday, kadi gadaal markii uu si rasmi ah loogu wareejiyey qabsoomida arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale ammaankeeda. “Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah afhayeenka xukuumadda federaalka Somaila. Inta uu socda shirkan waxaa ka qeyb-galaya oo goobjoog ah madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, duqa Muqdisho iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka, sida HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo gobolka Banaadir. Qabsoomida shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah looga gaaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka. Si kastaba dib u dhac kooban ayaa ku yimid furitaanka shirkan oo qurshuhu ahaa inuu billowdo 20-kii bishan, kadib is-bedal ku yimid xilliga imaashaha madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dib uga soo dhacay waqtigii loogu talagalay. The post Yaa guddoomin doono shirka doorashooyinka ee Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Three police officers were on Friday morning killed following an Al Shabaab attack in Banisa, Mandera County near the Somalia border. Source: Hiiraan Online
-
Shirka doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu si horudhac ah maanta furmo, iyada oo ay Muqdisho wada joogaan dhammaan maamul goboleedyada. Ra’ísul wasaare Maxamed Rooble ayaa la sheegayaa in ay ku qanacsan yihiin maamul goboleedyada, isla markaana uu hoggaamin doona doorashada iyo amnigeeda, laakin wararka ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee u doonayo in la siiyo kursiga guddoominta shirka, taasi oo maamul goboleedyada ay diidan yihiin. Goobjoog News ayaa ogaatay in labadii maalin ee tagay ay dhaceen kulamo dhex maray Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha oo dhan ah iyo Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ku ologga ah, isaga oo ku adkeystay inuu shirka tago, bal uu shir guddoonka lahaado. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo weliba musharaxiinta ayaa u arka iska daa guddoominta e, ka qeybgalka Farmaajo ee shirka inuu keeni kasro ismari waa iyo muran xagga ajendaha ah, sidaa darteedna aan loo ogolaan. Farmaajo tan iyo markii uu wareejiyey doorashada iyo amnigeeda, waxaa uu ku go’doonsan yahay Villa Somalia, waxaa uuna raadinayaa qaab uu kusoo muuqan karo, waxaa guddoominta shirka Afisyooni u arkayey fursad, taasina waa laga diiday. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
The National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) announced that the 6th General Election will be held on June 21, 2021. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa jira walaacyo badan oo laga qabo in Madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu Raysal wasaaraha ku faragaliyo Shaqadiisa ku aadan Arimaha uu ku wareejiyay ee Doorashada, waxaana walaacaas inuu jiro cadeynaya Qoraal ay soo saareen Maraykanku. Maraykanku waxay Raysal wasaare Rooble ku booroiyeen in uu guto howsha loo xilsaaray uuna ogaado inuu haysto fursad ay Beesha Caalamku Garab taagan yihiin. Raysal wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa la faray in dardar galiyaan kana mida dhaliyaan Heshiisyadii 17 Sebtembar iyo kii Baydhabo. Wasaarada Arimaha Dibada Xafiiskiisa Arimaha Afrika ayaa Qoraal kooban oo ay soo saartay xusnay in Maraykanku uu si dhow ula soconayo Shirka, Qoraalkooda waxay ku yiraahdeen sidaan hoose “Beesha Caalamka ee Daneeya Arimaha Soomaaliya waxay ula muuqataa in Shirka ka furmaya Muqdisho inuu yahay fursad qaaliya oo muhiim u ah Amaanka iyo Horumarinta Soomaaliya,waana inaan la lumin fursadaas” Puntlandi.com Muqdisho The post Beesha Caalamka oo Raysal wasaare Rooble ugu baaqdey dardar galinta Doorashada appeared first on . Source
-
Akhriso : 7 Qodob Oo Noqon Doona Ajendaha Shirka Doorashada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sida ay xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday waxaa maanta furmaya shirka doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan ayaa looga hadlaya Ajendayaal dhowr ah oo gundhig u ah heshiiskii 17 September Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka iyo hogaamiyayaasha dowlad gobaleedyada dalka . Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay kulama isusoo dhawaansho ah kuwaas oo u dhaxeeyay xukuumadda iyo madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka . Hadaba GoobJoog News waxa ay kula wadaageysa 7 Qodob oo noqon doonta Ajendayaasha looga hadlyo shirka maanta furmaya :- 1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka 2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo 3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland 4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay 5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada 6: Amniga Doorashada 7: Dejinta Jadwalka doorashada 7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan . Source: goobjoog.com -
Waxaa saaka oo sabti ah furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowald gobaleedyada dalka . Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahim Moalimu ayaa shaaciyay in goordhaw lagu wado in uu furmo shirka doorashada . “Waxa saaka furmaya Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS.”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook Maxamed Ibrahim Moalimuu . Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in shirkan uu ka dhacayo Afisyooni uuna shir guddoomin doonno ra’iisul wasaare Rooble “Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay.” ayuu yiri Moalimuu GooJoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaamiyo madaxweynaha dowal gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen . Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka, oo maanta lagu wado in uu ka furmo xerada Afisyooni . Source: goobjoog.com
-
(SLT- Maka Al-mukarama)-Ciiddanka Ammaanka ee Masaajidka Xaramka ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin weerar ku ahaa Iimaamka oo akhriyey Khudbada Jimcaha ee shalay. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in eedeysanaha la qabtay, ka hor inta aanu gaadhin Minbarka ee uu Iimaamku ka jeedinayey Khudbadda Jimcaha. Iimaamka la weerari lahaa oo lagu magacaabo Sheekh Bandar Baleelah ayaa waxa uu ka mid yahay Iimaamyada ku qoran Xaramka Shariifka ee Maka Al-mukarama. Bishii la soo dhaafay ee April ayaa waxaa Xaramka lagu qabtay Nin hubaysnaa, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Midowga Yurub ayaa ku talo jira inuu ku maal geliyo lacag hal bilyan oo Euro ah oo u dhigantaa 1.2 bilyan oo doolar in lagaga dhiso Afrika xarumo lagu sameeyo talaalka Covid-19. Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in sidoo kale Midowga Yurub ugu deeqayo 100 milyan oo irbadood oo talaalka ah dalalka dakhiligoodu hooseeyo iyo kuwa uu meel dhaxaadka yahay dabayaaqada sannadkan. Hadalkan waxay ka sheegtay shir lagaga hadlayey Covid-19 oo ka dhacay magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga. Mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee talaalka sameeya waa Pfizer/BioNTech ay madashaa ka shaacisay in ay sideedda iyo tobanka bilood ee soo socda qiimo jaban ugu samayn doonto dalalka saboolka ah laba bilyan oo irbadood oo talaalka ah. Shirkaas ka dhacay magaalo madaxda Talyaaniga, ayaa looga gol lahaa in lagu helo qaabka ugu haboon ee la isugu dubaridi karo dedaalka caalamiga ah ee ka hor tagga safmarka. Qaaradda Yurub ee waxa laga soo saaray laba nooc oo talaalka ka hortagga safmarka Covid-19 ah. Labadaa nooc ka kaydintiisu sahalan tahay ee haatan wadamada saboolka ah ee dunida saddexaad loogu deeqay ee ay ku helaan habka la yidhaa COVAX waa AstraZeneca. Shirkadda AstraZeneca ee soo saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore. Talaalka sidiisaba, wuxuu unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19. Natiijooyinka ka soo baxay hay’adda Caafimaadka Dadweynaha England (NHS), waxay ku saleysan yihiin dadka da’doodu ka weyn tahay 80 sano, oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee laga billaabay tallaalkan. In ka badan 10,000 qof oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkan. Marka la isku duro, wuxuu difaacayaa jirka oo baranaya sida loola dagaallamo fayraska dhabta ah, haddii loo baahdo. Si ka duwan tallaalka Pfizer, oo ay tahay in lagu hayo meel ka qabow (-70C), tallaankan Oxford waxaa lagu keydin karaa qaboojiye caadi ah. Tani waxay fududeyneysaa in la geeyo talaalkan meelo badan. Tijaabo lagu sameeynayay talaalkan ayaa mar sababay in laga hakiyo guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay. Waxay ahayd markii labaad oo hakad lagaliyay talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabada talaalka la dhigay isbataal laguna sameeyay baaritaan madaxbanaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka yo dowlad goboleedyada dalka. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu dhigay gogosha, duqa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale shanta madaxweyne goboleed ee dalka oo inta badan ku sugan gudaha caasimada. Sidoo kale waxaa shirkan oo looga arrinsanayo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka saldhig u ah heshiiskii 17 September ee ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaalida. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in goordhow caasimada uu kusoo wajahan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo kasoo kicitamaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana haatan qaban qaabada soo dhoweyntiisa laga dareemayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho. Waxaa shirkan oo kusoo aadayo xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya. Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada haya natiijada shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble. Si kastaba dib u dhac kooban ayaa ku yimid furitaanka shirkan oo qurshuhu ahaa inuu billowdo 20-kii bishan, kadib is-bedal ku yimid xilliga imaashaha madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dib uga soo dhacay waqtigii loogu talagalay. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo maanta ka furmayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya, in ay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah, si heshiis dhakhso leh looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka. War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka, ayay ku boorriyeen dhinacyada, in ay si degdeg ah u qaban-qaabiyaan doorashooyin ku salaysa heshiiskii 17-kii September 2020. Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale bogaadiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee la filayo in uu maanta ka furmo Muqdisho, waxaana ay ku tilmaameen fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin. War-saxaafadeedka waxa ku midaysan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. Halkaan ka akhriso Baaqa Beesha Caalamka PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo baaq midaysan ka soo saaray Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
XIJIINLE, SOMALILAND—Some camels on the beach lay splayed on their sides like sleeping cats. Others hoisted themselves up on their long legs, blinking at the brightening dawn sky. Others loped across the sand as curly-haired calves frolicked in playful loops or teetered on spindly legs, bellowing for milk. Source: Hiiraan Online
-
Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa qoraal uu soo saaray faahfaahin kaga bixiyay, shirka arrimaha doorashooyinka ee loo ballansanyahay in uu ka furmo Muqdisho. Af-hayeen Macallimow ayaa sheegay, in dhammaan madaxda ka qayb-gelaysa shirkan ay xaadir ku yihiin Muqdisho, marka laga reebo madaxweynaha Hirhshabeelle oo isla maanta imaanaya. Wuxu sheegay in shirkan uu saaka si rasmiya u furmi doono, islamarkaana uu shir-guddoomin doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in shirka uu ka dhacayo xarunta Afisyooni, oo ay ka qabsoomeen shirarkii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa saaka degmada Ufayn ka daah-furay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono doorashooyinka dowladaha hoose oo tijaabo ah. Tani waa degmadii saddexaad oo guddigu ka daah-furo diiwaan-gelinta codbixiyaasha, waxaana ka sii horreeyay degmooyinka Eyl iyo Qardho, iyadoo saddexdan degmo dhowaan laga qaban doono doorashooyinka hordhaca ah. Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Ufayn, kuwaas oo ay u jeediyeen wacyi-gelin ku saabsan barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha. Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankooda maalmahan wada wacyi-gelinta dadweynaha ee la xiriirta diiwaan-gelinta codbixiyaasha. PUNTLAND POST The post Degmada Ufayn oo saaka laga daah-furay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha appeared first on Puntland Post.
-
Puntland: Imtixaanka Shahaadiga ah oo saaka loo fariisanayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe, ayaa saaka oo Sabti ah ka bilaabanaya dhammaan Gobollada Puntland. Imtixaanka waxa sannadkan u fariisanaya in ka badan 17,730 arday, kuwaas oo isu’gu jira fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare. Fasalka Form Four-ka waxa sannadkan u fariisanaya ilaa 5,708 oo arday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta waaxda imtixaanaadka shahaadiga ah ee wasaaradda Waxbarashada Puntland. Sidoo kale, Fasalka 8-aadka ee dugsiyada dhexe waxa u fariisanaya arday gaaraya 12,000 kun oo arday. PUNTLAND POST The post Puntland: Imtixaanka Shahaadiga ah oo saaka loo fariisanayo appeared first on Puntland Post. -
Washington (Caasimada Online) – Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee la filayo inuu shirka uga furmo Muqdisho inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay dhameystiraan heshiis doorasho. Qoraal kooban oo xafiiska kasoo baxay ayaa sidoo kale farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo wada-hadalladaas hoggaaminaya, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka. “Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraalkii maalimn kahor ay soo saareen xubnaha beesha caalamka ee madaxda Soomaaliya looga digay inay lumiyaan fursdadan. “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka beeesha caalamka. Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro maanta oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka. Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka. Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo. The post Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka oo farriin u dirtay ra’iisul wasaare ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
Sababta aaney weligeed Doorasho uga dhicin dalka Eritrea! Shacabka Eritrea waxay xorriyaddooda dalka Itoobiya ka qaateen sanadkii 1991-kii. Dalka Eritrea oo 30 sana xor ah weli doorasha kama dhicin, dastuurka dalkaasi u yaallana si buuxda uma dhaqan gelin iyada oo ay muuqan wax saansaan oo muujinaysa iney dalkaasi sanadaha soo socda ay doorasho ka dhacdo. Haddaba maxay yihiin sababaha uu madaxweyne Isaayaas Afawarqii uu u oggolaan waayey iney dalkiisa doorasho ka dhacdo? Halganka xornimo doonka Eritrea Aqoonyaannada u dhuun daloola siyaasadda dalka Eritrea waxay sheegaan Ururka EPLF iyo EFL ee u soo halgamay xorriyadda iyo madax bannaanida dalkaasi hadafkooda inuu ahaa “Heeryada guumeysiga iney iska dul qaadaan ayna sameeyaan Eritrea ku dhisan Dastuur iyo Dimuqraadiyad.” Sharci yaqaan Dawiit Fisahaye wuxuu sheegay shirki labaad ee 1995-kii Saahil lagu qabtay iyo shirki seddexaad ee 2002-dii la qabtay laguna ansixiyey axdi qarameedka dalkaasi ujeedkiisu inuu ahaa “In la dhiso dowlad Dastuur iyo Dimuqraadiyad ku dhisan”. 1998-kii mar uu madaxweyne Isaayaas Afawarqii uu ahaa guddoomiyaha xisbigiisa wuxuu ku baaqay iney shacabka dalkaasi inta tabartooda ah ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka iyo nidaamka dowliga ee dalka laga dhisayo si loo helo nidaam dadka oo dhan matala loona taabba geliyo nidaam suuragelinaya xisbiyada badan maadaamaa nidaam uu hal xisbi oo keli ah hoggaaminayo uu dalku u horseedi karin xasilooni iyo dammaanad buxda. Haddaba xaaladuhu sideey iisu beddeleen? Shacabka Eritrea afti madaxbannaani oo 1993-kii loo qaaday Eritrea iney Itoobiya madaxbannaani ka qaadato waxaa xornimo u codeeyey 99.8%. 19-kii May 1993-kii waxaa la soo saaray bayaanka uu tirsigiisa ahaa 37/1993 oo dhigayey dastuurka dalka iyo shuruucda saxaafadda dalka in la diyaariyo isla-markaana la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo muddo 4 sana ah dalka Eritrea ka arrimiso. Hase yeeshee sharcigaasi inuu meel maro waxaa caqabad ku noqday dagaalka xadka ee ka dhex qarxay Itoobiya iyo Eritrea. 1997-kiina baarlamaanka dalka Eritrea wuxuu ansixiyey guddiga soo diyaarinayo dastuurka dalkaasi uu yeelanayo. 1996-kii marki la diyaariyey sharciga saxaafadda oo qabya ah waxaa dalka Eritrea si aad ugu soo batay wargeysyada gaarka loo leeyahay. “Madaxweynihi horay ugu baaqay shacabka dalkaasi iney ka qayb qaataan arrimaha dalkooda wuxuu haddana amar uu ku bixiyey ciddi dooneyso siyaasadda dalka Eritrea iney ka qayb qaadato ay u soo mari karto oo keli ah xisbi siyaasadeed.” “Dabeecadaha Isaayaas qofka garanayo kuma uusan fikireen in la dhiso nidaam dowli ah oo loo dhan yahay balse fikirkaasi waxaa qabay shaqsiyaad ka agdhawaa oo keli ah” ayuu yiri Elyaas. 2001-dina waxaa la dhisay laba guddi oo soo hindiso sharciga dorashada iyo sharciga lagu maamulayo xisbiyada siyaasadeed. Balse waxaa markiba howlaha guddiga joojiyey oo soo farageliyey madaxweyne Isaayaas, marki uu kala duwanaashaha siyaasadeed ee dalkaasi uu soo ifbaxayna waxaa xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin iyo suxuufiyiin tira badan. Wixi intaa ka dambeeyana doorasho cid fikir ahaan soo hadal qaadday ma jirto sidaa ayeyna doorasha ilaa iyo hadda uga dhiicin dalka Eritrea ee 30-ka qaranka madaxa bannaan ah. Madaxweynaha fikirkiisi muxuu u beddelay? “Madaxweyne Isaayaas wuxuu aaminsan yahay doorasha iney dalka Eritrea waxba ku soo kordhineyn” ayuu yiri Elyaas “1988-kii muddo afar saac ah waxaan Isaayaas kulan kula yeeshay Sahil oo la rumeysan yahay iney xuddunta u tahay halganka dhaliyey madaxbannaani inuu dalkaasi ka qaato Itoobiya. Balse muddada aan wada hadleynay waan ka dhaadhicin waayey in dalka dorasha ay ka dhacdo aniga oo tusaalooyin badan soo hordhigay” ayuu yiri. Madaxweyne Isaayaas oo u warramay wargeys ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa la weydiiyey “Qorshaha ma kuugu jiraa inaan xilka ka degto mise si la mid ah madax badan oo Afrikaan ah inta aad ka dhimaneyso kursiga waad sii hayneysaa?”, wuxuu ugu jawaabay “Anigu shacabka Eritrea haddii uu iga dalbado inaan kursiga ka dego oo aan si degdeg ah kursiga u banneeyo diyaar ayaan u ahay, doorashada waxaa iska leh shacabka” ayuu ku yiri. Sida oo kale madaxweynaha oo xuska sanad guurada 17-aad ee loo dabbaal dagayey madax bannanida dalkaasi talefishiinka Al-jaziira ayaa weydiiyey su’aal ah goormeey dalka Eritrea doorasha ka dhaceysaa? Madaxweyne Isaayaas su’aasha Al-jaziira wuxuu ugu jawaabay “Doorashada Mareykanka uu qabto natiijada ka soo baxda inta aan ka arkeyno doorasha run ah 30 ama 40 sano ayaan sugeynaa…” jawaabta uu ka bixiyey su’aasha doorashada laga weydiiyey oo muujineysay aragtida uu Isaayaas doorashada ka qabo. “Arrimahaasi oo dhan oo isbiirsaday waxay sawir buuxda ka bixinayaan madaxweyne Isaayaas inta uu talada dalkaasi hayo inaan lagu fakari karin iney Eritrea doorasha ka dhacdo, umana maleynayo inta uu Isaayaas dalka xukumo inaan arko doorasha dalkaasi ka dhacdo” ayuu yiri. Qaran News
