-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Inkastoo Shirka Wadatashiga Doorashada Soomaaliya oo maalmahaan Muqdisho ka socdey ayaa tan iyo shalay waxa muran ka taagnaa Cida looga dambaynayo Ergada Gobolada Waqooyi, Laakiin Sida ay Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi ay xanta ku hayaan maanta waxaa la isagasoo dhowaadey meeshee la joogay shalay, Qodobka Ergada Gobolada Waqooyi, Raysal wasaare Xigeenka Xilkiisu dhamaadey ayaa laga fujin waayay wuxuuna ku andocoonaya in isaga looga dambeeyo, waxaa jira Xan ah in Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gadaal kasoo riixayo Mahdi Guuleed. Qodobada kale intooda badan waxaa lagawada gaaray isfahan, inkastoo Arimaha Gobolka Gedo aan wali si buuxda loogu heshiin laakiin wali waxaa laga qabaa rajo wayn in Xal buuxa loo helo. Ilo wareedyo la hadlay Puntlandi.com waxay sheegayaan in Maduuliyiinta shirsan ay ka go’antahay in Guul laga gaaro Wadahadalka walow ay jiraan cabsi laga qabo Faragalin ka imaanaysa dhinaca Villa Soomaaliya . Waxaa Macquul ahnin Dhirku soo gabagaboobo beri habayn dambe. Puntlandi.com Muqdisho The post Gudoomiye Cabdi Xaashi oo u muuqda inuu ku guulaysto kaga dambeynta Ergada Waqooyi appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, islamarkaasna ah Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland sidoo kalana ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la sheegay in isaga iyo Siyaasiyinta Somaliland ay iska diideyn dalabka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku saabsanaa qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada. Rooble ayaa dalabkaan hordhigay Guddoomiyaha Cabdi Xaashi, balse Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu codsiga Ra’iisul wasaaraha u gudbiyey guddiga siyaasiyiinta Somaliland garabka uu isaga hoggaamiyo oo ayagana si cad u diiday. Codsiga uu Rooble hor dhigay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahaa in garabka uu isaga hoggaamiyo laga siiyo guddiga doorashada Somaliland illaa 5 xubin halka garabka kale ee uu hor kacayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed la siiyo 10-ka kale. Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland, iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga. Shirkii farsamada ee Baydhabo ayaa garabka uu hoggaamiyo Guddoomye Cabdi Xaashi loogu ogolaaday in la siiyo 4 xubin, waxaana hadda muuqato in kaliya lagu kordhiyey 1 xubin taasoo noqotay mid aan u cuntami karin guddoomiyaha. Gudoomoye Cabdi Xaashi iyo garabka uu hoggaaminayo ayaa dalbanayo in guddiga doorashada ee reer waqooyiga loo qeybsado si siman, waxaana taas kasoo horjeedo Mahdi Guuleed oo garab ka helayo Villa Somalia. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoon karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay inuu shir jaraa’id qaban doono haddii shirka ka socdo xerada Afisyooni looga dhawaaqo go’aan hal dhinac ah, taasoo keentay inay kulan deg deg ah ka codsadaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Xogta aan ka helnay xafiiska Guddoomiya Cabdi Xaashi ayaa meesha ka saareyso sheegashada xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ee ah in kulankii dhex maray isaga iyo Cabdi Xaashi laga gaaray isfaham. Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka. The post Xog: Cabdi Xaashi oo hal arrin ka diiday Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Xaflad Aroos oo ka dhacday Hawada sare oo ay dad badani ka qeybgaleen Muuqaalka lasoo geliyay baraha bulshada oo muujinaya arooska ka dhacay gudaha diyaaradda oo mareysay hawada sare Lammaane is calmaday oo u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inay kireysteen diyaarad gaar ah si arooskoodu ay ugu soo dhigtaan hawada sare maadaama dalkaas aanan laga ogoleyn isu imaatinka dadweynaha si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19. Xafladda arooskoodu oo ka dhacday hawada sare waxaa ka qeybgalay in ka badan 160 qof oo diyaaradda saarnaa. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya lammanahan iyo dadkii lagu marti qaaday arooska oo ku dhex sugan diyaaradda xilli ay mareysay hawada sare. Rakesh-Dakshina from Madurai, who rented a plane for two hours and got married in the wedding sky. Family members who flew from Madurai to Bangalore after getting married by SpiceJet flight from Bangalore to Madurai. #COVID19India #lockdown @TV9Telugu #weddingrestrictions pic.twitter.com/9nDyn3MM4n — DONTHU RAMESH (@DonthuRamesh) May 23, 2021 Gobolka Tamil Nadu, oo ay kasoo duushay diyaaradda ayaa waxaa ka dhaqan galay xeerar adag oo ka dhan ah cudurka Karoona, ilaa 50 qof ayaa loo ogolyahay inay ka qeybgalayaan xafladaha aroosyada. Waaxda duulimaadka Hindiya ayaa bilowday baaritaanno ku aadan arrintani, sida wararka ay sheegayaan. Muddo labo saacadood ah ayay diyaaradda hawada ku maqneyd xilli ay socotay xafladda arooska. Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha SpiceJet ayaa wargeyska Indian Express u sheegay in diyaaradda Boeing 737 ay kasoo kacday magaalada Madurai isla markaana ay gaartay Bangalore. “Dadkii saarnaa diyaaradda waxaa lagula taliyay inay raacaan taalooyinka caafimaad ee looga hortaggayo Covid-19, waxaana loo diiday inay sameeyaan howlo kale” ayuu yiri Afhayeenka. Hindiya waxaa haatan si ba’an u saameeyay mowjadda labaad ee cudurka Covid-19 kaas oo ay u dhinteen ugu yaraan 300,000, sida ay dowladda shaacisay. Laakin khuburrada ayaa ku khiyaasay in tirada ay intaas ka badan karto. Waxaa cisbitaallada buux dhaafay bukaanada uu ku dhacay cudurka Karoona taas oo horseeday gabaabsi dhanka qalabka bukaanada ka caawiyo neefsiga iyo in maalin kasta la gubo meydadka. Qaran News
-
Xog:Faahfaahino & Cadaymo Muujiyey Qaabkii loo dilay Ganacsade Somali-Maraykana oo lagu dilay Nairobi BASHIIR MAXAMUUD Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya. Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadaha. Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday. Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka. Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga. Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay. Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay. “Waxaan rajeyneynaa in baaritaanno sax ah la sameeyo si dadkii ka dambeeyay dilkiisa caddaaladda loo horkeeno” ayuu yiri Charles Madowo oo ah qareenka u doodayo qoyska marxuumka, sida uu ku warramay Nation. Wargeyska Daily Nation, oo soo xiganayo xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in FBI-da aysan si toos ah faraha ula soo geli karin baaritaanada meydka maadama arrinta ay ka dhacday gudaha Kenya oo ay baarayaan laamaha dambi baarista dalkaas. Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya. Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha. Aaska Maydka Boqolaal qof oo mas’uuliyiin dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka midyihiin ayaa shalay ka qeybgalay aaska marxuumka, iyada oo janaasada lagula tukaday masaajidka Salaam ee xaafadda South C, halka lagu aasay qabuuraha Langata. Dadkii ka qeybgalay oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida, waxayna walaac ka muujiyeen dilka arxan darada ah ee loo geystay Bashiir. Soomaalida Nairobi degen oo u badan ganacsato haysta jinsiyo kala duwan ayaa maalgeshi xoog leh ka sameeyay gudaha Kenya, dilka Bashiirna wuxuu u yahay dareen dhiilo leh. Qaran News
-
Galkayo (PP News Desk) — The Governor of Mudug Abdiladif Musse Nur had denounced the allegiance that some Puntland clans have allegedly pledged to Al-shabaab. “Some clans are allegedly going to make a pact with Al-shabaab. Let them know that Al-shabaab is like an overturned car. We will assume that those clans are a part and parcel of Al-shabaab and deal with them accordingly” said the Governor of Mudug based at the Northern part of the administratively divided city. Mudug Governor Abdiladif “has fallen for Al-Shabaab propaganda.” Locals have accused Mudug Governor of falling for Al-shabaab propaganda. Media outlets of the proscribed group such as Al Andulus radio reported that some North Mudug subclans have “expressed loyalty to Al-shabaab via telephone”. “Abdiladif is now doing what Al-shabaab did not manage to achieve to be able to claim a large following in North Mudug constituencies. Puntland Government should not authorise Mudug Governor to use citizens as a shield against Al-shabaab” said a trader in Galkayo. Puntland Interior Minister Mohamed Dhaban’ad is expected to clarify counterterrorism measures in Galkayo. Puntland Interior Ministry guidelines bar governors from resorting to collective punishment as a part of counter-terrorism measures. “It is the responsibility of the Interior Minister to make it clear that what Abdiladif said about Puntland subclans violates good governance and social cohesion” said a North Galkayo councillor, who asked for anonymity. Al-shabaab cells in North Galkayo have carried out a reign of terror since 2007. Last month, a Puntland martial court put several Al-shabaab ringleaders on trial and sentenced them to death. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Warns Against Communal Pacts With Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu fatahaad horleh ka geystay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Wabiga ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu saacadihii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyey dhinaca xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaalada Beledweyne, kadib markii biyo raacay Keliga Dhagax-Jebis ay karkaarada jabsadeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay billaabeen barakac, si aysan go’doon ugu gelin xaafadaha uu ku fatahay webiga Shabelle ee Beledweyne. Dhowaan maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin culus kasoo saaray fatahaadda wabiga, wuxuuna sheegay inuu buux dhaafsamay, loona baahan yahay feejignaan dheeri ah. Waxaa sidoo kale jira dadaallo xoogan uu wado guddiga fatahaadaha magaaladaasi, kaas oo caro tuur ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Beledweyne, balse waxaa weli jirta cabsida iyo wal-walka laga qabo in fatahaaddu ay markale saameyso shacabka. Horey Jowhar ayaa u wajaheysay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda wabiga Shabelle, waxaana kala xirmay dhaq-dhaqaaqa magaalada, iyadoo doon lagu tegayo xaafadaha qaar. HirShabelle ayaa sidoo kale dhowaan guddi u saartay ka hortegga fatahaadaha, si wax looga qabto, waxaana sidoo kale ay baaq gurmad ah u dirtay hay’adaha samafalka. Beledweyne iyo Jowhar waxaa inta badan kusoo laa laabta fatahaadaha oo sanad kasta saameeya qoysas badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Xaalad adag oo ka taagan Beledweyne iyo barakac ka billowday appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Sudan. Sida uu qorey Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaaladda Abu Dhabi, dowladda Imaaraadka waxay si rasmi ah ugu war-geliyeen dowladda Sudan inay ka laabteen dhex-dhexaadintii lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia, kadib muran kooban oo soo kala dhex-galay xukuumadda Khartoum Qoraal ay dowladda Imaaraadka u dirtay dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers). Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Sudan ayaa sidoo kale ka hortimid in Beeralayda Itoobiya mar kale u oggolaan doonin joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal, oo sarre u qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dowladood. Itoobiya waxay ka biyo diidsan tahay heshiiskii xuduudka ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii. Xiisada Sudan iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka dhulka ayaa sababtay iska hor-imaadyo dhex-mara labada dhinac, waxaana weli taagan muran dhuleedka xuduudka oo ah dhul beereed. Source
-
Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland ahna guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo madasha Badbaado qaran Cabdi Xaashi ayaa la sheegayaa in isaga oo siyaasiyiinta Somaliland iska diideen dalabka ra’isul wasaarae Rooble ee ku aadan qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada. Ilo ko dhow guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in kulanka Xaashi iyo Rooble kadib uu guddoomiyaha dalab ra’isul wasaaraha ka yimid uu hordhigay guddiga siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana ay iska diideen. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ka dalbaday in Xaashi uu u ogaalado in la siiyo ilaa 5 xubin oo guddiga ah halka 10-ka kale la siin doono kooxda ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga. Waxaa xusid mudan in shirkii farsamada ee Baydhabo uu garabka Guddoomiye Xaashi siiyey 4 xubin, in hal xubin looga darana aaney waxba ka badaleyn cabashada jirta. Isha la hadashay Goobjoog News ayaa intaas ku dartay in haddii madaxda Afisyooni ay ku dhawaaqaan go’aan hal dhinac ah uu guddoomiye Xaashi qaban doono shir jaraa’id, uuna ku laalayo waxa ay sheegaan. Mowqifkan cusub, waxaa uu meesha ka saarayaa inuu jiro isfaham dhexmaray labadaba dhibac sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Rooble. Arrinta guddiyada Somaliland ayaa u muuqata kiiska ugu adag shirka doorashada kadib markii xal laga gaaray arrimaha Gedo iyo guddiyadii doorashada ee Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali Journalist Syndicate (SJS) calls for the Somali Prime Minister’s office to allow journalists to get unhindered access to the national electoral conference, following the journalists’ complaints that they were deliberately blocked from accessing the ongoing national election talks in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Somali Journalist Syndicate (SJS) calls for the Somali Prime Minister’s office to allow journalists to get unhindered access to the national electoral conference, following the journalists’ complaints that they were deliberately blocked from accessing the ongoing national election talks in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay Teendhada Afisyoone ee ku dhex-taalla Xalane. Shirkan oo galay maalintiisii labaad ayaa wuxuu u dhexeeyaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu soo qaban qaabiyey, duqa magaalada Muqdisho iyo hoggaamiyeesha shanta dowlad goboleed ee Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, siiba is mari-waaga ka taagan doorashada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka Sida ay ogaatay Caasimada Online Qodobada la’isku hayo ee dooda iyo shirka sii dheereeyey ayaa ah arrinta gobollada waqooyi oo ay isku hayaan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale xiisada gobolka Gedo ee dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Labadan qodob ayaa qaadatay waqti badan iyo dood dheer, waxaana sidoo kale jiray kulamo gaar gaar ah oo ay dhinacyadu ka yeesheen, si la’isugu soo dhowaado. Jadwalka lagu ballamay inuu juu soo xirmay shirka ayaa is-bedal uu ku yimid, waxaana haatan socda wada-hadallado ku aadan sidii heshiis dhameystiraan loo gaari lahaa. Sidoo kale waxaa wararku intaasi kusii darayaan inay haatan socdaan dadaallo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka looga ilaalinaya in uu fashilmo ama lagu kala tego. Shirka doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday xilli loo baahnaa, waana fursaddii ugu dambeysay, marka loo eego waqtiga la heysto ee ku aadan qabashada doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaaniga ah iyo mida madaxweynaha. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo galay maalintii afaraad appeared first on Caasimada Online.
-
Maqnaanshiyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa ay fududeysay in si deggan, oo tartiib ah u socdaan wada hadallada doorasha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kuwaas oo ka socda xerada Afisyooni ee Muqdisho Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan shirka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in xaaladda ay aad uga deggan tahay shirarkii hore ee uu Farmaajo joogay, isla markaana ay dhinacyada ku dadaalayaan inuu shirka guuleysto la’aantii. “Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ku guuleystay kalsoonida dhinacyada kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxda maamul goboleedyada” ayey isha intaas raacisay. Meelaha ilaa hadda horumarka laga gaaray waxaa ka mid ah Gedo iyo kala dirista guddigii doorashada ee sharci darrada ahaa, waxaa kale oo meel fiican maraya arrinta Somaliland. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa ay qabaan in haddii Farmaajo uu sidan uga sii maqnaado kulamada iyo guud ahaan hannaanka fulinta doorashada ay keeni karto in dalka uu galo doorasho hufan, oo kalsooni ka muuqato. Wada hadallada ayaa la filayaa iney sii socdaan todobaad iyada oo lagu dadaalayo xalinta dhammaan khilaafaadka jira si loo dedejiyo doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Onliine) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maanta kulan xasaasi ah ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka oo ay wada-hadalladooda ka socdaan magaalada Muqdisho. Kulankan oo qabsoomayo gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa si gaar ah loogu falan-qeyn doonaan doorashooyinka, amniga, wada-hadallada socda iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dalalka xubnaha ka ah golaha. Sidoo kale golaha ayaa warbixin ka dhageysan doono ergeyga gaarka ah ee ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo adaxa AMISOM, Francisco Madeira oo faah faahin ka bixin doono xaaladaha soo kordhay iyo sidoo kale wada-hadallada haatan ka socda magalada Muqdisho. Qaramada Midoonay ayaa dusha kala socota xaaladda adag ee Somalia, waxaana golaha ammaanku marar badan kulamo deg deg ah ka yeeshay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku jiro, iyagoo ku baaqay in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. Kulanka ay maanta yeelanayaan golaha ammaanka ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana aysan weli go’aamo rasmi ah kasoo bixin shirka wada-tashiga doorashooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo galay maalintiisii afaraad. Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah, waxaana arrintu kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ah, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka doorashooyinka 2021. The post Golaha ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Source
-
Cape Town (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ahaa loogu geystay xaafaddda Mayfair oo ka tirsan magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay nooshahay. Wararka ayaa sheegaya in dilkaas oo loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis ay fulisay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah, taas oo toogasho ku dishay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa. Haweeneyda dilka ka dambeysay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dilka u adeegsatay bistoolad uu lahaa marxuumka, kadibna ay wacday Booliiska oo ay ugu dambeyn isku dhiibtay. Laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay dilka ay haweeneydaasi u geysatay saygeeda. Dhacdadan ayaa la-yaab ugu noqotay Soomaalida kale oo si aad ah u hadal haya dilka loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Johannesburg. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo badaneyey weerarada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo la kulmo dil, dhaawac iyo dhac. Inta badan kooxo burcad Afrikaan ah ayaa ka dambeeya weerarada lagu hayo Soomaalida, waxaana aad u yar wax ka qabashada dowladda ee ku aadan dhibaatooyinkaasi The post Ganacsade Soomaali ah oo xaaskiisa ay ku dishay dalka Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Mali)-Wararka ka imanaya dalka Mali ayaa sheegaya in Millatariga dalkaasi ay xabsiga u taxaabeen Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaadhka ah ee dalkaas. Dhammaan madaxdan ayaa lagu hayaa xero millatari oo ku taalla duleedka magaalada Caasimada ah ee Bamako. Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda Source
-
Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ayaa maanta kulan ka yeelaaya xaaladda Soomaaliya, iyagoo golaha ka hadli doono arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka . Qaramada midoobay ayaa maanta kulankooda uga doodaya xaaladda doorashooyinka Soomaaliya iyo Arrimaha bini aadanimada, waxaana warbixino laga dhageysan doonna Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira. Shirkan ayaa si toos ah looga baahin doonna baraha bulshada ay ku xiriito , isagoo furmaya shirka 5-ta Galabnimo xilliga geeska Afrika . Sikastaba kulanka golaha Ammaanka qaramada midoobay ayaa ku soo aadaya xilli maalintii afaraad Afisyooni shirka doorashooyinka uu uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo hogaamiyayaasha maamul gobaleedyada . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Johannesburg)-Ganacsade Soomaali ah oo ka mid ah dadka ku ganacsada dalka Koofur Afrika ayaa lagu dilay xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg. Ninkan oo la odhan jirey Cabdikariin Gigis, ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeysay xaaskiisa oo u dhalatay wadanka Koonfur Afrika iyadoo ku dishay bastoolad uu lahaa. Ciidammada Booliska Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ay gacanta ku dhigeen haweeneyda dishay Ninkeeda kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xidhiidha arrimo qoys. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan budhcad u dhashay dalka Koonfur Afrikan Source
-
(SLT-London)-Britain ayaa u direysa Soomaaliya 250 askari si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab. Tallaabadan oo la qaadayo 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda, waxay noqontaa hawlgalkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ciidanka cusub ee Ranger UK uga howlgalayaan Soomaaliya, sida uu sheegayo wargeyska Ingiriiska ee Express. Waxay ku soo beegmaysaa bilo uun ka dib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah Ciidanka Ingiriiska. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in ciidammadan la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababari doonaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabab. Dowladda Britain ayaa hadda tababarta ciidamada Soomaaliya ee ka howlgalla degaanada koonfur Galbeed. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee ay bishii March dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso. Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday xog rasmi ah oo ku saabsan weerarkaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid uu heerkiisu aad sareeyey oo ay soo abaabushay kooxda Shabaab. Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay Al-Shabaab ku deysay illaa 337 maxaabiis ah oo ay 140 ka mid ah ay u xirnaayeen dambiyo la xiriira argagixisanimo, halka 10 ka mid ah isla maxaabiistaas ay ahaayeen dumar. Sidoo kale warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka, isla-markaana uu ku jiro taliyihii xabsiga dhexe ee Boosaaso iyo 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Asluubta. Waxa kale oo warbixinta lagu soo qaaday weerarada ay kooxda Daacish ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan weerarkii ay kooxdaas bishii April ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa degmada Qandala, laguna dilay illaa labo askari. Baahinta warbixintan ayaa qeyb ka ah warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taas oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu maanta ka horjeedinayo golaha ammaanka. Si kastaba, dagaallamayaasha kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland, iyaga oo inta badan beegsada xarumaha ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. The post QM oo shaaca ka qaaday XOG ku aadan weerarkii Al-Shabaab ee xabsiga Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa maanta oo Talaado ah shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya. War ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka. Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada. Shirka waxa warbixinno kooban siin doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo maanta shir ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
