Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa goor dhaw ka Amba baxay magaalada Muqdisho. Deni ayaa muddo magaalada ku sugna isaga oo ka qeyb galayay wadahadaladii Fashilmay ee arrimaha doorashooyinka . Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa ayaa dib ugu noqday magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Komishanka tacliinta sare JSL ayaa laalay tasdiiqinta shahaadada uu sito musharax Yaasiin Cabdillaahi Xaashi oo hore u shaaciyay in u tartamayo golaha deegaanka degmada Hargeysa. Komishanka tacliinta sare ayaa soo jeediyay in murrashax Yaasiin Cabdillaahi laga saaro liiska Murrashixiinta maadaamo oo uu sito shahaado ay xaqiijiyeen inay tahay been abuur tahay. Dhan kale ciidanka danbi-baadhista Somaliland ayaa iyaguna baadhis ku wada shahaadadan been abuurka ah. Source
  3. WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Qaran News
  4. Waxaa magaalada Muqdisho goordhow ka dhoofi doona madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubballand Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. Labada nin oo bil ka badan ku sugnaa Muqdisho ayaa la sheegayaa iney ka caroodeen muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyey Farmaajo iyaga oo sidoo kale ka niyad jabay wada hadallada socday. Lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan dowladda federaalka ah laakin warar ku dhow wafdiga ayaa sheegaya in ay hadli doonaan marka ay noqdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. WAREEGTO MADAXWEYNE: 13/04/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL Source
  6. Magaalada Muqdisho waxaa shir uga socdaa Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Musharixiinta iyo Labada Dowladood Puntland iyo Jubbaland. Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxaya Go’aanka ay qaadanayaan Mudharixiinta, Puntland iyo Jubbaland maadaama Madaxweyne Farmaajo uu sidii ka hadal hayay uu Laba sano ku darsadey. Wararka Puntlandi.com helayaan Masuuliyiinta ku shirsan Muqdisho waxay si caro ka muuqato uga hortimaadern Wadada uu qaadey Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey waxayna u arkaan inuu Xukunka xoog ku heysto. Wixii kasoo baxa kulankaas kala soco Puntlanfi.com The post Madasha Badbaado Qaran oo ka shirsan Mudo kororsiga ay Baarlamaanku sameysteen appeared first on . Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya xubnaha Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu ku wada mideysan Madasha Bad-baado Qaran. Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegay in madaxdaan ka shireyso muddo kordhintii uu shalay sameeyay Golaha Shacabka, midaasi oo ka hor-imaaneysa sharciga dalka iyo digniintii muddooyinkii dambe laga soo jeedinayay arrintaas. Madaxda ayaa ka wada arrinsanaya sidii ay ka yeeli lahaayeen muddo kordhintaan, waxayna xalay soo saareen qoraalo ay kaga hor-imaanayaan muddo kororisga uu Golaha Shacabka u sameeyay hay’addaha dowladda federaalka. Sidoo kale waxay shirkaan diirada lagu saaraya sidii mowqif mideysan looga soo saari lahaa muddo kororsiga dowladda, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo saaran war-murtiyeed wada-jir ah oo looga hadlay xaalada dalka iyo qaraarkii Golaha Shacabka. Shirka ayaa waxaa ka qeyb ka ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu kasoo horjeeda hogaaminta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, waxayna magaalada Muqdisho muddo ku dhow bil u joogeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada. Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay inuu fashilmay shir maalmo uga socda madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dadaal badan ku bixisay beesha caalamka. Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan deeganadoodii, kadib markii uu natiijo la’aan kusoo idlaaday shirkii Afisyooni, lamana oga mowqifka ay beesha caalamka ka qaadan doonto arrimahan oo wiiqaya dadaaladii doorashada dalka. The post Shir xasaasi ah oo u socda Mucaaradka, Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  8. Waxaa weli isa soo taraya falcelinta ka dhanka ah muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo Goobjoog News oo uga warramay sharci ahaan muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyeen Farmaajo ayaa sheegay in aaney dastuuri aheyn, oo Farmaajo isa siinayo awood aanu laheyn. ‘”Farmaajo waxaa awood madaxweyne la siiyey February 8, 2017-kii, waxaa loo igmaday afar sano oo ku eg February 8, 2021, xilligaas ka hor muwaadin jiray ayuu ahaa, oo ma sheegan karin madaxweyne, xaq uma laheyn, hadda waa sidaas oo kale, ma sheegan karo, hadda xaq uma leh, hadda xaq uma leh, baarlamaan ma siin karo, baarlamaan waqtigiisu dhammaaday waxba ma kordhin, boob weeye, waa nin xoog ku fadhiya guryihii madaxtooyada la oran jiray oo saraha iska ah”. Waxaa Abuukataha qabaa in ay furan tahay in beesha caalamka ay ilaaliso xasiloonida isla markaana ay soo farageliso, gaar ahaan ciidamada AMISOM oo inta la qabto la geeyo maxkamadda caalamiga. Dhanka Abuukaate Cabdiwahaab ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Farmaajo uu damacsan yahay 20 sano oo xukun ah“ Dimoqoraadiayadda tiro ma aha, dhariiqada hadda uu isku siiyey labada sano waa keligii talisnimo, wax ku qasbay ma garan karo, laakin waa muuqata inuu 20 sano iyo sano u socdo”. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  9. Iiraan oo wacad ku martay inay ka aargoosan doonto weerrarkii Israa’iil ku qaadday Barteeda nukliyeerka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in dhacdada lagu waxyeeleeyay dhowr qalab oo kobciya uranium-ta Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa “uu ka aargudan doono” weerrar lagu soo qaaday xarun dhulka hoostiisa ku taal oo nukliyeerka lagu farsameeyo, arrintaas oo uu ku eedeeyay Israa’iil. Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in xarunta lagu kobciyo uranium-ka ee Natanz ay bartilmaameed u aheyd “argagixiso nukliyeer” oo dhacday Axaddii, kaddib markii la soo tabiyay in korantadii ay tagtay. Waxaa halkaas laga howlgaliyay qalab cusub oo lagu kobcinayo uranium-ta. Israa’iil ayaanan weli wax war ah umuurtaasi ka soo saarin, hasayeeshee warbaahin ayaa waxa ay soo xigatay ila wareedyo sirdoon oo sheegaya in howlgalka ay u filyeen waaxda internetka ee sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Waxay sheegeen in tani ay geysatay waxyeelo ka baaxad weyn tii ay Iran sheegtay. Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay New York Times in qaraxa weyn uu gebi ahaanba baabi’iyay nidaamkii awoodda gudaha ee madaxa-bannaanaa ee keenayay tamarta ay gabi ahaanba burbureen. Waxay ku qiyaaseen inay qaadan karto ugu yaraan sagaal bilood si dib loogu bilaabo kobcinta halkaas. Wakaalada Iran ee Nour News, oo gacansaar la leh Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa dhanka kale soo xigatay ilo ka tirsan wasaaradda sirdoonka iyadoo sheegtay in “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya carqaladeynta nidaamka korontada la aqoonsaday sidaa darteedna la qaadayo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo soo xiro qofkan”. Israa’iil ayaa dhowaanahan sare u qaadday digniinta ay ka bixinayso barnaamijka nukliyeerka Iran iyada oo ay socdaan dadaallo dib loogu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii oo uu gaashanka u daruuray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Joe Biden oo xilka kala wareegay Trump, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ku laabto heshiiskii taariikhiga ahaa. Laakiin Iran iyo shanta quwadood ee kale ee adduunka ayaa wali ka mid ah heshiiskaasi – Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Boqortooyada Ingiriiska – waxay u baahan yihiin inay raadiyaan waddo uu uga qaado cunaqabateynta Mareykanka iyo in Iran ay ku laabato xadka lagu heshiiyay ee ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka. Saraakiisha Mareykanka iyo Iiraan waxay si dadban uga hadlayaan inay isku dayaan inay jabaan ismariwaaga. Shalay ayey aheyd markii ay soo shaacbaxday in xarun nukliyeer oo ku taal waddanka Iiran ay gebi ahaanba hakad gashay maalin un kaddib markii xariga laga jaray sida uu sheegay sarkaalka arrimaha nukliyeerka ugu sareeya ee dalkaasi. Cali Akbar ma uusan sheegin cidda ay ku eedeynayaan “weerarka argigixiso” ee sababay in maalintii Axadda ay danto quwadda tamarta ee xarunta nukliyeerka ee Natanz ee Magaalada Tehran. Xaruunta Nukliyeerka ee Natanz Warbaahinta maxalliga ee Israa’iil ayaa soo xigatay ilo wareedyo sirdoon oo sheegay in xarunta nukliyeerka ay dantay kaddib markii Israa’iil ay geeysatay weerar dhanka Internetka. Illaa iyo hadda Israa’iil si toos ah ugama aanay hadlin dhacdadaasi. Maalmihii ugu dambeeyay Is’raail waxay ka digaysay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan. Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay socdaan dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee Mareykanku uu ka baxay xilligii xukuumaddii Madaxweyne Donald Trump ee sanadkii 2018ka ay haatan dib u bilowdeen. Maxay Iiraan sameysay? Iiran ayaa jabisay xayiraadihii lagu soo rogay dhaqdhaqaaqyadeeda atoomiga ah ee sanadkii 2015-kii arrintaan oo jawaab u ah heshiiska uu ka baxay Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ee sanadkii 2018kii. Labada dal ee Iiran iyo Mareykanka ayaa ku kala aragti duwanaadey wadahadaladii Vienna ee Usbuucaan ee la isugu dayayay in heshiiskii 2015-kii labada dhinac ay u hogaansamaan balse wax heshiis ah ma aysan gaarin oo waxaa dib loo ballamay usbuuca soo socda. Madaxweynaha Iiran ayaa sheegay in tallaabada Iiran ay qaadday ee ay sare ugu qaadayso tayadeeda uranium-ka ay tahay mid nabdoon. “Waxaan mar kale cadeynayaa in howlaheena nukliyeerka ay yihiin kuwo nabad ku dhisan islamarkaana aysan ahayn kuwo ujeedooyin milateri laga leeyahay, sida uu marar badan caddeeyay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, marka la eego Islaamka iyo fahamkiisa, in la raadiyo hub wax gumaada ma aha wax ay Iiraan sameynayso, waxaan arki karnaa marka aad booqato Hiroshima and Nagasaki saameynta iyo halista tallaabadii khaladka ahayd ee ay Mareykanku ka qaadeen Japan”. Wufuud ka socota Midowga Yurub iyo Ruushka ayaa sheegay in usbuucii ugu horreeyay ee doodaha ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah. Laakiin Washington iyo Tehran waxay isku khilaafeen in laga baaran dago cunaqabateynta saaran Iiraan kuwo la qaadi karo iyo kuwo kale balse ay ku xirantahay oo keli ah hadii Iiraan ay u hogaansanaato heshiiskii nukliyeerka. Farriin uu u diray xubnaha wadahadallada nukliyeerka ayaa Madaxweyne Ruuxasni waxaa uu ku sheegay in dalkiisa uu u hogaansami doono heshiiska balse la doonayo in kooxaha kale ay balamahooda fuliyaan. “Heshiiskeenna waxa uu ahaa in aan qeyb ka noqono heshiiskan, taasi oo ah in aan la soo saarin, islamarkana idinka aad na siisaan qalabka aan u baahannahay, hay’adda shaqadeeda ma aha oo kali ah in ay wax kormeerto waxay leedahay shaqooyin kale, mid ka mid ah shaqooyiiinkeeda ayaa ah inay wax taageerto, ma jirto si aad u caawiseen Iiraan? Waa tan waxa aan hay’adda ka doonayno waa tan waxa aan ka doonayno dalalka warshadaha ku horumaray, waana tan waxa aan caalamka ka doonayno”. Intii la eg yahay xaddiga uranium-ka Iiraan? Iiraan ayaa hadda haysata in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada nukliyeerka. Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka uranium-ka ee Iiraan kororkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) – oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015. Iiraan ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo oo keli ah. Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka. Qaran News
  10. Muhaajiriin ku dhimatay xeebaha Jabuuti Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ay saarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM. Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oomuhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM. Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho. Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka. 34 migrants have tragically died off the Coast of Djibouti after their boat capsized. The migrants were being transported by people smugglers. Second such tragedy in just over a month. 20 died & several injured in March — Mohammed Abdiker (@AbdikerM) April 12, 2021 Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti. Qaran News
  11. Mareykanka oo ka hadlay qadiyada Madaxtinimada Ismaaciil Cumar Geelle Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu xilka hayay tan iyo sanadkii 1999-kii Mareykanka ayaa sheegay in uu lasii shaqeyn doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday halkaas. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay kormeerayaashii doorashada Jabuuti balse wuxuu ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xoojiso arrimaha dimuqraadiyadda iyo hannaanka ku aadan arrintaas oo ay soo jeediyeen kormeerayaashii doorashada. “Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti si loo horumariyo danaha inaga dhexeeyo” ayaa lagu yiroi war qoraal ah oo lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977. Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021. Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo warbixin gaar ah soo dhigay Facebook-giisa ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay iyo is mari-waaga siyaasadeed ee weli ka taagan hannaanka doorashooyinka. Yuusuf Garaad ayaa marka hore shaaca ka qaaday in siyaasaddu ay isugu jirto waxa la kala leeyahay iyo wax la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro, si loo ilaaliyo xasiloonida. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta baarlamaanka, isaga oo sheegay in xildhibaan kastaa uu ogyahay muddada xaddidan ee kursigiisa, taas ooheshisi lagu wada yahay. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqan inay haboon tahay in la aqbalo aragtiyada kaa duwan, isaga oo ka digay in la’isku bixiyo magacyo gaar ah. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo istaago bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kale la ilaaliyo madaxbannaanida iy xasilloonida guud ee dalka. Halkan hoose ka aqriso:- Aragti shakhsi iyo talo guud. Siyaasaddu waxay isugu jirtaa wax la kala leeyahay oo la kala jiito iyo in la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro. Ha lagu kala aragti duwanaado hannaanka ay noqoneyso. Ha la kala jiito goobaha ay ka dhaceyso, marna ha la isu soo jiido. Laakiin goorta ay noqoneyso doorasho ma ahan in muran iyo talo la geliyo. Xildhibaan kastaa marka uu u tartamayay, wuu ogaa muddada xaddidan ee kursiga. Waxaa kale oo uu ogaa Goorta ay khasab ku noqoneyso in uu tartan hor leh u galo isla kursiga. Ama uu isaga tago haddii uu u bogi waayo ama ay la noqoto in aanuu doorashada libin ka keeni kari doonin. Haddana waxaan qabaa in ay habboon tahay in la isku dayo in la fahmo aragtida kaa duwan xataa haddii ay kula gurracan tahay. Waxaan qabaa in aan keliya la isu muuqan oo aan magacyo la isu bixin ee la kaashado deggenaan iyo dulqaad inta suurta gal ah ee aan dalka Madaxbannaanidiisa, xasilloonidiisa iyo hannaankiisa siyaasadeed wax u dhimeyn. Sidaa ay tahay, waxaan qabaa in kuwa aad kala aragtida tihiin, midka kuula aragti qallafsan aad xusuusnaato in sidaada oo kale uu Soomaali yahay, kulana xuquuq siman yahay. Waxaa ila qumman in inta aadan tiraabin iyo inta aanad mowqif qaadan aad xusuusnaato mua’uuliyadda wadareed iyo midda shakhsi walbow adiga kuu gaarka ah ee aan raadkeedu kaa hari doonin. Ramadan macnihiisu ma ahan oo keliya in quudka uun laga soomo. Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya. The post Yuusuf Garaad oo warbixin cajiib ah ka qoray xaaladda cusub ee DALKA uu galay appeared first on Caasimada Online.
  13. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa amar ku bixiyay in mar kale baaritaan lagu sameeyo weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay saddex sarkaal oo Mareykan ah. Qoraal ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa lagu shaaciyay go’aanka xoghayaha difaaca, balse faahfaahin lagama bixin qaabka uu noqon doono baaritaanka cusub. “Dib-u-eegis madaxbannaan iyo qiimeeyn guud ayaa bixin doonta macluumaad iyo tusaalooyin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdan nadinta leh” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Baaritaankan waxaa loo xilsaaray inuu hoggaamiyo General Paul Funky oo ah Taliyaha guud ee tababarka ciidanka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo mar kale baaris ku samaynaya weerarkii Manda Bay appeared first on Puntland Post.
  14. Waxaa hadda shir degdeg ah magaalada Muqdisho uga socdaa madasha badbaado qaran oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta, aqalka sare iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Shirkan oo albaabada u xiran yihiin ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed ka dhan ah muddo kordhinta loo saameeyey Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Beesha caalamka ayaan weli ka hadlin arrintan, lamana oga sida ay uga jawaabi doonaan muddo kordhinta. Halkan, kala soco war murtiyeedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland, ayaa loo qaybiyay xeerka furista urrurada iyo asxaabta siyaasadda iyo xeerkii shaqaalaha dawaladda. Sidoo kale waxaa ay guddi u sareen xeerkii liisamada ganacsiga oo ay maanta dood ka yeesheen muddanayaashu. Taariikhda waa markii koobaad ee barlamaanka labada gole ee guurtidda iyo wakiilladu ay shaqeynayaan bil ramadaan. Source
  16. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Gamboole oo qiyaas ahaan 48km u jira magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Sarkaal u hadlay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa shaaca ka qaaday inay howl-galkaasi ku dileen illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, isaga oo intaasi ku sii daray inay dhaawaceen tiro kale, sida uu hadalja u dhigay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, loogana hortagayey weerarada Xoogaga Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Si kastaba ciidamada dowladda ayaa shalay gelinkii dambe dib uga soo baxay deegaanka Gamboole oo ay la wareegeen saacado kooban, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan. The post Ciidamada Danab oo howl-gal ku laayey Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  17. The Kenyan government has again issued an ultimatum to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) to provide a plan and timeline for closing the Dadaab and Kakuma refugee camps. Though the government has issued these demands before, its new ultimatum has caused anxiety for more than 400,000 Somali, South Sudanese, Congolese, and other refugees, many of whom have never known life outside these camps. Source: Hiiraan Online
  18. Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ay saarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM. Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oo muhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM. Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho. Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka. Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo war qoraal ah soo saaray ayaa hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Swan oo ku hadlayey magaca bahda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la’isku naxariisto, sidoo kalena la caawiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gudaha dalka. “Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray “Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn Swan ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed nabad, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro, isla-markaana loo baahan yahay midnimo. “Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim, Soon wanaagsan,” ayuu kusoo gabagabeeyey. The post James Swan oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  20. (SLT-Muqdisho)-Iyadoo Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan oo Dunida Muslimka si wada jir ah looga wada sooman yahay ayaa deegaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya aan laga soomin maanta. Wararka aanu ka heleyno Magaalooyinka Guriceel, Xeraale, Matabaan iyo qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka deegaanka qaarkood ee halkaas kunool ayna Maanta soomin. Qaar kamid ah Culimada ku sugan Guriceel, Xeraale iyo Matabaan ayaa sheegay in ayna xalay bilashada Bisha Ramadaan arkin, isla markaana Maanta ay tahay 30-ka bisha Shacbaan, iyadoona maalinta berri oo Arbaco ah kow tahay Bisha Ramadaan. Sidoo kale wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aan Maanta laga soomaneyn, waxaana dad ku sugan halkaas ay tilmaameen in xalay la arki waayay Bisha Ramadaan oo Maanta ay u tahay 30-ka Shacbaan. Source
  21. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu Hambalyey Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadan . “Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Ergayga QM James Swan. James ayaa intaasi Hadalkiisa sii raaciyay “Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim! Soon wanaagsan!”. Source: goobjoog.com
  22. Alle ha u Naxariistee Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo ka mid ahaa madaxda Dhaqan ugu caansan Somaliland ayaa ku geeriyooday Waddanka Turkiga. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo saaray ku tacsiyeeyay marxuunka waxaanu yidhi ” TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka iyo Salaadinta guud ahaan Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga. Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo Qaranka Somaliland ka baxay. Waxa uu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland. Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyska iyo Qaranka wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun Source
  23. Click here to read more about this article Qaran News