-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Tanzania oo qaadday talaabo uu diidanaa madaxweynihii iyada ka horeeyay Aqalka Madaxtooyada Tanzania Madaxweynaha Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay munaasabad dadweyne iyadoo xiran wajir xir ama face Mask. Madaxweynihii iyada ka horeeyay, John Magufuli oo geeriyooday bishii Maarso ayaa marwalba inkirsanaa cudurka wuxuuna diidi jiray inuu wajiga xirto si uu uga taxadaro fayaraska karona. Ms Saamiya waxay xirtay wajiga iyadoo joogta gudaha iyo meel ka baxsan dalka Tanzaniya gaar ahaanna toddobaadkan mar ay booqasho laba maalmood ah ay ku tagtay dalka Kenya. Munaasabad ka dhacday magaalada Daaru Salaam ee caasimadda dalka Tanzaniya jimcihii, waxay kula kulantay in badan 800 oo ah dad waaweyn oo ka kala yimid qaybaha dalka . Waxay u sheegtay in dadka waaweyn ay khatar ugu jiraan cudurka loona baahanyahay in la taxadaro si looga badbaado. Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay, haweenaydaan 61 jirka ah kama aysan baqin inay muujiso inay diyaar u tahay inay qaaddo waddo ka duwan tii Mr Magufuli marka ay timaaddo xirashada waji xirka iyo la tacaallida cudurka. Waxay sameysay guddi khubaro ah oo kala taliya xaaladda Covid-19 ee wadanka iyo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si dadka loo badbaadiyo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Howl-gallada ayaa waxaa xigay iska hor imaadyo kooban oo dhex-maray labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada kala ah Shaam-Garre, Raqaleey, Raydableey, Goloole, Caanooleey iyo Gumeysidiid ee gobolka Sh/Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay khasaare xoog-leh gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Ciidamada Xoogga oo howl-gallo kula wareegay deegaano horleh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada. “Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo. Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Farmaajosaamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu. Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. The post Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlay ganacsatadii uu xalay kula shiray Villa Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
Qudus (Caasimada Online) – Shacab Falastiiniyiin ah oo dibad-baxayey iyo ciidamada Yahuudda ayaa mar kale xalay isku dhacay, dibedda Xaramka Al-Shariifka ah ee Qudus, ayada oo kumanaan qof ay ay salaadda tahajudka ku tukanayeen Masjidka Al-Qasa oo ku dhex-yaalla xaramka iyo dibeddiisa. Falastiiniyin dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuurayey ciidamada Yahuudda oo dhigtay jidgooyooin waddooyinka gala Masjidka, ayaga oo isku dayaya inay celiyaan shacabka qaarkiis. Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dhaawacay rabshadaha, oo ay ku jiraan caruur uu ugu yar yahay hal sano jir, kuwaas oo 14 ka mid ah la dhigay isbitaalka, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin. “Ma doonayaan inaan tukano. Maalin kasta waxaa jira dagaal iyo isku dhac,” waxaa sidaas yiri Mahmoud al-Marbua oo ah 27 jir isaga oo ku sugan albaabka Dimishiq ee laga galo Xaram Al-Shariifka, isaga oo tilmaamaya booliska Yahuudda. “Bal fiiri waa ay na xabadeynayaan,” ayuu yiri. Xiisadda Al-Aqsa ayaa taagneyd intii lagu guda jira bisha Ramadan oo idil ayada oo ay jirto carro xooggan oo ka dhalatay qorshe la rabo in dad Falastiiniyiin ah looga saaro guryo ku yaalla magaalada Qudus oo ay sheegteen Yahuud. Ugu yaraan 205 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay isku dhac kale oo dhacay Jimcihii, taasi oo dhalisay in dunida aay si xooggan u cambaareeyaan Yahuudda. Isku dhacyada ayaa habeen walba ka dhaca Bariga Qudus, gaar ahaan xaafadda Sheikh Jarrah, halkaasi oo Yahuudda ay damacsan yihiin inay si qasab ah uga raraan qoysas Falastiiniyiin ah, si loo dejiyo Yahuud. Kooxda loo yaqaan Dhex-dhexaadiyayaasha afarta ah ee Bariga Dhexe, oo ka kooban Mareykanka, Ruushka, Midowga Yurub iyo QM ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha iyo suurta-galnimada ah in dad guryahooda laga saaro. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Israel inay muujiyaan is-xakameyn ayna ka fogaadaan tallaabooyin sii xumeyn kara xaaladda inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen. Xiisadda ayaa la filayaa inay sii kacsanaato maalmaha soo socda, ayada oo Maxkamadda Sare ee Israel ay Isniinta billaabi doonto dhageysiga kiiska dadka al rabo in laga saaro xaafadda Sheikh Jarrah. The post Sawirro: Xiisadda Al-Aqsa oo kasii dartay iyo Yahuudda oo mar kale xalay weeraray appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay in Xoghaye Mr Guterres, uu soo dhoweeyay doorka dowladda Qatar ka ciyaartay dhex-dhexaadinta ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Xoghayaha Qaramada Midoobay uu ku raja weyn yahay in go’aanka labada dal ku soo celiyeen xiriirkooda uu horseedi doono xaqiijinta cilaaqaad ku dhisan isjacayl iyo saaxiibnimo. Sidoo kale, wuxu xusay in soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu mudnaan gaar ah u leeyahay xasiloonida iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii u dambeeyay ee Israel ka fulisay masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa ee dhulka Falastiinyiinta halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay. “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa gabood-fallada soo noq-noqday ee sannad kasta Israel bisha Ramadaan ka fuliso masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa” ayuu yiri Recep Erdoğan. Madaxweyne Erdoğan, ayaa dalalka Caalamka gaar ahaanna kuwa muslimiinta ugu baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo tacaddiyada Israel ku hayso muslimiinta Reer Falastiin. “ Banii’aadam kasta waxa la gudboon in uu hor istaago dulmiga foosha xun ee lagu hayo masjidka barakaysan iyo dadkiisa” ayuu sii raaciyay hadalka madaxweynaha Turkiga. Sidoo kale wuxu sheegay in Israel tahay dowlad Argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood. “ Israel waa dowlad argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda barakaysan iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood.” The post Erdoğan: Israel waa dowlad argagixiso ah oo mudan in tallaabo laga qaado appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada. Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Madaxweynaha saamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu. Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada dalka appeared first on Puntland Post.
-
“Dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay”, Abwaan Cali Sugulle (AUN) Horraamihii bishii Febraayo 2021 ayaa maamulka Somaliland (SL) xabsiga u taxaabay murshaxiin baarlaman oo ka tirsan xisbiga UCID: Maxamed Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yusuf. Xabsiga labada murashax waxa loo sibir-saaray, in reeraha ay labada murashax ka soo jeedaan murashaxyo kale ku leeyihiin xisbi xaakimka Kulmiye. Sidoo kale 25tii bishii Abriil 2021 ayaa labo murashax, oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, ayaa mir-dhexe oo habeenimo guryahoodii booliisku ka kaxaysteen, kuwaas oo kala ah: Abdillahi Xasan Xirsi (UCID) iyo Qasim Aden Saleeban (Waddani). Haddaba ficiladaa xukumaddu SL waxay u dhacayaan in murashaxa cidda soo sharaxdaa tahay reerka ee aanay ahayn xisbiga. Kolkaa hadday sidaa tahay, talow, maxaa looga baahan yahay xisbiyada iyo dastuurka; shaqadii xisbiyadana ay odayaasha reeruhu hayaan? Marka aad u dhabbo-gasho waxa kuu soo bixi in la isku wada raacsan yahay in doorashada dhacaysa 31da Maajo 2021 ay reero sharaxan yihiin, xisbiyaduna iska yihiin magac-u-yaal. Reerku qofka ay sharaxaan ayuun baa xisbiguna sharaxayaa. Waa afgarad sida u yaal, dawladduna midkaas ayey fulisaa. Laakiin meel bay iska qabsan la’adahay: marna laguma fulin af-garadkaas, ilaa hadda, mursahixiin ka socota xisbi xaakimka Kulmiye. Odayaal reer oo mucayin ah oo la isla og-yahay, tiro go’aan leh, meel loogu soo hagaago lehina ma jiraan. Sidaa darteed murashax waliba odayaal taageersan kama qatana. Waxa intaa dheer in murashiixintaas, muddada ay xabsiga ku jiraan, lagu dirqiyo inay saxeexaan warqado ay kaga tanaasulayaan murashaxnimadooda. Taasoo ah jawrfal loo geysanayo xuquuqdooda madaniga ah iyo xorriyadda qofka. Ogow in sharciga oo la raacaa yahay rukun ka mid ah rukumada dumuqraadiyadda. Ficilada xadgudubka ah iyo hab-dhaqanka diktaatooriyadeed ee maamulka Somaliland waxay dabaysha raacinayaan dastuurka dawladnimo ee lagu andacoodo in dalku leeyahay. Sideedaba fal-dhaqanka madaxda ayaa macneeya fekerkooda. Tusaale ahaan khudbaddii uu bishii Desembar 2020 m/weyne Muuse Biixi ka jeediyey tuulada Agabar, galbeedka Hargeysa, ayaa daaha ka feyday fekerkiisa, dubaaqiisa hoose iyo aragtida hagta-ba; taasoo uu ku tiraabay in doorashadii madaxtooyada ee 2017 ay reero ku tartameen, reerkiisuna ku guuleystay, reerihii kalena ay kaga adkaadeen doorashadaas. Sidaa darteed, waxa Mudane Biixi ku baaqay in reerkii laga guuleystay, inay libta reerkiisa aqbalaan. Macnhii ka dhigan reerkii ku guuleysta doorsahada ayaa dawladnimada wada qaata. Ogow waxay taasi meesha ka saaraysaa rukun kale oo sal u ah dimuqraadiyadda: talo-wadaag. Teeda kale waxa Somaliland ka jira saddex xisbi oo keliya oo tobonkii sannaba mar la baabiiyo oo saddex kale oo cusubi soo bixi karaan. Ma garanayo meel dunida nidaam noocaas ahi ka jiro. Arrin kale oo dhowaan soo kordhay baa iyana jirta. 21dii bishii Abriil 2021 ayuu baarlamanka Somaliland ansixiyey qaab-dhismeedka xisbiyada, taasoo meesha ka saaraysa dastuurkii iyo xeer-hoosaadkii xisbi waliba goonidiisa u lahaa. Macninhii xisbiga dawladda ayaa gacanta ku haynaya maamulka xisbiyada kale. Haddii fekerka m/weynaha Biixi ee uu khudbaddii Agabar ka jeediyey lagu dabaqana, miyaanay noqonayn reerkayga ayaa reerha kale maamulaya? Waxa arrinkaa dood caqli-gal ah kala hor-yimi xildhibaanka waayo-aragga ah ee Cabdulqadir Jirde, kana digay cawaaqib-xumada talo-maroorsiga ah iyo cabudhineed ee looga aayi doono sharciga noocaas ah: xakamaynaya madax-banaanida xisbiyada. Cidi se dheg-jalaq uma ay siin. Hab-dhaqanka noocan kore ahi wuxu ka hor-imanayaa rukumo kale oo dimuraadiyaddu leedahay sida: xadaynta awoodaha hay’adaha fulinta/dawladda, ilaalinta xoriyadda ra’yiga iyo xuquuqda samaysashada urur. Haddaba, hore ayaa abwaan Cali Sugulle (AUN) uga digay khatarta dawlad iyo qabiil la is-dhex-geliyaa keeni karto, ama cidhib xumada qabiilka la reer-gashadaa (institutionalising) leeyahay, macnihii dawladnimada lagu badhxo reero. Waxa laga filaaba waa holac: dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay. In qabiil la reer-gashadaa, ma aha runtii, mid u gaar ah Somaliland. Geyiga Soomaalida oodhan baa dhibkaasi ka jiraa. Laakiin iyada waxbaa u weheliya: waxay ku faantaa oo dunida ka iibisaa dimuqraadiyad baanu ku dhaqannaa, Soomaali inteeda kale-na tusaal wacan oo lagu naaloodo bay u ahayeen. Imika se xaajadu waxay maryasaa in su’aal la saaro: dimuqraadiyad noocee ah ayaa Somaliland ka jirta? DIMUQRAADIYAD QARQOOSH? Allow sahal amuuraha. Wa Bilaahi Towfiiq Maxamuud Cabdullahi Axmed Tixraac DAAWO: Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Murashixiin Ka Tirsanaa Oo Xabsiga Loo Taxaabay (hadhwanaagnews.ca) Somaliland opposition speaks out against jailed candidates – Somali Dispatch Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Nuxurka Khudbadii Shacabka Reer Agabar U Ujeediya – YouTube “Dalka Saddex Xisbi Ma Anfacayaan” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde – YouTube AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dimuqraadiyad noocee ah ayaa ka jirta Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho. Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya. Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi. Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa. Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka *****so fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland. Source
-
Siyaasiga Jaamac ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa sheegay inuu Boqor Buurmadaw uu ogaa in muddo saddex cisho gudahood ah lagu soo daynayo Dolaal, sidaas darteedna wuu adeegsaday hanjabaad xadaaradi ku jirto. Siyaasi Jaamac ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Boqor Buurmadaw wuxuu ka war hayey muddo saddex cisho ah in lagu soo daynayo Doolaal, sidaas darteed buu hanjabaad xadaaradi ku jirto ugu dhawaaqay, laakiin waxaan leeyahay Boqor Buurmadaw Somaliland waa dawlad, dawladnimana hadalo laguma dumayo ee shaqadaada dhaqanka ku ekaw, oo hawlahan aan hawlahaaga iyo shaqo aan shaqadaada ahayn inaad ka baxdo oo aad faraha ka qaado ayaa haboon..”. Mar wuu ka hadlaayey Sarkaalka la sii daayey wuxuu yidhi “Sarkaalka la sii daayey ee Doolaal, xorriyaddiisii ayaa dib ugu soo noqotay, oo Maxkamadda ayaa dib u soo celisay xorriyadiisii, waxaa lagu haystay ayaana noqday waxaan u cuntamin Maxkamadda, sidaas darteed ayuu xorriyadiisii u dib ugu helay, ee waxaan ka digayaa sideedaba in aan la xidhin cid aan lagu hayn dambi cad”. Source
-
“Dayaxaa lakala boobayaa iyo dirirkii cawleede Dabagaabihii laga career dunina yeelkeede Xidigtii dagaariyo la dhaaf diilintii furey e. Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa dhaafe Duqii samada lagu sheegayiyo dide ciijiidhiiye Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e Hadba waqalka dihin Ruushku wow doogsin cararaaye“ Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Gaantaalka Shiimuhu diray oo la filayo inuu dhulka ku soo dhaco. Dunida oo la kufaakacaysa fayruska COVID-19 oo Shiinaha ka soo billowday ayay dunidu ku baraarugtay Gantaal Shiine diray oo dhulka ku soo dhacaya Axadda. Shiine wuxuu ka mid noqday dalal gabayaagii Soomaaliyeed Qaasim ku tilmaamay kuwo dayaxa kala boobaya. Nin Maraykan ah ayaa sanadkii hore sheegay in laga yaabo in Shiinuhu Coronavirus soo diray kaddib markii Galbeedku arrimmaha Shiinaha faraha kala bixi waayeen. In ka badan sanad Coronavirus ayaa dunida silsilaya. Dayaxgacmeedka dhulka ku soo dhici doona waa ilaa dhowr iyo labaatan tan. Waa suurtogal in Shiinuhu cilladeeyay dayacgacmeedka si uu Galbeedka u tuso inuu karti u leeyahay aloosidda Dagaalka Xidigaha aan ka dhicin kii Maraykanku ugu hanjabay Midowgii Soofiyeeti ka hor 1991kii. Meelaha loo malaynayo inuu gantaalka habawga ahi ku soo dhaco. Way u caddaatay Galbeedka in Shiinaha aan dib loo celin karin. Taiwan hadda waxaa lagu tilmaamaa meesha ugu halista badan dunida. In Shiinuhu soo weeraro Taiwan ayaa laga cabsanayaa. Gantaalka habawga ah halistiisu ma badna, ayuu yiri sarkaal u hadlay dowladda Shiinaha. Inuu saxare ku yaal Afrika gantaalku ku soo dhaco ayay u badan tahay, sida uu sheegay xeeldheere u kuurgula dayaxgacmeedyada. Shiinuhu wuxuu doonayaa in boos ka qabsado rugta caalamiga ee dayaxgacmeedyada. Hindiya ayaa dhowr sano ka hor dirtay dayaxgacmeed fashilmay laakiin uma calool-adaygin sida Shiinaha oo fashilka dayaxgacmeedkiisa ka dhigay mid mudan in dunidu ka welwesho. Shiine laga baqay ayaa beddeshay Shaagle laga baqay. W.Q. Siciid D. Abshir The post Shiine Laga Baqay! appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho. Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya. Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi. Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa. Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka *****so fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey allaabadii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya. “Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxday midowga musharaxiinta. Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub. Sidoo kale Golaha ayaa u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa. “La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde Taiwo, intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, waxuu si furan u baacsaday, isaga iyo qaar kale oo ka tirsan hoggaanka AMISOM, koorsooyin siyaasadeed oo xad gudub u ah waajibaadkiisa, isla markaana si dhab ah oo taban uga qayb qaatay dhibaatadii ka dhacday dalka, haatana waxaa loo xilsaaray dhexdhexaadin. Markii aan dib-u-eegista iyo latashiga ballaadhan la yeelanay Mr. Taiwo waxqabadyadiisii hore iyo faham la’aantiisa dhaqanka Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay si dhab ah uga walaacsan yihiin muhiimada uu leeyahay xilkaan Qaran ee uu hayo Babatunde Taiwo iyo tuhunka ay ka qabaan, iyagoo soo jeediyey in laga bedelo. “Goluhu si niyad sami ah ulama shaqeyn karo Mudane Taiwo. Waxaan rajeyneynaa kana codsanayaa in Midowga Afrika inuu si xushmad leh uga fiirsado magacaabistiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta. Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa xalay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya. The post Musharaxiinta oo war kasoo saaray ergeyga Midowga Afrika, dacwadna ka gudbiyey la-taliye sare appeared first on Caasimada Online.
-
The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) on Saturday warned of high risk of severe flooding in Somalia amid rise in river levels. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta ka baaqday safar uu ku aadi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Qoor Qoor ay saraakiishiisa dhanka ammaanka ku wargeliyeen in uusan ka dagi karin Dhuusamareeb, kadib duqeymo xalay saqdii dhexe lagu garaacay. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ku dhowaad 10 hoobiyo ku garaacay garoonka Dhuusamareeb iyo nawaaxigiisa waxaana wali jirta cabsi laga qabo in ay markale duqeeyaan. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in safar dhulka ah ku tago Dhuusamareeb islamarkaana uu ka dago garoonka magaalada Cadaado si loo ilaaliyo bad qabkiisa. Madaxda maamulada Galmudug iyo HirShabeelle ayaa la filayaa in muddo maalmo ah soo joogaan degaanadoo iyagoo ka hor 20-ka bishaanna usoo laaban doono Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka uu Iclaamiyay ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka. Al-Shabaab ayaa bishii Novermber ee sanadkii hore duqeeyay diyaarad uu la socday Madaxweyne Qoor Qoor, taasoo ka kacday garoonka Dhuusamareeb inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Tan iyo markii uu madaxweyne noqday Qoor Qoor, islamarkaana meesha laga saaray Ahlu-Sunna, kooxda Al-Shabaab ayaa kusoo xooogeysaneysay Galmudug, ayada oo Qoor Qoor uu noqday madaxweyne inta badan ku sugan Muqdisho, oo ka shaqeeya danaha Villa Somalia. The post Xog: Qoor Qoor oo sababo amni uga baaqday safar uu ugu bixi lahaa Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa galabta guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu faahfaahin uga bixiyey waxyaabihii ay uga wada hadleen kulankaas iyo sidoo kale dardaaran uu u jeediyey Taliyaha. “Waxaa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wada hadalnay arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin,” ayuu Sheekh Shariif qoraalkiisa ku yiri. Qoraalka Madaxweynihii hore ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed.” Dhanka kale qoraal lagu baahiyey bogga twitter-ka ee Taliska booliska ayaa lagu sheegay in kulankaas looga wada hadlay sugidda ammaanka musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka. “Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan booliska ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif. Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Dalka ayaa hadda kadib u jeheysanaya doorashooyin, maadaama uu fashilmay mado kororsigii abuuray qalqalka siyaasadeed, qorshaha ugu weyn ee sugidda ammaanka doorashadana waxay mas’uuliyadi ka saran tahay booliska. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in mas’uuliyadda ammaanka magaalada uu si buuxda ugu xil-saaray taliska guud ee booliska Soomaaliya, xilligaas oo ay Muqdisho ka baxayeen ciidankii Badbaado Qaran ee furimaha uga soo baxay ka hor tagga mudo kororsiga. The post Sawirro: Sheekh Shariif oo war ka soo saaray kulan uu la yeeshay taliye Xijaar appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidammada Yuhuudda oo weeraraya masjidka Al Aqsa. Qudus (PP) — Askarta dowladda Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xalay masjidka Al Aqsa oo ay dad ku cibaadaysanayeen. Weerarkan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 75 qof. Qof ka mid ah dadka ku dhawacmay weerarka. “Ciidammada gumeysiga Israa’iil waxay uga gol-lahaayeen weerarka inay muujiyaan nacaybka ay u qabaan diinteenna waayo qofka diintiisa haysta marnaba isha ka laaban mayo dulliga Yuhuuddu nagu hayaan” ayuu yiri nin u dhashay Falastiin oo masjidka ku cibaadaysanayay. Gaboodfallada Yuhuudda oo baraarujiyay dad badan oo Yurub ku nool Dowladaha galbeedka oo taageera gaboodfalka Israa’iil qaarkood ayaa eedeeyay weerarka. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarku daba socdo burburin ay Yuhuuddu u geysatay guryaha dadka reer Falastiin ee ku nool Bariga Qudus. Muuqaal muujinaya weerarka Yuhuuddu ku qaadeen masjidka Al Aqsa. © Puntland Post, 2021 The post Weerarka Yuhuuddu Ku Qaadday Al Aqsa oo La Dhaleeceeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya aya ka hadashay sababta ay dib ugu soo celisay xiriirkii diblomaasi ee Kenya oo go’aanaa ku dhowaad lix bilood, kaasi oo hadda dib loo billaabay Khamiistii tagtay. Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay Soomaaliya u golaatay inay soo celiso xiriirka ayaa ah in dalna aanu dal kale farogelin. “Waxaa heshiiska aasaas u ahaa in dalna aan dal kale farogelin, in darsinimada la isxtiraamo, in waddankasta aanu sameyn tallaabo wax u dhimiyesa xornimadiisa, sida meesha ka muuqatana wax allaale wixi arrimaha gudaha Soomaaliya iyadaa iska leh mana ogolaaneyso in la farogeliyo, waana la isla gartay arrintaas iyada ah inaanay dhicin,” ayuu yiri Al-Cadaala. Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale kasii daray kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh. Soo celinta xiriirka labada dal ayaa waxaa ka shaqeysay Qatar, oo saami ku leh shirkadda Talyaaniga ee ENI oo iibsatay qeybo ka mid ah xirmooyinka shidaal ee dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, taasi oo dhalisay shaki xooggan oo ku saabsan in labada dal ay qorsheynayaan heshiis maxkamadda ka baxsan. Hase yeeshee Al-Cadaala ayaa sheegay inaysan soo celinta xiriirka saameyn ku yeelanayn arrinta dacwadda badda. “Wax saameyn ah oo ay ku yeelanayso ma jirto, sababtoo ah arrintaas ma ahan arrin quseeysa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waa arrin soo jirtay intii aanu hakan xiriirka diblomaasiyadeed markii uu cilaaqaadka hakadayna socotay, hadda oo uu cilaaqaadka soo noqdayna waa ay sii socon doontaa waana arrin hotaalla maxkamad oo aan quseynin arrimaha siyaasadda,” ayuu yiri. Soomaaliya ayaa xilligii ay jartay xiriirka Kenya ku eedeysay inay faro-gelin siyaasadeed ku hayso arirmaha gudaha dalka, mana cadda illaa iyo hadda wax isbeddel ah oo Kenya ay sameysay tan iyo markaas oo ka duwan arrimihii lagu eedeeyey. The post DF oo shaacisay sababta ay usoo celisay xiriirka Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Waalidiinta wiilashoodu tababarka ciidan ugu maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta Muqdisho ku dhigay cabasho ay dowladda Soomaaliya kaga dalbanayaan in wiilashooda meel loogu sheego. Qaar kamid ah waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda ka dalbaday in ay Carruurtooda usoo celiso, waxayna sheegeen in Carruurtooda ay kasoo carareen Eritrea kuna dhibaataysan yihiin Itoobiya iyo Suudaan. Waxay sheegeen waalidiintu in muddo labo sanno ilmahooda ay ka maqan yihiin islamarkaana dhawaan ay Muqdisho yimaadeen qaar kamid ah dhalinyaro loo diray Eritrea oo iyaga ka dambeeyay. “Arrintan waa musiibo qaran. Ma ahan wax cid ku kooban. Fadhiga halooga kaco. Waxaan doonaynaa in nala ka caawiyo in warbixin nala ka siiyo carruurteena oo madaxweynaha loo tago. Meel kasta Askari iyo dhagax ayaa ku go’an” ayuu yidhi mid kamid ah Aabbayaasha wiilashiisu ka maqan yihiin. Waalidiintu waxay sheegeen in ay sameyn doonaan mudaharaad weyn haddii aysan dowladdu kasoo jawaabin cabashadooda. Waxay sheegeen illaa bacdal Ramadaan haddii jawaab ay ka heli waayaan dowladda in ay xidhidoonaan jidadka Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u beenisay in ay dhibaataysan yihiin dhalinyarada tababarka loogu diray dalka Eritrea, waxayna ku tilmaamtay arrin la siyaasadeeyay oo dano laga leeyahay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Murashaxiin ka tirsan Xisbiyada Waddani & Ucid oo Xabsiga laga sii daayey Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga kasii daayay musharrixiintii xidh-xidhnaa ee xisbiyada mucaaridka. Musharrixiinta lasii daayay maanta ayaa waxa ka mid ah Qaasim Suleymaan oo gobolka Sool ka sharraxan golaha wakiillada Xisbiga Waddani. Ciidanka booliska Somaliland ayaa hore murashaxan ugu eedeyey inuu xidhiidh la leeyahay dalal cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblomaansiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo in dib loo soo celiyo saaxiibtinimadii , Is-ixtiraadimadda madax banaanida labada dhinac . Afhayeen u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu amaanay dadaalada uu ururka ku bixiya soo celinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xiriirkii dowladda Qatar ee ugu dambeyay . Ugu dambeyntii Jaamacadda Carabta ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqday in ay ka wada shaqeeyaan soo celinta xiriir dhameystiran oo ilaalinaya Maslaxadda labada dal iyo Amniga Gobalka . Dhankiisa, Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda. “Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya. “Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala. The post Jaamacadda Carabta oo war kasoo saartay soo laabashada xiriirka Somalia iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.