-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha Caalamka ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble shalay kala hadleen laba qodob oo quseeya doorashada iyo ammaanka Soomaaliya. Wakiilada Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegay in wixii doorasho ah iyo amnigaba ay isaga un kala hadli doonaan wixii ka dambeeyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxay u sheegeen in mas‘uuliyadda fashil kasta oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ay qaadan doonaan isaga iyo maamul gobaleedyada. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha Caalamka ay Rooble kula dardaarmeen in uu shaqadiisa qabsado, islamarkaana uusan qaadan farogelin kasta oo ay ku sameyso Villa Somalia, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto fashil kale oo ku yimaada doorashada Soomaaliya. Safiirada ka socda wadamada daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo ururada caalamiga ah ayaa Ra’iiusl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u ballan qaaday in ay ka taageeri doonaan wax kasta oo quseeya doorashada, sida dhaqaalaha iyo wixii farsamo ah. Arrintaan ayaa dhiirri gelin weyn u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo laga sugayo in uu wax ka qabto doorashada waddanka oo muddo sanado ah wajaheysa jahwareer xoog leh, kaasi oo ugu dambeyn sababay dagaal uu dhiig ku daatay. The post Xog: Beesha Caalamka iyo Rooble oo laba qodob ku heshiiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Dareen Gabay: jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Dareen gabay: Jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Maanso Gabay: Magaca Maansadan waxa la yidhaahdaa: Dareenka Dadweynaha iyo Su’aal: D’Jibouti ma ii maqan tahay. Mise way igu maqan tahay?! By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. Magaca Maansadu Waa: Dareenka Dadweynaha DJIBOUTI MA II MAQANTAHAY MISE WAA IGU MAQANTAHAY Dadweynaha reer Jabuutow Walaal Dumar iyo caruur “DAMAAD” baan soo qortee Daroon Somaliland Gabooyaha no da’weyniyo Dir iyo Daarood ka yimi Wixii Doodl-iyo Dacwana Durriyaddaa ku daliilin Walaal derisbaynu nahay Dadbaynnu isugu xignaa Dabkaynnu kala qaadannaa Dunbay-su-gu keen xidhnayd Daruuriyo Daad balaadhan Degaankiyo doogga baxa Duunyadu way wada Cuntaa Dukaanaleey kulay ku tahay Dadkuna waa wada degaa Haasaawaha Diiraniyo Barjaa lagu wada dekayn Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durrabaa ugu dambaysay Haddaad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo Wanaag Hayeeshee Daacad li’ Dareen-aba- baa I qalay Distoorkiyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu ha-ku eegatee Aqoonisga iigu deeq Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Dedaalkii Dawladnimo Xoriyad Doon Doonistii Waxaan daafaha addoon Dinahy-yee-yee-ya- yaan Daluumaha hooseiyo Daruuraha Kuugu koray. (Wada-2) cell (2). Wuxuu Dumar duunyo huray Waxay dahab iibiyeen, Dantoodii uga tageen Dalaaqana ay dhaceen Durbaan iyo daramal dhacay Aduun weligii ma degin Danqaabana lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii duniduba dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durraataa ugu dambaysay Haddad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa derisnimo wanaag Ha yeeshee daacad li’ Dareen- aba- baa I galay Distoork-iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Dunidu ha ku eegatee Markay timi Daaha fura Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad ii duudusidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Wixii Cadaw Duulimaad Dul iyo hoos iigu dhigay Dalkaba waydaari iyo Dagaal duurka ha galee Diloo booboo dhac iyo Wixii Dabar gooyn I helay Dawaadda arday lehiyo Wuxuu Dilay Duubcaddii Dulbuuxii la igu dhigay Waxaan kaa doonayiyo Waxaan kaa damacsanaa Dubaaxdii kaama helin Dul-qaad-keedaan-lahaa Dagaal iyo Diri qadhaadh Dab iyo Naar la iskua shiday Ayaan doobi-gow cushoo Ilaahbaan Daawo saartoo Duuf-laal cadawgii ku diray Ano dii-fay-sanoo Bukaan Daran-yay-sanoo Duleedkaagaa Fadhiya Labaatan ku dhow Dednaa Adoo Dawadii hayana II diida Daryeelidiimm (Wada-3). Cell (3). Duunyana Xoolaan lahaa Dux iyo kowl ii ahaa Intii Dabar igu xidhnaa Kuwiina Dareesatoo Dallaa-llimo kuu hadhsade Dabool dekadaydi saartay Dagaal iigama ekee Nabsaan kugu Deynayaa. Aduun Weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaa-caa-gaan ahaa Daraataa ugu dambaysay Haddaad duc kaleba diiday Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo wanaag Ha yeeshee Daacad li’ Dareen-aba-baa I galay Distoor iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu Hay-din-eegatee Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad igu duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Dul-waayeel Waa indhoo Wadada Dib-u-uraaci-yiyo Dantii Xamar by jirtaa Waxad Dacar Qooshatay iyo Waxaad dabin ii xidhaba Duqayn hoosaad waddoo Ilaahbaa iga Dulqaday Darxumo waa naga dulhaadday Diyaafadu aan dhigiyo Damaashaad lagu Dikro Dabaal-deggi waay Diyaar Nabsaa kugu dayranoo Xunbuli doo-yay-sanoo Markuu dabarkiisa goosto Intii uu damac-san-yahay Daqiiqad ma daa-ya-oo Dawaar kuu marin-yaqaan Haddaan Dunjigayga sheego Bal daymo-oo Duugga tegay Dir iyo Daroodna weydii Dagaal la iguma DIGTOO Dabaal Cada-daadi mooyee ( Wada-4) cell (4)/ Anaan ku degdegin dad laa Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaac baan kuu ahaa Darraataa ugu dambaysay Haddaad Doc kaleba Diido Walaal Waa Diinta iyo Intaa Derisnimo wanaag Hayeeshee daacad li’ Dareen-aba-baa I galay. Distoor iyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay Timi daaha Fura Dunidu Hay-din eegatee Aqoonisga iigu deeqa Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Nabsigu waa daabadoo Sidii diinkuu socdaa Dabaylii cad rogiyo Daaraha Mowjada Dulmara Duufaanbuu noqon-karaa Dadkii Xalay doobyayee Nicmada daac-daaca-yee Daf iyo midhiq-daa ahaa Dayaanku haddi u dhaco Digiyo Dambays bay noqdaan Dabeed Daasa-deey gurtaan Ceeyoonbaa loo Dawari Walaalow waa Dignin Walaalow Waa dardaaran Walaalow waa Danteen Walaalow waa Dulxaadis Dubii weynaa ma dhicin Ogoobay waa Durriyad Duudkii saadada ka baxay Dulamaa laga galay D’weyn Ducay Sacabada wadheen Cirkay daalacan hayaan Dareen Qu***** direen Allow Daayimow Allow Walaal ii Daran Dawee Da-wee-yoo Haddana dawee Hadduu diidana Dullee. NIN KUU DIGAY KUU DANEE ADAA DAYN QABEE BAL DAYO OO YAAN DOORKAA KU SEEGIN By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. husseiniy@hotmail.com Qaran News
-
Barnaamijka Shaqo-Qaran waa barnaamij ku sifaysan in dhallinyaradu aaminaan diintooda iyo dalkooda, una helaan fakaak dadkooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan duruuf kasta, isla markaana karaamo ku dhexyeeshaan bulshadooda Somaliland. Sidoo kale, dhallinyarada ka qaybgelaysa barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwa leh karaamo, hab-dhaqan suuban, oo laga dheehan karo muddakarnimo, masuuliyad iyo sharaf ay yeeshaan kolka ay Qarankan u adeegayaan. Dhallinyarada ka soo baxa Barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwa lagu soo hirto, oo loogu marag furo daacadnimo, amaano, run sheeg, ballan oofin, xil-gudasho suuban iyo is-xilqaan kolka ay masuuliyadda Qaranka qaadaan. Dhallinyarada ku jirta Carbiska Shaqo-Qaran waxaa laga rabaa in ay noqdaan kuwa naxariis, kalgacal, iyo wanaag ku qaabila dadkay u adeegayaan, ayna si hagar la’aan ugu shaqeeya qarankooda, dadkooda, dalkoodana ugu adeega caddaalad iyo sinnaan. Dhallinyarada waxaa lagu carbiyay wadaniyad buuxda oo ka dhan ah in ay noqdaan kuwa ka madhan dhaqanada liita sida: eexda, musuqmaasuqa, gobolaysiga, qaraaba-kiilka, qabyaalada IWM. Ugu danbayntii dhallinyaradan waxay u carbisanyihiin in ay bulshadooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan si’ mutadacwimo ah markay la soo gudboonaato, iyaga oo ku kalsoon in ay ku meel maraan kartidooda, aqoontooda, anshaxooda iyo khibradda ay ka barteen Carbiska Mudadii Saddexda bilood ahayd. Sadam Osman Kaabash Medical lab Technologist Freelance Jornalist. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wareejiyay xaafadaha isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo ee Muqdisho oo ay heysteen ciidamo taageersan Mucaaradka. Xaafadahaas oo muddooyinkii dambe xirnaa shacab badana ka qaxeen intii qalalaasuhu ka jiray Muqdisho ayaa galabta laga qaaday ciid ku xirneyd waddooyinka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii uu xaafadahaas kala wareegay mucaaradka, kadib wuxuu mus’uuliyadooda ku wareejiyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. “Saacadan wixii ka dambeeya waxaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho u sheegayaa in aan mus’uuliyadii magaalada ku wareejiyay Taliye Xijaar” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa shalay heshiis 10 qodob ka kooban ka gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Mucaaradka oo xaafadihii ay haysteen ku wareejiyay Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA ayaa maanta shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar, Ali Shareef al-Emadi la xidhay, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq iyo ku tagri-falid awoodeed. Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in xadhiga wasiirka maaliyadda uu amray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, islamarkaana uu hadda socdo baadhitaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka. Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar. Majallada ka faalloota arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Banker ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe. Source
-
Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo waddada Berbera Corridor. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka ee Itoobiya Dagmowit Moges iyo Agaasimaha guud ee shirkadda DP world Suldaan Axmed Biny Suleyman ayaa maanta Addis Ababa ku kala sexeexday heshiis cusub oo ujeedkiisu yahay horumarinta waddada Berbera Corridor ee dhinaca Itoobiya. Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay ku maalgashato kuna horumariso dekedda Berbera 442$ Milyan iyadoo wajigii kowaad dhamaad ku dhaw yahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shirkadda Suldaan Axmed. https://www.facebook.com/529227697545391/posts/1138630563271765/?sfnsn=mo Source
-
Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay. Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda. “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka. أتقدم بالتهنئة إلى كل من فخامة الرئيس فرماجو وفخامة الرئيس كينياتا على قرارهما الحكيم والشجاع بإعادة العلاقات الدبلوماسية بين الصومال وكينيا. تمنياتنا الخالصة للبلدين الجارين وشعبيهما بالأمن والاستقرار، كما أؤكد أن دولة قطر ستبقى دائما ساعية في سبيل الخير وصانعة للسلام. — تميم بن حمد (@TamimBinHamad) May 6, 2021 Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar. 15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka. Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas. The post Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Akhristayaal, waxaynu isa soo waydiinay (waa intiinii ila socotaye) suaashii ahayd, siyaasadu ma KHIYAAMAA? Siyaasadu ma waxbay hagaajisaa /qurxissaa mise waxbay kharibtaa?, siyaasadu bulshada miyay dhaawacdaa mustaqbalkeeda mise way dhistaa /horumarisaa?… *Does politics harm the people’s will and their development or does it improve?. Waxaynu kasoo jawaabnay, soo sharaxnay jaawaha aan ka bixinay suaalahaas, ka dib waxaynu ogaanay fahamka guud ee siyaasada, waxa inoo soo baxday sidan hoose: . Siyaasadu waa aqoon/cilmi la barto, waqti LA galiyo, dhaqaale Ku baxo (Politics is science /knowledge), aqoonta xalaasha ahina waxba MA kiyaamayso, siyaasadu waa shaqo LA qabto, maaha muran, afmiishaarnimo, guulwadayn iwm, .Marka shaqo siyaasadeed /siyaasi ah LA qabto ee bulshada loo qabto, siyaasadu waxbay qurxisaa, foolxumadana way la dagaalantaa. Sadexdaas qodob ee waawayn aan kusoo koobo, Sidaas daraadeed, siyaasadu waa wax wanaagsan, siyaasada wanaagsan waxba MA xumayso ee waxbay dhistaa/ qurxisaa. Intaas ayaynu kusoo gorfaynay qaybtii hore ……… Hadaba siyaasadaas wanaagsan ee wax wanaajisa, aqoonta ah, ee bulshada LA rabo inay wanaajiso, qofka qaadaya ama curinayaa ee qaadanaaya magaceeda, ee siyaasi loogu yeedhayaa waa Kuma, noocuu u hadlayaa? Waa qof nooceeya marka uu bulshada LA hadlaaya?. Si guud markaan u eegno, qof kasta oo nolol dhisaaya /hogaaminayaa waa siyaasi toos ah ama waa mid dadban, waayo maaraynta nolosha qaybaheeda Kala duwan ayaa u baahan siyaasad lagu maareeyo /lagu hogaamiyo.Si gaara tan aan ka hadlaynaa waa siyaasada guud ee dowladnimada iyo umada hoos joogta lagu hago, laguna maareeyo noloshoodana. Siyaasadu waa shaqo, Mar haday Shaqo tahay, Shaqadaas bulshada waxa u haya laba qaybood oo ka mida bulshada: . Hadba cida talada hogaanka dowladnimo u haysa bulshada, cida fadhida xafiisyada dowlada /xafiisyada bulshadu wada leedahay. Qaybtan waxa laga rabaa Inay ka shaqeeyaan siyaasada, oo ah shaqada lagu ilaalinaayo sharciga bulsha u yaala, shaqooyin ka kale ee halbowlaha u ah bulshada sida LA dagaalanka musuqa, ladagaalanka eexda,ladagaalanka qabyaaladu, horumarinta dhismaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka, jidadka, amingiga iyo difaaca qaranka, ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta, dimiquraadiyada iyo isbadalka xukunka oo ku yimaada tartanka loo siman yahay, qaybinta khayraadka oo loo qaybiyo si siman, cadaalada iyo garsoorka iwm. Siyaasadu waa Shaqadaas oo la qabto, Cid kasta oo xukunka joogtana shaqooyinkaas ayaa laga Raba inuu qabto, lagulana xisaabtamo. Guul wadayn iyo afmiishaarnimo Shaqo maaha. Sidaas daraadeed qof kasta oo fadhiya xafiisyadaas /hay’adahaas aan soo tilmaamay iyo kuwa aanan tilmaaminba ee dowliga ah waxa laga rabaa inuu shaqo qabto, siyaasada ka shaqeeyo. . Qaybta kale ee u xilsaaran inay Shaqo siyaasadeed qabtaan/bulshada u hayaan shaqo siyaasadeed, waa qof kasta oo Shaqadaas xukuumada daba taagan, in La qabtay, inaan LA qaban, dhaliisha jirta, gaabiska ka jira shaqooyinka dowlada iwm waa xisbiyada, waa mufakiriinta madaxa banaan, waa Cid kasta oo aqoon u leh arimaha siyaasada /fahamsan arimaha bulshada waxa ka dhiman, waxa ka qaldan iyo waxa u saxsanba. Dadku dhamaan siyaasada kama wada shaqeeyo, siyaasadu meel laga ganac sado maaha, waa aragti dadka loogu adeego, lagaga sababato saaro hadba dhibka jira. Qofku markuu siyaasi yahay, waxa uu ka hadlaa waa danta guud ee bulshada, MAx aa ka qaldan ayuu ka hadlaa, xalkana wuu dhinac dhigaa , kaasi waa ka debeda ka jooga ee Mucaaradka ah, ee ku ilaalinayaa shaqadaas in LA qabtay iyo in kale. Ka xukunka haya, isna bulshada waxa uu u sheegaa shaqada uu hayo, waxii u qabsoomay dhinac walba, mustaqbalka meesha ay ku socdaan, shaqada socota, AWOODA dhaqaale, iwm Sidaasuu bulshada ula hadlaa. Labadaas aragtiyood ee ka kooban shaqadii siyaasada Qaybtii (Operational) ka ahayd, (ninkii xafiiska fadhiyey) iyo ninka dabada ka jooga ee ku ilaalinayaa shaqada(mucaaradkii), Doodaas Kala duwan ee mid waliba ka duulayo danta bulshada, taas ayaa keenta tartanka siyaasiga ah, dadkaa loo waramaayo, waa warkay qaataan uun, taas ayuunbaa guushana Keenta iyo isbadalada , waxa laga hadlayaana waa inay noqotaa shaqaas siyaasada ee aan soo sheegay. Siyaasadu waa noocaas waa Shaqadaas socota…waa Shaqo dheeli tiran. (Competitive Balanced work). Waxa jirta aragti kale oo caalmiya, oo tilmaamaysa qofka siyaasiga ah, waxay odhanaysaa sidan : “qofka siyaasiga ah ee hanka leh, maslaxad shakhsiya wuu yeelan karaa, siyaasiga saxda ah ee hanka leh waa inuu awood u leeyahay inuu is waafajiyo maslaxadiisa shakhsiga ah iyo danta guud ee bulshada uu siyaasiya u yahay (Reconciled interest) . “qofka maslaxadiisu Mar walba ka xoog badantahay, siyaasi MA noqon Karo”. U kaalay Somaliland. Dhalinta siyaasada ku jirta, dhalinyaro badan oo ku jira mucaaraka iyo muxaafidkaba oo siyaasada si wacan uga hadla way jiraan waanan bogaadinayaa , Mar walba waxay ka hadlaan arimaha bulshada. Dhalinta siyaasada ku jira ama jecel inay ka hadlaan, (oo Inta badan ah) siyaasada waxba kama fahamsana markaad eegto hadalkooda ama qoraaladooda. Waxaad arkaysaa nin ku odhanayaa siyaasi Ayaan Ahay, tvyada taagan, maalin walba shir jaraaid qabanaya, Waxuu ka hadlayaana aanay siyaasadba ahayn, qofbuu caayayaa, ama xisbi ayuu u duur xulayaa, ama reer buu u duur xulayaa, ama farmaajo iyo xamar ayuu caayaya isagoo tiisiiba liidato, waa qof xin uun ka muuqda, siyaasadii ayuu u fahmay xin. Siyaasi Ayaan Ahay ayuu ku leeyahay, Mala laha awood uu kusoo bandigo dhibaatooyinka Kala duwan ee haysta bulshada uu ka midka yahay, maxaa u diiday?.siyaasadii ayaanu fahamsanayn, xinbaa u diidan ama reer hebel baa kaa hor Iman, ama ku farxi, iwm. Dalka iyo waxa ka jira xogogaal Uma aha ayaad is odhanaysaa, Qaar badan OO xogogaal u ah ayaa jira, laakiin siyaasadii ayay si kale u FAHMEEN, faham daradaas ayaa quluubtooda xidhay, u diiday quluubtii furnayd ee aqoonta iyo garashadu hogaaminaysay, wax kaalay ku xidheen. . Waxaan odhan lahaa markaas dhalintu ha fahanto markay inala hadlayaan waxay inoo sheegayaan, hadaad qofaf ka hadlaysaan, siyaasadu qof laga hadlo maaha ee waa shaqo LA qabto, shaqada qabo oo fahan ama iska aamus. Dhalinyaradu waa dedaalayaan, waan kula dardaarmilahaa inay wax badan albriyaan aragtidoodana dhisaan, xinka iyo qof eryedkana iska dayaan, aragti xora dalkooda ku dhisaan ama mucaarad noqo ama muxaafid, siyaasi u noqo shacabkaaga, Cidna hala coloobin, u diyaargarow Inaad mustaqbalka si siman u wada hogaamisa, noloshoodana aad wax kusoo kordhiyo. ______dhamaad_______ Sir-Abdirashid Hussein Yusuf gahaydhle Email gahaydhle@live.cim Doha Qatar.Image Get Outlook for Android Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya. Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Kenya, isagoo sharaxaad kooban ka bixiyey sababta. “Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri Al-Cadaala. Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay dowladda Soomaaliya dib uga noqotay tallaabada ay horay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda dariska la ah ee Kenya. War-saxaafadeedkii uu akhriyey kadib weriyaashii ku sugnaa goobta ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan waxa iska bedelay eedeymihii ay dowladda Soomaaliya horay ugu jeedisay Kenya, isla markaana ay u cuskatay inay u jarto xiriirka. Isagoo ka jawaabayey ayuu yiri, “Arrintan markii horeba ma ahayn dookh iska yimid, waa la ogyahay duriifihii keenay in Soomaaliya ay joojiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya ay la lahayd. dowladdu waxay arrintan ku baddalatay markii la xaqiijiyay in la joojiyay, la iskuna afgartay in la joojiyo dhammaan ficilladii iyo arrimihii keenay in dowladda Soomaaliya ay joojiso cilaaqaadka ay la lahayd Kenya.” Al-Cadaala waxuu intaas ku sii daray, “Mar hadii dhibaatooyinkii jiray ay meesha ka baxeen, sida ku qoran war-murtiyeedkana la isku afgartay in la is ixtiraamo, daris wanaag lagu wada noolaado, danaha labada wadanna laga wada shaqeeyo, sidaas ayuu ku yimid go’aankan.” Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala waxa uu qiray in Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu dadaal ka geystay in ay heshiiyaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Bogga Twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya maanta waxa uu sheegay in go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celisay xiriirka Kenya uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin arrinta kiiska badda ee yaalla maxkamadda ICJ. 15-kii bishii December ee 2020 ayay ahayd markii Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka. Intaas kadib waxaa guul dareystay dadaallo uu urur goboleedka IGAD ku doonayey in khilaafka labada dal meesha looga saaro, dhawaanahaana ma dhicin kulamo fool ka fool ah oo dhex maray madaxda labada dal, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dib u soo noqoshada xiriirka labada dal ay si buuxda dowladda Qatar uga soo shaqeysay. The post Maxay tahay sababta ay DF uga noqotay go’aankii ay xiriirka ugu jartay Kenya? appeared first on Caasimada Online.
-
Amiirka Qatar ayaa soo dhoweeyey soo noqoshada xiriirka diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Kenya isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh. Amiir Tamiim waxaa uu intaa raaciyey in Qatar ay nabadda ka shaqeyn doonto. Dhanka dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay in xiriirka labada dal uu soo noqday iyada oo rajo ka muujisay in sidoo kale lasoo celiyo xiriirka ganacsi iyo isu socodka dadka iyo dhaqanka. Kenya waxaa ay Qatar ugu mahadcelisay iney ku guuleysatay soo celinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey. Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda. Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska, Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“ Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021. Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas. The post Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhow la qaaday ciidankii badbaado qaran ee ku sugnaa qeybo ka mid ah bariga iyo Koonfurta Muqdisho. Ciidamada oo joogay Mirinaayo ee bariga ah iyo degmada Howlwadaag ayaa la qaaday kadib markii la xaliyey tabashooyin ay qabeen. Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii heshiis lagu gaaray arbacdii iney xeryaha ku laabtaan muddo 48 saac gudaheed ah Source: goobjoog.com
-
Doha (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qatar ayaa amray in la xiro wasiirka maaliyadda dalkaas Ali Shareef al-Emadi, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayo lacagta dowladda oo si qaldan loo isticmaalay iyo ka xugudub awoodeed, sida ay sheegaty warbaahinta dowladda. Wakaaladda wararka Qatar ee QNA ayaa maanta werisay in go’aankan la gaaray kadib markii dib u eegis lagu sameeyey dokumentiyo iyo warbixino ku saabsan dambiyo la xiriira lacagta dowladda. “Baaritaan ballaaran ayaa hadda socda,” ayaa lagu yiri warbixinta QNA. “Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu armay in la xiro wasiirka maaliyadda Ali Shareef al-Emadi, waxaana su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa arrintan kasoo baxay dambiyo la xiriira xafiiska dowladda sida lacag si qaldan loo adeegsaday iyo ka faa’iideysashada kursiga,” ayey tiri wakaaladda wararka. Ma jiraan wax faah-faahino ah oo intaas dheer oo la bixiyey. Ali Shareef al-Emadi oo kaalin ku lahaa kobaca Bankiga dowladda ee Qatar National Bank ayaa ahaa wasiirka maaliyadda tan iyo 2013. Waxa uu xubin ka yahay guddiga awoodda badan ee Qatar ee maamula sanduuqa lacagta Qatar ee Qatar Investment Authority oo maamula 300 oo bilyan oo dollar. Al-Emadi ayaa hagay siyaasadda Qatar ee dhaqaalaha intii lagu guda jiray burburkii 2014 illaa 2015 ku yimid qiimaha saliidda caalamka, taasi oo Qatar iyo dalalka kale ee gobolka ku qasabtay inay kala duwaan ilahooda dhaqaale, oo aysan ku tiirsanaan kaliya saliidda. Al-Emadi ayaa 2020 waxaa loo aqoonsaday wasiirka maaliyadda ee ugu wanaagsan gobolka kadib qiimeyn uu sameeyey wargeyska caalamiga ah ee ka faalloda maaliyadda ee The Banker. The post Wasiirka Maaliyadda Qatar oo la xiray + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta xabsiga Hargeysa laga sii daayey Korneyl Korneyl Jaamac Doolaal oo hore Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland ay ugu riday xukun adag oo labo sanno ah, kadib xiriir uu la sameeyay mas’uuliyiinta dowlada federaalka. Doolaal ayaa loo haystay inuu shaqsigaas oo uu kala hadlay dhanka telefoonka uu kala hadlay arrimo qoys, ayada oo maxkamadda meesha ka saartay in Korneylka uu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland. Korneylka ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii uu muddo toddobaadyo ah ku xirnaa xabsiga Hargeysa, waxaana kiiskiisa oo ay maxkamadda millateriga xukuntay laga gaaray is-afgarad hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online. Soo-deynta Doolaal ayaa sidoo kale imaneysa maalmo un kadib markii uu Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ku hanjabay in haddii xukuumadda Muuse Biixi ay saddex maalin gudahood kusii deyn weydo Doolaal ay beeshiisu sameyn doonto arrin aan la mahdin. Boqor Buurmadoow oo xiligaas luuqad adag kula hadlayey madaxda sarre ee xukuumadda Somaliland ayaa carabka ku adkeeyay haddii korneyl Doolaal dib loogu celin waayo xoriyadiisa ay ku dhaqaaqi doonaan arrin cawaaqib xumo dhalin karta. Si kastaba, xukuumadda Somaliland ayaa inta badan xirta siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka ay ku tuhmeyso inay kasoo horjeedaan madax-banaanida ay ku doodo, ayada oo dood aan lugo badan ku taagneyn u adeegsata dacwadaha ay ku oogto shaqsiyaadka ay ku eedeynayso inay kasoo horjeedaan gooni-goosadkeeda. The post Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Abiy Axmed waxay bedeshay sarkaal hore madax uga dhigtay gobolka Tigryga kadib dagaalo ay si khasab ah ugula wareegtay gaacan ku haynta gobolkan oo dhaca waqooyiga dalka Itoobiya, meel kulaalaysa xadka Ereteriya. Mulu Nega ayaa xilkan loo magacaabay isagoo ka socda xukuumadda federaalka ee Itoobiya, si uu maamulka gobolka u ayo. Bishi November ee sanadkii hore ayaa loo magacaabay jagadan, markaas oo Abiy Axmed uu guul ka sheegtay dagaalka Tigrayga isla markaana xusay in uu soo afjaray hawlgalka gobolka uu ka waday. Wuxuu ahaa maamul ku meel agadh ah. Waxa lagu bedelayaa Abraham Beley oo ahaa wasiirka ikhtiraaca federaalka ee Itoobiya, sida uu sheegay xafiiska raysal wasaaruhu Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa soo saaaray maydka Alle Haw Naxariistee wiil ku dhintay dhaam ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa. Alle Haw Naxariistee wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo marxuum Cali Carab Aadan ayaa ku dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo Balliga Xariir. Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa. Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista. Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta. Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal midha dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaadhsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u soo celisay xidhiidhkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, isla markaana heshiis la gaadhay. Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta in xidhiidhka labada lasoo celiyay, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada dal hore uga dhexeeyay. “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yidhi Al-cadaala. Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynayaasha labada dal ay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintaan. Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xidhiidhka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xidhiidhka. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaadhsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar. Source
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya, ka dib wadahadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo deris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankan. Dhanka kale warmurtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu yiri “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” “Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan” ayaa lagu sii yiri warmurtiyeedka wadajirka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii December 2020 ku dhawaaqday in ay xiriirka diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisad labada dal u dhaxeysay oo muddo soo jiitamaysay. Khilaafka waxaa xuddun u ahaa muranka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo kiiska dacwadda ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay xiriirka diblomaansiyadeed ee kala dhaxeyaya dowladda Kenya . Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalada oo shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeeyay Kenya . Al-cadaala ayaa sidoo kale sheegay in soo celinta xiriirka labada dal ay gacan ka geystay dowladda Qatar oo si aad ah Xukunka Farmaajo u taageerto “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa iyada oo la ilaalinayo golaha deris wanaagga ku dhawaaqeysa in dib u soo celisay xiriirkii diblomaansiyadeed ee ay lala heyd Jamhuuriyadda Kenya” . Al-cadaala ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Madaxweeynayaasha labada Dal waxa ay Amiirka dalka Qatar uga abaal hayaan ugana mahad celinayaan dadaalka uu ka geystay arintaan . ” Soo celinta xiriirta Soomaaliya iyo Kenaya ayaa lala xiriirinayaa booqashada ergayga Qatar Mudhlaq uu ku tagay labada dal isaga oo arkay Farmaajo iyo Uhuru Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Kenya, oo ay hore u jartay kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku qotomay faro-gelin ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya. Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeed uu sheegay inay si wada-jir ah usoo saareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo lagu gaaray ilaalinta daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Al-Caddaala ayaa sheegay in war-murtiyeedka wada-jirka ah ee dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya lasoo saaray, kadib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen ilaalinta danaha labada dal iyo ka fogaanshaha waxkasta oo keenaya faro-gelin gudaha ah. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri. “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyada oo lagu saleynayo mabaa’dida is-ixtiraamka ee madax-baananida iyo midnimada dhuleed, faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta, wax-wada-qabsiga iyo nabad ku wada noolanshaha.” Soo celinta xiriirkan ayaa waxaa ka shaqeeyay dowladda Qatar oo dhowaan ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, isaga oo maanta-na Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Sidoo kale, labo maalin ka hor unbay aheyd markii uu Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani uu khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay. The post Soomaaliya iyo Kenya oo dib usoo celiyey xiriirkooda kadib cadaadis ay Qatar saartay DF appeared first on Caasimada Online.