-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka xisbiga WADDANI ahna musharax u tagan doorashada golaha wakiillada Barkhad Jamac Batuun, ayaa sheegay in doorashadiisu ay sababi doonto cadaalad iyo sinaan ay hesho dhamaan umada Somaliland. “In aan xubin ka noqdo Baarlamaanka Somaliland, oo xil ummadeed qaado 31 MAY 2021ka, haddii Alle Idmo, waxa ay meesha ka saari doontaa magacyo badan oo muddo dheer maskaxdeenna haystay, micno badanna laheyn, marka aynu maqalnana muraaradillaac dhexdeenna ah abuurayey sida: Midgaan, la hayb-sooco, laga tiro badanyahay, la yaso, dulman IWM. Waxa ay abuuri doonta Somaliland walaalo lagu yahay sarreynta sharciga, sinnaanta muwaaddiniinta, calanka iyo ciidda oo cid kastaba ilaashato, caddaalad abuuranta, ictiraaf yimaadda, cudduddeena oo midoowda, Sawirka siyaasaddeed ee Somalilandna sumcad weyn ayey u keeni doona. Waan hubaa Ilaahay idamkii in Hargeysi u hiilin doonto cagafta cunsuriyadda baabi’inaysa ee jeexaysa jidka caddaaladda, Insha Allah. Aniguna aan noqon-doono ninka ugu codka badan Gobolka Maroodi-jeex Idimka Alle, u dhaqaajin mayne fulaha dhoosha ka adkeysta!” ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay xaqiijisay inay masaafuriyeen Weriye Ajnabi ah oo u shaqeeya Wargeyska The New York Times, kadib markii ay kala laabteen liisankii uu ku hawlgeli jirey. Go’aanka lagu caydhiyey Saxafiga Simon Marks oo u dhashay dalka Iredland ayaa lagu sheegay inay timid, kadib markii uu Warar aan isku dheelitirnayn ka tebiyey Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay. Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxay cambaareeyeen Saxafiga laga soo masaafuriyey Ethiopia, iyadoo ay caydhintaasi tahay tii ugu horreysay ee lagula kaco Suxufiyiinta Ajaaniibta, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed la wareegay Tallada dalkaasi. Maamulka Wargeyska The NYT ayaa waxaa sheegeen inay Saraakiisha Ethiopia ay Simon Marks ugu yeedheen Kulan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, isla markaana ay 8 saacadood ku hayeen Garoonka, ka hor intaysan isaga saaarin Duullimaad saqdii dhexe ee xalay. Dhinaca kale, Saxafiga Simon Marks waxa uu Bartiisa Twitterka ku qoray in ayna Saraakiisha Socdaalka oo keliya ka hor-joogsanin inuu guriga ka soo qaato Hantidiisa iyo inuu soo macasalameeyo saaxiibtiisa iyo wiilkiiisa 2-jirka ah Madaxa Hay’adda Warbaahinta Ethiopia, Maxamed Idris oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu tilmamay inuusan Saxafiga Simon Marks Joogitaan Ganacsi ku lahayn gudaha Ethiopia iyo isagoo aan lahayn liisan Warbaahineed ( A Media Licence). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa si adag ugu digay shaqaalaha dawladda, islamarkaana u sheegay in ay faraha ka laabtaan ololaha beri ka bilaamaya Somaliland ee doorashada Wakiillada iyo Deegaannada. Waxa uu masuuliyiinta xukumadda ku booriyay in ay si dhaw ula socdaan shaqaalaha dawladda ee ku milma arrimaha siyaasadda iyo ololaha. “Waxaan uga digayna shaqaalaha dawlada darajo kasto ay leeyihiin inay ku milmaan , kana dhex ololeeyaan , calamaanta xisbiyada qaataan xisbi kasta ha ahaadee , doorashada ololeedu bilaabmayo 23 bisha oo ah maalinta beri ah , Wasiirada , gudoomiye yaasha gobolada , isuduwayaasha hay’adda shaqaalaha dawlada waxaan usheegayaa inay il gaara ku hayaan inta ololuhu socdo in shaqaale dawladeed ka qeyb galaan ololahaasi”. ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe Source
-
Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Dagaal culus ayaa wuxuu Maanta Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyey inay dagaalkaas ku geeriyoodeyn 3 ka tirsan ciidamadii dagaalamay iyo qof shacab ah, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhexeeyey guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada Axmed Cabdullaahi Cabdi. Guddoomiye Maxamed Siidow oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in guddomiye ku xigeenkiisa uu isbaaro dhigtay bartamaha Magaalada isla markaasna uu lacago baad ah oo gaarayo 110 Dollar ka qaato gawaarida xamuulka ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbaarada uu dhigtay guddoomiye ku xigeenkiisa ay keentay inay ka xanaaqaan qaar ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee ka amar qaato degmada kuwaas oo iyagana isbaaro kale dhigtay kadibna ay weerar kuso qaadeyn ciidamo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu diidan yahay in cid aan isaga aheyn ay isbaaro dhigato Magaalada. Mar wax laga waydiyey khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayuu sheegay in ciidamadiisa uu ka dhintay hal askari sidoo kalana uu dhintay wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday rasaastii la is dhaafsanayey, wuxuu kaloo sheegay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada ku xigeenkiisa balse uusan sheegi karin tiro sax ah. Illo madax banaan oo ay la hadashay Caasimadda Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay isku heystaan sidii loo maamuli lahaa lacagaha baadda ah ee laga qaado isbaaro ay ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda dhigteyn magaalada. Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dagaalkii ka dhacay Wanlaweyn, waxayna wararka qaar sheegayaan in magaalada loo soo diray ciidamo kala dhex galo kuwa dagaalamay, waxaana la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed uu soo farageliyo khilaafka u dhaxeeyo maamuka Degmadaas. The post Sabab yaab leh oo ka dambeysa dagaalka Wanlaweyn iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkii Maanta uga furmay Muqdisho Raysal wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la isla gartay Ajandayaasha Shirka iyadoo si hordhac ahna looga wadahadlay Qodobada Muhiimka ah. Ajandaha Shirka oo beri laguda gali doono waxaa kamid ah. Amniga Doorasahda Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada cida maamulaysa Gobolka Gedo, Qodobkaan si hordhac ah ayaa loosoo hadal qaadey maanta waxayna u muuqataa in Jubbaland ku guulaysan doonto rabitaankoodii ahaa in dib loogusoo celiyo Kismaayo, dhamaan ka qayb galayaashu waxay dabacsanaan u muujiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe. Gudiga Doorashada oo horay Buuq uga taagnaa, buuqaasoo ahaa in Mucaaradku ay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu Gudiga Doorashada ka dhigay Shaqaalihiisa Gaarka ah iyo Saraakiil Ciidan, Raysal wasaaruhu wuxuu muujiyay maanta inuu u muuqdo Nin Gudi cusub magacaabayo. Waxyaabaha debecsanaanta laga muujiyay maanta maadaama La doonayo Doorasho degdega waxaa kamida Odoyaadha Soo xulaya Xildhibaanada. Deegaanada Doorashada oo Heshiiskii 17 Sebtembar ahaa laba Magaalo, waxaa laga yabaa oo maanta lasoo jeediyay hal Deegaan doorasho, Qodobadaan kore oo dhan waa uun Ajandaha Shirka ee ma jiraan Qodobo si rasmi ah la isula meel dhigay. Puntlandi.com Muqdisho The post Faahfaahin Ajandaha Shirka Doorasahada oo la isla meel dhigay appeared first on . Source
-
Waxaa goordhaweyd soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee ka furmay xarunta Afisyoone, magaalada Muqdisho. Shirka ayaa maanta ku soo idlaalay jawi is faham, iyadoo la isugu soo laaban doono berri oo Axad ah, sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macalimow. Shirka waxa guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay dhammaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirka waxa ka maqnaa madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu horey u sheegay in uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Shirka Muqdisho: Maalinkii kowaad oo la soo gabagaboobay appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaha militariga afganbiyay dowladda Myanmar General Min Aung Hlaing ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dhowaan ay maxkamad soo taagi doonaan hogaamiyihi hore ee dalkaas Aung San Suu Kyi. Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo Hlaing tan iyo markii uu inqilaabay xakuumaddii Aung San Suu Kyi 1-dii bishii February ayuu ku sheegay in Suu Kyi iyada oo caafimaad qabta ay ku sugantahay gurigeeda, maalmo kooban gudahoodna ay ku wajahi doonto maxkamad. Wareysiga Hlaing ayaa Sabtida laga sii daayay Telefishanka Phoenix oo ah TV laga leeyahay Shiinaha. Afganbigi ka dhacay Myanmar ayaa sababay dhimashada boqolaal qof oo rayid ah oo ka qeybgalay mudaaharaadyo looga soo horjeeday awoodda millatariga. PUNTLAND POST The post Milatariga Myanmar oo sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan Aung San Suu Kyi appeared first on Puntland Post.
-
President Issaias Afwerki is fanning war and undermining democracy across the region It is an unlikely pairing. Abiy Ahmed, Ethiopia’s prime minister, is young, charismatic and says he is committed to democracy in Africa’s second-most-populous country. Until war erupted in November in Tigray, a northern region, he was a darling of the world. In 2019 he won the Nobel peace prize for ending a war with Eritrea. Yet he is now knee-deep in blood alongside Eritrea’s president, Issaias Afwerki, an ageing dictator who locks up dissidents in shipping crates in the desert. When the two leaders met to sign a peace deal in 2018, many hoped their reconciliation would reshape the region. Abiy was liberalising Ethiopia, releasing political prisoners and freeing the press. Some thought Issaias might learn from his new friend. Outsiders rushed to encourage the thaw. The un lifted an arms embargo (imposed because of Eritrea’s support for jihadists in Somalia). Western donors poured in cash. Eritrea’s decades of isolation seemed about to end. “Love is greater than modern weapons like tanks,” declared Abiy on his first visit to Asmara, Eritrea’s capital.The bromance has indeed changed the region, but not in the way many had hoped. It seems that Issaias influenced Abiy, rather than vice versa. Encouraged by Issaias, and emboldened by promises of Eritrean military support, Abiy sent troops into Tigray for what he hoped would be a quick “law enforcement” operation against its rebellious ruling party which had attacked federal bases. The fighting has since turned into a bloody stalemate. Ethiopian and Eritrean troops control the cities and, intermittently, the main roads. Tigrayan rebels control much of the rest. Stuck in the middle are millions of starving civilians. Eritrean troops, sometimes accompanied by those of the Ethiopian government and its militias, are pulling unarmed Tigrayan men from their homes, churches or buses and shooting them. Soldiers are methodically raping Tigrayan women. To cut supplies to the rebels, they are blocking food convoys and preventing farmers from planting crops. Around 4.5m of Tigray’s 6m people need food aid, says the un.The only winner is Issaias. His troops, who died in their tens of thousands in their unsuccessful border war with Ethiopia, are now deep inside their neighbour’s territory. They have massed troops along parts of Ethiopia’s border with Sudan, threatening to inflame a separate dispute between those two countries. More worrying is that Issaias seems to be trying to export his model of despotic rule.He is said to have egged on a power grab by Mohamed Abdullahi Mohamed, Somalia’s president, who has stayed in office despite his term having ended in February. To back his man in Mogadishu, Issaias has trained a Praetorian guard loyal to Mr Mohamed. “Issaias is the Svengali of this affair,” says a foreign diplomat. “He’s been unyielding in pushing a centralised state and bugger having elections.” Western governments are belatedly waking up to the horrors in Tigray. In April the European Union cancelled €100m ($122m) of aid that would have gone to Eritrea. In March it imposed financial sanctions on Eritrea’s intelligence agency. Diplomats say that wider American and eu sanctions may be imposed soon. Few hold out much hope that sanctions will sway Issaias, whose state is already largely cut off from the world. But sanctions, or even a credible threat of them, would provide greater leverage over Abiy, who needs access to export markets and international finance if Ethiopia is to grow quickly enough to quell protests by its young and restless population. Abiy can probably be convinced to ditch Issaias if the costs of their alliance become too high. Donors should therefore press Abiy harder. Without his new ally, Issaias would have less clout in the region. There is not much, alas, that outsiders can do to make him less cruel to his own oppressed people, though neighbours and rich countries can and should grant them asylum if they flee his gulag state. Even if Issaias cannot be persuaded to change his ways, he can be prevented from remaking the Horn of Africa in his own tyrannical image. Source: The Economist The post Eritrea, Africa’s gulag state, is on the march appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Maanta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si rasmi ah u furay shirka madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxday arrin uu horey usii sheegay Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya. Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa qormo uu qoray 17 April 2021 ku sheegay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya lagu xallin doono miis uusan fadhin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo u muuqata inay dhab noqon rabto maadaama Maanta Farmaajo laga waayey shirka u furmay Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo go’aan looga gaarayo arrimaha doorashooyinka. “Farmaajo waxaa soo martay Maalin gurbaan taageero loo tumayay, maalin laga dalbado inuu gogol fidiyo si kala guurka looga arrinsado, balse wuu xagal daaciyay,” ayuu ku yiri farriin u muuqatay inuu si toos ah waqtigaas ugu dirayey madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Daahir Maxamed Geelle ayaa intaas ku daray “ Waxaa xigay maalin gogasha isaga laga codsan jiray ay beesha caalamka isaga ugu yeerto, waana isaga dhaqaaqay.” Ugu dambeyntii Musharax Geelle ayaa sii saadaaliyey in go’aanka doorashada Soomaaliya xalkeeda la gaari doono iyadoo uusan Farmaajo fadhin miiska wadahadalka. “Waxaa muuqata arrinta Soomaaliya ee miis ku dhammaatada aheyd in ay ku dhammaan doonto miis uu Farmaajo ka maqan yahay.” Shirka maanta u furmay madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa durba muuqata in heshiis hordhac ah laga gaaray qaar ka tirsan qodobadii la isku hayey oo ay kamid yihiin: Khilaafka Gobolka Gedo, Amniga Doorashada, kuraasta reer Woqooyiga iyo Guddiga doorashooyinka. Farriinta uu Daahir Maxamed Geelle qoray 17 April 2021 ayaa qorneyd sidan The post Arrin uu saadaaliyey Daahir Geelle inay qabsan doonto Farmaajo oo dhab noqon rabta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho. Caasimadda Online ayaa ogaatay qodobo gaarayo illaa afar qodob oo si hordhac ah heshiis looga gaaray, si uu shirka usii socdo isla markaasna ay wadahadalada uga bilowdaan meeshii ay markii hore ku istaageyn. Qodobada sida hordhaca ah looga heshiiyey waxaa kamid ah: 1) Guddiyada Doorashada : Ra’iisul wasaare Rooble ayaa balan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muran san yahay , isla markaan uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay . 2) Gedo: waxaa muuqato in uu jiro tanaasul, ama maamulka Jubbaland lagu wareejiyo ama ay ku baxdo haddii deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta 3) Arrinta Somaliland: in guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo . 4) Amniga doorashada: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee Federaalka iyo AMISOM The post Qodobo si hordhac ah looga heshiiyey shirka u furmay Rooble iyo Maamul Goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Arrimaha shirkan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah dhammeystirka heshiiskii 17 September iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka. Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho. Waa mid isha lagu wada-hayo waxa kasoo baxi doono shirkani oo xal loogu raadinayo doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Ka hor furitaanka shirka waxay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay yeesheen kulamo horudhac ah oo ay uga wada-hadlayeen xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Si kastaba wuxuu shirkan ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay is mar-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka. The post Shirka doorashooyinka oo furmay iyo MW Farmaajo oo ka maqan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhaweyd si rasmi ah Muqdisho uga furmay Shirka Qaran ee looga arinsanayo Doorashada, waxaana shir gudoominaya Raysal wasaare Rooble. Saaka ilaa Xalay waxaa socdey Dadaal ay Villa Soomaaliya ku doonayeen in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furo kulanka maanta halkaasna uu ka jeediyo Khudbad uu kula dardaarmayo Madaxda, Laakiin Dadaalkaas laguma guulaysan. Wuxuuna Madaxweyne Farmaajo uu ku guul daraysay inuu qayb ka noqdo kulanka maanta. Madaxda kulanka ka qaybgalaya ayaa qaarkood hor istaageen inuu Kulanka yimaado. Kulanku hada si rasmi ah ayuu u furmay. Puntlandi.com Muqdisho The post Madaxweyne hore Farmaajo wuu isku dayay inuu ka qaybgalo Shirka maanta mase usuuragalin appeared first on . Source
-
Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal dib uga qarxay degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed kaas oo haatan ka socda xaafadda Muuri ee degmadaasi. Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha maamulka degmada, MudaneMaxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada Axmed Kheyr, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Labada mas’uul aya waxaa horey uga dhexeeyey khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo ugu dambeyn sababay dagaalka maanta ka qarxay Wanlaweyn Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkani uu sababay khasaare kala duwan, waxaana waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose oo ku aadan dagaalkan iyo khasaaraha uu geystay. Sidoo kale waxaa billowday dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo xabadda ka billaabatay Wanlaweyn, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo maamulka gobolka. Wanlaweyn ayaa waxaa ku soo laa-laabta khilaafaadka dhinaca maamulka, waxaana horey uga dhacay dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. The post Dagaal culus oo ka qarxay degmada Wanlaweyn appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta waxaa Puntland isku wakhti loo fariistay Imtixaanka Ardeyda ka qalin jabinayaan Dugsiga Sare ee Galaaska 4aad iyo kuwa Digsiga Dhexe ka soo gudbaya Galaaska 8aad kuwasoo Xili dugsiyeedka 2022 bilaabaya Dugsiga Sare. Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Masuul ka ah Waxbarashada Puntland ayaa kormeerayaal ukala dirtay dhaan Goobaha Imtixaanadu ay ka dhacayaan. Sanadkii hore Ardeyda Puntland aad ayay u dadaaleen aad ayayna u yarayd Ardeyda ku dhacdey Imtixaanka, Wasaarada Waxbarashaduna waxay sheegtay sanadkii hore in Waxbarashada Puntland ay ku socoto qaabkii laga sugayay Ardeyda tasoo ah tayo ku salaysan Waxbarashada loogu talagalay Ardeyda, Sanadkaan Wasaaradu waxay rajaynaysaa in Ardeyda dhacaysaa ay ka hooseen doonto nambarkii kal hore, Maadaama Sare loo qaadey tayada Baarayaasha iyo Kormeeroda. Mdaxweynaha Puntland Daciid Cabdullaahi Deni oo iminka Muqdisho u jooga shaqo Qaran wuxuu Ardeyda u rajaynayaa guul. Puntlandi.com Bosaso The post Maanta waxaa Puntland ka bilowdey Imtixaanka Skuulada ee Shahaadada lagu qaato appeared first on . Source
-
Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxa haatan ka furmay shirka arrimaha doorashooyinka, ee u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, oo uu weheliyo gobolka Banaadir. Shirka waxa guddoominaya ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-gelaya dhammaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirka waxa ka maqan madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu hore u sheegay in uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay ra’iisul wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Shirka Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Paris)-Xukuumadda Faransiiska ayaa ku casuuntay Somaliland shirweynaha Madaxda Afrika oo ka dhacay caasimada dalkaas ee Paris. Safiirka Somaliland ee Faransiiska Mudane Cali Xassan Ismaaciil oo shirkaa ka qeybgalay ayaa u sheegay wargeyska Dawan inuu ka hawlgelayo sidii bulshada Somaliland u heli lahayd tallaalka xanuunka Covid19, oo go’aamadii ka soo baxay shirweynahaa ay ku jireen in laga taageero Afrika helitaanka tallaalada Covid-19. Safiir Cali Xassan ayaa dhinaca kale sheegay inuu ku ammaanayo bulshada Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi hannaankii nabadgelyada ahayd ee loo qabtay dabaaldegyadii sannadguurada 30aad ee maalinta madaxbanaanida Somaliland. Shir madaxeedkii Paris oo salaasadii la soo gebagabeeyey ayaa si weyn loogu taageeray sidii wadamadda Afrika looga taageeri lahaa dhinaca tallaalka xanuunka Covid 19-ka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar sii horreysay ku baaqay heshiis cusub oo Afrika loo sameeyo, taasoo isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ay tilmaameen kordhinta bartilmaameedyada talllaalka COVID-19 ee loogu talagalay Afrika dhammaadka 2021-ka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa boggaadiyey wada-hadallada doorashooyinka ee ka bilaabanaya gudaha magaalada Muqdisho, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isaga oo u tilmaamay in wada-hadalladan ay muhiim u yihiin ka gudubka xaaladda adag ee kala guurka ah ee haatan dalka uu ku jiro. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada inay gaaraan heshiis dhammeystiran, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. “Shirka maanta ayaa muhiim u ah geedi socodka Doorashooyinka xaaladda kala guurka si heshiis dhammeystiran ay u gaaraan ra’iisul wasaaraha & madaxda dowlad goboleedyada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Shirka arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay Teendhada Afisyoone ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u billowdo, waxaana ka qeyb-galay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiye shanta maamul goboleed ee ka jira dalka. Shirweynahan oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya. Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada-haya natiijada ka soo baxda shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble. Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka marxaladda adag ee kala guurka ah, waxaana dhammaaday muddo xileedkii dowladda dhexe, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka. The post Muxuu CC Sharma’arke ka yiri shirka wada-tashiga ee doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, wuxuuna noqday hoggaamiye goboleedkii ugu dambeeyey ee kasoo dega garoonka Aadan Cadde. Cali Guudlaawe ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmayo caasimada, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee xarada Xalane. Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa soo daahiyey xaaladaha adag ee ka jira magaalada Jowhar, gaar ahaan fatahaadaha iyo dadaalkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi. Muqdisho waxaa horey u soo gaaray madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo iyana qeyb ka ah shirka wada-tashiga qaran ee uu soo qaban qaabiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Inta uu socdo shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Shirka doorashooyinka ee Muqdisho oo isha lagu wada-hayo ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aanno culus oo dalka u jiheynayo doorashooyin loo dhan yahay. The post Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Illa iyo Afar qodob oo Ajendaha Shiraka Afisyooni ayaa la sheegaya in si horu dhac ah is afgarad uga gaareen madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka GoobJoog News ayaa ogaatay in guddiyo la saaray maalmihii lasoo dhaafay ay is afgara iyo xal ka gaareen illa iyo Afar qodob oo ka mid ah ajendaha shirka Teendhada waxaana ka mid ah 1: Arrinta Somaliland: in guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo . 2: Guddiyada Doorashada : Ra’iisul wasaare Rooble ayaa balan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muran san yahay , isla markaan uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay . 3: Gedo: waxaa muuqato in uu jiro tanaasul, ama maamulka Jubbaland lagu wareejiyo ama ay ku baxdo haddii deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta 4: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee Federaalka iyo AMISOM . Wixii ku soo kordha wararka doorashada kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi lagu xiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan gudaha magaaladaasi. Odayaasha la xir-xiray oo gaaray illaa 6 ayaa ah odayaasha dhaqanka beelihii dhowaan ku dagaalamay galbeedka magaalada Beledweyne ee caasimada ee gobolka Hiiraan, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Xariga odayaashan ayaa yimid, kadib markii laamaha amniga ay ka war-heleen in Al-Shabaab ugu yeeren Odayaasha labada beelood deegaanka Buq-Aqable oo ka mid ah deegaanada ay ka arrimiso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan odayaasha la geeyey saldhigga booliska Beledweyne halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo dheeraad ah oo la xiriira tuhunka ah inay u socdeen deegaanka Buq-aqable, si ay u fuliyaan amarka kasoo baxay Shabaab. Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyey waxgaradka magaalada, kuwaas oo waday dadaallo dhex-dhexaadin ah oo lagu daminayo xiisada dagaal ee ka taagan halkaasi. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee socda, waxaana dhowaan degmada Beledweyne wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba xiisada ka aloolsan Beledweyn ayaa saameyn ku yeelatay ammaanka magaalada iyo sidoo kale nolosha dadka deegaanka, waxaana hada socda dadaallo xal raadin ah. The post Ciidamada ammaanka oo xalay Odayaal ku xir-xiray BELEDWEYNE + sababta appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Washington)-Idaacadda Maraykanka ku taalla ee The World, ayaa warbixin ka qortay 30 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland oo dalka si weyn looga xusay 18kii bishan May, waxaanay idaacaddu ka warrantay guulaha ay Somaliland ka gaadhay xaga dawladnimada iyo dimuqraadiyadda. Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta The World ka diyaariyey Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahnayd sidii xamaasadaha lahayd ee reer Somaliland ugu dabaal-degeen muunaynta 30 guurada ka soo wareegtay Qaranimadooda. Waxa kaloo warsiduhu tilmaamay in kumanaan dhallinyaro ah ay boggaga baraha bulshada ku baahiyeen taageerada ay u hayaan calankooda iyo qaddiyadda Qaranimada Somaliland. Agaasimaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, Jaamac Muuse Jaamac ayaa Idaacadda The World u sheegay in da’yarta Somaliland ay ku dhasheen kuna dhaataan Somaliland oo kaliya. Waxa kaloo Jaamac Muuse uu nasiib darro ku timaamay in aanu wali caalamku aqoonsan Somaliland oo wax badan qabsatay kaligeed iyadoo aan taageero ka helin adduunka soddonkii sannadood ee la soo dhaafay. Sidoo kale, Ismaaciil Shirwac oo ah diblomaasi ka tirsan xafiiska Somaliland ku leeyahay Kenya, ayaa sheegay inay Somaliland ay xidhiidh diblomaasiyadeed la leedahay dalal badan oo caalamka ku yaalla. Waxa kaloo uu ku dooday in aanay shacbiga Somaliland mar kale la soo marinaynin midow dambe oo ay la galaan Soomaaliya. Ismaaciil Shirwac wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku raad joogto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalamiya, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii xoojiso dawladnimadeeda iyo hannaankeeda dimuqraadiyadda. The World wuxuu sheegay in Somaliland oo aan wali aqoonsi ka helin caalamku ay haddana ku guulaysatay dawladnimo, xasilooni iyo dimuqraadiyad. Source
