Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The African Union expressed its disappointment by Somalia’s decision to reject the appointment of former Ghanaian president John Mahama as the continental body’s High Representative to the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  2. The family of Somali-American businessman Mohamed Bashir Mohamoud whose body found at a Kerugoya hospital has denied he was involved in fake currency trade. Source: Hiiraan Online
  3. BRITAIN is to send 250 troops to Somalia as the country battles against Al Shabab terrorists. The move, to take place "within the next 12 months:", will represent the first official engagement of the new Army Ranger regiment. Source: Hiiraan Online
  4. Hoos ka daawo The post Daawo Madaxweyne Saciid Deni oo Shacabka la hadlay appeared first on . Source
  5. Mogadishu (HOL) - Somalia's leaders met for the second day in an attempt to find a solution to the nation's debilitating electoral crisis. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kasoo saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo maanta galay maalintii labaad. Shirka oo uu maanta shir-guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxaa laga sameeyay horumar wanaagsan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble. “Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan, waxayna falan-qeynta qoddobada dhiman sii socon doonaan ilaa maalinta berri ah. Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirka doorashada ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay. The post Xafiiska Rooble oo ka warbixiyey natiijada shirkii maanta ee doorashada appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ka socda saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku bogaadiyay barnaamijka diiwan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, halkaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay, hirgelinta hannaanka xisbiyada badan si shacabka Puntland loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan, waxaana uu ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo taabba-gelinta barnaamijkaas. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan ardayda Reer Puntland ee Sabtidii shalay u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay habsami u-socodka Imtixaanaadka. Halkaan ka daawo hadalka madaxweynaha oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Ma taqaanaa dalka weli dadka madow loogu yeedho addoon? Reem Khougli iyo Issam Abdulraheem Waraaqehena taxana ah ee ay qoreen weriyaasha Afrikaanka ah, waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa qormada Zeinab Mohammed Salih oo ku saabsan midab takoorka ay la kulmaan dadka madow ee Sudan. Digniin: Qormadan waxaa ku jira erayo la dhibsan karo Iyadoo ay dunida ka socdaan dibadbaxyo kala duwan oo looga soo horjeedo midab-takoorka kaddib dilkii George Floyd hase yeeshee Suudan waxay u muuqataa iney ku taallo duni kale. Hashatagii baraha bulshada qabsaday ee #BlackLivesMatter, Suudaan aad loogama hadal hayn; badalkii taasna waxay ku mashquulsanaayeen arrin barahooda bulshada qabsatay oo ku saabsanyd midab takoor lagula kacay cayaarhan caan ah kubadda cagta dheela oo lagu magacaabo Issam Abdulraheem, oo ah madow. Issam ayaa waxa uu guursaday Reem Khougli, oo ah gabadh Carab ah waxaana baraha bulshada lagu baahiyay qoraalkan. “Xaqiiqatan waa xaaraam in boqorad uu guursado addoon,” nin ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaa sidaasi qoray kaddib markii uu arkay sawirka lammaanaha. Tebintii tooska ahayd ee Facebook ee toddobo baxoodi Tobanaan falcelino oo la mid ah kuwaasi ayaa qabsaday barta Faceebook ee ay bulshada ku wada xiriirto, layaab malahan sababtoo dadka reer Suudaan waxay isu arkaan iney Carab yihiin badalkii Afrikaanimada. Erayga “addoon” waxaa lagu qeexaa dadka madow. Suudaan waxaa u badan dadka midabka furan oo ku hadla luuqadda Carabiga ah, halka daka madow ee Afrikaanka ah ee deggan koonfurta iyo galbeeddka dalka ay la kulmaan mida-takoor iyo faquuq. Waxaa caan ka ah dalkaasi in wargeysayada lagu daabaco erayo takoor xambaarsan oo uu ka mid yahay erayga “addoon” Qarnigii 19-naad Suudan waxay ka mid ahayd goobihii ugu ugu darnaa ee ka jiray ganacsiga addoomada Dadka madow ee yar Dhacdo kale oo dhacday dhowaan ayaa iyadana ku saleysnayd midabtakoor oo madaxa Ururka Udooda Xuquuqda dumarka ayaa ka falcelisay sawir muujinaya nin madow ah iyo xaskiisa oo reer Yurub ah. Waxay tiri labadaan qof waxay kala yihiin sida farqiga u dhaxeeya bini’aadan iyo daanyeer. Suudaan midabtakoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gumeysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midabtakoor ba’an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nubian-ka. Dhammaan saraakisha sarsare ee milatariga waxaa haysta qowmiyadahaasi, sidoo kale waxay awood ku leeyihiin waaxda ganacsiga. Ganacsiyadii addoonsiga ee Suudaan Midabtakoorka Suudaan waxaa uu la bilwoday aasaaskii khartuum ee 1821-kii, xiligaas oo ay magaalada ahayd suuqa kala iibsiga addoomada. Al-Zubair Pasha Rahma was a powerful slave trader Ilaa haatan ganacsadayaashii addoomada weli waa laga ixtiraamaa Suudaan oo waxa jirta waddo ku taalla bartamaha magaalada oo lagu magacdary al-Zubair Pasha Rahma oo qarnigii 19-naad caan ku ahaa ganacsiga addoomada. Ganacsiga addomaha waxaa meesha laga saaray 1924-kii balse go’aankaasi waxaa ka soo horjeestay hogaamiyashi Carabta ee xilligaasi waxaa ka mid ahaa Abdelrahman al-Mahdi iyo Ali al-Mirghani, oo ay dad badani aaminsan yihiin iney addoomo badan uga shaqeynayeen dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka webiga Niil. The superiority complex of many Arabs lies at the heart of some of the worst conflicts in Sudan” Zeinab Mohammed Salih Sudanese journalist Laba cilmi baarayaal oo reer Suudan oo lagu kala magacaabo Sulimen Baldo iyo Ushari Mahoumd ayaa 1987-dii shaaca ka qaaday cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah kooxaha waqooyiga Suudaan oo adoonsanaya dadka madow ee koonfurta. Waxay shegeen in kooxahaasi ay hubeynayeen milatariga Sadiq al-Mahdi. Sadiq al-Mahdi Addoonsigii qarnigii 21-aad ee Suudan Tan iyo xornimadii Suudaan, waxaa dalkaasi hareeyay dagaallo ay horseedeen aragtiyadii xubna ka tirsan Carabta Suudaan oo isku arkayay iney ka wanaagsan yihiin dadka madow. Weerarrada gumeysiga koonfurta ee la soo werinayay ayaa socday tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee 2005-tii. Haweenkii iyo caruurtii ee ay afduubteen kooxihii Carabta si ay ugu shaqeeyaan ayaanan weli xornimadoodii helin oo aan dib u arakin qoysaskoodii. Dhanka kale tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Darfur horraantii 2000 maleeshiyadii Carabta Janjaweed ee taabacsanayd dowladda ayaa lagu soo eedeyay iney dil iyo kufsi u geysteen dadka madow. Mass atrocities have been carried out in Darfur Isbadalkii 2019-kii ayaa waxaa lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar ah kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii Cumar Xasan Al-bashiir hase yeeshee ilaa haatan ma cadda hab wax looga qabanayo midab-takoorka ka jira dalka Suudaan. Qaran News
  9. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falastiin leedahay uu yahay “jawaabta kaliya” ee dagaalkan. Biden ayaa ka hadlay Aqalka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xamas iyo Israel, kaasi oo ka dambeeyey 11 maalmood oo ah dagaal ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, oo badankood ahaa shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Gaza. Biden ayaa hoos u dhigay fikradaha la xiriira in dagaalkii Gaza uu khilaaf ka dhex-abuuray Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii tobaneeyo ka mid ah ay Biden ku khilaafeen wax ay ugu yeereen “diblomasiyad jilicsan” oo ka dhan ah Israel oo ay xulufo yihiin, kadib markii uu si shaacsan u dalbaday xabad-joojin. “Xisbigeyga weli wuxuu taageeraa Israel,” ayuu yiri Biden. “Aan kala caddeeyo arrintaas, illaa gobolka uu si cad u garowsado xaqa ay Israel u leedahay inay u jirto dal madxa-banaan oo Yahuud ah, nabad ma jiri doonto,” ayuu ku daray. Xabad-joojinta Gaza ayaa waxaa ka shaqeeyey Masar kadib markii Mareykanka ay ku cadaadiyeen Israel inay qaboojiso ololaheeda Gaza. Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo gobolka “si uu uga xaajoodo dadaalla da dib usoo kabashada iyo wada-shaqeyn ku aadan mustaqbal u wada wanaagsan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.” AP + VOA The post Ma is-bedeshay siyaasaddii Joe Biden ee ku wajahneyd Israel kadib dagaalkii Gaza? appeared first on Caasimada Online.
  10. Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka ,oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maalintii labaad ku soo idlaaday xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto. Waxa shir-guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir. Dhinacyada shirsan ayaa goor dhowayd shaaciyay in shirku si wanaagsan ku soo idlaaday, balse faahfaahin kama bixin ajandaha maanta looga hadlay shirka. Wararka qaar ayaa sheegaya, in arrinta la xiriirta kuraasta Somaliland ay ahayd ajandaha ugu muhiimsan ee maanta looga dooday shirka, haddana aan weli is-faham laga gaarin. PUNTLAND POST The post Shirkii Muqdisho oo maalintii labaad soo idlaaday appeared first on Puntland Post.
  11. Abdisamad Ali Shire passed away in Mogadishu. Garowe (PP News Desk) — The former Puntland Vice Abdisamad Ali Shire was laid to rest in Garowe. Abdisamad passed away in Mogadishu, where he was undergoing treatment. Abdisamad was elected a Vice President in 2009 to serve under President Abdirahman Mohamud Farole. Before 1991 Abdisamad was a career soldier, who had been promoted to the rank of brigadier general in the Somali National Army. President Mohamed Abdullahi Mohamed has sent a message of condolence to the family of the late Abdisamad Ali Shire. Puntland President Said Abdullahi Deni paid a tribute to the late Puntland Vice President whom he described as hardworking, loyal and peacemaker. Abdisamad was living in Hargeisa before he had fallen ill. The President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed sent a message of condolence to the family of the late Abdisamad Ali Shire. © Puntland Post, 2021 The post Former Puntland Vice President Laid to Rest appeared first on Puntland Post.
  12. Makkah (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadashay xajka sanadkaan iyo qaabka uu noqon doono, iyadoo soo rogtay amaro hor leh oo ku saabsan xajka sanadkaan 2021. Dowladda Sacuudiga ayaa ugu horeyn sheegtay in sanadkaan xajka loo ogolaan doono illaa 60,000 oo qof oo 10 kun oo kamid ah ay ka xajin doonaan gudaha Sacuudiga, halka 50-ka kun ee kale ay ka imaan doonaan wadamada Adduunka. Dowladda Sacuudiga weli ma aysan caddeyn sida dowladaha Caalamka loogu qeybinayo tirada 50-ka kun ee la ogolaaday inay banaanka kasoo xajiyaan, balse waxay dowladda Sacuudiga sheegtay in arrintan ay wada-hadal ka yeelanayaan Wasaaradaha Xajka iyo Caafimaadka ee Sacuudiga iyo wadamada loo ogolaan doono in laga soo xajiyo. Dadka doonaya inay xajiyaan sanadkaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo si gaar ah loo ansixiyey illaa 4 nooc oo talaalka COVID19 ah oo ay aqoonsan tahay Sacuudiga iyo Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Qofka doonayo inuu sanadkaan soo guto waajibaadka xajka ayaa sidoo kala waxaa laga rabaa inuu qaato labada qeybood ee talaalka, sidoo kalana uu la yimaado baaritaan muujinayo inuusan qabin cudurkaan, mana la aqbali doono haddii uu baaritaankiisa kasoo wareego wax ka badan 70 saac ka hor inta uusan sacuudiga Imaan, waxaana xusid mudan in karantiil 3 maalin ah la gelin doono marka uu qofka yimaado Sacuudiga. Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka loo ogol yahay xajka sanadkaan ay da’dooda u dhaxeyn doonto 15-60 sano jir, waxaana taas sabab looga dhigay in dadka ka weyn 60 jir ay u nugul yihiin qaadista iyo halista cudurka Corona Virus. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay diyaarisay qaabab loo xajinayo si looga fogaado halista cudurka Covid19, waxaana dadka la dajin doonaa Hoteelo si gaar ah looga diyaariyey iyo gawaari gaar ah oo u daabuli doono Carafo, Musdalifa iyo Mina. Sanadkii 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol yahay inay xajka tagaan, waxaana sanadkii hore la ogolaaday illaa 1,000 muwaaddin oo Sacuudi ah iyo dadka deggan boqortooyada. The post Sacuudi oo go’aan rasmi ah kasoo saartay Xajka sanadkan appeared first on Caasimada Online.
  13. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay in Gen. Xijaar masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida amniga loo sugi lahaa. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale uu sheegay in dowladda Federaalka diyaarisay qorshaha lagu sugayo amniga doorashada dalka. Wasiir Xundubey ayaa tilmaamay in ay haatan sugayaan oo kaliya in Shirka Madaxda DF iyo maamul goboleedyada dalka uga socda Muqdisho heshiis lagu gaaro la iskuna raaco fulinta qorshaha amniga. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay madaxa AMISOM appeared first on Puntland Post.
  14. A leader of Yemen's Iran-aligned Houthi movement on Sunday dismissed U.S. sanctions on military officials and threatened possible expanded attacks on "aggressor countries" after Washington urged the group to engage seriously in peace efforts. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey xiliga lagu wado in lasoo afmeero shirka qaran ee wada-tashiga doorashooyinka dalka. Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay isku horfadhiyaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lagu daahi doonin, maadama is-faham horudhac ah laga gaaray qoddobo xasaasi ah oo ay ka dhaqaaqi waayeen shirarkii hore. Waxa uu xusay in shirka wada-hadalada doorashada lasoo xiri doono maalinta berri oo ku beegan 24-ka bisha May, isagoona hoosta ka xariiqay inay suurta-gal tahay in maalin iyo labo ay ku darsanto mudadaas, taasi oo ka dhigaysa in shirka uu soo afmeeri doono Isniinta ilaa Arbacada inta u dhaxeysa. “Waxyaabaha qaar waa laga wada-hadlay, bilow wanaagsan ayuu ku furmay. Rajada waxay tahay inaan aad loogu daahi doonin shirka, ilaa Isniinta uu soo dhamaan doono, laakiin waa dhici karaa in maalin iyo labo ku darsanto,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey. Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha laga wada-hadalayo hore la iskula meel dhigay, iyadoo xiligan la isla meel dhigayo arrimaha tifaftirka u baahan, isaga oo meesha ka saaray in wax dhibaato ama carqalad ah ay ka taagan tahay arrimaha amniga. Shirka doorashada ee ka socda Muqdisho ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay. The post DF oo shaacisay xilliga lasoo xirayo shirka doorashada appeared first on Caasimada Online.
  16. Ku dhowaad 50 qof oo ka mid ah Yuhuudda lagu degaameeyay bariga magaalada barakaysan ee Quddus ayaa gudaha u galay maanta Masjidka Al-Aqasa xilli ay halkaasi ku cibeedeysanayeen muslimiinta reer Falastiin. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in booliska Israa’iil ay goor hore oo maanta ah weerareen Falastiiniyiin salaadda subax ku tukanaysay masaajidka, iyagoo si xad dhaaf ah u garaacay dadkii cibaadeysanayay, si ay fursad u siiyaan rabshad wadayaal Yuhuud ah. Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarka iyo rabshadaha ay Israa’iiliyiintu ka geysteen masjidka barakaysan ee Quddus, waxanay Ankara sheegtay inay Yuhuuddu ka xuntahay damaashaadka iyo guulaha ay gaareen dadka reer Falastiin. Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo xabad joojin jilicsan ay kajirto magaalada go’doonsan ee Gaza, ka dib 11 duqeymo ah oo ay halkaasi ka wadday Israa’iil. PUNTLAND POST The post Rabshado horleh oo dad falastiiniyiin ah iyo Boliiska Israa’iil ku dhex maray Quddus appeared first on Puntland Post.
  17. Based on a real-life case from 1952, Nadifa Mohamed’s captivating novel is teeming with character and evocative of its time. Bute Street in Tiger Bay, Cardiff, pictured in 1950, when the area was home to a diverse population of Somali, west African, Arab, Caribbean and Greek families © Hulton Archive/Getty Images In 1998, the wrongful conviction of a brutal murder that had occurred in Cardiff’s docklands 46 years earlier was quashed at the Court of Appeal. The clearing of his name — the first posthumous pardon of this kind in British history — came too late, however, for Mahmood Mattan, a 28-year-old British Somali who, on September 3 1952, following a three-day trial, was the last person to be hanged at Cardiff Prison.There was no forensic evidence that Mattan had committed the crime — the violent throat-slashing of a well-known local shopkeeper, Lily Volpert, was in fact part of a botched robbery — the testimony of various alleged witnesses was unreliable, and Mattan continued to insist he was innocent. But the odds were stacked against him from the start. What is now recognised as institutionalised racism — in addition to the payment of a reward to the prosecution’s main witness, the exclusion of vital evidence, and Mattan’s own defence referring to him as a “semi-civilised savage” — led to the state-sanctioned killing of a young man. He left a widow and three small sons. It’s a grim, desperate and horribly familiar story, and The Fortune Men, Nadifa Mohamed’s blistering novel about the case, could have been written in a bleak, sober style to match. The fact that it isn’t is something of a triumph on the part of the author. Mohamed, who was born in Somalia in 1981 and has lived in Britain since she was a child, has written a deeply engaging book about race and injustice. The Fortune Men can be read as a comment on 21st-century Britain and its continued troubled legacy of empire, but also as a beautifully judged fiction in its own right — teeming with life, character and humour, and, particularly, evocative of place. The setting is Butetown, known locally as Tiger Bay (Bae Teigr in Welsh), the Cardiff docks area that was historically one of the most culturally diverse — and poorest — parts of the Welsh capital. By the 1950s, Tiger Bay was home to an “army of workers” from more than 50 countries, “dredged in to replace the thousands of mariners lost in the war.” The cheek-by-jowl housing reflected this mix — neighbours might attend the mosque, or celebrate the Jewish holiday of Purim, all visualised by Mohamed in a noisy, cinematic rush. Mahmood Mattan is one of these drifting workers, a former ship’s stoker originally from what was then British Somaliland. Mohamed doesn’t portray him as a saint, and this is imperative in making his guileless downfall so wrenching to witness. As the book opens, he is down on his luck, barred from many casual jobs due to openly racist policies. To survive, he operates as a petty thief and small-time gambler on the horses and on poker: cocky and charming but also quiet, with a homburg hat pulled low. Acquaintances refer to him as “the Ghost.” He has only basic English and, as he is to discover, a misplaced faith in British justice. Mattan’s wife Laura is white and Welsh — they had married within three months of meeting and the family is subject to mistrust and overt racist abuse. As the novel opens, the couple has separated and Mattan is living in a run-down boarding house for “coloureds” run by the Fagin-like elderly Jamaican, Doc Madison, also a former merchant seaman: “his iron-post bed piled high with pillows and floral quilts have the look of an oriental shrine, a still point of majesty and judiciousness, while his purple silk pyjamas just add to his regal air.” Doc is one of the stand-out essentials in a varied cast that includes the murdered woman and her family. Lily Volpert is renamed here as Violet Volacki; she runs a general shop called Volacki’s, which her father set up 40 years earlier, living on the premises with her widowed sister Diana and Diana’s young daughter Grace. Mohamed has created a vivid back-story for Violet that is no less poignant than that of Mattan. The eldest of three sisters, Violet is unmarried and is haunted by nightmares of relatives in Europe who have recently met a terrible end, fearful for the family’s safety as Jews: “this patch of earth, reclaimed from marshland and still liquid, deep within the foundations, is all the sanctuary they have.” Diana and Grace are eating supper in the back room one cold, rainy evening in March 1952 when Violet leaves them to answer an unexpected late ring of the shop doorbell. Mohamed — whose first novel Black Mamba Boy (2010) was a stunning semi-biographical account of her father’s life in pre-war colonial Yemen and beyond — moves faultlessly from the cacophony of Butetown to describe the claustrophobia, camaraderies and hostilities of prison, where Mattan is now incarcerated and awaiting trial. Memory provides a rich landscape to counter the mundanity and anxiety of his days, buoyed by visits from Laura and his sons, as he recalls growing up in the so-called British “protectorate” of Somaliland, and his long erratic journey to “the end of a hangman’s noose”. Source: Financial Times The post The Fortune Men — a blistering story of racial injustice in Wales appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan ammaanka doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya. Xundubey ayaa marka hore shaaca ka qaaday in saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha loo qorsheeyey doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay, haddii heshiis buuxa lagu gaaro shirka ka socda Teendhada Afisyooni ay si rasmi ah u bilaaban doonto doorashada. “Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayae doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dhowaan Muqdisho ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo mucaaradka, kaas oo keenay in intooda badan ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga laga saaro gudaha caasimada, kadib dagaallo culus oo ka dhacay. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid yare deggan, waxaana jawi qurux badan ku billowday shirka ka socda Afisyooni oo lagu jiheynayo doorashooyinka 2021-ka. The post DF oo meesha ka saartay shaki ay doorashada ka qabeen musharraxiinta mucaaradka appeared first on Caasimada Online.